DANYARE IYO DANANA, WAA DUQ IYO DUQDIISA, WAA CARRAB IYO LABADIISA DAAN, ISMA DILAAN, ISMANA DAAYAAN, ISMA DAYRSHAAN ISMANA DUGSADAAN, DAGANAANSHO IYO DIRIR MIDNA KUMA AHA HESHIIS. WAA MAJAAJILADA HIILDAN OO TAXANE AH.
…………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………………..
Lafihii Mujaahid Timacadde (AUN) miyaa iyagana dib loo soo faqo, si loogu qoro SNM, Illeyn Faqashnimuu Ku Dhintaye..!

Majaalida 9aad: SADDEX KALA DARAN MID DOORO (14/04/2010)

Majaajilada Siddeedaad: SAGAL MADAR (SINGLE MOTHER), Yaa Qaba? !!!!
DaNana: Ma maqashay wuxu yidhi wiilkeennii ‘Dibadaysane’, ee dibada inaga jiray?
Doorta GOROD BOON ..!!!
Majaajillada 7aad : DanYare iyo DaNana.. 04/04/2010: Martidii Arooska: Haddaan Nin Danbaba U baaqo
Waxa lasoo gaadhay xafladdii Arooska wiil ay dhaleen DanYare iyo DaNana. Waxay DaNana ku mashquulsan tahay inay soo taxdo dhammaanba dadka ay rabto inay ku marti qaado xafladaas Arooska. DanYare, wuu yaabanyahay oo sheekada ayuu ka gurayaa, kolba qof ayuuna su’aalayaa sobabta ay u marti qaadayso. Sidan ayay u dhacday:
DaNana: Waxan Doonayaa inaan qorto dadkii aynu ku macsuumi lahayn munaasabada Arooska wiilkeenna iyo Gabadheena ina DhanXiir.
DanYare: Haye bal soo daa imisa qof ayaad haysaa?.
DaNana: DhanXiir waa Aabihii inanta dhalay oo waa koow, Dhudi waa hoyadeed oo waa laba, DhakaFaar waa abtigeed oo waa saddex, Geel-jire adeerbuu u yahay oo waa afar, iyo afar iyo afartan kale oo inanta ehelkeeda iyo qaraabadeeda ah.
DanYare: Oo Dhanka wiilkana, imisaad kusoo dartay?
DaNana: Allaahuma Salli Calaa Muxamad, dee dhanka wiilku waa dhankeennee, waxa ku jira aniga iyo inta ila dhalatay oo muxaafidka dawladda Ah, illeeyn inankeenu dawladuu ku jiraa oo wakiil sare ka yahaye, intii muxaafidka ah oo dhankayga ka socota ayuunbaa arooska iman karta.
DanYare: Aniga ma igu dartay liiska?
DaNana: Dee adigu duqii inanka dhalaad tahaye, haddaad iska aamusto oo ad ballan qaado inaanad ku heesayn DAcwaysane Wiilkayoow..iwm.., dee waanu kugu soo dari, Guul-wade ku ilaaliyana garabkaagaanu dhigi.
DaNana: Waar bal quduradan iyo qardabadan daawada, ma arooska inankaygaad siyaasad galisay, oo guulwade lay garab dhigayaa, mise anigaaba ka heesi kara, oo xumaan ka sheegi kara?
DaNana Dad ayaa la aaminaayoo axdi keebaa lala dhigtaa? ayay ku heestay habar reer Jabuuti ahi, ma adigaa is hayn kara, soowtii ad Arooskenaba ka heestay ee ad lahayd “Gaafkana Aniyo Islaantaydu, Gaadada an isa Saarnee, Guriga nooga baxa, Guriga nooga wada baxa”, ee dadkii kula wada yaabeen.
DanYare: Habar reer Jabouti ahi heesta hore kuma qaadine, odaybuu ahaaye. Heesta Gaafkeena ee anigu an ku heesaynaa dee hammuuntii jacaylkaa ii kaa haysoo, waan sugi kari la’aaye. Bal DaNanaay hay soo xusuusin waayee, ka soco yaa kale oo ad kusoo daraysaa casuumada?
DaNana: Ugaas Xumadu Xamaadu Kaako, oo ah Ugaaska canfarta kusoo dar, isku reer Binu Axmad baan nahaye
DanYare: Ugaaska ciisahana?
DaNana: Camalkiisaa ku daraye ku dar Ugaaska Ciisaha ee Badal Geelle Batal, isku reer Binu-Cali baan nahaye
DanYare: Alloow ma fariid dheh, ka soco, Ina Geelle Batal ma aha ugaase, Ugaas Mustafe dheh..!
DaNana: Dhankii fanka iyo fannaaniinta haddii an fiirsado, dhammaan kooxaha oo idil, sida kooxda dhaygag, kooxda dhakafaar, kooxda dhabano hays, kooxda dhafoor goror iyo kooxda dhinacyo badan intaba waan macsuumay. Sawirkana waxan macsuumay farshaxankii caanka ahaa ee COOMIR AMMIIN.
DanYare: Wallee warbaa dhacay, oo waxaasoo wada dhaygagsan dhul qaadaba uma haynee, yaa kalood kusoo daraysaa, farshaxiiska Ammiin Caamir isagu waaba iska oolraydhe?
DaNana: Allaahuma Salli Calaa Muxamad, inantii buurnaydee, ‘Saado-Badhqiya’ iyadna kusoo dar..!
DanYare: Waa tuma taasi?
DaNana: Waa tii dee
DanYare: Waa tee dee?
DaNana: Waa ta heesta dee
DanYare: Heestee dee?
DaNana: Heestii dee
DanYare: Tee dee?
DaNana: Tan dee
(DaNana, oo heesaysa)
Ma ogtihiin beri samaadkii
Bilic waxan lahaa qurxoonoo
oo sida boqoradii Balqiisiyo
Bureeqo lay moodi jiraye
Imikana da’diibaa i budlisoo
Igu soo baxdoo i haysee
Markaasay badi wiilashiina
Bariidadaba ila dhaafeene
Aniguna cadhaan u booyoon
Ragii wada baalasheeyaye
Ninkii iga soo hor baxaba
Bustaalaan ku sheegayayee
Billaahi miyaan danbaabay?
Sidaan u yara barraahdayba
Suuradaydii way badalantaye
haddaan bismilysan sidaan ahay
Haddaan nin danbaba u baaqo
Haddaan Cabdi Nuur u baroorto
Bulshooy Aniga i budheeya..

Majaajilada 5aad: SOO HOR CAAHSAQA
DanYare iyo DaNana waxay doorkan maanta ah rabaan bal inay hadal wanaagsan iskula hadlaan oo khilaafkooda badan soo af-jaraan. Balse, waxa la yaab leh, waa inay mar walba naruuro ama qiil u raadshaan sidii ay iskugu soo jiidh-dabci lahaayeen. Qiilka ugu fiican wakhtigan xaadirka ah, ee u fasaxaya isu soo dhawaanshahooduna wuxu yahay, in saddexdoodii wiil oo muddo badan is hayay ay maalin dhawayd isu wada yimaadeen, iyagoo faraxsan oo gacmaha is haystana la arkay. Sheekadan ayaa dhex martay:

DanYare: DanaNaay, bal koobka shaaha ah iila soo dhakhso , oo dee waxa ba’as waabad la raagtaye miyaad karinaysaa?. Sinjibiilkana haka ilaawin, hargabkuu saaraabaa la yidhiye, haa ‘hargab digaaga’ sinjibiikaa u dawa ahe.
DaNana: Waakanaa xaaji koobkii shaahii, oo sinjibiilna lehe, ‘soo hor caashaqa’..!
DanYare: Saaka heestan iyo farxadan kaa muuqata magaceeda maxaa lagu sheegaa?
DaNana: Waxa magaceeda lagu sheegaa ‘Soo hor caashaqa’..!.
DanYare: Bal warka ii balballaadhi, maxaa kugu soo kordhay?
DaNana: Inaynu is caashaqno, oo hadal fiican isula hadalno, ma ceebaa?
DanYare: Maya ceeb ma aha, haddii wax fiicani dhaceen..kkk
DaNana; War fiicanbaa jira oo saddexdeenii wiil way heshiiyeen, oo shalay gacmahay isa saareen.
DanYare: Ma saddexdeenii wiil, ee mid wadaadka ahaa, midna waran laha ahaa; midna wasiirka ahaa, ayuunbaa mar wada heshiiyay..?. War xun ma aha, maxaase inaga inooga gidhiish ah?.
DaNana: Waxa innooga gidhiish ah inaynu inaguna gacmaha isa saarno, oo aynu dabaal degno, oo caashaqa soo horno…!
DanYare: Bal adigu ku horree, oo soo hor caashaqa, aniguna waan soo tu’ine..!.
DaNana: Meelahaas uun haka hadlinoo
Haka hugminoo
Hayga maqnaane
Hooyga joogoo
Hoobeeyooy soo hor caashaqa
Haa..an heshiinnee…!!!
DanYare: Halkanbay odhan layma taabanoo
Layma tuujine
Muruqbaa igu taaganoo
Waa layga tegaye
Hoobeeyooy Tu’i caashaqa
Haaa……..an Tahriibnee…!!
………………….. ……………….. ……………….
Majaajilada Afraad: DanYare oo Ammaanaya DaNana
DaNana, waxay maanta rabtaa inuu duqeeda DanYare, aad iyo aad u ammaano, oo hees uu ku ammaanayo u qaado. Sida qaalibka ahna, DanYare ma aha nin ku fiican sida wax loo ammaano. Bal hadaba aynu eegno halkay isla maraan.
DaNana: Haddii ad i ammaani lahayd, DanYaroow maxaad odhan lahayd?
DanYare: Cajiib, illeyn cimrigaagoo iska raagay, habar i amman ku lehna wuu ku tusaa.
DaNana: Waxba hadalka ha calaline, waanse kuugu celinayaaye, haddii ad i ammaani lahayd maxaad i odhan lahayd ayaan ku idhi DanYare?.
DanYare: Haddii an ku ammaani ..lahaa, haddii an ku ammaani lahaa.. waxan ku odhan lahaa:
Intii aan jirayee
An joogay dunida
Mid adi kula jaada
Maba Jalleecinee
Sidii Jinacii
Jilbo quruxeey
Ama Jalamadii
Jeenyo u ekeey
Waxan u jeedaa
Inaan kula joogee
Inaan kula joogee
Inaan ku jashoo
Jiqlaha ku dhigtee
Ilwaad Jinaweey
Ilwaad Jinaweey
Ilwaad Jinaweey.
DaNana. Illeeyn margi adkaaday lama maroojin karo. Odayga maxaa uga ba’ay sida wax loo ammaano. Hadaba waa kane, ma kalar balayn (colour blind) buu qabaa, mise kaneecaa soo cuntuugtay. Ma aniguu igu leeyahay Ilawaad Jinaweey, jeenyo jalamadeey, jilbo jinaceey iyo wax an looba joogin.!. Hase yeeshee waa sidaan u qaato, oo waxan u qaadanayaa inuu u jeedo:
Sidii qalanjadii
Qoor dheereey
Qaali luuleey
DaNana qummaneey
Ilwaad quruxeey
Ilwaad quruxeey
Ilwaad qurexeey…………………
Majaajilada Saddexaad: Dacwaysanne
Doorkan maanta ahna waxay DanYare iyo DaNana ku murmayaan saddexdoodii wiil midkii loogu hor dhisi lahaa.
DanNana: DanYaroow, saddexdeenii wiil ee kala ahaa, Ducaysane; Docaysane iyo Dibadaysane. Dee kolka waxay noqdeen rag waaweyn oo qaangaadh oo guur doon ahe, miyaad ka fikirin sidii wiilasha aynu ugu dhisi lahayn?.
DanYare: DaNanaay maxaad tidhi, bal hadalka iigu celi. Ma waxad na leedahay, saddexdeenii wiil ayuunbaa mar kaliya wada kobcay oo is wada leekaaday oo wada guur doon ah?. DaNanaay wiilasheena, adigu awel hore ma mar kaliyaad wada dhashay, oo ma mataano isku wada ilko eg bay ahaayeen?.
Dee bal waayahaye hadduu Alle kuu roonyahay, miyayna kala waynayn oo aanay kala yaran, oo aanay kala dheerayn oo hadana kala gaabnayn. Oo midkood bidaar lahayn, midkoodna xaad lahan, midkoodna gadh lahayn, midna shaarubo lahan. Siday wax u jiraan DaNanaay, bal warka ii bal-ballaadhi.?
DaNana: Xillooo, waakaas, waa saacaduu i moodi jiray habar asaasaqa. Haddaad adigu sabciinkii ku jirto anuu cishiriinkiibaan wali ahaye. Carruurteena mar ma wada dhalin oo adaa moodanayee mataano maahayne. Waxbase dee makala weyna, oo waxay ahayd ‘mijini gashay mijini baxday’ oo hadaan laga tegin way isku wada naas daayeen.
DanYare: Dananaay midkeed ugu hor dhisi lahayd wiilasha, an hadalkaba ku jarnee?.
DaNana: Wiilkeenna Ducaysane ee dawlada innoogu jira, kaasi aynu ugu hor dhisno, dabadeedna an Docaysane ku xijisiinno isagu docda guriga uun inoo fadhiya ee an meelba inooga dhaqaaqin. Allaahuma salli calaa muxumad, dabadeedna aynu ugu danbaysiino, wiilkeena dibada innaga jira Dibadaysane.
DanYare: Illeyn quduruba waa tanoo kale. Ma magacdii wiilashayda ayaad sidaa u badashay. Waatii an horey kuugu sheegay oo wiilka dawladda innoo galay ma aha Ducaysane, ee waa Dacwaysanne. Isaga dacwadbaan u qabaa oo ilaa uu dawlada boobaysa danyarta ka baxo, xagayga kaasi waa dacwaysane. Isaguna ha u danbeeyo.
DaNana: Wiilka dhan ee reerka haya ee dawladda innoo galay, ee hadii jeel laynagu rido inaga soo daaya, ee cashuurta ka qafiifiya yidhaahda, ee marna minashiibiyada ah, marna guulwadaha, marna bilayska ah, marna cilmi baadhaha ah, innoogu ducee wiilka oo u ducee oo isaga ugu hor guuri ayaan ku leehay. Haddii kale anuu waan iska dudayaa..!
DanYare: Haa …Haa…Dananaay maxaad tidhi, bal kaalay ha dudine, miyaan u duceeyaa wiilka?. Waayahaye dhagayso ducaan ugu heesayaaye.
DanYare: (OO HEESAYA)
DAcwaysane Wiilkayooooow
Anoo Danyaraan ku dhalay
Dabadeed ma galin askari
Anuu Dirays maba qaadanoo
Degtana qori ma saarine
Markaad dugsi quraan dhamaysay
Adoon Duruus kale qaadan
Haddaad Dawlada jeclaatay
Dacwaan kuu qabaaye Aabo
DaNana (Ayaa ka hoos jiibinaysa):
Adduunka Ninkii dul joogoow
Maxaa Danyare kuu Laaban
Hadduu wiilku dawlad galay
U ducee innoogu ducee
DanYaroow inanka u ducee
DanYare (oo heestii sii wata):
Danyare yaan lagugu xaman
Daliga waligaa kor u taag
Ku dalooli lacagna jeebka
Dadkaad xukuntana Tahriibi
Shuftada Daacad u ahoow
shuftada Daacad u ahoow.
DaNana (ayaa hadana kasii hoos jiibinaysa):
Ha dacweeyne inanka daa
Inanata Dariskana u hibee…….!.
………………………………………………………………………….
DANYARE IYO DANANA
Majaajilada Labaad: Sannad Guuro Aroos
Qaybtanina waxay ku saabsan tahay sanad guuradii ka soo wareegtay wakhtigii ay is guursadeen oo ay ku heshiin laayihiin inta sanadood ee kasoo wareegtay.!
DaNana: Dayaroow Nabad maku soo toostay?.
DanYare: Danana, sidii xalay an kuseexday ayuunbaan saakana kusoo kacaye, ka soco.
DaNana:
Sagaalbuu dayaxu,
Ku Sinnaa Xalayoo
Siraad buu lahaaye
Saakaana cirkaan dayay
Sarow eegay samadoo
Cedeceedaa sagaal kale
Ka sidata dayaxiiyoo
Suuradiisiiba qarisaye
Sagaal lagu daray Sagaal
Siday aniga ila tahay
Sideed iyo toban weeyiye
DanaYare ma la socotaa?..
DanYare:
Waa saacadahay
Sidii ruux sixran
Ama surucyaba qaba
Saraan cirka u eegiyo
Dayaxaa ii sanqadhiyo
Alien baa ii sanqadiyo
Xidigahaan saloogtiyo,
Hadala wada sidaasoo
Wada siloon tidhaahdee
Sagaal lagu daray sagaal
Haday sideed iyo toban
Adiga kuula siman tahay
Aniga waa ii sideed iyo
Afartan ku Sarjarane
Maxaadse uga socotaa
Bal warka i sii DaNanaay ?.
DaNana: Allaa, Yaa Saaxiibul Danyare, wa Caqli saqiir waaxid, ma Sagaal lagu daray sagaalbaad tidhi waa siddeed iyo afartan?. Waar waa siddeed iyo toban, oo haddaad sibiq u illowday, Sannad guuradeenii weeyaan, duqyahow lay kaa siiyaye. Iga tun baan ku idhi Danyaroow saaka, hadii kale waa lagu kala socon.
DanYare: DaNanaay maxaad tidhi?, Sannad guuradeenii weeyaan, markii laygu kaa sasabay, ?.kkkkkkkkkk. . Horta Dananaany haddaad tidhi waxaynu is ag joogjoognay 18 sanadood, innagoo wada joognay 48 sanadood, waabad innoo xil qarisay oo da’deenii ayaad yaraysaye.
Dee allaha ku daaye DaNana, inaan saaka kuu heeso oo aynu xusno wax walba guuradeenii, waxay doontaba ha ahaatee, allaylehe way tahaye, bal heestayda dhagayso:
Gugaan ku goobay Koow dheh
Gugaaan Kuu guuxay Labo dheh
Gugaan kuu goohay Saddex dheh
Gugaan kuu gunuunucay Afar dheh
Gugaan kuu gunuusay Shan dheh
Gugii guurkeena Lix dheh
Gugaan is jeclayna Todaba dheh
Gugaan is necbayna Sideed dheh
Guyaalkii kalana ku dar dheh
Intaasi oo Gu’ isku geeyooo,
Farxada Gacalooy geeraar
Farxada Gacaloy geeraar.
Majaajilada Koowaad: DaNana oo Toocsanaysa..!
DanYare iyo Danana waa duq iyo duqdiisa, waa carrab iyo labadiisa daan oo an kala daysanin hadal. Col iyo nabad midna kuma aha heshiis, Isma dilaan ismana daayaan, isma dugsadaan ismana deyriyaan. Waa Majaajilada HiilDan oo taxane ah.
DaNana: DanYaroow ma bariday?
DanYare: Barinaybaa lagu yidhiye Danana, dantaada uga soco.
Dannana: Allaa, waxan maanta raabaa inaa kuu heeso DanYaroow.
DanYare: Iska dibira dhacsaa lagu yidhi Danana.
DaNana: (oo heesaysa)
Danyare cawdoo
I taalna Darani
Waa waxa dalkeena
Dib u wada dhigee
Layskugu dudiye
Maantay dawladi
Noo soo degtaye
Gurigayaga dahab
Daayimoow ka yeel.
DanYare: (jawaab hees)
Habar Dananaysoo
Iga daynin hadal
Waa waxay Darisku
Nooga didayaaneey
Laynagu dayrshaye
Ma inaan dilay
Iga doonaysaa
Oo an Daamankiyo
Gawsaha dumiyo ……..!!!!!!
Waad fahamteen ayaan filayanaa sida laxanka heestaasi u dhacayo – waa sida heestii, “Maantay Galadi Noo Soo Gashee, Gobanimadayada Guulloow Adkee”. La Socda qaybaha soo Socda ee DanYare iyo DaNana. !!!!
…………………………………….HiilDan…………………………………………………..
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Waa Innoo Mar kale iyo Majaajilo kale………..




nice skit
hallo uncle abdiqani i relly happy when i saw your picture in your website i am so glad you calling me bisharo when i was born and i love that name still i have the bithday card and i kept it in a safe place now i am 10 april 4 2010 i hope you a long life uncle you and yor family yussuf mohamud and halimo bye bye nagad mustafa mubarak and hooyo they say bye and hello
“Bishaaraan Ku Idhiye, Bilkhayr Adeer Dheh.”
HAPPY BIRTHDAY TO YOU MY MOST BELOVED NIECE.
10 YEARS, is big number, May Allah made you reach more than 10 x 10 years (100 years +).
I will see you soon in person.
HAPPY BIRTHDAY TO BISHAARO M Y ATEYEH.
To My Favourite niece at all time.
ALLAH BLESS YOU
Uncle Abdiqani
asc c/qani cateeye ma ficantahay xafadiina kawaran
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk loooooooooooolz waa majaajilo qosol iyo mad badan ani laftaydu waxan hayaa isla markaana sameyay kuwo casri ah ee fadlan iga qaata
wxan salaamayaa bahda Hiildan.com marka labaad wxan leehay Zakarie mohamedow soo daa majaajilooyinkaa aadsheegayso waa loobahanyahaye. waana lagaa sugayaa
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa majaajilo runtii aad u fantastic ah runtiina xigmadi ku jirto