Categories: Dood (Debate)
Related Articles
-
Sidii Samaroon Looga Qaaday Djibouti, Si La Mid Ah Ma Looga Qaadi Karaa Saylac?
-
Siyaasi Maxmad Jaamac Abgaal Vs Cali Aareeye
-
Ciisoow Meel Kasta Waan Idinkaga Badanahaye, Maxaad Yeeli Doontiin?
-
Burco Waxa Meeyar Cusub Ka Noqday Habar Jeclo, Saylacna Waxa Meeyar Ka Noqday Habar Xuseen: Miyayna Taasi Ahayn Isbadalkii KULMIYE Doonayay?
-
SNM: Qaranimaan Qaadanaye, Qabuurihii Hanagu Celinina..!
-
Dib U Xusid Dood Furan: Hadalkii Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Uu Ku Sheegay In Xadhiga Salaadiinta Reer Gabiley Yahay Mid Lagu Dejinayo Dadweynaha Reer Dila, Ma Yahay Hadal Uu Nin Masuul Ahi Ku Hadlo?
Sideebaad u aragtiin Caddaaladda Somaliland?
Waxay ku odhanayaan caddaaladu indho malaha oo waxay kuu sawirayaan gabadh indhaha maro lagaga
xidhay.. iyo miisaan aan labada dhinac ee is haysta aan dhanna u xaglinayn.
Sidee baanay indho u lahayn?! cidda xukunka gaadhaysaa ma gidaar baa?
Miyaanu qof ahayn cidda qaraarka xukunka gaadhaysaa..
qofkuna miyaanu indho lahayn..
indhuhuna miyaanay qalbi iyo maskax maamula lahayn..
qalbigana miyaa laga waayaa eex iyo cid gooniya jeclaysi iyo emotions.
Horaa loo yidhi “justice is in the eyes of the beholder”
Oo farqi wayn baa u dhaxeeya Cadaalada iyo Xeerka.
Xeer wacan oo dad u yaalaana kama dhigna si cadaalad ahbaa loogu dhaqmayaa.. oo xeerku warqad buu ku qoran yahay cadaaladuna waxay ka soo baxaysaa af bani’aadam..
Dadkan ifka isku xukumaya meelna lagama helayo cid caddaalad taam ah oo indho xidhan wax ku xukunta.
Ka biloow wadamadan horumarka sheegta oo.
Imisaa helay garyaqaan aftahana deeto la fakaday danbiguu galay..
Imisaa xaakin riday xukun musuq-maasuqsan..
Imisaa jeelasha aduunkan ka buuxa iyagoo laga goynayo danbi aanay shaqo ku lahayn..
caddaalada dhabta ahi waxay taalaa kaliya Ilaahay agtiisa..
Wixii ka soo hadhaa waa mal-maluuq qalad ka buuxo.
sheekadan raga la sii daayay bay noqotay:
Sidaydaba waan ka shakiyaa marka siyaasiyiin afrikaan ah maxkamad afrikaan ah la gaynayo.
Oo inta badan waa is khaarijin farsamaysan oo la mid ah tay maafiyadu suuqa isaga saarto
Teeda labaad
Xeerka (Law) laftiisuna waa wada god-dalool. oo kolba sidii la rabaa loo weeciyaa.
taasaa iyaduna cadaaladii (justice) ka dhigaysa mid indho leh.
waana ta sababtay in dadku samaystaan maxkamado kala sareeya.
iyo nidaamka rafcaanka (appeal system) si bal inta karaankooda ah ay dadku cadaalada dhowr indhood
ugu yeelaan..
waana waxaad u arkayso maxkamad duminaysa xukum ay maxkamad hore riday iyo maxkamad sii kale oo isla xukunkii ugu danbeeyay sii burinaysa.
La soco oo dhamaantood maxkamadahaasi isku xeer (law)bay haystaan..
cadaalada somaliland maaha ee waa caynka qofku u dooday ama kiiskiisa marag iyo markhaati loogu helay, waxa laga yaabaa in nimankan ay si dhaba u galeen denbiga lagu soo oogay laakiin la iskama xukumayo hadii aanu gorsooruhu ku qancin markhaatiyaasha sidoo kale garyaqaanka u doodayaa isna culays aad u weynbuu saarayaa garsooraha oo isagu wuxu ku dadaalayaa in nimankaas xaq iyo xaqdaraba uu xoriyadooda u doodo isagoo meelwalba farta gelinaya.
garsoorihii hore wuxu ku qancay markhaatiyaasha la horkeenay, waxay xaq u lahaayeen inay kiiskaas anbiil ka qaataan dabadeed waa kuwan aakhirkii ku guulaystay waa wax iska caadiya oo dunida oo dhan ka dhacda in intaad kiis ku guuldaraysato oo lagaa adkaado aad hadana soo laba kaclayso oo ku guulaysato adigoo cadaymo farabadan oo qaarkood bug iyo been abuur noqonkaraan keenaya.
anigu waxaan qabaa in nimankaasi wax lunsadeen intay doontaba ha ahaatee wayse dhici kartaa in qaar kula jiray uga baxeen oo fashiliyeen kiiska noocan oo kale ahna way adagtahay in markhaatiyaal adag loo helo wayo nimankani waa niman xilal sare dalka kasoo hayey oo aan si fudu badooda loo geli karin.
Nabada somaliland waxay ku taagan tahay luga adag balse cadaalada somaliland waa xunbo daad wado lamana cuskan karo. Bal majaajuladan daawada iyo xaqsoorka somaliland.
CADAALADDA WAXA KA XOOG ROONAATAY SIYAASADDA IYO QABIILAYSIGA.WAANA LA JIIFIYAANA BABAAN.
QIIQ MA BAXO HADAANU DAB JIRIN.