Faallo: Nidaamyada Siyaasadeed Ee Gadabuursi Ku Fashilmay Iyo Kuwa Aan Wali La Tijaabin

By Yaasiin Geelle

Sida qaalibka nidaamyada siyaasadeed ee qunyar socodka ee ay ilaa hada tijaabiyeen  qoomiyada Gadabuursi ayaa ah kuwo faashila ama guuldaro ka muuqato sida _taageeradii taliskii Maxamed Siyaad oo aan hiil iyo hooba u huray sanadihii 80 aadkii iyo 90 kii ee qabaailada gobolada waqooyi ku kaceen ayaa iyaduna bedelkooda  inaga iibin jirtey hubka markay timaado difaaca dalka iyo dadkaba dagaalkii Alaxsaab (snm, ciise , itoobiya iyo jabuuti) ee la isku soo baahaystay Gadabuursi .

Mida labaad baabuurta tecknikada ahna inaga kireyn jirtey marka cadow dhexda u galo baabuurta hunguriga  u wada gobolkan  cuno qabataynta ay saareen  dalalka Djibuuti, Ethiopia iyo jabhadii SNM oo Caabuda u Fadhiisatay. waxakale oo xasuusteeda leh ,Mashaariic horumarineed oo ay ka fulisayna gobolka iyo darajooyin ay dadka dheeraayeena oo la siiyay  ma jirin  inta la xasuusto.

Nidaamkan Awdalstate ayaa isna fashil ku dhow ama la odhan karaa wuu khaatumaystay  sobob  isqabqabsi siyaasiyiin layli ah  oo beeshu kala weyn tahay magaca uu sito iyo  iskooxaysi  maldahan oo ka dhex dilaacay nidaamka gudihiisa  ,   jaah wareer siyaasadeed oo ay ku rideen dadka ay magacooda xambaarsanaayeen markii la arkay in darajadan madaxnimo  kaliya lagu raadsanayo mansab siyaasadeed oo lagaga qayb galo kolba dawladii Muqdisho laga dhiso sida aan ku aragnay gogaamiyayaashii kala dambeeyay ee Maasheeye , Rashiid   iyo  tixgalin la’aan  beelaha kale ee gobolka dega  ayaa  iyadu qayb ka burburka Awdalstate oo aan laga qayb ama saami laga siin waayay dhismihii dawladeed ee awdalstate ama ku dhawaaqideediiba.

Somaliland oo aan ahayn qabiilkii ugu horeeyey ee si buuxda uga qayb gala dhismaheeda , wakhti badan iyo feker badani ka galo  ayaa ilaa hada aan laga hayn wax mar uun lagu qanco ama u cuntama dadka wehelka ka dhigta  fikirka Somalilandnimada. Maxaweyne ku xigeenkii igu horeeyey ayaa ahaa Cabdiraxmaan Awcali oo darajadaas ku helay isaga oo ahaa sarkaal ka tirsanaa jabhadii qabsatay gobolada waqooyi kadib,  burbur iyo xasuuq ka dhacay magaalooyinka Hargeysa iyo Burco ayaa keenay wada shaqayn laaan ka dhex dhalatay nidaamkii dawliga ahaa ee lagu soo dhisay Boorama ee ay hogaaminayeen jabhada SNM iyo madaxweynihii markaas ee Cigaal.

Daahir Rayaale oo wakhtigu keenay ayaa noqday madaxweynekuxigeen iyo madaxweynaha Somaliland muddo ku dhow 10sano aakhirkiina  xafiiska ka baxay isaga oo ilaa maanta ka jawaabi kari la’ ama u soo bandhigi kari la’ wixii hortaagnaa ee uu wax uga qaban waayay tabashada gobolada awdal ama qoomiyada ku abtirsata labadaba,.

ntaas kadib, nidaamyo asxaab siyaasiya oo  soomaaliland  ka jiray oo ay dabada ka riixayaan bulsho isbadal doona wixii doonaa ha ukala  qarsoonaadeene  laakiin ka midaysnaa   saluuga nooca hogaamineed ee Daahir Rayaale ayaa madaxweyne-ku xigeen ku soo baxay Cabdiraxmaan Saylici iyada oo ilaa hada tabashadii taagan tahay oo aanay waxba iska badalin  saluugii ka dhashay  saami  qaybsiga beelaha wada dega Somaliland oo aan lataaban wali ..

Soomaaliweyn oo aynu u direy macalinka macalimiinta soomaaliyeed Axmed Ismaaciil oo hoos iyo guudba ugu sheegay inuu mushahar la’aan ugu shaqayn doono dalka iyo dadka  soomaaliyeed si ay uga baxaan silica siyaasadeed ee haysta ayaa jawaabta uu helay noqotay  noqotay 8 cod oo ay siiyeen intii la diirka ahayd. Mid xasuus mudan , dawlad kasta oo laga soo dhiso muqdishana waynu ognahay saamiga ay siiyaan gobolka Awdal.

Intaas oo nidaam siyaasadeed ah oo aanay bulshadaydu haakah ku odhan  waxaan u malaynayaa inaan aniga iyo akhristayaashayadu isku raacsanay in aan tijaabinay natiijadeediina hayno badankood inkasta oo wali dadka qaar ku adkaysanayaan in Saylici  iyo Awdalstate wakhti u hadhsan yahay ama la siiyo.

Waxaakale oo dhalinyaro reer  awdal ah ka maqlaa  magacyo  ay kamid yihiin boqortooyadii Adel dib loo soo celiyo, Awdallland , djib-awdal , ethio-awdal iyo kuwo kale oo dhamaantoodba u muuqda nidaamyo qunyar socod ah…

Waxaan maqaalka ku soo ururinayaa  nidaamka kaliya ee ilaa hada aan la tijaabin waxaan isleeyahay waa mid Jibhadeed oo u baahan fikir dheer , saaxiibo dalalka jaarka iyo adkaysiga xanuun badan oo lala kulmi doono.

About these ads

Categories: Faalada Warka (News Analysis)

16 replies »

  1. Cantarbaqash: Waligey maqaal kani ka liita ma aan arag Qadiyada Awdal State waa ka weyn tahay Wax Mansab lagu raadsado, Maamulka Awdal State Waxa Abuuray dad reer Awdal ah Sobabta loo Abuurayna waxay ahayd sidii Loo heli Lahaa Dowlad Gadabuursi marka Halganku waa bilaabmee dhankaga kagal Doc faruur looma baahna

    Guushu waa dhawdahay

  2. maqaalkan ma akhriyin mana rabo inaan wakhti ku lumiyo, kaliya waxan eegay bilawga hadaba hadaan qoraha jawaab yaroo kooban siiyo
    waxana qoraalkaagan looba akhriyi karayn waxaad ku bilowday oo ah inuu gadabuursi ku fashilmay taageero ay taageerayeen Siyaadbare hadaba labo mid baad tahay in ay propaganda dii isaaqu fidinayeeni ka dhaadhacday ama inaanad samaroonba ahayn waayo qof kasta oo samaroonihi wuu ogyahay in gadabuursi naftiisa difaacaayey sabobtoo ah snm markay baxayeen samaroon lama tashan waxayna isu dayayeen inay maamulk haysta woqooyiga ka ridaan si ay iyaku u maamulaan sida imikaba ay u maamulaan waanan ka diidnay maadaama ayna marka horeba nagu tashan waanan iska difaacnay laakiin waxay ka faa iidaysteen burburkii soomaaliya oo dhan ku dhacay iyo cararkii madaxwaynaha

  3. kkkkkkkkkkkkkkkkkk subxanallah

  4. Tuug la qabtay talo ma leh ayay tidhaa Somalidu

    Taasi waxaan uga jeedaa dadka qaarkii ayaa Gadabuursi u haysta inay yihiin dad ka liita bal u fiirso ninkan qoray this article in kasta oo la iiga horeeyay aniga oo akhyaartu indhaha kalasoo baxday ana aan ugu daro wax yaroo u caqli celiya.

    Yaasiin Awdal State ka weyn waxa aad ku sheegtay ee leedahay in ay jirto faashil lasoo gudboonaaday sababo is qabqabsi kaga timid siyaasiyiin layli ah oo ay beeshoodu kala weyntahay danta guud iyo beelaha darifyada oo aan laga qaybgalin baa sabab u ah inay fashilanto markaad ledahay bal aan halkaa dul joogsano siiba qodobka aad tidhi

    ( Tixgalin la’aan beelaha kale ee gobolka dega ayaa iyadu qayb ka ah burburka Awdalstate oo aan laga qayb galin ama saami laga siin waayay dhismihii dawladeed ee awdalstate ama ku dhawaaqideediiba ayaa u sababay burburka Awdal State. )

    Waar Cid is haystaa ma jirto kaliya waxaa loo taag la’yahay dhalinta Gadabuursi ee ah Extremism oo doonaaya xasuuq inay keenaan ayay siyaasiyiinta ruug cadaaga ah ee Awdal State garbaduub u hayaan si aanay u gaysan gabood fal dagaal taasi ayaad u turjumatay in ay jirto is qab qabsi hoose iyo jufooyin isku haysta maamulka.Mida kale ee aad leedahay maa laga qayb galiyo reeraha la dagan oo keenay tixgalin la’aan ay tixgalin waayeen markii laga qaybgalin waayay saamiqaybsiga taasina waxaan ku leehay cid nala dagaataaba ma jirto oo aan ahayn Gadabuursi anuu ma ogi dhamaan reer awdalna way ku jiraan maamulka markaa anuu waxaan ku leehay ha noqonin libaaxii wax doontay ee wax lagu sameeyay.

  5. Xariirad, Magaalocad, iyo Aisha, xaqirka aad kula boodaysaan iska dhaafa ninka meesha wax ku soo qoray wuxuna run ka sheegay xaalado jira marka laga reebo Siyaad bare xasuuqiisiibuu Samaroon taageeray. Burburka reerka samaroon helay ee ka cawaaqib xun dagaalkii sokeeye waa midka masgax yarida, aqli xumada iyo nacas nimada ku salaysan eed ugu yeedhaan Riyo State. Waxa waliba ka sii xun idinka oo la soo indho taagan fikir maan gaab nimo ku salaysay. Ka dhiibta fikirkiina laa kiin xaqiraada meel la fadhiista. Geele, qoraalkaaga wax badan kuguma raac sani laakiin waxan ku leeyahay hanbalyo igaar keey, Hani inay iqabsataan kabaqaaba markaan luuqadii walawaynta istic maalay.

  6. war runtu qaraaraa dadkan meesha wax ku soo qora musal salka ayay jecel yihiin wixii dhabtiina filim khaakh ayuu ku noqonayaa.

  7. Joogiwaa

    Kurwaayeel waa wada indho Ninkii nin wuu garan doqona loo sheegimaayo.

  8. Ciid Mubaarak from Timacade iyo Hannimuufo.

    wa kulu caam wa antum bi khayr.

  9. ciid wanaagsan dhamaantiin ,
    Ninka faalada soo qoray waxa uu ka hadlay arimo dhawr ah oo muhiim ah, waxyaalo farabadan waan ku raacsanahay qasabna maaha in fikirka qofka iyo waxa uu aaminsan yahay lagu wada raaco gabigiis, haddii uu qofku fikir ahaan kaa duwan yahayna waxaa xaaraan ah in la dhaleeceeyo ama la xajiimeeyo, qoruhu waxa uu diirada saaray qayb ka mid ah dhacdooyin hore iyo kuwan imika . aad ayuu u mahadsan yahay . mr. Geele

  10. Nice song…Samaroon ka toos…

  11. tani bay heestu dhntahay…

    • dhamaantiin ciid wanaagsan
      samirka iyo dulqaadku waa astaamaha. waayeelnimada iyo xlkasnimada muuja.
      waana lagu ducaystaan, allaw labadaba noo siyaadi dhamaanteenba
      ciida ciideedana caafimaad iyo barwaaqo nagu gaadhsii
      colaada waa laga ducaystaaye, bogeena burcad isku mari
      aaaaaaaaaaamiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiin

      ciid wanaagsan mar kale
      joogiwaa

  12. Waa yar yarkii fadhi baradkii ee shalay soo baxii horaa loo yidhi nimaan talin jirin haduu taliyo nimaan tagi jirin ayaa taga isbadalaase soo socda nin diidiyo nin doonaba dhawaan.

  13. waligay maan arkin nin samaroon ah oo naftiisa runta u sheegaya ama dadkiisa runta u sheegaya ninkan ka hor
    sxb waxaad ka dhawaajisay arimo xaqiiqdu ku jirto oo aan u baahneyn sharaxaad badan qof waloo maskax furan uu fahmi karo…samaroon kamuu faa idin taageeradii uu siiyey dawladii siyaad barre ee uu naf iyo maalba u huray oo ugu balan qaaday in dadka dhulkan dagan inta la laayo min abaarso ilaa wajaale iyo ilaa bulaxaar in ay mulkiyadeeda ku wareejin doonto ilaahayna waatuu lahaa inal arda lilaahi yuurisuha man yashaa dhulka ilaahaybaa leh isagaa cida uu doono dhaxalsiiyaa waxaan xasuustaa markii siyaasadu xumaatay ee dawladii meesha ka baxday ee isaaq iyo daarood loo kala baxay baa lagu yidhi waar samaroonow abtiyaal rag baanu is haynaaye xabadiina doqoniimadaa naga daaya waxay ku jawaabeen isaaqaw dawladii way idin nacday anana waanu idin nacnay ilaahayna wuu idin nacay sidaasaa lagu kala kacay waana kulan kii igu dambeeyey ee dhexmara isaaq iyo samaroon,
    hadaba maalintaas waxaa la gudbooneyd samaroon in uu is daba qabto laakiin nin damac hayo oo wax loo balan qaaday buu ahaayoo nabadii uu diiday tignikadii afweyne in cidi jabin karto mabuu aamin saneyn in isaaqu yahay labka soomaali xataa xabashidaa kuu sheegaysa dagalkii 77 ragii jabay cida ay ahaayeen.. calaa kuli xaal maalintaa siyaasad xumo ayaa idin qaaday.. idinka oo galay khalad aan cafis laheyn waajibkiinuna ahaa in aan qof la idinka bixin hadana gobaanu noqonoo maalinkaanu wadankii qabsaney waanu iska kaa daynay anagoo ku dil ikarna

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: