Mahadhada Koowaad ee HiilDanyare waxaynu ku ururin doonaa, MAQAALO, Gaar ahaan kuwii ugu xiisaha iyo xamaasadda badnaa ee aad loo akhristay.
‘Ma Xusbi Awdal Keensataybaa Jira’?
12 September 2007
Abdiqani Ateyeh
RAMADAAN KARIIM.
Maalin maalmaha ka mid ah, oo an qiyaasayo inay ahayd horraantii ilaa badhtamihii siddeetanadii (Early/mid 80’s), anigoo jooga Boorama, ayaa loo dareeray doorasho lagu sheegay mid loogu codaynayo madaxweynihii dalka ee wakhtigaasi. Madaxweynahaasi oo ahaa marxuun Maxamad Siyaad Barre (Allaha u Naxariisto). Labo sanduuqbaa la keenay oo midkood midabkiisu ahaa Buluug midka kalana ahaa Huruud (Jaalle). Sanduuqa hore waxa ku qornaa HAA, sanduuqa kalana MAYA. Taasi oo macnaheedu ahaa in Siyaad Barre dib loo doorto ma waxad tidhaahdeen HAA mise MAYA?.
Hadaba maalintaasi iyada ah, dadkii reer Boorama ee doorashadaas ka qayb galay (anuu kuma jirine), waxa ugu caqli badnaa marxuun Cawaale Caynaan – Cawaale xaax (Allha u Naxariisto). Waxba hadalka badin maayee, cawaale wuxu codkiisa ku dhiibtay ‘MAYA’ oo saduuqii Jaalaha ahaa ayuu ku riday. Kadib waxa loo sheegay Cawaale, inuu noqday kacaan diid oo duqii dalka u sarreeyay uu diiday. Cawaale markii uu hadaladii dadka dhagaystay ayaa wuxu ku jawaabay:
“Aabo… labada Sanduuq, ma Sanduuqbuu oday kale keensaday?, soow labadaba oday kali ahi iskama leh oo nooma soo wada dirin. Dee haduuna isagu rabin midka an anigu ugu riday, dee haka rogto oo ka uu rabo uun haku rogto”. Caqli badanaa…!
Waxan ugu socdaa reer Awdaloow. Saddexdan Xisbi ee haddii Ilaahay idiiin roonyahay, maalinkaa maanta ah kabihii idinkaga dhammaadeen, ee ad ku kuraamo (cidhbo) beesheen, kuna karaamo seegteen. Saddexdaas xisbi mi mid Awdal keensataybaa jira???. Soow saddexduba kama wada iman Hargeysa iyo Burco oo isku wada Reer ah?. Soow saddexduba marka laysku daro isku miduun noqon maayaan oo ma wada aha KULMIYE + UCID + UDUB = KULUDUBCID
Hadaba walaalayaal, beryo Ramadaanbaa la joogaaye ka faa iidaysta barkadeedoo , reer Awdaloow, saddex xaalaadood midkood ku ahaada heshiis:
(1). Inaad kulligiinuba KULUDUBCID ku kala jirtiin, oo aydin iskuna dhibsan, isuna karaahiyaysan oo ad aqbashiin inaad la haanshaaraysiin hub nin kale sito. Habeenka laydinka qaadana ad iska soo hoyatiin idikoo waxba is hiifin.
(2). Inaad Xisbi Awdal keensatay la timaadiin oo ka bilaabma Lowyacado ilaa dhaafa Sanaag bari. Ninkii reer Awdal ah ee xisbigaas u codayn waayana ad markaa geed kusoo xidhiin.
(3). In hadii codkiinuba isku kiin dili doono ama laydinku dili doono, dee ad codkiinba iska haysatiin oo waxba doorasho danbe isku wareerin. kharashka badan ee doorasho idinkaga baxayana ad ugu adeegtiin danyarta iyo masaakiiinta iyo Agoomaha iyo guud ahaanba horumarka gobolkiina
Saddexdaa xaaladood wax kale oo an imika ku daro ma garanayo, wixii dheeraad ah ee faah-faahsana waa innoo Ramadaan ka dib. ALLAHA XAQA INNA WAAFAJIYO.
LIIBAANA
Abdiqani Ateyeh
London UK
DALA DAAHIR RAYAALOOW, ADDUUN WAA IS DABA JOOGE
Abdigani Ateye — Lodon UK — 22 November, 2005
Tacsidiisii lagama kicin, dhoobadiisii ma tarradhin(qalalin), tiiraanyadiisii nagama tagin, hadana tallaabaa la qaaday ka tarjumaysa damiir xumi, dareen la’aan iyo damaq la’aan iyo waliba digasho iyo dur-duro.. Talaabadaas oo loo cuskaday xeer Madaxweyne iyo Maxkamadi isku raaceen, hase yeeshee la qaaday goortii iyo goobtii an ku habboonanayn, ahna gef iyo gunnimo.Waxa lagu soo qoray Qaran News (20 Nov 05) in xildhibaankii shalay uun geeriyooday -Xildhibaan AARE NUUR CUSMAAN (Allahu Yarxamu) durba lagu badalay mid kaloo sii sugayay dhimashadiisa, balse an dhaxalkiisa lahayn, doorashadana ku hadhay . Warkani haduu qalad yahay iyo hadduu sax yahayba (hadduu jiro iyo hadduuna jirin) waa mid qoomaya qalbiga iyo maskaxda qof kasta oo fayoow oo qaddariya Binu-Aadanimada, qiimeeya Muslinimada, xeeriyana qawaaniinta caalamiga:
Cakuyeeey durba ninka, Cindigiisu siiyoow
Canka dhigo hilbo, cidla yaalaad heshoow
Caqaligaagu yuusan, Calooshaada Raacine
Garo waa cad geesi, waxad calashanaysiye
Kuumase Cuntamyee, ha cantuugine dhaaf
Ciddii lahaydna u daa, Ceebi yay ku raacine…………..(Xil; Ayaanle, ayaan uga dan lahaa)
Marxuun Xildhibaan AARE NUUR CUSMAAN (Allahu Yarxamu), taariikhdu waxay qortay inuu ahaa, halyeey maatada la muuqa, dan yartana la daris ah, Dawladana ka xeel dheer, runtana ku dirira. Waxa si xalaal ah u soo doortay dadkii gartay garaadkiisa iyo geesimadiisa ee goor iyo ayaanba uu gaashaankooda ahaa, garabkoodana joogay. Hadduu maanta ka geeriyoodayna, dadkaasaa xaq u lahaa inay gudahooda ka doortaan kii kale eey ku samri lahaayeen.
[Madaxweynuhu haduu wali heer qaran ugaba tacsiyayn geerida AARE, maku aqbali doonaa heer qaran qofka badalay? Dalkastoo Adduunka ka mida, marka mudane baarlamaan dhinto, madaxweyne waa u caadi inuu heer qaran u tacsiyeeyee?]
Iyadna waa xujee, quduraan aragnay iyo qiso layaab lahoo, laye xeer baa jiraa la yiraahdo ‘Sugayaal Xildhibaan’. Maamulka sameeyay iyo maxkamada saxeexdayna marnaba kumay dabaqin xaalada dalka iyo xaqiiqda dadka Soomaaliyeed ee ku wajahan doorashada Xildhibaanada oo an indhaha laga qabsan karin. Xaqiiqdaasi waxay tahay in xildhibaan kastaba lagu soo doortay heer qabiil, qooys iyo waliba jilib, taasi oo an la dafiri karin ahna caado Soomaaliyeed marka doorashooyin caynkan ahi yimaadaan. Hadii la diidan yahay qabiilna, daadku intuuna kusoo galin ayaa la iska moosaa, oo doorasho Baarlamaanba waa la iska dayni lahaa, in kastooy taasi oo iyadna muujin lahayd kalidii tashinimo.
Hadii madaxweynaha isaga heer qaran lagu soo doortay, xildhi Ibaanada laguma soo dooran heer qaran. Hadii xeerka madaxweynaha qabanayi yahay in lagu badalo Madaxweyne xigeenkiisa haduu dhinto/tago/is casilo.iwm. Xeerkaasi ma qaban karo in xildhibaan guulaystay hadduu dhinto lagu badalo xildhibaan hadhay oo la yidhi wuu ku xigaa. Xeerka caalamiga ahi waa in la qaado waxa loo yaqaano ‘Bi-election’ doorasho kale oo laga samaynayo degaankii iyo waaxdii laga soo doortay xildhibaanka dhintay ama tagay.? Xitaa xisbigii uu xildhibaanku ka dhintay kalidood uma laha awoodaa ay ku soo dooran karaan qofka lagu badalayo, oo xisbi kastaayiba waa isku soo sharxi karaa doorashadaas (by-election).Bal hadana maxaa xeer u yaalla marka uu dhinto Xildhibaan isaga oo an la dhaarin hawshiisiina bilaabin?. Awooda yaa iska leh, ma dadkii soo doortay, ma xisbigii soo sharaxay, ma xukuumada dalka, mise midnaba?Xeerkan la cuskaday ee ‘Sugayaal Xildhibaan’ xaqiiqdii waa burburka iyo baaba’a dadka iyo dalka. Xildhibaanada cusubna waa inaanay dhaarta galin ilaa gabigiisaba la badalo xeerkaas.
QORAALKA HAATANA IDINKU SOO MAQANINA WAA MIDKII UGU WADA HORREEYAY EE HIILDANYARE USOO GUDBIYO SHABAKADAHA SOMALILAND. AAD BAANA LOO AKHRISTAY
Ficil Baa Daniga Dhalaye, Falka Yaa Masuul Ka Ah
Abdigani Ateye — London, UK — 8 November, 2005
Tallaabada koowaad oo aad looga dooday una baahnayn in lagu celiyo balse murtida laga raaco waxay tahay war saxaafadeedkii Rayaale ku weeraray mucaaradka, gaar ahaan Silaanyo. Dadku waxay sugayeen inuu Madaxweynuhu jeediyo khudbad dahab ah oo dareenka iyo shucuurta dadweynaha soo jiidata taasi oo xambaarsan xiisaha iyo xamaasada ka danbaysay gudashada xilkii weynaa ee doorashada Baarlamaanka. Hase yeeshee nasiib darro waxay u muuqatay in Rayaale ka hadlay meel qalada iyo mar qalad ah(wrong time and wrong place).
Halhays(murti) wakhtiyo hore laga soo xigtay Dirawal reer Boorama ah, kadib markii uu Baabuurkiisii ku gaddoomay jidka u dhexeeya Boorama iyo Jabuuti, ayaa wuxu ahaa ‘Miroow u dar la iga dayni waaye, Dad waxaan siday ma wada daadiyay’. Waxay u dhigantaa in Madaxweynuhu isna sidaa oo kale is leeyahay ‘Daahiroow hadal la iga dayni waaye, ma dayaamay goor daran’.
Tallaabada labaad, waxa qaaday Wasiirka Qorsheynta – Axmed Xaaji Daahir. Oo waxa la yidhi Awarba,awrka horuu socodkiisa leeyahaye, isna sidii Madaxweynaha uun u tallaabsaday. Aamusnaan ayuu ku caydhiyay wakiil ka socday EU isagoo malaha ku xisaabtamay in xaajadu sidaa uun ku xasili doonto. Ka dibna saxaafaddii iyo mucaaridkii oo is wata ayaan waxba ula kala hadhin sidii wasiirka loo gayni lahaa gawaanka ee gudin af-weyn loogu gasaari lahaa.
Taasi oo keentay inuu isaguna soo baraarugo goor danbe, kadibna noqdo sidii bahalkii biriijka ka dhacay isagoo qabtay war saxaafadeed tabtii madaxweynaha oo kale ah. Waxa laga sugayay inuu awoodda saaro caydhinta wakiilka iyo inuu sida dharaarta u caddeeyo sobabaha ugu waaweyn ee dadka ka qarsoonaa ee keenay ficilkan. Inkastuu Wasiirku sheegay inuu lacag badan ninkaasi lunsaday cilaaqaadna la lahaa Koonfur Soomaaliya isla markaana uu mar danbe faahfaahin doono, waxan rajaynayaa inuu qoraal iyo qoowlba si qayaxan daaha uga qaadi doono ilaa xad inta ay le’eg tahay xaq darada dhacday si loola xisaabtamo EU iyo wakiiladooda.
Weerarka uu isla markaas hadana Wasiirku ku qaaday Sillaanyo waa ‘too little too late’, waxay ahayd inuu mar hore la xisaabtamo wixii qalad ninkaasu gaystay illeyn xisaabi xil ma lahe. Imikase waxay u muuqanaysaa ficiltan oo hebelba dalka iyo dadkaba qalad waa ka galay oo waan ka aamusnaye, isaguna ha naga aamuso markaan wax qaladno. Hase yeeshee hadana waa baal cusub oo furmay una yaalla ummadda reer Somaliland inay mustaqbalka (Future Reference) ku hayaan maskaxda waxa lagu soo oogay Silaanyo, haduuna isagu haatanba bilaabin inuu is maydho/difaaco.
Mar haddii Dawladi jirto, iyadaa ka masuula inay ficiladeeda iyo falalka keenayba ka feejignaaato, mar walbana hal tallaabo ka horreyso mucaarid iyo muxaafid iyo mid kastaba. Hase yesshee anigu sida dad badani soo jeediyeen uma arko xal in la yidhaahdo wasiirka ama madaxweynaha midkood ama labadooduba ha is casilaan. Waxay dad badani qireen in Rayaale iyo Axmedba yihiin masuuliyiin daacadnimo, dulqaad ,samir iyo hufnaan leh waxanan aamisanahay inay qaladkooda wax ka baran karaan ooy sixi karaan. Lagamana cararo dhibaatadaada oo waa la iska caabbiyaa(face your problems), sidaa daraadeed in marka qalad dhacaba la ordo oo la is casilo kuma jirto maslaxadda iyo midnimada Somaliland oo wali mayalku u adkaanin. Waxanse odhan halloo ganaaxo Rayaale iyo Axmedba sidan hoos ku xusan:
Maqaal uu qoray Professor Xuseen Axmed Warsame Nageeye(Aug 05 Saylac.Com) kadib markii uu booqasho ku tagay Somaliland oo muddo dheer uu ka soo maqnaa ayaa wuxu soo xigtay labo kaftan oo dadkii baabuurka kula jiray u sheegeen:kaftanka koowaad, wuxu ahaa in markii degaanka Awdal lasoo gaadhay marka dhinaca Hargeysa lag yimaado,sida waligeedba ay ahaan jirtay loo galo wado xagaaf hantaaq iyo habaq badan. Markii Profosserku su’aal ka weydiiyay, sida aanay waxba isku badalina, waxay ku yidhaahdeen miyaanad maqal in Jidadka dalka intiisa leeyihiin Ilahay iyo Dawladba, kuwa ku yaala Awdalna leeyihiin Ilaahay oo kaliya.
Kaftanka labaad (ood moodo inuu uba yar u egyahay yahay dhacdo dhab ahi) wuxu ahaa in Haweenay u dhalatayTogdheer hase yeeshee u dhaxday Awdal oo rabtay inay soo booqato reer gacalkeed iyadoo maanka ku haysay in marka loo dhoow yahay degaanka beesha madaxweynaha la gali doono jid intii hore ka hannaan iyo habsami wacani ay la kulantay amakaag iyo anfariir. Haweenaydaasi mar alla markii xagaafkii loo soo galay ee xurfaddii ugu horreysay uu baabuurku kula dhacay ayay habaqdii kor u booday ooy ku hadaaqday “Allah Waan iska cafiyay Ninkani (Madaxweynaha) waa kaas 1 mile oo jid yar oo Daamur/Gaamur lehna gaadhsiin kari waayay gobolkiisee”.Gabagabada arartaydu waxay tahay, halaga cafiyo Madaxweynaha iyo Wasiirkiisaba qaladkooda oo yaan lagu qasbin inay is casilaan, hase lagu ganaaxo inay soo dhiciyaan lacagayoowga ku maqan hay’adaha gargaarka, kadibna jidka laamida ah ha gaadhsiiyaan Awdal oo ilaa intay ay sidaas yeelayaan yaan laga aqbalin inay ka tagaan maamulka dalka. Kab xumo ma hadhee kab laawaa hadha, oo haday Hargeysa laamiyo jajaban ka cabanayso, bal ka warama goblka dhan ee bad ilaa barri an waligi Dawlad hore iyo Dawlad danbaba gaadhsiinin hal laami oo kaliya. Waxan rajaynaynaa in ummadda Somaliland isku raaci doonaan aragtidaas.
__________________________________________________________________________________________
YAA MAALI JIRAY ?
Abdigani Ateye — London, UK — 16 November, 2005
Maamul Dawladeed oo an waantoobayn, Muxaafid malo awaalay, Mucaarid macangag ah, Saxaafad muran badan, iyo maato miciin beeshay,waa xaajo maroortoo, xaalkeenu waa yaa maali jirayeey?.
Haatanna muramuhu wuxu ka joogaa ‘Mujaahid ‘ iyo ‘Ma jihaade’. Dalka yaa usoo halgamay, iyo dalka yaanse u soo halgamin? iyadoo ubadka maatada iyo dan yartuna ku abaadayaan cuduro adduunkan waayo hore laga dabar jaray?.
Marka laga hadlayo Adduunkan aynu ku noollahay dal walba cidii u soo halgantay waa faro ku tiris oo waxa ka badan dadka ay u usoo halgameen rabeena inay xoreeyaan. Sidoo kale waa faro ku tiris inta halgamaa ee nasiibka u yeelatay madax inay ka noqdaan dalkii ay usoo halgameen.
Mohandas Karamchand Gandhi ( India – 1869 – 1948) oo loogu magac daray ‘Mahatma’( great soul), nasiib umuuna yeelan inuu maamulo dalkiisa oo wuxuu dadaal ugu jiray waxa u danbaysay dil naxdin badan.
Kwame Nkrumah (Ghana 1909-1972) oo ahaa Madaxweynihii ugu horreeyay ee hogaamiyay dalkii afrikaanka ugu hor qaatay xorriyadu -Ghana, waxa u danbeysay dalkiisa oo laga cayriyo kuna dhinto qurbe.
Maxamad Cali Jinaax (Pakistan’s Founding Father – 1876 -1948) nasiib uma yeelan inuu dalkii uu u soo halgamay maamulo mudaba oo wuxu dhintay u dhintay TB ,13 bilood gudahooda intii Pakistan noqon dal ka go’san India oo iskii u madax bannaan.Nelson Rolihlahla MONDELA -1918 (Aabaha Afrikaanka Madoow) noloshiisa intii xooganayd oo dhan (1962 – 1990) wuxu ku dhammaystay xadhig iyo xasuuq badan oo u soo maray xorriyada South Africa. Nasiib wuxu u helay inuu muddo yar oo kooban oo uu dalka u noqday Madax markii wakhtigiisu soo gaadhay , si dhib yar ayuu uga dagay.
Yazer Carafaat (1929 – 2005), Hogaamiyaha dadka Reer Falastiin, isna waa ka dhintay isagoon arag Dal Falastiin oo ka xor ah Yuhuud.
Martin Luther King(1929 -1968) , muruqiisa iyo maskaxdiisa iyo maalkiisa wuxu u huray aqoonsiga dadka Madoow ee Maraykanka oo ku abaaday xasuuqii ugu weynaa ee taariikhda adduunkan soo mara ee Binu Aadam ku sameeyo Binu Aadam kale iyagoo la diidayo kaliya Midabka Jidhkooda. Dr King nasiib uma yeelan inuu arko Riyadiisii ahayd in maalin maalmaha ka mida Madooow iyo Caddaan la midoobi doono Americana loo sinnaan doono.
Bal ka warrama (what about) John Grang- (The aspiration of the Southern Sudanese People) ee Suudaan Junuub?.
Maanta Soomaaliya iyo Somalialndba ma jiro hogaamiye siyaasadeed oo la barbar dhigi karo sida Nelson Mondela, Marthin Luther King, Maxamad Jinaax IWM. Sobabtuna hadii an ka soo qaadano meesha ugu fudud(for simple reason) waxay tahay, ma jirto Cid Soomaaliya iyo Soomalilandba maanta gumaysta oo madoow iyo caddaanba leh. Ma jirto cid Diin iyo Dhaqan iyo midab ku gumaysata dalkeena. Sidaa daraadeed, Mudane Axmed Silaanyana waa ka nasiib fiican yahay oo ma noqon karo Mondela. Wuxu joogaa dalkiisii hooyo oo xor ah, dadkiisii ayaana hareer socda oo xasuuq iyo xadhig midna laguma hayo. Hadaba Muhuumida maqaalkaygu waxay tahay in, inta lagu murmayo ciddii soo halgantay iyo cidii an halgamin, la saaro miisaanka maamul xumida iyo musuqmaasuqa dawlada iyo mucaaridka oon cidna loogu hiilin magac iyo mansabyo.
Waxan arkaynaa dhalinyaro soomaaliyeed oo wax garad ah oo saaraya aqoontooda kuna murmaya kala doorashada xisbiyada iyo kala fadalida hogaamiyayaasha xisbiyada. Dadka dhulkii jooga in badani kama soo toosaan qol diiran mana helaan quraac iyo qado mar walba diyaar ah iyo qubeys mar walba joogto ah. Inteena Qurbaha ku nool ee haysta wax kasta oo sees u ah nolasha, waxan u malaynayaa inay waajib inagu tahay inaynaan dadkaas maatada ah ku cayaarin caqligooda een cududeena saarno inaan ka dhicino qof kii kasta ee ku dulmaya iyaga magac dawladeed, magac mucaarid, magac muxaafid, IWM ..ee dhuuxaya dhiigooda iyo lafahoodaba.
Marka loo soo laabto dalalka xorta ahaa ee dadkoodu ka gilgilnayeen maamul xumo iyo gumaysi dhexdooda ah iyo gumaysi uga yimaada dibadaba:
Winston Churchil (1874 – 1965) oo dalka Ingiriiska u ahaa Prime Minster wakhtigii dagaalka labaad oo ka gilgilanaya gumaysi uga yimaada Germany oo la saaro guusha lagu jabiyay Xisbigii Naziga ee dalka Germany, hadana waa ku guulaysan waayay inuu sii wato maamulka dalka oo doorasho ayaa lagaga adkaaday isla dargaalkaas (post war election) ka dib.Sayid Maxamad Cabdulle Xasan-1864-1920, (whether we love him or loathe him) taariikhda mujaahidiinta xorriyad doonka aduunyada wuxu uga xusan yahay baal sare wuxuna ka yimid yahay gobanimadoonkii ugu horreeyay Adduunka ee Isticmaar hawada(Diyaarado) kaga soo duulo. Duumo ayaa 1920 aadkii, ku dishay duleedka Iimay waligiina dal soomaaliyeed oo madax bannaan umuu yeelan nasiib.
Wararkii Caafimaad ee ugu danbeeyay ee lagu soo warramo waxa innoo muuqata in cudurka Jaddeecada oo adduunyadan laga jaangooyay waayo hore, haatan ku soo noqday carruurteena Soomaaliyeed. Sida saxaafaddu warka u soo gudbisay oo udhigan sidan:
“Warbixin ka soo baxday wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland ayaa tibaaxday in cudurkani oo hore la moodaayey in laga tirtiray guud ahaan geyiga Somaliland, hadda lagu arkay Gobolka Awdal”(Somaliland.org Hargeisa 13 Nov 05).
Hadaba ereyga la ‘moodayay’ ayaa ka tarjumaya dhayalsi(Negligence) iyo dhago adayg. Cudurka jadeecada inuu Koonfur Soomaaliya ku soo baxay waxa soo qoray Somaliland Times,(Nairobi, February 13, 2003 (Allafrika.com):
Wixii dariskaaga saameeyaayi adna waa ku saameeyaye, wakhtigaasi ayay ahayd in la bilaabo tallaalka iyo u diyaar garoowga cudurkani.Dib u dhaca waxa keenay loogama dhigi karo cudur daar inay tahay dalkeena oo an la aqoonsan, waxase looga dhigi karaa maamul xumo iyo maatada iyo dan yarta oon cidina dar yeelin. Hadii maanta Dawladeenu taagan tahay lanama aqoonsan daraadeed ayaan wax walba u dayacaynaa, waxan doonanana u samaynaynaa waa ayaan darro, murugo iyo ciil.
Cudurada sida jadeecada ee ubadka ku dhaca boqolaal Hay’adood oo gar gaar ah ayaa gacan ka gaysani kari lahaa oon dan ka lahayn aqoonsi iyo aqoonsi la’aan. Hayadahaasi oo imika wada gargaarkooda ee cudurka Jadeecada, waxay ahayd in mar hore lala shaqeeyo oo laga fakiro waxa ku soo fool leh ubadkeena. Taasi oo kaliya ayaa tusaale innoogu filan maamul xumida dalka, ee mucaraad iyo muxaafidba la wadaagaan. Haddii midkood ka fiican yahay ka kale waxa la arki lahaa mid ka mida oo jalleeca maatada iyo dan yarta oo ka fakira waxa ku soo fool leh. Hase yeeshee mid waliba kursi madax tooyo ayuu ku maanqaadan yahay, codka dadkana waa rabaan, caafimaadkoodana dan kama leh, oo waa Cawo daran iyo Ciirsi la’a. Caku Wasaraada Caafimaadkuna waa caynkii kuwii kale.
LIIBAANAA
(Wargeyska “Hiil Dan Yare”, London – UK)
_____________________________________________________________________________
Falsafadda Dhanxiir – “Toggaa Maahine, Tarraafkaa”?
__________________________________________________________________
Muddo kooban ayaan ku jiray ka qayb qaadashada qoraalada iyo akhriska maqaalada/wararka/ ee shabaqadaha iyo wargeysada Somaliland. Waxyaabaha mudadaas aadka ii cajab galiyay, ee i soo jiitayna waxa ugu horreeyay Dhanxiir oo an aad ula dhacay Falsafadda ka danbeeysa Jiritaankiisa (The Philosophy behind the Creation of DhanXiir). Runtii wakhtigaa koobani ma ah mid an odhan karo waxan haystaa khibrad an kaga warrammi karo DhanXiir. Sidaa daraadeedna waxan dadka xad dhaafka ah ee aad u xiiseeya DhanXiir ka codsan lahaa inay raalli iga noqdaan haddii ay saluugaan sida an u fahmay falsafadiisa..
Falsafadda DhanXiir ku salaysan yahay waxay aniga ila tahay waxa an ugu yeedhi karo ‘Toggaa maahine, Tarraafkaa’ oo u dhigmi karta murtida tidhaahda ‘Markaan Geela horaynno, Gorayo hees ha u qaadin’. Waa labada dhinac ee DhanXiir oo marka midi ka hadlayo wax gooniya, ka kalana u booddo meel kale. Balse xaqiiqdu intaas uun kuma wada koobna, oo marka si qoto dheer loogu sii fiirsado waxa soo if baxaysa inay hadana meel kaliya uun wax ku wada wadaan labadaa dhinac ee DhanXiir. Oo halkaas iyadna waxa qabanaysa maahmaahda tidhaahda ‘Jiidista iyo Qaadista Ooddu, Waa isla Guri gayn’.
Falsafadda Dhanxiir qofba dhan ayuu ka arki karaa waana lagu kala duwanaan karaa aragtideeda, sida isaguba dhinacyo badan u leeyahay. Hase yeeshee shaqsiyan waxa isoo jiitay taas ku salaysan ‘Toggaa Maahine, Tarraafkaa, ee haddana ah isla guri gaynta’. Tusaale, haddii an weydiin lahaa DhanXiir, Su’aal ku saabsan Awdal (illeyn, Alla Yaa Rabboow, Reer Awdal baan ahaye) inuu iiga soo jawaabo isla markaana kaftankana yara Awdaleeyo, muxuu iigu soo jawaabi lahaa?. Kasoo qaad, haddii an odhan lahaa, siday kula tahay DhanXiiroow, reer Awdal waxay rabaan inay Gobol kalana samaystaane? Waxan filayaa inay jawaabtiisa Awdalaysani noqon lahayd sidan: “
Maanshaa Allaah; reer Awdal waxay rabaan inay soo celliyaan xaddaaradoodii hore, oo maalinkaa manta ahna Ilaahaybay tiisu u nagidahaye wilwilahana ay ka gooyaan ilaa iyo Gar-Goorray. Waxayba xusuusteen ooy xusayaan Madaxdoodii hore ee Xaaji Diide iyo Jaamac Saylici, ee Allaha Liibaano”. “
Alliyo Nabiii, weger; Adeer Awdal ha ii danbaysee, horta waxan ku waydiiyay dawladani ina BUSH maxay ka damacday ina RAYAALE ? Ma waxay isaga u aqoonsadeen inuu yahay Ra’iisul Wasaaraha Qarsoon?, Mise Xildhibaan IKRAAN ayayba moodeen inay tahay Madaxweynaha Dalka ?.”
Taasi waxay u dhigantaa falsafadda an ku tilmaanay ‘toggaa maahine, waa tarraafkaa’ balse hadana isla guri gaynta ah……………………..? Su’aalo badan ayaa la weydiiyay DhanXiir oo lagu waraysanayo waxa uu yahay, midka ugu fiicnayd een arkayna waxay ahayd gabayga uu tiriyay Abwaanka la yiraahdo Cabdi Maasda. Nuxurka Su’aasha ee Maasda wuxu ahaa sidan:
Qofka aad dhabtii tahay
Dhaka faar ka qaadee.
Runta soo dhaweeyoo
Ha la wada dhageystee.
Car dhawaaq dhanxiirow.
DhanXiir, isna wuu hadlayoo wuxu ku jawaabay anigoo ku soo koobaya qoraal caadi ah; inuu sheegay, odaygu haba ika qaab darraadoo, haba iska dhuu-dhuubnaadoo, haba la moodo dhicise, inuu yahay libaax khatar ah oon dhulka u dhicin oo dalkuba la’aantiis dhici lahaa. Waxa kale oo u sheegay in dhawan loo dhiibi doono Wasaaradda Maaliyadda oo isaga dhaqaalaha iyo lacagta lagu aammini doono.!!!
Runtii wuu u qalmaa DhanXiir in loo dhiibto lacagta, oo nin afar indhood leh, oo afartuba xay yihiin, okiyaalana an u baahnayn, oon daalayn, oon gaajoonayn, oon jiifsanayn, cid alla cid wax ka xadi karta ayaaban jirin. Dalkuna wuxu u baahan yahay siyaasiyiin indho badan leh oo meelo badan wax ka arka sida DhanXiir. Siyaasiyiinta haatan dhulka joogti waxay u badan yihiin kuwa il kaliya leh, ishaana iyaga uun isku eega oo meel shishana wax ka arag, cadow shishena iska arag.
Aniguse su’aasha an DhanXiir weydiin lahaa, een jawaabtana isaga u dhaafi lahaa waxay tahay: ·
Dhanxiir Ma Tukadaa, Hadduuse Tukado Dhankuu u Jeestaa?.
Waan ka yara qalbi-qaatamayoo, waxan is idhi, oo markuu midkood wajiga dhulka saaro, illeyn kii kalana cirkuu eegayaa oo samaduu u jeedaaye, toloow siduu u tukadaa, hadduuba tukado……oo hadana dhankuu u jeestaa…!.
GABAGABADII: . Philosophy, waa erey Giriig ah (philein , ‘to love’ sophia ‘wisdom’), waana sida dadku badiyaaba fikirkooda ugu dabbaqaan waxyaabo kala duwan (barashada garaadkooda). Qof waliba sida uu u fakiraayi waxay leedahay hannaan, hab iyo heer, waxna qofka laftarkiisa u gaar yihiin waxna uu kala sinnaan karo dadka kale. Dadka iyo dalalka adduunkuna waxay soo kala mareen xaddaarado falsafadeed oo kala duwan, oo waxa jiray Greek Philosophy, Indian philosophy, Egypt Philosophy; Chinese Philosophy; iwm ..iwm… Haddaba falsafad Soomaali (Somali Philosophy) miyay jiri jirtay, miyayse jirtaa ?, haddayse jirto maxay tahay?.
Aniga waxay ila tahay, Falsafad Soomaaliyeed (Somali Philosophy) way jirtay, waanay jirtaa oo tusaale waa taa abuurtay DhanXiir,. Qofka hindisay DhanXiirna xaggayga wuxu ka qoran yahay inuu yahay qof falsafad weyn (A great philosopher) . Sidoo kale Falsafadda soomaaliyeed(ka sokow Diinta Islaamka ooy muslin oo dhan kala siman tahay) waa midda ku dhisan Maahmaahda qarada wayn ee tidhaahda ‘Kala go’o iyo kala Lulasho, waxa la Qaatay Kala Lulasho’. Taasi oon uga dan leehay inay Soomaali leedahay falsafad adag oo ku salaysan dhaqan soomaalinimmo oo si kastoo laysku dilo hadana marnaba aan lagu kala gu’i karin.
Hadal iyo dhammaan Falsafadda DhanXiir iyo Falsafadda Soomaaliyeedba waa dood u furan Aqoonyahaniinta iyo khubarada Soomaaliyeed ee kutubta iyo shahaadooyinka waaweyn ee cilmiga falsafaddana wax ka yaqaanna. Kuwaasi oon jeclaan lahayn inay iyagoo mahadsan naga soo jaahil bixiyaan ooy noo soo jilciyaan waxna naga soo fahamsiiyaan.
Maqaalkana waxan ku soo xidhayaa halhays laga soo xigtay filoosofarkii caanka ahaa ee la odhan jiray Socrates (c470-399BC). Halhayskaas oo ah, “Anigu, kaliya waxan Aqaannaa, inaan Anigu waxbaba Aqoonnin” “I only know that I know Nothing (Socrates)”.
Igu salaama DhanXiir, haddii ad ku aragtiin Suuqii Hargeysa isagoo cagacagaynaya, oo xaggaa iyo Wasaaradda Lacagtana u sii xoodaaf- xoodaaf leh. ! Sidaa iyo Nabad iyo Caano iyo Cimri dheer DhanXiir
Sayid HIIL
Wargeyska HiilDanYare.
_______________________________________________________________________
Gujuu-Gajaa vs Laa Ilaaha-Ila Laahu
April 1, 2006 Cabdiqani Suldaan-Yuusuf
Waayo hore oo hore ayaa waxa lagu soo warammay in Reer (Kuul/Geeddi?) ka mid ah Ciise baadiyihii hore ee hore, ay ka dib markay dhargeen ku heshiiyeen inay isku dibiro dhacsadaan ooy is dilaan. Waxay ku heshiiyeen inay u kala saftaan labo kooxood oo mid ka mid ahi noqoto Muslim, Qolada kalana noqoto Gaalo. Waxa kale ooy isku raaceen si ay isu kala gartaan, in Kooxda muslinka ahi Ashaahadato ooy tidhaahdo ‘Laa Ilaaha Ila Laahu, kooxda kalana tidhaahdo Gujuu-Gajaa’.
Markay intaas isku af garteena waxay bilaabeen dagaal hor leh oo weerar iyo weerar celis ah. Siday isku garaacayeen maalintii oo dhan iyagoo leh, Laa ilaaha-ila laahu, Gujuu-Gajaa,, Gujuu-Gajaa, Laa ilaah ; Laa-Ilaah, Gujuu-Gajaa… ayay gamta iska saareen ooy cardaadiqaha iska dhigeen baabahna iska yeeleen.Waxan taas uga Socdaa Xaallada maanta Xamar, ayaa ifafaalahaas leh oo taasi u dhiganta.
Haddii reer baadiyaha berigaasi is dilay ahaayeen dad kibir iyo Jaahilnimo isugu biirtay, waxa haatan la dhigma oo kaba sii liita kuwa wakhtigan Casriga ah jooga walina kibir aqoon yari, immaan la’aan iyo Binu aadaninio darri isku dilaya.
• Illeyn Ciilna ku Qosol lahoo
• Qashuushna waa Oohine
• Qammuunyooday Aniguyoo
• Qadhqadhyaa I Qaadaye
• Qabanina waa jiifkiiyoo
• Qaxwiyo ka Go’ay Quude
• Bal Qisadaniyo Yaabkaniyo
• Quduradan dhacday eegoo
• Qasaarahani Dayaay… Qasaarahani Dayaay… Qasaarahani Dayaay……
Kooxahan Xamar isku dirirya, Kooxbaa la sheegay inay qaateen calan isku tallaabyo badan iyo calaamado leh oo loo bixiyay waa kooxdii Isbahaysiga Shaydaanka(Gujuu-Gajaa). Kooxna waxa la yidhi waa muslinka xag jirka ee la baxay is bahaysiga Islaamka(Laa Ilaaha Illaa Laah). Kaddibana Gujuu Gajaaiyo Laa Ilaahbaa isku dhacay oo maydkoodii meelkasta malaasay Muqdisho guudkeedii.
Dadkii oo Abaaro u dhimanaya, oo tabcaanay, oo tabaalaysan ayay intii dherega haystayna keeneen inay isku dibira dhacsadaan. Waar malaha Soomaali ma wada aha Soomaali oo magacu waa been, oo qaarbaa ‘Moosaali’ ah; oo qaarbaa ‘Limaasoo’ ah; oo qaarbaa ‘Aamoosli’ ah; oo qaarbaa ‘Ilaamoos’ ah; oo qaarbaa ‘AaOoslim’ ah; oo qaarbaa Sinjii kale ah.Dhaqan Soomaaliyeed iyo Diin Islaamba la dhaafye, toloow xaggee dhaanka loo raray. Ragoow, waar hooy Ragoow, Waar Ina Ragoow, ogaada KIBIRKA WAA LAGU KUFAAYE.
• Kariimoow Allahayoow
• Kolka waan Rafaadnaye
• Korreeyoow na taageer
• Kali Taliye waa Adiye
• Koolkoolina maatadaasi
• Koonfur Lgu Kadab Jaray .
Fadlan la xiriira Muslim Aid (www.muslimaid.org), haddii ad jeceshihiin inaad wax deeq iyo gargaar ahba ka gaystatiin guul darrada iyo gaajada taalla geeska Afrika, gaar ahaan Koonfur Soomaaliya. Weydiiyna, ‘Horn of Africa, Famine Appeal’. Nabad iyo Caano___
Xukunbaa Liqay Jacaylkiiye, Yaa Xisaabo ku lahaa ?.
Abdiqani Caateeye — London, UK — 19 February, 2006
Sida qaalibka ah maalinta Valantine ma aha mid ku salaysan Diin Islaam iyo dhaqan Soomaaliyeed toona, mana aha maalin an rabno inay ka hir gasho dhulkeena, mana aha mid an ku dhiirri galinayno dhalin yarada soomaaliyeed inay xusaan. Hase yeeshee waxan diidaynaa in awood maxkamadeed oo ballaadhan oo deg deg ah la dul saaro dhallaan soo koraya oo waalidiintooda iyo macalimiintodaba lala kaashan kari lahaa inay wax ka qabtaan ama siyaabo kale oo cilmiyaysan wax loogu sheegi kari lahaa.
Xorriyad ay dareemayeen aawadeed ayay dhallaankani ugu kaceen inay sameeyaan waxii caqligoodu siiyay ee ay is yidhaahdeen ku muujiya farxadiina iyo xorriyada ad haysatiin iyagoon nabadgalyada iyo xasiloonida waxba u dhimaynin. Xaakinka maxkamaduna wuxu muujiyay xorriyadii awoodiisa oo uu dul saaray meel an kuba habboonayn:
Aalaaba waxay Awooddu keentaa Musuq, Awoodda Idilina waxay musuqdaa Idaylaba. “Power tends to corrupt and absolute power corrupts absolutely“- The History of Freedom John Emerich Edward Dalberg Acton- Lord Acton -1st Baron Acton of Aldenham.
Bal ayunu wax yar ka jalleecno taariikh kooban oo ku saabsan maalinta xuska jacaylka ee Valantine’s Day. Valantine wuxu ahaa wadaad masiixi ah oo qarnigii saddexaad diinta ka fidinayay Rome. Wakhtigaasi waxa jiray Boqor la yidhaahdo Claudis II oo dhallin yarada ka hor joogsaday inay is guursadaan isagoo ugu dan lahaa nabadgalyada boqor tooyada oo wiiqmaysa marka guurku bato. Boqorkaasi wuxu rabay in dhammaan ciidamadiisu ahaadaan kuwo an xaas lahayn. Wadaadka Valantine ayaa waxa lagu soo warramay inuu wiilasha iyo gabdhaha is jecel si qarsoodi ah isugu dhisi jiray. Kadib markii uu boqorku (ClaudisII) arrintaasi ogaadayna wuu soo xidhay wadaadkii ‘Valantine’ wuxuna ku xukumay Dil. Wadaadkaasi jeelka gudihiisa ayuu uga qori jiray waraaqo gabadh uu jeclaa isagoo ku saxeexaya waxay kaaga timidday valantine kaagii (from yours Valantine). Halkaasi ayayna ka soo baxday in la xuso Valantine.
Siyaabo kale oo looga hadlaayina way jiraan, intaas ayaase inagu filan inaan ka ogaano.Malaha waxaba dhici kari lahayd, haddii uu Valantine wadaad Muslim ah noqon lahaa oo jecel guurka wiilasha iyo gabdhaha is jecel, in magaciisu caan ku noqon lahaa Islaamka, wuxuse noqday wadaad christian ah oo caan ku noqday dalalka Christianka. Hase yeeshee hadana is weydiintu waxay tahay, qofkii soomaaliyeed ee maalintaasi xusaayi muxuu kaga duwan yahay qof arrimahan soo socda sameeya:
Qof Soomaaliyeed oo qaata labiska Gaalada
Qof Soomaaliyeed oo quuta dhuuniga iyo cabitaanka gaalada
Qof Soomaaliyeed oo ku hadla Afka gaalada ama wax ku qora
Qof Soomaaliyeed oo ka guursada Gaalo uuna muslimin.
Qof Soomaaliyeed oo ku dhaqma Distuur iyo Sharci gaalo Samaysatay.
Dadkaasina waxaba ugu horreeeya dhammaan masuuliyiinta Dawaladda Soomaliland oo ku dhaqmaya Distuurkii wadamada gaalada oo lagaga dhaqmo America iyo Europe, una labista sida Maraykanka iyo Yurubiyanka IWM.
Hadaba Su’aalaha xiisaha badan ee in la is weydiiyo ah waxay yihiin:
(1) Marka hore muddo intee le’eg ayay Maxkamad Caadil ah ku qaadan kartaa inay gaadho go’aan noocan oo kale ah ooy 28 qof isla xadhig isku mida ku wada xukunto?.
(2) Haddii carruur yaryar lagu xukumay waxay ku kaceen arrin ka baxsan Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, xukunka noocaasi ahi imisa qof oo kale ayuu qaban karaa?
(3) Xaakinka Diiday xuska Jacaylka, Laftarkiisu ma ka badbaadi karaa xukunka noocaas ah?
Qodobka la cuskaday ma mid ku jira Distuurka dalkaa, Ma mid ku jira Xeerka Diintaa mise waa Mid ku jira Xeerka Soomaaliyeed.? Imisa Xeer ayuu Dalku leeyhay?.
(4) Midkee Xaq ah inaan ku dhaqano Distuurka Diinta iyo Distuurka Diimuqraadiga Marka horaba? Dawladda iyo dadku, makala laba Distuurbaa?. Midkee kee Qabta Dawladda, keese Qabta Dadka?
(5) Hadii Carruur yaryari ku kaceen wax anshax xuma ah, Yaa tarbiyada bari kara, ma waalidiintooda, Ma macalimiintooda, Maxkamada, guud ahaanba mujtamaca oo midooba iyo macluumaad badan IWM?…
(6) Isku soo wada duuboo, maxay maxkamadu ka yeeli kartaa Masuuliyiinta iyo Muwaadiniinta Somaliland ee ku dhaqma Distuur Gaalo, dhaqan gaalo, dhuuni gaalo, cilmi gaalo, cunno gaalo, cabitaan gaalo..yabooh gaalo, gunno gaallo ..IWM….?.
(7) Guurtii iyo Gabagabadii waxa halkan ka cad in Garsoorka iyo Caddaalada Dalku la jaan wadaago Musuqa iyo Maamul xumida Dawladda Dalka iyo Xisbiga Maamulka Dalka. Waxay dhamaantood caadaysteen inay saaraan awoodooda buuxda kolba meesha ugu diciifsan sida carruurta, maatada, dan yarta iwm. Maxaase ugu wacan?:
(8) Ma taxaliishii Kacaankii Barakaysnaa ku tufay UDUBta Barakaysabaa, oo Maxkamadana hanbo laga siiyay? Mise waa wax kale?.“Hashu Maankayga Gaddaye, Ma Maansaarbay Liqaday”.
LIIBAANA
HiilDanYare, London UK
_____________________________________________________________________________________
May 8, 2006
Soomaalidu Way Buktaa, Banaadirna Waaba Besteed

Soomaalidu way Buktaa
Besteed weeyoo la hubi
Abwaankii Bayaanshoow
Been kumaadan Baaqine
Billaahi waa Runtaayoo
Banaadir baa u Markhaatiya
(1) Toorriyaynta Sharciyaysan
Qaybta Koowaad ee maqaalkani waa faallo kooban oo ku saabsan falkii foosha xumaa ee dhawaan ka dhacay Muqdisho ee ahaa in Maxkamada Islaamku sharciyaysay in qof Toorri lagu gasaaro oo 16 jir loogu dhiibo isla markaana shicib weynuhuna daawaadaan.
“Ilaa 2 qofood ayaa la xaqiijiyey in ay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ugu geeriyoodeen kadib markii ay sas iyo argagax ka qaadeen daawashada gacan ku dhiigle horey toorey ugu dilay degmadaasi macalin dugsi Qur’aan oo isna shalay Toorey lagu qisaasay”. Qarannimo Online; http://www.qaranimo.org/may/news-may-03-06-2.htm.
Shabelle Media Network ; http://www.shabellenews.com/2006/may/n6986.htm
ayaan markii ugu horreysay ka fiirsaday warkan murugada iyo muraara dillaaca badan leh ee ku saabsan tooriyaynta sharciyaysan ee qof binu aadam ah lagu xukumay in lagu dilo oo waliba will yar oo 16 jir ahi ku dilo dadka hortiisa. Ka sokow kas xumida maxkamada qararaarkan gaadhay,
waxa kale oon aad ula anfariiray sida ay u soo tabiyeen saxaafada Shabeelle. Waana wax muujinaysa bukaanka bulsho weynta soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Banaadir. Bukaankaasi bulshadu qabto ee Banaadirna la tahay basteed waxa weeyi qalbiga iyo dammiirka ummadda oo isagu daxalaystayba.
Xitaa weriyihii (Shabelle) kasoo warramay dhacdadan waxshinimada leh, waxad moodaa sidii Wariye Axmed Xasan Cawke oo soo tabinaya Ciyaarihii tartarnka Goboloda Dalka ee kubada cagta, Isagoo leh:
- Gacan ku dhiig lihii ayaa geed lagu soo xidhay
- Tooridii ugu horreysay ayaa lagu dhuftay
- Gacan ku dhiig lihii wuu soo goostay xadhigii, bannaanka ayuu ku soo dhacay, isagoo cabaadaya
- Tooridii labaad ayaa lala boobayaa, ma dhiman, ma dhiman ,
- Tooridii saddexaad ayaa lala helay, ma dhiman wali ma dhiman
- Tii afraad ayaa lala boobayaa
- in yar buu dhimasho u jiraa
- Wuu dhintay, Gooooooool, Goool , gool, gool!!!
Waa dammiirka daxalaystay oo ah Bukaanka ku dhacay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Banaadir.
Subaxaana laah
Sidani wax u dhaceen miyay tahay wax salka ku haya Diin Islaam iyo dhaqan Soomaaliyeed?:
- Lix iyo Toban Jir Aabihii La dilay, ma bannaynayaa Sharcigu inuu isaguna sidii Aabihii loo dilay si la mid ah wax u dilo?.
- Ma Sharcigaa wax dilay mise Aargoosashaa wax loo dilay?
- Sharciga Diinta Islaamku ma bannaynayaa Aargoosi?
- Dhaqan Soomaaliyeed iyo Diin muslim midna ma tahay in la sharciyeeyo in qof binu
aadam ah lagu gasaaro Toori oo fagaarana loo soo saaro?. - Yaa Masuul ka ah, ilaa labada qof ee la xajiiyay inay naxdinta awgeed u dhinteen iyo dhoowr iyo tobanka qof ee kale ee u badan haweenka iyo carruurta ee la soo weriyay inay suuxeen, sasmo iyo argagaxna qaadeen, yaa loo saarayaa masuul?
- Maxkamadda Islaamka Muqdisho, Maxay u Faa’iidaysay Marxuunkii gardarada lagu dilay markii hore iyo ehelkiisiiba, mar haddii kii wax dilay ee awal gacan ku dhiig laha ahaa ay ka galeen godob oo isaga kaba dhigeen Victim, dad kalana galaafteen oo u dhintay naxdin?. Isla markaana wiil yar oo soo koryay dhiig faraha u galiyeen?
Waxan kusoo gabagabaynayaa faalada maqaalkan, wax yar oon ka xusuusto dhacdo ka dhacday Boorama biloowgii 1980nadii. Waxa magaalada Boorama la keenay meyd Askari xabashi ah oo lagu soo dilay dagaal nawaaxiga degaanka Boorama ku dhex maray Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Xabashida. Meydkii Askarigaas ayaa lagu soo xidhay baabuur LandRover ah oo u lahaa Sarkaal Sare, oo dabadeedna lasoo dhex jiiday suuqii magaalada Boorama. Iyadoo Xabashi la necbaa
ahaydna walina tahay cadow Soomaaliyeed iyo Islaam hadana waxan xusuustaa in dadkii reer Boorama arrintaas qaadan waayeen oo ka jidhidhicoodeen. Sobabtuna waxay ahayd Dammiirka Binu Aadanimada, Musliminada iyo Soomaalinimada oon xitaa ku siinayn inaad meydka cadawgaaga Suuqa jiidjiido.
Muqdisho labaduba waaka dhaceen oo cadow soomaaliyeed/Islaam oo Meydkiisa la jiidayo waan ku daawannay inkastoo kaasi loo haystay naruuro oo xaalad gooniya lagu jiray. Haatana mid kaba daran ayaan aragnay oo ah in Qof soomaaliyeed oo af soomaali ku hadlaya oo muslim ah suuqa dhexdiisa lagu gasaaro dadkana daawada la yidhaahdo. Waxa la soo sheegay in Ninkan toorida
lagu dilayay muddo badan naftu ku rafanaysay dhiigiisuna fagaaraha kuwada firdhay isagoo ashaahadanaya magaca Ilaahayna ku cabaadaya. Xaakinka Maxkamada ee fasaxay dilkan iyo kan la dilay midkee Muslin ah, midkeese Soomaali ah?. Midkee Binu Aadam ah, Midkeense ahayn?
Soomaali way buktaa, Banaadirna waaba besteede, maxaa lagu baanan karayaa?
Nabad iyo Caano
Cabdiqani Suldaan Yuusuf London – UK
Wargeyska HIILDAN hiildan@yahoo.com