Boorame (GNS)- Ciiddamada Booliska Magaaladda Boorama ayaa maanta gacanta ku dhigay, Isla-markaana xabsiga dhexe ee Boorame u dhaadhiciyay 3 nin oo todobaadkii hore nin ka afduubay badhtamaha magaalada Boorame, kuwaas oo ninkii ay afduubeen ku xidhay saldhiga dhexe ee Hargaysa.
Sidan ayaa waxa saxaafada u xaqiijiyay taliyaha saldhiga dhexe ee Boorama Maxamuud Yuusuf Cige Raran. Taliyuhu waxa kale oo uu intaas ku daray inay gacanta ku dhigeen baabuurkii ay ragani ku afduubeen ninkaasi oo laga lahaa magaalada Gabilay. Taliye Raran waxa uu ka gaabsaday inuu sheego magacyada ragan afduubka sameeyay ee ay qabteen, waxana uu sheegay in ay cadaalada hor keeni doonaan isla markaana ay codsadeen in ninkii la afduubay ee oo lagu hayo Hargaysa lagu soo celiyo Boorama.
Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in qabashada Ragan ay gacan balaadhan ka gaysten Ciidamada Sirdoonka Gobolka Awdal, kuwaas oo soo gudbiyay xogaha ku saabsan ragaasi, isla markaana Hargaysa lagu xidhay mid ka mid ah ragaasi oo isagu ku sugnaa Hargaysa.
Gabiley News Desk Boorama.
Source: Gabiley
Categories: Warka (News)
Nuxurka Kulankii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Iyo Xubno ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska
Khudbaddii Taariikhiga Ahayd ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane C/Raxmaan Saylici Ka Jeediyay Fagaaraha 18-ka May ee London
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Haye, warkan ayaa ugu xiisa badan, in saddex nin ay af-duubaan nin reer Boorama ah, kadibna ku xidhaan jeelka Hargeysa. Hadana sirdoonka Awdal soo ogaadeen raggii wax af-duubay, dabadeena la soo xidhay…!
Kuwa wax af-duubay ayay ahaayeen?. kan la af-duubayna ayuu ahaa?.
Waxan u malayn iny tahay arrin ku saabsan ganacsi iyo muanno lacago ka dhashay,waana laga yaabaa in ragga wax af-duubay isugu jiraan labada dhinac hormuudna ay ka ahaayeen dhanka galbeedku waayo,ma suuro-gasheen la’aantood lkn maxaa soo celiyay haddayna u dhalan deegaanka?mise tolloow saas maahee gabadh uu guursan lahaa bay doonayeen si ayu mehershaan,war jiraaa cakaaruu iman,insha-Allaahu xantuna way soo bixi.
waxaan maqlaayey ragubastolad ayey ku afduubeen oo gaadhi aan lanmar lahayn ayey wateen waana arin ganacsi iyo lacago la isku yeeshay lkn waxaa qalad ah in la is afduubo waa in sharciga la isla maraa waa hadii uu sharci jiro meeshaa jabhadii snm ayaa ka dawladaysa wax dawlad ah ma jrto dadka reer awdalna waa dad caqli badan oo waxay isla nabayaan waxay sugayaan in ay dawlad somaliyeed dhalato waana taas hada dhalatay
waxa ay diidanayeen in ay qoxooti noqdaan oo ay awbare iyo dharwanaaje injirtu ku gasho sidii snmta ay dulcad iyo xarshin ku injiraysteen
iska samra in yar ayaa idiin hadhee
nimankan waxay aheyen snm reer gabilay ah maxaase borama dhigay ninka ay afduubeen maxaa hargaysa loogu xidhay hadii ayna snm wada shaqaynayn ,,waxan ka yaabay reer awdal dad dhiig leh maha inta dadkooda la afduubo hargaysa lagu soo xidho hadana lagu soo noqdo borama si kuwa kale loo afduubo kuwaa hada la qabtayna waxba laga qaadi maayo oo ninlaa u doobiyey ee raga samaroonow sidan waa xayawanimo walaahi waa dulinimo ee sidan isku dhama war ka tashada cadaawahoo isku tiirsanaday,, reer boora afarta habaan ee suldaan isku sheega ha haka bilaaban idoorna ha iska xoreeyan ..period
Gudoon, waran kaad dhankasta u darbaynayso jooji. Warka la soo gudbiyey laftiisaan u qalmin wax la akhriyo sobob too ah hadaan cadayn iyo waxla hubaa jirin marlay waa kutiri kuteena waxanse sugnaa warkoo saxan.