Mahadsanid Macallin Samatar: Thank You Professor Samatar

Prof. Axmad I. Samatar: knowledgeable, trustworthy, incorruptible—and most importantly, driven by shared principles

 Wadhaf News-Sep.12, 2012: Guusha halganka geesiyadu xawli kuma timaad, waxaase hubaal ah in geedi socadka halgankaasi sideedaba yahay guul. Halganka professor Samatar soo waday muddo dheer waxaa ka mid ahaa tartankii doorashadii madaxweyne ee soo gabagabowday. Natiijadii ka soo baxday waxay ahayd tii ugu haboonayd ee lagu iloobi karo xildhibaanada ag maray taladii iyo ajandahii ugu mudnaa oo ahaa kan Hiil Qaran ee u sidey Dr Samatar.
La yaab male in wali Somalia ka xaroobin cidiyaha qabyaalada iyo musuqmaasuqa, waana sobobta dalku 21 sanno iyo dheeraad taarikh madow ugu jirey.

Doorashadii dhacday iyo musharaxnimadii Professor Samatar waxay iftiimiyeen dhowr qodob oo xasaasi ah:

1. Dhinaca Somalia guud ahaan

Waxaa hubaal ah in ururka Hiil Qaran iyo Professor Samatar dardar cusub ku soo kordhiyeen kor u qaadida tayada siyaasiinta Somalia oo horey ugu sifowday hoogaan xumo dadku khaati ka joogeen.

Musharaxnimada Professorku miisaankeeda ayay lahayd, qof waloo Somalia aayaheega ka warwerayaana shiki kagama jirin in Prof. Samatar yahay hogaanka ugu haboonaa ee Somalia sarejoojon kari lahaa, dareenkaana waxaad ka dareemaysay casimada Somalia intii olaluhu socday.

Nasiib daro shacbiga soomaliyeed ma ahayn kan codaynaayay. Waxaa codaynaayay xildhibaano marka horeba lagu xulay sifooyin dalab leh. Waxay noqdeen dad aan weli ka xoroobin qabyaalad, iimaan xumo iyo damiir xumo. Aayahii dalka oo gacantooda ku jiray may ixtiraamin balse waxay ka doorbideen inay damiirkooda baayacaan oo codkooda iyo aayaha ummada ay dhaafsadaan wax ay maalmo ku noolaadaan.

Olelaha doorashada waxaa loo adeegsaday lacago xad dhaaf ah oo dadka siyaasada Somalia u kuur gala ku qiyaaseen ilaa dhowr iyo labaatan milyan oo laaluush loo bixiyay. Hiil Qaran iyo Dr Samatar foolxumada nadiif ayay ka ahaayeen iyagoon uga joogsan lacag la’aan balse uga maagay mabda’ ahaan.

Waxaa weliba soo baxday inay xildhibaanadaasi u dhaqmayeen sidii dad aan sinaba ugu qalmin in laga qayb galiyo ka talinta aayaha dalka iyo dadka. Balamo been ah oo ka soo horjeeda dadnimada iyo diinta ayay galeen ayagoo ku gafay islaamnimadii ay sheeganayeen. Sidey doontaba ha noqotee, weli Somali kama xoroobin doqoniimadii gumaysiga qabyaalada, waana ta u weyn ee lagu macnayn karo in xildhibaanadu ka codeeyaan dadkii ugu kartida badnaa ee xilka madaxweyne u tartamaayay.

2. Dhinaca Waqooyiga

Musharaxnimada Professor Samatar waa mid sharaf u ahayd dadka reer Waqooyiga ee wali aaminsan in ayaahoogu mid yahay kuma darin kuwa ay wali uurka uga buuxdo wax Koonfur ka soo bogsanayso. Waqooyigu wuxuu madasha tartanka keenay musharaxii ugu aqoon badnaa Somaliya, aqoonyahan ay hagayso wadaninimo, qaranimo iyo dacadnimo, karti iyo aqoon inkastoo Somali weli himilooyinkaa ka doorbidayso ajandayaal raqiis ah oo loo bahan yahay in laga garaadaysto.

Professor Samatar iyo kooxdiisu waxay la kulmo kala duwan la yeesheen xildhibaanada Barlamaanka gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Waqooyiga oo badankoodu ugu balanqaaday codadkooda. Nasiib daro balanqaadkii iyo axdigii ay galeen waxaa ka xoog waynaadey laba shay oo midna yahay hunguri midna ka sii xunyahay oo salka ku haya siyaasad raqiis ah oo la xidhiidha ujeedooyinkii loo samaystay Somaliland iyo qabyaalad waayo maaha Samatar nacayb waxay 28 musharax ee beesha dhexe kaga weecdeen Professorka, balse waxaa cad inay uga weecdeen reer nacayb, waana shiki la’aan.

Codadkii beesha dhexe ee Waqooyigu waxay la safteen Sheekh Shariif oo sida laga warqabo wacad la galay silaanyo markii ay ku kulmeen Abou Dabai.

Sobobta codadkaas beesha dhexe uga weecdeen nin reer Waqooyi ah oo laga doorbidey Shariifka waxaay keeneen in lays waydiiyo su’aalahan:

Siyaasiinta beesha dhexe ee midnimada la safan maxaa ku kalifay inay beeneeyaan cadaalad daradii Waqooyigu ka tabanaayay Koonfur? Cadaalada darooyinka waqooyigu tabanaayay miyayna ugu weynayn hogaanka sare ee Somalia oo intii ay xorta ahayd ka soo jeeday koonfur? Professor Samatar miyuuna ahayn siyaasigii Muqdisha ka dhex sheegay in talada dalku Koonfur gacanta ugu jirtay taniyo lixdankii? Maxay haddaba beesha dhexe codadkeeda u geeyay Shariif oo foonfur ah? Samtar oo la doortaa miyayna ahaateen bilowgii saxitaanka wixii lixdankii qaldamay?

Su’aalahaas jawaabtoodu way cadyihiin. Waxaa marag ma doon ah in beesha dhexe ujeedooyinka ay ka leeyihiin Somaliland ay tahay in ay ku saxaan wixii Beesha dhexe tabanaysay ee marnaba ma ahayn inay ku saxaan wixii Waqooyi tabanaayay. Sidaas awadeed markuu Prof. Samatar leeyahay Waqooyi iyo Foonfur ha loo wada hadlo, beesha dhexe dan uma arkaan, waayo waxay ku taamayaan in loo wada hadlo Beesha dhexe iyo Koonfur. Taas ayaa keentay in Shariifka laga doorbido kii danaha Waqooyiga iyo xaqa Waqooyiga ka midho dhalin lahaa.

Dareenka noocaas ah, inta siyaasada u dhuun dalooshaa way ogayd balse bulshada waqooyiga een beesha dhexe ahayn ma dareen sanayn. Waxaa hubaal ah ciyaarta Xamar ka bilaabantay in gabagabadeeda lagu dheeli doono Waqooyiga. Karis xun iyadaa wax ku waayiye, bisha tobankeedii wixii Muqdisho ka dhacay waxaa u dhutiyi doona Waqooyiga oo marna dib u ahaan doonin madays reerkii soo matalay siduu doono u dheelo.

3. Dhinaca Tolka

Damac la’aan, hiil la’aan ayaa lagu sifayn karaa siduu tolku u dhaqmay intii ay socotay olalihii doorashadu. Faalo ma leh doqoniimadii ina foorarisay een kariweynay inaan sida dadka yeelno. Waxaan weliba u jeedaa siday yeeleen kuwa sheegta inay wax barteen oo gacanta, afka iyo jeebka xidhay. What a shame! Doorashada ka hor ayaan maqaal qodobkan ka hadlaaya faafinay, maqaalkaas oo dulucdiisu ahayd : Gadabuursi iyo siyaasada : Dad aan sida dadka u samaysnayn!

Aduunka ficilbaa lagu dhisaa, kii kali ahaa ee ficil la yimid taageeraduu mudnaa inagama helin. Waa nasiib daro. Balse ogaada in adduunku yahay laba koox: “You see in this world, there’s two kinds of people, my friend, those with loaded guns, and those who dig. You dig.” (The Good The Bad and the Ugly). Inaan kala doorano soo maaha? Professor Samatar waa inta diyaarka ah (with loaded guns) inakuna winta lagu qodo ( who dig). …ogow “loaded guns” waa sarbeeb gun dheer…

4. Thanks to Professor Samatar

Musharaxnimada Professor Samatar sideedaba waa guul. Wuxuu muujiyay inuu yahay aqooyahan aan danayste ahayn balse qalbiga ay kaga jirto jacayl uu jacelyahay dalkiisa iyo dadkiisa horumarkooda. Waa aqoonyahan jecel inuu dalkiisa ka saaro mugdiga, gumaysiga qabyalada iyo siyaasadaha bulaacada ee hagaaya Hargaysa iyo Muqdishaba. Dhiiranaanta, raganimada, runsheegnimada waa calaamadaha geesiga, geesigana intuu ka dhashay ayaa marka hore la dagaalanta, marka xigana shisheeyaa tuurtuura. Laakiin geesinamada Professor Samatar waa mid ku dayasho leh waana hogaan maanta sameecadiisu kor u sii kacday tusaalena u noqon doona dayarta soo socota. Siduu u sheegay Maxamad Hersi Bahal oo maqaal taageera ah ka qoray Professorka, Samatar waa aqoonyahan ay ku day’daan kumeyaaal somalida waxbarata ee qurbaha joogtaa. Ficilka maanta u qaadayna wuxuu ka mid yahay dadaalkiisa joogtada ah ee uu ugu jiro dalkiisa.

Waxaa Professorka uga mahadnaqayanaa ficilka u qaaday oo dhowr shay noo iftiimiyay, arrimadaas oo dabcan raad ku yeelan doona talaabooyinka la qaadi doono mustaqbalka:

a) Wuxuu noo iftiimiyay inaan weli Koonfur u diyaar garoobin sidii wax looga qaban lahaa qodobka midnimada inkastoo Waqooyigu laftiisu weli yeelan damaca ah in wada jir loogu halgamo in madaxweyne laga noqdo dalka, waana tan ay garn waayeen xildhibanada waqooyiga ka soo jeeday.

b) Musharaxnimada Pro. Samatar waxay noo iftiimaysay in Beesha Dhexe ama goonigooste ha ahaado ama federalist ha ahaadee inay ka go’antahay in Waqooyi la micno yahay Beel kaliya oo mudan inay kalideed la xaajooto Koonfur.

c) Waxaa noo cadaatay in Tolku weli toosin, diyaarna u ahayn in laga qayb galo doodaha waaweyn ee dalka. Damac la’aantaasna waa mid ka marag ah dib u dhaca siyaasadeed ee muuqata balse loo bahan yahay in si degdeg ah wax looga badalo ka dib casharka ka soo yeedhay Muqdisho bishan tobankeedii.

Finally, Thanks Professor samatar.

JOG

Wadhaf News

About these ads

Categories: Faalada Warka (News Analysis)

44 replies »

  1. Somaliland waxay leedahay ciidan Qaran oo adag cidii ka hortimaadana kabahaa lala dul marayaa waligiinba walaweyn u ooya oo kolba nin wax ma tare ah faaniya anagu hadaan nahay Reer Nuur waakan ciidanka Qaranka oo u badan RR cidii maamulka SOmaliland is hortaagtana dhawaan waan yara buquujin doonaa

    Nooloow Ubax Fahmo

    Waa kuwan ciidan Qaranka Somaliland oo u badan Reer Nuur.

  2. Prof Ahmed Ismail Samater thnnnnnnx and you will be a president insha alah,
    Prof samatar waa halyey soomaliyeed oo mar walba loo baahanyahay ee waxaan rajaynayaa inaan dawlada cusubna uu la shaqeeyo kuno garab istaago aqoontiisa iyo wayo aragnimadiisa iyo khibradiiisa siyasadeeeeeeeed,

    We are soproud of you Prof Ahmed Ismail Samter, cimrigaagu dheeraa cadawgaagu jab iyo halaag ha u sugnaado.

  3. Ahmed Samater Gadabursi si deeqsi nimo ah ayey codkooda iyo ducadodaba u siyeen. Dadka halkan soo gala oo aan ogahay xitaa inay waxyaabo kale ku haysteen ayaa kash iyo laab tageero buuxda siiyey oo gobanimo leh. Markaa qorahu dib ha ula noqdo eeda uu usoo jeediyey gadabursi, waayo dee waxba kama ay hagran….sideed vote ayey barlamaanka ku lahaayeen oo ay ku iibsan karayeen mid $60,000.00 oo dollar, lakiin waxay u hibeeyeen walaalkood. Sidoo kale dad badan oo eedo ka sheeganayey ahmed samater oo u badan makahiil ayaa iyaguna si niyad sami ah u taageeray oo duco ugu daray. Qaar kale naftoodii iyo maalkoodii ba way u hureen oo ilaa mogadisho ayey u raaceen oo ay la joogeen. Dee saxiib eeda article hadaad beesha dhexe usoo jeedinayso waa halkeeda, lakiin aniga siday ila tahay Gadabursi Gobanimo ayuu muujiyey, and they have nothing to be ashamed of.

    Guul Somalia.

  4. darbi dhicisoow umamalaynmaayo inaad reer nuurtahee hadaad tahayna dhicisbaadtahay an caadi udhalane miyaad og tahay reerkii inoo dawladaynaayey ee iyakuba hambalyada udiraayey madax waynaha cusubee soomaaliya inay yidhaahdeen reer boorama uma hambalyeyn karaan cidii hambalyeysayna sooxidha hadana jeelka kujiro wariye haashim sh/cumargood

  5. Waxaa la yidhi waari mayside war ha kaa hadho, A. I. Samatar hadal dhaxal gal ah wuu u sheegay reer koonfureed ama dhalinyarada somaaliyeed ee soo koraysa, imika ahaan dadka u la hadlayaa waa “dhuxul danbas huwan”…wali diyaar uma aha qaran somaaliyeed…maalin kale ayay garan donnaan waxaad hada u sheegaysid, waa tabtii SDA iyo Gdabauursi…

    Somaliya waxa qasaya IGAAD iyo kuwa u adeega…Ileen tuugu waa tuug…

    Allaah ha ku xafido amiiin… we love you..

  6. Timacade:

    waan kugu raacsanahay eedaas uu qoruhu Tolka u soo jeediyay maaha mid qabata. Taageero hiil ah bay muujiyeen oo intii ay karayeen ah.. intaa wax ka badan hadii ay hayaana way siin lahaayeen baan aaminsanahay. Qoruhu wuxuu u jeedaa baan u qaatay qolooyinka qalin maalka ah ee website yada wax ku qora ee Tolka oo ka gaabiyay inay taageero qalinka ah siiyaan iyo guubaabo badan. Si kastaba ha ahaatee, Samatar maanta waa inuu xaqiiqsadaa maahmaahda ingiriis ( A friend in need is a friend indeed) .. cida marka dhibtu soo gaadho garabkiisa laga helayo inay tahay tolkii oo uu afka uu ka dhawrayo ka soo saaraa oo uu si public ah ugu mahad celiyaaa..

  7. Samaroonoow anuu horaan idiin sheegay waxaad tihiin very low I.Q maskaxdiinu ma shaqayso goor dambe oo dhacdooyinku qaato sanado ayaad wax yara fahantaan intaana waad isku mashquulsantihiin kuna murantaan hadba sida ay wax yihiin.

    Anuu horaan idiinku sheegay in aanu Ina SAMATAR kursiga Somalia sina ugu dhawaan karaynin sababi jira aawadood waad ila muranteen maantana waan arkayaa baroortiina iyo waliba inaad kusii adkaysanaysaan in aad mar uun wax ka noqon doontaan hogaanka sare ee Somalia waana habeenkii xalay ee tagay inaad si dhib yar ku heshaan kursi muhiim ah oo Somaliyeed,Lkn ma sheegin inaad heli doontaan wasiiru dawle yar ee parasite ah mooyaane wax kale waa iska ruyadii shimbiraha iyo khayaali ama ruyo aad ku jirtaan,Hadaba haday arini sidaa tahay yaa idinka toosin hurdada aad ku jirtaan iyo is nasakhaada idin daashatay ee qayrkiin idinka reebtay yaa idiin kasoo gurman oo tol idiin ah…..?

    Dhulkan Muqdisho iyo Koonfur malaha Samaroon wax Somalinimo la yidhaana ma jirto sxbyaal ee iska ilaawa toloow waa goof Hawiye waxaa iskusoo googooyay oo ku dagaalamay USC oo u kala jabtay Cali Mahdi iyo Caydiid ayaa isku basbeelay kursiga daraadii idinkuna meel rag iskusoo laayay ayaad doonaysaan inaad dhul aydaan u dhalan aad si dhib yar kursi dhiig kusoo daatay ayaad rabtaan inaad Sidii geeridii Ina Cigaal ee Dahir Rayale kursiga sida dhibta yar ku helay ayaad doonaysaan kkkk Xamar iyo Hargeiysa isku dad maaha isku dhaqan iyo diin midna ma nihin,

    Hadaad moodeen in sidii Isaaqu kursiga Somaliland idiinku aaminay sanadihii tagay dee ha moodin maalin kasta axad ka quuso ha quudarayn quud baa jira aan la cunin.

    Halkan ka daawo dagaalkii dhex maray USC iyo sidii la iskugu dilay kursigan aad riyoonaysaan.

    Waxaa waliba ah wax lala yaabo inaad waliba u dirtaan nin dhulkiisii Ciise ka qaatay oo meelahaasi buufiska uu ka qaaday Ismail Omer Guelleh dhulkaasi iskaga baabiinaya ayaad doonaysaan in aad ku riyootaan kursi ay iisku laayeen dadkii dhulka lahaa oo hogaamiye kooxeedyo,dagaal oogayaal iyo hogamiye diimeedyo xagjir ahi ka dhasheen khilaafkii kursiga.

    Ilaahay ha idin tuso Samaroonoow dhulkiina Somaliland ee aad indhaha ka lalinaysaan.

  8. Horta ninka Gidaar la baxay ee magaca reer nuur raba inuu xaarka mariyo.. waa nin aan qowl lahayn oo kolba meesha hawadu ka timaado iska raaca… bal u fiirso maqaal ku soo baxay hiildan.com Novermber 2011.. oo ahaa Tolwaayay oo taaladii Snm borama ka taagay http://hiildan.com/2011/11/21/tolwaayay-oo-taaladii-somaliland-ka-taagay-awdal-kuna-taamay-in-dhiig-iyo-dheecaan-loo-huray-awdal-state-maxay-ka-tidhi/

    wuxuu ku tilmaamay inuu yahay kaba qaad… isaguna hada waxa uu wada waa tii uu ninkaa ku haystay….

    Darbi Samaroon November 21, 2011 at 11:51 am #

    Kani hore ayuu u cadaystay Kabaqaadnimo,Doqoniimo,Damiir Xumo,Basaas,Dhiig La’aan,Awr Kiraalenimo,Tolkii Dhabarka Ka Toogte fool xumo iyo cadawga tolkii ayuu dhabarka ku sidaa Aniguse Xakumi maayo ee waxay u taalaa isaga iyo kuwa taalada SNM keenay Borama Xaakinada Awdal State ayay u taalaa waxay ku xakumi doonaan Waa bahal is nacay oo aan Samaroonimo shaqo ku lahayn waa Oromo dhiigiisa hala baadho fool xumadiisa iyo dhareerka uu daadinaayo ayuu ka turjumaysa in aanu Samaroonimo shqo ku lahayn,Reer Ba’oow yaa ku leh marka kan oo kale wax nalooga dhigo nacalaa dhalay in seeraha lagu dhex toogto ayaan u malayn inay xakumi doonaan xaakinada Awdal State sida aan u malaynaayo,Samaroon waxan oo kale ee foosha xun leh ayaa la dhaadhacay ee la leeyahay waa tolkeen tolna ma nihin anigu doofaarka xun ee bilaa damiirka ah.

    Waxaan xasuustaa ninkan oo injir leh oo SNM ay leeyihiin waa Mujaahid Mujaahidnimooy xaal qaado ayuu ku jihaaday,Maalin maal maha ka mid ayuu wiil dhalin yar oo ay isku jufo yihiin ayaa yidhi waa Mujaahid ina Aw Cali,Markaasaan weydiiyay oo ayuu ku jihaaday intoon indhaha ku gubay, jawaab ayuu soo celin waayay yarkii in aan gacan saaro ayaan damcay lkn yar iga da’yar ayuu ahaa waanan iska dhaafay lkn aad ayaan uga xanaaqay waa mujaahid iyo hadalo ay Isaaqu ku barmajiyeen ayuu iila yimid yarkaasi.

    Maantana waa ka niikada iyo dabada SNMta u luxaya ee ay joogsan laadahay…

  9. Darbi…….waxan aad ka hadlaysaa muxuu yahay ninyahow, anigu ku fahmi waayey eh? Walaahi sidan waad dhaantay markii aan kusoo biiray Hiildan. Waar somaliand waxay gaadhay waqtiga afka qalaad lagu yidhaa ” Diminishing returns” oo uu macnaheedu yahay, way sameeyeen wixii ay samayn karayeen oo dhan ” they have peaked”. meel kaliya ayuunbaa loo wada socdaa ee ninba dariiq ayuu usoo marayaa. Meeshaasina waa somalia. ISaaq hadday talo hayaan, gadabursi dib ha ula heshiiyaan inta ay taladu ka go’do, dabadeedna reer woqooyi nimo wax ha lagu raadsado, hadii kale dee nin waliba kalidii waxuu heli karo ilaahay ha u xalaaleeyo. Mar kale aan kuugu celiyo, Somaliland maaha sustainble polity no more, taasina macnaheedu maaha soomaliya ayaa kusoo duulaysa ee waxa weeyi internaly baany fundementals kii stability ga keenay jirin oo dhexda ayey ka qudhunsantahay, mana haystaan leadership fiican oo ka saarta godka ay qodanayaan.

  10. Jama Awdali

    Anuu diidi maayo is bar bar dhiga hadalkaygii shalay iyo maanta,Markan waa markaan ku kacsanaa dawlada Somaliland waanan qaldanaa ilaahayna ha iga saamaxo hadaladaan idhi dhamaan shacabka reer Somaliland waxaan ka codsanayaa hadaladaydii hore tani waa taas.

    Isla marka aan joojiyay mucaaridnimada Somaliland dagaalkii duufaanka ahaa ee internerka ee aan ku dawlada shacabka walaalahay ee Isaaq waxaan joojiyay markii Mudane MADAXWEYNE Axmed Siillaanyo yimiday Dila ee uu la tashi la sammeeyay adeeraday ayaan ana la jaanqaaday duqayda iyo hagoomiye dhaqameedyada reer Dila oo aan qaatay nabad iyo wanag aan ku wada dhaqano anaga iyo wadankayga iyo shacabka waanan joojiyay halkan hoose ka akhriso markaan joojiyay hawshaasi aad sheegayso.

    http://hiildan.com/2012/05/15/dila-waa-somaliland-nin-diida-iyo-nin-doonaba/

    Waxba munaafaqad ha u arkin siyaasadu saaxiib joogto ah ma leh lkn waxay leedahay dan joogto ah.

  11. Car bal wakaase Hiilddanyare hakasoo waramo Wasiir Duur oo maanta Ciise u baryaaya Maxad Case oo leh xilibaanada golaha deegaanka wax kasiiya Walaalihiina Maxad Case.Hiildanyarana koonfur ayuu ku wareeray iyo Prof Khasaare Saylacna waxaa 17 xilibaan qaatay Ciise oo Maxad Case u diiday hal xilibaan Ina Caateeyena waxuu ku wareeray walaweyn waa reerkan waa wada Samatar Khasaare ee iga daa walaahi waan nacay Maxad Case Jibriir Yoonis ayuun bay u booteeyaan waa dad tolkood uun eega.

  12. darbi, 4tii kun ee reer nuur ee sool iyo sanaag u diraysay ma u dirnaa saylac, m/c kaa xiga isaaqe ?

  13. waarbal ceebtana eegahttp://www.boramanews.com/index.php?option=com_content&view=article&id=2470&catid=34&Itemid=53

  14. balwarka boorama news ku qoran iga caawiya ceebaa dhacdoo reer tolkay cid uunbay u xoogwayn yihiine ilaahoow muu nin makaahiilihi saylac badhasaab kanoqdo labo kabaalaad inagamasoogaadheene waar wax isufala waasidee

  15. Tolku hayska daayo Darbi.

    Darbi wuu waashay.Tolku sidaa ha ogaado.

    Darbi waxa iska laaqan Somaliland iyo Isaaq.

    Somaliland wax la yidhaa way dhamaaatay laakiin Isaaq wuu jooga waxayna rabaan inay helaan Prime Ministerka Somaliya.

    Sida ay u socdaan ayay dadka aqliga saaxiibka uu u yahay arkayaan,dadka ay cadiifadu qaadaysaana waxay run moodaayaan waxay isaaq ku sheekaynayaan ee ah Somaliland.
    Somaliland waxay noqotay meel ay isaaq ku qadhaabtaan.
    (Qalab) ayay unoqotay Isaaq oo ay wax ku soo qabsadaan.

    Samatar haduu musuqmaasuq iyo laaluush wax ku rabo orod ayuu ku heli lahaa Madaxwaynenimada Somaliya.Wuxuse rabay wax xalaal ah sidii uu sheegay.Waxaasina maanta Somaliya kama suuru galayo.Waxa xalaasha ah waa in la helaa __- haduu uu samatar waayay wixii xalaashahaa waxa heli kuwa ka dambeeya.
    “New Somali,New Fikrad,New jacayl Somalinimo,ayaan aasasayaa oo aan ka bilaabaya Somaliya”, ayuu Samatar yidhi.

    Arag tida noocaas ah ayuu ku soo kordhiayay saaxada Somalida.

  16. thank you professor Axmed Ismaciil Samatar..,

    you will always remain our hero.. we will always support you unconditionally and tirelessly.

    Thank you Sir.

  17. Horta Wadhaf mawaxey uheysataa in Samaroonku Soo saari karaayey Samatar, we only have 9 MPs and they all Supported Samatar. Eed Joogta ah ficil joogta ah baa dhaama ee malaha intoodaa dhiney kkk.
    Anigu Samaroonka waxan ku jeclaadey marka kooda liita kooda halyeyga ah ka aan wali waxba laga arag ay maalinta uu ubaahdo duuduubka ku qaataan bal adba dhacdoojinkan ila arag:
    Mr. Reyaale oo ahaa nin aan wax damiira laheyn, dhaxalku yimid kursiga SNM, dhulkoodii iibsadey,dadkoodii lagu hoos laayey hadana maalintii xilka laga qaadey ee isagoo muusa naabaya uu dib ugu laabtey Hargisa dhulkana tukhaantukho loogu ridey Boramey ku yiraahdeen soodhowow ooy waliba marti qaadeen.
    Mr. Saylici oo maanta degaanadii Saylac isagoo haya jawgada labadaad ee SNM hanada aan wax maqas dhaafsiisan meeshaas ku hayn dee wali qaarbaa mudane Wadexweyne haya. Maba aheyn dadku iibinaaya inad umuujiso tolnimo iwm.

    Prof. Samatar oo utartamey madaxweynaha Soomaaliya cilmi iyo afsoomaali xuruxdiina leh markuu arintii ku hungoobey dee waa kuwaa leh anagaa dadka kuugu jecel ee noosoo dhawow oo xitaa Awdalstate madaxka noqo. Alleylehe Gadabursi Samaroon Gobsanaayoo Siyaasad xumaaa. Markii hore Soomaalida kalaan gayaan la ahaaye waa inaan gabadhka doonaa beelaha Samaroon marba hadii koogii xumaanta badnaa iyo koogii geesiga ahba si uwada taageerayaan. Ma Samatar, Saylici iyo Riyaalaa Siman? labada danbe waa waxba yahey hadana support ma waayaan. Kan darbina wuu waalan yahey hada kkkkk.

  18. Asc akhyaarta maxaa loogu wareeray oo loo wada cambaarayanayaa MR. DARBI SAMAROON ?, waar ninku waa nin culus oo aan la gaban fikirkiisa debedana soo dhigee ,maxaad ku haysataan? xor ayuu yahaya cida uu taageeri iyo cida uu nici idinka iniima taalo arinkaasi, u dhaafa fikirkiisa . waanad salaamantihiin.

  19. Darbi waa nin hubqaada waana raga kaliyee ka bixi kara siyaasada maanta taala dhulkeena waxan nacay fulaha inagu badan ee sida foodlayda hadalkuun miisa sida kuwo badanoon aqaan meel kastuu taageersan yahayna qurus fiican wuu ka goosan kari lahaa waxan nacay kuwa sida gashaanti la soo hooyay foorara kkkk mid waalan runtii ayaa halkan ku jiree kaa xidhxidha hadaad tol tihiin waliba namiim ah oo reerka isku dira kkkk car bal garta.

  20. Godan waan ku salaamay huuno.
    Bal ii waran ugaaso.

    Wali iaad siin Emailkaagii. Waad i fahatay ayaan u malaynayaa.

  21. kuwiina mujaahid derbi caayayaa idinku xagaad ku tirsantihiin ninkaasi lugtuu taagtay wuxuuna ku qanacsanyahay in ilaahay ka dhigay reer nuur dalkiisuna yahay somaliland. bal idinku soo cadeeya dalkiina iyo meeshaad ixtiraanka iyo awooda ku leedihiin .

    hadii aan usoo noqdo maqaalka xaqiiqdii wuxu qoraagu guday gudcur dama marka laga eego eeda uu beesha dhexe dhakada ka saaray, wuxu hilmaansanyahay in 30ka xildhibaan ee isaaqba laga diray madaxtooyada somaliland qaarkoodna siilaanyo gacantiisa ku qoray sida (agaasimii maaliyada somaliland jaamac oday oo ay siilaanyo isku beel hoose ahaayeen ) meesha ma tegin isaaq federalism rabaa ee waxa tegay isaaq loo diray inay danta dalkooda ku ilaaliyaan awoodooda xildhibaanimo.

    tusaale yarbaan ku siinayaa, hadii isaaq kursi ka rabo xamar already ayaa la diyaarin lahaa xubin adag oo noo tartanta sinaba umay dhacdeen in oomaarna hal cod helo buubaana tanaasulo dad hortii yadoo 30 nin oo isaaqi fadhiyaan. xildhibaanada isaaq hadafkoodu wuxu ahaa in gebi ahaanba wixii waqooyi ku abtirsada laga dhaariyo kuraasta sare ee somalia, sidoo kale waxay meesha u tageen inay afka ciida u daraan xildhibaanada puntland iyo kastuumo iyo murashixiin badan oo farmaajo ka mid ahaa sii loo helo cid somaliland wada hadalada la wadi karto oo aan maranaba caqabad ku noqonayn geedi socodka madaxbanaanida.

    samatar iyo cali khaliif waxay ahaayeen labada nin ee dawlada somaliland sida weyn u rabtay in afka ciida loo daro waana lagu guulaystay, cabdiweli iyo farmaajo waxay ahaayeen second targetka waana lagu guulaystay, hada waxa hadhay xubintii ugu muhiimsanayd oo ah ra,iisulwasaaraha , xildhibaanada isaaq koob biyo ah u cabi maayaan in 30kuba VITO taagtaan hadii la hor keeno ra,iisulwasaare caqabad ku ah somaliland. 4.5kii wuxuuba kala bixiyey muruqii somaliland kkkkkkkkkkkk.

  22. To Kuluc

    28 ka Xilibaan ii Isaaq waxay meesha u joogaan inay odkooda iibsadaan.
    Haday wax tarayaan Shariif oo ay taageersanaayeen ayay wax u tari lahaayeen.275-28= 247 Xilbibaan oo Somali k kooban wax aad hor joogsan kartid iyo wax aad soo saari kartid ayaaban jirin.
    Mida kale maad beenka iska dhaaftaan ood runta hotjoogsataan.

  23. Waxaan ka yaabanahay goorta Isaaq iyo Samaroon sidan u kala dhinteen.. Meeshan arkaba laba isku haysataa.. Cajaaib! waddanka in badan baan ka maqnaa.. Halkaa ka hayaa, Ilaahay ha idin sii kala fogeeyooo..hahahah..

  24. kuluc hadaad awood leedihiin ina oomaar ama buubaa baad madaxwaynaha soomaaliya kadhigi lahaydeen si uu somaliland u oqoonsado waadse faanaysaa uun imikana raysal wasaaruhu waa samatar lasoco

  25. Wali caasha

    Horta waa ku mahadsanyahau xaga tirada oo aad iga saxday 30 baan moodayee ma 28baa ? Oki. xildhibaanada isaaq midbay kaga duwanyihion dhigooda yagu waa HAL BEEL. halka kuwa daarood ama hawiye sagaal firqo u kala baxaan oo midba ta kale midi dhabarka kaga hayso. Thats the only difference. Ma jirto beel intaas oo xildhibaan oo isku hadaf iyo fikira leh. beelaha kale waxay haystaan waxaan 10 ilaa 15 ka badnayn oo isku fikira.

    anigu kama xumi haday codkooda iibsadaan ama iska daayaan laakiin waxaan aad uga xumaan lahaa yagoo ina oomaar ama samatar cod siiya taasaa dhaawac xun soo gaadhsiin lahayd somaliland. Hada ninkii codkiosa iibsanayeyna iyo kii aan iibsanba waxay u codeeyeen cidii la rabay. Anigu ma aaminsani in badankoodu shariif u codeeyeen laakiin kolayba waxay dhmaan u codeeyeen murashixiintii hawiye . Shaqo wanaagsanbay qabteen oo taariikhdu xusi doonto markay soo noqdaana hero wellcome baa loo samaynayaa.

  26. sida ay hanimoofo sheegtay wiisrka tarbiyada iyo barbarinta caruurta ayalaga dhigayaa samatar ileen cod raisalwasere lama iamn meshee

  27. slander,

    tarbiyada iyo barbaarinta caruurta waa halka uu qofku ka soo bilaabo dholosha, waxayna u dhigantaa dhabtii hooyo kugu soo qabatay markaad yareyd… hooyo wa lama huraan…hani hadii ay tidhi ina Samatar halkaas ha loo dhiibo macnuhu maaha hoos baa loo dhigay ee wuxuu edebta bari doona somaali oo dhan oo adigu ku jirtid oo reer hargaysa ilaahay iyo nebiga csw caayaan moyaanewax kale aan soo baran…. imikana ku sii darsaday dil, dhac iyo boob….

  28. Pourra-t-on un jour vivre sur la terre
    Sans colère, sans mépris
    Sans chercher ailleurs qu’au fond de son coeur
    La réponse au mystère de la vie

    Dans le ventre de l’univers
    Des milliards d’étoiles
    Naissent et meurent à chaque instant
    Où l’homme apprend la guerre à ses enfants

    J’suis trop p’tit pour me prendre au sérieux
    Trop sérieux pour faire le jeu des grands
    Assez grand pour affronter la vie
    Trop petit pour être malheureux

    Verra-t-on enfin les êtres humains
    Rire aux larmes de leur peurs
    Enterrer les armes écouter leur coeur
    Qui se bat qui se bat pour la vie

    Dans le ventre de l’univers
    Des milliards d’étoiles
    Naissent et meurent à chaque instant
    Où l’homme apprend la guerre à ses enfants

    J’suis trop p’tit pour me prendre au sérieux
    Trop sérieux pour faire le jeu des grands
    Assez grand pour affronter la vie
    Trop petit pour être malheureux

  29. Kolba dacaw ha iga daba ciyo oo ha yidhaahdo wuu waashay iyo wuu is dhiibay,Adeer anuu ma ihi Reer Nuur aad waasheen ee aad kolna ku beer laxawsataan Makaahiiloow iisoo gurmo marka ay dibanyihiin aad ku digataan,Anuu la mid ma ihi RR-ka aad taqaano waan ka duwanahay sababtoo ah markaad leedahay Darbi wuu waashay waxaad ogtahay in aan kasoo horjeedo hadafyadaada siyaasadeed ee inii gaarka ah adiga reerkiina ama jufo hoosaad kaaga.

    Hdafyadaasi oo ah mid sanawaadkii ina dhaafay aad ku reera keenteen lkn ahaa hooga iyo jabka Samaroon.Anuu waxaan ahay nin adigana kaa fikir duwan kana fikir duwan jufahoosaadkaagu waxay aaminsan yihiin,Waxaan ahay ninn muwaadin ah mana ihi labo wajiile ka ganacsada tolkii oo iibiyay gobolkiisa.Dhanka fikirkana xorbaan ka ahay adiga iyo qayrkaana u joojin maayo intaan noolahay.

    Shaki igagama jiro reerka aad tahay waxaanan ku noqday laf dhuun gashay markaan kaa diiday inaad tolka sidaad doonto u jihayso adiga oo dhawranaya ahdaaftaada siyaasdeed lkn aanay waxba kaa galin oo aanad u joojinnaynin wax la yidhaa Samaroonimo,Waan ku baranay oo waan kaa waantawnay adiga iyo reerkiinaba maadaaba aad tihiin dad dib u socod ah ku qanacsan kaliya maalin dagaalka iyo shilinka aad ku hesho basaasnimo aad rufyaanto Samaroonka.

    Wadanka sidan lagu daawan maayo Somaliland-na mijaxaabin maayaan Samaroon kabaqaad ah oo diidan gooni isutaaga wadankiisa walaahi ayaan ku dhaartee Samaroon wuu is barandoonaa ninkii itaal yarina awrtiisa ayuu raran doonaa.

    Wadanka ninkii mucaarid noqonayaa ha galo asxaabta UDUB,UCID iyo xisbiga uu is leeyahay dantaadaa ka jirta looma baahna inaad kolba midab noosoo nashqadaysato maskax geel kabax yahay xumi way inoo taalaa.

  30. Samaroonoow Dhagihiina fura Isaaq ma aha sidiina dad waashay oo bilaa mabda ah kolna Hawiye hoos gala kolna Ciise Kol Daarood Kolna Oromo iyo Ethiopia Isaaq waa reer gawsdambeedka ku haysta qadiyada Somaliland,Hadii ay kursiga Raisal Wasaaraha rabaan galin hore ayay u ol olayn lahaayeen ay xitaa madxweyne ka noqon lahaayeen Somalia lkn waxay ka doorbideen qaraarkii 18 may 1991 iyo axdi qarameedkii Borama,Inta maanta Isaaq ka joogta Muqdisho waa qaar loo diray hawlqaran hawshoodiina way bilaabeen wayna dhamaystiri doonaan oo sidiina maaha rag shaqo tagay ayagoo Hargiysa hsaqo iyo mansabyo ku haysta ayay XAMAR u duuleen si ay u badbaadiyaan qadiyada Somaliland iyo ictiraaf raadinta wadankan.Samaroonoow mar hadii ay idin dhaaftay halgankii hore kan maanta ee ictiraafraadintuna haduu idin dhafo oo Somaliland dhawaan la ictiraafo maxaad samayn doontaan …?

    Adeer ninkii Samaroon ah ee wali Muqdisho u jooga wax Somaliweyn la yidhaa wuu soo tahriibi doonaa isagoo daalana oo khajilsana wuu iman doonaa Awdal iyo Somaliland mar ay noqotoba isagoo wajiga suuqa ka qarsanayana waan arki doonaa inta Samaroon ah ee Muqdisho tagtay.

    • derbi, mujaahid tolkaa halgan yar oo fadhi ku dirir iyo mudaharaad u badan ayey somaliland ugu deeqi la,ayihiin halka ragna dhiigooda iyo dhuuxooda u shubay, xaqiiqdii waxaa marag ma doon ah in ciidamada xuduuduhu samaroon u badanyihiin laakiin wixiiba waxa hal bacaad lagu lisay ku noqday kuwo bahdilan oo niicdaas meelwalba ka haya yagoo hoos u foorara DDOONI MAYNO kaga dhegtay.

      halgankii weli ma dhamaan NIN WALBANA WUXU KASBADAY WAA LA KULANSIIN, samaroon ama yagoo niicdaa hayaanu dalkan dal jira ka dhigi hadhawna daadkaanu raacsiin, ama yagoo ragraga oo u dhididay xornimada qaranka ayey barwaaqo iyo balaayaba nala wadaagi, barbarkay ka baxdaa waa bakayle qaleen maanta 8dii xildhibaan khiyaano qaranbay ku kaceen laakiin weli wakhtibaad haysataan ee isdaba qabta oo bixiya xaquu dalku idinku leeyahay lama huraan waa caws jiilaale.

      awal snm ayaad la yaabanaydeene waxa soo socda mujaahidiin lagu xusi doono dadaalkay ka geysteen taabo gelinta qaran buuxa oo dhulkeenu helo hadii liiska mujaahidiinta dhaqdhaqaaqa ictiraaf raadinta iyo difaaca xuduudaha laydinka waayo waxaad ka heshaan waxba hanaga siinina. taariikhduna way xusi doontaa geesiga dhulkiisa u dhabarjabay iyo ka dhuuniga la dhexjooga.

  31. Derbi qolyaha Aad u hanjabayso waan fahmi karaa cidday yihiin ee aduu ma Issaaq baad daafacaysaa mise Somaliland?
    haddiise harti io Samaroon diiddan yihiin goooni-goosadka muxu Issaaq yeelayaa?

    Kulucna waxan leehay ma waxad rabtaan in Issaaq iyo koonfur loo wada hadlo?waa kuwaa salaadiintayadii hanbalyada u diray Samatar Awdalna waa maroodi waana cishaday kacaan Issaaq baawaqooyi wax laga waydiina cidi kaa yeeli mayso E faanka halkaas ka miis waa caaddaadee

    • salal

      adeer meeshan qori caaradii baa lagu xoreeyey qori caaradiina waa lagu maamulayaa dalkan nin walba gobolbuu u dhashay odayada aad sheegayso maaha hawl aniga oo togdheer ka imi ii taal ee waa hawl u taal muwaadinka boorama jooga isagay waajib gaara ku tahay in uu dalka dacalkiisa difaacdo hadii cadaw shisheeye oo ka muruqweyn soo galana waa waajib dhamaanteen ina saaran in gacanta la wada saaraa, oday boorame ka hadlay waxa igaga filan inaadeerkii oo dhirbaaxa.

      tusaale hadaan ku siiyo siilaanyo waakii buurmadaw ey rabaayada ka dhigay kadib markii loo dulqaadan waayey afxumaduu dalka ku hayo, kuwan aad sheegaysana saylicaa ku filan, mida kale samaroon iyo harti waxay diidi karaan gooni isu taaga only marka shacabku raali ka yahay inta ka horaysa ninkii fartaaga dhegtaa dhiiga loo daraa waana muqadas gooni isu taagu maslaxda dadkaana ku jirta.

  32. Mahadsanid Habooneey,

    Ujeedadayduba intaa bay ahayd sis. Lakin dhagar qabe yaal baa dunidan laga kala socon la’yahay hadalka kuu bedeli. Negatieve mensen met negatieve eigenschappen.

    Boorama hambalyo uga timi dowlada iyo madaxwaynaha Somalia.

  33. Somalia Hanoolato cadawgeegana ha jabo

  34. Darbi wadan jacayl iyo wadan baan necebahay la iskuma hayo waxaa la isku haya waa talada wadanka xisbiyada aad ii tilmaamayso rag sidaa doo kale ayaa samaystay maad i tilmantid mid reer nuur leyahay intaad ciidagale iyo awal iyo habar jeclo iyo nuuc yadaas isheegayso meesha meeli inogama banaano sxb haday talo tahay iyo dhaqaalaba iyaga wixi ka so hadha iya lagu tuuraa taana anigu yeeli maayo dagaalban ka xigaa intay talada dhuka dhigayaan

  35. Hani adaa mudan huuno,

    Darbiyoow,

    hadii anaga nuurkiyo
    lanaga jaro naruurada
    adna naafac beeshee
    nabar anaga nagu yaal
    adna naafo kuu lehe
    sideed sideed sideed
    sideed noo necbaataa ??????????

  36. hanimoofo masoo noqotay sideediibay odhandoontaa walaysoorafay marka ay xamiliwaydo mujahiidntii snm hadeerna dad aan kaba siidaran baa jooga dadkan aad soodhiayso rasaastii siyaad bare soo siiyay meel ay la adan bay garan wayeen adana sland laaajibadkatahay wana ila shanyaa wligaa dadka somalia ka qayli down somali wan y

  37. Xoogbaan dadka ku haysaneynaa iyo dadku la’aantayo waxba ma noqonayaan kkk sheekho caruureedkaasi waa mid gabalkiisii dhadhey. R.Boramaa odhan jirey GADHOOW LAGU SII DAAYE GAFUUR DHAAF. SNMeey lagu siidaaye Adis Dhaaf. Ninkaas yiri Soomaaliya waa mid cidii aan dooney taasina dariiqa Saalooyin ha noo dhigaan. Dee Orda oo Saalo ku marqa Dariiqa Borama iyo Hargisa isku xidha si urtiisa aan cidiba umari karin kkkkk anagu soomaalibaan nahey oo Alla naga dhigey, naxliguna cidii siduu ugaar yahey. Kana go’i meyno wixii cadaalad daro ah ee jirana waanu la dagaali.Ku darsoo waa habeenkii haley ahaa yoo tagey in Daarood oo 60 xilibaanku dhexleh Soomaaliya aad Harti kala qaybisaan. Anigu waxa cadhada keenaya waan ogahey waana markey maqleen Dadweynaha Awdal oo yiri Soomaaliya waa muqadisSoomaaliyana maanta caalamku wuu usoo jeestey sababtoo ah iyagaa u arkey iney dantooda tahey Somaliyoo nabad ah.

    Kuwan SNMna labaatan sanadood waa laga seexan waayey. Baroortii ictiraaf raadinta maanta ma cadho meelweydeybey isku badashey markey garawsadeen in Soomaalidu midoobeyso. Soomaalida uunbaad ka mid tihiin hadii aanad rabina cid idin qasbeysaa majirto sababtoo ah Soomaaliya nabadbaa loo hogaaminayaa. Laakiin masaakiintii reer Buuhoodle ood aroortii ku durdurisaani jirimeysto, degaan aaney beeshiinu degina ka talin maysaan.

    Anigu aqliga SNM waan la yaabey waxanan kula yaamey qoribaan dhul iyo dadku haysaneyaa. SNM bully has no room in new Somalia that going to be build peace, justice and inclusive to all Somalis. SNM bullying has no room in new Somalia becuase it’s part of large world community that deserved to live peace. Harassing Somalis in the North and putting reporters in just becuase they refused to obey clan idea it meant SNM is working against world community including UN and AU.
    Caadifad aan haba yaratee lahey aqli haga iyo waliba maaweelo madhan. Soomaaliland wey duushey kkkkkk hadana isla iyagiibaa xilil xamar dhexdeeda ku loolamaaya. Welcome to our world. Alla wixii aad dadkale ku sameyso adna wuu ku tusaa iyadoo lagu sameeyo. Hadii aad r.awdal, Sool iyo Sanaag cadquudheed ood rabteen iney isku dilaan sameyn jirteen mardhow Awal iyo Arabaad muqdishu iskugu qabqabsan doontaan.

    Hadiise aad garataan in jaarka oo la ixtiraamaa wanaag keeno, qoriga oon qaran lagu raadina wanaag tahey, midnimada Soomaaliyeed oo la garab istaaga wanaag tahey waad faa’iidi doontaa. Hadii kale Gadhoow lagu sii daaye Gafuur dhaaf.

  38. mustafe adiguba isaaq nacayb baad sland uga cararysaa waynu iska warhaynaa lakiin anigu nin cadkiisa goosan karay ayaan ahay magaraty sxb sland waan usoo dagalamy hadeerna MAYNOORTI WAXBA kabadilimaayo
    markaa fikirka iyo xasid nimada hala iskadaayo oo danta guud hala eego hadii aad maata sland ka soo horjeesto waad garanaysaa dhibka ka dhalankara wll yaal halaiskadaayo naxliga iyo ka fogaan sha shacabka wad dhay ilahayna meel ku wadabeeray walama huraan in aan isku fakerno qono oo aan meel kawad duulo mana ogalaniysin iladha ho boorame hargaysa halagaga duulo waan ogahay markaa waxii khaldan hala soxoo inaga dayaa hadalada aann ha kalafogaan sha ha shacbka

  39. Kuluc wuxuu qorayo iyo masgax diisu isla lama socdaan baan u maleeeyaa. Reer Burcaa u orod badan wax xamar u orda walina lacagtii siyaad baraa lagaa fujin laayahee, maxaad odayaasha reer Awdal ku aragtay. Mid tagay iyo mid hanbalyo dirayba waxay ka mid yihiin boqolaal reer Burco ee khaayin qaranka ku kacay. kulucoow intaanad akhyaarta taskiilin aduu horta isa soo dabiib. Burco will be the first group that will destroy somaliland and yes we are in that critical time guess. Horaa loo yidhi, geel jire wax kasta ka filo.

  40. mustafe malyuungoor malyuungoor magacaagu haraago runtii adiga iyo colhaye caqli caafimaad qaba oona samaroonka halkan waxkuqora kuyar baa inigu jira waanan iniigu hambalyeynayaa ragan reer sheekh isxaaq horaan ugu sheegnay waxay iyakuba diideen inayna dadka kale kuqasbin waana xukun bilaa cadaalada oo waakuwaa kule waan kadagaalanay hadana raba inay dad sidooda damiirle qasab iyo xaqdaro ku haystaan

  41. Prof waa nin toosan oo in la taageero mudan somaliyina madax ka dhigato in loo foodo qofkadtoo wax garada oo soomaaliye wuu raacsan yahay. Laakiin adigu qofka meelka dhac sameeyey baad tahay oo ka liita kuwa calooshooda u shaqaystayaasha xildhibaanada is ku sheets ya, waa prof samater Waac ku dhuumaalaysanaysaa ee hadalkaagu waa isku dir gadabiisi Ito Isaac. S/land goynteedu waxay hot joogsatay waxa koonfur ka dhac whey 20 sano welina ka dhacaya , waxaan reerkastaa ku qabbin oo gaara oo Isaac ku qabaa ma jirto. Waxaan kugu raacsanahay madax hagaagsani ma joogto waxaan rajaynaynaa inay yimaadaan madax waca. Prof ka la dooda. Woqooyi wacan baa taal oo dadku dhigtay laakiin maamulku waa musuqmaasuq haddii qacanta loo qaado waxa imanaysa waxa koonfur ka jira markaa ummadda woqooyigu waxay ku jirtaa xilli ku socdo SIDS (sayloonka) oo ay kow ka tahay shaqada prof samater kudhex jiro.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: