Tacsi: Abwaan Maxamad Xaashi Dhamac Gaarriye(Allaha U Naxariisto)

Madaxweyne Siilaanyo Oo Bahda Hal-abuurka Iyo Shacabka Reer Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timid Abwaan GaariyeDhambaalka tacsida ah ee Madaxweynuhu diray geeriday Naxdinta leh ee ku tilmi Maraxuum Abwaan Gaariye…..

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tacsi u diray qoyskii , qaraabadii iyo Shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Abwaankii weynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) oo xalay ku geeriyooday Caasimadda Dalka Norwey ee Oslo.

Dhambaalka tacsida ah ee Madaxweynuhu diray geeriday Naxdinta leh ee ku tilmi Maraxuum Abwaan Gaariye, ayaa u dhignayd sidan:- Dhambaalka Tacsida Madaxwaynuhu u diray shacabka Somaliland ayaa u dhignaa sidan “Madaxweynaha JSL, Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) oo Xalay ku geeriyooday Cusbitalku-yaal Magaalada Oslo ee Wadanka Norway oo marxuumku beryahaaba u jiifay Xaalad Caafimaad.

ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ka mid ahaa hal-doorkii hormuudka u ahaa xoraynta dalka iyo baraarujinta ummaddeena, waxa uu ka mid ahaa aqoon yahanadii Qoraalka Afka-somaliga salka u dhigay, ALLE ha u naxariistee MARXUUM, MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARIYE) waxa uu ahaa aqoon yahan hal-abuur ah karti leh aragti horumarsana leh, waxa kale oo uu kaalin mugleh ka soo qaatay dhismaha nabadgelyada, dawladnimada, dimu-quraadiyada Somaliland. MARXMUUKU, waxa uu ahaa halyey qaran oo taariikh ku leh Ummadda Somaliland, qayb libaaxna ka soo qaatay halgankii loo soo galay dib ula soo noqoshadii Somaliland ee ay ku timid in uu dalkani noqdo qaran madaxbanaan.

Madaxwaynuhu waxa uu Marxuumka ILLAAHAY uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Aqoon-yahanada Somaliland, Bahda Tacliinta, Bahda weynta Hal-abuurka Fanka iyo Suugaanta, Bulshada Reer Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo iimaan uu ka siiyo
AAMIIN …………………AAMIIN ….…………. AAMIIN IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

About these ads

Categories: Tacsi(Condolences), Warka (News)

10 replies »

  1. Allaha u naxariisto Abwaan Professor Gaarriye, ehelkiisa iyo qaraabadiisa iyo qooyskiisana Allaha ka siiyo samir iyo Iimaan. Inaa LIlaah wa Inaa Ileyhi Raajicuun.

  2. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka.

  3. nnaa lilaah wa innaa ilayhi raajicuun.
    Marxuum abwaan professor Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) waxaan Eebbe uga beryayaa inuu marxuumka u naxariistu, Janatul Fardawsana ugu deeqo. Qoyskiisii, qaraabadiisii, quruumaha Soomali oo dhan, qaranka Somaliland, bahda hal-abuurka iyo suugaanta inta quruurixisa, iyo inta qar jafsataba iyo bahda qailn maalka intaba samir iyo iimaan ka siiyo. Innagana maalintay teennii noqoto inooga daba naxariisto. Aamiin.

    Innaa lilaah wa innaa ilahay raajicuun.

  4. Wuxu yidhi saaxiibkii:

    “Dhamme Maxamed Xaashow
    Ina Xaashi Dhamacow
    Dhaadmada dareenkiyo
    Dhacdada iyo waayaha
    Ninka ila dhadhamiyow
    Jiilaalku dheeraa
    Dhulka xaabki ka idlaa
    Dhalma deys cirkii noqoy
    Dabka dherigii saarraa
    Dhagxantii bislayn waa
    Inkastoo dhir xoogliyo
    Dhamac yaab leh lagu shiday
    Ma dhadhaab nuglaadoo
    Sida dhaylo suulkiyo
    Lagu goosto dhooshoo
    Hilib laga dhishaa jira.”

    Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyo Abwaanka, Barbaariyaha, Macalinka iyo indheer garadkii waynaa ee Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye..

    Aduunkan dadkii nafta lahaa way ka sii dhamaanayaan laakiin

    “Miyuu geesi hoydaa
    garashadu wed leedahay”

  5. Nin ba wax baa lagu xasuustaa balse inkasta oonan abwaankaa aqoon gaara u lahayn hadana waxan dareemay oo kaliya inuu ahaa shaqsi xigmadii iyo aqoontii ilaah ku manaystay si hagar la aan ah intuu aboodi karayey jilka soo koraya u deeqsiiyey. Ilaah naxariistii jano ha geeyo wuxuuna ahaa nin qaali ah oo qayb ka mida wax barashada somaliland u agoomoobi doonto.

  6. Inaa Lilaah wa inaa Ilayhi Raajucuun.

    Ilaahay ha naxariisto Abwaan Gaariye.

    Wuxu Abwaan ka baxay Bahda Afka Somaliga.
    Sabir iyo Iibaan Ilaahay haka siiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay Abwaan Gaariye.

  7. Allaylehe Qab baa dhacay.
    Allaylahee qar baa dumay.
    Tani waa af kala qaade.

    Allaha u naxariisto marxuum Gaariye samir iyo iimaana allaha kasiiyo qoyskii iyo qaraabadiisii ka hadhay iyo bulshada Somaliyeed ba aad baan uga xumahay ninkan waxuu ahaa suugaan yahan lahaa aqoon xeel dheer iyo falsafad guud.

    Gabayadiisii hadaan wax ka xasuusto waxaa ka mid ahaa anoo kasoo qaadanaya dhawr xaraf gabaykasta oo lahaa.

    Abkuu Doono ha sheegto’e.
    Waxuun baa Ehel ii ah .
    Dad ninkaan af aqaanee.
    Si wax iila arkaayee.
    Ujeedo ayna midayso.

    Gabay kale waxaa ku jirtay oo ka mid ahaa.

    Nin Dawee la leeyahay.
    Xalka doon la leeyahay.
    Dambi uu badh leeyahay.
    Isagay u darantoo .
    Inuu daaro ma ogola.

    Gabay kaluu marxuumku lahaa waxaa ka mid ahaa gabaygan dheer oo uu ka hor akhriyay bulshada rer Somaliland gaar ahaan Isaaqa oo ku jiray colaadii habar habarta waxaana la yidhaa Bulshahay Garaad laay. Waxay ahayd waqti dagaal sokeeye oo xuni ka dhex dhacay.

    Bulshayahay garaadlaay

    Golxobkiyo billaawaha

    Haddaan gacanta lagu hayn

    Wuxuu maanku goyn karo

    Haddaan geeshku ololayn

    Ma xilkeed gabaad tahay?

    Bulshayahay garaadlaay

    Garashada saboolka ah

    Haddaan beelo lagu gubin

    Haddaan gabanno lagu qalin

    Haddaan magacyo loo go’in

    Dheecaanku go’bolayn

    Ama galawgu dhiiloon

    Dulmi la isku garabsiin

    La isu nicin gantaalaha

    Gurmad kaagu reer noqon

    Ma lagaa goblamayaa?

    Haddaan goobta dhimashada

    Curadada la wada geyn

    Haddaan geesi lagu jabo

    Goolaaftan lagu dilin

    Gacal kala irdhoobiyo

    Laba geeriyood dhicin

    Waanwaani guurayn

    Noloshuba ma gaw baa?

    *******************

    Intee baynu balaayo
    Iyo baase u joognay

    Intee baa baqtigeenna

    Bahal uu guranaayey

    Taladeenna baroon iyo

    Intee boobe hagaayey

    Waa sidee badankeenu

    Waa beergooyiyo ciile

    Hadhaageenna badbaadshoo

    Halla baajiyo dhiigga!

    Isu baankii horeeto

    Inta baashe ku mootan

    Boqolaal ku nafwaayey

    Ee bahdoodii tebayso

    Ee halkoodii bannaantay

    Een la buuxin karaynin

    Waa bayaan la hubaaye

    Waa bayaan la hubaaye
    Waa beer-gooyiyo ciile

    Hadhaageenna badbaadshoo

    Halla baajiyo dhiigga.

    Intii baar-cadde wiil ah

    Lagu gooyey billaawe

    Intii baarri la toogtay

    Bilcan weyday ninkeedii

    Baroortii shalaytoole

    Baasii weynu ogeyne

    In ba’ay kale yeedho

    Waa beer-gooyo iyo ciile

    Hadhaaggeenna badbaadshoo

    Halla baajiyo dhiigga.

    Inakoon ka bogsoonin

    Baylahdeennii horeeto

    Inakoon weli baanan

    Boogihii doqoniimo

    In belaayo kaleeto

    La baaqbaaqo haddeerto

    Oo dadka buun lagu yeedhsho

    Waa beer-gooyiyo ciile

    Hadhaageenna badbaadshoo

    Halla baajiyo dhiigga.

    Baaruud daa ololaysiyo

    Bunduq wiil dhaliwaaye

    Ba ba’naan iyo xoogna

    Bogsiin waaye dhibaatoo

    Horaa loogu bog-dooxmee

    Baajintaa ka wanaagsan

    Colaad baaniseheede

    Waa beer-gooyiyo ciile

    Hadhaageenna badbaadhshoo

    Halla baajiyo dhiigga.

    Birta la iska aslaayo

    Boqnaha la iska jaraayo

    Inta biixi jabaysa

    Inta maal burburaysa

    Beled taagan dumaaya

    Naf Illaahay baxaysa

    Rabbigeen ma banayne

    Waa beer-gooyiyo ciile

    Hadhaageenna badbaadshoo

    Halla baajiyo dhiigga

    Inakoo isku beer ah

    Boggeenii isku yaallo

    Boqorkiina rumaysan

    Haddii aan is birayno

    Baguugaa iska yeelno

    Beritaan cadawgeenna

    La iska baacin karayne

    Waa beer-gooyiyo ciile

    Hadhaageenna badbaadsho

    Halla baajiyo dhiigga

    Cabdoow beel negi joogtaa

    Kala soocata baadiyoo

    Waxa baad wada quuta

    Dad badbaado dhex taalloo

    Waxa barwaaqo ku taama

    Baradii samo yaalle

    In loo baaqo xumaanto

    Waa beer-gooyiyo ciile

    Hadhaageenna badbaadshoo

    Halla baajiyo dhiigga

    Bulshayey dhammidaaba

    Waa bayaan nabadeede

    Waa dareen birmadkiiye

    Illaahay ballankiisa

    Illaahay baqdintiisa

    Illaahay baryadiisa

    Ku baqtiiya colaadda

    Waa beer-gooyiyo ciile

    Hadhaaggeenna badbaadshoo

    Halla baajiyo dhiigga.

  8. Ilaahey ha u naxariisto Nin cajiiba oo af Somali Poets,Stories,Proverbs,Heroism,intaba hibo loo siiyey buu ahaa.A Dark Night For Somaliland and Somalia Literature.

  9. Waxaa lagu xasuusan doonaa dhinaca reer Awdal oo ka mid ahaa suugaantiisii marxuumka.

    Ayaan baa iman doonta
    Dadkaa Sool iyo Awdal
    Eed Aadanoow Xaqirteen
    Lagu raadsho ilays
    Oo Idaylkoodba la waayo.

    Allaha u naxariisto Abwaan Prof Maxamed Xashi Dhamac (Gaariye)

  10. INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN

    Allaha u naxariisto abwaankii, macalinkii weynaa Maxamed Xashi Gaariye. Samir iyo immana Allaha ka siiyo gaar ahaan qaraabadiisii iyo guud ahaanba umadda Soomaaliyeed oo tabi doonta kaalintii uu Gaariye ku lahaa Af-ka soomaaliga.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: