Wadhaf News-Oct.03, 2012: Madaxweynaha Somalia ee dhawaanta la doortay aadna loogu hanka weynyahay wuxuu weli ku guda jiraa baadi doonkii uu ku soo xulaayay Ra’iisal Wasaaraha Somalia.
Madaxweynuhu oo sharci ahaan haysta 30 maalmood inuu ku soo magacaabo Wasiirka koowaad ayaa laga dhul sugayaa inuu soo qabto nin hogaamiya dawladii badili lahayd tii ku-meel-gaarka ahayd ee wakhtigeedii dhamaaday. Si taasi ugu hirgashana wuxuu yeeshay wadatashi badan oo uu ku raadinaayo ninka ugu haboon jagada Ra’iisal Wasaaraha.
Waxaa hubaal ah in raggaa u tartamayaa jagada Ra’iisal wasaarahu inayna isku karti ahayn, isku cilmi ahayn, daacad wada ahayn kuna kala duwan yihiin mabaa’diida siyaasadeed, edebta siyaasadeed, wadan jacaylka iyo difaaciisa. Madaxweynaha waajibkiisu waa kala hufidda musharaxiinta waxaana u taal inuu kala garto qiimaha iyo kartida nimankaa damacu ka hayo jagada Ra’iisal wasaaraha,
Hawshaa Madaxweynaha hortaalaa waxay na xasuusisay nin fardo dhaariye ahaa oo bilowgii qarnigii sagaal iyo tobnaad faras ku haboon baadi doon tagay mar uu ka bakhtiyay faras Xamar ah oo u lahaa. Ninkaas oo ahaa gabayaa fardo dhaariye ah waxaa la odhan jiray Farax Xasan Cali (Farax Afcad) wuxuu kala sheegay jaadadka fardaha isagoo tilmaamay ama yaqaanay jaad walba wuxuu ku fiican yahay amba ku xun yahay. Faraska dookhiisu raacay wuxuu Farax Afcad ku sheegay gabaygan aad u macaan:
- Ashkir orodkii waa maalintuu oofa weyn yahaye,
- olalaha nin jecelbaan ahee, yuusan ii imanin
- Addin-gab arooryada hore yuu iririfleeyaaye
- uur yacay abaar kama baxee yuusan ii imanin
- Bulaale af adaygaan ku nacay aar ha soo rido e
- Niman urursan buu ku geshaa, yuusan ii imanin
- Ma irdhaysna oo caynab waa faras ogaadeene
- Odeybaa ubbada loo sudhaa, yuusan ii imanin
- Nin ugaadhsadaa Xamarka jecel orod dambeedkiisa
- Ushiyo dhawaaquu sugaa, yuusan ii imanin
- Hadduu oomo goosanka naftay kala aguugaane
- Aroorkii maqnaa kuma simee, yuusan ii imanin
- Aarshiga indhaha diiran lihi waa inkaar qabee
- Ooda iyo qodxaha kama gudee, yuusan ii imanin
- Isha waxaan la raacaa fardaha kii ilwaad badane,
- Afar midable oofta iyo fanka iyo adhaxdu waynaatay
- Oogada madoobow baroor ubaxa yaan dooni
Hadduu Faarax Afcad doonkiisii gabay ku sugaan ku asteeyay, madaxweynaha Xasan Sheekh waxaa laga filayaa inuu sida gabayaagaa u kala shaandheeyo magacda hortaala, dabadeedna iska fogeeyo shaqsiyaadka caado ka dhigtay ku dhaqanka siyaasadihii ina soo maray ee qabyaaladu hagaysay. Hadduu madaxweynuhu si fiican wax u kala hufo waxaa u soo bixi Baroorka aqoonyahanada soomaliyeed oo ah Professor Samatar oo cilmi dhaliye soomaliyeed ah. Shikina kuma jiro inuu yahay kan qudha ee maanta ugu haboon inuu noqdo Wasiirka Kowaad. Madaxweynuhu Xasan Sheekh oo shaqsi aqoonyahan ah waxaa looga fadhiyaa inuu qaado talaabadiisii siyaasadeed ee ugu mihiim sanayd oo ah tan magacaabida Wasiirka Kowaad. Halkaasaana laga qiyaasi karaa awoodiisa hogaameed. Waxaa laga filayaa inuu ku dhiirado inuu magacaabo siyaasi laftiisa ka aqoon badan. Hadduu taas awoodo waa talaabo muujin doonta inuu leeyahay karaamad sare oo dhinaca hogaanimada ah. Waxaa laga sugayaa inuu ku dhiirado inuu ka talaabsado farsamooyinkii hore loogu saaqiday sida kursiga Ra’iisal Wasaaraha iyo wasiirada oo magac qabiil lagu sii dul qoro halkii layska waydiin lahaa ayaa u qalma kursiga.
Hadduu Madaxweynuhu siyaasad ahaan gaadhsiisan yahay halkuu cilmiga fardaha ka taagnaa fardo-dhaariye Farax Xasan Cali (Farax Afcad), wuxuu soo magacaabi doonaa Baroorka aqoonyahanada soomaliyeed oo ah Professor Axmad I. Samatar oo shiki la’aan soo xuli doono dawlad kooban oo ay ku jiraan wasiiro karti iyo aqoon leh oo daadihiya dawla awood u leh inay Somalia ka soo saarta qabriga siyaasada soona celisa sharaftii iyo karaamadii dadka soomaliyeed.
Waxaan ognahay, marka la eego aqoon iyo karti hogaameed, Madaxweynuhu inuu haysto fursad aan weli soo marin madaxweyne soomaliyeed. Fursadaas waxa weeyi isagoo gacanta ku haya magaca shaqsiga ugu aqoon balaadhan khabiirada soomaliyeed. Waa Professor Samatar oo soo hogaamiyay jaamacad ka mid ah kuwan adduunka ugu waaweyn, soo maamulayna raxan aqoonyahanno iyo shaqaale akadamiyeed. Waa aqoonyahanka qudha ee muddo soddon sanno ku dhow cilmi baadhis ku fooraray si uu u fahmo xanuunka Somalia ku habsaday.
Shaqsigaa oo kale madaxweynaha amba dalka helaa wuxuu la mid yahay fardo yaqaan amba fardo dhaariyaha kor ku xusan oo gacanta ku dhigay faraska ugu mudan fardaha oo ah faraska loo yaqaano Baroor. Madaxweyne Xasan Sheekh ma noqon doonaa nin sidii Faarxa Afcad garta Baroorka Somalia maanta u hiilin lahaa? Foolatee, bal aan sugno waxay dhasho.
Categories: Faalada Warka (News Analysis)
Daawo Madaxweynihii Ugu Horreeyay Somaliland: Marxuum Cabdiraxamaan Axmad Cali(AUN) Iyo Shirkii Awdal Ee Xilka Uu Iskaga Wareejiyay 1993
LUGHAYA Yay Ka Ooydaa, Ayayse Ku Ooydaa?: Abaar iyo Amni Darro
Hadday Dhalashadu Dhab Tahay, Ninkii Dhiigloow Dhaqaaq.
Maxay Sideen Doonyaha Reer Saylac Ee Budhacd Badeeda Djibouti Qafaasheen?
Badhasaabka Salal Ayaa Ka Danbeeya Dagaalka Socda, Dawladda Dhexena Way La Ogtahay
Saraakiishii Ugu Sarraysay Samaroon Wakhtigii Taliskii Siyaad Barre Iyo Siday U Arkayeen SNM Iyo Salka Khilaafka Samaroon Iyo Isaaq Iyo Sidoo Kale Saadaasha Mustaqbalka Soomaaliyeed
asc waa run waa rug cadaatun weyn oo soomali naadir ku ah Mr Samatar balse Mr Samatar waxaa u la mid yahay nin salaad wakhtigeedi gaadhin tukanaaya waayo halkuu maanta joogo soomali waxay gaadhi ugu yaraan 40 sanadood ka bacdi amba in ka badan waani siidii cabdilaahi suldaan timacade ka gabyijiray 30 sano ka hor waxaa hada taagan .wali dadkii uu xukumilahaa Mr Samatar ma joogaan dunida soomalihaan ayaan ka wadaa amba maba dhalan wali kkkkkk lakin waa niin khabiir ah oo soomali garan laadahay
HIILDAN SOO GALI
FIDIYOWGA CADCEED KU JIRA EE AADAN SIIRO IYO DHUL BOOBKIISA
SOGALI
geello waakan zero wuu foolanayaa wax guba ayuu u baahan yahay…
prof samater waa ninka ugu haboon in loo magacaabo jagadaa wasiirka koobad ee somalia why hadii uu u magacabo madaxwaynuhu samater taasi waxay cadaynaysaa in wadanka somaliyed la wada leeyahay waxay cadaynaysaa in qabiilada somalia wada dagaa u siman yihiin wadanka ,hadii samater la so magacaabo waxa ku quusan lahaa qabiiilada is bida inay dadka ka badan yihiin xaqna u leeyihiin inay helaan wax aan somalida kale gayin kuna faana inay ka fiican yihiin qabiilada iyaga ka tiro yar inkastoo aan cidina tirin qabiilada somalia daga oo aan la xaqiijin karin sida looo kala badan yahay waxan madaxwaynaha somaliyed kula talin laha inu soo magaacaabo prof samater oo wadanka ka saari lahaa dhibta uu hada ku jir wixii ka dhacayaaba haka dhacee madaxwayne soo magacoow nin u qalbma jagadaa kaaso ah prof axmed ismaciil samater,,guul somaliwayn isha allah
Duqayda Degmada Gabiley oo ku hanjabay inay aanay doorasho ka dhici doonin hadii aan loo yeelin dalbkooda lagunasoo celin dadkii ka barokacay Gabiley.
Xeegonews.com kala soco waxii faahfaahin ah.
Prof Samater shiki kuma jiro inuu yahay shaqsiga ugu aqoonta badan dadka afka soomaliga ku hadla, haday soomali nasiib ledhay ayuunbaa laga dhigi kara Raisal wasaare,
viva Prof Samater.