Xiisado Siyaasadeed Oo Ka Soo Cusboonaaday Deegaanadda Saylac Iyo Lughaya & Weftiyo Booqday Deegaankaas

Sep 18, 2012 Saylac (Cadceed) –  Wararka ka imanaya  degaanada xeebaha Galbeedka  ayaa sheegaya in Xiisado siyaasadeed iyo kuwa beeleed mar kale ka soo cusboonaadeen deegaanada hoos yimaadda degmooyinka Saylac iyo Lughaya.

halkaasoo beryahanba la isku maandhaafsanaa geeddi socodka doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dhici doona dabayaaqada sannadkan. Xiisaddan mar kale sii huriyey, ka dib markii mid ka mid ah ururadda siyaasadda ee Somaliland uu 17 xubnood oo isku beel ah ka soo sharraxay deganka Saylac, halka 13 xubnood oo isku hayb ahna uu ka soo sharraxay degaanka Lughaya, taasoo sidda la wariyay ka cadhaysiisay  qaybo ka tirsan dadka ku wada dhaqan degaanadaasi.

Sida warku sheegayo xiisaddan ayaa sii kordhay markii wafdi ka tirsan xukuumadda Somaliland oo u horkacayay wasiirka daakhiligu Maxamed Nuur Caraale Duur uu aagaas socdaal arrimahan la xidhiidha ku tagay, waxayna halkaasi ku kulmeen badhsaabka Gobolka Awdal Axmed Xaddi Sidci oo isna booqasho ku joogay degmada Lughaya, basle lama oga inay wasiirka iyo badhsaabka gobolku ka wada hadleen arrimaha taagan iyo in kalle.

Siddoo kalle, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay  wafdiga wasiirka, hase yeeshee dad ku sugan degaanka Lughaya ayaa sheegay in socddaalka wasiirku la xidhiidhay oo uu ku talo jiro sidii uu dib ugu furi lahaa goob doorashooyin ku yaallay degaanka Lughaya oo la xidhay  doorashooyinkii hore markii ay xaalad amaan darro ahi ka dhaceen, iyagoo dadkaasi sheegay in dib u furista goobahaasi u egtahay mid  sanaadiiq loogu xidhayo beelo ka tirsan degmada Saylac iyo Lughaya  oo laga soo sharaxay murashaxiin.  kuwaasoo uu ku saabsanyahay muranka siyaasadeed ee haatan ka taagan dhulkaasi.

Badhasaabka Awdal oo habeen hore dib ugu soo laabtay Boorama,  oo aanu isku dayay inaanu wax ka weydiino arrimahaasi ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo.

Wararka la xidhiidha musharraxiinta urur siyaasadeedkani Golayaasha deegaanka ugu xidhay mid ka mid ah beelaha degmooyinka Saylac iyo Lughaya ayaa la sheegayaa inay qaybo ka mid ah dadka deegaankaasi ku wada nooli ka dideen, iyaggoo aaminsan in la kalla faquuqay oo meesha laga saarayo murashaxiinta beelaha qaarkood.

Si kastaba ha ahaatee guuxa siyasadeed iyo kuwa beeleed ee hadheeyay deegaanada xeebaha Gobolka Awdal ayaa u muuqda kuwa carqalad ku noqon kara amniga iyo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee  la filayo inay degaanadaasi ka dhacaan, iyadoo xiisadaha haatan soo cusboonaaday ay ka horreeyeen kuwa bilihii aynu soo haafnay ka dhacay isla degmooyin hoos yimaadda degmada Saylac, kuwasoo dhaliyey dhaawacyo soo kala gaadha dadka deegaankaasi. Ka dib markii la isku maandhaafay gargaar cunto oo dhulkaas la geeyey iyo shirkado macdan ka shaqaysta oo laga soo eryey.

wararka ugu dambeeyey ayaa sheegaya in xiisadahani  ay ku soo kordheen kuwa shalay mar kale ka soo cusboonaaday deegaanka Habaas oo u dhaw  magaalada Cabdiqaadir  ee soohdinta Itoobiya  iyo Somaliland u dhaxaysa, halkaas oo sida la sheegeyo laba beelood oo beeraley ahi iskaga hor yimaaddeen. hase yeeshee, waxaa la sheegay in aan arrintu gaadhin weli gacan ka haddal.

Source Cadceed

About these ads

Categories: Warka (News)

43 replies »

  1. Saylici maxaa la gudboon?. Samaroonse maxaa la gudboon?.

  2. hiildanaw anaa kuu og waxa la gud boon anigu hada ayaan geerisa kasoo galay bahabar celi oo reer kuu ayay ka dhax taaganthay oo in badan kuulka loo madax salaaxayay laakiin maanta buurtii maar maar ayay sii marayaan marka saylici hortii in buurta laga shalwo ayuun baa la gud boon aado

  3. samaroon waxaa la gudboon,in ay kala bartaan wixii ceeb iyo bahdilaad u keeni is weydiiyana horta may jirta ama la maqlay,

    -Abagaal ama hawiye xamar sheegan,
    -Raxanweyn ama Eelay Baydhabo sheegan,
    -Darood ama Harti sheegan Boossaasoo,
    -Idoor ama issaq sheegan Hargeysa,
    -Ciise ama ciise waraabe sheegan saylac,

    intaaso beelood oo soomaaliyeed hadday sheegtaan magaalooyinka aan soo xusanay waxaa looga baahan yahay in ay keenaan cidda ka haysata ee ka xoogweyn hadday keeni waayaan waxaa u qarsoon been oo magaalooyinkay la hayn wanaa sababta aan u leenahay samroonoow ceeb ha soo jiidan wax aad leedahay lama sheegteee.

    saylicina waxaa la gudboon,waxaa loo soo joogay saylici kale oo ahaa odey waayeel dabaakhnimana ku qaaday wakhtigiisa oon siyaasad iyo haykal dawladeed waxba ka ogayn oo wiil yar oo carbeed(Ali Coubesh) tooba seejiyeey ka dib marku ka dhega adaykay baaqi beesha ciise u direen ee ahaa in u saylici carabta iyo canfarta garabsiin siyaasadana faraha kala baxo arrintaas oo keentay wixii la wada ogaa,hadabaa saylici-ga maanta waxaa la gudboon in u marin jidkii dhibta badnaa ee adeerkii maray saylac iyo Lughaya qorsha ka socdanaa ugu yaran ka aamuso ama taageero.

  4. yaab badanaa hadan hada wax idhaah waa la caban oo la odhan ciise la caayay…..

  5. Cali Cute

    Odayga Yahuudiga ah ee Cali Kubeysh ee Samaroon shirqoolay ayaad noo faanisaa,Hadaad Yahuud ka raacday ehlul Beytka Reer Madaluug oo uu Cali Yahuudi gacanta kuu gashay Xeebta Awdal ee Djibouti mar kale malaga yaabaa inaad noosoo kiraysato kuwo kale si Zeiylacna ay kuugu gacan gasho….? Waa habeenkii xalay ee tagay Adeer falag baa dhaqaaqay sanadihii ina dhaafay oo Reerkan tolkay oo ku dulmanaa Djibouti,Somaliland, Ethiopia iyo Somaliba dhagaxweyn ayaa ku gudbanaa dhinaca siyaasada iyo dhaqaalahaba maanta maalin aan ka fiicanahay ma jirto ilaahaybaana ii gargaaray cid aan ka cabsanayo oo aan Ilaahay ahayn ma jirto dhinac kasta waan u fidsanayaa ee yaan sidii qudhaanjadii Nabi Suleiyman u sheeg Ciise Madoobe yaanay junuuda tolkay ku cagayne ka baydha ku dheh oo reerka wacyigali wax kale oo kuu banaan maanta ma jiro , Sababtoo ah xaduudku waa jiririq soo gal sii gal ma jirto.

    Zeiylicina waxaan leehay remoute-kaaga qabso adoo jooga madaxtooyada oo sidaad doonto iskaga baashaal waxaa garab kaaga ah rag heegan u ah wadanka hooyo oo ah soomajeestayaal ah.

  6. Arimahan noocan ah waxa muhiiim ah in dadkani dhulkii ay ka yimaadeen Ethiopia iyo Djibouti loo talaabiyo si nabad gelyo ah.
    sidii Samaroonka xadka looga soo talabiyay waa in iyagana xadka looga talaabiyaa.

    Saylici arinkan waxba kama qaban karo ma haysto wax awood ah.

  7. Darbi Jiidh,

    sidaa sakhraanka looma tabac-tabac leeyo ee bal horta wax fahan iyo sidaan wax u qoray ileen wixii aan idhi wuu ku hor yaalayee gargariirka rag iyo dumar niga muuqdana waxaa nila hadli waa Ali-Durgiye ee qalblga baraf kasha kkkkkkkkkkkkkk cida yahuudiga ina Ali Coubesh familigiisa ka disha ee u ka baxsaday iyo cida u soo kiraystay kala baro,hadaad garanayna link kalaan soo min guurin doona dooduba ha xidhantee kkkkkkkkkkkkkkkk.

  8. Buuga odeyga A. Coubeche qoray mar hore ayaan akhriyay, wax badan ayaa ka been ah haduuna sidaa yeelina jabuuti muu sii joogeen oo washradiisa laga xidhi lahaa, ina durkiyoow idinkuuba idiin eexdee ma waxa ku dhibaya inta yare uu yidhi Djama wuxuu ahaa senateur ? Baroortu orgiga ka weeyne maad iska cadeysatid….

    Ninka raba inuu akhristo waa kaas buugu :

    http://books.google.nl/books?id=zlIPey7VJEcC&pg=PA74&lpg=PA74&dq=la+passion+d'entreprendre+said+ali+coubeche&source=bl&ots=J9QFJPvZo9&sig=O1IkDV6GS7AABHkaZwjIXeJHdgg&hl=nl&sa=X&ei=lAXnT6GLPMTU8gO5wcCgCg&ved=0CG0Q6AEwBw#v=onepage&q=la%20passion%20d'entreprendre%20said%20ali%20coubeche&f=false

  9. Aradka cabdulle ayaa war dhemmeeyay Reer Kuulkii wuu kibray halla talawsho marti edeb daran noqonye,adna Caloow wali maxaad haysaa sawnigan waxaan dooono ka sameeya Saylac adna AAd dibadda ka joogto,wallee rag baad kicisay hooggaaga weeyi,Issaaq baadse moodaysaa inuu kaa siinayo intood Hargaysa ka degtaan Laaluushka u qaybisaan waxay doonaan ha idiin sharraxaan,ha la sugo maalmaha soo socda

  10. horta radiin Gadabuursi ee qurbaha joogaa maxaad carooga balaayada u afuuftaan?

    Loolan siyaasadeed wuu jiraa oo waliba Gadabuursi ku gacan sareeyo maadaaba uu Saylici dabino badan beesha Ciise u maleegayo lkn wax saasaan u dhow oo Ciise iyo Gadabuursi u dhaxeeya geeskan Africa lagama dareemaayo.
    Dhulkii doorashada laga xidhay haddii db loo furey dee kolay Ciise ma degana kkkkkkkkkkkkk ee soo guul Gadabuursi u soo hoyatay maahaa?
    Mida kale ma reer ina la yaal inigula degan ayaad sidan uga ooyaysaan kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  11. Nuqul ka mida buugii Seventeen trips trough Somaliland bogga 108,uuna qoray Dcgii Ingiriiska u joogay Somaliland 1900 Harald George Swayne wuxuu kaga sheekeeyay dhacdo dhex martay Ugaz Nur iyo Cilmi dheere……………..

    Ugaz nur was in disgrace with the British authorities because he had captured an Italian traveller and held him to ransom.He had just been displaced from the Ugazship,and his brother Elmy had been made paramount chief of the Gadabursi in his stead.

    While we were in his camp we heard that his brother Elmy was marching against him with a force from Zeila.,and soon afterwards i recaived an Arabic letter from Elmy himself asking me to help him attack Ugaz nur or at any rate lend some rifles……………

    Ugaas Nuur markuu fulin waayay danahuu isticmaarku ka lahaa dhulkeena ayaa khilaaf wayni soo kala dhex galay isaga iyo ingiriiska kaasoo sababay in Ugaaska lagu jabiyo inankuu adeerka u ahaa Cilmi Warfa Ugas rooble kuna soo barbaaray gurigiisa kaasoo ka soo horjeestay ingiriiskuna ka dhigteen Ugaas ay arrimaha Gdadbuursiga kala tashadaan,ma ahay nin ku taagan dhaxalkii lagu kala qaadi jiray Ugaasnimada.waxa cad inuu Saylac gudaheeda kaga soo duulayay Ugaaska hubna waydiisanayay Ingiriiska waxan maqlay in Ugaz cilmi in badan dagana Saylac gudaheeda kuna lahaa dhismayaal badan,aad ayaan u jeclaa inaan booqdo magaaladan taariikhiga ah soona faqo raadadkuu Cilmi dheere kaga tagay.

    talaabo kastaan idinla dagnay idin hogaaminay aayarna aad na ogolaydeen qarniyo badan,waan soo wadaa isna ugaas hiraaboo ku aasan cabdiqaadir.

  12. IOG marna ma abtiyaal isoo garab joogsadaa…marna ciisuhuu hoos hoos u soo dirayaa waa yaabe ?

  13. Samaroon waxa la gudboon inay gudaha Jabuuti galaan, oo gilgilaan. Saylici waxa la gudboon inuu muujiyo ku dhalashadiisa iyo u dhalashadiisa Saylac.

  14. nin ka raga hal mar kaliya ayuun bay raga nimadiisu muujisnaataa halmarna hawda ayuu kabaxaa waxaan aad uga yaabay wax aydaan dareemin dhamaantiinba ninkii cali durkiye shalay markii maqaalkii ahaa CIISE MA UDIYAAR YAHAY DOORASHO halkuu joogay sawkii xariirad kusoo qorayay walaalyaal ha nacaayina iyadoon lacaayin laakiin qodobadii ay qorteen uun lasoo dhigay meesha muxu u difaaci waayay markii commentska la xidhay muxuu lasoo booday cayda dadka kale ayaa u macaan tiisuna uqadhaadh waakaa ciise madoobe waraabe

  15. ciise madoobe iyo waraababa malagii ayaa galay waxaan kabaqayaa in maalin dhaw sida waraabaha loo eryanayo ciise waraabe yare na loo cuno oo odaxgob bahabar celi sheegato mamaasana bahabr muuse si loo cunin laakiin aakhirka maxamed case jeeni iyo dhabar ukala goosto ilayn waraabihii ayaa xadiis sheegay in la cunee ciise habeen kii ayaa la cuno inta uu waraabaha ayahay ee uu waagu baryin kkkkkkkk warniyahay waaba qosol kah kah kah ciise dhintay dheh

  16. hiil inaadeer noo yara fur sheeko yar oo kale cali cute ha yiraah aado ha nacaayin intaas yar ayaa aniga igu filan caawa dameer joog ayaan joogaa ee inaadeer soo gali kkkkkk

  17. Imisaan idin lahaa boqorad idin dhex joogtaan ahay oo laygu haystay looool caawa waa habeenadaan is cajabin jiray,looool.

  18. ciise iyo gadabuursi waa labo reeroo isku dub iyo diirba eg mana kala cadin mana kala madoobin waxaana la isku yidhaahdaa ciisoow gadabuursi majiro reerkaloo la iskukeen ladho damacbaase jira sidaan iniisheegay waa la iskukeen dirayaa oo dad aan dhukan udhalan baa inagu kala dhexjira waase laga heshiin insha allah

  19. Godan dee Aan garabkaaga midig soo fadhiisto si AAn u soo boxo kkkkkkkk awal col baynu ahayne ..Waar ragoow idinkunaCiise iska daaya Bahabar celaa la xisaabtamiye iska daaya Ciiseha innala deggan oo kuwaaas sahanka ah eryada Ee Durkiye ku jiro.

    Waar adna aradkoow ma haad duulayaad tahay,dameer-joogna sheegtaye

  20. Godan dhex yar iyo Aisha luulba waxaan u ruxayaa ubax multicolor ah la,aantoodna meeshan maba soo quulaaliyeen,laakiin iyaguna waxay igu cadibeen markay niman Jibriiil Yoonis oo ilkaha awrtii reer Geedi leh yidhaahdin golaha deganka Xariirad ka barii aano usii jeedini qaaraan xaga iyo Qulujeed walee rag isku maqan.

  21. Salal ma aragtay sawirkii Gabilay aan kaaga soo qaaday ninkii kalana waakii haasaawaha tagay Hiildan haygu dirine kkk,

  22. Durkiye qoraalo an helay ayaad ka heli lahayd miyaanse ku dhacaa tii i gaadhay loool,anaase xoogaa halkan ku soo qori wixii dhiciba ha dhacaane,ilaa beraan soo galin .

  23. Waar ciise iyo gadabursi colaadi ma dhextaalo ee waa tartan siyaasaded xeeled iyo xoolaba waa la adeegsanaya nin walba wixi ilahay uga qoray waa ka heli ee bahasha dhulka dhiga

  24. Hiildan

    Abti ama yuuska iyo calaacalka iska daaya cid ini colaadinaysaa ma jirtee ama sida raga haddalkiina ka dhabeeya oo 4 Ciise ee ina la yaalka ah siligan aad sheegtiin soo dhaafiyaa kkkkkkkkkkkkk

    Djiboutina sidii uunbaa abti wali la isku yidhaa oo gacanta la iska dhukadaa ee Aradka ka wareyso in uu wax gilgili karo kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Adeero Saylici fara ba,an ayuuse Ciise ku hayaa kol hadduu liiskii golahii Saylac ee xisbiyada Gadabuursi ka wada dhigey. Odayga in uu sidan balaayo u yahay Ciise uma haysan ee jab ayuu na, qaadiisayay.

  25. hiildan iyo darbi reer nuur
    somaliland ku wardiya oo rag qayrkiin ah ayaa caawa ilma samatar ku cayaaya hadhwanaagnew waa nin aan wax cinwaan ah soo qoran oo hotmailkiisana qariyey
    wey tolaay ragayagiina nacamle dadkale ayey ku daaleenoo aanay hoosba u eegayn waaqaca jira iyo in somali ay ku jirto wakhti dhulboob iyo in la is gumaysto ala yaa mijaahidkii ROOBLE AFDEEB XABASHA KA SOO CALYA

  26. waryaa cali ilaahay maad ka baqdid ma adigoo fuurlaba ah baad nin reer duduba rabtaa inaad xariirad ka sheegato hada waa ragii raaskaba aas aasay taasi reer geedigiibaana kaa yeelayn waaba anaga e

  27. Aisha

    Reer Geedigu Xeerka Ciisaha miyayna aqoon kkkkkkkkkkkkkk

  28. nayaa godan waamaxay waxa cali ka farxinaaya eed bari soo dhigaysi masidaasaad boqorad ku tahay. miyaanad maqal boqorma eexdo bahdiina mamoogo oo micnaheedu yahay reerkiisa wixii ufiican uunbuu kutaliyaa mase maqashay lexejeclo labo nin kamawada qosliso waxaad soo wado ee cali ka farxinaayi anuu iga cadhaysiine iska dhaaf hanaga wada maqnaadee

  29. sahal habaryar meesha wax xeerciise layidhaado oo la tixraacaayi majirto waxa laga hadlayaa deegaan foodbaana dhacaaya waa ninba waxay dhiishii u goyso metelan deegaanka xariirad waxaa dega beelo gadabuursi ubadan laakiin magaalada waa lawada degan yahay idinkuna xagaa galbeedka ama ethopia ayaad kasoo gashiin anaguna xaga bariga

    waxanse kawadaa haduu nin fuurlaba ihi yimaado uu yidhaahdo waar reer duduboow anaa xariirad iskasoo sharaxaaya dee reer geedigii haday sida dadka caadiga ah dimiirkoogu usheqaynaayo waxay odhanayaan waar dee ninkan reer dudub dhulkiisii buu joogaa ee fuurlaboow dhukaagii teg hadayse xeer aan ladhaafi karin haduu walaashaa kuu tu inaayana ay daba socdaan mooyaan adaa taa iga og. mase ogtahay hada waa laga barayba laga badi xataa kuwii harawaan soo wadnaa

  30. ciise iyo celi aya loo gudboonyahay oo waliba celi oo ara dheer yahay… mida lababad sookii ciisahu BAHABAR CELI iismoodiijeray guurma ayo kaliidii istagay oo duul yeeshay waba yab kkkkkkkkkkkkkkk… haday dadka farta faransisku kuu jiirto joojiin wayan waxay wadaan walahi afarta qof ee qaxotiga ah ee jooga ina walahi iyo niigiisan geeshan laa soo joojiin lowyacado.

  31. Aisha

    Habaryar waxan u jeeday in uu ninka Fuurlabe uu booska rer Geediga iska soo sharaxi karo oo rer Geedina u diidi karin ee reer Dudub Fuurlabe wax ha ka qaato uma jeedin inkatoona ay adag tahay sida la inii kala garan karo kkkkkkkk

    Lida kale ayaa yidhi Fuurlabe Somaliland ma dego? 60 kii ayaa Cabdulqaadir ka soo baxay?

    • Aisha

      xariirad waxaa guudomoye ka ha nin reer geedii ah ku xigeenkisuna waa reer kuul maraka hadii reer duudub jogaana maxay wax uu kaa noqowayeen suasha ayaan ku waydiiyay Aisha

  32. ciise iyo celi aya loo gudboonyahay oo waliba celi oo ara dheer yahay… mida lababad sookii ciisahu BAHABAR CELI iismoodiijeray guurma ayo kaliidii istagay oo dhuul yeeshay waba yab kkkkkkkkkkkkkkk… haday dadka farta faransisku kuu jiirto joojiin wayan waxay wadaan walahi afarta qof ee qaxotiga ah ee jooga ina walahi iyago niigiisan geeshan aya laa soo joojiin lowyacado.

  33. Bad hurdaa la kic shee waa meesha lays kala soo dhaco. Caloow mid baa kaa maqan, ciise haduu xiin bilaabo waala aamusiin karaa oo somaliland wax carqalada ma soo galin karto laakiin Reer hurdowayne awdal haday kacaan waa in farsamo lala yimaad farsamadaasina mid ciise qancin karta maaha lagase dhagaysan maayo. Markaa waxan talo ku bixin lahaa, in wixii la idiin soo bandhigaba aad iska yeeshaan ilayn awalba marti moron badan uun baad ahayde.

  34. cadawe su aashaada intaanan ka jawaabin idigu tan iiga jawaab, hadii xariirad oo lawada degan yahay maamulku ciise wadayahay maxaa boorama oo magaalo samaroonoo wali ba saafiya gudoomiye ku xigeen waliba inta badan isaku maamulka haya looga dhigay cabdi nuur sugaal?

    hadaan anigu isu jawaabo adna kuu jawaabo inamadani waa inamadayadii Gees aadan bile iyo cabdi nuurba metelan maba ku xisaabtami jirin ninku waa ayo ee waxaan ku xisaabtamaynay uun waa hebeloo reer xariirada iyo waa hebeloo reer boona hadase wixii kadan beeya xinbaad natusteenoo xaalku sidiihore ahaanmaayo
    maahmaah dhan baa noogu baxday gadabuursi haka dhalane dhexjoog micnihii cidaan iyaka ku abtirsan bayba u fiicanyihiin soona dhaweeyaan.

  35. cali idhegayso baribaa waxaa diyaarad wada raacay labo ninoo midna yuhuudi yahay nidna carab yahay way is ag fadhiyeen wayna is arkayaan midwaliba cida uu yahay, ninkii yuhuudigii baa kacay markaasuu ku yidhi sharaabaan soo qabsanayaaye maxaakuukeenaa wuxu ku jawaabay carabkii waxaad soo qaadato uun ana iikeen isagoona naxariiskafilayn intuu maqnaa yuhuudigii iyuu carabkii kabihii yuhuudiga oo agyaala arkay cadaawad uu uqabay owgeed ayuu kabtii kaadi uga buuxshay

    yuhuudigiibaa soonoqday isagoo sharaabkii sida markaasuu siiyey carabkii mise markuu kabaday ayuu xaga ninkii yuhuudigii eegay isagoo isleh waar toloow muxuu kuukeenay ma sunbaa isla markaa yuhuudigiina lugtuu kabtii geshay mise sharabaadkiibaa qoyey markaasuu yidhi waar kabtayda maxaad ku samaysay carabkiibaa yidhi maxaad filaysaa dee waan kuugu sii kaadshay ma naxariisbaa inaga dhexaysa markaasuu yuhuudigiina yidhi waa runtaayoo naxariisi inagama dhexaysoo amba sharaabka kaadidaydaan kuugu soodaray
    waxaa taa ixasuusiyey markaad tidhi waxaan nahay rag isu maqan.

  36. Durkiye waa kuu qoraalo la,aan maanta waadigaa Aisha maqlaya kkk.

    • Ashia waxaa jawaabtu tahay awdal waxaa ku jira dagmoo uu ciise dagaanyahay sidaa ayu ku xigeenka uu qataa ciise oo waxaa uu kasoo galaa lughaya inaa nuur sugaal ee mahaa waax biilasha laku siiyo maha gadabuurisi guursii ciisa ha uu ciiyo isgadaa ye ee dhuulkii ciisa ayuu doonayaa

  37. @Aisha Luul,

    Hortaa war lagu sii hadaad maqli jirtay ciise sadex ma kala leh:Ugaas,xeer iyo dhulka maanta arrinta si fiicanba loo dhaqan gashay awal waxay ahayd uun theorie iyo sheeko ee maanta uunba lagu shaqeeyeey sababto ah waxaad ogaataa in maanta magaalooyinkii Cali-sabiix iyo Djibouti mugweyn ay reer Geedi oo dalkaba soo galay 1976-kii ay madax ka yihiin ,arrintaas markay dhacday aaniga oo seef la bood ah oo kolba meeshi dhiila colaadeed laga soo sheegaba warmaha dul dhigtaa waxaa si gal iyo laab ah xilkeega la igu wareejiyeey aaga xariirad ila Dambal iyo wixii bari ka xiga marka deganka oo dhan wax reer Geedi laga waydiyaa ma jirto ee sidaa ula soco.

    sheegada yahuudiga iyo carabkana waan maqli laakiin teenu wali heerka ma gaadhin bes waxaan nigu fahanay sidaad sirta moodeen in ciise dhul looga qaadan karo waanad aragtaa siday SAC TIMOOLAYASHHI reer Boorama hal suaal uga soo jawaabi waayeen dig-dig iyo dam-dam malaayaci ah mooyee.

    Godan,
    qoraalada ha ku bakhaylin adna waxaan balaayo ku dhigtay markaad aragto in xaawalay kala la soo hadal qaaday uunbaad gambada tuurta

  38. Waar 4 qof ee Cise Ina rayaale ayaa soo celiyay.Dee meeshoodii inagaga celiya.

    Aaaway Sldaan Samatar iyo dhawal sawkuwii Ugaaska Samaroon U diidayay Awdal oo dhul samaroon ah u diidayay.Maxay u hadli wayeen maanta.
    Sidaa u ogaada in aanay wadibn dan Samaroon ee wadaan dan shiisheeye.

    Ciise aamuska ayaa loo qaatay,hadii kale walee jabuuti ka sokayn mayaan.Taas ayaan hubaa
    Idoor ayaan ishaynaa m Macdalaa Ciise aan jiifka kaga adag ahay.

    Ciise 4 Wiil oo Samaroon ah ayaa eryan doona iska dhaafa.
    Waa masaakiin qaaqaawan.

  39. Suldaanada suubban ku waasha, sawtaan usoo joognay suldaan leh hubkan qaadan oo buurtaan gali maxaad u garabsiin waydeen haddaad tihiin dhalin yaro dagaal doon ah? run niga fog been daac mooyee.

  40. Cali waatii Ragaan rabnay dirayka ay tiriyeen qaarna jeelka lagu bahdilay,ragiina la soo qaqabtay.Waanan sugasanaa sida laga yeelo.Taasi waa taa.Anaguba rag badan ayaan ku lanay ceeldardaale dhulkana aan ra rarnay taasina waata .

    Ta kale aduu Ma tihid Isaaq oo dagaal ayahan ah,adiga waa kaa adag ahay walaigay.Adiga biyo ku kaban maayo walee waanad arikdoontaa.

  41. kkkkkkkkkkkkkkk annu waxaan ku qoslaa samaroon oo dhan markuu ka cawdo reer kala waa REER GEEDI OO KALA ….ciise magaciisa iskaa daaya boqolkiiba 15 ayaa dagee ciise waxaan warba kama hayo samaroona meel kasta uu joogo ayuu ka qayl yayaa waar xishooda GADABUURSI oo ciise ha odhanine waa jilib kala waxa uu samaroon oo dhan ka calaacalayo ama djibouti ha joogo ama somaalilaan ama ethoipia waar xishooda ciise waranka dhulka haduu ka saaro reer geediyoo jiliba ma karays reer gouled ayaa nigu filane

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: