MAHADHO (2)

Murtida HiilDanYare

………………………………………………………………….

Dalsan Boorama

 

 

 

 

Deeqa Waxay La Midab Tahay, Dalsaneey Booramoo Daruuruhu Hadheeyeen

Abdiqani Ateyeh — London, UK — 10 May, 2007

Abwaan waliba Darajadii

Fannaan waliba Dookhii

Sheekh waliba Duruustii

Dulqaad iyo Xaaji Daacaddii

Duq waliba Garaadkii

Ardayna Dadaalkiis

Doc ka tuurna yeelkii

Xasadna waa Dunjigiise

Dareenkiisa nin waliba

Darandoorri Murtidoo

Dumar tuu ka calmaday

U Dalaandal Gabayoo

Dalabaadka heesihiyo

Muusig wada Dananaayiyo

Durbaankaba u garaacye

 

Anna midda ii Daranee

Dareenwadaha jidhkiyo

Dulkiyo raacday Aragtida

Halbawlahana Darartee

Dig ka siisay wadnihiyo

Dacaladayda Beerkee

Dubaaxinaysa Laabtiyo

Dubkiyo Jiidhkaygaba

Daymo Aragtideediyo

Dul ahaan quruxdeeda

Doodyar an ka sheegee

Dadyahow iga Maqla Sahra

Dabuub an ku Ammaanay.

 

Diihaal iyo waa adigoo

Daranyiyo qaba oonoo

Dalandool ku Raagoo

Diiqiyo Naftaaduna

Dalanbaabiba kugu tahoo

Diciifnimana la liita

Diidaayana  Gaajo

Itaalna dhigay daraygaa

Sida Danab kuu cirtyo

Roob kuu Darroorayoo

Haraadkii ku Dooxiyo

Kaa Diniq tiray baahida

Daalkii kugu badnaa iyo

Diiftii kaaba Reebaye

 

Damacse lama hadloo

Deelqaaf looma Doodoo

Laguma Darana beeniyo

Dafiraad iyo is Diidsiine

Adigoon waranyo Darraan

Dardarina maansada

Duxdaa loo Daadagaayoo

Runta Lagu Dabbaqaaye

Yartan aniga ii Deeqday

Muuqeedu waa Dahab

Duni kale lagu Aragoo

Malaha Degaanka Awdaliyo

Ku Dahsoon Libaaxlay

Iyo Dararka Gargooray

Dixda Quruxiyo Ceelbaxay

Durduradii Khadar iyo Ilayaasiyo

Halka lagu Duugay sh Xuseene

 

Waxba Duryanka yaan wadin

Dayaanku ila fogaanine

Dabaal joojina naxwahoo

Kuba sii Daalin Ararta’e

Waxan kusoo Daday heestii

Dam ku yahay Hadalkuna

Deeqi waxay la midab tahay

DALSANEEY BOORAMOO

Daruuruhu Hadheeyeenoo

Ku Da’aayo Mahiigaan

Dareemadiyo Cawskiyo

Durba Doogiyo Ubaxuna

Daafyaha is galiyeenoo

Dallaalimaysay Milicduye

 …………………………………………….

 

I Daayaay Boon I Deeqdaye


dsc01757.JPG

 

 

Heesta i Daayaay, Boon i Deeqdaye

Baydka Koowaad

 

Barbaartii An la koray iyo

Bahdaydiibaa ku nooloo

Kama baaqani karaaye

 

Habeenkii waan u balweeyaa

Hurdada waan uga boodaa

Markaan soo baraarugana

Billaahi waan u booyaaye

 

Bulshayahay i daayaay

Bal i daayaay ,

Bal i daayay, i daayaay

Boon i deeqdaye

 

Baydka Labaad

 

Baraar iyo ruuxii caqliga

Bahaayinka la siiyaa

Billadahooda garanine

 

Bullaalle Booramiyo

Khadiijadii Balwiyo

Bisadeeye waa dadkaygoo

Billaahi waan Boqraayee

 

Bulshayahay i daayaay

Bal i daayaay

Bal i daayaay, i daayaay

Boon i deeqdaye

 

…………………………………………………….

HEESTII SOO SOCO INAABTAAY…….!!

Midhihii: Abdiqani Ateyeh — London UK — 30 April, 2007

 Baydka Koowaad

 

Saylaamaha sida Geenyiyo

Suniyaasha Xaradhka leh

Dhexdeeda Soohaniyo

Sanqaroorka Toosan

Suuradeedu waa sida

Siraad nuuray awdale

 

Suleekhiyo haddii

Laygu Sasabo Balqiisa

 Sahroo kale la waa

 Midaan Siisan lahaaye

 Soo soco inaabtaay

Sahal haygu dhaafine.

 

Baydka Labaad 

 

Sibrihiyo sinaha gabi

Sarartiyo gaadada

Markay saarto maradeey

Soo xidhato dhacliyo boqor

Sifaheedu waa sida

Qorrax Subax iftiintaye

 

Sad haddii layga dhigo

Hablo kaloo Subkan

Sahroo kale la waa

Midaan Siisan lahaaye

Soo soco Inaabtaay

Sahal haygu dhaafine

 

 

Baydka Saddexaad 

 

Markay Socodka Laafyaha

Kolba Sin u dhaqaaqdeey

Subcisana Tallaabada  

Siigadaba ma daartee

Saymaheedu waa sida

 Salamaldhiyo Haldhaaye

 

Sareedaha adduunyo

Haddii sad layga dhigo

Sahroo kale la waa

Midaan Siisan lahaaye

Soo soco Inaabtaay

Sahal haygu dhaafine

 

Baydka Afraad 

Seerihii Gargoorrayiyo

Sigibtii Libaaxley

Sac-waraabisiyo Abbasooy

 Seermawaydo ku curatay   

Iyaduna waa sidaasi

Saxansaxo Udgoone

 

Saaciidiyo Haddii

Laygu Sooro Barwaaqo

Sahroo kale la waa

Midaan Siisan Lahaaye

Soo soco Inaabtaay

Sahal haygu Dhaafine

  

…………………………………………………………….

  

 

 

 

Awdal Yay Ku Ooydaa, Ayayse Ka Ooydaa.?

Heestii: Awdal Yay Ku Ooydaa, Ayayse Ka Ooydaa.

Midhihii iyo Laxankii, Abdiqani Ateyeh -24 Feb 2006 London
 

Baydka Koowaad

Ambadeey Hashaydii
Ashkir Baallaheediyo
Agamsaaliyo Awaariyo
Abbase ma daaqdoo
Afka baad ma galisoo
Ololkana ma daysee

Oon baana ka sii dila
Onkodkoo Hillaaciyo
Roobkoo Aguugoo
Guulaamadu Aroor hore
Ardaayada ku hoortoo
Ilo dhigtay xareeddiiye

Aaddo iyo Huunnooy
Amarkaniyo Yaabkani
Bal Ammuurtan eegoo
Awdal yay ku Ooydaa
Ayayse ka Ooydaa

Baydka Labaad

Arliyaay hadoodila
Arrin kuma haagaagoo
Irdho laguma baantoo
Iinna kuma bogsooto’e
Ubucdaa loo dagaayoo
Millil lagu aslaaye

Oogadaa Dareensanoo
Indhuhu way Arkaane
Irbadse looma waayin
Aramidani daweysee
Eeddi yay ku raaciniyo
Aamusbaa dabiib dilay

Aaddo iyo Huunnooy
Ammarkan iyo Yaabkani
Bal Ammuurtan Eegoo
Awdal yay ku Ooydaa
Ayayse ka Ooydaa

Baydka Saddexaad

Aar soo qoyay ayaamaa
Aqli nimaan lahayna
Ula Eekaada Dacowoo
Illeyn garaadkiisu siiyaa
Aayar uun ku dhaafoo
Iska Agmaroo illaawee

Aroorbuuu abraarada
Ooda soo Jabiyaayoo
kaga abaadiyaa intii
Inuu jiro Hilmaantaye
Adhiga daa waraaboow
iskuma ogid orade

Aaddo iyo Huunooy
Amarkaniyo yaabkani
Bal Ammuurtoon eegoo
Awdal yay ku ooydaa

Ayayse ka Ooydaa

__________________________________________________________________________________________________________________________

 

ALLA YAA BOORAMAAY ( 04 January 2006 -Ateye )

Booramaay Habeeyaay
Booramaay Hibeeyaay
Booramaay Hadeeyaay
Booramaay Hanuunshaay
Booramaay Hogaanshaay

………………………………………

Hooygii Barbaartaay
Baaruuddii Aqoontaay
Barashada Cilmigaay
Beeshii is Raacaay
Bildhaantii Ilabaxaay
Bishaariyo Bilkhayreey
Buul Nabadi taalaay
Bulsho Caafimeedeey
Baarka Soomaaliyeedeey
Baad iyo Xareedeey
Bilic iyo Ugbaadeey
Bogaadin iyo Ammaan
Beyd Qoraala iga Hoo

Naftu Waa Bahaayinoo
Beernugaylka ma daysoo
Berisammaad Xusuustiyo
Waxay baafiysaa wali
Badhaadhihiiyo Raaxada
Barwaaqadii Dhexdaadooy
Way Basaaseen dhaayuhu
Bedenkayguna lahashada
Baryahan wuu la liitaayoo
Baahidaada Awgeed
Bestii waan u jiifaayoon
Bustahaan hillaabtaye
Bogsiiyaanad ii tahaye
Booramaay ogsoonoow

Alla Yaa Booramaay
Barqadii markay tahay
Biniin tahay milicduna
Neecawduna Buseesho
Beeraha agtaadeey
Bartiikhiyo Cinabkiyo
Babaaygu ku yaalaaneey
Baalaleyda Duushiyo
Shimbiruhu ka Buubaaniyo
Togagaa Burqanaayiyo
Dhirta Baaxadda weyn
Balliyadaa waraabsha
Booqasho ku haybasadoo
Qosol Beerka ka yimidna
Ku Bayaansha Heesaha

Alla Yaa Booramaay
Bilcan aad u qurxoonoo
Balqiisa Muuqeedii iyo
Sidii Bureeqo la moodo
Baashii Axmed Gurayiyo
Barbaradii Sheekh Cali iyo
Bannaanka laanta hawada
Ku aroosta Bayd wacanoo
Boqorkiiyi dhaclihii iyo
Badlad dhaqana u xidhoo
Hidaheenii Billaa iyo
Booda ciyaar saylicigiiyoo
Barakada Salawaadkana
Bayaan kor ugu qaada

Alla yaa Booramaay
Kaa Boqoolin waligaayoo
Badhtankaaga joogoo
Baydhna kaaga leexanoo
Birmadkaaga dayninoo
Burjigaaga Adkeeyoo
Buruudkaaga Ilaashoo
Balaayo kaa xijaaboo
Sharaftaada Baxnaanshoo
Kolba Waagii Bariistaba
Barinaye ma Bariday
Booramaay ku yidhaahdoo
Salaan Boqor ku siiyoo
Burcad kuugu dhaashoo
Ubax baalba Cayna
Ku beera dhexdaadoo
Barbaar kugu Daadaheeya
Barbaar kugu Daadaheeya
Barbaar kugu Daadaheeya

 ………………………………………………………………………………………………..

 BAL EEGOO U FIIRSADAAY – 31 Jan 08

 

 

 

 

 

 

Waa Adduunyo Fidmoowdoo

Masiibooyinka Faafiyo

Ku Fidayaan aafooyinkoo

Intii Fiicnaydee wali

Faxshigeeda an galinna

Faasku uu ku dhacaayo

Kuwa Faaqayee kibree

Fuuray baase la leeyahay

Feejignaan ku qaatoo

Ficilkiinna Wanaajiya

Fidiya Gargaarkana

Fahmoo hadii kalana

Fallaar culusbaa iman

oo Daarahani Foociyo

Fooqaqa ad ku jirtiiniyo

Fatuurad celin karaynine

Bal Eegoo, U Fiirsadaay

 

 

HiilDanYare 31 Jan 2008

 

 

 

 

 

 

 …………………………………………………………………………..

 

 

 

 

Soo Soco Inaabtaay!
  

 

 

 

No comments yet.

Leave a Comment

Fill in your details below or click an icon to log in:

Gravatar
WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.