Marka hore waxaan idiinku salaamayaa salaanta islmaamka asalaamu calaykum waraxmatulaa wa barakat. Waxaa hore loo yidhi ninkii seexdaa sici dibi dhalay, umadi hadii aay diido in aay dantooda garato dadnimadoodana u tudhi weeydo isna cadowsato intii isla dhalatay , dhagahooda dhawaaqa toosan ku duxiwaayo indhahoodana ka daboosha xaqiiqada ay ku noolyihiin in aay arkaan oo aay ka doorbidaan been abuur iyo maaweelada cadaawaha deeyr adag ugaga dhiga inta dadaalka ugu jirta sida dadkooda iyo dalkooda ugu hiiliin lahaayeen ugna dhicin lahaayeen cadow ku meegaarsan.
Waxaa manta taagan wax cusub maaha dhulbalaadhisiga Ciise iyo Issaq wadaan waa la ogaa 21 sanno ugu danbeeyay tii horeba loo ogaa uunbay manta daaha ka qaadeen ooy ku dhiiradeen nimankii reer Isaaq, waana kalsooni aay isku qabaan waxay hubsadeen in Samaroon xaabo noqday kuna dhiiradaan in aay riyadoodi manta ay cadaystaan ee ragaa rag dheh , car yaa ka hadli waatase oo dhiigloo damqanaaya? Yaa ragii loo wada dhakhleeynayay manta is hortaagi? Waa idinkii siku wad xooga weeynaaye idinkuye Samaroonowe manta ayeey talo taagantahee taa tu ka darana soo socotaaye maxaad isla haysaan? Bal manta mid Samaroon ka mid ah haddii uu sidaa nimankaa Sacad muuse u hadlo ma sidaa aad uga aamusteen baad u aamusnaan lahayedeen mise damdamta dayaankiina muraayadaha ayuu qarxin lahaa? Aawey odey dhaqameedyadii farta isku wad luli jiray gadhba gadh baa la tusaaye xageey ku dhuunteen ma afkaa la daboolay? Aaway kuwii shalay isku tudhi waayay ee cadowga dibada u soo dhigay diciifnimadooda? Mise wali way isku wada maqanyihiinoo waa caduur dhow-dhowdu uma dhacsana xaalku?
Hadal haan ma buuxshee imisaa laga hadlay oo laga digay ta manta taagan oo dhanbaalo badan laga qoray doodo badana laga yeeshay , imisaa geesiyo Samaroon ka dhashay difaaca dalkooda iyo dadkooda ku jira tolku dhabarka ka toogtay la garbaduubay laguna yidhi ma gaydid caashaqa . Imika iyo haatan Samaroonow toosa oo iska dulqaada heeryada idin saaran waad guunowdeen caano daatay dabadeed la qabaye waad aragtaan tafaraaruqii halka uu manta idin dhigay dhulkii aad abid lahaydeen la’ idiinku dulqabsaday taana waxa keenay aay tahay talo baahsanaanta idin haysa ee bilaahiicaleeyk mar uun damqadoo doqonimada ka kora dantiina garto dan guudna iskugu yimaada oo talo Gadabuursi gacmaha isku wada qabsaday la’yimaada kaaraamada iyo sharaftiinana dhowra dhadhaaradan idin kariyay ee midiba midka kale lugta hayo hoga idinku riday kala tuura oo isku tiirsada reerkana raaskiisa ha gubina, haddii kale haad iyo waraabe ha idin kala goosto. Gudin yahay imaad gooyseene qeeyb iga mida ayaa kugu jirta, qaybta Gadabuursi gondodlaha gooynaysa magaca mugdi galanasa gacan bira hala iskaga qabto.
Bowdada markii aan ka jabay, boqonka taaggiisa
Habeenkiiba waa i bidhan lahaa, bahalkii cawlnaaye !
Raggii buurta dheer igala baxay, beerka ka ogsooni
Bah-Cillaamo goortay dhammaan, iga dul booyaysey
Bah-Sadhaysna “baga” inay i tidhi, beerka ka ogsooni
Ninkii Burunji inuu iga cuno, ii barriidinaayey
Ee aan bar kale ii tarayn, beerka ka ogsooni
Ninkii Belad shisheeye iga jiray, ee soo bixi waayey
Ee in aan bogsado uun jeclaa, beerka ka ogsooni
Laxaad waa badhaadhee hadduu, ii bogsado xooggu
Haddii uu biixiyaha Eebbahay ,isugu kay beego
Abaal badh ah abaal bur ah abaal bur iyo dheeraad ah
Ninba kiisa kaan ugu beddeli, beerka ka ogsooni .
Gadabuursow garoowso gafkaaga isku geeysatay! Issaq kuma yeelin waxaanad isku geeysan!
Fatxiya Shankaroon
Categories: Warka (News)
Nuxurka Kulankii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Iyo Xubno ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska
Khudbaddii Taariikhiga Ahayd ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane C/Raxmaan Saylici Ka Jeediyay Fagaaraha 18-ka May ee London
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Fatxiya
Salaam Ina Abti, Waa qoraal dhiirigalin ah hadalkaaguna waa wada run lkn waxaan i haysa oo aan is leehay in aan wadankii tago oo aan xasuuq ba’an gaystao markaan tixraaco maqaalkaagan iyo maqaalo hore oo aad lahayd oo aan soo urursho 20 kun oo nin oo u badan SACAD MUUSE ay kuna jiraan Mamaasan inta ka wada munaafaqada dhulkeena oo aan barkad dhexjoogsado oo aan birta ka aslo ilaa inta dhiigoodu gaadhaayo madaxa kadibna ku dabaasho dhiigooda markaa walaal ha iga cadhaysiinin.
Waana kan Jawaabta ay u jawaabeen Salaadiinteenu gadh ba gadh baa la tusaa looma aamusin loona aamusi maayo waligeed haday ta xun gaadhana waa naqaanaa sida loo dagaalamo oo ilaahay baa na baray.
ASC waan ku salaamay inaabti kolna inaader Mcshariifow geesi jira noqo, waayadan waxaan u darsaday halgankii aad daadihin jirteen adiga, Abroone,Farxaan iyo hiildan ee guubaabada iyo garashada lahaa ee miyaad daasheen mise waad soo socotaan? Dalkeenii loo tashaye bal hada galka seefta ka saaro gayiga inoo ilaaliya ayaan la ina dhaxal wareejine.
ASC waan ku salaamay inaabti kolna inaader Mcshariifow geesi jira noqo, waayadan waxaan u darsaday halgankii aad daadihin jirteen adiga, Abroone,Farxaan iyo hiildan ee guubaabada iyo garashada lahaa ee miyaad daasheen mise waad soo socotaan? Dalkeenii loo tashaye bal hada galka seefta ka saaro gayiga inoo ilaaliya ayaan la ina dhaxal wareejine.
ASC waan ku salaamay inaabti kolna inaader Mcshariifow geesi jira noqo, waayadan waxaan u darsaday halgankii aad daadihin jirteen adiga, Abroone,Farxaan iyo hiildan ee guubaabada iyo garashada lahaa ee miyaad daasheen mise waad soo socotaan? Dalkeenii loo tashaye bal hada galka seefta ka saaro gayiga inoo ilaaliya ayaan la ina dhaxal wareejine.
fatxiya hadal waad dhamaysay adaa dhaama rag badan oo sheegta reerka,, inader waxay la baqayaan gadabursi wali wan fahmi laayahay isaaq sowkii isku biimiyey dowlad dhan oo diyaarado dagaal wadata waa in idoor la iska xoreeyaa waliba si degdeg ah waa in calankooda snm la gubaa waana in la iska celiyaa kalabta,xabad bay fahmaan kaliya wanag waakuwa fahmi wayey ee yidhi anaba mishar ku siiya dhulkana anaa leh means adiga iyo dhulkaagaba anaa leh ,marasoo kale dhimshada dhaanta nolosha raga gadabuursi ku nool yihiin,,
ASC. Guddon waad mahasantahay huuno ee inoogu soo duceeya in danbasku inaga duulo.
Asc Dhamaan Gobta Madasha Ku Kulantay: Dumar-Laba Fatxiya Cumar Kahin Caynanshe, M-Sharif, Gudoon, Mulkiile Hiildan & Inta Maanta Nool Ee Isir & Wasiir ( Farac ) Ku Sheegta Qoomiyadda Ehlu Cilmiga, Xadaaradda, & Mansabka Ee Cali Madaluug ( Gadabuursi ) Waxaanu Joognaa Qarni Lagu Qanciyo Qowlaysato & Muqawad Ee Huunaday Hadaan Go’o Ogoow Waxaa Qiyaamaha La Qabsan Idinka & Duriyadaad Dhasheen. Mida Kale Ayaa Ah Inaad Garowsataan Inaan Qanci-Haynayn Qumaney Inaad Is Yeesho?????
@ Hiildan Waxaan Leeyahay Gobonimada Waa Loo Dhashaa Ee La’iskama Dhigo- Cadowga Ha’u Cumaamadin Huuno Waqtiguna Waa Macalin,,,
@ Soona Daa Aado Maqaaladaan Kuu Soo Diray Adigoo Mahadsan Qanciyoow,,,
Walaal shankaroonay magac bilaash kuma baxo ee aad iyo aad ayaad u mahdsan tahay, ku bishaarayso in ay jiraan rag badan oo hadalkaaga kuu rumaynaya, iska ilow inta dantooda ka saraysiinaynsa danta guud, waa tiro yar oon qiimalahayn, dhalinta maanta way baraarugsan yihiin,Ciise waa quustay oo darsigii loo dhigay 1991 93 ayaa ku filan dhinaca galbeedka, markaa waxa uu is yidhi malaha xeebaha ood la kaashato Iidoor ayaa kuu roon,waxaasu ilaaway ragii galbeeka ka soo eryay iyagoo ciidan jabuuti ah oo sita aqoonsigii ciidanimo xeebahana way joogaan, isaaq afmaahee dagaal kuma dhaco ee walaashay shankaroonay adiga iyo gabdhaha kale ee walaalaheen ahi yeena u qaadan in Samaroon wada seexday.guul awdal state cadawga samaroon gidaarka madaxa ha ku dhufto.
ASC. aad ayaad u mahadsantahay inaadeer taasi waa taan sugaynee Ilaahow ragayaga iyo dumarkaygaba isku soo sikhir guusha sii waa duul aan cidna xaqdaro ku doonane kuna xadgubine.
FARXIYA
walaal waa runtaa samaroon waxa uu baabay markuu maqliwaayey aqoon yahankoodii iyo madaxdii ciidamada sida ALLAHA U NAXARIISRII TALAN oo habeen madaw laga saaray boorama ragii samaroonka u gawracay cadawguna ay wali dhex joogaan oo qabiyaalad iyo kala tafaraaruq kula dhexjiraan TOLKOOD waana caadadiisa ninka caada qaataha ah in uu cimri dherer ka dhigto qabyaalada iyo xiqdigaisku dirka si uu cabaar usii joogo
suldaanka maxadcasuhu waa ina samatare balhadalkiisa dhegaysta wuxuu yidhi dhulka anaga iyo ciise waanwada deganahay waligayana waan wala deganayn sidaasookale horay waxa usheegay suldaan sanbuurak oo isagoo reero gadabuursiga kamida ka xininaaya yidhi dhulkan anaga iyo ciisaaleh.
hadaba hadayba ragii reerka kamasuul ahaa leeyihiin ama cadaynayaan in dhulkan ciise inala dego maxaad idinku qolyihiinan koofiyad dhuubta lagu sheegoow rabtaan
golaha cidwalba dhegaysanayso marka nin masuulihi kasheego warcad inaguna ma gidaaradaan ka beeninaa. anigu waxaan inigula talin lahaa gadabuursoow madfaca dhinac walba aad uridaysaan jooja hadaad cid iska dhicinaysaana xukun kusheega beenta ah ee shalana la inii cadeeyey inuu reer iska leeyahay iska rida markaad kaa iska xoraysaan ciise laxisaabtama haduu wax iniga haystana kula dacwiya balse inigoo gumaysi ku hoosjira cidna waxkama qaadi kartaan.
Fatxiya Shankaroon,
Aadbaan kuu salaamayaa, runtu waa ta ad sheegtay, beentuna waa ta samaroon isu maawelinayaan.