By Mohamed Dhiirane
Qarni ka hor dadka maanta idiin hanjabayaa waxay ahaayen Riciyad Ku hoos nool dhulkii lo yaqaanay qarni ka hor Gadabuursi Counrty. Dhulkaas waxa uu ahaa dhulka Saddex Xagalka ah ee u dhaxeeye Harar ilaa Xeebta iyo magaalo madaxda Saylac iyo Berbera ilaa degaanka Hargaysa Galbeedkeeda.
Dadka dhulkas ku noolaa oo ay ku jiran qabiilo aan Xataa Gadabuursi ahayni waxay hoos iman jireen maamulka boqortooyadii laxaadka lahayd ee Gadabuursi.Waxa dadka la siin jiray amaan oo laga difaaci jiray cid kastoo weerar ku soo qaaada.Waxay Beelweynta Gadabuursi la wadagi jiren dhinac xuquuqaha ay leeyihiin oo dhan .Waxa ka mid ahaa sida magaloyinki wakhtigaa jiray sida Saylac iyo Jabouti oo lola dhaqmi jiray sida Gadabuursiga .Marki ay saylac burburtay gaar ahan magalada Jabouti oo ay ku tarmeen Sacad Muse waxa keenay oo Masuul ka ahaa Gadabuursi oo Jabaouti Xukumayey Xaaji Diide 1885 ila 1949 Senator Jamac Saylici iyagoo ku soo gabanayey abti iyo habaryar iyo ilaalinta boqortooyada Gadabuursi ee ay ku hoos noolayeen Qarniyo .Markii qarni ka hor ay jirtay Gadabuursi Country ma jirin Habar Awal Counrty or Isaaq Land sida manta jirta.Dadka idiin hanjabaya waxa ay bixin waxa lo yaqaan MINAAYAHA oo ah Cashuurta Boqorka ama Ugaaska Gadabuursi ku waajibiyey dadka maganta u ah Beesha Gadabuursi iyo ugaaskoodu oo ay ku jiraan kuwa manta idiin hanjabaya.
Haddaba Dhalinta Reer Awdalow in Badan baan Taariikh idinku HABAY aan ka soo gaaray Awowyasheen oo qoraaal ah iyo inkalo badan oo an ka soo Turjumay qoraalo calaaami ah oo ku qoran af qalaad sida Qoraalkan hoos ku qoran.
Ujeedadaydu ma ahayn kaliya inan idin maaweeliyo ,,lakiin waxay ahayd markaaad akhridan qoraladan inad ku hamidaan inad hanataan maqaamkii awooshiin ay taariikda geeska Africa iyo Somalia ka galeen qarniya hore .
Qoraalkan hoos ku qoran waxa uu markale idin Xasuusinyaa Qarni ka hor maqaamka Gadabuursi taagna,, cududa iyo laxaadka iyo talada urursan ee u laha iyo hogaanka midaysan Sida Ugas Nour ugaas Rooble oo wakhtigaa talada hayey 1903.
Qoraalkan Turjumadiisii oo Af Somali ahna waan idiin oo gudbin doonaa ,,waxase loo baahanyahay inad hamidan o aad ku dayataan Awowyaasheen iyo hogankii Gadabuursi ee Qarniyaal badan bulshhdan soo badbaadiyey.
M.Dhiirane mohameddrn@hotmail.com
——————————————————————————————————— Booqashadii Dhulka Gadabuursiga, Ee Gaanshaanle; R.G.Edward Lecs 1903:
Arrin Xiisa Leh Oo Ku Saabsan Booqasho Sargaal Reer Canada Ahi, Ugu Baxay, Qabiil Yaab Leh (Gadabuursi ) Oo Ka Mid Ah Qoomiyadda Somalida .
Bilowgii Octoober 1903, ayay boqortooyada Ingiriisku amar ku soo saartay in socdaalkayagan dhakhso loogu baxo dhinaca xuduudda Abaysiiniya ilaa laga gaadho Jufa-mici dheer, halkaas oo aniga iyo kooxdaba la rabay in aan kula kullanno caaqil ama hoggaamiye dhaqameed, ay qunsulliyaddii Saylac u xilsaartay in uu na soo mariyo dhulka gadabuursiga oo gadhwadeenna noo noqdo. Meeshan oo ku taalla xuduudda u dhexaysa maamullada Ingiriiska iyo Abaysiiniya, qayb ahaanna ka tirsanayd dhulka loo aqoonsan yahay in Abaysiiniya xukunto. Baaq ugaaska naga soo gaadhay oo ahaa in uu soo dhaweynaayo wada hadal, ayaa keenay dareemmo isku dhafan, maxaa yeellay waxa jirtay munaasabad hore oo uu si hagar la’aan ah ugu soo dhaweeyay sahan reer yurub ah, hase yeeshee ku gabagabootay hagardaamooyin dhawr ah. Waxa xog ahaan la noogu sii sheegay in aaanu Ugaasku jeclayn ferenjiga [Ninka cad], sidaas awgeedna waxaan door bidnay inaan iska horreysiinno nin horbaxanyo ah oo la soo xaajooda ugaaskiisa, dabadeedna ka keeno warbixin lagu aammini karo arrintan, waayo waxa noo muuqatay in aan ciidankayagan tirada yari ahayn mid laysku halleyn Karo.
Si dareenkiisa daacadnimo uu noogu muujiyo, ugaasku wuxu soo diray ina-adeerkii si uu gadhwadeen noogu noqdo. Ninkan gadhwadeenka ahaa oo uu la socdo nin kale oo ahaa askari deegaanka ah, kana tirsanaa ciiddanka rakuubka [camel corps] oo Saylac laga soo diray, ayaa noogu wada yimaadeen kaamkii aan degganayn.
Jufa-mici dheer, oo ah buur salaxyo dhagax cas waaweyn leh, oo astaan u ah kala rogga dhirta iyo xooggaga ku gadaaman ee ay ka muuqdaan degello ay ka dhisan yihiin aqal somaliyo sheedda la moodo diiman rarambadha ama gunduda. Duleeddada degelladaa waxa hoganaayay kedimo geellal ah oo ay xerinayeen wiilal ayni iyo ilwaad qurxoon [fine-looking men], iyo adhyo [Ido iyo riyo] tira badan oo ay la joogeen/eegayeen haween ay ka muuqato saameynta cimilo-gooreedu [weather- beaten women]. Subaxnimadii labaad ee safarkayaga, waxan dhex jibaaxnay abqadda geed qodaxeedka dabooshay babacyada biyo-shubka buurta Jufa-mici-dheer. Sidaan wadiiqadayadii kolba dhinac ula leex-leexanaynay keynta dhexdeeda, waxaaban gaadhnay goobtii kaamka loo asteeyey, halkaas oo Annaga iyo Abaysiiniya noo noqotay xuduud. Dhagaxa weyn ee miciga ah, kana taagan figta buurta, korna uga mudhsan ilaa 200 oo fuudh.ayaa loogu magac daray buurta [jufa –mici-dheer].
Markii noogu horreysay bildhaanta buurta Jufa-micidheer, waxan ka soo gudbaynay banka marareed. Baaxaadagga hirarka xarfada isjartay ee tan iyo haydh-haydh aad moodaysay inay soo afjartay hummaagga fongoraha leh ee buurta oo noogu muuqatay sidii wax ay buurtu dhex dekaynayso widhwidhka dhallaan-hababista bixinaysa midabyo iskugu jira casuus, casaan, caddaan iwm.
Araddada bannaan oo dhan waxad kula kulmaysay raxamo biciid, cawl iyo deerooyin ah, oo ugaadhsi aad ugu haboon. Run ahaanttii waxan goobtan u arkay inay ka mid tahay meelaha ugu hodansan ugaadhsiga adduunka; balse waxa aan daah saarnayn, oo markiiba aan diirradda saaray in meeshani aanay barwaaqadan sii ahaan doonin, oo aanay ugaadhsatadu nimcadaa ku sii jiri doonin.
Haddeerto waxan soo galnay dhulka gadabursiga, waxanan soo dhaafnay dhawr beelood oo bulshooyin gadabursi ahi degan yihiin. Dhammaantoodna waxa ku deyrnaa ama ku wareegsanaa dhacammo xoog leh oo lagu ooday tisas tincad ah, oo ahaa Gabbaadyada dagaalyahannada gadabuursiga (halkaas oo dagaalyahannadu foodda ku qaban jireen colaadaha), .Sawirrada waxa ka muuqda dadkii deegaanka ee gadabuursiga ahaa oo ku soo qulqulaya goobtii aan ku ballansanayn. Waxay dhammaantood xidhnaayeen dhar cadcad, waxayna u muuqatay in ay u soo wada labisteen munaasibaddani. Mid kastaa wuxu sitay gaashaan iyo seddex ama afar waran oo haadhaaya, lagana yaxyaxayo muuqaalkooda. Anigoo isla maqan oo aan la shawakhsanaa sawirro aan qaadayey ayuun baan ku soo baraarugay xeradii oo aan gaadhnay, waaba awrtii oo rarkii durba laga furay,wiilal firfircoonina kashaqaynayaan, oo uu hoggaaminaayo Jaamac siciid, gadhwadeenkayagii qaaliga ahaa, oo xeradii kaamka oodaayo, teendhooyinkiina dhidibbada u taagaya.
Fogaan ku siman ilaa nus-mayl dhinac kasta, oo nagu xeeran, geed walba waxa hoos jiifay ama fadhiyay kooxo dadka deegaanka ah, oo laf ahaantoodu ka hadhgalay kulka iyo shaamareerka qorraxda duhurnimo ee duljoogta. Iyadoo wax yari ka hadheen dhammaystirkii kaamka ayuu noo yimid Jaamac Siciid oo nagu wargeliyey in caaqilkii yimid. Caaqilku wuxu u labisnaa si heer sare ah oo qurux badan. Maradiisa, oo ahayd dharka kaliya ee badanaaba ay dadka degaanku korka ka xidhaan, ayaa ahayd mid ballaadhan oo lagu daruuray diillimo casaan ah, kaas oo loo yaqaannay “Heili” oo ka yimid eryga ingiriisiga “highland” oo dhalan rogmay, Maradani ayaa inta korka oo dhan lagu soo wareejay cidhifkiisana si jiilan looga riday garabka bidix.Waxa dhexda ugu xidhnayd kiishad shaash leh iyo bullaawe Turki ah oo lagu bilay macdanta lacagta.
Dawladda oo bilaawahaas ugu keentay inuu noqdo aqoonsi u gaar ah xilka iyo masuuliyadda caaqilka dawladda u hayo. Wuxu gashanaa kabo Jaangari caadiya, oo lagu isticmaalo deegaanka, aadna u qaro weynaa, gafuurka horena kor uga soo laabnaa si ay faraha hore uga ilaaliyaan turaanturada. Madaxa waxba uma saarnayn, timahana wuxu u xiirtay si siman oo gunta ku jaran, waanaa sida aalaaba u xiirtaan ragga muslimiinta ee guursada xaas iyo iyo ka badanba. Caaqilka waxa galbinaayay rag badan, oo intooda badani ahaayeen dhallinyaro. Badidoodu waxay lahaayeen timo dheer oo dhexda ku kala sooran badankooduna ku casaysteen dhoobo cad oo laga helo degaankoodan. Waxa aad qurux isugu soo baxay jidhkooda madow iyo midabka casuusta ah ee timaha ay u sameeyeen. Dagaalyahannada ilaalada caaqilku waxay dhammaantoodba ku hubaysnaayeen gaashaamo, warmo iyo eebooyin. Warmaha iyo eebooyinku waxay isugu jireen kuwa loo adeegsado ganista riddada dheer iyo kuwa riddada gaaban.
Siigada uurada ah ee kor uga gadhoodhay kaynta dhexdeeda ayaan ka qiyaas qaadannay inta ay noo soo jiraan gulufkaa baaxadda lihi, in yar dabadeena waxaba kayntii qodaxlayda ka soo mudh yidhi, dagaalyahanno gadabuursiya oo safaf dhaadheer oo garbo siman ah ugu soo baxay bannaankii. Muuqaalkaasi mid la illaawi karo ma ahayn. Iyadoo gadaashooda aad looga arkayey dhirtii cagaarayd ee ay ka soo dhex baxeen, dagaalyahanku waxay kaynaan dhaqaaq ugu soo socdeen bankii iyagoo kor u taagay warmo bir ah oo walalaclaynaayay. Labiskoodu wuxu u badnaa maryo cadcad, waxayna guntanaayeen Tobsiyo ,gunti xidhkooda laga bildhaansanayay midabbo dhawr ah sida casaan, buluug iyo cagaar oo ay dhexda aad ugu giijisteen, taas oo astaan u ahayd in ay ka qabiil ahaan yihiin rag leh cudud iyo laxaad ay wax ku muquunin karaan, xoogna kaga qaadan karaan magta cid kasta oo dhagar ka gasha.
Raggayagii si dhakhso ah ayay rigo u galeen, iyadoo gaadhkii hubaysnaana lagu amray inay ka foojigaystaan qaab colaadeedkan aloosan, oo cid aan ka ahayn Caaqilkana aysan u ogolaanin gelitaanka xerada..Hoggaamiye Jaamac Siciid, ayaa caaqilka taandhada keenay. Caaqilku wuxu noo salaamay si aan diirranayn, isagoo aniga iyo kooxdaydiiba ka simay gacan qaad deg deg ah, islamarkaana ku dhawaaqaya“Salaam”. Is waraysigayagii waqti dheer ma qaadan, isagoo Turjumaanku nooga afcelinaayona wuxu yidhi, qunsuliyadda Saylac waxay igu soo amartay in aan idin soo mariyo dalka kol haddayna cidina -reer tolkii kacsanayn oo wax dagaal ahi ka oognayn, balse la innooga digaayo ,wixii halis ku iman kara safarkan . Wuxu intaa raaciyay dadka waddankani waxa u farxad ah la kulankiina, iyo inaanay ka cabsiqabin wax dhibaato ah. Ugaaska laftiisii ayaaba innagu soo socda,, oo la filayaa in uu inoo iman doona casarka.
Annaguna waxan u sheegnay in aan ku faraxsannahay la kulankiisa, kadibna waxan su’aalnay ujeeddada dagaal yahannada laxaadkan leh la isugu keenay, Taasna wuxu kaga jawaabay boqorka ayaa amray in damaashaad weyn [a great tomasho] loo soo baxo oo loogu ciyaaro munaasabad lagu maamuusayo soo dhaweyntayada, taas oo haddana ugaasku ka wawar qabay in ay daawashadeedu xiiso noo yeelan weydo. Dabadeetana caaqilkii waxa xilqaaday oo cunto siiyay xubnihii wafdigayaga somalida ahaa, isla markaana ka xogwaraystay wararka guud iyo xuuraanka arrimaha hoos hoose ee deegaanku ka jira, maxaa yeellay aad bay u xiisaynayeen bulshadatan. Hadhimadii duhurnimo dabadeed yar, annagoo fadhina teendhadii dhexdeeda oo aan ku jirnay qorsheyntii hawsha maalinta isku soo baxa, ayaa waxa baqdin weyn na galiyay markaan aragnay tirada ragga hubaysan ee keynta abqada ah soo dhex humbaalaynaya. Markaan u sii kuur galnayna waxaan ogaanay laxaadka iyo tirada xaddhaafka ah ee laysku keenaay, orka iyo bulhanka aan kala go,a lahayn ee iska soo daba dhacaya.
Debaddii aan u soo dareerayba, waxaan arragnay dadkii deegaanka oo markiiba sameeyay ama isu habeeyey laba saf oo dhaadheer, oo ishaysta laga bilaabo afaafka kaamka ilaa gego banaan oo naga durugsanayd cidhifkeeda u shisheeya, gegedaa oo ahayd miidaan ciyaareed dabiici ah oo kaamka agtiisa ku taallay. Intaan qoladayadii xerada joogtay markiiba dib iskugu ururray oo ilaaladayadiina iswada taageen intay qoryaha garabaha wada saarteen ayaa safafkii soo gaadheen ilaa xerada gudaheeda. Waxa ka soo baxay keyntii ka dambaysay cidhifkii u shisheeyey ee safka rag fardoolay ah oo wata sengayaal si bilicsan loo soo shaaximay. Waxa agsocday rag waranlay ah oo lugaynayey aayarna u socda. Waxa hor kacaayay waayeel ruug-caddaadi ah, oo fuushanaa sange mayeedhaan ah. Waxana ku daba jiray cutubyo dagaalyanno ah, kuna labisan huga dagaalka, fardahooguna oradka afar qaadlaynayeen, fardahaasi oo ka baraq naxay sowraxanka iyo qaylada dheer ee dadku ku soo dhaweynayeen boqorkooda sharafta badan. Ninkan waayeelka ahi waa Ugaas Nur, boqorka ama ugaaska Gadabursiga, wuxuna lahaa dhawr magac oo kale, oo aanan haddeerto xasuusnayn,. Markuu Ugaasku ka soo degay faraskiisii, soona dhaafay miidaanka xerada [zareba], ayaa “Askartayadii” (waa sida ay jecelyihiine” oo ka amar qaadanaayay taliyahoogii ayaa rasaas xad dhaaf ah furay, oo kor mariyay ugaaska madaxiisa, si ay u cabsigaliyaan/waxna u tusaan qoomiyaddan adag ee aan la loodin karin, iyogoo weliba annaga laftayadana nooga dhigaya isbaraawixin.
Waxase layaab noqotay, siday ciidankayagii u adeegsanayeen hubka culculus oo haddana haba yaraatee wax khasaare ahi ka soo gaadhin dadkii xoonsanaa. Waayeelkii haybadda badnaa, isagoon sinaba u ilgibidhsan ayuu xaggayagii u soo kacay isagoo dhoola caddeynaayana na salaamay.
Ugaas Nur wuxu ahaa nin ilaa 75 jir ah, inkastoo da’du yara taabatay, wuxu ahaa nin dheer, oo toosan, oo laxaadka qaab dhismeedka jirkiisu isku buuxo/isku dheellitiran yahay. Xataa culayskii muddadii dheerayd ee uu xilka hayay ku soo dhacayey, waxba kama dhimin kartidiisii waxqabad ee hoggaamineed. Muuqaalka qaab dhismeedkiisa waxa aad uga muuqday tafiir/ isir carbeed, iyadoo astaamihii Afrikaanaimada ee in badan oo dadkani ka mid ahaa laga arkayey isaga sidaa ugama ay muuqan, balse raadka hiddaha afrikaanimadiisa waxa lagu garanayey midabkiisa madow kaliya. Wajigiisa waxa si cad looga dheehan karayay qunyar socodnimo, waji-furaan iyo waxgaradnimo, iyadoo qofka weyni dareemi karayay, xariifnimo iyo xeeldheeri ku qarsoon, oo aan aalaaba laga malaysan karin qoomiyadaha aan xaddaariga ahayn.
Labiskiisu wuxu ahaa mid caadiya, oo aan ka soocnayn ka dadka intiisa kaleba xidhnaayeen. In badan oo dadkiisa ka mid ahayd ayaaba ka labis fiicnayd. Inkastoo sideedadaba aanay jirin cid wax dheerayd inta kale. Waxa madaxa ugu duubnaa oo uu xidhnaa go’ cad, oo uu cummaamatay. Waxa kale oo uu ka dul gashanaa jubbad liidad madow oo xariira leh, waxayna u badnayd hadiyad uu ka helay boqortooyada Abaysiiniya. Wuxu gacanta ku sitay shay caadiya, oo aan ahayn gaashaan iyo waran midnaba waayo wakhtigeedii ma joogo oo haddeerto waxa sugidda ammaanka socdaalkiisan u xilsaaran dagaalyahannada reer tolkii ee u daacadda ah. Haddaba markii uu na gacan qaadaayay aad buu u weji furnaa. waxa xaqiiqa ah, in hibada, sharafta iyo deganaashaha ka muuqata dhaqankiisa uu ka dhaxlay awoowyaashii, kuwaas oo facyaal badan boqoro u ahaa waddankan. Waxan qabanqaabinnay in aan yeellano wadahal guud, ka turjumaan ahaan Jaamac baa u inshaaray/tilmaamay ugaaska kursi noo dhexeeyay annaga [jamac iyo sargaalka]
Wadahalkani wuxu u badnaa hadallo afgobaadsiya. Markaanse iskala daalnay weedhihii isbogaadinta iyo afmacaanida ahaa, waxan ku talo bixiyay in Mudanuhu [Ugaaska] safar dheer soo galay oo daal iyo gaajaba qabo. Taas oo noqotay ra’yi ugaasku u riyaaqay oo laga garanayay sida deg dega ah ee uu u dhoola caddeeyay indhahana aad ugu faray dhakhsana u kacay una dhaqaaqay xaggii taandhada gadhwadeenka. Ugaaska waxa lagu sooryeeyay qado heer sare ah, koob shaaha, bariis, timir, hilib idaad iyo kimis, iyadoo lagu dul haasaawey, ka dibna lagu sigareeyay madashii qadada.
Dadka Gadabursiga ahi waa sigaarya cab, balse haddaan si guud uga hadalno, qabiilooyinka beriga iyo koonfurtuba way iska daayeen buuriga iyo khamrada. Dhammaantoodna (gadabuursiga iyo kuwa kaleba) waa muslimiin aad ugu quman diinta islaamka oo ka caagan isticmaalka khamriga. Ugaasku markuu dhammaystay qadadii, ayuu codsaday in la fasaxo, wafdigana isku hadhaan oo is bartaan innamadiisa iyo wiilasha uu adeerka u ahaa.
Mid wiilashiisa ka mid ahi wuxu caan ku ahaa ugaadhsiga libaaxa iyo maroodiga. Dhammaantoodna waxay u muuqdeen rag wanaagsan, bashaashi ah oo leh dabeecado ku soo jiidanaya. Halkii aan ka sii amboqaadi lahayn ambobaxa socdaalkayaga beri subax, ugaaskii ayaa codsaday in aan berritoole sii joogno Jufa-micidheer, si aan goobjoog ugu ahaanno ‘’ciyaar dhaqameed qadiimiya” oo ugaasku ugu talogalay maamuus sharafeed munaasibadda sagootigayaga. Habeenkaas teendhadayadii oo isdhexdaadsan ayaan uga tagnay martigalinta cuqaasha iyo xubnaha boqortooyada. Si la yaab leh oo aan cidina fahmi karin ayay iskugu nidaamsheen qolka yar. Intaanan hurdo tagin ka hor ayaan u galay si aan sigaar uga soo qaato, waxaban arkay iyagoo dhammaantood qolkii yaraa wada kadalooba cidhiidhi awgeed. Faynuus ayaa ka lushay gantada sare ee udub dhexaadka taandhada, laakiin iftiinkiisa waxa hadheeyay qiiqii iyo qaacii buurigii ay cabbayeen oo isku baxay, oo aan ku neef qabatoobayba markaan madaxa la galay.
Waxa muuqaal qosol leh ahaa madaxyada dhukuran ee odoyaasha oo aad moodaysay kubbado madmadow oo ka dhex bildhaamayay iftiin hiimamowsi ah. Boqorku kooxdan ayuu badhtanka ugu jiray, isagoo uu lohlohanayo Jaamac siciid, duplomaasiga gadhwadeenka noo ahaa, ninkaas oo loo xilsaaray in uu soo xaqiijo qaabka mudanuhu [ ugaasku] u rabo in hadiyadaha loo guddoonsiiyo isla markaana qaabka uu ku hammiyayona ula saxal tiro hab labada dhinacba wada raalli galinaysa. Subaxnimadii dambe, markii la qureecdayba, waxa loo diyaargaroobay tumashadii. Kuraastii kaamka waxa la hoos dhigay geedo damallo ah oo dibadda uga yara baxsanaa xerada, halkaas oo muuqaalka gegadu si fiican uga muuqatay. Dad badan oo deegaanka ah ayaa habeennimadii la isugu keenay meeshan oo aad moodaysay in lagu soo daabulay dagaalyanno garbo siman ugu hubaysan warmo.
Markaan u soo dhaqaaqnay xaggii madasha ee kuraastu taallay, waaba garoonkii oo sallaxan ciyaartiina loo soo godeeyay. Ugaaskii, sidii caadada u ahayd, ayuu na soo dhexfadhiistay, dhan walbana waxa naga dul taagnaa raggii-qoryaha ku hubaysnaa oo rasaastuna u wada cabbaysan tahay iyadoo nin askariya si gaara loogu amry in uu si qummaati ah u daba taagnaado boqorka [ ugaaska] si loo tuso dadkiisa in haddii xaggooda wax dhibaato ahi katimaado, boqorkoodu noqon doono ka ugu horreeya ee rasaastu madaxa jari doonto.
Markii kor laga fiiriyo arrimuhu waxay u socdeen si nabad ah, sida kale, qiimayntayada noo gaarka ahayd ee aan ku qiyaasnay dabeecadda dadkani iyo sidii digniinaha la nooga soo siiyay way isku kaaya qaban waayeen, oo waxa noo caddaatay in dadkani laga been sheegay. Hase yeeshee ciidankayagii digniinihii ay qabeen ayey sidoodii ugu hawlgaleen, annaguna waxan u aragnay wax daw ah waanan ku raacnay, anagoon waxba ka dhabqinayn. Qaybtii hore ee ciyaartu waxay ka koobnayd bandhig fardoolaydu samaynayso. FARDAHA Gadabuursiga waa Gamaan Gole Joogsi leh.
Soomaalidu waa fardafuullo heer sare ah, oo xirfad u leh habka heenso-saarka iyo koorayntaba, hannaanka fardafuulista iyo kadegistaba waxay kala mid yihiin Hindida cas cas ee waqooyiga Ameerika. Carabta oo ay isir ahaan ka soo jeedaan waxay kaga duwan yihiin qaabka arxandarrada ah ee ay ula macaamilaan fardaha, mana dareensana dhibaatada uu koorahan saaran iyo hakamahan ku xidhan qawlalka neefkan xoolaha ah u geysanayo. Sidii caadada u ahayd fardafuulka geyigan, bandhigga maalintan waxa lagu dhaqamayey qaabkoodii axmaqnimada lahaa, iyagoo soo safay fardaha meel noo jirta dhawr boqol oo tallaabo, waxay ku soo eryeen orod aan idhanna u dhinnayn, iyagoo jeedalka ula dhacayay si tudhis la,aaneed, oo xaggayaga u soo ganan, ayay na soo kuleen oo aan ku siganay in laysla kaayo dulmaro, ayuun bay haddana mar kaliya tudhsiiyeen xakamihii, fardihiina mar qudha intay labada addin iyo gafuurka hawada ku shareereen oo dib iskugu ciireen ayay jeenyaha ku soo jug siiyeen dhulka, iyagoo gigan oo aanan nuuxsanayn, fadalkay gooyeen iyo uuro ciid wadata intay naga hoos kacday ayay marqudha na qarisay. . Mashaahidiintan sida loola dhaqmayo markaan eegno, fardafuulkani naxariis darro kama ahayn, ee waa aqoon darro aan laba dareensanayn dhibta neefkan loo gaysanayo.
Dadka deegaanku guud ahaan waxay fardaha ku fuulaan cago caddaan. Iyagoo labada suul ee cagaha sudhaya shabakadda birta ah ee ku naban salka hore ee kooraha. Fardaha gadabuursigu waa gammaan golojoogsi leh, mana daliigna sida kuwa carabta, mana dabacufna sida kuwa Abaasiiiniya, waa gammaan aad u qurrux badan, hawl karna ah. Saabaanka faraska ay ku heenseeyaan fardafuuladani waa Koore dhuuban, fudud oo u eeg kuwa culus ee ay isticmaalaan reer galbeedku [ yurub] waxa uu leeyahay laba karkaar/kabaal qabad oo ninku dhexfadhiisto, iskuna dhuujiyo si aanu uga ciir-ciirin/ dheeliyin dhinacyada.
Shawkadda kooruhu guud ahaan waa shay qurqurxin ah oo lagu shaaximo shucubbo xariir leh midabo casaan, cagaar, calan iyo huruudba ah. Shawkadda waxa ku dhejisan birta xun ee faraska lagu qawlallo, una eg nooca Miksikaanka oo kale taasoo marka aad loogu dhuujiyo dhaawacda qawlallada faraska oo mararka qaarkoodna faraska ka keenta in uu dhiig iyo xumbo qawlallada ka shaydhiyo.
Inkasta oo iyagu ay hab ciyaareedka fardaha u arkayeen qaybta ugu heer sarraysay bandhiga, haba yaraatee kama ay muuqan inay dareensan yihiin hadimada ay dhinaca kale u geysanayaan neefka xoolaha ah, balse waxa hubaal ah in arxandarada noocan ahi tahay cuqubo. Seddex jeer ayay kooxdii fardoolayda ahayd isku soo shubeen dhinacayagii, iyagoo aan dan ka lahayn buladka iyo boodhka ay nagu qasayaan. Marwal oo ay na soo gaadhaanba, way joogsanayeen, oo abwaanka weyn ee qabiilka ama qof gadabuursi dhiggiisa ah oo kor fuushanaa faras cad, ayaa gabay soo dhaweyn ah ku luuqaynayay. Kaas oo hooriskiisa dhawr jeer lagu cecelinayey, balse markaan isku soo hoorinno nuxurka gabayga murtidiisu waxay ahayd sidan soo socota: Ugu horreyntii wuxu ka gabyaayay, tallaabooyinka geesinimada ah ee gadabuursiga, dhaqan wanaagga, ka midaysnaanta dulqaadka iyo dabacsanaanta, u horseeday in ay noqdaan dadka ugu fiican adduunka. Dabadeedna wuxu ka hadlay waayo hore oo heerka maanta ay joogaan ka liiteen.
Dhamme Ingiriis ah oo lagu kalsoonaa oo loo soo diray si uu khaladkooda u tuso, ayaa ku isticmaalay inuu ku muquuniyo xoog milatari, isagoo dadkiina ka laayay, geelashii iyo adhyahoodiina ka dhacay..
taas oo ay ahayd in reer yurubka dhammaantood ay u arkayeen daallimiin weerarar ah, si aan kala soocid lahayna u xasuuqeen dadkooda una boobeen xoolahoodii.
Qaylo dhaanta dhiillada, waa geeraar colaadeedka Gadabuursiga eh, waxay ahayd mid dhiif kulul oo aan cadowgoodu marnaba xammili karin.
Markasta oo hadal dheer la soo gunaanadaboba, waxay dadku iyagoo ku celcelinaya dhawr jeer ku dhawaaqayeen erayga ah ‘’moot,moot’’!! oo ahayd eray dhaqameed soo dhaweyn ah, oo isla markaana fardahooga ku rogaal celinaya bartii ay ka soo karaar qaadanayeen haddana mar kale xawaare sare ku soo eryayeen. Mar seddexaadkii intay ka dageen ,oo kooraha ka dhigeen dhammanba fardihii, ayay mar qudha dadkii fagaaraha joogay kala dareereen, meeshay tagayeenna nooma adeen la,ayn, ilaa aan meel fog ka maqalnay bulxaan , gurxan iyo or ay ka dhexyeedhayso jiib macaani, oo marba marka ka dambeysa nagu soo dhawaanaysa iyadoo dananka luuqda hobolka lagu xoojinaayay jiib iyo jaan wada socda, waxa kale oo xusid mudan kooxo hobollo ah ayaa kaga rogayay cod guux iyo reen ,jiib iyo jaan wada socda. Wixiiba waxa isku fuuqsaday samada/cirka buluugga ah ee bilaa saxalka ah. Waxa marqudha dareenkii dadka soo jiitay majaajillada, maaweelada, legdinta iyo qalaama rogodka ay soo bandhigeen dawr shakhsi oo racii ugu soo horreeyey ahaa. Kuwaas oo ahaa horyaalada qoobka-ka-ciyaarka ,ahna hobollada guud ee ciyaar dhaqameedka. Safkii dhammaantii wuxu u soo sinqayay dhankayagii. Si ay haddaba jiibta iyo jaanta iskula helaan, waxay bilaabeen codkii iyo cagtii oo kiciyay uuro boodh ah. Markay nagu soo dhawaadeen hobolladdii waxay xoojiyeen ciyaartii iyagoo si jibbo ah isku ruxaya, dhinacyadana u boodboodaya, isla markaana cod qaylo ah raacinaya ayay hawada isku shareereen, looltan adagina si tudhis la,aan ah uga dhex socday, mararka qaadkoodna warmahooga haadhaya ee halista ah ayeyba nagula soo jeesanayeen. Way gilgilanayeen madaxana wada ruxayeen, iyagoo timahoogii raamaysnaa kolba dhinac uga raxsinaaya indhahooga laga yaxyaxayna waxay ku soo gayaxeen dadkii madasha fadhiyay. Dabadeed,laba ka mid ah ayaa dagaal iskula soo baxay gegedii, midkood baaba intuu golxadkiisii la soo baxay ku weeraray kii kale sidii inuu dilayo oo madaxa ka jarayo ; annigu waaban yaaboo, waxan rumaysan waayey dilse ma dhicin ileen waaba gedooda.
Lasoco qaybta labaad
Avisit to the Gadaboursi Counrty by Major R.G Edwards Lecs in1903.
Anique Somali Order Tribe Gadaboursi
Categories: Faalada Warka (News Analysis)
Daawo Madaxweynihii Ugu Horreeyay Somaliland: Marxuum Cabdiraxamaan Axmad Cali(AUN) Iyo Shirkii Awdal Ee Xilka Uu Iskaga Wareejiyay 1993
LUGHAYA Yay Ka Ooydaa, Ayayse Ku Ooydaa?: Abaar iyo Amni Darro
Hadday Dhalashadu Dhab Tahay, Ninkii Dhiigloow Dhaqaaq.
Maxay Sideen Doonyaha Reer Saylac Ee Budhacd Badeeda Djibouti Qafaasheen?
Badhasaabka Salal Ayaa Ka Danbeeya Dagaalka Socda, Dawladda Dhexena Way La Ogtahay
Saraakiishii Ugu Sarraysay Samaroon Wakhtigii Taliskii Siyaad Barre Iyo Siday U Arkayeen SNM Iyo Salka Khilaafka Samaroon Iyo Isaaq Iyo Sidoo Kale Saadaasha Mustaqbalka Soomaaliyeed
Marka aynu eego dhacdooyinkii dhacay dhowr kii ayaamood ee u danbeeyay ee u dhexeyay beesha sacad muuse iyo Samaroon ee ku salaysan deegaanka lagu muransanyahay waxa ay ka turjumaysaa sida ay dawlada hada dalka ka jirtaa uga gaabisay kala xadaynta goboladii cusbaa ee lagu dhawaaqay dhamaadkii dawladii riyaale. run ahaantii dawlada siilaanyo may keenin isku dhacan dhuleed ee labada beelood ee waxa eedaas iska leh dawladii hore ee Madaxweyne daahir riyaale oo markii ay sameeyeen gobolada cusub afkuun kaga dhawaaqay oo aan deegaan ahaan xuduudo loo kala samayn, laakin waa la odhankaraa dawlada siilaanyo sidoo kale eeda in bay leedahay waayo wixii dawladii hore ka tagtay iyagoo qabyo ah in ay dhamaystirto ayay ahayd. Maanta markaa may timaadeen in Samaroon iyo sacad muuse hanjabaado warbaahinta isu mariyaan. waxa aan kula talinayaa labada beeloodba in ay si hufan oo sharciga ku salaysan qolo walba deegaanka ay deganyihiin loo aqoonsado in ayagu ku badanyihiin. dawladana waa in ay xuduudo u samaysaa gobolada kuwaas oo aan ku salaysnayn qabiilo laakin juquraafi ahaan ama deegaan ahaan. Samaroon waxa aan iyaga kula talin lahaa hadii aad doonaysaan maamul goboleed awdal state la yidhaahdo waa in aydin iska ilowdaan waxaas ayaan ahaan jirnay iyo boqortooyadaas ayaan ahaan jirnay ee ay yidhaahdaan maxaynu maanta nahay? because yesterday is gone you can’t do anything about it therefore you have to ask what you are to day or where you are. look at the Ottoman empire look at the British empire they all been once powerful and ruled the world however to day they rule nothing beyond their shores and their power has significantly weakened by other emerging world powers. So if once samaroon was so great and had powerful king and empire what are they to day?
Coming to others who use articles to preach hate and implant a toxic feeling in the hearts of awdal inhabitant and urging them to fight,ask your self a question am i going to send my children there in Awdal and let them be killed, are you going to go there your self and pick up the gun against those who you consider are the enemies of Awdal people?
sitting behind a computer everyday and shedding some crocodile tears and complaining will not get you anywhere for your cause, go and board the plane land in berbera or hargeisa and go to awdal there pick up the fight and lead by example if you can do that then perhaps you might zip your mouth.
Thanks, Mudane Dhiirane
Ninkii is dhigta yeelkii kolay sidaan arkaayo na jiro Samaroon u diyaar ah difaaca qaranka dhulka hooyo ee Awdal , Haday bari bilaabanto waxaa loo kala bixi sidii aan ogayn nin fataalnimo Hargeiysa u carara oo yidhaa SNM baan ahaan jiray iyo mid dhuunta, Waxaana difaacan doona dhulka Reer Nuur iyo Bahabar Muuse kaliya oo aan maanta isku halayn karaa anuu, Reer Nuur waxuu u jilib dhigi Sacad Muuse,Bahabar Muusena Ciise ayay ayaga iyo waxrahooga ba geed ku laali doonaan dhulka ninkii dhiigiisu u daato ayaa dhefteeda yeelan doona ee socon mayso indho xafajo ah oo lagu daawadaa iyo dhakhtarka oo lagusoo ururo dhaawaca halyayada guusha Samaroon baa leh
Haddaad dhimato geeridu marbay nolosha dhaantaaye
Ooy dheregga iyo kaa yihiin dhaqasho xaaraane
Dhedigaansho waa ceeb inaad dhamagsataa meele
Dhadhan malaha aadmigu wuxu kugu dhalliilaaye
Nin dhirbaaxo quudheed dugsaday dhaqayaded maalye
Dhashaaday sugtaa xaajadaad dhawrataa abide
waxaan ogaaday in meeshan labo arey wax kabadan ay maskax doodu qaadi karin oo ay is masaxayso haday intaa in kabadan ay akhriyaan sobob too ah waxaa maqaalkan looga soo bixin waayay faalo way akhriyi kari waa yeen ilayn waa dad diiqada inkastoo ninkan maqaalka soo qoray uu dheereeyay ahaydna in uu qaybo badan kakala dhigo si ay maskax yartu u fahmaan anigu labo wakhti ayaan kala akhriyay aad baanan uga faa iiday waxaan kacod sanayaa ninkaas soo qoray maqaalkan in uu qaybta danbe ee uu soo wado soo yar yareeyo xataa ninkii hiildan ee kaw ka ahaan jiray comments ka ee qofka ugu horeeya ee qora ahaa ayaanan xataaa akhriyin
samaron ha isla yaabo marka uu leeyahay waxan ahaa boqortooyadii saylac kkkk. sheeko xariiro. adal boqortooyadeedii somli way ku yarayd ddyow carab iyo iskujir kale ayay ahaayeen. meel uu ku ahaa boqortooyo ma jirto. marka laga tago ahmed guray oo lagu muransanyahay cida uu somali ka ahaa.
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkk
sheekadii reer Boorama sowtan hoos u sii degtay ee shalowga ka sii qulqushay intii yarayd een ka maqnaa…ee sii socota inay isku shabahaan madawgii la adoonsan jiray ee Amerika lixdamaadkii qarnigii tagay ka hor.. kkk rag calaacalaya uun hadh iyo habeen… “waanala dilaa”… “waanala
guumaystaa”…” waanala dulmiyaa”… “xaqayagaa la cunaa”.. waanala kaneeyaa. loool
waa dad aan la garanayn maxay doonayaan!!.. iyaga laftooduna aan garanayn waxay rabaan.!!. cidna aan u roonayn.. iskuna roonayn..
Waa dad xiitaa hadii janada la geeyo yuusaya uun…
Aar sidani si maahee ..waxaad yeeshaan.. intaad ka soo baxdaan shalaydan (aan la hubin ee huuhaada u badan) eed ku nooshihiin.. Mid walawba intaad qol isku soo xidho maalin dhan. Isla shawr. Oo isla shir. Oo isla sheekayso.. su’aalaha kugu soo dhacana si geesinimo leh isugu jawaab.. ka dibna isu yimaadaa isna waydaarsada jawaabahaad gaadheen ka dibna intaad iska shabahdaan meel ku qora ka dibna soo bandhiga…
Markaasaad jaah wareerka ka baxaysaan anaguna wax aanu idinkaga talo galno arkaynaa..
hadii kale halkaasuun niicda ka soo gura..
M. Ahmed,
You made good points at the begining of your response but you lost me in the middle and at the end. To say, that the diaspora people are bunch of holigans bent on spreading hate among the homeland inhabitants is little disengenous to say least. Without, the finacial help of the Daispora communities, there wouldn’t be a government in Somaliland or anywhere else in Somalia. A billion dollar is sent to Somalia by the diaspora people every year and it is spent to fund the police, the hospitals, the military, education and so forth. We literally, own the Fiefdoms in somalia and they have no right to tell us us to be quite. What has Somaliland done for Awdal or anywhere else, and please do not say they keep the peace because we pay the peace keeping and without the diaspora money there wouldn’t be a peace to keep. In short, we are the only tax payers and funding source in Somaliland and we have every right to ask for transparency, accountability and equity in service delivery and political dispensation.
Timacade
sxb dee sawdigan caawa soo gaabtay sawniguu kugu ogaa adoo ahmed konfurtaa iskala joogo xagaa baa malaha kuu wacan dee gobal walbaab ka waran haduu yidhaah maxay dawladu noo qabatay baahi.com wax qabadku gobalkuu ka yimaadaa
KKKKK Gabeedi mayee aniga ima qanciso qofka qurbaha joogaa waxba kama odhan karo somalia iyo somaliland, waayo haddii aanay soamli qurbo joog ah oo lacag dirayaa jirin dee cidiba ma noolaateen ee way baabi lahayeen dadkeenii. Waxani waa ” taxation with No representation”, lacag uu keen oo ha hadlin, waa yaab.
Waxan akhriyey buugii uu qoray Richard Burton, waxan akhriyey buuga ninkani soo turjubay, waxan akhriyey buug nin kale qoray oo ka bilawday Berbera Tajourah ilaa hawaash, waxan akhriyey buug isna ka bilawday Berbera ilaa hawdka kismayo agteeda gu danbayntiina xamar soo maray berberana dib ugu soo noqday. Dhamaan buugtaasi waxay ahaayeen dhacdooyin somalida aad u khuseeya oo ka turjumaya waxay safrayaashaasi arkeen waxana la kala qoray, intii u dhaxaysay 1846 ilaa 1903 gii. Dhamaan waxay ka midaysan yihiin ugaas la kulan Tumasho loo sameeyey, ugaas buuri cune ah. Dhamaan waxay ka siman yihiin in ugaaska reerka ay ka hadlayaan somali ugu qurux badan yahay uguna hub badan yahay. Taariikhda dadka inta badan buugtan qoray marka aad dib u eegto, dhamaan waxay ahaayeen beenaalayaal buug dad kale iyo khariirado dad kale soo maan guurshay. Markaa yaan laysku wareerin waxane, wixii aad ka faa iidaysanayso uun kala bax. Waxan aad ugu riyaaqay oo kaliya buug grammar afsomali ah oo la qoray 1900 iyo wixi ka danbeeyey wax yaalaha iga yaabiyeyna waxa ka mid ah, in somaliga oo kaliya aanay somalidu ku hadli jirin balse loo kala saaray, Afsomali, Aftumaal iyo af Midgaan dhamaana inyar ay isa sawaabiyaan balse ay kala duwan yihiin walaw inta badan laga soo maanguurshay buug German ah oo afsomaliga ka hadlaya loona malaynayo in la qoray 1600-1700 aan se heli kariwaayey maadama aanan German waxba ka aqoon.
Horta ninka maqaalka soo qoray muuqiisa iyo caqligiisu isma laha waxanse u bogay qormada xaga hoose uu kusoo lifaaqay oo ah buug gaal qoray oo afsomali qani ah lagu turjumay. Waxaan ka faa.iiday erayo badan oo waa hore iigu danbaysay iyo qaar aanan ilaa hada macnahooda fahamsanyn oo igu cusub.
Taa macnaheedu maaha inaan qisada buuga u bogay ee waxaan u bogay afsomaliga qurxoon ee lagu turjumay. waxaan hubaa in hadii versionka originalka ah ee ingiriisada ku qoran la akhriyo in aanay ku jirin erayo u dhigma kuwan somaliga ah ee lagu turjumay afsomaligu waa qani !.
Hadaan u noqdo mr dhiirane waxaan u arkaa nin weyn oo caqliga digaaga leh qoraalkiisana waxa ka muuqata aqoon daro,cunsurinimo,been iyo faan aan sal iyo raadtoona lahyn. Somalidu waxay ku maahmaahdaa AABAHAY BAA GEEL LEH WAXAA DHAANTA ANA GEEL LEH. gadabuursi hadii shalay raaci loo ahaa iyo haday yagu ahaanyeenba maanta xaaladu tii shalay maaha.
Maanta waa maalin aan nina geel loo raacin dadkuna xoryihiin kii shalay faqiir ahaa taajir yahay kii awooda yaraa quwad leeyahay laguna xisaaabtamo maxaa tahay maxaadse taqaan ? Gadabuursi wuxu maanta yahay uunbuu yahay taariikhduna dib uma socotee horay u socotaa. forget about yesterday maanta maxaa xala ? maxaad rabtaa maxaadse aanad rabin? Whats your target and where is your destiny ? .
Kkkkkk kuluc …….”aabahaybaa geel leh waxa dhaanta anigaa dameera leh”. Mise reer barigu dameera Malaha….very interesting, contrasting geel with geel, eh….
Ilaahayoo anay narso naga dhex ciyin! Ilayn markay qabyaaladi kaa dhex cido, qof narso ka dhex ciday waxaba kama duwanid. Markuu saaxiibkay Dhiirane leeyahay Gadabuursi Land dadkii riciyaddda noo ahaan jiray isle markaana taariiikhda ku suntayo 1903 maxay macno samaynaysaa?
Qof kasta oo caqli lihi wuxuu ogsoonyahay ama garan kara markuu taariikhda dib u raaco in Soomaaloo dhan xiligaa iyo xili ka horeeyayba ay gacan iyo talis guumaysi reer Yurub ku jirtay. Markaa macanaha u akhristeyaasha mudane Maxamed Dhiirane u sheegayaa maxay tahay, ee u leeheeyayahay riciyaddayddii? Dhjammaan guumaystaha reer Yurub ee Ingiriis, Faransiis iyo Talyaanibaa loo ahaa riciyad, Soomaali xor ihina may jirin. Gadabuursina kuwaasuumbuu ka mid ahaa. Waar ayaan taariikhda la kufsanin oon la kur-kuraynin! Kur-kuraynta intiinaan aqoonin, lo’daa waxa jira dibi’ aan aqoonin saca dhinaca looga tago oo madaxuu ka fuula. Lo’ jirku, dibi’gaa waxay ugugu yeedhaan kur -kure. Fal danbiyeedkana waxay yidhaahdaan kur-kurayn! Markaa hadalkii oo kooban waxaan idiin leeyahay taariikhda yaan la kur-kuraynin.
Sixid(correction):
Ilaahayoo anay narso naga dhex ciyin! Ilayn markay qabyaaladi kaa dhex cido, qof narso ka dhex ciday waxaba kama duwanid. Markuu saaxiibkay Dhiirane leeyahay Gadabuursi Land dadkii riciyaddda noo ahaan jiray isle markaana taariiikhda ku suntayo 1903 maxay macno samaynaysaa?
Qof kasta oo caqli lihi wuxuu ogsoonyahay ama garan kara markuu taariikhda dib u raaco in Soomaaloo dhan xiligaa iyo xili ka horeeyayba ay gacan iyo talis guumaysi reer Yurub ku jirtay. Markaa macanaha u akhristeyaasha mudane Maxamed Dhiirane u sheegayaa maxay tahay, ee u leeyahay riciyaddaydii? Dhammaan guumaystayaasha reer Yurub ee ee ay ka midka yihiin Ingiriis, Faransiis iyo Talyaanibaa loo ahaa riciyad, Soomaali xor ihina may jirin. Gadabuursina kuwaasuumbuu ka mid ahaa. Waar ayaan taariikhda la kufsanin oon la kur-kuraynin! Kur-kuraynta intiinaan aqoonin, lo’daa waxa jira dibi’ aan aqoonin saca dhinaca looga tago oo madaxuu ka fuula. Lo’ jirku, dibi’gaa waxay ugugu yeedhaan kur-kure. Fal danbiyeedkana waxay yidhaahdaan kur-kurayn! Markaa hadalkii oo kooban waxaan idiin leeyahay taariikhda yaan la kur-kuraynin.
Fadlan erayada meesha an qabanin ka daaya, waayo waxa is haya waa Sacad Muuse iyo Bahabar Muuse, Sanmaroon ismayaqaano oo waa ka daga dixdii harawa ilaa erer gooto, markaa, nimankan ( Sacad Muuse)way kibreen, kibirkana waa lagu jabaa ee jabkoodiibaa gaadhay ee u daaya b/muuse, reer maxamuud nuurna heegan ha galo.hadii kalebahabar cabdalada degta Gabiilay aanu ku fasaxno.
Waxaan rabaa inaan dhulkayga dhisano oon xor u haano…ileen adiguba waad dhisatee….
maalintii uu Saylici soo kor meerayay dhulka abaarahu ka dhaceen maxaa ka qaylisiiyay siyaasiyiintii reer hargaysa maxay maatana rabaan odeyada reer hargaysa ?
………………………………………………
hanjabaad haba i igu hayee
waxaan la sii yaabanahay
siduu ii kala jabshee
sabaaxada isugu dhigaynooooooooooo
……………………………………………….
go’aan li’idaa cakuye
Lughaya taako igama qaadan doontaan….balada halkaa ka bilaabantana tii muqdisho tu ka daran allaah ha ka dhigo….amiiin
Carraale
Ha gafin sxb taariikhdu maaha kaliya ta uu noo akhriyo Idoor ee ka bilaabanta SNM baa baxday 1983-dii soona gashay 1991 ayaad adba meel kasta ka buuxisay kugulama yaabno waanan eegnaa oon dhaafnaa ilayn nin aan taariikh lahayn bay u tahay taariikhe afka kuma qabano markaad dhiigyacabyo isyaahila in maxkamad la saaro aad na tidhaa waa Mujaahid iyo waa halyay maantana waxaabad bilawday xabaalo qod iyo inaad nasoo xasuusiso dadkii ay gumaadeen SNM dhulkayagana aad si badheedh ah ay u sheegtaan Isaaqa dhidig ee nasoo xiga,Anuu Isaaq kale waxba ka sheegi maayo lkn kan dhidig ee nasoo xiga anagaa iska lahayn oo Dhiirane run buu sheegayaa oo waxay ahayeen riciyad aan amaankooda sugno waxna looma gaysan jirin oo hadii ay badh naga mid ahi yara kululaadan waxay ku jimicsan jireen xagaa iyo Isaaqa bariga ayay xoolahooda soo dhici jireen lkn kuwan nasoo xiga waxba lama waydiin jirin waxayna iska ahaayeen birimagaydo aan laguba xisaabtami jirin in dad ay yihiin iyo in kale oo xoolaha ay soo dhacaan inta naga falaagawdaa way sii dhexmarijreen markay duulimaad tagayaan wayna lasoo dhexmari jireen xolaha Isaaqa bariga lagasoo dhaco.
Hadaba sxb hala yaabin Dhiirane haduu yara dul maro Sooyaalkii reerka yaanay kugu noqon dhamac iyo dhimbiile bal is deji oo aflagaada ka daa waa nin ka dhashay RR oo haduu maanta ku arki lahaa ama aad hortiisa ka tidhaahdidi intaasi kaama dhagaysteen ee wuu ku dheegadayn lahaaye ha moodin Samaroonka badhkii aad feedhahiisa tirsatay .
Waar Samaroonoow talo keena xaalkeenu waa kala daadsanyahay bal aan is yara ururino si aaynaan u noqon dad hadhay is canaanta ama falal xun xun ku kaca marka ay ka badato cadhadu , Samaroonka qaarka kamid ayaan uga baqayaa inay xasuuq u gaystaan dad aan istaahilin bari dhaw oo laayaan riciyada la degan marka ay cadhoodaan ayna sameeyaan sidii Sacad Muuse ay sameeyeen dagaalkii Ceelbardaale markii loo xoog sheegtay ay dariiqa u joogsadeen safarka ayaan ka baqayaa in maanta ay ka dhacdo tiiyoo kale oo koox inaga mid ahi ay xasuuqaan dad aan waxba galabsan .
kolba la yooyootai kari mayno marna Ciise marna Isaaq taladooda meel dhigtay oo midna Ismaaciil Caloolweyne hogaanka u hayo midna Axmed Siilaanyo kala horaayo yaynaan isku halaynin ee aan wax isla meel dhigno oo samysano siyaasad leh waji toosan oo lagula dhaqmo wax magaratadan hareeraha inaga xigta.
Darbi taladu waxay u talaa bahar muuse iyo reer nuur siday dhulkooga u ilaashan lahaayeen…cid kale wax ha waydiin….
Anaga waxaa naga balan ah inaan huwanta aboor ku noqono insha allaah…..
Aar harawa,
wuxuu yidhi fadlan eryada meesha aan qabanin ka dayaa, waa ok oo waa runti hadana wuxuu sii daba dhigay ilaa erer Gooto kkkkkkkkkkkkkkkkk waxaan is waydiiyey toloow ma waxaa jiraa labo erer Gooto sidaa ay u jiraan labo Harawo oo kale?
Bal Aar Harawoow ku soo noqo oo noo sheeg halkay ku taal ERER GOOTO si aan kuula ogaano !!!!!!
waxaan heelayay inn dhuulka laa isku haysto uu dagaanyahay ciise madabe dir ee ragaan isku haystaa waxaan leenahay haa nidewqo dulkiina ee oo bismiilaystaa dawasho wacaan saxiibayal
[youtube http://www.youtube.com/watch?v=cLIeqGDty_o&w=420&h=315%5D
ma inan la yaalka ?
Jabuuti so galaytiga wax lagama waydiiyo talada dalka….way aan inan la yaal wax u waydiinaya sidaan wax yeelaanyo ?
Haboon
Anuu waan ku filanahay Isaaq dhidig ee Sacad Muuse kabahaan la dul marayaa waanan is hubaaye oo rag uunsi shitaa ima hor fadhiisan karaan saacad rasaasta ay ridaan Reer Nuur markay u xiirto geedaha ay dhufayska ka dhigtaan ayay caleemaha kaga daadiyaan BKM sisilad 500 boqol oo xabo ku taxantahay markaan babababbaba aan kaga siiyo ayay fadhaqa tiiriyaan orodkana dariiqay naf moodaan oo ay safarka ku cadho furfuraane aniga dhinacayga lagaagasoo dhic maayo Isaaqa dhidigna igu daa.
Hadii ay Habar Jeclo iyo Arab soo raacaana waxaa i garab jooga Jibraacin oo ah rag dagaal yahano ayaa u qayshan marka la iga bato ee ay soo wayrixiyaan HJ kolay Habar Yoonis iyo Ciidagale soo raaci maayaan Isaaqa dhidige waxaa soo raaci doona waa HJ iyo Arab kuwaana waxaan u haystaa reserv ahaan waxaa tuushka ii fadhiya Jibraacin oo ah reerka kaliya ee aan ku xisaabtamo marka xaalku adkaado ha ii biqin ee aduu waxii Djabouti kasoo talaaba ma iga hubtaa in ay raga B/M cashar u dhigi doonaan….?
Iga walee ninka Ciise ee gardaro noola yimaada uma dul qaadan doono in badan ayaan xeerinay oo aan saamaxnay rag godobo galay oo Zeiylac sheegta madax gobol iyo Mayar,Car waa ninka Ciise ee madaxa dhulka sare uga qaada sanadka way noo tahay,Iska daa in uu qori dhulka sare uga qaado’e haduu bujuu yidhaa waa in xabad la huwiyo ninka Ciise ee hadla sanadka oo sanbabka dibada loogasoo dhigo tarays cas lkn reer baadiyaha Ciise waa in la dhawro si aynaan u galin gabood fal dagaal waayo waa xoola dhaqato ay waalayaan siyaasiyiin xun oo aan ayagu dagaalami karin.
Waxaan ogahay ninka Ciise ee Djabouti ka yimid waa nin siduu jaad u cunaayay uu xar galay waa dad ay daashatay bal wad naag iyo jaad ayaa nafta ka qaaday oo haduu dagaal dhaco Zeiylac dhexdeeda labo sakadood kama wareegi karo way hiin raagayaan oo haduu wax yar ordo isagaaba iska dhiman ayadoon gacan loola tagin markaa waxay doonayaan inay waxa yar ee kaga hadhay dhulka Awdal oo ah dad dhawrsoon oo reer baadiye ah inay dagaal gashaan si loo xasuuqo ilayn kama naxayaanoo waa siyaasiyiin bilaa damiir ah wax doonaaya dhulkeena cid kale maaha
darbi kuwa sakariye soo diri doono intay i soo gaadhinba dhexday ku soo bakhtiyayaan iyagoo sida adhiga isku daba socda illen dad damac waalaan watee…..ha cabsoonin waligaa noqon mayso cayn kale….
Waxay fursad u noqon doonta fidnada huwantu bilowdo dad badan oo aarsi raba sida canfarta….ogaadeenka….oromada…
Anigu inaan ku dhamaado dhulkayga ayaa iga go’aana….kadibna aboor ayaan ku noqon doona insha allaah oo ilaa qiyaamaha waan daba socon….
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
hala xoroobo qokastaba waa in uu qorigiisa diyaarsadaa halbadan iyo alagaado waxba masheegto waa in lakala adkadaaaaaaaaaaaaaa
@timacade
thanks adigaa saxsanbaan filayaa. Xaga dameeraha iyo lo,ada hadaanu reer bari nahay midna ma dhaqano xaqiiqdii dadka inyarbaaba adeegsata dameero. hilib lo.aadna inyarbaa weligood cuntay aniga qurbahaa iigu horaysay hilib lo.aad oo iiba. dameeraha nimanwaalanbaa nagaalooyinka ku shaqaysta miyigana waaba ka ceeb dameero dhaqashadu.
@ caraale
Nin sxbkay ah oo reer galbeeda ayaan ka maqlay kelmad kale oo yaduna lo.ada la xidhiidha oo ah SIILAFUUF. waxaan filayaa inuu igu yidhi marka sacu godlanwaayo ayaa xaga danbe laga afuufaa waxaan odhankaraa ninkan taariikhda ma kurkuraynayee waabu siilafuufayaa kkkkkkkkkkk weligay ismaan odhan kelmadan ayaa one day useful kuu noqon doonta, siilafuuf !!. bal iga saxa hadaan definationka kelmada khalday .
@Kuluc
Kkkkkkkkkkk, wali waan qoslayaa. Fariin ma soo gudbin karo qosol daraadis. Kuluc, you made my day. Kani waaba ….afuufe weyn!
anigu waxaan iswaydiinayaa gaalkaasi beenma sheegina quwadaa iyo dadnimadaa intaa leegayd ee tolkaylahaa goormay durbaba diciiftay? way to la ayeey dab baa danbasdhala
Ali, waxba yaanu dhiigu kugu karin dhulka waanu wada naqaanaa, ee soo biyo dhac.
Aisha
Walaal warbaan kuu ogahaye waxba ha walwalin oo iga daa tola ayayda.
Kuluc,
kkkkkkkkkkkkkkkk wax waalan lol kalmadaa aad isticmaashay malaha waxa loo yiqaan kaliya qalabka taranka ee dhadiga bani aadamka ee ta xayawaanka waxa la yidhaa Sibiil. lol
Sxbkaa wuxuu ahaa (dirty minded) ee waxa la yidhaa Sac Boorin. ku darso erayada soomaaligeed korodhsatay kkkk
Wiil Idoor,
waar halkeed afka dhogor ugu lahayd ood ku maqnayd?
Kuluc anaaba la yaabana wuxuu soo qoray ee bal kan kale Aar Hawaro soo qaatay eeg wuxuu ku soo qoray SOO BIYO DHAC kulahaa waar wuxuu muxuu ahaa kkkkkkkkkkkkkkkkk.
AAr Haworo bal wax isku fal oo intood isla xishoodo bes noo sheeg halkay ku taal Erer Gooto hadaad garanayna dee waa nina ceebti ma daayo uune iska galab caroow.
@isaq boy
Lool sac boorin miyaad utaqaan adigu aar iska daa inaadeer waa mid ayuuba sxbkay oo aan aad mindhaa u reer galbeedaysnayn malaha sac dhaqashaduu ku cusbaa . walaahi hadadaa qosolbay indhuhu I casaadeen war nimanyaw lo.ada dhaqdaa maxaa dhibaato idin haysata kkkkkkkkk. Ar bal tuunbo ku afuufa bahasha.
Kuluc
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk dhibtaasaa wada haysata xoolo dhaqatada soomaalida indr iyo qaar habeeda geela la tacaalabee kkkkkkkkkkkk
Ali
Waan yara mashquulay sxb waan arkay inaad maalmahan danbe hawada isku dubateen rag iyo dumarba reerkaad jaarka ahaydeene loool
Haboon
Ciisaha hadii uu dagaal inaga dhex dhaco oo ay xabadu bilaabanto yaan la dilin toloow ee gacanta halagusoo qabqabto mashruuc ayaa inoo furmay wanaagsan oo aan lacag badan ku helayno. Jeel weyn ayaan ka samaynay Burdi dhawaan oo aan u diyaarinay Ciisaha kasoo talaaba xaduudka Lawyacado oo aan halkaasi ku xidhi doono.
Ina Adeer Zakariye waa oday xunoo siduu Foox u shidanaayay ayuu xanuuno badan qaaday oo indhaha beelay oo qiiqii uu isku uumiyaayay ayaa Alergic ku riday oo dagaalkii Erethrea la gashay Djibouti waxaa la yidhi markuu talaabo qaadoba nakhaskaa ku noqonaayay markaa mid foox shita iyo mid uunsi shita wax ba kama qaadi karaan Awdal haduu xaduudka kasoo talaabo nin Djibouti ka yimid oo askari ah ama xil uun ka haya wadankaasi isaga waxaa u qoran wax aanan hada afka kasoo saari karaynin .
lkn Ciisaha degan Awdal ee reer baadiyaha ah hadii aanu dagaalka ka qayb qaadan amaankiisa waan sugaynaa lkn ka dagaalka lagu qabto isagoo dhaawac ah waan daawaynaynaa waanan xidhaynaa oo madax furasho lacag badan ah ayaan kusii dayn doonaa .
Alla lacagta loo doontay USA iyo Canada Zeiylac bay ka dhaw dahay dhawr boqol oo Mamaasan ah hadii ay gacantayda soo galaan oo aan maxbuus kasta ka qaato min hal milayn oo $ oo madax furasho ah sawta bahashiiba halkaasi kasoo dhawaatay waa in aan Burdi jeel weyn ka samaysto oo aan Ciisaha ku ururiyo ilayn meel ay ii soo mari karaana ma jirtee. Anigu waan soo baxayaa dhawaan oo meel buu $ kiiba kasoo dhawaadaye bal i sug huuno suuq iyo sarif baa inoo bilaabmay dhawaane.
Kalaamu laylka Darbi baan ka helaa iyo hawaawi mirqaankiisa kkkkk waa priceless iyo madadaalo khatar ah. kkkkkkkkk
waar ilayn dad waxba isuma ogola qoraalkii dhiirane cidda ka banaan baxaysaay somaalidu waxa ka gabaydo waa dhacdo xaqiiqa oo diwaan galin looga dhigay suugaan markaa
taariiqda dhiirane qeexay balgarab dhig gabaygii cali bucul farsaskii ku amaanay qaybtiisa dhexe
saylac goodiyadeeda iyo bula xaar gudaheeda
golihii harawaad iyo gurays reeraha yaala
galabuu isku maraaye ma daruur gudgudaa
gasha uu miranaayo gulxan tuugta fogeeya
iyo gooh waynbaa ka baxaayee ma aar goosan wataa
golohuu ku xidhnaa nacab soo gardaraysta
guuto weerar ku qada iyo guhaad
wuuka xijaabtay oo aadbaa loogu gamaaye
ma saydhuuqlaganaa
Kuluc, somali intii kaa dhiman ba waa cilmi kaa maqan. Kulucoow waxan ognahay cilmiyan siiba ka aan hada is bidno inuu yahay midka ugu saxsan in xayawaanka hilib ku nool ka ahi ay ka dugaagsan yahiin ka dhirdaaqa ah. Waxan sidoo kale ognahay dadka hilib ka iyo caanaha oo kaliya quutaa in ay ka aqli yaryahiin dadka caanaha looda iyo dalaga beeraha ka soo baxa quuta. Markaa loo iyo beero lama kala waayo hadii kalmadahii loodu kugu adkaadeena waxan umaleeyaa uun inaad hilib iyo caano ku kor kasoo jeedo. Ku darsoo kalmadu sida laguugu sheegay maaha ee ninka ku baray wuxuu ahaa nin rabay in lagaa ruwaayadaysto. Kalmada waxa la yidhaa Afuuf, Boorta oo ah hab kale oo ka duwana way jirtaa waana farsamooyinka xitaa reer galbeedku u istic maalo looda walaw la casriyeeyey. Hadii aan kuu jilciyo, geela waxa loogu yeedhaa Qalax mise taasna garan maysid ilayn ingiriis dhalaatahaye.
Durkiye, adigu ma moran uun baad farta u taagtaa mise waadigan deegaankii la soohadal qaadayba anaa leh uun la soo boodayee. Meelaha Aar harowo ka hadlay ma maqal maanta ka hor balse waxa isoo jiitay sidaad isku soo tuurtay durba.
Darbi, Mujaahid nimadii iyo Somaliland ma raartaad yar
saartay waa sidee. Dagaal intaanad u kicin, bankii mashruuca wali dhiri kama bixine, farsamo kale wali ma diyaarisay ilayn reerkan shaashada kuu soo galay beebeeyo badan baa gacanta u galaye.
Kuluc, isaaq boy, nimankiina reer bari ee xoolo ka dhigta the only animal who pisses on itself….isku kaadsha….waa geel, Miyaa lo, dhaqasho wax ka sheegi Kara, Tola,ay sacaygiii dhiiinow…….kkkkkkkk
Timacade
kkkkkkkkkkkkkkkkk geela waxa faan ugu filan inuu la qiimo ahaa Doolarka maanta wax lagu kala iibsado.. oo lixdanaadkii ka hor mag iyo marka naagaha la doonayaba Geel baa laga bixin jiray.
waligaa maad maqashay gabadh 100 sac lagu meheriyay? tii dhaadheerayd baa dhici lahayd hadii sidaa gabadh lagu sameeyo iyo xaal GEEL ahaan loo bixiyo kkkkkk
Dabin Qaniin, gabaygaas aad buu u xigmad badan yahay wuxuuna tilmaamaa deegaanadu siday isku badalaan.
U fiirso inyar oo gabaygan ka mida.
Cishiriin cishiir,
cishiiriin yabareeyaad
bankii cawshu degaysay
uga soo cararteene
anaa caano ku siine
waa inoo casarka.
Taasi waxay ku tusaysa in reerka sacad muuse siiba jibriil abokor ahaan jiray dad ilaa oromoda ethiopia xad la leh oo gadabuursi iyo ogaadeen inta u dhaxaysa ku dhaqanaa balse baxsigii ay yabaree ka soo qaaxeen ayay xadka kaga soo talaabeen oo intii yarayd ee xareed iyo dadal xoolaha ku eeganayey ku soo cidhiidhyeen maantana waakaas ragii wakhtiga abaaruhu ku kalifaan inay soo qululan bada u dhaaran jiray maanta leh anakaa loo ciisaan jaar ahaan jirnay. Waa caadi in khariiradu is badasho balse waxa fiican uun in dadku horow mar raadsado oo si aqli ah wax layskugu sheego. Anuu marlay ma aamin sani in dagaal iyo colaad sokeeye dib loogu noqdo hadii aad fursad taas ka fiican raadsan karto maantana caaradaan haynaa waxayse u sahlan tahay inay siibato. Kaftanku waa halkiisa ee yaanu fadhi ku dirir nimada muxubo dagaal inoo raacin.
Timacadde,
mayaa annu muran faraha uma taagin ee waxaan arkay Aar harawa oo meel Erer Goota la yidhaahdo sheegay anaa waxaan warsaday halkay ku taal bal si aa u ogaado in ay jirto labo erer Goota iyo in kale waayo waxaad ogtahay in ay jiraan labo magaalo oo wadaaga magaca Harawo oo ciise iyo gedabuursi kala degaan marka in wax la kala faaiddaysto uunbaan ka waday hadday tahayse magaca magaalada ARTA wuxuu ahaa odey gedabuursi dee iska wata waxaad ka heshaana ha nii macaanaato.
Isaq boy, miyaanad maqal in ay jiraan qabiil gabdhahooda hadii geel laga bixiyo ay geeriyi u dhaanto. Xero ha isku xidhin umadi kala dhaqan iyo diinba duwane. Geelu wuxu ku kooban yahay inyar qaaradaha aduunka looduna waa international. La soco, horowmarka aduunka waxa hooyo u ah loo iyo beer.
Marunbaa
loooooool
Ooooolakh …. Geela ilaa quraankaa lagu amaanay sxb, waxba haku meeraysan lo’ ay gaalo dhaqato lol.. miyaanad maqal “yaa Gaalo geel baray…” lol
iyo
Adhi waa dhallaan iyo haween dhimaradiisiiye
Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa dhuubka karameede
Dhaqaalaha haweenkiyo guryaha siima dhaafsana’e
Lo’da dhiiqda laga maalayiyo dhayda iyo xoorku
Dhudhunkay biyaha kula jirtiyo dhabarka weeyaane
Mar hadday abaaruhu dhacaan dhimatay geesleeye
Ragga laxaha sii dhawrayow dhaqasho waa geele
Dhibaatiyo adoo gaajo qaba dhaxanta jiilaalka
Dhoor caano laga soo lisoo yara dhanaanaaday
Nin dhadhamiyey wuu garanayaa dhul ay qaboojaane
Goortaad dhantaa baa jidhkaba dhididku qooyaaye
Ragga laxaha sii dhawrayoow dhaqasho waa geele
Maanad sidoo kale maqal:
Aarankii dhididay, asxaabihiiba waa ku intifaacsadeene
Aakhiro nimaan GEEL lahayn lama amaanayne Astaaqfurulaah
Inagu soomaali baynu nahoo taariikhdeena nimaan GEEL lahayn GUUR ma naawili jirin… reer aan GEEL lahayna magta way la rafan jireen.. CAYDH na waa lagu tilmaami jiray.. fahanoo kkkkkk
@ma-runbaa
waxaan filayaa qalax maahee waa QALLAX laamka inaga shad, waan maqlay oo iguma cusba maqalka eraygu inkastoonan arag habka loo isticmaalo geel dhalayaa xitaa waa ii hadhay waxaan filayaa inaan anoo weyn arki doono hal dhalaysa oo maahmaahdii reer xamarku igu waajibto kkkkkkkkkkkkkk .
dhanka kale hilib iyo caano waa stable foodka reer bariga inkastood harakoogii na barteen kkkkkkkk halkii xasiida saladhka iyo waxaasna JAADKA ayaanu ku buuxinay taaso naga dhigaysa completely omnivore. markaas hadii nin reer bariyi anney ama caqaar jaadda cuno qudrad iyo dalag kale toona uma baahna intaasaa maskaxdiisa ciyaarsiinaysa, muhiimadu waa inaan sida yemanta bahalka loo cunin TOO MUCH OF ANY THING MAKE YOU SICK (waa waxa derbi waalay )kkkkk. waxaan hubaa in hadii cilmi baadhis kasta la sameeyo aanu ku baasayno level wanaagsan oo xaga caqliga iyo fekerka ah.
isaq boy, mahad sanid oday idhinac fadhiyaana wuxu leeyahay, duqaasi ardaydii somaliya haduu gabaygaa bii xasuusan yahay. Sidaan sheegay nin iyo wixii u dhaqana uunbuu tix galiyaa somali badan oo geela looda ka jecelna way jirtaa. Anaku dad kaan ka soo tafiiranayna waxa jiray wakhti geela xitaa in la taabtaa xaaraan ahayd iska daa dhaqashee
Balse kan adhiya ee somali ku tiirsan tahay balse aan abaalba loo hayn waxan odhan lahaa waa in isna gabay fiican loo sameeyaa.
Kuluc, looool, haldhalaysaa waa just like women without the nurses around I guess.
Marunbaa
Sxb Somalilandimada dadkii aan ku heshiinay sawkuwaa aarankoodii iyo Salaadiintoodii durdurinaaya dee ana waan fintiri markaa oo waxaan doono ayaan ku hadli .
Kuwaas oo ay ka midyihiin Sacad Muuse oo yidhi Lughaya anaa leh iyo raga Ciise ee dibira dhacsiga Djibouti kala yimid oo dhamaantood ku heshiiyay dhulka Samaroon oo ah gobolka ugu yar Somalia dhamaanteed hadana ugu qanisan ayaa loosoo dhigtay maanta oo Ceelgaal intooy ku shireen Ciise yidhi Zeiylac dhamaan xilibaanadu waa Ciise waad arkaysaa markaa beebeega aad sheegayso hasoo daayeen bankana anaa leh intoon Beebeega madaxa ka fuulo ayaan kaligay lagdayaa kama cabsi qabo.
Beebeegii horeba waan qarxinay Dirawalkii xumaa ee wadi jiray ee la odhan jiray ‘Guudo’ isna waa kii faataxada akhristay dagaaladii banka Wajaale ka dhici jiray markaa wax ba aniga ha igu jabsan Beebee iyo kaaray haystaan sxb niyada qofka xornimo u dirirka ah ayaa ka adag awalba reero dagaal hadaad ahayd wax kasta oo la keeno waad u babac dhigi kartaa ee taa kaga cabsii reer Borama.
Marunbaa..
Adaa mudan sxb.
kkkkkkkkkkkkkk Adhigaa la dulmay waa in la amaanaa waa runtaaye. lol
Darbi, tirtir siin uunbay iga tahay iyo bal in aanad banaanka bahalkaas ugu bixin adoon u hubsidan. Adiguse qolo kasta miyaad la weerar tagtaa. Odayaasha hadlay waxan kuu sheegay inay ka sii faa iidaysanayeen intii suldaankii Sacadmuuse jigjiga lagu hayay kuwoodii aqliga lahaana waa kuwii sida fiican u hadlay balse wali aan ka dhul sugno wuxuu siilaanyo la soo shir tago maal maha soo socda. Odaygaa isba dada jooga waxan u maleeyaa meeshii uu dhaka faarka ka qaadayey waa damaca Abtiyo sacadmuuse oo uu iska fahmi waayo. Waxanse jeclahay in aan sida reer kalshaale xal ka gaadhi doono oo abtiyo madax fudaydka ka joogsado kadibna gacanta lays qabsadoo aduunkan xawaaraha ku socda laga faa iidaysto. Mark my words Darbi, this is going to be deadly conflict if things are not sorted out fairly.
Abaqaalka dagaalku waa faqriga, fariguna degaankaas aad buu ugu badan yahay hada. Ilaah ha inoo sahlo.
Aad baan uga xumahay in aan caruur u jawaabo, aan af garanayn, adeer biyo dhac ceeb maaha cayna maaha, hadaad cay u badheedhay kula caytami maayo ee soo baro afsoomaaliga, hada dad badan oo reerihiina ahi waa barteen afka soomaliga eh.
Arrinka ay Oday Suldaanada Sacad muuse ka dhawaajiyeen maaha mid ku kooban Sacad muuse iyo sida loo dhigayo.
Suldaamada Maxamed Case ee ka jaabayna way qaldanaayeen.
Waxay ahayd inuu jawaabta bixiyo Badhasaabka Gobola Awdal,Mr Sidci oo ahaa shaqsiga ay saaran tahay Masuulida Gobolka Awdal.
Sabobtoo ah.Arinku maaha Beer,Ceelbiyood,iyo wax kale oo ay 2 Reer Isku hayaan e waxa laga dhawaajay Dhul ka tirsan Gobolka Awdal oo la raacinayo Gobolka Waqooyi Galbeed ee Hargeisa.
Hadalka loo soo dhiibay Sudaanada waa mid U jeedooyin kala duwan huwan.
1) inay cay raaciyaan hadalkooda si aan loo fahmin u jeedada oo Suldaamo qaldan loogu fahmo.
2) In arinka laga dhigo wax u dhexeeya Sacad muuse iyo Bahabar Muse.ama dhul laba Reer isku haystaan.
Taasina way ku guulaysteen oo muranka abuurmay ayaa durba maraya inay Samaroon u arkaan Sacad muuse iyo Maxamed Case dhul isku haya,laakiin Samaroon may garan waxa uu huwan yahay dhawaaqan iftiiminaya u jeedad dheer ee aanay fahmayn dadka meesha dhow wax eegaa.
Arinku maaha dhul ay rabaan Sacad mmuse e waa dhul Awdal ka tirsan oo la raacinayo gobolka Hargisa,kaasi oo qorshihisa ay ogaayeen dadka aqliga saaxiibka la ah ee ay aragtidoodu dheeratay.Si loo qaato degaan xeebta Awdal waxa loo samaystay Ciidan aad u badan oo lagu sheego Cidanka Somaliland.Sarrkiisha Ciidan Somaliland iyo kuwa Taknikaga saaran,Hubka iyo saanada Ciidanka Somaliland ayaa %70 ka kaaban Beesha Sacad muse.
U jeedada loo samaystay ayaa ah in Xeebaha Awdal xoog iyo xelad isbarkan lagu qaato,ilaa Boramana cagta la mariyo.
Ninka aan la socon sheekada iyo Qorshayaasha la soo dhigay 10kii sanadood ee ina soo dhaafay,waa mid aan habeen jirin inuu iska aamusaana ay u habobtahay.
Bal eeg sida arinka loo dhigay Sacad muuse ee loo aamusiyay Badhasaanka Awdal ee aanu iga hadal kii Woqooyi Galbeed.
Ka Hargisa sheedaka wuxu kawadaa daaha dabdiisa,laakin Awdal
hays caslio meeshana ha dhaafo.
Mar hadii aanu ogaynba Meesha ay marto xaduudka Awdal ay la leedahay Waqooyi qalbeed,oo ka aamusay sheegashada qayto dhul hoos yimaad isaga ee la raacinayo Hargisa – ama uba garan waayay waxa ay tahay shaqadiisu hayskaga tago meesha.
Kuwa sheegta siyaasi;iinta Reer Awdal ee meelaha ka qawlaystaana way ka aamuseen arinka.Xataa Qurba joogta
Beesha Samaron ayaan fahmin arinka meesha ka socda,kaasi ay u arkeen sidii loo tusay.
Maxaa inala gudboon?
Waxa inala guudboon inaan la yeelin in taako kamid ah dhulka Awdal aan la raacin Marodi jeex.
In la iibsado Hub iyo saanad wax laykaga cesho hadii u arinku faraha ka baxo.
Hubku wuu iska ooli hadii ay nabadu guulaysato,hadiise uu amaanku fara ka baxo,waa inuu jiraa wax ku diyaarsan oo ad soo qaadataa.
Wali Ashma
Adiguna dad is dhiibay ayad masuuliyad iyo inay hadlaan aad ka sugaysaa ninkan badhasaabka gobolka Awdal waa nin la naageeyay oo u xishoonaaya sida gashaantida markuu Sacad Muuse horfadhiisto wuxuu u haystaa inuu ilaahii abuurtay horfadhiyo maba oga waxan masuuliyadan iyo gudoomiye ee waxuu is moodayaa adoon uu iska leeyahay Siillaanyo.
Sidaasi ayaynay u badanyihiin reer Borama oo Sacad Muuse way ka burjiweynyihiin reer Borama ayakana waxaa ka burjiweyn reer Dila oo nin reer nuur bari ah haduu soo horjoogsado nin Sacsac Muuse ah walaahi ninka Sacsac Muuse wuu dhididaa oo wuu isku dardarsamaa wuu dhaqaaqaa oo socodkaa ka xumaada markaa.
Waad qaldantahay sxb arinku sida aad mooday maaha hawsha dhulboobka ee ku wajahan Awdal in lagu daro Hargeiysa maaha mid uu ka jawaabaayo Mudane Sidci, Hawl isaga u taalana Maaha, Sidoo kale hawl u taala Bahar Muuse iyo Maxad Case toona maaha anaa kuu sheegi hawshaasi cida ka jawaabaysa iyo cida lagala xisaabtamaayo Lughaya.
Yaan la isku tuurturin dhulka iyo difaaciisa,dhulka waxaa ka masuula ninkasta oo u dhashay oo wax ka cunay cabay cuntadiisa iyo biyahiisa, Walaahi ninkasta waxaa qabandoona Oxygen-kii aad ka qaadatay markaad kasoo baxday uurkii hooyo oo ilaahay baa ku casili hadaad cid kale ku riixdo oo aad is dhaafiso masuuliyada kaa saaran.
Anaa kaligay ku filan Sacad Muuse iyo budhcad kasta oo ka timaada dhinaca bariga Awdal,Waxaad kala xisaabtamaysaa difaaca dhulka hooyo Darbisamaroon iyo tolkii hadii la difaacan waayo kaliya aniga i dal dala Samaroonoow hadii dhulkaasi caleyk caleyk iyo tuug calooshooda u shaqaystayaal ahi isku dayaan inay si dhibyar ku qaata is yidhaahdaan anaa u quusgoynaaya.
Dhinaca galbeedka iyo xaduudka Djibouti cabsi sidaas ahi igama hayso sababtoo ah Ciise haduu is dhaqaajiyo luuq yar buu inoogu jiraaye wax dhib ahi oo sidaa u buuran iyo warwar igu ay igu hayaan ma jirto oo kooga reer Djibouti ah ee xaduudka kasoo talaaba ha dilina toloow hore ayaan iniigu sheegay inaad soo qabataan oo aad xagaa iyo Burdi iskusoo dhaafisaan ayaga madax furasho ayaan ka qaadan doonaa ninkasta oo aan u dhalan Awdal oo Ciise ah soona kam’a hawshiisa meel ayaan isla dhignay ayaan u malay.
Taallo fiican Anaa Zeiylac uga samaydoona aderkeen Roble Afdeeb allaha u naxariistee maanta Jano ayuu ku jiraa maadaaba uu difaacay dhulkan sababtiisana aan u jirno inagu lkn reer Awdal waxay u haytsaan ninka wax dila ee dhulkiisa difaaca inuu naarta galaayo waa been anaa idiinku sheekha arintaasi ninka wax dila ama u shahiisa difaaca dhulkiisa jano ayuu galayaa waxaase cadaabta galaaya ka baqa ee arkaaya dhulkiisa oo la qadanayo ee baqa kaa weeyaan ehlu naarku.
Naar Afuuf miidhan baa meeshan jooga hadhowna aan waxba ka qaban karin hadii dhibaato dhacdo runtii in lakala duwanaado oo dadka kala aragti noqdaa maaha wax wayn oo waa iska abuurta bani adamka lakiin marka qof aan taariikhda iyo nolosha maanta la haysto wixii loo soo maray garanayn inoo sidaas jahligaa ee xaafada ku buuxda u waramaa waa wax aad looga xumaado Somaliland dadka degan ama Samaroon ha ahaaden ama Sacad muse dhamantood waxay dani ugu jirtaa Nabadgalyada iyo in dadka nolol loo raadiyo oo laga fakiro horumarkooda, lakiin intaynu Energy ku bixinayno inaynu sidan uun dadka walalahaa isugu dirno geedkaa gaadhi mayno
Wali ashma waa sidaad u sheegtay waa run sheekadani salaadiin way ka wayn tahay gobal qayb laga gooyo oo gobal kale lagudaro waa arin siyaasadaysan waxa weeyi kuqabso ku qadi mayside hadhowna markay ugu yartahay waxaa la odhan halakala qaybiyo oo qaybna hargeysa hala raacsho qaybna boorama waad arki doontiin sheekadan la iska soo hormarshay horta waa ogolaysiin in lagu ogolaysiiyo in dhukan la isku haysto oo muranka taagan yahay.
darbi rooble afdeeb raga jibriilyoonis eed xaqirto ayuu ka dhashay hadana iyakaa ini xoraynaaya waana kaydka iniiyaala ee markay sheekadu dhanaanaato lagu boqondoono sanadkanse iyakaaba inii bilaabaaya waanay ini xoraynayaan marlabaad.
Darbi cid is dhiibtay ma jirin ee mashruuca lughaya lagu kala qaybinaayay reer borame ayaaba horboodaayay sacad muuse iyo mamaasanka…kuwa duli ah oo BM xaqa qaxwahooga ayaa la siin jiray ee dadka cabsi baa haysay oo may hadli karayn riyaale ayaa ku lahaa kursiga inoogu eegayaa….
reer nuurku miyay is dhiibeen markii la gawracaayay….sow aamusa lama lahayn….
Gadabuursigu runta ma ogola…
anigu waxaan odhan lahaa waar nimanka ayay qusayso dhulkan xeebaha…. iyagu ha ku dhamaadaan oo ha ku dhintaan…markay idinka xoog bataan ha qataan huwantu ee sida yuhuuda u fikiraysa….
Xeebta awdal oo dhan yaanay si fudud uugu gacan galin reerahan huwanta ah taas iga talo ah…..
Wali asma…..dee hadda ayaad i fahantahay waxaan uga jeeday gadbuursi siyaasiyiin madax banaan mala. Waa runtaa oo waxay ahayd guoomiyaha gobolka awdal inuu ka jawaabo. Lakiin dee gudoomiyaha gobolka awdal waa security guard ay misharkiisa bixiso dawlada dhexe. Maba aha wax jira ee waa shaqaale, dee shaqaalena cidii musharka siisa ayaa xukunta.
Arrintan dhulka la xadaynayo siyaasad weyn baa ku hagooga, mana aha arrin ay odayo ka jawaabaan ee waxay u baahantahay talo midaysan.
Anigu waxan haysan jiray oo aan xasuus usoo qaatat koofiyad somalia borama lagu sameeyey oo ay gadabursi sameeyeey lagu xardhay, lughaya, gobolka saaxil. Oo markii aan dadkii waraystay la igu yidhi, wadan kaliya ayaan nahay ee waxba kuma jabna. Waxba daahir rayaale yaanan lagu boodin, arrintani waa intii aanu xukunka iman.
Markaa talo xumo ayaa samaroon baabinaysa. Maanta anigu waxan ku qanacsanahay in nimankan isaaq ee inala dega lala xisaabtamo, lakiin dee marka hore waa inaan dad tayo leh oo leadership ah oo madax banaan.
Aisha……sheekadaadu ha dhaafto JY, inadeer. Kuwa hadda qadiyada gadabursi masaxaya lalama xisaabtami karo, haddii aan la aqoonsan kuwii hore qadiyaadaa wax u yeelay.
Waagi gaalada la iska xoreynaayay marka uu qaar dilo ama uu xidho waxaa soo bixi jiray qaar kale oo hadla halganka sii wada…waxaa iga yaabiyay inta qaladka ku jirtay maahe inta kale maxaa aamusiyay….? Ma qof kaliya oo damiir leh ayaa la iska dhex waayay….ileen meesha gaal ma jooge nin sidiina oo somali ah oo isaguba dulmi diiday buu ahaaye ?
Dad duli ah ayaad tihin gabiguunaba…
War meeshan intaas waxbaan ka bartaa awal xeebta la sheegayo saylacbaan moodaye ma lughaya ? lughaya magaceedaba waxa iigu horaysay mar ciisuhu maamul goboleed saylac and lughaya la baxeen meesha miyaan markass ciise lahayn ?
su.aashoo kooban lughaya hargeisa gebilay iyo dilla midkay u dhowday ? ciise isaaq iyo gadbuuri miyey wada degaan meesha haday wada degaana yaa u badan ? waxa la isku hayaa ma dhulka laftiisa cida lehbaa mise gobolka maamul la hoosgeynayo ayaa laysku hayaa ?
Bal midkiinaw fadlan si dhexdhexaada iigu jilci si aan u fahmo waxa meesha ka socda.
intii nin ee gadabuursi ee dhigooga u huray dalal la xoreeyo sida somaliya iyo jabuuti haday garan lahaayeen inay dadkoodu sidan ku danbayn doonaan hal maalin gaalkii dhagax kumay tureen….
halkan dad waalan ayaa soo galee orod kuwa miyirka qaba u tag ee hargaysa jooga….
Timace
Imika ayaan isfahanay.Waa in aan helaa dad indheer garad ah oo hogaamiya Hogaanka Samaroon ee Siyaasada.
Dadka qaar ayaa diida AwdalSate,anuu laakiin waaa tageeraa,waxayna iigu muuqdaan dad u madaxbanaan Siyaasad ay Soamroon leeyihiin.
“Qofka aar riyoonin(Himilo) wuxu fuliyaa riyo qof kale”.
Macnaha aayaa ah qofka Samaroon ee taageersan mSomaliland waa qof fulinaya Riyo ay Isaaq ku soo riyoodeen oo ah Somaliland.
Hayska ahaato Riyo aan suuro galayn,laakiin riyadoodii ayay fuliyeen -waana riyo ay Issaaq leeyihiin.Kuwa kan Samaron ee la socdaaana waxay fulinayaan taasi.
Markaa inta aan rioyo Isaaq fulinayo waxan doorbiday inaan fuliyo Riyo Samaroonaysan,oo barakaysan.
2+2=4,hadaad waxa kale aaminsantahay waa adiga iyo yeelkaa,laakiin Somaliland waa Isaaq waxana lagu fuliyaaa danaha Isaaqa.Somaliland ayaan Isaaq la leehay,waa adoo yidhaa,2+2=5 ama =7,=9.Sidaa uunbaad qalad ugu jiri hadii aad beeen isku sheegto,iyo hadii aanad garanayn,jawaabta saxda
ah.oo aad moran ka keeeno -2+2=4
timacade sidaa dhulka uma sii aalo xaga dhan u xaglinta umalaynmaayo inaan adiga kaaga dheereeyo lakiin waad dahaadha halka an anigu shaaca ka qaado waxaanse arkayaa inaad bullying xoogle nagu haysiin.. hada imika samaroon wuu cabanayaa.
hadaan soo gurmado oon galabta nii imaad
idinba guudkeeno inta harawo gaadhfadida
armaabad i gawracdiin intaanan gaadhin cadawga kale
gogobi baa timidayeey gabi ku qaylisiin
waxay u goleeyihiin somaliland inay gubaan
goortu waa goortaydii gelinkani anaa iska leh
waxay lasoo guureen inay dhiisha iga gambiyo
rayaalaan joogin galabtay lasoogaleen
isaaqa anaa lagala Ciise garab fadhiy
maxay gogobidu dhukeenii usoo galeen
godkaan galo iyo dhifayskaba armaad gubtaan?
Faysal Cali Waraabe waraysigan uu bixiyay ee Dahir Calasow ma kamarad qarsoon baa laga duubay mise wuu ugu talo galay sidan uu hadlaayo…..?
kkkkkkkkkkk thanks Aisha, waad iga raysay……..Lakiin gogobidu maxay tahay………
Kuluc
Google Earth ayaad ka arki kartaa dhamaan Juqraafiga aduunka magaalo kasta dariiq kasta iyo Tuuulo kasta, isticmaal halkaasi ayaad ka arki Lugaha Zeiylac iyo labada Jaziiradood ee aan isku haysano Sacad Muuse iyo Mamaasan mise wali Budhkii iyo Tooridii ayaad sidataa …?
Dhulkaaga Qorulud iyo Kalshaale an ba ma aqoon ee waxaan ku bartay colaada Habar Jeclo Vs Dhulbahante Google Earth ayaan dhulkasi oo dhan ku daawaday,Markay naga dhex dhaco anaga iyo damaaciyiintuba qasaba waad ku baran.
Faysal Cali Waraabe wuu iska celiyay Dahir Calasow si cilmiyaysana wuu ugu jawaabay inkasta oo uu hadalka hoos dhigay hadana si fiican ayuu uga dabaashay shabagyo uu daadiyay Suxufi Mukulaal Madow.
Kuluc
Bal waa kaase ha la, helo hal qof oo ku fahansiiya qadiyadan Lughaya si, aad mowquf ama dareen kaaga uga cabirtid kkkkkkkkkkkkreer abtigay waa siddaas iyo cabasha joogta ah oo ayna marnaba ku fahansiinayn waxa ayka cabanayaan iyo waxa ay doonayaan.
run ahantiina golahan kuma jiro hal qof oo Gadabuursi ah oo xeebahan wax ka yaqaan. Cidda qudha ee degmada Lughaya ka soo jeedda ama haddaan haddalka si kale u dhigo dhulkaas kala taqaana waa aniga oo Sahal ah lkn bal u fiirso waxa dhagax igu dhaca markaan war bixintan ku siiyo waxanse isku dayi Ilaah hortiis in aan ku siiyo war sax ah intii awooday ah.
Lughaya waa degmo qadiimi ah oo waligeed jiraysay waxayna ka tirsanaan jirtay Gobolkii W/Galbeed intuuna ina Barre mahadnaq u siinin gobokan Awdal Gadabuursi.
Degmadu waxay xad la, leedahay xaga bari gobolka Saaxil, Waqooyi waxay xaduud kala wadaagta gobaladan Cusub ee Maroodi-jeex iyo Gabiley, Galbeed Sala. Imika ahaan degmadani waxay ka tirsantahay gobolka Awdal. Waxa jira 6 tuulo iyo degaanka baladhan ee u dhexeeya dhulkaas oo dhamaantood doorashooyinkii dalku soo marey ayna ka dhicin. 6 da tuulaba waxy ku yaaliin bariga iyo waqooyi bari ee degmada oo dhinaca Bulaxaar iyo Hargeysa. 6 goobood iyo dhulka ku xeeran 90% waxa dega Ciise tobanka soo hadhana waxa dega S/Muuse. Waxa kale oo in aad fahntid ah inay S/ muuse xoolahoogu markay soo qululaan dhulkan bariga Lughaya soo gaadhaan waana ta keenaysa sheegasha dhulkan ee S/Muuse. Waxa suurta gal ah in aad isweydiinayso dee halkay Gadabuursi ka soo galaan moranka degmada Lughay? jawaabtu way degaan qaybo kale oo ka tirsan degmada Lughaya lkn aanay ku jirin inta bari ee doorashooyinka la xayiray. Waana sobobta ay Beesha Ciise uga codsatay in xayiraada laga qaado degaanadooda bariga lugahaya. Ciisana wuu ku rajo waynyahay in xakuumada Somaliland laali doonto xayiraadii xaqdarada ahayd. Su, aasha ah ayaa degmad reer ahaan ugu badan dhulka jwaabtu waa Ciise waxana ku xigga Gadabuursi dabdeedna S/muuse.
Dhibaatooyinka laga cabanaayo masuuliyadooda yaa iska leh. Ma siyaasiyiin ku sheega from Abdirahman Cali to Saylici? Ma waxa leh jufo Samaroon? Ma waxa leh burburka Soomaaliya? Ma waxa leh SNM iyo beelaha dariska? Ma waxa leh siyaasiyiinta SNM? Talo intii la keeni lahaa hadii hebelbaa sidaa yeeley laga bixi waayo waa dhibta aan ku sii jirno iyo dhibaatada joogtada noqotey ka sameyso hideout. There will be no hideouts unless we stand up our land, people and our destination.
Aanku horeeyo siyaasiyiin ku sheega ka soo jeeda beelaha Awdal ee Riyaale ka mid ahaa, malaha dhibaatada waayo ragani waa rag caruurtooda inyar oo biila uraadsanaaya. Waa niman iskood ushaqeysanaaya wax awooda oo ay leeyihina aaney jirin.
Mana laha jufo Samaroon dhibaatooyinka ku gadaaman degaanada Awdal, mana laha burburka Soomaaliya oo qayb walba oo soomaalida ka mid ahiba waxey sameysatey nidaamyo iyo balaano ay ku badbaadiso dadkeeda.
Dhibaatadu waa balaan la’aan, midnimo la’aan iyo shaqsi ku habsaanka. Hadii ay nu nidhaahno Reyaale, Awcali iyo Saylicibaa dhibaatada inoo keeney dabadeedna iyaga uun hoos u eegno dhibaatadeenana dusha ka saarno waa maalaayacninimo.
Hadii aan dhibaatadeena dusha ka saarno SNM iyo jufo ka mid ah sida S.Muuse waa iska huuhaa. Maalinta la helo siyaasad mideysan, umad mideysan iyo fikir mideysan baa laga bixi dhibaatooyinka jira.Sida kaliya ee looga bixi karaa waa ka tashiga meesha dhibaatadu ka imeyso oo ah inaga oo tashanweyney rabnana inaan dadkale dhibaatadeena dusha ka saarno hadan ku nidhaahno sacabkaan inii tumeynaa iyo noo taliya. We can’t blaim our past and present mistakes to others and powerless Awdal indivisuals in the past like reyaale.
sahal
waxani degaano ka sheekey maahee ma diinbaad dadka ka dhaadhiceysaa kkkkkkkk.
Sheeko caruureed baad wadiine majirto wax degmo dhaafsiisan. No salal or sahil, no marodijujuub iyo gabiley.No saraar blaa blaa. Awdal, W.galbeed, Sool, Sanaag iyo Togdheer weeyi gobolada W.Soomaaliya. Saylac iyo Lughaya waxeyka tirsan yihiin Awdal halka gabiley ka tirsan tahey w.galbeed.
Mustafe
anigu magac cusub ee iminka la sheegsheego oo run ahaantii buuq iyo isqabqabsigaa aad arkayso keenay uunbaan sheegay si,aan wax u fahnsiiyo Kuluc. Haddii Gabalddi Ssiyaad ka tegay ha lagu joogo la leyahayna kolay anigu ma ihi mid diidani ee bal adigu ssurta gali inayna cid gobaladaas cusub magacdooda isticmaalin. Qoraalkayguna waxan uga dan lahaa uun in aan iftiimiyo degmada iyo degaanad amuranku ka jiro o ay aragtidayda ku haboon tahay in aanan la, kala googayn ee siddeeda lagu daayo.
Way to go Musfate. That is the spirit!
Now, war heedhaha, anigu runtii inkasta oo aan dhulka gadbursigu deganyahay badankiisa aqaan, lakiin weligay ma arag lughaya, markaa waxba kama sheegi karo
Bal hadaba gadabursiyow, please mid idinka mid ahi si hufan oo cilmiyasan ha ugu sharxo kuluc iyo dadka kale ee dhegaysanayo, waxa meesha ka socda. Structure ka presentationka anigaa idiin sheegi waana sidan:
1. Detail overview of the districts physical boundries
2. Historical overview of the district and its inhabitants.
3. Detail description of the conflict and the list of the actual drivers of the conflict.
4. Who are the real stake holders (The legal residents of the district).
dhamaantiin waad mahadsantihiin laakiin weli 100% maan fahmin waxa la isku hayo, su,aasha aan idin waydiiyey waxa ka mid ahayd ma gobolka degmada la raacinayaa la isku hayaa mise dhulka laftiisa ayaaba la isku durdurkay sidii kalshaale oo la isku hayaa, waxaan rajaynayaa inaad gadaal iiga sheegi doontaan hadana waan ka baxay.
sahal
runtii wax garad baad tahay lkn yaad wax u sheegi oo kula doodi ama halkaa been baad ka sheegtay ku odhan ilayn lughaya may arage way maqleen uune siday 60 hargaysa uga tirsanayd uun bay hadana hargaysa u ahaanaysaa xaalku halkaa ku dhamaa
Kuluc
Waxa ugu wayn ee la, isku haystaa waa gobolka ay ka tirsanaan doono degaanka bariga degmada Lugahay. S/Muuse waxay doonayaan i lagu daro dhulkan Maroodi-jeex Gadabuursina inay degmada Lughaya ku sii jirto Gobolka Awdal. Ciisena in lagu daro Salal.
Dhulka waa la isku haystaa siddaad mediyaha ka maqashid af ahaan lkn run ahaan dhulka dadka jooga ama degan ee Ciise cid ku soo duusha ama riixda ma, jirto. Moranka dhulku waxuu ku egyahay oo qudha ilaa iminka saxaafada. S/ Muuse iyo Gadabuursina bariga Lughaya iskama soo gaadhaan oo siddaas daraadeed marna dagaal kan hawada la isku marinaayo middhaafsani kama dhex dhici doono.
Ciisuhu waxay aad ula yaabeen in dhul ay iyagu deganyihiin odayaalka iskugu caga jugleeyaan, Waxaana la haboonaatay Ciisaha inay arinta iyo dagaalka bugta ah ee afka ka hadhaan oo ay sugaan dawladii(ileen waa kii wasiir Duur dadka la soo kulmee …) ay cabashadooda u gudbiyeen go;aanka ay arintan ka soo saarto.
Waxa kale oo aan kuugu dari lahaa sobobta S/Muuse culayska u saarayo arintan degaankan ay tahay in ay kuwooga ugu lacag badan ama ama magac dheeri ay degaankan ka soo jeedaan: Ibraahim dheere, Ina Aw siciid kii cable ka dhigayay, Baxsane iyo waliilkii, reer Mahamoud Xayd..iyo Cumar Carte oo ku dhashay degaankan lagu moransanyahay oo isaga aabihiina Ciise dhaleen taasi oo muujinaysa beenta cad ee ay Gadabuursigu ku sheegaan Ciise dhulkan ma, degi jirin waagii hore. Bal ha soo su. aalan Cumar Carte meesha macoowdii ama ayeeydii laga keenay?
Wixii kale ee aanad qidiyadan ka fahmina kolay diyaarbaan u ahay in aan kaaga jawaabo intii karaankay ah.
maaweelada, maaweelada caruurta…
Galbeedi
kkkkkkkkkkk Salal haddan raacinana dee xaalku waa subag xeedho ku daatay sina kuma xumaado. Ciisahase meesha degani wayna fahmayna waxa u roonayd inay yidhaahdaan ama Salal nagu dara haddii kale Hargaysa ilayn way adagtahay in wax lala wadaago qod jiritaankaaga dafirsan, wuxuu doonaayo iyo wuxuu diidayana aanad garanayn.
Dhinac kale golahan Gadabuursiga ku morma Lugahaya adoo reer Gabilaya ah ayaa uga dhow. Sheekadoodoo dhani waa war ay maqleen, WAR IYO NEEF WAYD AHNA HABEENBAA LAGU BARYAA BAA LA YIDHI.
maaweelada…maaweelada… caruurta
Kuluc
Bal maqaalkan oo degaanka lagu moransan yahay iyo dadka dega ka sheekaynaayana akhriso.
Qorox-joog daka la yidhaahdaa wuu ka balaadhan yahay inta qoraaga maqaalmkani ku tilmaamay.
Xeerka Ciisahu dhulka Ciisaha degaano(galino) ayuu u kala qaybiyaa Ciisaha degan from Ceel-gaal oo Saylac iyo Lugahaya u dhaxeysa) ilaa Bulaxaar laga gaadho waxa la yidhaahdaa QORAX-JOOG, Eraygana waxa la bixiyay markii Xeer Ciise la sameeyay qarnigii 16 aad.
Sorry waakan maqaalkii
http://www.cadceed.com/2012/10/xaaladaha-qallafsan-ee-bulshada-qorrax-joogga-deegaannada-gubanka-u-dhexeeya-lughaya-iyo-bullaxaar-fuguxo-shacable-biyo-cas-iyo-sabawanaag.html
samaroon faan badanaa balo ididn degtay 100 jibriil abakoraey iska celin laayihiin.