Laascaanood (RBC Radio) Allaha u naxariistee, waxa maanta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool lagu aasay wariye Axmed Faarax Ilyaas oo ku magacdheeraa (Axmed Saakin) oo ay xalay kooxo hubeysan ku toogteen halkaas.
Aaska wariyaha oo ka dhacay qabuuraha Xargaga ee waqooyiga Laascaanood, waxana ka qaybgalay dadka ku dhaqan magaalada iyo wariyaal ayaa waxauu ka dhacay waqooyiga magaalada Laascaanood.
Wariyaha la dilay ayaa waxa uu uga soo warami jiray Talafishanka af-Soomaaliga ku hadla ee UNIVERSAL magaalada Laascaanood.
Ilaa hadda ma jiro wax maamulka magaalada Laascaanood ah oo ka hadlay dilka xaley loogu geestay magaaladaas.
Dilka wariyaha ayaa yimid iyadoo magaalada Laascaanood ee gobalka Sool ay ka dhaceen qaraxyo illaa labo ah oo geestay khasaaro dhaawac ah ilaa afar qof.
Waa wariyihii 16-aad ee sannadkan lagu dilo Soomaaliya, waana tiradii ugu badneed ee la dilo wariyaasha ka howlgala Soomaaliya.
Dhinaca kale, wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa si kulan u cambaareeyey dilkii xalay magaalada Laascaanood loogu gaystay wariye Axmed Faarax Ilyaas (Saakin) oo ka tirsanaa TV-ga UNIVERSAL .
Mahiga ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ugu baaqay maamulka ka jiray magaalada Laascaanood inay baaritaan ku sameeyaan dilkii xaley ka dhacay magaaladaas.
Waxa kaloo danjire Mahiga maamulada iyo dowladda Soomaaliya ka codsaday in ay baaraan sababaha ka damebeya in la dilo suxufiyiinta.
Soomaaliya waxay ka mid tahay waddamada ugu horreya ee dunidda isla markaana lagu dilo wariyaasha.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Laascaanood
Categories: Tacsi(Condolences), Warka (News)
Nuxurka Kulankii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Iyo Xubno ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska
Khudbaddii Taariikhiga Ahayd ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane C/Raxmaan Saylici Ka Jeediyay Fagaaraha 18-ka May ee London
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Haddii an nahay bahda saxaafadda Awdal, waxan tacsi tiiraanyo badan gaadhsiinaynaa ehelkii iyo qooyskii iyo qaraabadii iyo asxaabtii uu ka tegay wariye Axmad. Aad baan uga xunnahay dilka loo geystay wariyaha, Ilaahayna waxan uga baryaynaa inuu ka waraabiyo naxariistii janno, dhammaanteena inaga siiyo Samir iyo iimaan.
Inaa Lilaahi Wa Inaa Ileyhi Raajicuun
Eebehey ha u naxariisto wiilkan da’da yar ee la ga xayuubsaday noloshiisi iyo jiritankiisi. Dad ayaa jira u kiraysan kooxo doonayo in aay Somalia weligeedba waxba noqon. Mahigana wixi madaxda Somaliyeed in aay dhahan ahayd buu u yiri!. Marka waxan leeyahay mahadsanid Madaxwayne Mahiiga.
Waa ayaan daro ku habsatay in isha laga tuuro kolba xaqiiqda daaha ka roga waan ka xumahay eebahay ha u naxariisto kii dilayna meel u taala aakhiro wanaag ma jiro allaha u naxariisto janadii allaha geeyo.
ILAAHAY ha u naxariisto isaga iyo intii islaam ah ee dhimatay…ehelkiisiina samir iyo imaan ha ka siiyo…amiiin
“Que Justice soit faite pour l’Amour de Dieu”
Alle ha u naxariisto marxuumka, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir Eebe ha ka siiyo. AAMIIN.
Wariyayaashu waxay qayb muhiim ah ka yihiin halaagga soomaaliyaa ka socta,qaar baa u sacaba tuma xoogaga shisheeyee ee ku sugan dalka, qaar baa si toos ah ula saftay qabyaalad cad,qaarbaa al shaabab raacsan oo dadkii oo dhanba waa gaalo leh,qaarbaa dagaal oogayaashi afkooga ku hadla oo seefta ummadda lagu kala yareeyeey daabka u hayaa, marba hadday sidaa iyo si ka xunba yihiin dee in la dilo wax lala yaabo maaha.
ilaahayna ha u naxariisto gar iyo gar dararo wixii ay ku dhinteen isagaa naga og.