Hergeisa(SPN) Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daboolka ka qaaday qodobadda ugu culus ee la iskula soo qaaday shirkii qiimaynta ahaa ee golaha wasiirrada xukuumaddiisu saddexda maalmood ku yeesheen xarunta Madaxtooyada, isagoo ballanqaaday in go’aamad kulamadaas ka soo baxay aanay noqon doonin qoraal, balse ficil loo beddeli doono.
Md. Saylici oo khudbad ka jeediyey xaflad loo sameeyey shalay arday qallin-jebiyey, waxa uu sheegay in shirkaasi ahaa mid miisaan culus leh oo lagula xisaabtamayey wasiirrada xukuumadda.
“Sidaad la socoteen golaha wasiirrada ee dawladdu waxay ku jireen saddex maalmood oo kulan adag ah oo uu hoggaaminayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), geesanaha la iskula jiray, ujeeddaduna waxay ahayd oo laga talinayey amma la iska waraysanayey muddada labada sannadood ah ee aannu talada haynay wixii qabsoomay iyo wixii naga dhiman iyo wixii la hiigsan doono amma aannu qaban doono sannadka soo socda ee 2013.
Waxa ka mid ah arrimaha aadka looga hadlay sidii loo samayn lahaa shaqo-abuur oo da’yarta labada kun kor u dhaafaysa ee ka baxay jaamacadaha Somaliland iyo sidii dariiq loogu samayn lahaa.
Masuuliyiinta ma jiro nin kursiga iska fadhiya, waxana mar walba laga fikiraa sidii dalkan loo horumarin lahaa, da’yartana shaqo loogu abuuri lahaa, waana arrin culayskeeda nagu haysa oo waa taa keentay in saddex maalmood xafiisyada la soo xidhno oo la isugu yimaad madaxtooyada, dabadeedna la naaqisho wixii qabsoomay, wixii aan qabsoomin ee naga qabyo ah iyo wixii aannu qaban doonno.
Qodobadda naga soo baxay noqon mayaan qaar qoraal keliya ku koobnaada, waxaanay isha Allah noqon doonaan qaar ficil loo beddelo,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Saylicipress.net
Hergeisa/Somaliland.
Categories: Warka (News)
Khudbaddii Taariikhiga Ahayd ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane C/Raxmaan Saylici Ka Jeediyay Fagaaraha 18-ka May ee London
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Md Zeylici waan Salaamayaa.
Md,Zeylici maanta adiga ayaa Reer Awdal Siyaasi u ah.Waanan ku taageersanahay dhamaantayo,kuwa taageersan Somaliland iyo Bahda AwdalStateba.
Md,Madaxwayne,Kursiga aad ku fadhidaa maaha mid hadyad laguu siyay e’ waa mid aad ku heshay Magaca Samaroon ama Reer Awdal,sidaa darteed dadka ku hadaaqaya inay qayb Awdal ka mid ah raaciyaan Woqooyi Galbeed u sheeg inay tahay wax aan dhici karayn.Hadii dhulka mid Awdal la raacinayo Woqooyi Galbeed,waa in qaybo ka mid ah Gabilay la raaciyaa Awdal.
Arinkaasi waa inaad ka hadshaa oo aanad u daynin Oday dhaqaamedka dhameelka loo daadinayo ee marka ay abaarsadaan hadalka qabsada,kadibna laga fushado dantii laga lahaa.
Md Zeylici Dadka aan ka mid ahay aduunka waxay ugu necebyihiin Rayaale iyo wixi uu cagaha ku watay,Ilaahayna waxay u ga baryaa inuu ku ridi xanuun aan dawadiisa la garayn,adigana ayaanaan sidaa oo kale kuu nicine’,ka ilaali Tolka – cawawga boobaya dhulkooda.Taasi hadii aan kaa helo waxad noqondoontaa Geesi aan siyaarano,sida ay Isaaq u siyaartaan Siil-laanyo.
Fursadaasina wali waa mid kuu furan oo aan hortaa la qaadan.
Waxan kuu soo jeedin lahaa qaado fursadaasi
Wabilaahi Tawfiiq
madax wayne guulayso waxii gobol kaagi kaa casiyay anagaa kaga filan iyo umada intii daacada ah markaas shacabka sland way ku garab joogaan waxii daahir sland ku ahaa hayaacaan oo hasii jeestaan looma joojinayo gidarka madaxa ha la dhacaan calanka jumaykan haqataaan loosssssssssss viva sland
War Deg Deg Ah
Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Xubno Wasiiro Ah Oo Uu Ku Jiro Saleebaan Xaglo-toosiye
Sidaana Waxa lagu Sheegay Warsaxafadeed caawa ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada kaas…………
Hargeysab (GNS) –Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa magacaabay Xubno Wasiiro ah oo ku jiro Hogaamiyihii Kooxda SSC Saleebaan Ciise Axmed Kaar (Xaglo-toosiye).
Sidaana Waxa lagu Sheegay Warsaxafadeed caawa ka soo baxay Xarunta Madaxtooyada kaas oo u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa digreetooyin uu soo saaray ku magacaabay wasiir iyo wasiir ku xigeen cusub, isla markaana wasiirkii hore ee Dib-u-dejintana u magacaabay wasaarad cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagadan hoos ku xusan,
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,
Markuu ku Qancay: In uu hanan karo xilka loo magacaabay,
Wuxuu go’aansaday
1. In Mudane, Saleeban Ciise Axmed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee JSL.
2. In Mudane, Cabdirasaaq Cali Cismaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Warshadaha ee JSL.
3. In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta ee JSL.
Source: Gabiley News Desk
Mudane Zeiylici waa nin u raad qabow oo u fiican bulshada Awdal ee Samaroon , Waa nin aan Hubguriweynayn sidii kuwii ka horeeyay ee ahaa SNM-B waa nin isku kalsoon oo haduu baritoole cadhoodo Hubkiisa iyo hantidiisaba ku jeedin doona cadawga Samaroon, Waa ninka qudha ee aan anuu ku kalsoonahay Awdal iyo Samaroon, Waa nin aan la dhayalsan karin lana saadaalin karin waxa uu maaganyahay mustqablka iyo siyaasadiisaba waan taageersanahay waligay waanan taageeridoonaa waligay Nooloow Saylici.