Soo bandhigidda fikradaha ama aragtiyaha (perceptions) qofka waxa saldhig u ah dhaqanka iyo deegaanka uu ku koray oo ay weheliso waxyaabaha ay bulshadiisu aaminsantahay.
Waxan wada ognahay Soomaalidu in ay tahay ummad dhaqan ahaan reer guuraa u badan ama wada ahaan jirtay, si weynna u aaminsan qabyaaladda ama qabiilaysiga oo ku dhaqankiisu ka horeeya inta aanay diin ku dhaqmin. Ilmuha Soomaaligu markuu dhasho waxa u horreysa ee la baraa waa qabiilka uu ka dhashay iyo qabiilka hooyadii ka soo jeedo, waxana inta badan la baraa ama la xafidsiiyaa abtirsiintiisa dhinaca aabaha. Qof kasta oo reerka ugu yimaadda waxa loo sheegaa in uu ama adeer u yahay ama abti u yahay. Wuxuu ilmahaasi ku weynaadaa in uu Soomaalida u kala qaybiyo labo qaybood: in qabiilkiisa ah iyo in aan ahayn; qabiilkiisuna uu ka xigo inta kale! Ka dibna waxa la baraa in labada qaybood ee Soomaalidu ka kooban tahay ay wadaagaan kaliya afka Soomaaliga iyo diinta Islaamka, balse ay qayb walba leedahay dhul, beer, ceel iyo dagaan u gaar ah oo aanany kuwa kale la sheegan karin. Waxaana loogu maahmaahaa: “geel jire geela wuu wada jirta, hadana wuu kala jirta” oo la mid wax waa la wada leeyahay hadana waa lakala leeyahay!
Intaa waxa u dheer oo la baraa ilmaha soomaaliga, in qabiilkiisu ka fiican yahay qabiilada kale, kana tiro badan yahay kuwa kale, sidaa darteedna haddii ciddi cid u talinayso waa suldaankiisa, ama boqorkiisa, ama malaaqiia ama ugaaskiisa oo loo yaqaano “oday dhaqameed”. Hadday cid aqoonyahan tahay waa aqoonyahanka qabiilkiisa. Kuwa kalena sidoo kale. Taasi oo macnaheedu tahay, ma jirto maamul ka dhexeeya ama ka dhexayn kara oo ay dhaqan ahaan wadaagaan. Marka kaliya ee ceel ama dhul lagu mormo ayaa waxa geed hoostii ku shira oday-dhaqameedyada kala xukuma labada qabiil ee khilaafku ka jiro.
Akhristow, ummaddii sidaa u noolayd ee afka iyo iimaanka Allah oo kaliyihi ka dhexeeyey ayaa, kaaga sii daran eh, maalin maalmaha ka mid ah debedda looga yimid oo dad cadaan ah oo cududoodii wataa ay dhulkoodii la kala lahaa damac ka galay. Qolo walba gooni gooni ayey ula heshiiyeen ama ugu khasbeen in ay dantooda ka gaadhaan. Sideetameeyo sano ka dib ayey dadkii cadaa danahoodii gaadheen oo ay go’aansadeen in ay dalalkoodii ku noqdaan, waxayse nasiib daro, uga tageen nidaam Soomaalida ku cusbaa oo aanay dhaqan iyo aqoon midna u lahayn oo ku salaysanaa in Soomali oo dhami hogaan mid ah yeelato oo la yiraa dawlad. Waxa ta ka siidarnayd, iyadoon la is weydiin sideen isku nidaaminaynaa? ayaa damaashaad iyo durmaan la tuntay oo loo arkay in wax welba iska hagaagayo!!!
Sawirkaa kooban ee aan kor xusay, waxaan uga dan leeyahay in aan dib isu eegno haddaan Soomali nahay oo aan is weydiino, ubadkii sidaa ku koray ee wax aanu hiddo iyo dhaqan u lahayn loo keenay, ma abuuri karaa jawi maamul dawladeed oo cadaalad ugu dhexeeya Soomaali?
Jawaabtu waxay u taalaa akhristayaasha sharafta leh, balse qoraagani wuxuu qabaa in jawaabtu tahay maya, maxaa yeelay maadaama fikirka qofku uu ka dhasho dhaqanka uu ku soo koray, waxa hubaal ah qof kasta oo dhaqankan aan kor xusnay ku soo barbaaray in uu mar kasta Soomaalida u arkayo in ay yihiin in qabiilkiisa ah iyo in aan ahayn, in uu si cadaalad ah u maamulaana aanu caqligiisuba u habaysnayn; suurtogalna ma aha in la sugo ilaa intaa dhaqanka bulshadiisu isbedelayo. Sidaa darteed, dibindaabyada qabyaaladdu ku hayso caqliga qofka Soomaaligu waa ta keetay in qarnigii 21aad ay Soomaali badani websityada u samaystaan in qabiilba qabiil ku caayo. Shirar jaraai’dna qabiiladu isugu hanjabaan, kuwa dawladda lagu sheegayana qudhooda loo hanjabo oo la yiraa “haddaad madaxweynow, waxaan rabno aad noo yeeli weydo, ogow anaagaa gacmahayaga ku qabsanaynee!!!!” Waa taa Soomalida maantu.
Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun!!!
Gunaanadkii, ilaa inta muraayadda qabiilka ah ay Soomali xirantahay, caqli midaysan oo meel mar ah, yaan la sugin oo yaan xaqiiqada laga werwereegin.
F.G. erayga ‘qabiil’ waxan u adeegsaday in uu la macno yahay qabiilka, jilibka iyo wixii ka hooseeya oo qofka Soomaaligu isku arko.
Qalinkii: Cumar Xaaji Faarax
Categories: Warka (News)
Nuxurka Kulankii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Iyo Xubno ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska
Khudbaddii Taariikhiga Ahayd ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane C/Raxmaan Saylici Ka Jeediyay Fagaaraha 18-ka May ee London
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK