Wadhaf News-Octobar 21, 2012: Shalay oo taariikhdu ahayd octobar 20, 2012-ka waxaa magaalada Ottawa ee dalka Canada ka qabsoomay munaasabad farxad leh oo lagu yagleelay reer cusub oo kulmiyay laba go’aansaday inay nolol wadaagaan. Boqorada Nimca Jaamac Cusmaan Geele (Nimca Nuura) iyo Boqor Maxamad Cabdi Ismaciil Kaakin ayuu xafladii mexerkoodu ka dhacay caasimada Canada ee Ottawa.
Xafladaa maxerka oo u agaasimaayay Al-Sheekh Maxamad Xuseen Hadi ayaa kulmisay dadweyne aad ugu faraxsanaa qoyska cusub ee ku soo biiray qoysaska islaamka ah iyo bulshada reer Canada.
Sidii Diinta Islaamku banaysay caruuska iyo caroosada ku hesshiyay ee isku raacay inay yagleelaan qoys cusub waxaa intii ay socotay xafladu ducooyin kal iyo lab ah qoyska cusub ku hagoogay eheladii iyo dadka karaamaysnaan ee munaasabada Mexerka nasiib u helay inay goob joog u ahaadaan.
Hambalyada meher waxaa si gaara u gudbinaaya Hooyo Qadiija Qalilnle Saban oo ah ehelka ugu karaamada badan uguna da’da weyn ee ehelada Carooska iyo Caroosada.
Waxaan qoyska cusub Ilaahay uga baryaynaa inay noqdaan kuwii daadihiya reer lagu nasto waxaanan Raxmaanka ugu baryaynaa qoyskaa cusub inuu Ilaahay kala siiyo awlaad khayr qabta oo diintooda iyo dalkooda intaba anfaca.
Wadhaf News waxaa farxad weyn u ah inay qoyska cusub u gudbiso tahniyada ugu weyn amba ugu farxada badan ee layku diro, waxaanan leenahay noqda kuwii isku waara ee isku reeya. Aamiin.
Wadhaf News.
Categories: Hambalyo Iyo Salaan (Greetings)
Dhambaal Taageero Iyo Hambalyo Isugu Jira Oo Ku Wajahan Guusha Laga Gaadhay Qaddiyadda Ugaaska Gadabuursi
Salaamaha Reer Boon
Hambalyo meherka farxadda leh, oo ku beegmay 21-kii Oktoobar..!. Nimco-nuura iyo ninkeedaba hambalyo iyo salaan iyo duco badan ayaan usoo dirayaa. Mudane Geelle, adna waxad noqotay Awoowo, congratulations….