Unity without verity is no better than conspiracy” John Trapp (1601-1669)
Wadhaf News-October 29, 2012: Bulsho kasta oo aduunka ku nool wakhtigay doonto ha joogtee, waxay fikirkeeda iyo kartideeda ku samaysaa qaabka ay ula tacaalayso duruufaha nololeed ee geeswalba, hadday noqoto dhaqaale, siyaasad iyo wixii la mid ah taasaana ka turjumta darajada ay kaga jiraan nolosha guud ahaan oo samayn ku yeelanaaya jiritaankeeda.
Taniyo abuurkii adduunyada, waxaa joogto ahaa hirdi iyo damac wuxuuna ka bilaabmay Haabiil iyo Qaabiil oo ahaa inamadii Nabi Aadan, Calayhi Salaam. Damacaa joogtada ah waa mid aan dhamaanayn ilaa Ilaahay duubayo adduunyada. Hirdigaas joogtada ah ayaa sobobay in qoomiyado badan taariikhda ka tirtirmaan qaarna ay dabar go’ ku dhawaadaan.
Bulshada yoolkeedu yahay inaan laga gacan sarayn waxay la timaadaa isku duubni micno u yeesha kartideeda. Horaa loo yidhi gacmo wado jirbay wax ku gooyaan. Mid kalena waata tidhaa isku duubnibaa karti iyo xoog kuu yeesha, kala daadsanaatuna way ku wiiqdaa amba ku kala qaybisaa.
Labaatankii sanno ee ugu dambeeyay waxaad moodaa in Beelaha Gadabuursi ay ka hadheen tartankaa nolosha loogu jiro. Haddii ay rabaan in ay la jaanqaadaan asaagood, waxaa lagama maarmaan ah in laga diga rogto farsamooyinkii keenay dib u dhaca saameeyay beelahaas.
Garo mashaakilaadka ku haysta
Bulshadu markay dareento in dhib haysato waxaa habboon inay daraasad ku samayso mashaakilka haysta iyo sobobaha keenay. Si taa loo ogaado waxaa habboon in laga dhaqaaqo RUNTA maskax caafimaad qabtana wax lagu falanqeeyo. Waa in qashinka lagu ridaa khuraafaadka beenta ah ee had iyo jeer keena in laga marin habaabo tubta toosan.
Marka daraasadahaa lagu lafo guro mashaakilaadka bulshada haysta iyo sobobihii keenay ayaa loo jahaysan karaa xalku halkuu ku jiro iyo qaabka ugu haboon ee xalkaa looga midho dhalin karo. Laakiin marka hore waa in laysla helaa oo la gartaa waxay bulshadaasi doonayso inay noqoto. Marka la dajiyo oo laysla garto waxay bulshadaasi doonayso inay noqoto, waxaa loo gudbaa ficil keena farsamooyinka lagu gaadhayo waxaad doonayso inaad noqotid. Haddaanad garanayn waxaad doonayso inaad noqotid heli maysid farsamo aad kaga baxdo mashaakilka ku haysta. Xaalkaaguna wuxuu noqon inaad kolba qorshe madhalays ah oo meel gaadhayn ku haraado, kala qaybsanaantaaduna sii waynaato.
Garo awoodaada
Qof aan awoodiisa garanayn wuu marin habaabaa kamana duulo xaqiiqooyin balse wuxuu noqdaa qof usha biyaha la dhacaaya oo yeelan Karin tusmo cilmiyaysan oo hagta barnaamijyadiisa nololeed. Qofkaasi amaba bulshadaasi waxay noqotaa mid aan jile ka noqon Karin ammuuraha nolosha balse wuxuu ku eekaadaa inuu ahaado daawade aan saamayn ku yeelan Karin dhacdooyinka socda ee saamaynta ku leh noloshiisa iyo tan bulshadiisa.
Awooda ugu horeesa ee bulsho qani amba faqiir ku tahay waa dadkeeda iyo haldoorkeeda. Ilaahay dadka ma simin ee waxaa jira in karti hogaameed leh iyo in talo-raac leh iyo in yacyacood ah. Bulshadu haddii ay garan waydo haldoorkeeda oo kolba ay ku meeraysato shaqsiyaad aan lahayn karti iyo taariikh tilmaamaysa hogaanimadooda waxaa hubaal ah in lagu jiraayo tiih keena isqabqabsi marag ka noqda talo la’aanta bulshadaas.
Marka la fiiriyo wakhtiga lagu jiro iyo khataraha bulshadu maanta daaqayso, hogaanka loo baahan yahay maaha mid cumaamad madaxa ku duubta oo wakhtigiisii joogin. Waxaa loo bahan yahay waa AQOONYANNO kartidii, aragtidii iyo hufnaantii bulsho lagu hogaamin lahaa u dhantahay. Waxaan u bahanahay dad garan kara, fahmi kara, axadhi kara mashaakilka taagan, wixii keenay iyo sida looga bixi karo.
Waxaa bulshada ka mid ah dad loo hanweynaa oo magacdooda la higaadin jiray loona haystay inay nuurkii bulshada yihiin. Labaatankii sanno ee inna soo dhaafay magacdaa loo hanka weynaa waxay noqdeen dad aan faa’ido lahayn oo gabay dadkii. Maaha kuwa maanta loo bahan yahay. Waxaa jira iyaguna qaar labaatankaa sanno iyo dheeraad shalaadka u qaadaayay wax indho-sarcaad ah oo dadaalkoodii noqday mid is hortaaga isku day kaste oo bulshadu ku damacsanayd inay aayaheega kaga tashato. Kuwaana waan aragnay inay yihiin hooto. Qaar kale ayaa jira oo mashaakilka waaweyn ee bulshada haysta fahmin balse markay dhacdo cusub maqlaan isku yaacyaaca oo qaada talaabooyin lab-lakac ah oo sidii xumbada dhakhso u qalala. Kuwaana maaha kuway dawadu ku jirtaa.
Arrimadaa marka la soo qaado, waxaa loo macnaystaa in qabiil farta lagu fiiqayo. Dhaqankaasina waa ka qayb mashaakilka ina haysta. Xal lama heli karo haddaan Runta laga shanqadhin. Halkaa waxa ina soo gaadhsiiyay waa shaqsi jacayl. Sanadku markuu ahaa 1998-kii ayaan qoray maqaal isla arrimadaa ka hadlaayay mawdiiciisuna ahaa: “ Bushada nacaskeeda amba khaayinkeeda geesi u aragtaa halisbay daaqaysaa”. Markaan dib u jaleeco wixii ina soo maray iyo waxa taagan maan khaldanayn inaan wakhtigaas ka dardaarweriyo taageeradii lala barbarjoogay kuwii dhinaca khaldan taariikhda ka joogay ee awood u waayay inay asaagood la sinaadaan, sharafta dadkoodana ixtiraamaan.
Inta bulshada hogaamin kartaa waa dad iimaankoodu buuxo oo kor uga kacay hanka yare e naaqusnimada keenay. Nin aan iimaan lahayn markuu isku dayo inuu hogaan noqdo, kama damqado quudhsi balse wuu u dhabar adaygaa mana yeesho karti iyo fikir awood u siisa inuu aayaha bulshadiisa wax kaga qabto.
Hogaanka aan u baahanahay waa mid cusub oo ka turjumi kara himilooyinka dhabta ah eek of waloo damiir leh horyimaada markuu sii seexanaayo. Haddaan lays indho tirayna dadka sifahaa leh kama maqna bulshadeena.
Aan Is daba qabano
Walwal weyn wuxuu iga hayaa dhalinta dhulkii ku nool ee dhaxal u helay siyaasad bilaa jaho ah oo mustaqbalkoodii maskax ahaaneed iyo nolol ahaaneed-ba cidlo dhigay. Waa dhalin ku soo kortay siyaasad madow, bulsho kala daadsan oo kartideedii noqotay inay dhexdooda is xagxagtaan, iskuna eryadaan wax laga faano. Waa dhalin maskax ahaan loo diyaariyay inay han yaraadaan, dhacdooyinka noloshooda saamaynayana ka noqdaan daawadayaal. Sifahaasina waa jiritaanka calaamadaha ugu horeeya ee laga arko bulsho halis ku jirta.
Si laysku daboqabto, waxaa loo bahan yahay inaan la nimaadno farsamooyin ka duwan wixii horay aan ugu soo daalnay. Waa inaan safka hore keenaa dadka Ilaahay inaga dhaliyay ee Ilaahay kartida siistay. Marka jahowareer yimaado, waxaa la cuskadaa inta aqoonta leh. Haddaan arki kari wayno labeenta bulshadeena ka kori mayno inaan ku celcelino khaladaadkii hore ee ina saaqidiyay.
Waa inaan dib u baranaa isku duubnida, dhiidhiga iyo taageerista haldooradeena. Aan kala garano loox yare dhakhtar sheegta oon weligii dhaamin iyo birima-gayda badbaadadeenu ku jito. Aan garano waxaan doonayno inaan noqono, aan awoodno inaan garano oon taageerno ciddii yoolkaa ina gaadhsiin lahayd. Aan garano tagtadeenii si aan u fahano waxa taagan iyo timaatada. Waa haddii aan rabno inaan isdaba-qabano.
Categories: Warka (News)

Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)