Waraysi Qoraal Ah, Oo An La yeelannay Mudane Rashiid Cabdi Bakaal (Hawl wadeenada ARDAA)

Waxa noo suurta gashay inaan waraysi qoraal ah la yeelano Mudane Rashiid Cabdi Bakaal(Mulac), oo ka mid ah hawl wadeenada safka hore ee urur weynaha ARDAA isla mrkaana ah muwaadin aad looga yaqaano gobolka Awdal, gaar ahaan degmada Boorama, oo ah meeshii uu ku dhashay kuna barbaaray. Waraysigaas oo qaybtiisan koowaad ku kooban tahay  ARDAA iyo Abaaraha Awdal iyo Ololaha doorashooyinka degaanka Somaliland, sidatan ayuu u dhacay:

(1).  Taariikh Kooban ARDAA

Su’aal: Mudane Rashiid, taariikh dheer kaama weydiinayno ururka ARDAA, waxanse jecelnahay inaan wax ka ogaano waxqabadka ururka ee wakhtigan xaadirka ah, maxaa u qabsoomay ARDAA, maxaase wali u qabyo ah, maxaase u qorshaysan?

 
Jawaab: Waxaa walaal ururuka la sameeyay sanadkii 2007dii bisha si fiican uma xasuustee waxaan u malaynayaa bishii lixaad waxaana lagu sameeyay MENASOTA USA, magaca la odhanjiray ururkaana wuxu ahaaARNA. Ddabadeed waxaa la qabtay shir ragii hayey talada wakhtigaas ay iskaga wareejinayeen xilka, waxaa la yimid magaalada TORANTO ee wadanka CANADA, halkaas oo lagu doortay maamul cusub oo kuwii kale kala wareegay maamulkii ay horay u soo hayeen magacana laga badalay oo loo bixiyay ARDAA. D abadeed shirkii u horaayay uguna waynaa shir la qabto ayaa waxaa lagu qabtay magaalada OTTAWA, 2009kii bishii 07, halkaas ooy iskugu yimaadeen wixii mutacalim iyo oday iyo dhalinyay iyo gabdho iyo haween uu reerku lahaa, lacag ururisna laga bilaabay, ilaa iminkana ururku sidaas uu u shaqeeyaa.

Haddii wax yar aan kaaga taabto waxqabadka ARDAA ee waqtigan iminka la joogo an kuu soo gaa-gaabiyo. Walaal sidaad u ogsoontahayba waa kii ururka ardaa sanadkii ugu danbeeyay waday lacag urursi, lacagahaas oo magaalooyin gaara uun laga qaaday, magaalooyinka kalena wali aay sugayaan xiligii lacagahaas laga soo guri lahaa. Lacag aad u fiican ayaan isku keenay waxay noo hirgalisay inaa Boorama  ka furno xafiis uu Ururku leeyahay, qalabayntiisii iyo gabadh ka shaqaysa waan qornay. Waxa kale oon u yeernay nin marine engineer ah oo reer BELGIUM ah waxa isaga ku baxday lacag gaadhaysa 25kun oo Euro ah oo u dhigmaysaa ilaa iyo 30kun oo dollarka maraykanka ah. Ninkaasi waxuu sameeyay labo plan oo sidii dekada loo dhisi lahaa lacagahoogiinaa uu sheegay, waxa kale oo uu sahamiyey in meesha dekada ku haboon,  sifiicana dadku waay ugu heleen sida ninkaasi ugu sharxay sida dekadaa loo dhisi karo.

Waxa kale oo an samaynay sanadkan dhexdiisa inaan shirwayne ku qabanay magaalada Boorame , shirkaasan waxaa ka qayb galay qaar ka mida gudidii ARDAA iyagoo ninkastaba jeebadihiisa wixii kharash ah ka bixinaayo. Waxaa noo hirgashay in ururukii aan ku wareejino dadkeenii gudaha joogay, una samaynay guddi (Board-ka) oo ka kooban 11 qof iyo 4 qof oo  maamulka ah (managment) ah iyo waxa kale oon ku wareyjinay wixii lacag aan haynay oo dhan.

Hawshana maaha in aan is nidhi idinka waad ka faraxalateene waxaan ku hashiinay in aan wada shaqayno, anaguna wixii dibadaha aan ka shaqayno iyaguna wixii gudaha ah inay ka wadaan shaqduna halkaas ayey ku fiicantahay wadanka gudihiisa. Waxa kale oo noo hirgalay inaan lacag ururis aan ka bilaanay magaalada Hargaysa, lacag fiicana waan ka helnay, waxaana lagu howla jiray sidii Boorame iyo jaboutiba lacago loogu ururin lahaa hadii uu ilaahay yiraahdo . Waxa  an   noo hirgalin inaan bilowno dekada founditionkii u horeeyay waayo Ramadaan oo lagu jiray iyo xagaa iyo abaaro xun oo meesha ka jiray, laakiin gudidii  Boorama lagu sameeyay ayaa balanqaaday inay hawsha halkaas ka sii wadi doonaan haduu ilaahay yiraahdo.

Waxaa noo qorshaysan  waxay tahay in sidii hore een lacagayoowga u ururin  jirnay loo wado, isla mar ahaantaana  hayada samafalka bixiyna  lala kaashado. Dhinca  dawlada somaliland, waxay sugaysaa marka la bilaabo dekada inay iyadna ku darsato  wixii dowladnimo itaalkeeda ah.

(2). Abaaraha Awdal

 Su’aal: Mudane Rashiid, waxa laga yaabaa inaad indhahaaga kusoo aragatay dhawr jeer abaarta baahday ee ku habsatay ummadda gobolka Awdal, maxaad nooga sheegi kartaa saamaynta ay abaarahaasi ku yeesheen guud ahaanba xaaladaha  dhaqan-dhaqaale, siyaasadeed iyo ijtimaaci ee Ummadda Awdal?

Jawaab: Wallaahii Abaaraha ka taagan gobalka Awdal aadbay u xunyihiin  oo dadka waxay ka soo qaxeen reerihii aay deganaayeen kuwaasi oo  xoolihii aay ka dhamaadeen abaartaana waxaa u dheerayd kulayl. Laakiin dadkan deegaanka degan iyo dawlada iyo dadkan qurbo joogta gobalkan Awdel iyo Salel u dhashayba aad ayey u caawiyeen caawimaadaasina ilaa iminka ayey socotaa si fiicana waa loogu gurmaday ilaahayna waxuu ugu maydhay Roob. Mar kasta waxan  ilaahay uga baryeyanaa inuu dadkaasi abaarta ka saaro. Wxanse filayaa sida qurahaatay ee dadkaasi abaarta looga baxaayaa waxa weeyi in laga faa,iidaysto nimcadan ilaahay dhulka wadhay sida badaha ilaaha uu inagu mutaystay. Markaasi ARDAA waxay balan qaaday hadii dadku aay lashaqayeen gacana aay ku siiyaan dhisada dekadaas lughayaa inayna abaar danbe ayna soo noqonayn.

(3). Doorashooyinka Golaha Degaanada iyo ARDAA

Su’aal : Waxa isa soo taraya tabaabulshe badan oo loogu jiro doorashooyinka golaha degaanada Jamhuuriyada Somaliland, hadaba laba su’aalood ayaan jecelnahay inaan halkan kaa weydiino: (a). Ma isla jaan qaadi karayaan ayaad filaysaa xaalada abaareed ee gobolka ka taagan iyo xuladka doorashooyinku? (b). Ma laga yaabaa in ololaha loogu jiro doorashooyinkani, uu hafin karo hawlihii ad ka wadeen xeebaha gobolka?

Jawaab: Abaarahan ka taagan xeebahaasi wakhtigan aan ku jirno inkasta oo ay saamayn lixaaxd leh ku yeesheen deganaanshaha dadweynaha,  hadana uma malaynayo inay doorashooyinka deegaanada ee ololahoodu iminka socdo inay waxyeelo ku yeeheelan karto. Sobabtuna waxay tahay,   dadkani waxan waay u barteen, oo  iyagoo haraad hayo ayey  hadana lug ku tagi jireen meesha uu voteku uu ka jiro.  Markaa waxaan aaminsanahay inaanu wax dhiba uuna ku yeelanayn.

Sidoo kale iyadna u  malayn maayo, doorashooyinka socdaa inay hakad galinayaan hawlihii muhiimadda mudnaa ee  ARDAA ka waday gobalada wadanka, waayo dadkan hawsha hayaa waa dadkii wadanka joogay maaha dad halkan ka tagay markaa iyagoo doorashooyinka ku jira ayey hawshan kalena ay wadi doonaan.

(4). Talo iyo Tusaale

 Su’aal: Ugu danbayn mudane Rashiid, maxaad talo iyo tusaale iyo tiraaba ad usoo jeedin lahayd dadka reer Awdal iyo taagerida ururweynaha ARDAA?.

 Jawaab: Waxaan dadka talo aan u soo jeedinayaa dadkaas oo adiguna C/Qani ad ku jirto ,inay  nagala soo qayb galaan dhisada dikada ninkaste oo dhashay gobaladaas iyo ninkaste oo hor alle wax u bixinayaba ha ka soo qayb galo dhisidda dekadaas. Waayo dhisidda dekadu ninkaste oo caqli lihiba faa,iidadeeda wuu garanayaa. Aabaar danbe oo tan la mid ah, oo aafaysa ummadda reer Awdal maalintaas dikadda la dhiso ayaa ugu danbaynaysa.

La socda Qaybta Labaad

HiilDan

About these ads

Categories: Warka (News)

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: