Magciiisu waxa uu ahaa Xaaji Xuseen Jaamac Iidle (XaajI diide), Waxa uu baal dahab ah ka geley halgenkii gobonnimo doonka Djibouti, waxa uu ka mid ahaa hantiilayaashii geeska Africa ugu weynaa qaybtii danbe ee qarnigii 19aad. Isaga ayaa asaasey waaxda ganacsiga ee Djibouti (Chamber de Commerce de Djib),waxa uu waqfi ahaan ula baxay hanti aan la soo koobi karayn sida masjidka magiciisa xanbaarsan, Dhulka ay ku fadhido wasaaradda gudaha ee Djibouti iyo…..
Djibouti-(Lug)-Ka dib markii uu mid ka mid ah akhristeyaasha Lughaya news oo la yidhaa Haybe kuna sugan dalka Holland uu 6-dii bishan April akhristeyaasha iyo qoreyaasha Lughaya news soo waydiiyey magicii iyo taariikhdii Xaaji Diide ayaa waxa na soo gaadhey jawaabo arrintaasi laga bixiyey waxaana ka mid ahaa ninka la yidhaa Axmad Daahir Aadan oo nagala soo xidhiidhey dalka Djibouti oo ugu horreyn aad ugu mahadceliyey bahda Lughaya News, si gaar ahna ugu hanbalyeeyey wariye Cabdalle Cali Yusuf oo uu sheegey inuu qurbojoogta reer Awdal ka hagar tiro soo gudbinta wararka iyo waayaha dalkooda.
Axmad waxa kale oo uu sheegey in Xaaji Diide leeyahay taariikh weyn oo siyaasadeed iyo mid ganacsiba, tusaale ahaan waxa uu ahaa buu yidhi ganacsade hanti ballaadhan ku lahaan jirey dalka Djibouti, sidoo kale waxa uu ahaa buu yidhi ninkii gumeysigii Fransiiska saan xoolaad kaga saxeexay in ay Djibouti tahay dhul Somaliyeed, haseyeeshee uu Faransiisku markii danbe dalkaasi ku beerey dadka imika deggan sida uu Axmad sheegeyo loona bixiyey dhulka Cafarta iyo Ciisaha, dabadeedna Djibouti loo bixiyey markii xorriyadda la siiyey.
Dhinaca kale taariikh yahanka weyn ee la yidhaa Faarax Celi oo isaga qudhiisu Djibouti naga la soo xidhiidhey ayaa si faahfaahansan uga warramay dhinacyo ka mid ah taariikhdii Xaaaji Diide alle ha u naxariistee. macluumaadkaasi oo uu qoraagu sheegey inuu ka soo xigtey qoraal uu mar hore soo saarey golaha sare ee arrimaha Islaamka ee Djibouti iyo dad ay isku dhawyihiin Xaaji Diide, islamarkaana Carabi ku qornaa dabadeedna ay Lughaya News Somali u rogtey ayaa u dhignaa sidan:
1. Ugu Horreyn Abtirsiiintii Xaajiga Iyo Meelihii Uu Ku Barbaarey: Xuseen (Xaaji Diide) Jaamac Iidle Geedi Baileh Xasan Simane Axamad Xuseen Maxamad Makaddoor Siciid Samaroon Al –Zeylici Al-Caqiili. Waxa uu ku dhashey deegaanka Lughaya ee gobolka Awdal wuxuuna ku geeriyoodey magaalada Djibouti 1920kii.
2. Tafiirtiii Xaajiga: Xaaji Diide waxa uu dhalay wiil iyo gabadh la kala odhan jirey Maxamuud Xaaji Diide iyo Cajaa`ib Xaaji Diide, haseyeeshee wakhtigan xaadirka ah waxaa tafiirtii Xaajiga ka nool dhowr gabdhood oo ay Cajaa`ib Xaaji ayey u tahay.
Ganacsi ahaan: Xaaji Diide waxa uu ka mid ahaa ganacsatadii geeska Africa ugu magaca weynayd xilligii gumeysiga iyo ka horba, ganacsigiisu waxaa xarun u ahaan jirtey magaalada Zaylac, kadib markii dekadda Djibouti la fureyna halkaasi ayuu u digo rogtey wuxuuna ka mid ahaa madaxdii asaastey waaxda ganacsiga Djibouti ( chamber de commerce) sida uu qirey guddoomiyihii hore ee waaxdaasi Marxuum Siciid Cali Kubeysh.
Si kastaba ha ahaatee ganacsiga Xaaji Xuseen Jamaac Iidle (Xaaji Diide) kuma ekeyn kaliya Zaylac iyo Djibouti balse waxa uu saldhigyo ku lahaan jirey ama uu badeecadaha u kala diri jirey magaalooyin ay ka mid ahaayeen Diridhaba iyo Herer oo Ethiopia ka mid ah.
Sidoo kale waxa la sheegey in uu xoolo kala duwan ku lahaan jirey woqooyiga Somalia gaarahaanna deegaannada u dhexeeya Zaylac iyo Lughaya oo ay qoyskiisa qaar ka mid ahi deganaan jireen.
Xaaji Diide waxa lagu xusuustaa waxqabadyo badan oo samafal ah oo uu ka fuliyey Djibouti, iyada oo aan la soo koobi karayn tabarrucaatkii sheekha oo aan cidi diiwaan gelin wakhtigaasi maadaama uu dadku xilligaasi waxba qori jirin, haddana iyada oo ay sidaa tahay ayaa waxaynnu soo qaadan karnaa qodobadan hoos ku xusan:
1. Waxyaabihii Uu Same Faluhu Dar Ilaahay Ula Baxay: waxa la sheegaa in tabarruca Sheekhu uu intan la ogyahay ka badnaa balse la baylihiyey marar badan ama lagu takrifalay loona adeegsadey dano gaar ah.
2. Masjidka Weyn Ee KU Yaal Xaafadda 2aad ee caasimadda Djibouti ee xanbaarsan magaca Xaaji Diide oo ah masjidkii ugu horreeyey ee laga taagey Djibouti, inkasta oo la aaminsan yahay inuu masjidka Xamuudi ahaa midkii ugu horreeyey masaajidda Djibouti. Waxaase xaqiiq ah in dhulka uu masjidkaasi ku fadhiyo laga iibsadey maamulkii Faransiiska sannadkii 1906 dii, iyada oo la ogyahay in Djibouti la degey ka hor sannadkii 1896, masjid Xaaaji Diidena la dhisey 1900 kii ka hor. Sidaas awgeed waxaa marag ma doon ah in Masjid Xaaji Diide yahay midkii ugu horreeyey ee Djibouti laga dhisey.
Masjidkan waxa soo qabtey jagadiisa imam-nimo tan iyo markii la asaasey culimadan hoos ku qoran:1. Maxamad Nagiib 2. Cismaan Yuusuf 3.Fiqi Axmad4. C/lle al-Ahdal 5. Nasiim C/lle Al-Ahdal.
Waxa kale oo isaga danbeeyey ilaalinta iyo kormeerista hantida waqfiga ah ee Sheekh Xuseen Jaamac ( Xaaji Diide) nimankan hoos ku qoran:1.Sheekh Aadan oo ay ilmo adeer ahaayeen Xaajiga 2. Cali Miicaad Wacays oo ka tirsan isla beesha uu sheekhu ka soo jeedo ee habar Xuseen ama Bahabar Celi. 3. Ibraahiim Baxar Bookh oo ay ilmo adeer ahaayeen Xaajiga. 4. Macalin Ibraahim oo ay isku reer ahaayeen Xaajiga, ahna ninka kaliya ee ka nool ilaaladii tabarrucaadka xaajiga, waana horjoogihii ugu danbeeyey ee awqaafta xaajiga ka masuulka ahaa, ka hor intiii aan arrimaha waqfiga lagu wareejin wasaaradda arrimahaasi qaabilsan.
3. Sidoo kale waxyaabaha uu Xaajigu dar alle ula baxay waxaa ka mid ahaa dhulka uu ku fadhiyo dugsiga Fransiiska ah ee lagu magcaabo Xaaji Diide. iyo Dhulka ay ku fadhido xarunta horumarinta bulshada ee Djibouti ee lagu magcaabo Xaaji Diide.
4. Xaajigu sidoo kale 30 guri ayuu u bixiyey waqfi ahaan si ay dayactirka iyo koolkoollinta masjidkiisa uga qayb qaataan, 30 kaasi guri oo ku kala baahsan Caasimadda Djibouti gaarahaanna xaafadda (Guudka) ayaa si qaldan loogu takrifaley oo qaarkood la iibiyey qaarkoodna la iska qaatey.
Sidoo kale Sheekh Xuseen Jaamac Iidle (Xaaji Diide) waxa uu dar ilaahay u bixiyey guryo iyo dhul badan, tusaale ahaan isaga ayaa bixiyey dhulka ay ku fadhido waaxda ganacsiga Djibouti iyo waliba dhulka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalkaasi.
Dhinaca kale Xaaji Xuseen Jaamac (Xaaji Diide) waxa uu leeyahay taariikh halgan iyo gobonnimo doon ah oo uu jiil ba jiil ka dhaxley islamarkaana lama illaawaan ah, tusaaale ahaan waxa uu laf dhuug istaagtey ku ahaa intii uu noolaa gumeysigii Fransiiska oo uu ka hor istaagey hirgelinta ujeedooyinkii uu u socdey. Alle ha u naxariisto Xaaji Xuseen Jaamac Iidle (Xaaji Diide) hana ka waraabiyo jannadiisa ballaadhan.
waxaa soo ururiyey wakhti badanna ku bixiyey: taariikh yahan Faarax Celi -Djibouti
FG: hoos ka fiiri qoraalkii uu taariikh yahan Faarax Celi noo soo direy oo Carabi ah:
















marka hore waxa mahad iska leh ilaahay, marka labadna waxan u mahad naqayaa cidkasta oo gacan kagaysatay soo ururinta taariikhdii Alla ha unaxariistee Xaaji Diide taasoo ah mid aan marnaba qarsoomi karin. waxa kale oo aah halkan uga mahad celinayaa bahda lughaya news oo qayb libaaxka qaadatay baahinta iyo soo noolaynta taariikhda iskuna taxalujisay inay dadka xasuusiyaan taariikhda iyo halgankii dheeraa ee uu soogalay xaajigu.
Asc aad ayaan idiin salaamay wll dhamaan aqoonyahanada ka qayb qaatay hawshan dadaalkaana aad u wada ( waxa jira tartan qabiilaysan oo ka dhex socda somalia ee dhankiina haya umada samaroon wacyi galiye waad mahadsantihiin