qabiil waa bixisiyo, balo laga ducaystee
ka barya Ilaahay, inuu naga badbaadshee
_____________________________________________________________________
RUWAAYADDII
BIXISO
Iyo
Baxnaano
MAY 2002
Fikraddii:
Cabdiqani suldaan-Yuusuf suldaan-Caateeye
London UK
Copy Right@ A.AteyeAbdiganiAteye
HANNAANKA RUWAAYADDA
1. HORDHAC
1.1. Micnaha Bixiso
1.2. Ujeedada Ruwaayadda
1.3 Jillidda Ruwaayadda
1.4. Kaalinta Ruwaayadda
1.5. Wax tarka Ruwaayadda
1.6. Mustaqbalka Ruwaayadda
1.7. Mahadnaq iyo Gunaanad
2. SHEEKADA RUWAAYADDA
2.1. Bixisada Koowaad:
2.1.1 Dagaalkii Xoreynta Soomaali Galbeed
2.1.2 Ruushoow bax
2.1.3 Guul lagaaga danbeeyay, Guulba maaha
2.2 Bixisada Labaad:
2.2.1 Bilowgii Asxaabta Mucaaridka
2.2.2 Af-ganbigii dhicisoobay
2.2.3 Mamnuuciddii Sunta Cagaaran
2.3. Bixisada Saddexaad:
2.3.1 Qaybsanka Soomaaliyeed
2.3.2 Dagaalkii qabiilooyinka
2.3.3 Qoxootiga iyo qurbaha
3. MASRAX QAABEEDKA RUWAAYADDA
3.1 Magacda Jillayaasha
3.2. Heesta furitaanka……………. …..Baraarugaay Ummadyahay
3.3. Masraxa koowaad………………..Dagaalkii SomaliGalbed
3.4. Masraxa Labaad………………….Barni iyo Bilan
3.5. Masraxa Saddexaad……………..Bile iyo Bilan..Hees jacayl ah…Libaaxley
3.6. Masraxa Afraad…………………..Guul lagaaga danbeeyay, bixii mucaaradka
3.7. Masraxa Shanaad………………..Bilowgii budhcadnimada
3.8. Masraxa Lixaad……………………
3.9. Masraxa Todobaad
3.10. Masraxa Siddeedaad
3.11. Masraxa Sagaalaad
3.12. Masraxa Tobnaad
3.13. Masraxa Kow iyo Tobnaad
3.14. Masraxa Labo iyo Tobnaad
3.15. Masraxa Saddex iyo tobnaad
3.16. Masraxa afar iyo tobnaad
3.17. Masraxa Shan iyo tobnaad
3.18. Masraxa Lix iyo tobnaad
3.19. Masraxa Siddeed iyo tobnaad
3.20. Masraxa Sagaal iyo tobnaad
3.21. Masraxa Labaatanaad.
1. HORDHAC
1.1. BIXISO
Ruwaayadan an ugu magic daray ‘Bixiso iyo Baxnaano, oon usoo gaabin karno sida ‘BixisBaano’, waxan ugu horreyntii u bixiyay magaca ‘Bixiso oo kaliya. Hase yeeshee magacaas oo kalidii ahi wuxu keenay woxoogaa naxdin iyo caddaalad la’aan laga dareemi karo. Waa xaqii in ummadda soomaaliyeed ay ku habsatay ‘bixiso’ ku ajburtay inay baabi’iyaan qarankoodii kalana qaybsamaan. Sidoo kale waxa xqiiq ah in dad badan oo soomaaliyeed iyo dalal kale oo adduunka ahi ay wali rabaan midnimada iyo wada jirka soomaaliyeed. Sidaa daraadeed, haddii kaliya uun laga hadlo, bixiso oo lagu dari waayo inuu xal jiro, caddaalad uma sugayso marxaladda lagu jiro iyo midda laga soo gudbayba. Haddaba aniga oo taas qaddarinaya ayaan magacii bixiso ku ladhay magaca Baxnaano, oo dheeli tiri kara miisaanka ruwaayadda.
Ruwaayadda Bixisbaano, oo ka soo maaxatay maskaxdayda waxay tahay mid an muddo badan kasoo shaqaynayay. Ma aha mid an maalin iyo laba toona ku hindisay, ku abaabulay kuna hir galiyay. Hawl adag ayaan u galay, hillin dheer ayaan u maray, hammi badan ayaanan ku keenay. Macnaheedu waxa weeyi, inaan u huray maalkayga, muruqayga iyo maskaxdaydaba si an u mujiyo muwaaddininimaddayda dad iyo dal jacayl. Waxan sidaa daraadeed ku hanweynahay in ruwaayaddani ay noqon doonto mid la hiigsado, oo inta horey u socodka ah ee midnimada somaaliyeed jeceli tilmaansadaan, tiigsadaan, tusmaystaan, taariikhdana galiyaan.
1.2. Micnaha Bixiso
Ereyga bixiso, sida markaaba dad badani u fahmi doonaan, waa baro bixiso amma mucjiso kaa saarta hooygaaga oo ku tusta amma kugu ajburta inaad fasho fal fajaciso leh. Waxan filayaa in murtida ku xusan baalka hore innagga siisay faahfaahin kooban waxay tahay ‘bixiso’. Murtidaas, mid kale oo la mida ah siina sharraxaysa macnaha bixiso ayaan halkan ku xusayaa:
“Adigoo baraad la’oo, ka badqaba dhibaatada
Marbay balo ku qaadaa, Bixisadu ku kicisaa
Buulkii ad lahayiyo, baydkiyo rugtaadana
kaa barabixisaayooy, bood oo ku tidhaah orod
Bad iyo qabo berri kale, amma buuro dhaadheer
Billaawiyo marbayna, bunduq kuu dhiibtaayooy
Biime galisaa naftaada, una badheedhaa halise”
….Ateye..May 2002…
1.2. Micnaha Baxnaano
1.3. Ujeeddada Ruwaayada
Ujeeddadda ruwaayaddan waxan u qaybin karaa sida ku xusan qaybta soo socota ee halku dhiggeedu yahay “ Sheekada Ruwaayadda”. Qaybtani waxay u baahantahay in aad lo dhuuxo, loona darso si loogala soo dhex baxo nuxurka iyo salka ruwaayadda. Waa laga yaabaa in dadka qaarkii aanay wakhti badan u haysan inay sheeko dheer akhristaan rabaanna inay masrax qaabeedka ruwaayadda u tallaabsadaan. Haddaba dadkaas iyaga ah waxan halkan ugu soo gaabinayaa, in ujeedada ruwaayaddu ku salaysan tahay burburka ku dhacay ‘qaranka soomaaliyeed’ oo kasoo bilaabmay dagaalkii Soomaali galbeed ilaa imika. Iyo sidoo kale xal raadinta loogu jiro dib usoo celinta midnimada ummadda soomaaliyeed iyo dib u dhisida qaran somaaliyeed oo si xalaal iyo xaq ah loo qotomiyo.
1.4. Jillidda Ruwaayadda
Ruwaayaddu waxay isugu jirtaa majaajillooyin googoos ah, heeso waddani ah oo baraarujin iyo qiiro waddanninimo leh, iyo heeso jacayl ah. Qaybta Masrax qaabeedka Ruwaayadda ayaan ku qaadaa dhigi doonnaa halka uu qof waliba matalayo. Burburka soomaaliyeed ee loo gooogoostay gobol gobol wuu ku jiraa ruwaayadda waana wadnaha sheekada. Si an qofna ama gobol gooni ahna farta ugu fiiqin amma u magacaabin waxan u bixinnay magacyo ka duwan kuwa ay la baxeen gobaladaas isu magacaabay jammhuuriyado amma dawladnimmo. Tusaale, waxad ruwaayadda ka dhex heli doontiin magacda kala ah sida: Badland, Buurland, Banland, IWM.
Sida xaqiiqda ah, magaca ‘SOOMAALI’ maahin mid qof kaliya, qooys kaliya ama qabiil kaliyi leeyahay oo lagu tilmaami karo, lagu tuhmi karo, looga tagi karo, laguna tumaatiyi karo. Sidaa iyo si le’eg Calanka muujinaya xorriyadda Soomaaliyeed ee buluuga ahi,isaguna maahin mid cid kaliyi leedahay oo loogu cadhoon karo laguna cadaadin karo. Labaduba waa summadda iyo astaanta isu keenta dadka soomaaliyed, la’aantoodna isma af garaneen iskumana nimaadneed, isku dal iyo dadna ma ahaaneen. Ummadda soomaaliyeed kama taganna xaqiiqdaas, intooda badana way garanayaan oo uma baahna in laga dhaadhiciyo taasi. Markaas, fili maayo inay ruwaayaddu yeelan doonto mucaarad badan oo muddici ku noqda, muxaafid badan oo u riyaaqa mooyiye. Ha is jeclaadaan amma ha is nacaane, soomaali waa wada somaali, badduna waa isku dhadhan. Taas ayaan leehay ha ogaadaan cadawga shisheeye ee soomaaliya leedahay.
1.5. Kaalinta Ruwaayadda
Maahin ruwaayaddii ugu horreysay ee laga dhigo qurbe amma qof qurbe joogaayi sameeyo, mana aha middii ugu horreysay ee jacayl iyo waddani labadaba isku meel isugu keenta. Hase yeeshee waa ruwaayaddii ugu horreysay een anigu shaqsi ahaan saameeyo. Waa maskax cusub, dhallin cusub, mabda’a cusub iyo magac cusub, oo dhammaantood ku salaysan xaqiiq iyo dhacdooyin dhab ah oo soo maray ummadda soomaaliyeed. Ruwaayaddani waxay iila muuqataa inay wakhtiga jilliddeeda masraxu qaadanayo ka dheer yahay ruwaayadaha an soo arki jirnay ee caadiga ah, sobatoo ah waxan ka hadlaynaa taariikh. Waxan rabnaa inaan dadka taabsiinno tabaalaha iyo tala xumida qabiilku leeyahay iyo qiimaha iyo qaayaha ay qaranimmo iyo xorriyaddi leedahay. Waa ruwaayad dhiillo, dhaliil iyo dhiirri galin intaba isugu jirta, taasina mid dheel-dheel iyo wakhti dhumuc yar ku dhammaan karta maahin. Haddii su’aal ka joogto sidee waddani iyo jacayl meel isugu iman karan?. Jawaabtu waxay tahay burburka soomaali ku dhacay wuxu saameeyay oo kala geeyay kala fogeeyay, kalana qariyay dad badan oo isugu jira waalid iyo ubad is jecel, wiilal iyo gabdho is jecel,ehel iyo qaraabo is jecel. Dal jacayl iyo dad jacayl weeyi jawaabta sugan.
Ugu danbayn waxan ku taamayaa, taag iyo tamarna an isugu geynayaa sidii ay ruwaayaddani u gali lahayd kaalinta ugu sarreysa ee ruwaayadaha cusub ee qarnigan.
1.6. Waxtarka Ruwaayadda
Haddii Su’aal ka jirto maxay ruwaayaddani u tari kartaa dadka iyo dalka soomaaliyeed. Waxan ku jawaabi lahaa soomalidu waxay tidhaahdaa, ‘qof waxa ku siiya ma waydid, qofse wax kuu sheega ma heshid’. Abwaanada iyo fanaaniintu hadyadda ugu weyn eey dadkooda iyo dalkooda siiyaani waa wax u sheeg. Ruwaayaduhuna kaalintaas waxa u sheegga, war galinta ummadda ayay heerarka ugu sarreeya kaga jiraan. Ruwaayadan an sameeyayna kuwaas uunbay la mid tahay. Haddii macaash amma maal kasoo bixi karana waxan ku ballan qaaday inaan ku taageero ololaha waxbarashada ee ka socda degaanka AWDAL iyo daryeelka ubadka agoomaha eh ee isla degaankaasi. Gobol kasta oo soomaaliyeed oo ogolaada in ruwaayaddan lagu dhigo,iyaga ayaa lagu taageeri doonaa wixii kasoo baxa ruwaayadda marka gobolkooda lagu dhigo.
1.7. Mustaqbalka Ruwaayadda
Mawlaha muqaddaska ah ayaa og mustaqbalka wax kasta oo adduunkan jiraayiba uu mudani doono. Hiwaayaddaydu waxay tahay in ruwaayaddan noqoto mid raadkeedu aad u qoto dheeraado, oo qof kasta oo soomaaliyeed gaadha. Waxan ku talo jiraa in la gaadhsiiyo dhamman meel kasta oo soomaali ku nooshahay oo dalka dibadiisa iyo gudihiisa ahba. Waxanan Ilaahay ka baryayaa inaan goob joog u ahaado meelkasta oo laga dhigayaba. Waxa kale oon tabaabulshaynayaa sidii ruwaayaddan loogu muujin lahaa filim ahaan amma video film ahaan. Qoraalkeeda waan badin doonaa haddii Eebe idmo, oo buug badan ayaan ka daabaci doonaa, aaladaha caalamiga ah ee inernetka loo yaqaanana waxan uga samayn doonaa Gole(site) leh maqal iyo muuqaal intaba
1.8. Mahadnaq iyo Gunaanad
Mahad Ilaahay ayaa leh, mudnaanna rasuulkeenii Muxammad. Dhammaan dadka intii igu dhiirri galisay inaan hir galiyo himiladdayda iyo hammigayga ayaan hambalyo iyo bogaadin hooya leehay. Waxa ugu horreysa xaaskayga Xaliimo-luul oo igu taageertay hir galinta ruwaayaddan iiguna dul qaadatay wakhtiga an u dayacay hawshan qoraalkeed iyo qabanqaabadeda. Waxa kale oon mahadnaq badan u celinayaa dhammaanba xubnaha ururka AWDAL DEVELOPMENT ORGANISATION:http//:www.Awdaldevelopment.org,oo iyagana an ka helay dhiirri galin badan. Sidoo kale xubnaha forumka Voice of Awdal oo ka dhiibtay ra’yigooda una riyaaqay Ruwaayaddan.
Waxan ku gunaanadayaa qaybtan Hordhaca ee ruwaayadda inaan dadkayga iyo dalkayga hooyo ugu duceeyo inuu Daayim Ilaahay ku ilaaliyo daymo naxariis leh kana yeelo dal jira iyo dad isku jiidh naxa.
2. SHEEKADA RUWAAYADDA
Sheekada ruwaayaddu waxay tahay qolofta amma dahaadhka iyo ujeedada ruwaayadda. Dalkeena, ma jiraan ruwaayado badan oo la qoray oo tix raac an ku samayn karo. Dhawr la qoray ooy ka mid yihiin ruwaayadda Shabeel Naagood ee Xasan Sh.Muumin iyo Wad iyo wacad ee Cusmaan Askari, midkoodna ma sharxin ama ma bal-ballaadhin amma culays badan ma saarin sheekada guud ee ruwaayadda. Waxay dhammaantood toos uga bilaabmaan qaab masraxeedka ruwaayadda, oo ah ubucda ruwaayadda. Waa lagu dacwiyi karaa ama lagu doodi karaa in qaab masraxeedka ruwaayaddu bandhigayo sheekada ruwaayadda. Dabcan, marka la dhex joogo masrax taasi waa run, oo dhacdooyinka iyo silsilada taxanaha ee masraxa lagu arko ayaa laga fahmi karaa sheekada ruwaayadda.
Hase yeeshee marka ay qoraal noqoto, xaalku waji kale ayuu yeelan karaa. Aniguna waxan ku murmayaa oon rabaa inaan meel mariyo in ay ila qumman tahay in sheekada ruwaayadda lagu nuux-nuuxsado oo si ballaadhana loo qoro. Tusaale, haddii la rabo in dagaalkii labaad ee adduunka laga qoro sheeko, isla sheekadaasna loo rogo film, qorida sheekadu way ka dheeraan kartaa, jilidda sheekada. Marka la jilayo sheeko ee loo badalo ruwaayad ama filim, qasab maaha in waxkasta oo sheekada ku jiray la jilo. Kaliya waxa la soo qaataa uun inta ku habboon wakhtiga u cayiman in ruwaayaddaa ama filimkaa lagu dhigo.
Hadal iyo dhammaan waxan shaqsiyan aaminsanahay in hannaanka qoraalka ee ruwaayadaha soomaaliyeed u baahan yahay hawl badan iyo hannaan la isku waa faqo. Sidaa daraadeed waxa qoraalka ruwaayaddani an ka dhigayaa mid u noqota tusaale kuwa danbe.
Sheekada Ruwaayadda Bixisbaano, waxan u kala qaybinayaa sidan:
2.1. BIXISADA KOOWAAD
Bixisada koowaad waxay ka bilaabantay dagalkii lagu qaaday Itoobiya ee lagu xoreynayay soomaali galbeed kuna danbayeeyay oohinta. Waa laga yabaa in abwaaniinta qarkood, amma indheer garadka iyo dadka u dhuun daloola siyaasaddu si kale u dhigaan ooy yidhaahdaan bixisada Soomaaliyeed way ka horreysay dagaalka oo waxay ka bilaabantay Kacaankii October. Amma way ka danbaysay Dagaalkaas oo waxay bilaabantay maalintii taliskii milatari la tuuray. Si kastaba ha ahaatee anigu waxan ku adkaysanayaa sida an u fahmmay ugu horreyn, waxanan usii kala qaadaa dhigi doonaa sida hoos ku xusan. Inkastoon sidaa ku adkaysanayo haddana waa in maskaxsda lagu hayo in sida xaqiiqda ah aanay riwayadina ka wada bilaabmi karin amma ku wada dhammaan karin sida sheekadu tahay. Tusaale, haddii an is dhinaahno ka bilaaba riwaayadda sida sheekadu isgu xidhiidhsantahay waxa laga yaabaa inaan wakhtiba loo helin ooy ruwaayaddu dheeraato, daawadayaashaana xiisuhu ka lumo. Sidaa daraadeed waxan ku rajo weynahay in riwaayadu ka bilaabanto, halkii ugu sokeysay ee bur-burka soomaaliyeed ka bilaabmay, taasi oo ah qaran jabkii soomaaliya. Waa markii taliska Milatari la ridayaye.
2.1.1. Dagaalkii Xoreynta Soomaali Galbeed
Soomaaliya oo NEG, oo si an loo dagi doonin u deggan, bash- bash iyo barwaaqana bahardaada, ayaa subax ku waabariisatay baaq dagaal oo lagu ballaadhinayo Soomaali-weyn. Baaqaas oo heer qaran ahaa, kana soo burqaday maskaxda madaxda iyo masuulka ee wakhtigaas dalka jiray ayaa aad oo loogu bogay iyadoon labo Cali is weydiinin wuxu noqon doono mustaqbalku. Bulshadii dalka ku noolayd , badhkii hubka qaaday mooyiye, badkhkii kalana sacab, sahay, iyo subraarba way ku taageereen. Looma kala hadhin, oo Rag iyo Dumar, carruur iyo cirroolaba hareerraha ayaa la qabtay halganka xoreynta dhulka soomaaliyeed ee gacanta gumaysi madaw ku jiray. Shucuurta iyo jawiga dadku wuxu isku shareeray cirka, caaddifad iyo qiira waddanninnimo ayaana saaqday dhammaanba ummadda.
Abwaanada iyo fanaaniintu heesaha iyo gabayada ayay laba rogeen oo sidan hoos ku qoran isku dhaafay:
Gobanimaddoonka soomaaliyeed ee galbeed, gafka uma dulqaataan
Geesi Ilaah ma xilee, caaway haddaan go’o, geeridu macaan tahay
Geesiyaasha dhaartoow, nafta geed ku soo xidha
Soomaali waa gob, waa geesiyaal ku dhaartay gayigooda daaficiisa
Olaliyaay isticmaarka olaliyaay,
Anfariirtay dunidiiyee, dagaalkaa kusii wada;
Erya, erya, erayaay;
Adoonsibay nala rabaane iyaga ololku ha leefo;
Maantana malagii ku dili lahaa Mingistoow, midigtaan ku haynaa;
Halgan iyo xornimmo doon, maxay Xuunsho ka ogtahay;
Taliska nugulee, niyad jabka ahee, nafla caariga;
Talis yahaw wareersani war li’idaa, wallee war li’idaa;
Ninkii dhoof ku yimidabay, geeridu dhibaysaa; iyo qaar kaloo badan.
Wariyayaasha idaacadaha iyo saxaafadduna waxay baahiyeen daayacaddaha iyo anshax xumida taliska Xabashi, iyagoo leh:
Taliska macangaga maata layska ah
Taliska jahwareersan
Taliska ummulla dooxa ah iyo
Taliska ulaha boocda ah ku tukubaya IWM.
Sida qaalibka ah way anfariirtay dunidii, waana loo qaadan kari waayay in dalkii Afrika ugu da’da weynaa een waligii la addoonsanin inuu isagu wax addoonsado mooyaane, uu galay af Libaax. Arrintani way ka farxin wayday dawladaha waawayn gaar ahaan kuwa diintoodu tahay Christianka, oo u arkay xad gudub laga galay diintooda. Xeelad iyo tabaabulshe ayayna dalalkaasi galeen si xoogga soomaaliyeed loo quwad jabiyo, sharafta Xabashi xaggooda ku lahaydna loo soo celiyo. Xaqiiqdu waxay tahay oo dad badani aamminsan yihiin in dalalkani yihiin laftarkoodu kuwii markii horeba ku dhiirri galiyay taliska Soomaaliyeed inay soo ceshadaan dhulkoodii la qaatay. Xogta meesha taaliyana markaa waxay noqonaysaa in bur-burka soomaliyeed ahaa mid mar hore iyo mar danbaba laga taliyay, lagana danbeeyay. Ilaa iyo imikna loo qaadan karo inuu yahay mid ladaba socdo oon la rabin quwad danbe iyo qaran danbe oo Soomaaliyeed oo dhisma.
2.1.2. Ruushoow bax
Dabinkii loo qoolay ayuu taliska soomaaliyeed ku dalaq yidhi, oo wuxu isku daandaansaday quwad kale oo markaa ka mid ahayd kuwa ugu waawayn adduunka. ‘raalli kaama nihin oo kumma rabnee ruushoow na dhaaf’ ayuunbaa mar qudha hadana lagu so baraarugay. ‘shuba hadda shuba, ruushoow bax’ ayaa lagu wada hadaaqay. Bal an eegno cidda ka shubta ayuu ruushna ku ballan qaaday. Meel an doonayay, roob igu eri, ruush iyo Kuubaba waallagu taageray inay itoobiya bad-baadiyaan.
2.1.3. Galbeed waalla xoreeyay, waarsaase gaagixisay
Waxa xigtay ‘abaadiroow soo ururi caashaqa’. Galbeed waalla xoreeyay waarsaase gaagixisay, walleese laguma gam’o ayaa lagu sameeyay ruwaayado iyo heeso kale. Niyad jab, jahwareer, iyo naxdin filan waa ah ayaa ku dhacday dadkii iyo ciidankii wada jirka dagaalka ugu jiray. Illeyn talo iskuma kaa sheegto ayaa lagu taamay. Ciidamaddii horey usii jeeday, dib ayay usoo jeesteen. Kuwii bililiqaha ka faa’iidaysanay faraha ayay kaga gubteen, kuwii daacadnimada u dagaalammayayna wadnahaa dalooshamay.
2.1.4 Guul lagaaga danbeeyay, guulba maaha
Dhinaca itoobiya waxa kasoo yeedhay digasho iyo dacaayado, ‘guul lagaaga danbeeyay guulba maaha ayay ku hadaaqeen wariyayaashii idaacadda laanta af’soomaaligu. Waxayna ku heeseen ‘waxba kaama daahnoo, dib u fiirsan waydee, dabintood qaniintaa siyaad kuu danbaysaye’. Shaki ayaa halkan ku jira in dadkii iyaga daraadood dabka loogu dhacay, ay ka ahaayeen daacad rabeenna dagaalkan iyaga lagu xoreynayay. Malaha lagalamaba tashan lamana waydiinin?. Mise dantooda ayaa ku jirta inay kolba kii guulaysta u sacab tumaan?.
Waa iska caadi in marka dagaal dhaco guul iyo guul darraba, uu bur-bur dhaqaale iyo siyaasadeedna yimaaddo. Xalka ugu weyn ee looga gudbaayina wuxu yahay in la badalo maamulka taliska, oo hannaan cusub iyo hoggaan cusub la keeno. Hase yeeshee taasi had iyo jeer maahin mid raalli galisa amma qancisa, kalidood tashayaasha militariga ah ee AFRIKA. Nasiib darrana sidaasi ayay u dhacday oo xukumaddii milatari ee SOOMAALIYA, ruugga ayay sii aasatay.
Ciidamadii dagaalka kasoo noqday ee markii hore sharafta iyo qiimaha lahaayi, way qiimo jabeen wayna quwad jabeen. Waxay ku soo jeesteen dadkoodii, waxay noqdeen dugaag iyo bahalo dad qalad ah halbasada jiidhka ummaddoodii. Waxana bilaabmay, karaahiyo iyo nacayb hor leh.
2.2. BIXISADA LABAAD
Bixisada labaad waxay ka bilaabantay guul darraddii iyo burburkii ka dhashay dagaalkaasi. Sida hoos ku xusan ayaanan usii qaadaa dhigi karaa:
2.2.1. Afganbigii dhicisoobay
Karaahiyaddii iyo nacaybkii ka bilaabmay guul darraddii dagaalka ayaa wuxu sal u noqday in is tuhun ka dhex dhasho taliska. Saraakiishii badnaa ee darajooyinka loo saaray sida xiddigaha cirka, si ay ugu dhiirridaan dagaal galinta ciidamada ayaa tiro dhaaf noqday. Warwar iyo cabsi ayay taasi galisay taliska dalka oo in saraakiishaasi lakala dhimmo ayaa noqotay xal. Ninka la odhan jiray CIRRO oo isagu damac gooniya oon laga warqabin lahaa ayaa hawshaas loo xil saaray. Wuxuna ku tallaabsaday xasuuq an taarikhdu illoobi karin oo ah inuu meel isugu uririyo boqolaal saaraakiil ah, dabadeena si waxshinnimmo leh oo gaadmo ah ugu gumaado madfac. Saraakiishaas waxay ku geeriyoodeen gacantii talliskooda, iyagoo Ilaahay markii hore ka nabad galiyay gacantii cadawgooda. Waa ayaan darro, waa nasiib darro, waa murugo da’a wayn oo maan gad ah maskaxdana ka go’i karin.
Dahagar qabe dhulka ayaa u dhaq-dhaqaaqee,CIRRO wuu sii ruqaansaday oo mar haddii uu madhiyay kuwii ka hor iman lahaa amma kula loollami lahaa madaxtinimmada, wuxu is yidhi ka faa’iidayso fursaddan qaaliga ah. Iyadna waa bixiso’e, subax ayaa lagu wabariistay “waabaa baryay, bilicsan”. Waa gacan ku dhiigle rabay inuu gacan ku dhiig le kale oo kasii weyn gacan dhiig leh ku rido. Cirro iyo qabiilkii uu bahaysanayay way ridi kariwaayeen qarankii uu hogaaminayay taliksa BARRE. Allaha sahlo Libaax seexdaybay niman salaaxeene ayay sheekadu u dhacday, Kacaankii seefta ayuu galka kala baxay. Nabad diidoow dabin baa ku xidhan lagugu dili doono, CIRRO iyo ragiisii seeftii kacaanka ayaa la kor saaray oo surka ka gooysay. Af-ganbigii dhicisoobay iyo canaasiirta yar-yar ee qaran dumiska ah ayuu noqday hal-haysaka madaxweyne BARRE.
2.2.2. Bixii Xisbiyada Mucaaridka
Af ganbigii dhicisoobay waxa laga dhaxlay arrimmahan hoos ku xusan:
Inaanay sinaba u dhici karin in qabiil ridi karo qaran wakhtigaas la joogay
In af-ganbi dalka gudihiisa lagu abaabulo lagu guulaysani karin
In taliskii Barre bilaabay mabda’a ku dhisan qaybi oo xukun
In qofkii madaxa kor u taagaba qoorta la gooyo ama xabsi lagu
cayuuqo
Lafo geel iyagaa la’isku jabiyaaye in nin waliba, nin kale oo qabiilkisa
ah lagu diro.
Arrimahaas an soo sheegnay iyo kuwo kale oo badan, waxa ka dhashay inay bilaabmaan Axsaab mucaarid ah oo qori caaradii wax ku doonayi. Xisbayadaas oo ku salaysan qabiilo ayaa waxa abaabulay kuna biiray ciidammo iyo siyaasiyiin markii horaba ka tarsinaa dawladda militariga ah. Haku biiraan amma ha abaabulaane waxa lama filaan noqotay in ay soo bahaystaan kuwii markii horeba ay ka horjeedeen ee cadawgooda ahaa ee eryaay iyo dilaayba la isugu daray. Magan ayay u noqdeen amxaar, manfac ayay la quuteen, minan bay la galeen, midig saarbayna la yeesheen. Halkaas ayay ka bilaabantay waddaniyad la’aanta dadka soomaaliyeed oo noqotay tusbax furtay. Musheekhdii ayaa qayliday oo tidhi, ninka lasoo safta gaal isagoo ku soo duulaya walaalkii islaam ee isla markaa isaga iyo gaalka uu la socdo meel lagu wada dilo, xabaalna lagu wada aaso, markaa xisaabtoodana si isku mida uun baa loo qaadaa aakhiro.
Taliska military arrintan wuxu kaga hor tagay inuu yidhaahdo waa qabiilooyin ka horjeeda qaran. Culimada diinta iyo oday dhaqmeedyadana wuu isticmaalay. Hase yeeshee taliska laftarkiisu mid, diin, dhaqan, iyo binnu aadnimo dhanna u qadariya maahayn. Maydadka daka lagu tuhmay inay mucaarad yihiin amma taageeraanba, ayaa la jiiday suuqyada HARGEYSA iyo magaalooyin kale oo dalka ka tirsan. Ceelashii ayaa dadka iyo xoolahaba loo sumeeyay. Reero dhan ayaa loo xasuuqay inay la qabiil yihiin nin ama labo noqday mucaarid. Dumarkii iyo carruurtii ayaa ka nabad gali waayay Askartii jaahilinta ahayd ee taliska BARRE. ‘Gabadh Aabaheed kufsaday ayay ku ooyi ayayse ka ooyi’, ayaa la eersan, ayaa la eedayn, ayaa loo ordi ayaase laga ordi.
Ka la dilayo, ka wax dilaya, ka mucaaridka ah iyo ka muxaafidka ah intuba waa isku dad, dal, diin, iyo dub, waliba waa isku qabiil iyo hadana qooys. Markase dawlad taagan tahay, kolleyba iyada ayaa la saaraa qaladka, oo Gabadha uu kufsaday Askarigii Ilaalin lahaa ee difaaci lahaayi, ILAAHAY mooyiye cid kale ooy u qayshato ma jirto. Ubadka la agoomeeyay ee waalidkood lagu hor dilayna, cid kale ooy u qayshadaan ma jirto ILAAHAY mooyiye. Haddana waliba waxa laga sugayay inay ku heesaan, calanku waa adeerkay, ciidu waa adoowgay, Aaboow siyaad. Aabe Siyaad, hadduu dilay Aabahaa, kuuma ahay Aabo, ka mucaaridka ahina hadduu maatadii gabraartay kuuma noqon karo magan.
Haddaba marka Dawladdii iyo taliskii la hiifayay, lana habaarayay, uu hodmo, hoggaankuna u go’o, wixii kale ee dhibaato ah ee dhaca, yaa haddana la saari?.
2.2.3. Dabargooynta Qaadka(Sunta cagaaran).
Ciidamo tiro iyo tayaba badan ayaa la isugu soo ururiyay gobolada lagu tuhmayay mucaaridka ee badhtanka, Bari iyo Woqooyiga dalka. Ciidamadaas waxay u baahnaayeen maal galin badan iyo mashquulin badan si ay hawshooda u fuliyaan. Si labadas xal ee kala ah maalgalinta iyo mashquulinta loo helo, wuxu talisku ku dhawaaqay arrin kale mucjiso iyo fajaciso leh. Waa baaqii lagu mamnuucayay qaadka. Markiiba waxa is gaadhay baaqii, oo durba waxa qaadkii loo bixiyay, mukhaadaraadka, sunta cagaaran IWM. Waa wax lala fajaco, sida kooxaha fannaaniinta, abwaanada, wakaaladaha, IWM ee dalku ay ula qabsadeen qaararada madaxtooyada. Markiiba heeso ayaa la laba darandoorriyay sida kuwa magacdoodu hoos ku qoran yihiin:
Ruuxii qaadka cuni, wuu qaddimaa salaadka, amma wuu qalleeyaa
Ii qaad, u qaad, is qaad
xaaraamaynta qaadku, xaq soor weyi guud
Maamulka dalku, wuxu sobab uga dhigay dabar gooynta qaadka, in lacag badan oo qaadka lagu gataayi ay gasho dalka Itoobiya oo cadawga Soomaaliya ah. Hase yeeshee marmarsiinyahani kama jawaabin su’aasha ah, maxaa loo gubay beerahii qaadka ee dalka ku yaallay, haddii la diidayo qaad laga soo iibsado ITOOBIYA?. Xaqiiqdu waxay ahayd, talisku wuxu rabay inuu mashquuliyo ciidamada qalabka siday una sameeyo nidaam ay lacag ku sameeyaan.
Ciidamadu maarkiiba waxay bilaabeen:
inay ka ganacsadaan qaadka, ooy dalka soo galiyaan
inay xidh-xidhaan, dilaan, ganaaxaana qof kasta oo lagu qabto qaadka
Inay la wareegaan baabuurta iyo guryaha dadka qaadka keena IWM.
Mashquulintaas iyo maalgalintaas ciidamadu waxay taliska siisay ka muddo kale oo dalka uu sii maamulo, warwarkuna uu ka sii yaraado. Hase yeeshee colaadii shicibka iyo ciidamadda way sii kordhisay.
2.3 BIXISADA SADDEXAAD
Bixisada saddexaad ahna midda ugu hal qabsiga weyn waxay ka bilaabantay rididii taliska Maxamed Siyaad Barreh. Sida hoos ku xusana ayaanan u sii laf guri karnaa:
2.3.1
Kacaankii lagu sheegay barakadu wuu yeelan waayay karaamo iyo burhaan uu wax kaga qabto Umadda gaddooday. Madaxweynihii dalka ee muddada badan loogu heesi jiray, nooloow madaale ha dag-dagin, ‘siyaadoow noo waar’ iyo nooloow, nooloow siyaad, iyo ‘dhulka Aabhisii, ma dhuuntoow siyaad’, ayaa dhabanahays iyo dhaygag ku danbeeyay. Hurgumo iyo ciilna la hillaabtay oo hangoolaysi kaga baxay xaruntii iyo xafiiskii uu ku xididaystay. Madaxweyne Siyaad, waxa mar laga wariyay inuu yihdi ‘dal wuu iga hadhiye dadse iga hadhi maayo’ , anigu shaqsiyan ma maqal isagoo kalmmaddaas leh. Si kastana ha ahaatee waxa xaqiiq noqotay in qoloftii dalku wali taagan tahay, hase yeeshee dad sheegan kara dalkaasi kuna dhaadan kari aanay aad u badnayn. ‘Kab xumo ma hadhee, kab laawe ayaa hadha’ayay soomaalidu tidhaahdaa, adduunyada wax la mida majiro, dal xor ah oon dad iyo dawladlahayn.
Xubnihii Mucaaridka ee muddo badan cadaadis iyo cagta kacaanka hoostiisa ku jiray ee miciyaha lisanayay ayaa haad u helay inay Dalkoodii hooyo kusoo laabtaan. Haseyeeshee cuqdad la’aan iyo cadho la’aan kumay soo noqon, oo waxay bilaabeen aargoosasho iyo argagaxisannimmo aad iyo aad u qara weyn. Woqooyi, tallaabadii ugu horreysay eey SNM qaadeen axay ahayd inay soo weeraraan, dad iska dhigay
Woqooyi ilaa Koonfur midna lagama dhalin xukummad dhiig la’aan dhagar la’aan iyo dhib la’aan ku dhidbanta. Cidna marka horeba kama sugaynin arxan nin markiisi horeba dammiirkiisu siiyay inuu cudud shisheeye u ciidansado dalkiisa. Woqooyi, dhiiggii xukummadda militari ka daadisay mid ka badan ayaa ka daatay dhexdooda. Koonfurna daa hadalkeedaba oo ilaa maantadan an qoraalkan samaynayo oo ah 28th May 02, dhiig ayaa ku daadanaya. Sidaa daraadeed gunaanadka qaybtani wuxu yahay, qabiil ayaa ka quwad batay qaran.
3. QAAB MASRAXEEDKA RUWAAYADDA
3.1. Magacda Jillayaasha
1. Bashiir: Xiddigga Ruwaayadda-kaalinta waddaniga
2. Biliso: Xiddigta Ruwaayadda- kaalina waddaniga
3. Bile: Xiddiga Ruwaayadda-kaalinta jacaylka
4. Bilan Xidigta Ruwaayadda-kaalinta jacaylka
5. Barkhado Bashiir Hooyadii
6. Sh Barkhad: Bashiir Aabihii
7. Barni: Bile hooyadii
8. Bayddan: Bilan hooyadeed
9. Buraale: Bile Aabihii
10. Budle: Biliso walaalkeed-budhcad
11. Budhe: Biliso walaalkeed-budhcad
12. Badhe: Biliso walaalkeed-budhcad
13. Balaale: Dhuuni qaate
14. Bulxe: Oday dagaal(warlord)
15. Buuni: Oday dagaal (warlord)
16. Bade: Oday dagaal(warlord)
17. Biixi: Oday dagaal(warlord)
18. Bahdoon: Waddani Djibouti, midnimo soomaaliyeed
19. Baaruud : Lawyer Soomaliyeed-qurbe
20. Basra: Gabadh soomaaliyeed-qurbe
21. Biirsade: Oday Soomaaliyeed-qurbe
22. Biirsato: Biirsade xaaskiisa
23. Biiriye & Biiriya: Carruurta Biirsade iyo biirsato
24. Bullaale: Oday Soomaaliyeed-qurbe
3.2. Masraxa Koowaad: Heesta Furitaanka
Dhammaan dadka jillaya ruwaayadda ayaa soo galaya masraxa, waxayna wada jir ugu luuqaynayaan, heesta hoos ku xusan. Xiddiga Koowaad(Bararuje) iyo xiddigta Labaad(Biliso) iyo sidoo kale Xiddiga Labaad iyo Xiddigta labaad ayaa midba mar qaadayaa hal bayd oo heesta ka mid ah. Kooxduna mar walba way ka daba qaadayaan.
Baydka Koowaad
Bashiir:
Qabiil waa bixisiyo,
balo laga ducaystee
Ka barya Ilaahay,
Inuu naga bad-baadshee
3.3. Masraxa Labaad: Majaajilada Koowaad
3.4. Masraxa Saddexaad: Majaajiladda Labaad
3.4. Masraxa Afraad: Majaajilada Saddexaad
Waxa soo galaya BILE oo woxooga isla hadlaya kadibna waxa ka soo daba galaysa BILAN, heesta koowaad ee jacaylka ayayna ku wada qaadayaan.
BILE: Duqii Aabahayna dagaalbuu ku jiraa, oo ciidamuu daadihiyaa, diraysna wuu sitaa, qoribaana degta u saaran. Aniguna kaba sii darniyoo, jacaylbaan daadihiyaaye, dee miyuu iga diracsan yahay, illaeyn anba difaac iyo weerarbaan ku jiraaye.
BILAN: Haye BILE, waan ku arkaa inaad isla hadlaysee, ma hawlbaa kugu soo korodhay, ma dagaalkiibaa war laga soo shegay.
BILE: Dagaalku wali waa guul, duqiina wuu wacan yahay. Anigaase ku fikirayay dalkaaga ma u halgantaa, dadkaaga ma u dirirtaa, oo ma gashaa
Dagaalka.
BILAN: Haddaad taa galisay haabka, anna kaa hadhi maayoo, waan kula gali dagaalka.
BILE: Maya, maya, ha o dhanin sidaasi, kaa aadi maayo dagaal, kuu diri maayo, meelna kaa tagi maayo.
BILAN: taasaan kaa rabaye, dhagayso.
HEESTA LABAAD(Libaaxley)
Baydka Koowaad
Laam Alif ku yaalliyo
Sida loox quraanaad
Laabta ugu qorantahee
Lingax wadnahaygiyo
Legga iyo jiidhka
Kuna liganbaad tahee
Laas biyo macaanoo
Libaaxley ku yaalloo
Loo qabo harraadbaan
Ladanoow ku moodaa
Baydka Labaad
Lillaahi quruxdaadu
Sida luuliyo dheemman
Lagac bay tidhaahdaaye
Loollan hadii loo dhigi
Lama helo adduunyadan
mid leh quruxdaadane
Laan ubax hadheeyoo
Libaaxley ku taalloo
Dabayluhu lullayaan
Ladaneey ku moodee
Baydka Saddexaad
Leyl iyo dharaarba
Sidii lay heleelay
Luudis baan ahaye
Lugooyadii jacaylkaa
I laammeedhinaysoo
Ladi waayay jiifkee
Laas biyo macaanoo
Libaaxley ku yaalloo
Loo qabo harraadbaan
Ladanoow ku moodaaye
Baydka Afraad
Amba laxawga caashaqu
Siduu kuugu lagdadaybuu
Itaal iigu laxaadsadee
Lahbaddiyo oonkiyo
Lurkan i halleelayna
Luunka adaa gooyn kara
Laan ubax hadheeyoo
Libaax ley ku taalloo
Dabayluhu lulayaan
Ladaneey ku moodee
Masraxa Shanaad:
Guul lagaaga danbeeyay guulba maaha
Dagaalkiii ayaa dhammaaday, waxana billaabmay, bixiddii Mucaaradka, masraxa waxa soo galaya BURHAME oo soo dhawaynaya koxaha xaggiisa u soo baxay.
Minankayga jooga, maraqayga dhuuqa, manfacayga quuta,
maryahayga xidha, mabd’a ayga qaata, malahayga
fuliya,Geyigiina muquunsha, maatadiina dooxa, madax
kaliya
diida, middiyahayga qaata, mid wallooba yeello gobol ad
maamusho adigu; midnimmo diida guud, soomaalinnimana
yaanan idinka maqlin: Ma fahamteen warkayga, mise waan sii macneeyaa
MUCAARIDKII: Waan fahamnay warkaaga, fudaydsan mayno mudane
Taliskaa falaagada ahiyo, ummadduu fidmeeyayba
Farhayaan ku qabanaynaa, fajacisaanu galinaynaa
Waan kala faquuqaynaa, sidii tusbax furtayna
Waan kala fala firdhin doonaa.
FANTA SHIRU FII ARDI’
BURHAME: FANTA-SHIRU FII ARDI, haa sax weeyi, sax weeyi, waa sidaan rabay,
alloow ma rag
alloow ma rag. Haa sii socda imikana arrimmo kale oo
siyaasadeebaan ku jirnaaye, oo golahaygaan la tashanayaaye.
Waa nimankii na gabraartayee, gooyay waaxyahayaga
Waa kuwii gantaallihiyo, gumuca nagu garaacayay
Goday iyo waa kuwii, galab iga qaaday jig-jiga
Waa kuwii garaadadaan lahaa iyo, galoonaydayda tuuray
Wallee galiilyadaan qabo, iyo ciilka igu gaamuray
Galalaftaan bilaabo, iyo guutooyinkaan kiciyo
Way ku kala guuri Soomaali, way ku kala guuri soomaali
magacoodana waan gubi.
Guulloow waa mahaddaa
Guulloow waa mahaddaa
Guulloow waa mahadda ayuu odhanayaa, oo gacmaha cirka u taagayaa
Sidaas ayuu masraxani ku dhammaanayaa.
Masraxa Lixaad
Sagaalkii Wiil ee Barni dhashay dagaalkana galay saddex ayaa nabadqab ku soo laabtay. Sadexdii wiilna waxay noqdeen shufto, mooryaan dad qalato ah. Calooshooda u shaqaystayaal weeyaan.
BARNI: Sagaalkaygii Wiil saddexdii iiga hadhoow
Same maxaad ku taliseen
Soomaali maxaad ka yeesheen
Sideed mooddeen wanaag
Maxaad suubin rabtaan
Bal i siiya warkiina
BUDLE: Soomaalaan u dhimmanayaa,
Waxay ahayd Sobab la’aan
Soohdintaan ka gudbayaa
Waxay ahyd sobab la’aan
Amxaaraan saaraynaa
Waxay ahayd Sobab la’aan
Dal soomaaliyeed baa maqan
Waxa ahayd been la sameeyay
Saaka anigu waxan rabnaa idayl
Inaan sidano baasukahayga
Saarnaado qorigayayga
Kaan saaq ka helaba difaaco
Dilo Kaan lacag I siinayn
Saro iyo daaro jeexanno
Sidaana an ku waaro.
BUHCAD: Sidaa walaalkay sheegay
Sadarna loo noqon maayo
Waliba waxan ku sii daray
Kii saaqyo na siiya
Suldaankayaga weeyaan
Soomaalina wax nagama galine
Sidaan doonaan yeelaynaa
BUDHE: Haa sidaabaa ku raacsanahay
Soomaali waxa nagama galine
Sidaan doonaan yeelaynaa
BARNI: Ma sidaasaad isku raacdeen, Soomaali ALLAY leedahaye
Sidaad doontiin yeella. Sahandabaase laga sheekayn. Waa kuwaa
Ina rag waxa baabi’inaya’e Ilaahoow ii barakee inantayda
Inaantayda BILISO.
BASHIIR:
Heesta Saddexaad
ALLAHA IDIN CAAWIYO
____________________
Baydka Koowaad
Walaalo Colloobaayi
Inay curaddo iska laayaanoo
Hooyo goblan cerceershaani
Waa caadadoodee
Soomaali Curyaantoo
Cududahay is jabiyeene
Halyeey u cartamiyo
Wali Ciiltire kamuu dhalane
Ciidayda Hooyiyo
Calankayga buluugoow
Ducaan kugu cidaadaye
Allahaydin caawiyo
Baydka Labaad
Waagii caddaadaba
Cuqdada laysku dilayiyo
Hayaayda la ciirsani
Waa camaladeenee
Soomaali is ciishoo
Cudur qabiilaa jirrabaye
Halyeey u cartamiyo
Wali ciil tire kamuu dhalanine
Ciiddayda Hooyiyo
Calankayga Buluugoow
Ducaan kugu cidaadaye
Allaha ku caawiyo
Masraxa Sagaalaad
Bile wuxu go’aansanayaa inuu qaxo oo dibadaha u dhoofo, sidaa daraadeed isaga iyo Bilan waxay ku tashadeen inay is mehersadaan. Meherka waxa goob joog u ah Sheek Barkhad oo sheekha meherka ah, Bile, Bilan, Buraale oo ah Bile Aabihii, Bayddan oo ah Bilan Hooyadeed, Biliso oo ah Bilan saaxibaddeed iyo Bidhiidh oo ah Bile saaxiibkii.
Hadalka waxa furaya Bile Aabihii, BURAALE:
BURAALE: Askaribaan ahaa ilaa abid, alifna aan dallacine
Ubadkaan dhaliyo Arligayagaan, adhaxda uga jabaayaye
Iimmaana waan ku qabay inaan, u adeego dhammaane
Ayaan darraa dhacday maanta, iyo amar Ilaahe
Ummaddii asqoowdoo, beeshay iimaankiiye
Waa kuwaa is eersday, ee is iilaya dhammaane
Waa kuwaa kala ka aguugay, een arrinsanaynine
Bal inay tahay ammuur culus, waxa kuu asteyn kara
Ilmahaygii baan rabaa, aqal inaan u dhisaaye
Intuu galin rugtiisana, dhoofbaan u abaabulaye
Amni la xumeeyaana dhalay, uur ku taa ladaniye
Odhaahdeeda iga daaya, ambad weeyi soomaaliye
BARKHAD: Subxaan wa-qaadir, sarreeye waa Ilaahaye
Waa Rabbigii samaawadkiyo, siraaday Arladane
San ku neefliyo waa khaaliqii, Sameeyay noolaha’e
Sacabada an u hoorsannoo, an barino Saatirkeen
Inuu inna samato bixiyoo, soomaali bad-baadiyo
Inuu innoo sikhroo, sahlo ammuuraheena
Inuu sidrigeeniyo, sifeeyo quluubteenane
Sawhigan inna galayiyo, inuuu salawgu naga baxo
Ducadu markay dammaato waxa xigaya meherkii. Kadibna heestii arooska ooy ku luuqaynayaan BILISO iyo BIIXI.
Masraxa Siddeedaad
Heesta AROOSKA(Aroos lagu reeyo)
Baydka Koowaad
BIIXI
Raadkeedaba adduunyo
Rafaad lagama waayee
Wakhtigu waa mid rooniyo
mid kuu leh rakaadee
kuwaan raxan-raabinee
rayn-rayn ku waaree
Reerkooduna nagaado
Rabbi haydinka dhigo’e
Aroos lagu reeyoo
Oo lagu riyaaqo
Raxmadi ay ku hoorto
Rabbi haydinka dhigo’e
Baydka Labaad
BILISO
Roobloow wiilka iyo
Ruuneey gabadha is doorto
Labadii is rabee
Raalliyee is jecelee
Runtana ku heshiisee
Xaqagana isku raacee
Kala roorrin waligood
Rabi haydinka dhigo’e
Aroos lagu reeyo
Oo lagu riyaaqo
Raxmadi ay ku hoorto
Rabbi haydinka dhigo’e
Qaybsankii Soomaaliya
Afar oday dagaal(warlords), BADE, BIIXI, BUUNI, iyo BULXE ayaa kolba mid soo galayaa iyagoo kooxo dhawra midba wato.
BADE: Inagu badaynu leenahay oo dhan walba innagaga xeeran, markaa waxaynu la baxaynaa BADLAND
Kooxda: Waan kugu raacnay BADOOW, waa innoo sidaa iyo BADLAND.
BADE: waa inaynu boqorkeenii BURHAME u sheegno, kadib way baxayaan
BIIXI: kuwii hore waxay la baxeen BADLAN, oo ma haddaa ma anagaan bado lahayn. Bal innaguna Buuro ayaynu leenahaye waxan la baxaynaa BUURLAND
KOOXDII: Waan kugu raacnay BIIXI: waa inayany boqorkii BURHAME u shhegno
Waxa soo galaya BULXE iyo kooxdiisa:
BULXE: maxay la baxeen, BADLAND iyo BUURLAND, OO ma annagaan bado iyo buuro lahayn. Annaguba bannaan baanu leenayahye waxan la baxaynaa BANNAANLAND. Inna bixiya waa inaynu boqorkeenii BURHAME u sheegno.
BUUNI ayaa isaguna odhanaya, annagu wali bunduqii ayaanu sidaana, oo waxan la baxaynaa BUNDUQLAND.
Ruux dumar ah ayaa odhanaysa, anagu wali waalla nala bililiqaystaa oo waxan la baxaynaa BILILIQOLAAND. Mid kale ayaa iyaduna odhanaysa annagu wali waan barooranaynaa oo waxan nahay BAROORLAND.
Intii ayaa hadana kolba mid soo noqayaa oo la hadlayaa BURHAME:
BURHAME: haye soo dhawaada maxaad galabta waddiin
BADE: Annagu waxan wadnaa BADLAND
BIIXI: Annaguna, BUURLAND
BULXE: Annaguna , BANLAND
BUUNI: Annaguna, Bunduqland
BARNI: Annaguna waa BILILIQO IYO BAROORLAND
BURHAME ayaa kadibna khudbad dheer u akhriyay, marka uu dhammeeyana mid waliba wuxu ka sexeexaya heshiis:
BURHAME: Bishaariyo bilkhayriyo, war bilicsan weyaan maanta.
Beerkiyo laabtiyo, bogana waan ku hayay inaad sidaa u kala bixi
Doontaan. Hase yeeshee wali ma ballaadhna, oo badh kalaan
Sugayaa, oo waa inaad BUNDUQLAND, BAROORLAND,
BA’AYLAND, BABAAYLAND, BURCIIDLAND, BICIIDLAND,
BOODHLAND, BARYOLAND, BATAAXLAND iyo inkaloo badanba keentaan.
Intiina imika halkan isugu timid, midkiinba waxan ka sugayaa
abaal soo celin.
Badland, waxan ka sugayaa inaan baddeeda dekeeyo,
Dalxiis aan ku aado, daansha-daanshood a u joogo,
Dikadaheeda isticmaalo, Kala soo dago waxan rabo, cidna
diiday aanay odhanine,
Waa inaad ku duugtiin qalinka.
BADLAND: Waan ku duugnay qalinka, dalkana waad nala leedahay, sidaad
doontaba ka yeel.
BURHAME: Buurland, waxan ka sugayaa, khayraadkee bahardaada buuraha
Dushooda inaan wada daldaldashoo, dibadaha u dhoofshoon,
doolar an ku qaataaye waa inaan diiday la’ I odhanine, taasna
qalinka ku duuga.
Buurland: Waan ku duugnay qalinka, dalkana waad nala leedahaye,
sidaad doontaba ka yeel.
BURHAME: Bannaanland; waxan ka dalbayaa, in dur-durradiyo wabiyada
Dooxyada rogmanaya ee durduraya bannaanada, an soo dul
dagaayoon, dalag an ka waraabsadoon, daaro aan ka jeexdoon
dumar aan ku aroostee. Inaanan diiday la odhanayaynin,
taasna qalinka ku duuga
BANNAANLAND: Waan ku duugnay qalinka, dalkana waad nala leedahaye
sidaad doontaba la yeel.
Masraxa Tobnaad
Bashiir wuu ka dhoofay dalka, Biliso way jeclayd inaabtigeed hase yeeshee wakhti umay helin ay u sheegato jacalkeedaas. Dadka ninba meel ayuu u dalandoolay, deg-degna iskuma arkaan oo malmahan danbe BILISO reerka war la iskama haynin. Mar haddii wakhtigu gabaati yahay, gayiguna colaad yahay, geeri iyo nolona gudboonyihiin labaduba. Biliso waxay go’aan satay inay gaadho gurigii BASHIIR oo bal ay ka war jacaykeeda iyo mustaqbalkooda. Waxay guriga ugu soo gashay eddadeed BARKHADO, oo kalideed yuurarta, baroor iyo ducana is bar-bar waddda. Marka BARKHADO u sheegto in wiilkeedii ay dhoofisay, iyaduna kalideed cidla usoo baxday ayay BILISO ku qaadaysaa heesta tiiraanyada badan ee soo socota:
BARKHADO: Bilisooy eddo, kumaan arag ayaamahan
Adduun waad aragtaa halkuu mari,
Inankii inaabtigaa, ayaan horaan dhoofinay
Odaygiina masaajid, ayuu isku ooday
Oo ilaa arbacdii maan arag, oo wanigaa aqal
Cidlo ah yuurara, Ilaah wa mahaddii haddaan adiga ku
arkaye, eddo soo dhawoow, eddo soo dhawoow ayay
odhanaysaa oo dhabanaday ka dhunkanaysaa.
BILISO: ma hadlayso, ee heestan aya ku qaadaysaa
Heesta Afraad
Baydka Koowaad
Heey hoowaa
Wadhi iyo ciiliyo
Wacdaraa dhacayee
Hoowaa
Waddankaygiiyo hooyaa
Wiiqmayoo habaabaye
Baydka Labaad
Heey, hoowaa
Waalidiyo ubadiyo
Walaaliyo waaxyo is jecelbaa
Hoowaa
Dagaal kala wareejiyoo
Midba waddan jiraayee
Baydka Saddexaad
Heey hoowaa
Waynihii na uummiyoo
Waaxidoow ku barinayee
Hoowaa
Wahanka naga qaadoo
Noo Wakiil noqo ILAAHOOW
Marka ay heesta dhammayso ayay ooyaysaa oo waxay odhanaysaa
‘Alla eddooy inaabtigay waan jeclaa’
‘Alla halkeen joogay markuu dhoofayay’
BARKHADO: All eddo anba waan kula jeclaa, isna waan ogaysiiyaye, iga aammu.
Way ka baxayaan masraxa, iyagoo gacmaha is haysta, Biliso ayaana barkhado u kaxaynaysa gurigoodii.
Masraxa Koow iyo Tobnaad
Bililiqaysigii guriga reer BURAALE.
Koox dablay ah ayaa usoo galaysa guriga reer BURAALE. Wixii alaab taalay oo dhan way boobayaan, Bayddan iyo Buraalana way dilayaan.
Waxayna qafaalanayaan BILAN.
Masraxa Labo iyo Tobnaad
Burburka iyo boobtanka Soomaaliyeed wuxu damqayaa BUUNI oo ah wakiil reer jibuuti.
BAHDOON: Jabuutiyo Soomliya, dad isku jiidha weeyoo
Isku jaada dhammaane,
Jabta gaadhay walaalaheen,Jirrada iyo xanuunkan
Kama jeesan karaynoo, jiidhkaa ka damqanaayee
An jeeskeena CARTA, jago uga xaadhnoo
Isku soo jiidno dhammaanoo, jaawaysta nidhaahno
Jalliilkana u barino inay, abid wada jiraane
Jabuutiyeey soo dhawee, jaallayaasheena soomaaliyeed
Heestii Soomaalaay is maqal ayaa markaa Kooxdu ku heesaysaa
Heesta 5aad
Soomaalaay is maqal
Baydka Koowaad
Is maqal, is maqal
Somalaay is maqal
Summad midaan wadaagnaa
Soowd klaiyaan leenahay
Dhaqan suuban iyo
Diinta waan ka simmannahaye
Sara kacoo, saf midaa galoo
Xaajo way silloon tahaye
Somaalaay is maqal
Baydka Labaad
Is maqal, is maqal
Somalaay is maqal
Sabaannaad warmihiyo
Sidateen rasaasood
Saablayda beekiyo
Seedaha is gooyseendd
Sahan galoo, dawladnimo sugoo
Sinnaan iyo caddaalad
Somalaay ogoow
Masraxa saddex iyo tobaand
QURBAHA
Masraxa 14aad..cont..
Heesta Lixaad: Dhaaxaan- ka- dhaaxaan
Baydka Koowaad
Soomaalaay dhaayaha fura
Dhabtii weeyi maantee
Lax dhukanbaa col moogee
Dheel-dheel wuu hadhayee
Dhaaxaan-ka-dhaaxaanbaan
Nabadii dhaawacnee
Dhaaxaan-ka-dhaaxaanbaan
Dhawrsanayneey qabiilee
Dhaaxaan-ka-dhaaxaabaan
Dhiigga saydhinaynee
Dhiidhiyoo, is raacoo
Dhulkeenii dhisoo u hiishaay
Baydka Labaad
Soomaalaay is dhagaysta
Dhayal haw malaynina
Cadawga dhinacyadeenaa
Dhibteenna ku farxaayee
Dhaaxaan-ka-dhaaxaanbaan
Nabaddii dhaawacnee
Daaxaan- ka-dhaaxaanbaan
Dhiigga saydhinaynee
Dhaaxaan-ka-dhaaxaanbaan
Dhawrsanaynay qabiilee
Dhiidhiyoo, is raacoo
Dhulkeennii dhisoo u hiishaay
Masraxa shan iyo tobnaad
Masraxa lix iyo tobnaad
Tanna waa bililiqo
Waxa suuqa ku kulmaya labo wiil oo saaxiibo ahaa, muddona an is arag, mid wuxu noqday BUDHE oo waa budhcad, mid kalana waa siyaasiyiinta taageera danbiilayaasha dagaalka ee u adeega ITOOBIYA. Ka dib BUDHE ayaa ku marti qaadaya inuu gurigiisa ku macsuumo saaxiibkii BADE.
BUDHE: Ku soo dhawoow gurigayga
An kuu kala sifeeyee
Saabaanka meesha yaalli
Boqolkiiba sagaal iyo sagaashan waa bililiqo
Suudhkan an sitaa waa bililiqo
Saacaddan an xidhanahay waa bililiqo
Surwaalkaygu waa bililiqo
Saanadiyo hubkani waa bililiqo
Sariirtiyo furaashkana waa bililiqo
Salliga laftarkiisu waa bililiqo
Saqaafadaha goglani waa bililiqo
Saqafta an ku feedhani waa bililiqo
Faynuuskan ii siraadani
Isna waa bililiqo
Isku soo wada geeyoo dhammaan waa bililiqo
Sir kalaan kuu hayaaye horey usoo soco ayuu odhanayaa
Wuxu tusayaa BILAN oo meel yar isku qarinaysa, gacanta ayuuna soo jiidayaa.
“Tanna soow ma aragtid, iyadna waa bililiqo”
BADE: Waryaa BILILIQO, wegereey ka waasacan, waligay ma moodayn inaad
sidaa u calool adag tahay. Soowtii lagu sheegay maaha inaad
dagaalkii Soomaali galbeed, cagta soo wadhay iyadooy xabbadba
dhicin.
Waxan ku waydiiyay saaxiib, ruuxani dumarka ah eed soo
Bililiqaysatay, dee maku meherisay xalaal, mise waxad ku qabtaa
Xaaraan.
BUDHE: Bililiqaan ka sheekaynaynaa, adna xalaalbaad ka hadlaysaaye,
Halkay isaga yimadaan. Illeyn siyaasi caqli daranaa.
BADE: Bililiqo anigaa kuu haya sir weyn, lacagna ad ku helayso.
Waxan magaalada u immidday inaan SHEEKH dadkii waalay ka
qabto. Sheekhaas ayaad u yeedhaysaa, gabadha meheri baad
leedahay, haddii uu diido iyo haddii uu doonaba dadbadeed waad
dilaysaa, dollarkana aniga i weydii.
BUDHE: Doolarku soow waxan doonayaba maaha, Sheekha ku waalay, ii
sheeg magaciisa, anigaa shirqooliyoo, shabaqana u qooliye.
BADE: waxa la yidhaahdaa Sheekh BARKHAD .
BUDHE: dib ayuu u yar boodayaa, waar kaasi Edaday weeyi odaygeeda’a,
mid kale ma haysaa, dili kari maayo duqaasiye
BADE: Eddadaa odaygeedu, ma dadka ad dilayso ayuu ka weyn yahay.
Danbiile haddii uu yahay, waa inaad dal-dashaa, dacawad lagaa
wediin maayee, doollarkaagana guro.
BUDHE: Hadaba sideen wax u qorshaynaa.
BADE: Taa aniga igu daa, sidaan ku idhaahdo uun yeel
BUDHE: Waayahaye inna soo bixi.
Masraxa todoba iyo tobnaad
Heesta LixaadL kuumaan baroorteen
Baydka Koowaad
Bado iyo wabiyiyo
Buuraa iga kaa xigoo
Qaarado ballaadhanbaa
Iga kaa baajinaayee
Haddaan baalal leehay
Amma baaxad iyo xoog
Barada ad joogtana
Barqo kama maqnaadeene
Kuumaan baroorteen
Kuumana balweeyeen
Haddaad iguba beernayn
Baydka Labaad
Intaad baylah tahaye
Cadaawawhii ku boobyna
Bunduqiyo rasaasiyo
Kuu haysto billaawaha
Baad igama dagayoo
Bogan maayo jiifkoo
Bilaneey la’aantaa
Baashaali maayee
Kuumaan baroorteen
Kuumana balweeyeen
Haddaad iguba beernayn
Masraxa siddeed iyo tobnaad
Heesta Tobnaad
Baydka Koowaad
Subxaan waa qaadiroo
Quwiile waa Ilaaheena’ee
Qafuuriyo Raxmaanniyo
Qahaariyo waa Casiisee
Qiyaamaa dhacaayoo
Qabribay su’aali taalaayee
Subxaan waa qaadire
Qasabkani ma yeelaayo’e
Baydka Labaad
Subxaan waa qaadiroo
Qorsheeye waa Ilaahaye
Qaladbaad waddaanoo
Xumaanbaad qasdiyaysaanee
Qiyaamaa dhacaayoo
Qabribay su’aali taallaayee
Subxaan waa QAADIRE
Qasabkani ma yeellaayo’e
Masraxa sagaal iyo tobnaad
Immigration matter
Waa qurbe iyo arrimihii Immigrationka. Waxa xafiiska BAARUUD fadhiya, BASRA, ISLAAM, iyo SAMAALE. Baaruud ayaa dadku sida ay u kala horreeyeen ugu yeedhaya.
BAARUUD: Haye BASRA subax wanaagsan.
BASRA: subax wanaagsan Baaruud
BAARUUD: Jawaabtii sharcigaagu way soo baxday, haddii an kuu akhriyana waxa laguu ogolaaday, sharci ku meel gaadh ah oo saddex sanadood ah, kaas marka uu dhammaado, waxa laga yaabaa in laguu kordhiyo. Markaa war xun maaha, umana baahna inaan imika wax dacwad ah ka biloowno. Dalka waad ku joogi kartaa, caydh waad ku qaadan kartaa, waxbarasho iyo shaqana waad ku heli kartaa.
BASRA: War xun maaha ayuu ku leeyahay waana saddex sanadood. Oo maxay aniga sharci ku meel gaadh ah ii siiyeen, toloow ma sagaalkii nin een shegtaybaa. Awalba anigaa is hafrayee, wali koowba ma joogee. Kadi
BAARUUD: oo wali laguma guursan?.
BASRA: mika ahaan la ima qabo, ee miyaad adigu?
BAARUUD: Anigu xaas iyo carruur ayaan leehay ALXAMDU-LILAAH.
BASRA: Waar Afar iyo waliba sagaalba waa laguu ogolyahaye an iska war hayno.
BARAARUG: Waa hagaage mar kala ayanu iska war heli doonaaye, bal dad kalaa I sugayee, sidaa iyo nabadeey
Basra way baxaysaa, waxa soo galaya odygii la baxay IIBAAN oo hadana carruurtii iyo ISLAANtiiba wata.
BAARUUD: Soo dhawoow IIBAAN
IIBAAN: Waan soo dhawahaye,sharcigii ma la I siiyay.
BAARUUD: Haa Adiga iyo Xaaskaaga, iyo Carruurtaaba, waxa la idin siiyay
sharci buuxa, oo dalka xaq buuxa ayaad ku leedihiin.
Iibaano ayaa bood-boodaysa, oo odhanaysa, haa waxa lannagu siiyay waan gartay, waa waa lanna qod-qodaadii.
IIBAAN, Naa balaayo ku qod-qodaye, iga aamus ayaan ku idhi. Taa laguguma siinine, waxa lagugu siiyay markaa da’da kuu yareeyaye.
IIBAANO: waar ma anaad da’ada ii yaraysay, adigaa yaraystaye.
Iyagoo isku qaylyaya, ayay sii baxayaan. Kadibna waxa soo glaya, SAMAALE
BAARUUD: Subax wanaagsan SAMAALE
SAMAALE: waar waan barinaye, meeshii maxaa war ka soo baxay.
BAARUUD: Waan ka xumahay,adiga war fiican kuuma hayo, oo sharcigii waa laguu diiday. Waxana laguugu diiday, inaad sheegatay inaad ka timiday BOORAMA oo ka tirsan SOMALILAND, oo loo aqoonsanyahay in dhibaato aanay ka jirin. Innamadaada ayaana kusoo dhoofiyay oo lacag leh.
SAMAALE: Waar hadalka iisoo kooboo ma waxa la igu diiday DAACADNIMADA. Illeyn ninka gaalka ah somali ficiis iyo somali fulaan,xaggiisa waa u wada Soomaaliye.
BAARUUD: haddii ad sidaa u fahamto, waa suurto gal in daacadnimad lagugu diiday. Immigrationku wuxu rabaa inaad dhibaato culus oo kusoo gaadhay ad sheegato, sida jidh dil IWM, iyo cabsi xoog leh oo and dalkaagii ugu noqon karin. Gunaanadkuna waxa weeyi in laguu diiday in laguu aqoonsado qoxootinnimo, hase yeeshee, waxad xaq u leedahay inaad qaadato RAFCAAN, anigana ayaan hawshaas kuu gali. Dacwaddii horena waxbaan ka badalaynaa.
SAMAALE: oo maxaan odhanaynnaa , beenbaan sheegaye, kama iman BOORAMA ka iman.
BAARUUD: Waxaa iyo wax la mida
SAMAALE: Waryaa waa ninka, ‘naf maydhixi hayso, nafba maahine’ anna meel been lagu shaqaysani , joogi kari maayee, bal nimanka ii waydii inay waraaqo I siiyaan an dalka kaga dhoofo, xaggaa iyo cartaaban u sii socdaaye.
BAARUUD: Taasi dhibaato ma leh, ninka dalka ka dhoofaya, waraaqo iyo waliba lacagba waalla siiyaa. Anigaana kuu soo dhammayne, sidaa an isku ogaano
SAMAALE: Adeer soo dhammee waxaad soo dhammanayso, sida ugu dhakhso badan.
Masraxa Labaatanaad
Waxa soo galaya BASHIIR, oo warqad ka helay BILISO. Waa warqad dhiillo xanbaarsan,oo sidan u qoran:
Walaakay BASHIIROOW, war kuuma hayo wanaagsane
Wayne wuxu qoray iyo, waxa dhacay xaqiiye
Wadbaa qaaday Sheekhii, wacanoow Aabahaaye
Waxa looga dhigay sobab, waa gacan cadaawee
U samir waaxidka , qalbigna wanaaji
Wardigiyio quraankiyo, wehesho ILAAHAY
Hana war-warin marbuu, wakhtigeenu samaaniye
Intaa markuu akhriyo ayuu qaddar aamusnaanayaa, kadibna wuxu ku qaadayaa, heesta HOOGTOOY ADDUUNYOOY. Oo ah sidan:
Baydka Koowaad Hoogtooy Adduunyooy
Hawo bilaashiyo
Hammo beenaadeey
Marin lagu habaaboo
Halleynaaya aadmigoo
Inna wada hodaayaay
Hagardaamo weyneey
Adduunyooy!
Huq iyo ciil wal-waalaay
Aduunyooy!
Hadhka maalin guuraay
Adduunyooy!
Hooy an loo dhaxayneey
Adduunyoy
Baydka Labaad
Hoogtooy adduunyooy
Heddu way baxdaaye
Haddaad ruuxna baajinayn
Ma huraana Aakhiro
Halkii loo badnaa tahay
Ku hayaamo nooluhu
Hoosiis wareegaay
Addunyooy!
Hillin laga hayaamaay
Adduunyooy!
Hadhka maalin guuraay
Adduunyooy
Hooy an loo dhaxayneey
Adduunyooy!
Markuu heesta dhammeeyo isagoo wali warqaddii gacanta ku haya ayaa waxa soo galaya, BILE. Warqaddii ayuu ka qaadayaa, oo wada akhriyayaa, qaybta ugu danbaysa waxa ku qornaa, in BILAN, ka baxsatay dadkii qafaashay, oo mid ka mid ah qafaalatadu uu ahaa BILISO walaalkeed, oo isna isla gobtii lagu dilay.
Woxoogaa marka ay murugoodaan, ayaa waxay ku tashanayaan, inay dib u dhoofaan.
BILE: Saaxiib, markii horeba waxaynu isku diyaarinaynay inaynu CARTA
tagno. Markaa waa inaynu deg-deg u baxno, oo bal aynu kuba sii
horrayno CARTA. Marka aynu halkaa gaadhno ayaan heli karnaa talo
iyo tusaale wixii kale een yeelayno.
BASHIIR: Waa qorshe wanagsan. Telegram waa inaan diro oon ku hagaajiyo RED CROSS oon u diri Hooyaday iyo Inaabtiday, una sheegi inaan carta usoo jeedno
BILE: waa qorshe fiican warku wuu cad yahay.
Way ballammayaan, masraxana way ka baxayaan.
HEESTA SAGAALAAD
Baydka Koowaad Cawa daranta noloshaan
Cuskadayee
Ciirsi waxan moodaa
Calaacalkee
Kii an calmadoow
Talo way iga ciirtee
Jacaylkan carbinaybaan
Cisee is leehaye
Waxan ka cararaa
Wa cadaw sokeeye
Cad iyo jiidh waa
Dad an cayn wadaagnee
Caqli iyo lahayn
Iimaan celiya’e
Baydka Labaad Cooflaha Libaaxiyo
Caarroow shabeel
Meeluu dhurwaa ciyaan
Cuyubanahay kaliday
Cawshiyo ugaadhaan
Cidlo la hadhsadaayee
Cida dugaagu
Igama cabsiisee
Waxan ka cararaa
Waa cadaw sokeeyoon
Cad iyo jiidh waa
Dad an cayn wadaagnoo
Caqliyo lahayn
Iimaan celiya’e
Heesta Tobnaan
Sabaan-ka-sabaan
Baydka Koowaad
Ma sabaan ka sabaanbaan
Siqiir iyo Kabiirkeenu
Colaad sahadsanaynay
Ma sabaan ka sabaanbaan
Saacidaynay qabiiloon
Xumaha u sacabbaynay
Ma sabaan ka sabaanbaan
Calankeenii sagsaagnooy
Ciideeniina sabooshay
Ma sabaan ka sabaanbaan
Sadaqada shisheeyaha
Safarka u galynay
Saatirbaan baryaaye
Seerma weydaa innoo curan
Soomaalaay waad midoobiye
Heesta ugu danbaysa
Jabuuti waa dalkayga
Baydka Koowaad
BILISO: Bixisadii na jiidhiyo
Jirradii naga reebtayoo
Adaa noo jiidh naxayee
Baxnaaniniyaay Jabuutiyaay
Kooda: Baxnaaniyaay jabuutaay
Kooxda: Jabuuti waa dalkayga
Jabuuti waa dalkayga
Jabuuti waa dalkayga
Baydka Labaad
salaan kadib sxb cabdiqani yuusuf caateeye dee igu dar jilaayaasha ruwaayada bixiso
waa walaalkaafaisal hayes oo ku leh nooloooooooooooooooow
walalo marka hore aad ayaad ugu mahad san tihiin laakiin hal dhaliil ah waxa aan idinka cod sanayna iyada oo dawasho ah ruwaayadasi in aad noosoo galisaan hadii ilaahay yidhaa
walalo marka hore aad ayaad ugu mahad san tihiin laakiin hal dhaliil ah waxa aan idinka cod sanayna iyada oo dawasho ah ruwaayadasi in aad noosoo galisaan hadii ilaahay yidhaa