Woqooyi Soomaaliya Ama Somaliland Wali Ma Qaangaadhay?

Lixdankii markii Koonfur la aadaayay Waqooyigu wuxuu la yimid siyaasad aan sal dheerayn oo ahayd mid Beesha dhexe kalideed maroorsatay tiradii barlamaankii lala tagay Muqdisho. Cadaalad daradii Hargaysa ku samaysay qabiilooyinkii kale, beesha dhexe kamay macaashin oo waatii Nibiringii Koonfurtu sida kaluunyar u liqay dhamaan Waqooyi iyo tiradii aan xalaasha ahayn ee ay Muqdisho la tageen.

Maanta nus qarni iyo dheeraad baa ka soo wereegay wakhtigaas. Waxaa isweydiin mudan, siyaasad ahaan, Waqooyigu ama Somaliland ma qaan-gaadhey? Waa su’aansha uu maqaalkani falanqaynayo.

Ka dib burburkii xukunkii Syad Barre, Somalia waxay gashay halaagii ugu xumaa ee taariikhdeeda. Dalkii iyo dadkii karaamadoodii ayaa noqotay mid dhulka lala simay. Koox walba edeg yar ayay oodatay. Dadka reer Waqooyigu waxay iskugu soo noqdeen dhulkoodii oo maleeshiyadii SNM gacanta u galay. Siyaasadii oo la maaraynkari waayay awgeed, Konnfur waxaa u bilaabmay safar dheer oo dhiig gacmaha lala galay mid sokeeye, mid shisheeye oo intuba sharaxaad ka dhigtay silicii iyo barakac ku habsaday shacbiga gaar ahaan intii danyarta ahayd.

Waqooyigu oo edega Somaliland ku soo ururay wuxuu qaab aan horey looga wada tashan ku  dhawaaqeen goosasho laga baxayo midowgii, go’aankaas oo aan ahayn mid aan horey laysku waydiin wuxuu ahaa mid ay keentay caadifad lagaga jawaabayo xukumadaii Koonfur lagaga dhawaaqay ee Cali Mahdi, sida laga hayo hadal u jeediyay Siiraanyo oo ahaan jirey ninkii wakhtigii ugu dheeraa soo hogaamiyay jabhadii SNM.

Kacaakuf iyo hirdi qabyaaladaysan oo isku dhacyo badan keenay ka dib waxaa magaalada Boorama ku qabsoomay shir ajandihiisu dhowr jeer la marin habaabiyay oo ugu dambaytiin dhalay maamul-dowladeed Marxuun Cigaal madaxweyne ka noqday, 1993-kii. Maamulkaasi aas-aas ahaan ma xambaarsanay Fikir-xeeraad (idea of Law)[i] oo sal u ah aas-aaska dawladnimo.

Madaxnimada Cigaal waxay suurto galisay in Waqooyiga ay ka hanno qaado degganaasho xaddidan oo sharafteeda ay lahaayeen dadweynaha oo u hanweynaa nabad. Cigaal-na wuxuu noqday siyaasi rug cadaaya oo khibrad u lahaa isku hayta qabiilooyinka. Intii u joogay wuxuu ku guulaystay inuu xagjirnimadii SNM xakameeyo mudnaantana siiyo qadarin, habba dabacsanaantee, qabiilooyinka wada degga waqooyiga. Dhinaca siyaasada cidna kama qarsoonay in Cigaal gogosha u xaadhaayay sidii midnimadii Somalia loo soo celin lahaa balse waxaa daba dheeraatay xal la’aanta Koonfur.

Ka dib dhimashadii Cigaal, xukunka waxaa qabsaday koox aan han siyaasadeed oo cad lahayn in dadka la maaweeliyo mooyee. Waxaana bilaabmay in qaab-dhismeedkii Cigaal ka tagay maalinba maalinta ka dambaysa la burburiyo maamulkiina gacanta loo galiyo reer qudha oo ilaa maanta kalidood gacanta ku haya talada hadday noqoto, siyaasad dhaqaale iyo milatariba.

Nidaamkaas xalaasha ahayn ma noqon mid uu saxo maamulka Siiraanyo oo xukunka qabsaday 2010-kii. Cadaalad daradii dadka intooda badan arkayeen taniyo 1993-kii waxaa iyaguna gadaal ka ogaaday intii shaadhka Rayaale ka indhotiray xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland. Waxyaalaha ugu weyn ee Somaliland ku faanto waxaa ka mid ah in ay doorashooyin ka qabsoomeen, laakiin waxay ag marsan yihiin in doorashooyin la qabtaa la micno ahayn cadaalad amba dimuqaraadiyad.

Digaa hoos ka nool

Qaangaadhnimo ha joogtee, waxaa la odhan karaa waa la sii saqiiray oo halka adduun waynuhu ama inta caafimaadka qabtaa hiigsanayso horumar isasoo tara, Somalailand maalinba maalinta ka dambaysa ayaad moodaa inay dib u guranayso. Maalinba maalinta ka dambaysa ayay isa soo tarayaan ficilo halkay cadaalad darada ka dawayn lahaayeen sii talaxtagaaya oo badheedh ah kuwaas oo salka ku haya cadaald xumo iyo xasarad dheeraad ah oo sii kala fogaynaaya dadka isku deggaanka ah. Ibtilooyinkaa xasarada ah marka nuxurkooda loo fiirsado waxaa kuu soo baxaaya beeshe dhexe oo aad moodo inay ku nooshahay riyo-nifaaq iyo jawi qab ka muuqdo, qabkaas oo ka indho tiraaya inay waajahaan runta qof walba u danta ah.

Somaliland maamulka la baxay ama Waqooyi beel maaha balse wuxuu maanta sharaf ku leeyahay waa xasiloonaanta iyo dulqaadka gabaabsiga ah ee Galbeedka oon weli ka dibaaqin cadaalad-darooyinka lagu darsaday badheedhaha. Dad baa yidhaa Beesha dhexe wali may garan Somaliland cidda ay maamul-dawladeed ku tahay, sidaa awadeed waxay sugayaan maalintay beesha dhexe garan doonto taas ee ay garaad yeelan doonto.

Aniguse, taas ma aaminsani sobobahan soo socda awgood:

1) Beesha dhexe si fiican ayay u yaqaanaan una ogsoonyihiin dadka ayna la’aantood Somaliland jiri Karin. Laakiin Beesha dhexe ujeedada ay Somaliland ay ka leedahay ayaan ahayn tan dadku moodayaan oo ah inay dowlad noqoto. Beesha Dhexe, laga soo bilaabo Cigaal ma damacsana in Somaliland noqoto dawlad ka madax banaan Somalia. Faqad Somaliland waxaa loo samaystay in Beesha dhexe Koonfur kula gorgotanto. Waliba gorgortankaasi maaha mid Beesha dhexe ku hadli doonto magaca Waqooyi balse waxay ku hadli doontaa magaca beesha dhexe. Sidaa awadeed Maamulka Hargaysa waa inuu sii muujiyaa in beesha dhexe awooda waqooyiga kalideed hogaamiso. Waa tan keentay in awoodii maamulka boqolkiiba 85% gacanta ugu jiro beesha dhexe dadka kalena qanjidho loo tuuro.

2) Arrintaa iyada ah oon jiritaankeeda dadka qaarkood iga iibsan jirin amba ugu  diidi jiray waxaa ka marag kacay gulufkii maamulka Somailand iyo beesha dhexe ku qaadeen musharaxnimada Axmad Ismaciil Samatar markii u isku soo taagay madaxnimada Somalia. Dhacdadaas oo ahayd mid aan Hargaysa qarsan waxay u dhacday in wefti heer sare ah Hargaysa laga diro si loo xakameeyo 28-ka xildhibaan ee Beesha dhexe kaga jira Barlamaanka Somalia, amarna lagu siiyo inay codkooda kula dagaalamaan Prof. Samatar. Gulufkaas colaadeed waxaa ka mid ahaa olele ka dhan ah Prof. Samatar, waxaana la qaybiyay lacago badan sidii iska daa xildhibaanada reer waqooyigee loo  iibsan lahaa xildhibaanada ka soo jeeda Dir-ka koonfureed si loola dagaalamo Prof. Samatar.

3) Ujeedada Pro. Samatar Beesha dhexe ula dagaalamaysay waa mid qudha: Musharaxnimada Samatar waxay khatar ku ahayd ama meesha ka saaraysay qorshaha beesha dhexe ee ah in aayaha Waqooyiga cid kale oon iyaga ahayn lagala tashan. Haddii Samatar madax ka noqon lahaa Muqdisho waxaa sida baraxfka u milmi lahaa qorshaha beesha dhexe rabto inay ku mijo xaabiso doonka qabiilooyinka kale ee Waqooyiga degga, sidii lixdankiiba ay xaqooqa ugu tacadiyeen.

Nasiib daro, Beesha Dhexe waxaa cad inay weli ku taagan yihiin khaladkii ay galeen lixdan-kii ee Waqooyi dhamaantii ku liicay siyaasad ahaan. Siyaasada beelaysan ee yoolka u noqotay Beesha dhexe waa mid lagu saaqiday lixdankii maantana ah mid madhalays ah. Haddii ay dhab ka tahay aayaha waqooyiga oo Koonfur laga raadiyo, prof. Samatar cid kaga haboonayd ma jirin. Xaqa Waqooyi leeyahay ee Beesha Dhexe lumisay lixdankii ninka dib u soo celin lahaa ee weliba sharci adag xayndaab uga dhigi lahaa wuxuu ahaa Prof. Samatar oo ay iyagu u arkaan cadow.

Amuurahaa markaad isha ku godo ee si fiican loo axadho waxaa kuu soo baxaysa in digo hoos ka nooshahay Somaliland. Xumaanta iyo xasaradaha isdaba yaal ee ka soo yeedhayaa beesha dhexe waa dhacdooyin jawaabtooda cidna ka qarsoonayn.

Su’aasha ah Waqooyi ma qaan gaadhay, jawaabteedu waa maya waxaana kuu cadaynaaya sawirka dhabta ee maanta yaala iyo sida cusurinimada lahayd ee qaab beelaysan dhabarka looga toogtay prof. Samatar. Waa astaamaha muujinaaya inaan Waqooyigu weli u bislayn nidaamkii waqooyi ahaan wax lagu noqon kari lahaa. Waagii baryaba waxaad maqlaysaa dhacdooyin qalafsan oo guracan isla markaana dhiirigalinaaya kala fogaansho lafteedu keeni karta in Waqooyigu dhab ahaan saddex maamul goboleed noqdo mustaqbalka dhow.

Siday doonto iyaga ha ka noqotee,amba ha u macnaystaane, waxaa soo dhow maalintii Hargaysa la weydiin lahaa su’aal aan horey loo waydiin: Diyaar ma u tihiin Somaliland in ay noqoto maqaam loo siman yahay, yes or no?

Jawaabta su’aashaas laga celiyo ayay ku xidhan tahay cimriga Somaliland.

 

J. Osman/ Wadhaf News /Canada


[i] Somaliland : The poor idea

http://www.somalitalk.com/2004/oct/2oct404.html

 

About these ads

Categories: Warka (News)

36 replies »

  1. markii hore waxan is lahaa, maxaad ka akhriyi, waa qoraaladii hore kuwo lamida. markaan akhriyayna waan la dhacay. waxaanan jeclahay. horta in laoo hello cadayn in qoyska nhargeysa dagaa ayka dambeeyeen in Samater waayo doorashada. waftiga ay soo dirsadeena aw specificaly u socday, siduu doonoba ha u sameeyo e inuu u yimiday sidii samater looga hor tagi lahaa. Anigu waan maqlay laakiin wax cadeeya wali mahayo.
    siyaasada beesha dhexe siday doontaba ha ahaatee. tan reer awdal maxay tahay?
    Awdal siyaasada ay ka midaysan tahay maxay tahay? run ahaan tii in loo naco maaha dantooda, iney ilaashadaan. waxaa la odhan karaa dantooda sida ay ku raajinayaan, waa si uu ka iman karo in danahooda dhan ba ay ku waayaan. laakiin beeshu way isku wada raacsantahay in danta isaaqa dan walba laga hor mariyo.

    thanks for the article

  2. KKKKKKKKKKKKKK YAAB BADANAA HALAKALA SAARO SLAND IYO MADAX TINIMADA SAMATAR HADII AAD SAMATAR XIL LADOONAYSAAN CADEEYA OO SOMALIWAYN LASAFTA HADII KALE JOOJIYA XAYDHA JECLI BERKA JECLI NO MORE SOMALIA @MARNA MA AAMIN SANI SOMALI A CID CID QASBI KARTAA MAJIRTO QOFKASOW HAMIGAAGA CADEE SLAND WAYSOCONAYSAA KIIDIIDAYOOW DILAAC

  3. Cabdilaahi Omaar wuxuu oo ka soo jeeda beesha dhexe wuxuu helay hal cod. Ina Samatar-na wuxuu helay sideed cod. Ina Oomaar ilmadeeradii may cabanin, cidna may dhaleecayn. Maxaa keenay guuldarada ina samatar in beel dhan loo xanbaariyo?

    Nin rag ah looga roon inuu baroortiisa kula dul kufo beel dhan oo Sheekh iyo Sharifba leh. Wax caddayn ah oo u markhati kacaya inay sidaasi dhacdayna badka muu soo dhigin. Waa uun iska ma la awaal iyo habar dhali wayday aleelo-ku-waalatay!

  4. Ahmad samater dee wuu diiday inuu lacag bixiyo sidaas ayuuna ku waayey madaxwenenimada. In somalia of today, haddii anad lacag bixinayn hooyadaa xitaa kuuma footayn mayso…..KKKKK.seriously.

    Waar heedhaha ahmad samater tartan ayuu galy waa laga badiyey, that is it…sidii la doona ha looga badiyee. Isagiina wuu aqbalay in laga badiyey.dee qofka somaliga ahi inuu tartamo ayuunbuu xaq u leeyahay….ee inuu badiyo maaha xag aasasi ah….

    Aniga cid iga jeclayd ma jirin inuu badiyo, oo dee xamar baan kasoo gali lahaa hiildan haduu samater madaxweyne noqon lahaa.

    Meeshan muqdisho khater ka wen ina samater ayaa ka socota, waana arrinta odhanaysa, inay labada kusrsi ee u sareeya ay qabsadaan daarood iyo hawiya….aniga taas ayaa tixgelin wen mudan in laga munaaqashoodo…taasina dee reer woqooyi oo dhan marka laga reebo dhulos ayey ka dhigaysa dad aan tirsanayn.

    Anigu wax aanan halkan ka sheegi karayn oo somalia kasoo socda ayaan arkayaa ee allaha sahalo.

  5. S/Land ma qarsa diidada Samatar ama qofkastoo S/Land ka
    soo jeeda siday u dhigeen ,waxaana markii ugu horaysay
    tagay muqdisho wafti heer wasiira uu hogaaminayay Duur
    isagoo gatay beeshii direed ,tani waxaa cadaynteedu tahay-
    siduu cod uwaayay Mr oomaar oo ka tirsan xisbiga kulmiye
    gadaalna iska soo sharaxay waa shax siyaasadeed ,Turubkana Awdal way ciyaartaa Mr Samatarna Beesha dhexe
    oo dhan ama S/land baa la dheeshay waana laga badiyay-
    ceebna maaha in lagaa badiyaa sababtana waa in la sheego

  6. Aduunyo, isaaq baa ina samatar in la doorto diidayna Samaroon maka soo baxday. Ilaahow aqliga hanaga qaadin.

  7. Marunbaa, nimankan tolkeen ah caqliga Allah kugu manaystay, ha u qanjiidhine u qadhiidh intaan uunku amakaain.

  8. ***** Sixid *****
    Marunbaa, nimankan tolkeen ah caqliga Allah kugu manaystay, ha u qanjiidhinine u qadhiidh intaan uunku amakaain.

  9. Caraale, mahadsanid balse isma bidayo in aan ka wada aqli badanahay, waxanse ka xishoodaa in aan ku hadaaqo wax aan doqona isla soo taagin. Ciid mubaarik xirta Hiildan.

  10. marka hore waxan leeyahay.samater waxaba ma seegine. soomali dadkii ay rajadeedu ku jirtay ayaa wax waayay. intii caqliga u saaxiibka ahayd ee rajo yari ku hadhasanayd. in soomaali wadan noqoto marlabaad. ayaa runtii ku quusatay.
    marka intaa laga soo tago. waxaa marba marka kadambeysa isa soo tareysa in soomaali cudurka qabiilka isaga wada midtahay,kismaayo ilaa saylac. intii ay sidaasi jirtana mid itaal yar iyo mid waxbaan bartaey lihi waxba ka cunayn.waqtigu wuu isbadalay dadka waxbartay ee samaroona waa inaanu ka hadhin. isbadalkaasi hadii kale waa qosol iyo ciil sheekadoodu.
    waar maalinta soomali isku soo wada timaado. ama soomaalilaanta lasheegayo cadaaladi dhexdeeda ka dhalato. ayaynu soo shirtegi inta ka horaysa. aynu dhulkeena iyo dadkeena kala daadsan wax laqabano.oon waxka qabsano.

  11. Horta reerkan qayladii ka dhamaatay cid ka itaal rooni ma jirto, qabiilada somaliland degaana makala itaal roona ee waala kala xamaan urursi batay. Somaliya cadaalad ka dhalataa waxay ka danbaysaa darbi sida Walo sheegay qabiil la yidhaa taariikh waxan ognahay in dayaxa la tagay laakiin lama hayo meel qabiil somaliyeed xal loogu helay umana malaynayo in hada iyo 100 sanee soo socda la saadaalin karo. Waxanse shiki ku jirin in cadaalad laga dhalin karo Somaliland hadii ay dhici waydana dhibteeda la saadaalin karo. Markaa samaroon, isaaq, ciise iyo daarood intii aqli leheey, cadaalad somaliland ka raadsha.

  12. timacade
    horta siyaasada wala waynta ah ee madax wayne laga dhigayo beesha hawiye sida ruuxiga iiraan dabadeed raysal wasaare beesha darood waaba muqadasba maxaa sxb reer somaliland ka galay haday run ka tahay miidnimo may waxay reer waqooyo qoriga ka qaateen ka sii wad wadaan
    tusaale gaaban baan ku siinayaa hadaad la soo boodi doontaa reer waqooyi iygaa ka maqan oo aan ka muuqan dee haday miidnimo ka run tahay qof walba isaga oo halkiisa jooga bay qancin karayeen dawladan yar ee waraaba u taaga ahi DF
    XASAN GURGUURTE wuxu haystay fursad uu dadka iskugu soo dhawayn karo xitaa beeshan daarood u ku qancin karayay oo ah war darood yaa reer waqooyi ah markaa dhulbahante iyo warsangaliba wuu ka dhigi karayay taasi way seegtay waxa jira aqoon yahano badan oo siyaasiyiin ruug cadaa ah oo reer somaliland ah ha ugu horeeyo INA SAMATER taasna wuu ag maray markaa miidnimada aad la cararaysaan maxay ahayd???
    Nin ku yidhi sinnaan mayno
    Adna buri sarrayntiisa
    Sidka waa wadaagtaane
    Ma sagaashan baa tiisu.!!!!!

    baydkan waxa aan ugu tala galay siyaasiyiinta dibad meerka ah sida ……………………
    Qof saluugey maankiisa
    Ama suufay muuqiisa
    Ka sal kacay xaqiiqdiisa
    Qabku saami ladha maaha!!!!!!!!!!

  13. Isaaq shaqo kumalahayn guuldarada samatar yaan cid aan ku luglahayn hawshaasi qoorta loo sudhin.Kooxda la yidhaa DAMJADII ama ( New Blood ) ayaa cirka u dirtya dhamaan ragii tartamaayay oo dhan waxay la yimaadeen ciyaar ku cusub Somalia ilaa maantana way wadaan.Kooxdani waa rag in badan usoo ololaynaayay inay halkan yimaadaan waana koox diimeed la magac baday damjadiid kaliya ragaasi ayaa kow ka ah guuldarada lasoo daristay Axmed Ismail Samatar cid kale shaqo kuma laha ha ahaato Isaaq iyo Hawiye midna ma hor istaagin ninkan reer awdal waa khiyaamo iyo af gambi hoose oo ay sameeyeen kooxdaasi.

    Gadabuursi waxaa u fiican inay kala doortaan sadex arimood oo kali ah.

    1. Inay ku raacaan qalad iyo sax ba si toos ah siyaasada Somaliland.

    2. Inay raacaan siyaasada wadaad diimeeyada Koonfurta Somalia ee la magac baxay Damjadiid.

    3. Iyo Inay gooni isu taagaan mudo 30 sano ah kana madaxbanaanaadaan dhamaan siyaasadaha is kasoo horjeeda ee Somaliland iyo Somaliaba oo ay raacaan maamulka Awdal State si aan u helo midnimo reer awdal.

  14. Sahal Maaha Caashaqu waa seef qarsoonoo seedaha ku goysee Somaliweyneey sidee baan wax yeelaa?

  15. @Galbeedi……Samater dheel buu ciyaaray waana laga badiyey…Isaaq iyo cid kale toona dambi kuma laha…waxana waa siyaasad cid uunbaa badisa, cidina way lose garaysaa, aniga wax turxaan ah oo ay igu reebtayna ma jirto. Aniga waxyaabo fundamental ah ayaa ii muhiin ah sida, inuu Samater opportunity u helay as a citizen of somalia to seek the highest office in the land.

    Suaashaada labaad ee ku saabsan Kuraasta ay darood iyo Hawiye qaybsanayaan, runtii Jawaab uma hayo, cid somali ah oo aan aqaan oo jawaab ka bixin kartaana ma jirto. Waa fashil siyaasadeed oo aan geed loogu soo gaban. Dee anigu mid uunbaad iigu iman, midnimo somaliyeed oo bilaa cadaalad ah marnaba ogolaan maayo…….waayo maaha midnimo ee waa subjugation…..

  16. @ Xariirad…….Gooni isu taagu waxu u baahanyahay inay dadka gooni isu taagayi ay wax wada rumaysanyihiin aan qolo ahayn, ayna leeyihiin, sustainable resources. Dee Jabouti 35 ayey gooni u taagnayd oo ay waliba tageero macaawino oo caalami ah haysatay. Bal u fiirso Jabouti maanta miyaad rabtaa inuu gadabursi Gheto yar oo Awdal State ah noqdo oo uu dhexdiisa dagaal aan dhamaanyn ku jiro, ilayn gadabursiyow socon mayso oo qabiilooyin hoose ayaan kala leenahay sida umadaha kale eh. IOG maanta xoogaa mamaasan ah iyo inta shaxaadkiisa ku nool mooyee, qof kale oo wax ku haystaa ma jiro, waxba ma soo saarto, malnutrition iyo cudur baa dhameeyey dadka. Dee waa taa qolo dawlad noqotay, and it is not something to aspire to.

    Runtii Haddii ay cidi wadan noqonayso, Somaliland meel uga dhawi ma jirto, haddii gadabursi iyo dhulbahante la helo, lakiin dee beesha dhexe ma bislaan, oo model kii IOG ee fail gareeyey ayey daba socdaan……..

  17. timacade
    ma is tidhi xaga saami qaysiga samaroon baa ka yara gaabiyay oo aaminaadii beesha dhexe ku qabtay samaroon baa yaraaday ee beeshu dhinac haday iskugu luga duwato waxan diyaar u ahay in aad i hogaamiso shar iyo khayrba marada yar ee aad hoosta kala soo baxaysana ee xitaa hiildan meeshiiba ka dhigay naga yara joojisaan isaga dhulbahnte waa mid iimaan aan haysan oo gabaxdiisa waa loo tuuriye lkn adiga aan meel kuugu soo hagaago

  18. Galbeedi……Anigu sidaada oo kale waxa aan rumaysanahay gadabursi waxa ka maqan dhinacan somaliland inuu iyaga uun ku maqanyahay, hadday taladeeda la yimaadaana dee ay wax xalismayaan, lakiin inta ay istuska ku jiraan iyaguna wax ma helayaan, somaliland na way la dhaadhacayaan oo aakhiro ayey ku tuurayaan, somaliyana waxba kuma soo kordhinayaan.

    Okay, Suaaasha ka weyn ee meesha taalaa waxa weeyi, dadka reer woqooyiga ah ee aan anigu ka mid ahay badankoodu siyaasada southern somalia waxbay ka yaqaanaan. Qabiilooyinka sida loo kala dego, baahiyahooda siyaasadeed, sooyaalkooda siyaasadeed iyo tabashooyinkooda siyaasadeeba. Waxa soo if Baxaya inay jiraan dad southern somalia degan oo aan really aad u kala aqoon woqooyiga somalia oo ay ka mid yihiin sheikh shariif iyo xasan sheikh iyo qaar kale oo badan. Dawladan Somalia ee uu Xasan Sheikh hogaaminayaa waxay samaysay fal siyaasadeed oo sidii dhulgariirka shifting badan sameeyey. dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee madaweynaha cusub ee somalia seddex group ayuu khatar siyaasadeed galiyey, opportunity siyaasadeedna siiyey. Khater iyo opportunity waxan u idhi waayo waxay ku xidhantahay dhinaca gaarka ah ee qof waliba ka eego siyaasadaa.

    1. Somaliland khatar na way galisay, opportunity aan la qiyaasi karina way siisay

    2. Gadabursi iyo siyaasadiisa khatarna wuu galiyey opportunity aan caadi ahayna wuu siiyey.

    3. Midnimadii Somaliyeed Khatar ayuu galiyey, chance aan badnayn oo opportunity ahna wuu siiyey.

    Waxaas oo isbedel ah ee uu dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee madaxweynahu dhaliyey, ilama ah inuu isaga laftiisu fahansayahay ama uu la socdo.

    Anigu dee obviously stake holder baan ahay oo waxan ahay gadabursi. Markaa anigu dhinacayga dee gadabursi wada tashi aad u culus ayuu ku jiraa. Dee bal reer sheikh Isaaqna waxa ay badada keenaan waa laga war sugi iyagana……

    Isbahaysiga inta badan waxa keena baahiya siyaasadeed oo kulma ama la kulansiiyo…….meeshan waxbaa kulamay, cida si fiican u fahanta kulankaas ayuunbaana siyaasad ahaan guulaysan……

  19. dee sxb kolay isaaq waa mid oo taladu meel bay u taalaa adna soo tasho oo wax labadeenab inoo dan ah ku soo tasho kolay kala tagi maynee sidaa baan qabaa waliba hada waxa muuqda fursad qaali ah oo somalialnd hada sida la rabo u fahanto ugana faa idaysato in wax kastaa isbadalo la arkaa ilaahay ha na garadsiiyee

  20. loooool, dhulbahante waa mid aan iimaan haysay. Galbeedi, dhibtaasi waa mid reer bari wada qabo. Ma is tidhi reer galbeed beerta qota wax ka faxal sani ma jiro. Galbeedi, waxad i xasuusisay oday ina kirix la odhan jiray oo inta nacnac badan soo qaado ciyaalka u daadin jiray Wajaale iyo kalabaydh. Beeshii dexe ma ina kirix bay noqotay oo iyakuunbaa inta kale wax u tuuri kara, inta duxdaleh na la hadha. Inuu intaan ogahay, Samaroon inta ay ka godaa wali wax baa is badali kara ee aan ka dhulsugnay isku maaweeliyaan laakiin maalinta ay dhamaato, waxan hubaa in xaalka somaliland taariikh laga sheekeeyo noqon doono. Dhulbahante iyo Ciise can cry as loud as they want but they can’t shake the boat. Isaaq are the boat and Samaroon are the sail, therefore, one goes bad the other will be useless.

  21. ma runbaa
    walee waa sidaa sheegaty sxb lkn intay goor goor tahay ana ka wada tashano oo noo taliya bilaahi caleek talada galbeed aan ku soo celino

  22. Lama yaabo qof somaliland aan gebi ahaanba aaminsanayn lamana yaabo mid liqsan oo kaas anaaba la mida, waxan la yaabaa mid somaliland quudaraynaya hadana aan mabdiyan aaminsanayn oo ku hadaaqaya jago wasiir iyo wax la mida sida qoraaga maqaalkan oo kale.

    Inta badan dadka samaroon aadbay ula qabsadeen systemka somaliland laakiin inta aan la qabsan midbaan leeyahay taasoo ah ma jirto wax la yidhaa beel dhexe ama isaaq oo qabiil ahaan ku midaysan u xoogsheegashada qabiilda kale ee aan isaaq ahayn taasi waa xaqiiq. shayga keliya ee isaaq mideeyaa waa somaliland laakiin markay xukunka dalka noqoto groupwalba gaarbay isu wataan wax isaaq u qoondaysan ma jiro.

    Ninkii raba inuu samaroon badan ka dhex arko talada dalka uma baahno inuu isaaq cadaalad ka sugo gacmahana hor dhigto sidii qof laajiya all you need is to join the best group for you. Hadii guruubkaagu hadhana ha qawadin waxay guruubka kale kuugu taliyaan ee chancekaaga gaad lana qabso nidaamka no calaacal.

    Ninkii aan somaliland inay gooni isi taagto oo dal madaxbaan noqoto rabin ama aaminsanayn maba aha inuu cadaalada somaliland ka dhexjirta kaba hadlo waayo xitaa hadii cadaalada aduunka ugu fiican jirto maba aamisanaba somaliland ee muxuu magaceeda ugu hadaaqayaa ? Ninkii aan somaliland aamisanayn dagaal unbaa naga dhexeeyee wax qaybsi nagama dhexeeyo ilaa uu nagu soo biiro si kal iyo laaba.

  23. Kuluc, ma been baan isku sheegaynaa waa ku sidee. Siyaasada somaliyeed waxa u xidid iyo xakameba ah waa qabiil markaa isaaq qolo iskuma raac sano aniga waxay ila tahay adoo leh isaaq somali maaha sobob too ah somali iyo qabiil jeclaysi meel baa laga wada sameeyey. Sirta qabiil kastaa waxay ka soo baxdaa xaawalayda suuq joogta ah iyo odayada koofid bacla yaasha ah, waxanan ogsoonahay kuwooda isaaqa ahi in ay kala midaysan yihiin dhigooda somaliyeed, markaa Kulucoow Somaliland iyo isaaq ama farsamo kale ood indhaha nagu qabato la kaalay ama dee sheekada waa halkiiniiye huuhaada naga daa. Somali iyo qabiil waa cudur aan wali inaga bixin isaaq iyo somalilandna waa lamid. Balse waxa jirta in yar oo rabta in mabda a somaliland wajikale oo wadaagaa walaaloo ah loo badalo markaa bal kuwaas ku soo biir. By the way, did iyo read the book i mentioned to yet? Wali waxan kaa sugaa bal in aad iiga soo waranto burco iyo gorayo dhaqashadoodii.

  24. corrections. Did you read the book I mentioned to few weeks ago.

  25. Kuluc

    Somaliland waan ku margaday yaa liqi kara? waa siyaasad bilaa dufan ah oo ay reer Awdal ku noqotay luqmatul xajar iyo laf dhuungashay oo hadeer waad aragtaa reerkan aan ka dhashay ee Gadabuursi aqalka Somaliland dhisatay ee wax lagu qaybsanaayo daaradaan ka fadhinaa oo wali qolka fadhiga kii is yidhaa dhex gal ba labaatan haradaan oo bariga burco ka yimiday iyo reer galbeedka hargeysa ah ayaa xuurto ku buquujin oo qabanayaa oo jeel yar oo makhsin dhexdiisa ah ku xidhaya halkaasna dhaada ka haya oo waad aragtaa raga waxa haysta ninyahow.

    Markaa intaan daarada ka fadhiyi lahaa oon ka afmadhnaan lahaa kheyraadka la qaybsanaayo miyaanay ka haboonayn in aan dhaafo oo aado meesha dhan ee wax lagu qaybinaayo in aan kaaga horeeyo ilaa meesha la idiinka taliyo ee Xamar ah in aan bustaha dhigto miyaanay haboonayn ?

    Ka is leh u ololee Somaliland bari ayuu gadaal ka arkayaa waxuu taageeri jiray oo xamar daba timid kunasii socota markaa nin yahow bal si sidan dhaamnta keena si la idiin aamino waxan aad sheegaysaanee goonu isu taaguna u rumoobo sidani si maaha waa is garab yaac iyo aabahay goblan markaa naga dhaadhici mayso ila aad horta harageedii ku celisaan oo aan si isku mid ah aan u bilowno ruyadan yar ee aad waqtiga nooga disheen.

    Bahasha Harageedii inaga celiya iibsami weydee oo Xamar ina geeya saaxiibayaal aqligii halkaasi ayuu inooga hadhay dhamaanteen oo Axmed Samatar ayaa doon doon ugu jira markuu helayna waa laga dafay isagoo daalana wuu ka firxaday mar labaad masoo noqon karo markaa waxaa loo bahanyahay nin kale oo aqligii ka doona Muqdisho Siilaanyo kaga yimid ilaa aqliga Gdabuursi iyo Isaaqana Xamar lagasoo qaado xal waa habeenkii xalay oo tagay ilaa qiyaamaha waa inoo muusanoow ee nimanyahow aan aqligeenii aan ugasoo qaxnay koonfur aan kasoo qadano markaa aan raadino waxan aad nagu wareeriseen ee Somaliland aad dhahdaan.

  26. anigu maba aamin sani in gdabuursi somaliland wax kaga maqan yihiin saami ah haday kaga maqan yihiin sidaas uma sii buurna waanan sababaynayaa laakin waxaan doonayaa in lay kala saarao habka ay gadabuursi wax ku doonayaan ee waxkaga maqan yihiin.
    ma qabiil ahaan wax ha loo qaybsado ayay leediyhiin
    ma deegaan ahaan wax ha loo qaybsado ayay leeiyhiin iyo sida loo kala degan balaadhan yahay somaliland
    ma dhaqaale ahaan ayaad ku doo daysaan iyo cida somaliland miisaaniyadaeeda soo xaraysa

    weli maan arag qof sababaynaya arimahaas tusaale ahaan hadii aan soo qaado garxajis oo kale lixda gobol ee somaliland ka koobantahay marka laga reebo awdal waxaa uga soo baxa xildhibaano marlamaanka ku jira gadabuursina waxay somaliland ka degan awdal iyo qaybo ka mida hargaysa markaa hadii gadabuursi ku doodo isaq iyo gadabursi ayaynuu simanahay qabiil ahaane garxajis ha la saami noqdo maxamed case oo kale ma sax baa mise khalad doodaas oo aan u arko in ay badanaa tahay ta reerku ku doodo?

  27. Marunbaa hadayba jirto wax habraha isaaq isukeenaa waa uun calankaa somaliland waa marka aynu xaqiiq u hadalno idina dee meel laysma taagee habrahaa mid ama labo gacanta qabsada kkkkkk. waa xaqiiq marka landta xageeda la eego inaanu si isku mida u difaacno oo aanu 99% isku raacsanahay taas laakiin wixii kaloo dhan waxba isuguma kaayo jiraa.

    Bal u fiirsa dhulka nin walba gobolkiisuu degaa meel isaaq kastaa iska degayaa ma jirto, bal u fiirso axsaabta siyaasada habarwalba midbay wadataa miyaad aragteen xisbi la leeyahay isaaqbaa wata ? No way. Isaaq labada habrood ee burco wada degaa isugu dhawoo isku masaajid xitaa kuma wada tukadaan allaylehe 18 maybay isu yimaadaan. Isku xisbiyo ma nihin isku meel waxba kama wada dhisano qolo walba gaarkeeday u xamaalanaysaa lamana kala xuma.

    markaad isaaq ka cabanaysaan anigu waxaan is idhii waar isaaqay sheegayaan waa ayo ? Tolaw ma habarjeclay u jeedaan iyo qoladan kulmiye keentay mise cidkale, adeer meesha isaaq ma jiree marba habartay u shidantahay meeshu waxay idiin garoocdo duuduub ku liqa hadaydaan ku qanacsanayna marka xiligeeda la gaadho ka ciideeya kkkkk. Isaaq waa qaran qabiil 91kiibaanuu ka dalacnay idinkuna habaryoonisbaad leegtihiin hadaydaan kaba yaraynba dee qaabkay wax ku helaan idina yeela cadaalad ilaahaybaa hayee. kuxigeenadan badana walee inaan laydiin deynayn imika daaroodkiibaanu meel u la,anahay oo soo qulqulaya oo u baahan salaqn ay soo fuulaan idinku miyeydaan dallacaynba maxaq urur idiin diiday waaba intaasad dhimanba waydane kkkkk.

    Maanta doorashaa dhacaysa hadaydaan ku qanacsanayn xukuumada siilaanyo iyo cida u shaqaysaba waxaad haysataan chancekii aad ka ciidayn lahaydeen xisbigoodu haduu dhaco mid kama soo noqonayo 3 sano kadib, cadaalada aad rabtaan waataas waxaa laydinsiiyey awood aad ku diidi kartaan cidii aan waxba idiin hayn, hadhaw hadaynu liiska ka aragno kulmiyoo number one borama kusoo baxay dee idinkaa eedale ee kulmiye wax u doonta illeen isaaq wada kulmiye maaha oo qaarbaa yaba ku waxwaayey afkoodana haystee.

    Buugan aad sheegayso garan maayee magaciisa soo sheeg. Noolo kulantee

  28. Kuluc, wakhti badan oon kuugu jawaabo ma hayo,waxadse taabatay meelo badan oo runi ka buuxdo, Habro odhan maayee hablaha aad soo hadal qaadayna, dee gacan la qabsadaad sheegaysaaye geel iyo gasiin baan ka bixin doonaa. kkkkkkkkkk Darbi baan soo horaysiinaynaaye, ninkaa yarad badan ka xayuubi, waaba hadii dib loo arkee.

  29. Kulucaw tirada habaryonis ha so boodsine ka so bilaw habarta u agdagan e h.jeclo midkee badan su,aasha 2 habaryonis iyo h.jeclo oo la isku daray iyo dhulbahante midkee badan markaad ka reebto faanka iyo cidi ku dagaalanka ka so jawab dabadeed waan si wadaynaa qiyaasta tirada

  30. waxan qabaa in aan hormood u noqono sidii caadada inoo ahayd reer awdal oon madal wada tashi dib loo yagleelo oo si cad loo wada hadlo hadii sami qaybsi iyo khayraadka wadanka maxaa yeelay nin iyo naag is fahmiwaayey baa ku kala taga heshiis furiinnimo markaa war cad hala isku ogaado sheekaduna waa laba miduun kala tagnaye sheegsheegeen hadhan ama shifo iyo wada shaqyn markaa waxanleehay fiq mar ah ayaa inoo laaban

  31. loool, Madhabaa another way of saying marunbaa.
    Fiq aan gacan ka hadal ka soo horayn baa inoo hadhay. That was my first from day one. Dhibta somaliland Kulmiye la soo gashay ayaa ah xaaraan ku dhaqan xalaal loo eekaysiiyey. Bal u fiirso, xitaa way ka yartahay 1% gaadhida mucaawanooyinka waxii kalabaydh galbeed ka xiga dalka. Anigu marlay kursi ma aamin sani in uu reer tamar iyo tayo u yeelo, waxanan ku doodaaba dhamaan wada qaado kuraashda wadanka balse wixii kale ee dhaqaale iyo shaqaalaha ka mida, hadaad cidi i dheeraato, waxba iskuguma keen jiraan. Kuma xadee hay xadin, kuma dhecee hay dhicin, kuma xamameeyee hay xakamayn, hadaad xishoon waydana kala xishoon mayno.

  32. Adeeer waxba kuuma diidaniye xoolaha oo dhan intaan meel iskugu keenay badh kuugu dhufane bal horta somaliland way weyntahee bileydhkii aan wax kuugu ridi lahaa soo qaado
    maxaad rabtaa in aan wax inoogu qaybiyo ma deegaan mise dad… dad horta waatii dawladii riyaale markii tirakoobla la sameeyey salaadiinta samaroon waxa laga hayey anaga dadkayagu ma madhalaysbaa sababma ay gabilay borama dadkii daganaa ugu soo laban laabantay oo reer gabilay baa borama dadkii daganaa laba jeer ku soo laban laabmay
    deegaana
    gobolka awdal wuxuu ka kooban yahay 4dagmo
    1 lughaya shaqa kuma lihid (wa markan lughaya adiga kuu raaco awdal sidaad ku doodaysid)
    2 Dila. 80 anigaa dagan
    3.saylac shaqa kuma lihid
    waa magaaladayar ee xuduudka ku taala ee borama
    markaa maxaad doonaysaa in aad igula shuraakawdo
    oo aynu si siman wax ugu qaybsano caqligeed ku keentay
    mise waan kaa doqon sanahay camiii nimaad ciiiiiiiiiiiiic wax kaga qaadayso ma ihi hadii aad somaliya wax ku darsanaysid
    carar yaan gaadhigu kaa buuxsanine mushaharka aan siiyo
    afartan oday oo caluul xumadu dishay ee intaa cabanayaan ka raysanayaa camii ma is waydiisay somaliland waxaad ku soo kordhiseen ama contribution nothing ceeb iyo fadeexad i
    markaa camii waxa la yidhi aabaha iyo nimaan ku aqoonba waa loo sheekheeyaa isaaqaa bari iyo somalidaa kale iska dhaadhici oo xiiji laakiin anigu waan ku garanayaa

  33. Abucubayda harta isyar daji balaayo ma jirtee sibay cuqdad iyo cabsi kuu haysaaye takale tirakoobka reer reerkale tirakoobay wixi ka so bixilahaa uunbaa ka so baxay inuu isna isbadiyo qolada kalana yareeyo taasi waa taa een gabilayda aad sheegayso harta yaa dagan 100%50 ama 40% waa gadabuuri miyi iyo magaalaba ee sxb bal dib iskugu noqo

  34. hadaad gabiley dagan tahay maxaad iskaga soo sharixi weyday mise sheekhadaadu waa dabagaale abeeso korkuu ka qabaa adeer faanka macnadaradaa meesha kala taga wax xaqiiqaa la kaalay hadii kale wakhtiga hayska lumin gabiley ma daganid iyo deegaanka gabiley toona xataa xoolahaagu ma daaqaan

  35. Tirakoobkana waxa la sameeyey intuu adeerkaa rayaale talada hayey

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: