Ma Nimco Jaamacbaan Ku Badalnaa Madaxweyne Geelle…!?


About these ads

Categories: Warka (News)

45 replies »

  1. nimcaan waa kee hiildanow ma nin ad u ficanba

  2. Hiildanow..

    Wixii dan ah ka raac. Haday gaajo awgeed ilmadu kaaga gobo’laysay,
    Adigaaba la gaadayaaye waanad garanayn e’!!

    Ayaxii gayigan joogi jiray,guuto lagu saar ye’.
    Basaasbay Timuhu uga go’een Gaaridii Dumar e’.
    Geelii aduunka u adkaa gobolo waydoowye’.
    gaagaabso oo aamus yaan adiga gaadhlagaaqabane.

    Kuma fiicni gabayga e’ waan wada hafidi lahaa gabay gaasi,waana mid aan aad u jecelahay.

  3. Waar Ninkan laguma sheegi karo Madaxwayne.
    Ninkan waa Ashari Fransiis ah oo ay meesha dhigteen Fransiisku.

    Cida ay ku balayaan waa mid taala Fransiiska e maaha wax dadkan meesha ku nooli ay wax ka qaban karaan.
    Danta ay Fransiisku ka leeyihin ayaa ka wayn midda dadka meesha ku nooli qabaan.

    Ciidan Fransis a ayaa ilaaliya Djibuuti.Maaha meel madax banaan oo ay dadki lahaa ka taliyaan.
    Dhulka jabuuti 90% waa ay deganyihiin Canfar iyo demada Jabuuti oo ay Ummada kale deganyihin.Sidaa awgeed ayuu Faransiisku ka ilaaliyaa Madaxwaynaha inuu ku isbadal.Isbadalkaasi aduu dhaco waxa soo baxa inay Madaxwaynuhu noqdo Cafar,taasina ay keento inuu baabo’o heshiiskii ay Ciisuhu la galen Fransiiska ee hayd meesha nagu ilaali si aad danahaaga u fulino.

    Waxa dhici karta inay canfartu Franciiska eyaan oo ay xor u noqdaan wadankooda,si aany taasi u dhicin ayuu Franciisku meesha u dhibtay dadka ka soo jeeda Ciisa,oo isagu ilaaliyo ,danahiisana u fuliya.Nin wadan lihi muu yeeleen arinkaasi laakiin kuwan Ciise ee fransisku meedha dhigtay waa qaar u jooga inay danaha gaal fuliyaan.

  4. Geelle ha noolaado, anagu ma rabno ciise ciise ciise dhalay.

  5. Yaa ku waydiinaya waxad rabto iyo waxaad diidantahay?
    Willy Nilly. Nederlanderdska ayaa yidhaa”Het leven gaat door”.
    Haku mashquulin arimo may dad kale wataan e’,aduu taada ku mashquul.

    Caruurta mar ay yaryartahay,ayaa lagu sameeyay badhiitaan.
    Waxa ogaaday inay u kala baxaan 3 qaybood:

    1) Mid wuxu ciyaarsiiyaa Caruurta kale
    2) Midna Caruurta ayuu ku qabsadaa waxay ay ku ciyaarayaan
    3) Midka kalena iska ayaa isla ciyaara oo lamaba ciyaaro Caruurta kale..

    Markaa Hiidanoow wuxu noqday Samaroon midkaa Ciyaarsiinaya Caruurta kale ee naftiisa u ciyaarayn.Ama aan Cauurta kale ku qabsananayn waxa ay ku ciyaarayaan.

    Waxba haygu wareerin Geele iyo wax aan hayn shaqadayda ,iga dhaaf sheekadiisa.

  6. hiildanow qofka ilaahay abuuray waxla naco wuxuu uguneceb yahay reerkii uu kadhashaymarkay hooyadii u sheegto inay dayriyeen imikana cidkale ku abtirsado
    nimco aabeheeda dhabta waa la yaqaan ninkeedii ugu horeyay eelacaroosgashana wuxu ahaa ina adeerkeed nimcona way ogtahay

    hiildanaw walaal waa talo wagaagsan mala odhan karaa hadii beesha bahabar celi cuqaashteeda ganacsatadeduba ay hada ku wanqalaanoo loo maamuuso sidii sacad muuseba nimco yaasiin ka yeeshay

    nimco jaamacna waxa la arki tukaanadii samaroonka ee markay colka galinayso ay ka dhex ooyi jirtay
    ayadoo leh ilma adeer

    waxa laga yaabaa dadka qaar siiba dumarka inay ku ceshaan walaal nimco ma ina adeertii hore mise tan danbe

  7. Hadduu Geele ka tago meeshaa, waa jamhuuriyadda jabuutiye, Soomaaliya bikh.Waxa muska dhabarkiisa ka raamsanyaya afar jaafaa-jugle aan jufaday ka soo jeedaan mooyee cid kale u jixin-jixayn, hadhna u jiidayn. Waa DAF, Aden Rooble Cawaale iyo qaar kaloo badan.

    Haddii anu xilka si nabdoon u wareejinin, meeshaa ta ka dhacda waab loo wada joogi.

  8. Caraale

    Anuu hadh iyo habeen salaadaan tukado waxaan ilaahay ka baryaa in kan ilaahay dhaafiyo Habarina ha qabsatee kani waa naxsi ah dabuur oo aan jeclaynin ninka dantiisa fulinaaya mooyaane nin kale uma naxariisto,Waxuu isticmaa wax aynaan aqoon oo ku khaarajiyaa qofka uu sanifo,Waxuu u adeegsadaa Sixir,Sun iyo Khaarijin hoos hoos ah.

    Ninka aqoon leh wuu iska ilaaliyaa,Waxuu ku shaqaystaa Ciisaha inta ugu xun ee qabyaaladiistayasha ah,Kani ha dhaafo dadka iyo degaanka kii kale ee yimaadaa wuu dhaami doonaa anuu waan hubaa ilaahay dadka ha dhaafiyo nacalaa dhalaye xunka xaarka ka buuxa ah.

  9. Bal waayahaye waxaynu ugu heesaynaa Geelle, Ka dhaadhac, ka dhaadhac, abityadii dulmoow ka dhaadhac….!.

    Siyaasad ahaana waxaba maanta samaroon u fiican inay dhammaantood mucaaradka noqodaan, kuna doodaan dhulkoodii hooyo ee laga dhacsaday, iyo xuquudii ay ku lahaayeen Djibouti.

    Dhulka kaliya ee Ciise naga dhexeeya, waa Jabuuti, halkaasi ayaa innoo xuduud ah.

  10. Nimco Jaamac, Oo Ammaankeedu halis ku jiro: Maxaa ka jira Arrintaas, bal halkan kala socoda:

    http://cunaabi.com/playaudio.php?id=251

  11. Bal dusha uun han idin kala socone gedabuursoow mucaarad iyo muxaafad mid uun isku raaca dhul sheegashada iyo xanuunka ni ragaadiyeey ha noo dambeeyeeeeeeeeee.

  12. Anuu Ismacil Calool waxaan leehay ka dag ka dag dhimo oo wajigaa gubaye naga hor dhaqaaq , Sawirkiisa markaan arko waan ka jeestaa walaahi oo ma egi karo nacayb aan qabo daraadeed,Lkn Ciise waa beel ka mid ah beelaha Direed wada hadal iyo waan , Dagaal iyo nabad mid uun baa la isku ogaane kani horta ha ina dhaafo ayaan kula talin lahaa tolkay.

  13. KKKKKK oo ma Quartier 5 bay joogtaa……? kkkkkk , Adeer wadan amaankeeda sugaya ayay jiigtaa oo aan diqsi dul mari karin iska daa banii aadame,Nimco Jaamac waxay joogtaa wadan hore u maray oo aan loo baqaynin amaankeeda iga walee ilaahay mooyee in cidina wax ka qaadi karin,Hadii ay dareento cid amaankeeda halis ku ah nin iyo naag midkuu doono ha noqdee markay ogaysiiso Poliska waa lala kacayaa markaaba meesha ma waxaad u haysataa inay joogto jago buldhuq iyo Pékin 12.

    Nooloow Nimco ilaa waligaa……..

    Gaban mayno indha gibidhsan mayno , Waxii nala gudboon waan gudaynaynaa…

  14. Caraale,

    waa ray adiga kuu gaar ah taasi, Djibouti waxay ka mid tahay dhulka illaaahay wixii ebbee qoray uunba ka suurta gali ama canfar maamulka ha hayso ama ciise ha sii wato waligaana waxaa la daniyaa wixii dadka wanaag u ah Iog-na waa is ogyahay in u wakhtiisi dhammaaday doqona maaha ee tuug xukun jecel

    • Ali-Durkiye,
      Aden Rooble Cawaale waagi u ugalay Xabashida waxaa raacday dhalin yaro faro badan oo Reer Djibouti ah. Waxa la socday laba nin oo aan Ciise ahayn. Mid wuxuu ahaa nin Isaaq ah, ninka kalena wuxuu ahaa nin Samaroon ah. Markii Aden Rooble, France tegay ayaa dawladda Fransiisku ka codsatay inuu u soo gudbiyo liiska dadka isaga taabacsan ee laajiyiinta ku Ethiopia, si sharci ay Farnce ku degaan loo siiyo. Halkuu dhalin yardii la socotoo dhan wada qori lahaa, ayuu qoray intii Ciise ahayd oo kaliya. Wuxuuna ka tagay oo Taasii waxay caddaynaysaa dadnimadiisu ilaa heerkay gaadhsiisantahay. Dire Dawa lagaga tagay labadii niin ee kale een Ciise ahayn. Taasi waa taa.

      Ta laabad, Dahir A. Farah wuxuu u qam iyo dig leeyahay sidii raaska u ka soo jeedaa meesha u la wareegi lahaayeen, isagoo u arkaya inay reer tolkiis sidaa xaq u leeyihiin. Plat form qaranimo kasiisa iyo maankiisaba kuma jiro aan intaa ahaynini. Tusaale labaadna intaasaa inoogu filan. Canfarna hadalkeedaba hasoo qaadin. Canfari haddii ay maamulka gacanta ku dhigaan waxa ka go’an in magaca Soomaali meeshaba laga tirtiro. Nimaan wax ogaynbaa Canfar u gacan haadsha.

      • Ali-Durkiye,
        Aden Rooble Cawaale waagi u ugalay Xabashida waxaa raacday dhalin yaro faro badan oo Reer Djibouti ah. Waxa la socday laba nin oo aan Ciise ahayn. Mid wuxuu ahaa nin Isaaq ah, ninka kalena wuxuu ahaa nin Samaroon ah. Markii Aden Rooble, France tegay ayaa dawladda Fransiisku ka codsatay inuu u soo gudbiyo liiska dadka isaga taabacsan ee laajiyiinta ku Ethiopia, si sharci ay Farnce ku degaan loo siiyo. Halkuu dhalin yardii la socotoo dhan wada qori lahaa, ayuu qoray intii Ciise ahayd oo kaliya. Wuxuuna kaga tagay Dire Dawa labadii niin ee kale een Ciise ahayn. Taasii waxay caddaynaysaa dadnimadiisu ilaa heerkay gaadhsiisantahay.Taasi waa taa.

        Ta laabad, Dahir A. Farah wuxuu u qam iyo dig leeyahay sidii raaska u ka soo jeedaa meesha u la wareegi lahaayeen, isagoo u arkaya inay reer tolkiis sidaa xaq u leeyihiin. Plat form qaranimo kaskiisa iyo maankiisaba kuma jiro aan intaa ahaynini. Tusaale labaadaa ninbaa inoogu filan. Canfarna hadalkeedaba hasoo qaadin. Canfari haddii ay maamulka gacanta ku dhigaan waxa ka go’an in magaca Soomaali meeshaba laga tirtiro. Nimaan wax ogaynbaa Canfar u gacan haadsha.

  15. Caraale,
    saxiib sidaan ma waxay kaa tahay seedi difaac waaban yaabee,

    Horta aanu waan ka soo hor jeedda IOG laakiin IOG wuxuu dhaama Aden Robleh dadkad sheegi ee u Addis abeba kaaga tagayna waxay wada ahaayeen ama u badnaayeen ciise waliba waxaa ugu badan beeshu ka dhshay ee Odax gob ee sidaa ula soco si aan cadaalada uga fogaan

    DAf-na sidoo kale reer tolkii Furlabe kama haysto taageero buuraan sababtuna waxay tahay dadka hoos yaaci wxaa ugu badan Hiildan reer tolkii waxana laga shiki qabaa in u DAF-na nagu noqdo IOG cusub oo mar kale sariirtu na sixirto.

  16. Horta waxaan idin waydiiyay markuu raggu idin soo hujuumo maxaad raarta iyo sariirta ugu yaacdaan? Sidan ma idinka af-soomaali yaribaa? Ma idinka dhaqanbaa? Ma idinka basbaa, oo haalkaasaad geed iyo gabaadsiba miciin moodeen? Mise waa tab iyo xeel Ciise oo ragga ka xishood siiya ayay idinka ahay?

  17. Sixid:
    Horta waxaan idin waydiiyay markuu raggu idin soo hujuumo maxaad raarta iyo sariirta ugu yaacdaan? Sidan ma idinka af-soomaali yaribaa? Ma idinka dhaqanbaa? Ma idinka basbaa, oo haalkaasaad geed iyo gabaadsiba miciin moodeen? Mise waa tab iyo xeel Ciise oo ragga ka xishood siiya ayay idinka tahay?

  18. Maxaa loo waayaay nin Issaq ah oo Dictatorka Djibouti maalin qudha wax ku dhaliila oo aad rag iyo dumar shanta qaaraadood ee adunka ugu daba raxlaysaan idinko og in ninku yahay kaligii taliyee gaaamuray?

    Waxaa maanta looga shiki qabo in ay Nimco Jaamac magaalada Toronto dhexdeeda dagal ku sameeyaan waa reerka waana arrinta waaxaa keentay in laga hadlo ee maaha hooyo guri joog ah oo ubadkeega korsataa in laga sheegayn adeer hooyana waxay sharaf iyo maamuus leedahay markay ku eeg tahay wixii sharciga iyo diintu qabto.

  19. IOG ha danbeeyee, arrinta Nimco Jaamac kama war qabo. Siday wax u jiraan? Bal warka ii bal balaadhi.

  20. Woxogaabaa isha mariya mareegtan u Hiildan sumad sooceega soo dhigay ee ku saabsan Nimco Jaamac.
    Wixii meesha ku qornaana wuxuu noqday sidan hoos ku xardhan:
    “Fanaanada reer Jibouti Nimco Jamac ayaa markii ugu horeeysay shaaca ka qaaday inay Maxkamad la tiigsaneyso Shirkadda Dahabshiil,iyadoo tibaaxday inay dacwad ka dhana Dahabshiil u gudbisay Dowladda Canada. ”

    Anigu ma fahmin wuxuu saaxiibkeen Cali ka hadlayo ee u leeyahay sida tan: Waxaa maanta looga shiki qabo in ay Nimco Jaamac magaalada Toronto dhexdeeda dagal ku sameeyaan waa reerka waana arrinta waaxaa keentay in laga hadlo ee maaha …”

    Shirkadda Dahabshiil haddii ay Nimco Jaamac dacweynayso iyaday u taala. Shirkadda dahbasiil ma nin baa leh mise qabilbaa leh. Cali inuu intaa waa hore ka koray ayaan modayay. Wali waxa ku jira madaxiisa chipkii “nomad mindset” ee haddii uu nin gaadhi leeyahay qabiil dhami isku haystay inay gaadhigaa iyago leeyihiin.

    Nimco hadday shirkadda Dahabshiil eed ka tirsanayso, xaqbay u leedahay inay dacwayso.War Calow grow up saaxiib, ha ii dhako miyi lahaanine!

  21. Nimco Jaamac wadan kay u dhalatay ee Ethiopia xoriyadiisa ha u dagaalanto balse wadan kastaa xaqbuu u leeyahay in dadka soo galaytida ah sharciga lagala noqdo. Balse hadii ay mucaarid noqonayso waxa fiicnayd in ay si guud oo danta wadanku ku jirto u halganto balse keegu waa isir iyo shaqsi nacayb in la canbaareeyo maahee in wax wanaaga laga sheegaa meesha mataal sobob too ah Djibouti Nimco iyo Gueleh labadaba way ka wayn tahay. Hadal gaaban, Gueleh in uu dictator yahay layskuma hayo balse waa ayo cida hada loo sacabo tumi karaa ee badali kartaa? Mucaaridka hada joogaa xitaa uma qalmaan in ay cleaner wadanka ka noqdaan iska daa maamul dawladoode. Durkiye, reerka samaroon maaha shaqsi kaliye ee mucaarid iyo muxaafidba way leeyahiin balse sidaad u hadashay waxay i tusaysaa in aad cilmi iyo aqliba ka aradan tahay. Don’t be naive judgmental

  22. Caraale, nimco jamac xadii wax lagu samaynayo waxa la hayaa warqadahii iyo dacwadahii ay isku dhiibtay oo ah prove of fraudulent immigration case waxana gacanta ku haya dadkan habeen iyo dharaarba caayayso sobob too ah qof wax qorta ama wax akhridana ma ahayn balse dadkaas markii la waydiiyey in ay koobi siiyaan cid rabtay waxay ugu jawaabeen, Not now and not ever mana aha dad sharci xakameeyey ee waa dad shaqsiyadooda aamin san. Imagine if Durkiye could have been in that position.

    • Marunbaa,
      waad ku mahadsantahay arrinta Nimco Jaamac ee aad ii balbalaadhisay. Nimco waa racist waana “red neck”. Berigii ay Djibouti tegtay waxay samaysay waan ka dheragsanahay. Waatii Djibouti la isku rogman gaadhay, dawladdaa soo dhex geshay oo dabkay Nimco shiday damisay. Taasuu Caina u sacabinaya oo u leeyahay amaankeega ayaa halis ku jira.

      Sidaad sheegtay Marunbaayow, Cali waa nin cimli iyo caqliba ka aradan. Hadduuna sidaa ahayn waxaaba kuma hadleen. Anigu kii yidhi Riyaalaan dhenged la dhacayaa uma sacab tumin, umana riyaaqin. Balse maqaamkii u iga taagnaa ayaan hoos u dhigay. Oo waxaan is tusay inaanu nin xil qaadi kara ahayn, ummadna hogaamin karin. Cali-se waa kaa cunsuriyiintiisii la soo saftay ee waliba tirtitrfanaya. Adduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban!

      Caliyow, barasho wanaagsan, grow up, dheko cunsiri ah ha lahaanine!

  23. Waxan ogaa Jabuuti oo biyaha Gidaarada laga cabo.Waxan tagay jabuuti oo Biyaha habeenkii la sugo oo ay dadku biyo raadisyihiin.
    Waxan ogaa

    Jabuuti oo dhaqtarka eeyar layska daweeyo,Waxan tagay Jabuuti oo aany dawoba jirin,oo sidii Borama ama Hargeisa,dhulkaa bilaa dawlada ah aan waxba dhaamin oo Paracetamool aan sitay oo aad u badnayd layga boobay.
    Saan idhi maxaad ku falasaan,mise waxy yidhaahdeen mida tan dhulkan taalaa naf malaha oo waa tii Hindiya iyo Pakistan.
    Markaan eegay jabuuti,xaga biyaha,caafimaadka,Tacliinta waxba may dhaamin wadanka Somaliya ee aan dawlada layn.

    Taasi waxa ii dheeraa tii oo la i yidhi iska aamus oo afkaaga hayso,hadaad hadal qaado Ina geele dhibaato ayaa kuu iman oo ragan kula socda qudhooda ayaa shaqadaa haya.

    Waxay ahayd 2/2012.

    Ninka Ina Geele taageeraa maaha qof habeen jiray.Walaahi jabuuti waan ka naxay,
    may ahayn jabuutidii aan jeclaa ee dadku sida fiican u ugu noolaayeen.Anuu yaaban ayaan ka soo baxay

    Markaa dadka Reer jabuuti waxan leehay,waar si midaysan ugu codeeya Mucaaradka,oo raadiya isbadal.Waxan soo arkay may ahayn nolol ay dad xor ah ku noolaadaan.

  24. Caraale,

    Hortaa waxaan aanu garan waayay dadku siday wax u fahmaan!!!!!

    caraale goormaan dahab shiil iyo warkiisa kuu sheegay?
    Nimco hadaan soo hadal qaaday dee waxay ku jirtay Mediayaha oo waa laga hadlaayay si ay wax uga jiraana run iyo been aanu ma ogi laakiin adigaa maxaa ku waalay?

    hadaad reeer Hargeysa tihiin ama Issaq miyaanad ahayn reerki ina Raraale ku odhan jiray DHEENGAD baan kaaga soo saari doona madaxtooyada ee shalayna Saylaci indhabuur Hargeysan ku biilina ku hadaaqaayay !!!!!!!!!!!!!!!

    Hadaba dadku waa nila mid ama way niga sii xag jirsan yihiin oo waxaad aragtaan ama diidaysan way diidi karaan oo waxaa jira Djibouti qoys la yidhaahdo reer Hayd oo maanta Djibouti ku noqday sidii qoyskii reer ben Ali ee dalka Tunisia maana ahaa wax issaq oo dhan loola dan leeyahay arrintu waa sidaa markii runta la idin taabsiyo hadaad ku rafataan dhako reer miye iyo cantara baqash dee waa iska nasiib darada haysata soomaalida maanta.

    @ Marunba doc faruurnimadda iyo hadal feedhaha laga soo tumo waxay kaa noqotay dhaqan ee bal horta kor ka yaraa fiirso siday sheegadu u soo socoto ka dibna wixii kaaga soo baxa ka dhiibo raygaaga.

    • gabadha wadata Wali Ashma
      walaal u fiirso hadal kaga isburinaya markaad Djibouti aad kanaxayso iyo markaad leedahay ciise Djibouti walagu illaliya isku fiirso
      mida kale gormay cafari ahayd 90% walaal xanun ciise aya ku haya dhowr mar ayaan ku arkay adigu cay ciise itaal moday lakin ada wax ku laa
      Djibouti inta aay ku badbaaday wa inta lagu xaasidka yahay ama dad badan oo sidada u hadla

  25. Kaydo

    Je dit la verite rien que la verite.

    Magaalada Jabuuti ilaa Calisabieh ayay dadka Somaliga ku hadlaa joogaan.Wadanka inta kale waa Canfar.

    Dikhil,ubock yobaki,Tadjoohra, Casela Goda ,Mabla.
    Fransiiska ayaa ku ilaaliya Ciisaha meesha loma ogola inuu Canfar Madaxwayne ka noqdo jabuuti.

    Haydo taasi waa mid.

    Teeda kale Kaydo Huuno Qalanjo,ma kartoonbaad joogtaa maanta.
    Salaama ka dhe.

    • wali ashma
      ce que vous avait ecri 90% sont tous de mensonge, mieux que tu parle serieusement soeur ou bien laisse le.
      inta u ciise leeyahay hadi aad se didanayd waa kuwaan
      Ali sabieh, dikhil, arta, wea, holl holl goubeto , asamo, ali adee, borcabous, douda iyo damerjog mise cafar ba leeh
      allah maxa layabay

  26. Marunbaa

    Aduu waxad ka hadlaso anuu maan garan.Inbadan ayaan kuu fiirsaday,masgaxda ayaad ka tahay LAANGAAB.
    Intaanad soo galin golaha raga,soo baro sida loo doodo.
    Adba ma adaa ku dhasdhay canada?Bal waxan ad ku sheekaynso iseeg.Waxaad tahay xaqiir ibna xaqiir.

  27. To Kaydo.

    Kaydo mar hadii aad ka cabatay fikirkaygii aan soo tabiyay,Ina abti raali ka ahoow.Ma jecli iaan ka cadhaysiiso.

    Cise iyo Samaroona runtii meel kala tagi maayaan oo Ilaahay ayaa meel kuwada abuuray.Ethopia,Somaliya iyo jabutiba way wada jogaa.
    Dee marmar hadi laysku qaldamo,Kaydooy dee raali hala kala ahaado.
    Waa inuu sidaa iyo Walaalnimo Kaydooy.
    Salaama ta dhexdee.

  28. Hortaa waxaan fahmi waayeey sababta ay gedabuursigu canfarta iskuku xamaaraan !!!!!!

    Miyayna ogayn in ay canfartu gedabuursiga u taqaan( peuple hypocresie) oo ay la yaaban yihiin siday ku sheegan karaan magaca Adal oo ah qoys ka tirsan qoomiyadda canfarta, is yaqaaniin meel ma wada degaan xuduud iyo xoola daaqsin ma lahaa ,dhulkoogi iyo magacdoodina waxay u haystaan wax lagu faano oo gedabuursi leeyahay cajiib waar reerku saw wax kama xishoodaan.

  29. Canfar Cali iyo Samaroon cali ayaa nala yidhaa.

    Iska hadle,waxaad ka sheekaysaa waxa aad garanaso,haka sheekayn wax aanad garanyn.

    Magaca Adal Somali oo dhan ayay Awoowyashayo u bixiyeen.
    Ilaa Tadjoura iyo ubukh.
    Bulqurzaar,Arabiini,Baali,Daara,Dawara,hadya iyo Adal oo ahayd ta u wayn,ayuu Samaroon Saciid ka badalay magaii Ifaat.Wuxu u badalay Cadal.=Justice.Hadaad wax garanayso u fiirso Ciyaarta zeyliciga,yaa saciid Sacadiine calaa hooyaahee.

    Ma donayo inaan dibada soo wada dhigo sirta baadhitaankayga,ilaa aan dhamaysro.
    Waxanse uu sheegayaa,inay Ifaat lagu badalay Cadal,cadalna lagu badalay Somali,intaa ba ay wadeen Reer sheikh Samaroon.
    Canfarna waxay ahaayeen qayb ka mid ah Maamulka cadal.

    Waa gunninmo inaad taarikh walaalkaa leeyahay aad Canfar siiso.
    Sacid waa boqorki Adal ee dhalay Samaroon markuu dhinatay dhulka waxa la odhan jiray Barri Sacid(The land of Saciid)
    hadii aanad intaa garanyn ha ka sheekayn taarikh iyo wax kaa facwayn.Taasina waa mid taala Cambrige iyo oxford.Mana halaabaso.
    Ana waaban soo gaba gabeeyay baadhitaankaygii.kaasi oo socday 7 years.

  30. Wali Ashma magac cudure,

    soo bandhig wixii kuu daliil ah in aad marna canfar ahaydeen ka dibna aad soomaali noqoteen kkkkkkkkkkkkkkkk.

    Hadiibay ay sidaad sheegtay tahay saw aanu canfar iyo samaroon uma dhexeeyo oo adalta iyo awdalta labadaba udub dhexaadkeega noqon maayo?

    Faana maahee dhulkii awdal la odhan jiray cida degta degina jirtay illa maanta min saylac iyo Harar waa ciise iyo canfar

  31. Cali

    Anuu kumaan caayin.magacaagana wax kamaan sheegin.Aduu ayaad tahay?
    Aduu waxad ka mdi ahayd qabiilki Warjeeh,Jilibkii Xarla.
    Ha moodin inaan laka duwanahay Ciise iyo Samaroon.
    Jarjeexu,waxay u laka bixi jireen,Xarla,Makadi,Awfal iyo Gabal.
    Dhamaantood way isku dhexyaaceen wayna isku milmeen.
    Awfal wuxu noqday Awal=Habar Awal,means Dadkii ReerAwfal.
    Waa sidaa Awgeed waxa maanta,Sacad Muuse ay leeyihin Samaroon,Isaaq iyo Cise.Yunis Muuse,Samaroon iyo Cise .Cabdiraxan,Cise iyo Awal.Dhamaan Qabiloyinka,Samaroon,Cise,Gurgure iyo Habar Awal asal ahaan waa 1Qabil oo la odhanjiray Warjeeh Warriors.Xarla ayaa ahayd Jilibka ugu balaadhan ee soo gaadhay qarnigii 17naad.Xar;la maanta dhamaanteen way inagu jiraan marka laga reebo qaybo Ogadeenka la bohobay iyo Absamaha.
    Markaa Caliyoow Tarikhdu sida aad mooday maaha.
    Qoyska Reer Borqor ee hogaajinjiray dadkaasi sheeikh Ciise ka mid ayuu ahaa.Laakiinse Skeik Cise Wuxu ka mid ahaa Reer Sheikh Samaroon.

    Ama diid ama duunta Sidaasi waa sida lagu hayo
    Anthalogicaly1000 ilaa 17 Centurygii.

  32. Wali ashma,

    Geelaba xasilbaa laga dooni kolkii horabaa waxaad u doodi lahayd sida maanta oo kale aana kuma caayeen laakiin bal dib u milicso wixii aad soo qori jirtay ee ansha ka baxsana wanaan sababta ay soomaalidu ugu maahmaahdu /beentaada horay runtaada dambay dishaa/

    mala awaalka aad maanta uun qiratay waxaa waa hora noo iftimiyeey raga raad raaca taarrikhd ee dhulka ruugay waxayna nagu sheegeen familie KUUSHTIC oo lagu maceenyeey ILMA ADEERAYAAL wada dhashay in aan wada dhalanayna waa markhaati ma doon.

    Buuqa iyo wareerka daba dheeraatay waxaa noo keenay markaad qaar idinka mid ah oo gedabuursi ah nagu soo faruurteen kuwaas oo leh waxaan nahay reer qudha ee lahaan jiray boqortooyo u qaar ah oo la odhan jiray ADAL EMPERIUM cadayn keena markay suaal ahaan nigu soo noqotana jawaabtinu waxay ahayd cay iyo faan markaa maanta hadaad qiratay wixii addunku naga qoray warku wuu dhanyahay raali ka ahoow hadaan ku yara haraatiyeey waa iska caade ciise feedhaka iyo gacan fudaydkuyeee kkkkkkkkkkkkkkkk.kaftan.com

  33. Wali Ashma

    Wax aan is qaban ha isku keenin aduu 1- Ciise Waa Madoobe Dir,2- Samaroon Waa Madaluug Dir 3- Isaaqna waa Meha Dir , Aduu xageed noolasoo galaysaa dad aanaan is aqoon sida Habar Awal oo kale Dirnimo ayaa inaga dhaxaysa hadaad aduu jeclaatay oo ay JY wax isku yihiin dee qaado awal ba SNM-B ayaad hore u shegateen maantana xeedhadii markaad gunta soo tabateen ayaad kolba sheeko aan loo joogin la timaadaa wasiirkii din u dejinta ee kaliya ee JY iska lahaana waxaa maanta la siiyay Xagla Toosiye Cabdirisaq Cismaana waxaa loo magacaabay wasaarad aan arkin oo aan la maqal meel ay ku taalo iyo warshadaha uu xakumi doono meesha ay ku ayaalaan SNM-B way u dhamaatay kkkkk markaa isla xidhoo nin yahow oo anaga hanooga shekaynin wax aanaan liqi karaynin iyo sheeko malo awaal ah.

    Waxii faah faahin ah ee beesha Direed halkan ka biirso shaxda n ka bogo inta ay u kala baxaan beesha Dir Somali.

    http://beeshadireed.blogspot.com/2010/01/geneological-chart-of-somali-dir-clan.html

  34. Waa sheeko iska khayaali ah abtirsiinta Banii Axmed ka ee ay la baxeen Isaaq iyo Ciise 1989 -kii cadho ay ka qaadeen markii Samaroon dagaalka la gali waayay, Sidoo kale waa been iyo mala awaal Canfar Cali iyo Samaroon ayadna waa sheeko la sameeyay isla waqtigaa ay is baahaysteen Ciise iyo Isaaq ayaa la sameeyay Canfar in la yidhaa Samaroon iyo ayagu waa ilma Cali waa been ee Dir Somali,Darood iyo IRIR Samaale iyo waxii soo raaca weeyaan ,Xarla waa beel ka mid ah Somalida qadiimka ah waana beel aan isku dhawnahay lkn meel ay galaan ma aqaano kolay Dir kama foga.

  35. Caliyoow Ciise u daa gacan fudaydka,waana Askari iyo xaalkii.
    Samaroona Deganaan u daa wana Boqor iyo xaalkii.
    Kaftan.com.

    Cushetic Nilotic iyo Asiatic.
    Kushetic waa wakhti aad u herayay.
    Inagu waxan kanahay Ajew ama Aji.
    Magacii Ajew waxa badalay Xabashi qiyaas ahaan,bc Ciise ka hor.
    Ajigu wuxu u kala baxay 7 Qabiil 5 way qarsoontahay 2bana waan inii sheegayaa. Belin iyo Akisho.Bilinku xagaa iyo Areteriya ayay u bateen,waxay ka noqdeen,Canfar,Saho iyo qaybo ku milmay dadyoowga dhulkaa degan.

    Akish,oo ahaa midka ugu balaadhan Waraa Akisho,ayaa deganaa Jabuuti Bariga Abaysinia,Somaliya dhamaanteed.

    Dhibti waxa kaanay Ilaamka.

    Diimihii Cristanka,jodaisamka iyo Muslimka ayaa noqday kuwo loo kala safto tii oo laysku yahay hal Qabil oo aji ah,ama Akishi.
    Sidaa ayay ku samaysmeen Qabilooyinka Somalidu.Waxayna samaysmayeen,800 oo sano oo laga soo bilaabo 600 Ac ilaa 1600 Ac .

    Ogaadeen,macnaheedu waa dadkii deganaa Ogada.Waraa Ogo ayaa la dhanjiray.Waraa Ogo waxa badalay Reer Ogo.Reer Ogihi waxaa badalay,Oogo degeeen.Magacii siduu isku badbadilayay wuxu noqday Ogaadeen,oo ah Ninkii Ogada deganaa.Dad ahaan waa inala qabiil,waana la hubaa.

    Dirku waa Qabilka Bqortooyada Somalida xakujiray.Ilaa foonfur ilaa galbeed.
    Bimaalka ka Degan Koonfurta Somaliya waa Rag Dir ah.
    Magacu wuu isbalay,wuxu ahaa Benu Jamaal Axamed.Iasaga ayaa ahaa Boqorka deganaa Hiiraan Magaadalii Benqulzaal oo ku taalay Gobolka maanta loo yaqaan Hiiraan.
    Benjamaal dadkii sii waa Bimaalka maanta.Benjamaal wuxu isku badalay benyomaal.
    Waxaas oo dhan waxaa laga maamulayay Awdal.

    http://www.Pastoral Degmoctarate,xataa Dumar badan ayaa ku jiray Boqoradaasi 2 ayaan ahayaa Sawiradiooda.

    • Wali Ashma,

      suaal gaaban?

      dadka soomaalida waxaa laga qoro inta badan waxaa laga soo xigtaa buugga la yidhaahdo;FADXUL XABASHA ee laga qoray dagaalkii Axmed Gurey la galay boqortooyaddii reer Abasiiniya hadaaba buugaas maanta wuxuu yaal meel walba isagoo ku qoraan afaf fara badan,waxaa ku qoraan in badan oo ah magacda beelaha soomaaliyeed ee jira maanta iyo qaar aan maqliba,

      hadaaba suaashayddu waxay tahay maxaa magacda beelaha looga waayay magacdda beeslaha ciise iyo gedabuursi iyadoo la ogyahay in dagaalku ka biloowday degaanka ciise iyo gedabuursi ee Saylac iyo Harar?

  36. @Caraale,

    Horta barasho wanaagsan haddii nin Issaq ahi cunsuri igu shaabadeeyeey waa iska ok wax dhib ah ma jirto,

    Caraaloow aanu waligay ma hor joogsan Nimco jaamac tv-ga iyo Video-ga oon ka fiirsaday mooyee xitaa labo illa sadeex jeer oo ay noogu timid dalkan Germany aanu nassiib uma yeelan in aan la kulmo sidaa daaraadeed sabab aan ugu sacaba tumo meesha ma taal.
    Midna ogsoonoow Nimco waa qof dumar ah oo waayeel ah maana ahaa kolkii koobaad la dulmiyo waxaa dulmiyee oo xidhay maamulkii gumeystaha ee Ali Areef oo police-kii dharcadda ahaa ee IOG u shaqayn jiray ayaa xidhay markay dhigeen kooxddii gacan macaan ruwaayaaddi la odhan jiray GEEDIGII koobaad iyo labaad sannadkii 1976-kii.

    Ka dibna waxay isku dhaceen isla kooxddi gacan macaan dawladdi marxuun Guuleed sannadkii 1986-kii oo ay Hargeysa magan galyo ku joogi jireen.

    Nimco hadda waxay is haystaan waa galigii taliye IOG dad may layn power siyaasadeed ma leh wax may dhicin sidaan soo sheegnay waa qof waayeel haddaay maamulka IOG dhaliishay waxay ahayd in u IOG iska ignoregreeyo illeen waa qof dumar aheee markay Djibouti tagday waxaa isla markiiba loo soo diray taliyaaha ciidanka police-ka oo jeelka Gabood ula cararay maamo ka dibna waa la soo daayay isla markiiba waxaa suuqa ku sugay oo caayay sidaan maqlay nin odey ah oo la wada garan gacan ka hadalna meesha wuu ka dhacay sidaas baa Nimco wadakii looga masaafuriyeey xitaa waxaa loo diiday in ay shoow bandhig faneed ah ka dhigto magaalooyinka sida Addis-Abeba iyo Dubay.

    Marka Caraaloow Siyaad Barre oo aad inkaar if iyo aakhiro la daba joogtaan wuu ka xishoon jiray Saaado Ali markay ku lahayd;DHAMMAAN REEER WAQOOYI AAWAY DHALANKII MAXAA DHAMEEYEEY MAXAA ODEYAADDII KA DHIDIGSHAY AHEEEEY AHEEEY MAXAA DHAN WALBA UU BASBEESHAY GUR YIHII AAN WADA DHISAYNAY

    Marka caraaloow iska hayso cilmikaad ku faani anaa jaahil ii daa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: