Djibouti Opposition Party Press Release: Communique De Presse


About these ads

Categories: Warka (News)

6 replies »

  1. Djiboti waa dawlad dhan oo kaamil ah xitaa markii opposition hagaasan la waayey, IOG, ayaa si geesinimo iyo wadaninimo ku jirto u abaabulay mucaarid magacyo badan loo gu yeedho sida DAF, IGH, NJM, IWM, si addunka u u tuso inay Djibouti ” etate” tahay. Isagoo arrintaa ka hadlaya IOG waxuu yidhi:

    “Wadankan yari cadaw badan ayuu leeyahay oo ay ka mid yihiin, reer Hargeisa oo ina yidhaa ” population ka laba xafadood oo hargeisa ah ayaa ka badan reer Jabouti oo dhan” ma taas ayaan aqbali karnaa, jawaabtu waa maya. Mise waxan aqbalaynaa Gadabursiga dhulka inala sheegaynaya oo inkasta oo aan shaqooyinkii ka wada erinay, dhaqaalihii ka xidh xidhnay hadana soo taagan uun ee meeshan baase ee aan maamsan ba ku filayn quudaya uun. Reer jaboutiyow arrintu way qadhaadhahay waxana loo dan leeyahay in qaranimadeena wax la yeelo. Anigu haddii laga marasan waayo wax kasta oo danta wadanku ku jirta diyaar baan u ahay, xitaa haday noqoto inaan mucaarad cusub oo ay Nimco Jamac hogaamiso aan sameeyo”.

  2. Timacade

    Ciid wanaagsan horta adiga iyo asxaabta kaleba. Intaa kadib waxan kaa codsan lahaa in aad noo soo galiso haddalka IOG uu sidaas ku yidhi aan kula maqalee kkkkkkkkkkkkkkkkk

  3. Ismacil Omar Geele waxa uu dhashay magaalada Dir dhaba – Somali galbeed- Ethiopia 1947dii.Gafane Ismacil O. Geeleh waxa uu ka soo jeeda qabiilka ciisaha. Gafane Ismacil waxaa si aan xalaal ahayn xukunka wadanka Jabuuti ugu wareejiyey adeerkiis sannadkii 1999kii, xiligaas oo adeerkii Hassen Guuled Abtidoon ahaa madaxwanihii wadanka Djabouti. Hassen Guuled abtidoon waxa uu ahaa madaxwanhii wadanka Djabouti 1977-1999kii. Gafane Ismaciil Omar waa kaligii taliyaha kaliya ee wadamada geeska afrika hada wali xukunka wadankiisa haya, xukunka wadankana kuma joogo rabiyaanka shacabka jabuuti ee waxaa ku haya dawlada France.
    Mr. Gafane Ismacil Omar yaraantiisii waxa uu ahaa saaqid aan waxbarasha jeclayn, waxa uuna waxbarashada uga tagay dugsigii dhexe maagalada dir-dhaba.Mr.Gafane Ismacil Omar waxa uu sannadkii 1960kii ka tagey Dir dhaba, waxa uuna u guuray magaalada Djabouti oo xiligaas, gumasigii Farance Gacanta ku hayey. Ismacil Omar Geeleh markii uu djabouti yimid waxa uu mudadii hore ahaa nin dumarka jirkooda iibiya. Mr. Gafane Ismaciil Omar mudaddii uu dumarka jirkooda iibiya u shaqayn jiray waxay is barteen sarkiishii ciidanka gumasiga France oo markaas wadanka gumaysanyey. Mr. Gafane waxaa uu saraakiishaas gumaysiga france u ahaa mid ay u dirsadaan dumarka iyo in uu xog uga keeno kacdoonka shacabka reer jabuuti oo xiligaas xoriyadooda u dagaalamayey. Mr. Gafane Ismaciil Omar shaqadaas si wanaagsan ayuu gumaysiga uga caawiyey, kadib markii ay dad badan xirxireen, qaar kalena wadanka ka masaafuriyeen. Mr.Gafane Ismacil waxaa gumaysiga france abaal marin uga dhigeen in uu kamid noqdo ciidanka boliska djabouti.Mudo yar kadib waxaa gumaysigii france u dalacsiiyeen darajada sarkaal ka tirsan qaybta boliska ee xasuuqda dadka reer djabouti, waxa uuna noday taliye ku xigeenka saldhig bolis France (djabouti). Sida taariikhda lagu hayo boqolaal dhalin yaro ah oo reer jabuuti ah ayaa saldhigyada boliska France ee djabouti xiliyadaas lagu laayey ama lagu jir dilay, kuwaasii oo ahaa dhalinyadii dadkooda iyo dalkooda xoriyada u doonayey.

    19977kii markii Jabuuti xoriyada ka qaadatay wadanka France, waxa kaligii taliye Mr. Gafane Ismacil Omar geele loo magacaabay taliyaha sirdoonka boliska Djabouti iyo madaxa golaha wasiirada dawladii uu adeerkiis Mr.Hassen guuled Abtidoon madaxwaynaha ka ahaa. Ismaciil Omar Geele mudo kadib waxaa deeq waxbarasho oo dhanka sirdoonka siiyey dawladii Soomaaliya (Somali National Security Service), kadibna waxa uu waxbarsho dhanka sirdoonka aqoon kororsi ka soo qaatay wadanka France (French Secret Service). Gafanaha djabouti Ismacil Omar geele xiligii uu wadanka France joogay, waxaa dawlada France kula talisay in uu xukunka wadanka adeerkiis kala wareega, marka uu geeriyoodo kadib sidaasna uu u xajiyo danta wadanka France ka leeyahay Jamhuuriyada Djabouti. Midaas badalkeeda waxaa Mr. Gafane Ismacil Omar geele dawlada France u balan qaaday in ay marka uu xukunka qabto ay ku ilaalin donaan.
    Soomaalidu waxa ku maahmaahda:- Ama buur ahow ama buur ku tiirsanow- Gafane Ismaciil Omar Geele maahayn nin aqoon leh ama karti badan leh, mana ahyn wadani dadkiisa iyo dalkiisa u soo halgamay, hase yeeshee waxaa uu ahaa markiisii horeba nin shacabka reer jabuuti xaniinyaha u hayey gumasigii Farance. Kadibna waxaa gacanta ku hayey oo Card siyaasada soo ciyaarsiyey adeerkii oo madaxwane ahaa oo aan caruur dhalin asagu. Gafane Ismaciil Omar geele aqoonta kaliya ee uu leeyahay waa sida xoog iyo siyaasada qaybi oo xukun ah wax loogu maamulo, waana qaabkaas waxa uu xukunka wadanka djabouti ku hayo. Gafanaha Jabuuti maaha nin xukunka wadankiisa ku fadhiya rabitaanka shacabka reer jabuuti ee waa kaligii taliye ay xukunka ku ilaaliyaan dawlada france.
    Shaqsiyada Gafane Ismacil Omar geele, waa mida siisay in waxbarashada ka saaqido, waa mida u dumarka jirkooda ka ganacsada ugu shaqayn jiray, waa mida shacabka reer djabouti oo gumaysi la dagaalamaysa siisay in uu dadkiisa gumaysiga u basaaso, waa mida shaqsiyadiisu siisay in uu xukunka wadanka ku fadhiyo rabitaan laáanta shacabka reer jabuuti iyo cududa gumaysigii uu awalba basaaska u ahaan jiray ee France.
    Mr. Gafane Ismaciil Omar Geele waxaa qaarada afrika looga yaqaana dulaalka hubka, waxa uuna ka shaqaystaa shirkada hubka iibiya iyo wadamada cuna qabataynta hubku saaran tahay. Gafane Ismacil waxaa uu ruqsada caalamiga ee hub iibsiga wadankiisa u isticmaala si qaldan, waxa uuna magaca wadankiisa lacag uga qaata shirkadaha hubka iyo maffiyada hubka iibiya, si ay hub u geeyan wadan cunaqabatayn hub saaran tahay ama jabhad wadan la dagaalmaysa ama wadan dawladii dhexe meesha ka baxday oo dagaal sokeeye ka socdo. Shirkadahaas hubka iibiya waxay hubka ku sheegan in wadanka djabouti ka dalbaday, waxayna sii mariyaan wadanka djabouti ama toos ayey ugu geeyaan cidii hubka loogu tala galay.
    Mr. Gafane Ismacil Omar burburkii dawladii dhexe ee Soomaaliya waxay u ahayd fursad qaali ah, waxa uuna soomaaliya soo galiyey hub fara badan oo sharci daro ah, hubkaas waxa uu badankiisa ka iibiyey qab qablayaashii dagaalka ee magaalada mugadisho, waxaa la ogyahay hubkaas oo suuqa cirtooge ee magaalada mugadisho lagu iibin jiray in uu badankiisa keenay Gafane Ismaciil omar Geele.Boqolaal kun oo soomaali ah ayaa hubkaas lagu xasuuqay, waxaa kaloo lagu barakiciyey boqolaal kun ama malaayiin soomaali ah. Mr. Gafane Imacil Omar waxa uu mar walba u arkaa nabada soomaaliya ka dhalata mid aan dani ugu jirin asaga. Mr. Gafane Ismacil waxaa xiligii dagaalka sokeeye soomaalidu ku sii jeeday noqday nin billions of dollar ka helay burburka dawladii dhexe ee soomaaliya. Tusaale hadaan ka timaano halka dhaqaalaha ka soo galay, waxaa la ogyahay oo beesha caalamku cadaysay sidaan:- UNka, shirkadaha hubka, Xawaaladaha, Diyaaradah, Ganacsiga cadiga, telcom company iyo ganacsiga hubka suuqa cir toogte.
    Dhawaan waxaa soo ifbaxay in wasiirka diinta iyo awqaafda djabouti ka hadlay arimaha soomaaliya, gaar ahaan gobolada jubooyinka iyo gedo. Wasiirka arimaha diinta ee jabuuti waa nin qaraabo hoose la ah Mr. Gafane Ismaciil Omar geele, waxaana lagu tilmaama in uu yahay Madaxwanaha mustaqbalka Djabouti, waxaana la filayaa in Mr. Gafane haddii tii alle u timaado in uu booska hadda Gafane u joogo wadanka France uu asagu badali doono. Wasiirka iyo Gafane hadday damiir leeyihiin magaalada djabouti ma noqteen (Sex club) ay ciiddamadda shisheeye ee wadankiisa jooga ka helaan dumar da’yar ah oo reer jabouti iyo Ethiopia u dhashay. Caasimada djabouti waa magaalada laga heli karaayo habeenkii suuqa dhexdiisa kumanaan hablo da yara oo jirkooda iibinaya, nolol darida hasata awgeed.
    Laanta caafimaadka aduunka WHO waxay marar badan ka qortay djabouti warbixino la xariira dumarka jirkooda iibiya iyo faafinta cudurka Aidska ee djabouti ay ku leedahay geeska afrika. Warbixintaas oo lagu sheegay in xukuumada wadankaasi in ay qayb ka tahay in haweenku jirkooda iibiyaan iyo dhibaatada nolol xumadaa ee dumarkaas ku kalifaysa in ay jirkooda qiimo jaban uga iibiyaan ciidanka France iyo ciidamada shisheeye ee mararka qaarkood si ku meel gaarka saldhigyada uga samaysta wadanka djabouti. Ciidamadaasi shisheeye waa kuwa dhaqaalaha ugu badan ay ka helaan dumarka jirkooda iibiya iyo xukuumada djabouti sida warbixintaas lagu cadeyey.Nasiib daro shacabka reer djabouti waxaa la oran karaa gumasigii france waxaa u badalay gumasi kale ama waxaa la oran karayaa waxaa isbadalay oo kaliya midabka gumaysiga. Mr, Gafane dadka reer djabouti waxay ku xantaan in asalkiisu yahay Amhara oo uusan ahayba soomaali,

  4. sahal
    horta ma reer mudug baad tahay sxb kuwaa baa lagu yaraa xantaa way heli og yihiin hadalka ama halkuu u dhintay uun bay ku dhuftaane

  5. Galbeedi

    Ciid wanaagsan kkkkkkkkkkkk maya reer Mudug ma ahi oo cid iga reeer galbeedsan adiga uunbaa jira meesha(waa markaan tuuladsaan ku dhashay iyo gabiiley la, is barbar dhigo) lkn waxaa run ahaantii haboon in qofku markuu war iyo eedaymo culus oo noocan oo kale ah uu cadeyn daba dhigo haddii kale warkiisu wuxuu u ekaanyaa “sheeko mirqaankii caadiga ahaa”. Dr. Timacadana waa nin culus oo aan u qalbin in uu malo awaal iyo huuhaa ah dadka la horyimaado ee waxan sugaynaa faahfaahinta iyo cadeymaha uu warkan inaga siiyo.

  6. Sahal iyo Galbeedi……..Ciid wanaagsan labadiinaba…….. dee hadalka aan qoray waa nooc kamid ah noocyada wax loo qoro ee malaha marka afsomali lagu hadlayo inaanu macno samyn baa laga yaabaa. Bal dadka kale ee inagula jira goobta an weydiino siday u fahmeen qoraalkaas.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: