Awdalstate.com-Boon City-Waa Dhago Laydh u Daloola & Kuwa Laab u Daloola’ Waa Hadal Guracan & Mid Gara’ Odaraskii Siyaasadeed iyo Hormuudkii Jara Baxsanaa Ma Waxaa Badalay Wayd & Lufad oo Misna Darooshimaya’ Ma Dhalintiibaa Shooki ( Xabsi ) Cidla ah Lagu Soo Awday’ Ma Wax Garadkiibaa Ciida Afka Loo Daray’ Ma Aqoonyahankiibaa Qurbaha Maraataynaya’ Ma Tujaartiibaa Wakiilo Bah-dilan Isu Rogay’ Arrinku Waxaa uu Ku Soo Afmeermay ( Orodnayoo Meel Aloog Layidhaadiyo Kor Ka Oodankii Gaadhnay ) (more…)
Barnaamijka baro Dhulkaaga Hooyo, oo taxane ah , waxa inoo soo diyaariyay isla mar ahaantaana isu soo dubariday oo innoo soo daabacay, innoo soo dubay hadana innoo soo diray mudane Cusmaan Haashim Qawrax. Mudane Cusmaan Qawrax waa Guddoomiyaha Ururka sama falka ah ee magaciisa la yidhaahdo SAMASONS, oo ah urur ay ku bahoobeen beelaha Samaroon ee gobolada Westmidlands iyo gobolo kale oo ka tirsan UK .
Waxana xusid mudan In Derbiyada ay ka muuqdeen Hal-ku-dhegyo ay ka mid yihiin SNM&SDA Oo meel walba ku taxan….. Saas Aawadeed meel ay SNM qabsatay Oy xeeladeeda iyo kartideeda ku timidi may jirin magaaladana waxa soo galay Isbahaysi dhex maray SDA iyo SNM marqaatina ay ka ahayd sida derbiyada loogu xardhay far waawayn.
In qofku jeclaado in uu sayid noqdaayi waa arrin basharka ku abuuran, addoonsiguse waa tilmaan ama xaalad aad u liidata oo basharku ku dhaqmo. Dadka Soomaaliyeedna labadaa arrimoodba waa ku caan ama qabiil ha weyneeyeen ama qof madax ah ha weyneeyeen.
Dr Idris Xasan Diiriye waa aasaasihii Ururkii Siyaasadeed ee matalayay bulsho-weynta beelaha Samaroon ee ku nool Galbeedka soomaaliyeed ee magaciisa la odhan jiray SDA. Nin kastaba ha iska faanee, fikradda, farsamada, faafinta iyo fulinta ururkaas SDA waxa dhammaantood iska lahaa Idris, beeni maxay qaban . Sidoo kale Dr Diiriye waa isu dubaridihii (Director) filimkii Soomaaliyeed ee caanka ahaa ee ugu horreeyay ee magaciisa la odhan jiray DAN IYO XARAGO.
Falanqayn: Comments