SAYLICI IN UK

Mudane Eng Zaylici oo Si Diirran Loogu soo Dhaweeyay London UK
Soo Dhawoow Saylici Soo Dhawoow Saylici – ( Change Has Come To London UK)

Waxa habeenkan caawa ah  (12/01/09) kasoo degay dhabaha diyaaradaha Caalamiga ah ee London Heathrow, musharaxa madaxwene xigeenka xusbiga KULMIYE, mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil – Saylici.   Loomana kala hadhin soo dhaweynta safarkan taariikhiga ah ee Mudane Saylici.

 Mudane Saylici  waxa si diirran ugu soo dhaweeyay dhabaha diyaaraddaha, taageerayaasha isbadal doonka ah ee xusbiga KULMIYE UK, madax ka tirsan xusbigan iyo dadweyne fara badan.   Quraba jooga Salal iyo  Awdal iyo somaliland UK uma kala hadhin soo dhaweynta Mudane Saylici

Soo Dhawoow Saylici Soo Dhawaynta Saylici

Dadyoowga sida diirran  u qaabilay Mudane Saylici ayaa waxay kala ahaayeen:Dr Maxamad Cabdilaahi Cumar -Xoghayaha Arrimaha dibada ee xusbiga KULMIYE; Mudane Ibraahim Xuseen – Guddoomiyaha Xusbiga KULMIYE ee UK/Europe; Cabdi Daahir  Cabdi Bacaw- Guddoomiye Xigeenka Xusbiga KULMIYE ee UK/Europe; Cabdi Cali Mahdi – Guddoomiyaha KULMIYE (West  London);  Mudane Maxamad Casayr- Guddoomiyaha KULMIYE (South  East London);  Axmad Caddare – Xubin KULMIYE UK.

dsc02798

Iyo xubno kale oo tiradoodu kor u dhaaftay soddomeeye qofood. Iyo dadyoow kale oo aad u tiro badan oo ilaa iyo imika ku soo qulqulaya guriga lagu soo dhaweeyay Mudane Saylici ee ku yaalla xaafadda Neesden ee galbeedka magaalada London

Xubnaha KULMIYE ee Awdal/Salal UK ee sida habsamida leh u qaabilay una soo qaban-qaabiyay soo dhaweynta mudane Saylici, waxa hormood ka ahaa mudane Mudane Cali Xaamud Jibriil. Waxa kale oo ku jiray salaadiin cuqaal, dhalinyaro iyo waxgarad  kasoo jeeda Awdal/Salal. Kuwaasi  oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Xaaji Maxamad Siciid; Suldaan Yuusuf  Suldaan Cali Cilmi; Ibraahim Daahir Cilmi; C/Jibbaar Maxamad Rabiile Good,  Cabdi Cumar Barre (oo ka socda Xariirad/Salal); Axmed-Wali Goth ; HiilDanYare (Boon/Salal);  Ojor Daahir Ojor; Liibaan Jaamac Rabiile Good.  Iyo xubno kale oo tiro badan oo magacdooda an halkan lagu soo wada koobi karin.

Soo Dhawoow Madaxweyne Iyo HiilDanYare oo idin leh;  Soo Dhawoow Madaxweyne

Mudane Saylci muddo gaaban ayuu joogi doonaa London UK , isagoo ka qayb qaadan doona shirweyne ballaadhan oo laamaha xisbiga KULMIYE  iskugu iman doonaan London UK. Iyo kulamo kale oo la xidhiidha baaraarujin iyo wacyi galin ku wajahan Isbadal doonka Somaliland ee qurbaha ku nool. 

 Barre; Ojor; Suldaan; Caddare

Wararkayaga danbe ayaanu idinkula soo socdsiin doonnaa, dhaq-dhaq-qaaqyada iyo soo dhawynta Mudane Saylici iyo wixii kale ee macluumaad ah ee la xidhiidha safarkiisan taariikhiga ahba. Isbadalbaynu doonaynaa, isbadalna wuu innoo yimid.

   
 dsc027812 

  ……………………………………………….             ……………………………………………….

 Kulankii Madaxweyne Saylici iyo Jaalliyada Awdal/Salal/Gabiley-Uk

dsc028691

Kontomeeye xubnood oo xul ah, iskuguna jira Rag iyo Dumar, oo leh tayo (quality),isla mar ahaantaana matalaya jaalliyaddaha Awdal, Salal iyo Gabiley.  Ayaa waxay shalayto galabtii (25/01/09),  iskugu soo xoomeen goob ka tirsan xaafadda Wembley ee galbeedka London, si ay ula kulmaan mudane madaxweyne Engineer Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil – Saylici. 

Jaalliyadda Awdal/Salal/Gabiley Jaalliyadda Awdal/Salal/Gabiley

Kulankani oo si habsami leh ay usoo qaban qaabiyeen jaaliyadda goboladaasi ee gaar ahaan ku nool galbeedka London. Wuxu ahaa kulan iskugu jira xog warran, wax is weydiin iyo war celin xubanahani is dhaafsadeen.  Mudane Saylici ayaana wuxu jaalliyaddan ugu xog warrammay xaallada siyaasadeed, dhaqan-dhaqaale iyo Ijtimaaci ee geyiga Somaliland, gaar ahaanna gobolada Awdal/Salal/Gabiley.

Looma kala hadhin Looma kala hadhin

Engineer Saylici, wuxu u sheegay jaalliyadani iyaga ah, in goboladani ay xuquuqdooda ku waayeen mansabka magaca madaxweyne ee ay dalka ka hayaan.  Wuxuna si weyn ugu tiiq-tiiqsaday in loo baahanyahay midnimo lagu raadsado xuquuqdii goboladan.

Xubnaha kasoo qaybgalay shirka Xubnaha kasoo qaybgalay shirka

Mudane Madaxweyne Engineer Saylici wuxu si hufan uga digay in  hadal qaadida magaca madaxwenuhu aanay caqabad ku noqon raadinta xuquuqdeena oo an loo arag in looga dan leeyahay reero gaar ah.  Bulshoweyntii halkaas iskugu timidayna wuxu u sheegay inuu ka filayo taageero siyaasadeed oo hiil iyo hooba leh. Taasi oo haddii ay siiyaan iyo hadii ay siin waayaanba uu kolleyba yahay nin mar walba u heelanaan doona dayac tirka gobolka uu ka soo jeedo.

Suldaan Yuusuf iyo Cali Suldaan Yuusuf iyo Cali

Xubnaha kale ee halkaas sida diirran ugu soo dhaweeyay una taageeray Mudane saylici waxa ka mid ahaa; mudane Axmad-wali Sh. Cumar Good. Axmad-weli wuxu ku ammaanay Saylici daacadnimadiisa, hawlkaraanimadiisa iyo dhiirranida iyo yidiidalada uu u hayo hogaaminta dalka. Wuxuna ku daray inaynu taariikhdiisa wada qori doonno, hiil iyo hoona is garab taagi doonno.

 Axmed-Wali Goth iyo Cali Xaamud

Suldaan Yuusuf Suldaan Cali Cilmi ayaa isaguna ku dheeraaday sida loogu baahan yahay midnimada goboladan  inay noqoto mid muqaddas ah oo ka weyn xusbi iyo reero labadaba.

Waa Cabdi Cumar Barre (Xariirad) iyo Maxamad Yoonis Caateeye (oo ka socda Hargeysa) Waa Cabdi Cumar Barre (Xariirad) iyo Maxamad Yoonis Caateeye (oo ka socda Hargeysa)
Ojor, Saylici iyo C/Risaaq Xamaal Ojor, Saylici iyo C/Risaaq Xamaal

 

Kaalinta Haweenka iyo Kulankan Kaalinta Haweenka iyo Kulankan

 Kulankan iyo kaalinta haweenka Kulankan iyo kaalinta haweenka

Reer Jabiuuti; Reer Saylac; Reer Xariirad; Reer Boon; Reer Quljeed, Reer Boorama, Reer Dila; Reer Baki, Reer  Lughaya, iyo Reer Gabiley.  Guud ahaan kulankan looma kala hadhin. Balse waanu ku daalnay raadinta wariyihii aynu marti qaadnay ee ka socday SaylacNews. Maalintii oodhan ayaanu raadinaynay oday bidaar leh oo la yidhaahdo Maxamad Xaaji..!!. 

Si kastaba ha ahaatee, shirkaasi wuxu ku dhammaaday jawi guul, farxad iyo is af-garasho.

 

Somaliland Guul

HiilDanYare

…………………….  …………………………………..             ……………………

KULMIYE wuu Kulmay, Saylicina Wuu La Kulmay

Kulmiye wuxu iskaga yimid koonka dunida oo idil  wuxuna ku kulmay kulan si weyn loo soo agaasimay oo ka dhacay kadinka bariga London-UK.  Kaalinta Awdalna  ma madhnayn, inkastooy intooda badan u ahayd khibrad (experience) ay mrkii ugu horreysay shir noocan oo kale ah ay ka qayb galaan. 

Madaxda Sare ee xusbiga oo u hogaaminayay mudane Saylici iyo mudane Samaale;  Guddoomiyaasha laamaha xusbiga; waxgaradka iyo aqoonyahanada Xusbiga..iwm… Ayaa waxay ahaayeen kuwo  dhammaantoodba  u  muuqday inay yihiin  madax u diyaar ah inay hoggaamiyaan maamulka dalka , iyagoo si fiican u hadlay, iskuna diyaariyay.

Balse meel kasta oo layskugu yimaado lagama waayo dad jidbaysan oo xag jir ah, kulankan isaga ahna kama maqnayn qof iyo labo si qallafsan u hadlay. Balse kuwaasi kama tarjumayn kacaanka isbadal keenka ee KULMIYE, oo runtii  ah mid si weyn u hanan kara majaraha dalka.

Kulankani waxa laga soo saaray baaqyo wax ku ool ah, iyo habka iyo hannaanka u qorshaysan inuu xusbigu ku hawl galo marka uu hanityo maamulka dalka.  Kaalinta reer Awdalna ma madhnayn haba iskaba khibrad yaraadaane, waxayna diyaar u yihiin inay xusbigan iyo hogaamiyayaashiisaba  hiil iyo hooba isla hareer taagaan.  Mustaqbalkana aad iyo aad uga dhex muuqan doonaan.

 Kulanka Kulmiye UK

  Kulanka Kulmiye UK

 Kasoo Qaybgalka Awdal-Kulmiye

Kasoo Qaybgalka Awdal-Kulmiye

dsc028021

 

Carwo iyo Kooxda Kulmiye Carwo iyo Kooxda Kulmiye
Ducaale iyo Suldaan Kaalinta Awdal: Ducaale iyo Suldaan
Kulmiye-Awdal Kulmiye-Awdal
Awdal-Kulmiye Awdal-Kulmiye
Cali iyo Camash - Awdal/Kulmiye Cali iyo Camash – Awdal/Kulmiye

 

Horyaal-Kulmiye Horyaal-Kulmiye
Dadweynaha-Kulmiye Dadweynaha-Kulmiye
Gabagabadii Shirka iyo Madaxweyne Saylici, oo shahaado sharaf qaybinaya Gabagabadii Shirka iyo Madaxweyne Saylici, oo shahaado sharaf qaybinaya

 

Madaxweyne Saylici iyo Shahaado Sharaf Madaxweyne Saylici iyo Shahaado Sharaf

 

………………………………. ………………………..        …………………………….. ……..

Saylici iyo Birmingham- UK

 Waxaa manta kadhacay magalada Birmingham, shirbaladhan oo lagusoo dhaweeyay Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaciil ( Saylici) oo baryahanba Socdaal kujoogay Waddanka Engiriiska. Shirkan oo ahaa mid siheer sara loo soo agaasimey waxaa soo qaban qabiyay tageerayasha Xisbiga Kulmiye, ee Gobolka West Midlands, wuxuuna shirkaasi kadhacay Hotelka Caanka ah ee Hilltop Ex Hilaac.


Kulmiye wuu guulaysanayaa laakiin waxaa u taala hawl culus – Cabdiraxman

Ugu horeyn waxaa shirka lagufuray ayadaha Qur-anka kariimka yadoo Xidhii dhiyaha Shirku mudane Axmed Maxamed Xirsi ( Axmed Bidaar ) Kusoo dhaweeyay Gudoomiye kuxigeenka Xisbiga Kulmiye ee Laanta Birmingham mudane C/khaalaq Maxamed Sh. Cismaan Nuur iyadoo Gudoomiyihii Magalada Birmingham mudane Cabdo Aye uu oo sabab Cafimaad dartii uga maqna Gobtaas. Gudoomiye kuxigeenku wuxuu ugu horeyn kusoo dhaweeyay Magalada Birmingham iyo Gobolka West Midland ba Musharx C/raxmaan Saylici, gudoomiye kuxigeenka Laantu waxa kaloo uu sheegay in Birmingham  tahay laamaha ugu waaweyn ee Xisbiga tageera gacmo furana ay ku soo dhawaynayaan.


intaas kadib waxaa codbaahiyaha lagusoo dhaweeyay mudane C/raxmaan Cali Ubaxle, oo  kamida mas uu liyiinta Xisbiga UDUB, oo isna kasoo qayb galay xafladaas,  wuxuuna yidhi Birmingham hadanu nahay waxanu dadka usoo dhaweynaa Jaliyad ahaan Kusoo dhawoow C/raxmaan Saylici Magalada Birmingham, intaas kadib wuxuu Mr Ubaxle sheegay in UDUBtii shalay iyo UDUBta maantu anay isku mid ahayn, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu yidhi C/raxmaan  hadaan illahay UDUB nas ukeenin sidani maha sidey ku guuleysanaysay, Isagoo ujeeda marorsigii kadhacay Shirweynihii UDUB iyo sida ragii UDUB gushii hore u horseedey looga talaabsadey.


 
Waxaa intaa kadib Hadalka lagu soo dhaweyay Cabdi Bacaw oo ah Gudoomiye Kuxigeenka  Kulmiye Uk Cabdi bacaw oo Musharax C/raxmaan Saylici ayaa sheegay in sida loogu soo dhaweeyay Birmingham aytahay si aad uqiimo badan isagoo umahad naqey xubnihii soo qaban qaabiyay Shirkan baladhan.

Waxaa iyana halkaas kahadlay Ali Xaamud Jibriil oo ah Xidhii dhiyaha Kulmiye Uk iyo Osaan Saciid Jamac oo kamida Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye kanamid ahaa waftigii lasocdey.

Ugu danbeyntii Waxa Codbahiyaha lagu soo dhaweeyay Mudane C/raxmaan C/laahi Saylici, Musharaxu wuxuu siqoto dheer ugahadlay arrimaha waddankii yaala, halkay xaladu mareyso iyo isbadalka barnamijka Xisbiga Kulmiye wado, isagoo arrimahas kahadlayana wuxuu yidhi Maanta doorashadii waxa kahadhay mudo gaaban Waxay komiishankii iyo Saddexda Xisbi Qaran isla garteen inay doorashadu wakhtigeedi ku dhacdo Kulmiye-na taas buu taaganyahay.
 
Kulmiye inuu guleysanayo Shaki kama taagna insha allah lakiin  waxa weye Kulmiye shaqo badan baa utala, waxa uyala inu sameeyo isbadal dhaba, waxaa uyala inu dhamaan hayadaha Waddanka sida Baanka, Dekeda, Garoomada uu  Madax baneeyo waxa uyaala inu shaqo abuur sameeyo, dalkana kadabar jarno Musuq Maasuqa ayuu yidhi Mudane Saylici. Wuxuu kalo kahadlay in Kulmiye kudhisan yahay Qurba jooga mudadii Kulmiye jirayna wuxuu kusocdey  Jeebka Qurba jooga, madama oo anay jirin misaaniyad kale oo soo gasha, mantana ay kacod sanayaan iney inta udanbeysa oo ah doarashadii ay siweyn dhaqaalaha ugu tageeran, Wuxuu ubalan qaadey Qurba jooga in Marka Kulmiye talada Waddanka kuguuleysto ay dadka Qurbajooga udiyarin doonan barnaamijyo ay kaga mar maan Qurbaha, isagoo lakaftamaya Qurba jooga wuxuu yiri Mudane Saylici meeshan Qurbaha sidii Xoola dhaqatadeeni ayaad Caruurta raacdan laakiin waxaan insha allah  idiin hagaajin doonaa Waddankii hooyo oo halkan ka raaxo badan.

saylici-birmingham
 
Gebogebadii wuxuu dadkii Xaflada kasoo qayb galay uga jawaabay Su-aalo badan oo halkaas laga weydiiyay kuna sab-sana Barnamijka Xisbiga Kulmiye,

Iyo wuxuu badalayo, Waxa goobtas kusugna Saxafada qeybaheeda kaladuwan, Shirkan loma kala hadhin lagusoo dhawey nayay Musharax C/raxmaan Saylici.

 
Wabilaahi towfiiq
Muniir Ahmed Egal

muniir10@gmail.com
 
Free journalist  Birmingham

………………………………..              …………………………………              ……………………..

 Saylici Iyo Bristol UK

 

Waxaa xalay kadhacay magalada Bristol shir balaadhan oo lagusoo dhaweeyay Musharaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane C/raxmaan C/laahi Ismaciil ( Saylici) oo baryahanba Socdaal kujoogay Waddanka Engiriiska

 Shirkan oo ahaa mid si heer sare ah ay u soo qabanqaabiyeen tageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee magaalada Bristol oo ay hormuud katahay Laanta Bristol, iyadoo ay dedaal dheeraad ah muujiyeen Gudoomiya laanta Xuseen Axmed Caydiid iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen Hanad Yaasiin Jaaamac, Ibraahim Axmed Yoonis (Saylici), Max’ud Max’ed Muumin,

C/raxmaan Xoosh Iyo xubno kale. Waxaa kasoo qaybgalay dad farabadan oo sigugu jirey odayaal, aqoonyahano, dhalinyaro, iyo salaadiin oo kunool magaalada Bristol, Cardif iyo Nawaaxigeeda.

Furitaanka aayadaha Qur-aanka kariimka ah kadib, waxaa gudoomiya Laanta Bristol Eng. Xuseen Axmed Caydiid halkaa usoo jeediyey hadal soo dhoweyn ah Mudane C/raxmaan Saylici iyo weftigii lasocday, isagoo ka cudur daartay in hadii waqti fog kahor loo soo sheegi lahaa ay weliba soodhoweyntu intaa kasii sareyn lahayd, iyadoo uu sheegay inay Bristol ay ka mid magaalooyinka kulmiye ku faano guulo wax ku ool ahna usoo hooyey Kulmiye manta iyo ilaa maalintii la aas aasay.

Waxaa iyaguna Mudane Saylici wefti ahaan ku weheliyey Suldaan Yuusuf Suldaan Cali, Gudoomiye kuxigeenka Kulmiye UK Cabdi Bacaw, Cismaan Saciid Jaamac oo ka mid ah golaha dhexe Kulmiye Ali Xaamud Jibriil oo kamid aha gudida Kulmiye Uk iyo xubno kale oo dhamaantood u mahad naqay sidii diiranayd ee musharaxa Madaxweynekuxigeenka iyo weftigiisa loogu soo dhoweeyey magaalada Bristol.

Waxaa intaas kadib hadalkii lagu soo dhaweeyay Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Kulmiye Mudane C/raxmaan C/laahi Saylici, wuxuuna si mug weyn uga hadlay xaaladda wadanku marayo iyo isbadalka barnamijka Xisbiga Kulmiye wado, isagoo arrimahas kahadlayana wuxuu yidhi doorashadii waxa kahadhay mudo yar Waxayna komiishankii iyo Saddexda Xisbi Qaran isla garteen inay doorashadu wakhtigii loo mudeeyey ku dhacdo insha allaah Kulmiye-na taas buu taaganyahay.

Shaki igaga saara inuu Kulmiye guulaysanayo laakiin waa inaynu kuligeenba yar iyo weynba dhexda marada ugu xidhanaa sidii aan shanta sano ee soo socda isbedel lataaban karo uga hirgelinlahayn wadanka ayuu yidhi Mudane C/raxmaan Saylici, wuxuuna ku balanqaaday inay ay ficil u belin doonaan Barnaamijka xibiga Kulmiye hadii ilaahay ila qabto loona kala horaysiin doono sida ay u kala muhiimsanyihiin.

Wuxuu intaa ku daray in uu Kulmiye inuu dhiirigelin doono dhamaan hayadaha dadweynaha (Private sector) ka Waddanka, lana dagaalamaan musuqmaasuqa hadheeyey hay’adaha dawladda, waxaa kale oo noo taala inaan shaqooyin abuuro.

Waxaa ugu danbaytii Saylici kula dardaarmay Qurba jooga in Marka Kulmiye talada Waddanka kuguuleysto ay dadka Qurbajooga udiyarin doonan barnaamijyo ay kaga mar maan Qurbaha oo ay u maalgashadaan wadankooda hooyo. Waxaana uu ugu danbeyntii shirkaasi kusoo gabogaboobey jawo aad u qurux badan

 

Osman Saeed
Bristol

………………………………………. …………………………………. ………………..

Madaxweyne Saylici oo UK ka  Dhoofay, Una Mahad celiyay Shacbi-weynaha iyo Cabdi-weynaha

 

Sii dhaweynta Saylici (heathrow)

Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka xusbiga KULMIYE, mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Wadaad (Saylici), ayaa habeenkii xalayto (18/02/09) ka haaday dhabbaha diyaaradaha caalamiga ah ee ‘Heathrow’, isagoo usii jeeda dhulkii Hooyo ee Somaliland.  Madaxweyne ku xigeenka waxa si diirran dhabaha diyaaradaha ugu sii sagootiyay xubno sare oo ka tirsan xusbiga KULMIYE, iyo jaaliyadda Awdal/Salal UK. 

 

Madaxweyne ku xigeenka oo dhammaanba xusay una mahadnaqay dadkii sida wanaagsan ugu soo dhaweeyay mudadii uu inala joogay (12/01/09 – 18/02/09), ayaa wuxu si gaar ah ugu mahad celiyay Mudane Cabdi Maxamuud Ismaaciil (C/Weyne), oo isagu saacadahii ugu danbeeyay gacan weyn ka geystay taageerada siyaaasadeed iyo dhaqaale ee Madaxweyne ku xigeenka.  C/Weyne wuxu fidiyay ballan qaadyo badan oo iyagana laga sugayo inuu fuliyo isla marka loo guda galo Ololaha doorashooyinka dalka kusoo fool leh.   Dhammaana gudida qabanqaabada Soo dhaweynta Saylici iyaguna mahad weyn ayay u gudbinayaan Mudane C/Weyne, waxayna kusoo dhaweynayaan sacabo furan iyo kacaanka isbadal keenka ee KULMIYE.

Sii dhaweyntii Saylici (Heathrow Airport)

Bulshada sii sagootisay musharaxa oo isla mar ahaantaana ah xubnaha ugu  firfircoonaa ee marti galintiisa  ayaa waxay kala ahaayeen: Madaxda sare ee xusbiga KLUMYE oo ay ka mid yihiin; Ibraahim Xuseen (Guddoomiyaha Guud – Kulmiye UK); Cabdi Daahir Cabdi(Guddoomiye Xigeenka); Kayse Geelle Xiddig (Guddoomiyaha Bariga London); Maxamuud Casayr (guddoomiyaha Koonfur Bari London -SE); Axmad Caddare (Xubin Heer Sare -Kulmiye); Ibraahim Maxamad (Timo Hele); Ismaaciil Cabdilaahi Suweyn.

Sii dhaweyntii Saylici (Heathrow Airport)

Xubnaha  Isbadal Doonka Awdal ee taageerayaasha Madaxweyne saylici, ayaa iyaguna waxay kala ahaayeen: Cali Xaamud Jibriil(Cali Ma-Daale, oo ah Hormuud); Suldaan Yuusuf Suldaan Cali Cilmi; Maxamad Ibraahim (Biyo Raacshe); Maxamad Yoonis Caateeye; Xasan Yoonis Caateeye; C/Qani Yuusuf Caateeye; Siciid Aw-Muuse Xuseen (Siciid Sucuudi); Cumar Jaamac; Cabdi Cumar Barre; Mukhtaar COL-MADOW,Axmad Cabdi Khaliif; Cabdi Cilmi Obsiiyeh; Ojor Daahir Ojor; Khadiir Muxumad Allaale (Qoolab). Iyo xubo badan oo an magacdooda imika wada hayn, oo an ka raalli galinayno haddii aynu soo qori weynay.

Sii Dhaweyntii Saylici (Heathrow Airport)

Musharaxa madaxweyna ku xigeenku wuxu dardaran iyo ducaba uga tegay xubnihii dhabbaha diyaaradaha kusii sagootiyay iyo guud ahaanba buslhoweynta somaliland ee ku nool UK iyo Qurbaha.  Wuxu sheegay in isku duubni dawadeenu tahay, dalkeenuna u baahanyahay in wadajir wax loogu qabto.

Sii Dhaweyntii Saylici (Heathrow Airport)

Musharaxa Madaxweyne Ku xigeenka  Kulmiye; mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Wadaad ayaa safarkani wuxu ahaa midkii ugu horeeyay noloshiisa ee uu ugu kicitimo qaarada Europe. Intii uu joogay  UK , oo  muddo Bil iyo dhawr ku sinnaydna, wuxu ka qayb galay kulankii ugu weynaa ee Shirweynaha KULMIYE oo ka dhacay magaalada London (24 January). Kulamo kale oo goo-goos iyo joogto ahaana wuu ka qayb galay kuwaas oo ka dhacay gudaha iyo dibada caasimadda London.

Sii Dhaweyntii Saylici (Heathrow Airport)

Mudane Saylici waxa la filayaa in marka uu ka dego dhulkiisii Hooyo (Insha allah) , uu bilaabi doono halgankii ololaha doorashooyinka innagu soo wajahan ee dalka ku soo food leh. Taageerada ballaadhan ee qurba jooga somaliland u fidyeen Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka iyo sida sharafta badan ee loogu qaabilay UK  iyo waliba niyad samidiisa, kartidiisa ayaa marka laysku wada daro waxay muujinayaan inuu ‘Mudane Saylici yahay madaxweyne Saylici’.

Sii Dhaweyntii Saylici (Heathrow)

 Sii Dhaweyntii Saylici (Heathrow)

Sii Dhaweyntii Saylici (heathrow)

Sii Dhaweyntii Saylici (Heathrow)

Waxaynu u rajaynaynaa Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xusbiga KULMIYE, Mudane C/Raxmaan saylici, in isaga iyo xusbigiisa iyo Ummadda somaliland dhammaantood ku waaraan guul, farxad iyo rayn-rayn.

HiilDanYare

 

2 replies »

  1. aad ayaan idiin salamaya dhalinyarta ku hawlan sida horumar lagu gaadhi laah somaliland iyo garhan awdal iyo salal, nana xasusinayso ,wadaniyinta noool iyo kuwo dhintayba alah unaxariistee,
    waxaan idin rajayaanaa inaad liska ku beri dontaan idinku, dadalkan.warfinta iyo waxa qabadka ba wada
    waad salamaytiihin s

    husein ismail colhaye italia bari

  2. dhiirigelin: marka hore waan idinsalaamayaa salaankadib waxan lahadlayaa bahda kashaqaysa Hiildan.com waxanan leehay (where are you?) maxa idinku dhacay ee aad websitekan uga shaqaynlaadihiin mee updating-kii waxa ku jiraa waa wararkii sanado kahor lageliyey. please kafikira sidaad u horumarinlahaydeen ee aad ula tartami lahaydeen qayrkiin.
    by Eng.Abdilahi Elmi Good, Borama,Somaliland

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: