Professor Axmad Ismaaciil Samatar, waxa lagu sifayn karaa inuu yahay aqoonyahanka ugu weyn Ummadda soomaaliyeed, kaasi oo ka qab weyn qabiil iyo qooys kuna dhaata qaranimada guud iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Muddo aad u dheer ayuu halgan ugu jiray israaca iyo isbahaysiga ummadda soomaaliyeed ilaa uu ka gaadhay inuu u badheedo hogaaminta heer madaxweyne ee dadkiisa iyo dalkiisa.
Dr Axmad Ismaaciil Samatar wuxu bishan tobankeedii isu soo sharraxay jagada madaxweynenimo ee dalka Soomaaliyeed, isagoo ka mid ahaa dhawr iyo labaatan kale oo musharrax, oo jagadaas u tartamayay. Nasiib darro, Axmad ma helin codkii uu ka filayay ummadda soomaaliyeed ee ku dhaadata soomaalinimada. Wuxu la kulmay ummaddii soomaaliyeed oo wali qabiilaysiga, qaraabo kiilka iyo musuq-maasuqu yihiin meheradahoodii soo jireenka ahaa, ee waligoodba ay ku caano maali jireen. Taasi oo an is leenahay waxay Axmad u noqotay ama u noqon kartaa culuun dheeraad ah oo wali uga sii kordhaysa camalada dadkiisa soomaaliyeed, oo buug iyo qoraalo kale uu ka samayn doono.
Tiro aad u yar ayaa u codaysay Dr Samatar, oo qabiil daraadii ugu codaysay, tiro aad u badana uma codayn oo qabiil daraadii ayay ugu codayn waayeen. Sidaa daraadeed, waxaynu odhan karnaa qabiil ayaa dumiyay aqoonyahankii ugu weynaa uguna caansanaa ummadda af-soomaliga ku hadasha. Waxaynu ku xusaynaa Dr Samatar gabaygii C/laahi Suldaan Timacadde(AUN), dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane, xaqiiqatan qabyaaladu waa midaas maax-dumisay halyeey loo hanweynaa, ‘dugsi maleh qabyaaladi inay aqoonyahan dumiso mooyaane’.
Waxanse rajaynaynaa inaanu Dr Samatar sidaas kaga hadhi doonin hanuuninta iyo hogaaminta dalkiisa iyo dadkiisa, oo maalin maalmaha ka mid ah loo aayi doono midhihiisa.
HiilDan
Categories: Badheedhe (Editorial), Warka (News)
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)
Hiildan,
Inkasta oo aan borama ku dhashay oo magaalada ugu dhaw gabilay oo ah meesha ay Samater iyo AUN timacade kasoo jeedaan, inkasta oo ay jiraan boqolaal qof oo an isku jufo nahay, isku reer dhaw nahay, isku magaalo nahay oo aan qadarin weyn u hayo oo mudan xusid, hadana anigu labada qof ee political thought kayga effect weyn ku yeeshay waa labadaa oday ee Samater iyo Timacade. Xitaa waxaan gaadhay inaan naanaystayda aan wax ku qoro aan ka dhigto TIMACADE, waayo waxan u arkay inuu ahaa philosopher, waqtigiisa aad uga horeeyey fahmayna qabyaaladi waxa ay tahay intii ay somalia curdinka ahayd. Sidoo Kale samater waa naftii hurre, isku darsaday, aftahanimo, aqoon, deeqsinimo iyo geesinimo naadir ku ah somalida geeska afrika degta.
Guul Somalia, AUN Timacade ilaahayna ha xafido Ahmed Samater.
Bacbacle, Soomaali! Laydha ka jeclaada kolba nin aydaan aqoon.. Axmed waa bakhayl qaadhaan diid ahaa intii aanu siyaasad galin. Waa qabali, iska daa Somalida e, samaroonka kala saar-saara.. Nin kae oo geesi ka dhigato dondoono
Proof Axmed ismacil samatar wa dadalay wax wanagsan ayu mujiyay wana hami wanagsan ha gulaysto ama ha guul daraysto sida la wada ogyahay madaxwaynahan la doortay waa la ogaa inuu noqonayo madaxwaynaha somaliya waay waxa u ka tirsanaa Hayada lagu magacabo SRD loona yaqan Hey ada cilmi badhista somaliya Hay adaa oo mamuli jiray Cabdulqadir yaxye oo ay dileen islamiyuntu waxa una la shaqaynayay Cabaas oo lagu dilay suuqa Bakaraha iyo ninki Sadexad oo lagu dilay Baladweyne waxaan idin xasusinayaa imay Hay adana hoos tagto mukhadarka Maraykan marka madaxwaynahan waxa u tagero ka haysta dawlada Maraykanka marka waxan idin leyahay maahmaahda ah maxaad noo dambajiseen ood nin doran doro noo dhahdee hadal iyo gabo gabadi wa istahaliy Axmad inu qabto Jadagada ugu saraysa somalia ayan lagu rafan maxu u heli wayay akhyartay
Waxaa la yidhi, ” Bacaluul dhaw-dhawdu uma dhacsanaa.. Xasan Sheekh waa Hawiye, waa abgaal.. Waa sababta uu noqday Madaxwaynaha.Ninkii kale ee ka noqdana maydkiisa la geynayaa gurigiisa. Hawiyee baa maalin walbaa dhiigiisa
daadanayaaa, oo alshabaab hortaagan. Ma hadiyad bay u
siinayaan nin a soo orday Awdal ama Boosaaso.. Xaaashaa
Hal wasiir baa loo ogalyahay Awdal state,intii siyaasad Barre u ogalaa iyo dawladihii ka horeeyay ka heli jireen. Soomaliyaa ha noolaatoo..
Waar ka daaya sidaa mahee.
Meesha laaluush ayaa yaalay,maba jirin qabyaalad lagu nacay Axmed.
Gadabuursigu way hurdaan kolay Axmed ku tahay.Waar meesha kooxaysi iyo Dilaal ayaa joogay.
Mida kale ayaa og in Axmed loo codeeyay oo laga musuqmaasyuqay. Bal u kaadsha sxb wax yaabo badan ayaa njira.
Salaan sare dhamaan,
Qeylo iyo buuq ma fiicno manta dil qorshaysan ayuu ka fakaday ninki daraad waa madaxwayne Somaliyeed nala yiri. Marka sidaa darteed fadlan mourning and cry ka hala jojiyo fadlan umada Somaliyeed. Qof iga jecel in wadankaas nabadoobo maleh waayo niman iyo naago dad aduunka ii xiga ayaa dharaar walba u kaca in aay difacaan dalkaas oo rasaas hor taagan. Har iyo habeen online xata hadan hurodo aqbarki ugu dambeeyey ee dowlda iyo askarta waa quudkeyga labaad hadi laga reebo raashinka.
Aniga tii iigu darnayd ifka waxay ahan lahayd in Shariifka dib loo doorto. Leebkaana wayga fuqay. Ninkan aad arkaysan shacbiga lagu shegayo in uu ka dhashay weligood mamaqal badankood oo nin caan ah mahayn oo fak fak badan.
Lakin libinta qofka uu hibada u leeyahay looma diido. Qudbadiisi marki la doortay kadib aan dhegeystay!. Dumarka iyo caruurta ayuu aad uga hadlay!. Ana sedax jeer ayaan ku soo celshay si aanay oyintu iigu bar go’in. Sababtoo ah hadaladiisa iyo xoraynta dalka labada shay oo iigu mihimsan ayey ahayd!. Aniga kii naag iyo ubad ka naxo aktayda qiimo kaleh. Profosorkuna ubad in uu kanaxayo waa ku tagersanahay in uu dacad aan caadi ahayn yahay waa ogahay laakin qolkaa laga buuxay waxa ka dhacay intenaanba wa ka madaxbananahay.
Prof: Samatar inkastoon jeclaa in uu madaxwayne noqdo oon difaac iyo propogando badan u sameeyey hadana meeshu one man vote maha oo codkayga iyo kuwan ka dhadhacsiyay wanagiisa maba xisaabnin!.
Laakin weliba kama nasto ilaa aan sirta gunteeda soo taabto. oo Sagittarians nimada ayaa iigu kaliftay falartayda cirka u dirtaa oo dad muqdisho siyasada falanqeeya ayaa iigu yiri Wasiirka Waxbarashada iyo Barbarinta ayaa lala jecleystay wadaygaa oo kanoo kale layskama xumeeyo!. Lakin suaal aniga waa dharsanehee. Horta Prof. geriatric waaye lakin dacadi meeqo sano ayuu jiraa ileen idinkaa yaqaane.
Abgalkaan la shegaayo oo wax qabyaladeeyey. Kuwooda siyaasada waxan dhihi lahaa cadabka ala geeyow maxaa cagida ku dhaafsiiyay. Iney isa soo sharaxanba mahayn!.
Iyagu in aay umada Somalieed definition of harmonious. Baran ama darensiyaan ayey ahayd ileen umadi waa daashay
markay haydaaro iyo hilin dheer soo maranba. Geedkey usoo
hardoontaan iyagii baa loogu imanayaa. Aniga xusuusta iigu
fiican oon hir gelin laa waxay tahay. In aan arki jiray qofki marti noogu yimaado in aan kursiga saliga ama gambadhkaba uga kacno hadba wixii aan haysano. Ileen dadku waligii iska danyar ahaa oo material ku filan ma haysan. Kursigaana waa tabtii. Dadka uu gurigooda yaalo in aay fariisiyaan bay ahayd martida iyagana ileen gurigii bay kala yaqanine meel salka dhigtaan kale kkkkkkkkkkkkkkk.
ha iskayimaado borame sharftii bayka qadeen cabdi qadir xaji xuseen 3 majeerteena ma u wayayy waa nin ka kali ah ee ku abuuray nacaybka uu sland uqabo samater
Wasiirka barbaarinta kulahaaa… waar ma sumcadaad kaga ciyaaraysaan prof ka hawiyooow… waar hadii wasiirka arimaha dibada loo dhiibi waayo ha iska laabto… ninkan hankiisa madaxweyne ayuu ahaa, hadii la waayo meel caalamka xidhiidhkeeda ah ayuu rabaa.. hawiyena barbaarinta caruurta ku lahaa iyo tacliinta…. meesha hawiye ha isku cunaane iskaga baxso axmedoow….. somalidaad sodonka sanadood qiiradoodu ku qaaday hal cod baadka wayday… inta samaroon ee ku siisay tolnimadooda u hambalyee dabadeedna iska laabo…. markay gaadhaan sida aad u fikirayso ee ay kuu baahdaan ayaad u soo noqon..
Axmed Samatar, waaxaa laga dhigayaa Wasiirka waxbarashadaa..Jabuutidaa madaxdaa ka ahayd ilaaa qiyaamihii intaad ka soo oraday fulyanimadaada Maxad Casow aad rabtaa,” Hawiye I always love YOU” Madaxwayne iga dhig.. Hawiye waxay yidhaahdeen , ” Garadisya, macalinka booskaan waa kaa wayn yahay.’ Kabo ku le’eg kuu galinaynaa… Booskii Aadan Isaaq waa banaanyahay.Meeshii aad ku dhimatay, eed ku dhalatay Jabuuti wax ka noqo horta oo halkan wasiir ka bax..Markaas baad Soomaliya wax ka noqonaysaa.. Hadii kale kolba Ugaas iyo Samatar baa duulay ka sheekee..
Dadku way kala duwanyihiin qabiil, jufo, iyo waxla caabuda hoosyimada. Shaqsi shaqsi hadii naloo fiiriyo waa fududahay in badankeen wanaagyada aan naqaan, awoodna u leenahay in laga wada faiideysto. Inkastoo kuwo badan jiraan oo aan wanaga aqoon ama selfish ah. Hadana inta xumi waa fara ku tiris dadka. Inta xumi hadana waa ka awood badantahay inta tirada badan ee wanagsan. Waxana kalifay in inta wanagsani xiriir aan tabar lahayni ka dhexeeyo oo bad comunication jiro.
Hadii arimaha jeneral laga dhigo oo aladaha is garsiinta la isticmalo. Oo la buunbuuniyo xumaanta dhib waligii dhaman maayo. Waxan jeclan lahaa in xitaa laxuso in qabiilkan baas ama jufadan dhogorta leh iyo caabudkan misterious ka ah. Hadii lagasoo gudbo individuals ka wanaaga rabo la xushmeeyo oo aan dusha laga saarin qaladaadka shararkan naloo xiray inagoon dooran midabkooda iyo dunta laga sameeyay!. Daacadi…..!
Sedex dagaal oo foolxun aan usoo joogay kii Waqooyi Dowlad godobaysan iyo SNM, Dowlad godobeysan iyo USC iyo Kii Caydiid iyo Cali. Victim ka ku nafwayay, ku curyamay ama ku dad waayey. Hantida iyo duunyada burburtay. Waxan hubaa in aay dadka badankood waxa socdo iyo mesha sartu ka quruntay aanayba war u hayn. Ee aay balaayo dano gaar ah shaqsiyaad gooniya wataan aay ka dambeyeen coladahaas.
{Hada waxan idin waydiiyey anagoon qabyaladi dugsi maleh dhihin. Oo aanan qori iyo qiiqii isla tuurin. Sideen xeeradan ku xaganaa ilkana ku nabadgalaan?. Sideen hayinta ku garsinaa siday habardugaag uga baxsanlahayeen!. Sideen xildhibano parlaman, koox dimeed, iyo qabiil uga soo maroojinaa wadaniyada iyo qadiyada individual ka Somaliyeed oo intaaasi dhakada kaga tagantahay!. Sideen ku gaari karnaa one man vote!. Sideen inta wanaagsan u tusnaa dhagarqabe yasha farakutiriskaa?.}
Intaas aan qaansada ku xiray bal inta murayada la hor istaago hala sameeyo reflection and flashback. Kooxda niicda badan na aniga uma joojiyo oo danaha gaarka ah leh waya aragnimada xun aqon haday leyihiina ay hal bacaad lagu lisay tahay!. Xabad xabad baan u aqaan. Iyo kuwa jirjiroolahaa ee marba meeshi aay is yirahdiin caan baad ka noqon kartaan oo wa laydiin jiibin isku balariya.
Umada Somaliyeed ayaheera hakatashato!.
Bishaan eraygi ugu foolxumaa oo aan maqlay waxay ahayd!, Hebel haduu madaxwayne ii noqdo alshabaab ayaan ku biiraa!.
Jawabtayduna waxay ahayd (Maxad ku sheclataysatay in lagu muquuniyo!).
Fariin ku socota Axmed Ismaciil Samatar.
Axmed ku leehay doono Raysalwasaaraha hadii laguu diido oo ay qoladan hawiye ee aad u dagaamalamaysay markii uu cabdulaahai yusuf soo weeraray,doono arimaha debada.Haday ku diidaan iska noqo ooTolkaa meel u samee Ugaaskiina wada sheqeeya sidaa ayuu tolku tolku ahaan.
Hadaad adna iska noqoto Ugaaskiina halkisii joogo Samaroon albaab u furmayaa ma jiraan Axmedoow.
Sidaa Cali khalif u soo qoyso qabyaalad oo ugaaska meel gaadhsii.Ninka dambe eee Samaroon ee miisaankaaga oo kale yeesha ayaan caawin doonaa anaga dhisan,laakiin inta uu Samaroon sidaa yahay Geesiga tolku sidaa aad qasaartay ayuu markasta u qaaraasi.
Wabilaahi towfiiq.
Jamac Awladi lasaan sare walaalo.
Waa iga qoslisay runti. Hawiyuhu asluubta iyo naxariistuu badankiis ka aradanyahay selfishness buu sameeyey Hawiye oo is yiri kani asluubta ubadka ha idiin baro. Micneheena iyo ujeedadeenu waa disperado’s. Mahine ulama jeedno laxa jecli kkkkkkkkkkkkk. In aan naxariista iyo asluubtu nagu qariibtahayna waxa tusaale kuu ah. Kolki Shariifka intuu labo dumar oo baco madoow ku qafilan intuu midig iyo bidix iska dhigay tii midigta xigtay aay istaga ka dhacday isaguna uu yiri meesha katag!. Aniga hadaan isaga ahay intaan labada gacmood u dhigto jacaylkeyga oo jilbaha dhulka dhigto maryaha kulul ka tuuro ayaan dhunkasho ku waali lahaa oo dhihi laha macaanto ila joog hayga tegin oo aan inta iga agdhow waydisan lahaa in gargaar cafimad la woco ana koofidaydan babis uga dhigi lahaa si aay u dareento yar naxriis. Waa hadaan isaga ahay lacala!. Marka laftigaygu shaar aanan duntiisa jeclaysan baan xiranahay anoon xitaa dalban ama ogayn sababtan u xiranahay!.
Wasiirka arimaha dibada bal in uu weli bananyahay booskas ayaan bal soo oganayaa ee ii kaadi. Aniga meeshi aad jeceshihiin ayaan idin geyn laa jecelahay runti derejadad xaq u leedihiina hadalba ma gelsheene hoo baan idin dhihi lahaa.
Saakay Madaxwaynihi umada Somaliyeed la yiri hooda ayaa ka badbaaday weerar bambooyin ah!.
Kama xumi ilaa iyo hada lakin wa la yabanahay!. Sababtoo ah nabaraad filaysay naxdin maleh. Waxan se ka naxsanahay labada Askari ee waxyeelada culusi soo gaartay ayaan garabkooda taganahay oon cafimaad iyo bogsasho degdega u rejeynayaa.
Madama aan haweeney Somaliyeed oo ciil ku gaamuray ahay. Heestan baan u soo xulay Madaxwaynahayga anan aqoon laygalana tashan in uu i metelo. Inkastoon qudbadi madaxwayne nima doonka ahayd uu igu tuujiyey oo uu iga ooyiyey!.
Micno kala duwan baan ka wada heesta ruuxwalba garaadkii iyo garashadii!.
Wali Ashma salaan kadib,
Fadlan Gaalo meel howga dhicin. Wax gaalo ka sii liito hadad garanayso nagu tilmaam. Ileen gaalo anaa agtooda kusoo barbaray gebigeen hadii leysku keena calculate gareeyo oo aan resultigu muslim noqdo ayeey naga garaad iyo naxariis badantahay. Waa hadaan la xaqirayn libinta ruuxa ama dadku leeyihiin!.
Nabadgelyo maanta intaas ban idinku dhaafayaa waxa i hadalsiiyayna waa qiiro igu gaamurtay.
Gebigiin waa idin jecelahay waxaad doontiin ahaada Somalia hanolaato culeyka sarana say isaga qadileheed ha u fududaado.
Daacadnimada ninkan aad nagu wareeriseen iyo aqoon Xamar loogama baahna waxaa loo baahanyahay nin wax cuni kara waxna dili kara oo hantida qaranka booba kaasi ayay la saqeeyaan Hawiye iyo reer konfureedku dhamaan waa dad jeevka laga maamulo looma baahna nin Somaliland oo dalkiisa ah quudhsanaayaa oo neceb wadankiisa,Adeer wadanku ninkasta xaqbuu ku leeyahay hadii aad xaqa wadankaaga iyo gobolkaaga diido Awdal iyo Somaliland aad diido ilaahayna wuu ku nici bulshaduna way ku nici waana lagu diidi.
Adeer Baroorta joojiya Prof Khasaare isagoo kabaha degta ku sita oo nooc waali oo kale ah ayuu ka bixi Muqdishio,Anuu horaan idiin ku sheegay inuu nici doono wax Somali la yidhaa uuna sanka ka qabsan doono,Bal u fiirso qudbadiisa waxaa ku jirtay hadaan madaxweyne ii doorataan hal $ ayaan ku shaqayndoonaa ama bilaash ayaan ku shaqayn doonaa ku lahaa,kkkk yaa u baahan nin Xamar dhexdeeda sidaas ka yidhaa waxaa la doonayaa nin wax booba oo hantida qaranka u xada Wasiiradiisa , shaqaalihiisa iyo inta u codaynaysa oo dollarka uu ku qaso kolba kii war yar u keena,markii la arkay qudbadiisa ayaa la wada nacay ilayn nin aan wax cunaynin looma baahna 1 dollar baan ku shaqayn ayay Somali ku nacday anba waasii nacay ilayn wadankiisii ayaa uga baahan inuu bilaash ugu hawl galo.
Wali qaar baa naawilaaya in Prof Khasaare loo dhiibi doono mansab ah wasiirka arimaha dibada no no no Awr halaabay lama waydiinaayo Hawiye wuu yaqaanaa dadka uu wax u dhiibaanaayo,Ninka Hawiye wax u dhiibanaayo ee uu mansab fiican u dhiibanaayo waa inuu yeesho sifahan hoos ku qoran
1- Waa inuu ahaado nin aan ogolayn kanasoo horjeeda siyaasada Daarood gaar ahaan Majeereteen waliba Cabdiqadir Haji Xuseen iyo Reer Puntland.
2- Waa inuu yahay nin la safan Siyaasada beesha Irir Samaale ogolna qadiyada gooni isutaaga Somaliland.
3- Waa inuu yahay Siyaasi ay xidhiidh leeyihiin SNM iyo Isaaqii dumiyay dawladii Siyaad Bare.
4- Waxaaa kale oo shuruudaha ku jira inuu yahay nin ay dadkiisu jecelyihiin gobolkiisana u madaxbanaan,difaaca goboladiisa kanasoo shaqeeyay kaabayaasha dhaqaalaha magaalooyinka ay degaan qabiilkiisu sida caafimadka dariiqyada iyo wax barashada.
5- Waa inuu yahay nin qabiil adag ka dhashay oo laga baqo reerkiisa iyo jufadiisa meeshuu doono haka deganaado Somalia haduu reer Woqooyi yahay waa inuu degaankiisa yahay mid laga yaqaao oo la jeceyahay jufo adagna ka dhashay Hadii intaas shuruudood laga waayo waa inuu wajiga suuqa ka qarsadaa oo iska dhaafaa mansab sare iyo meelo fog oo hiigsado Prof Khasaare wuu buuxin waayay Shuruufihii laga rabay sidaas baa keentay inay Somali nacdo Samaroona naco oo uu sidii laxdii Burco marooradilaac la halaabo.
War darbiyaw maxa ku daba dhigay mujaahid samatar sawdigan hinaasay si naag lagula guursaday waaku sidee sawdigan daciifka noqday war ninku umada tartamaysu ka mid ahaa lagaamana xigo madaxtimada samaliya ceebna maaha in lagaa badiyo ama lagu dooran waayo waxa ceeba inaad doonan waydo kursiga umada ka dhexeeya sawdiga inan gumeed iska dhigay madax kor qaad gobaatahaye oo maskaxda yaan laga gumaysan
horta derbigaan Ninka moodi jiray ma kanuu ahaa?sidii qof wax u dhiman yihiin sawkan meel walba kahsaareka buuxiyay EE saalada dhigay,bal waydiiya,wuxu samatar ku haysto Eeuuna ina Oomaar ,sifir buubaa wax uga sheegayn illyn Issaaq kuwaas maba eryadaaane,waar kani waa nacas dulli ah waar iska qayil samatar kuma ogee o taladii Hani-muuso qqaado oo dhimirka iska deji inta goori goor tahay,makaa’iil ayaan waligii Slna xataa madaxwayne hawaysan oo rr lugyare io garaad loo soo diraa inta habeen la xasuuqo,illayn waa ciil kuwani?
Maqaal aad u qiimo badan oo xanbaarsan murti aad u faro badan, waa ku mahadsanyahay qoraaga maqaalku,
Prof Samater meeshu gaadhay wali soomali ma gaadhin taasaana ugu wacan in ay is fahmi waayaan oo soomaalida oo wada qabiiilaysi ah iyo isaga oo ah nin aad u aragti dheer baa isla qabsan waayey,
markaa waxaan odhan laha Prof samater ha jooojin himiladaad a iyo doonistaada aad rabto umada soomaliyeed midawdo.
Waad salaamantihiin.
Hadii Profku calfan waayey kurisga madaxweynaha ma dayrkii makaa dumey? ma wadan dhanbuu Samaroonku uga dudayaan arintaasi kkkkk, Raysal Wasaaraha Suga iyo Dowlada uu soo dhiso Mudane Madaxweyne Dr. Xasan Sheik Maxamuud. Inaga xisaabo ka balaadhan tanbaa inoo taala waligaa ma isbarbar dhigtey nidaamkan 4.5 iyo kan aad hada jujuubka iyo caraahida ku dhexjoogtaan? Reer Woqooyiga waxa la siisyey ilaa 60 cilibaan. Marka la isku daro Samaroon, Harti iyo Ciise oo Ismaaciil dowladiisu udadaashey waxey isla haystaan 31 xilibaan halka nimankan dariskeenu haystaan 28 ama 29 xilibaan. Xisaabtaas ufiirso sow micnuhu maaha waxey heleen inka yar 50% xilibaanada R.Woqooyiga. Dhankana eeg midka mid ah golayaasha SNM 82 xilibaan beelahaas oodhami ma gaadhaan 30 xilibaan halka iyagu haystaan 50 plus. Dastuurka wali waa ku meelgaadh ee Dowlada uunbaa kabaxdey. Dastuurku maalinta shacbiga Soomaaliyeed tuulo kasta iyo gobolkasta looga codeeyo ka hor waa ku meelgaadh.
Salal kkkkkkkkkk dadkuba sidaadey Darbi la yaabeen waxa dabadhigey Samater. Laakiin sadarka hoosaa adna kula hadhey ninkasta oo dhibaato ku dhacdey waliba r.Awdal ah dadka Awdal dhamaan wey la qabaan. intaas markaan ku dhaafo taas.
Prof. Samatar dadbadani wey la rabeen lana jeclaayeen hadiise nasiibkii dhaafdhey ma dayrkii makaa gubtey. Koley shaqsi Soomaaliyeed uunbaa guuleysan lahaa tiina wey dhacdey. Marka Runta loo yimaadana Hawiye waa umad Soomaaliyeed oo wadaniyiin ah, kuwa ugu dhibaato badan ee Soomaaliya ka dagiweydeyna weyleeyihiin.
Balka waran Boorama oo ah Caasimada Soomaaliya isla markaana tartamayaan nin Samaroon ah iyo nin Mareexaan ah. Xaalada Soomaalidaa iska sidaa hada ah dadkuna rabaan iney badalaan. Waase nasiib daro hadii halkursi Soomaali oodhami tiraahdo ka ii xigaa ha qabto waayo inama wada qaadaan.I’m very please Somalia getting out of the hole waayo waxan ogaheyn in caqabadaha qabiileed laga gudbi doono hadii ilaahey raali ka noqdo.
maqaalku xaqiiqduu ka baydhay horta hubaal qabyaalad laysuguma codayn samatar laguma diidin ciduu yahay ee waxaa lagu diiday waxaba waanu bixin, money talks.
hadii qabyaalad lagu codaynayey kuffurtu billaahi inaan oomaar hal cod heleeen isagoo nin reer sheekh isaxaaqa oo durriyada ah, anagu hadaanu isaaq nahay bahasha naloogama dhakaw siiyo. xildhibaandii isaaq lacagtoodiina xanbaarte cidii siilaanyo rabayna waa u codeeyeen. kuwii gadabuursi khiyaano qaranbay ku kaceen jeelkaana lagu gurayaa haday soo noqdaan weliba dalkooday dafireen.
anaga meesha 30 xildhibaan baa noo tegay mujaahidiina shaqo fiican oo qaranku ku badhaadhayna qabtay 30kiiba waxay inta badan codkooda siiyeen madaxweynahan hada la doortay siduu mujaahid xildhibaan jaamac oday sheegay, waxa kaloo jira inyar oo shariif iyo cadaw kala taageertay. hada ra,iisul wasaaraha waxa iska leh beesha dir laakiin dir koonfureedbay u dhawdahay in laga dhigo wadahadaladiina sida ugu dhakhsiyaha badanbaa loo bilaabayaa.
halkan ka akhriyaha warasiyga laga qaaday mujaahid xildhibaan jaamac oday oo isagoo xamar jooga shaaca ka qaaday in aanu weligii dalkiisa khiyaamo kula kicin isla markaan uu hadadaa shaqo qaran oo madaxweynuhna ogyahay ku jiro,
http://www.hadhwanaag.com/detail.aspx?id=76337
darbi samaroon walaal magaca iska soo badal uma qalantide
pro samater waa geesi tolwaayay ILLAAH cimrigiisa ha dheereeyo
tolka aad ka sheekaynaso eed leedahay wuu ka faanay iygaa fahmi
wayay kor iyo hoosba wuu ula hadlay runtii samaroon uun baanu
nahay walaahi qabyaaladna uguma hiilinaayo dhawr jeer buu
danahiisa inoo dayacay runtana ina tusay maxaad ka dooni
lahaydeen haduu shirarkii tolka uu la galay ee Ottawa hortooda
ka dhahay samaroonow marka idinku wax tihiin baa aniguna wax
ahay sideen wax u wada qabsanaa waar ILLAAH ka baqa xaasid
nimada iska daaya oo midka idinka dhexmuuqda ha aasina u
haneeya sharafta ALLAAH ku hagoogee tan xamarka dhacdayna
doorasho ama waad ku guulaysan amase lagaa guulaysan mid
sidii uu u qudbadeeyay gaadhi kara ma jiro balse gesigu ma liico
ILLAAH ILMA SAMATER OO KALE SAMAROON HA KU ARSAAQO
XAASIDIINTANA WAXAAN LEENAHAY DOQON HADAAD NAGA
DHALATAY NAGA DHIMO KU ORON MAYEEN ILLAAH KU SOO
HADEE.
To Bilan: Bal waxaad noo sheegtaa meel uu arimaha samaroon kaga hadlay Samatar… arinkaa soo xaqiiji… hal mar baa la hayaa oo ah markii uu ugaaska daba socday markiina wuxuu la maaganaa jab iyo isku dir. waxaan ku leeyahay waa ninka khilaafka soo dhex dhigay samaroon iyo ugaaska ee maxamed case iyo habar cafaan dhagta ugu soo riday Ugaaska ha la qaadaco… Samatar waa nin cilmi leh laakiin ha odhan dantiisii buu samaroon u dayacay.. arinkaas waa waxba kama jiraan….
idooor iyo dabadhilifkooda jaahilka ah nacalaa ku yala shaqo qaran bay qabteen ku laha wan gonay iyo shaqo qaran baan muqdisho u tagnay isma qabtaan wuxu xayawansana walaahi oo bilaahi in aan idoor somalia ka gui karin labadooda gobol ee saxaraha ah way goosan karaan lakiin nothing more ..muqidisho waxa dhibta ka wadaa waa idoor ilaahay uu arkayaa kuna liibani mayaan if iyo akhraba waa la gayn doonaa taas ha ogaadan xayawanku,,,god bless my awdalstate and somaliwayn ..down somalidiidka
salaamu calekum dhamaan
profka waxaan leehay halka aad joogto reer koonfureed wali magaadhin oo waxa kaahoryimid .qabyaalad , reer iyo
musuqmaasuq cadaan
ah
markaa waxaan annigu kugula talin lahaa …
mahmaahda tidhaah (sheekh tolkii kama jano tago ) markaa tolka usoolaaban addiga iyo aqoon yahanka kaliba si aan ugabaxno guumeysiga madaw ee hargeysa ee dagaalka ugu jira sidii uu utiri lahaa dadkeena ,dalkeena .
waxaan layaabaa markar reerkan reer sheesh isxaaq magac miskiinlagama ahee yidhaahdaan dal somaliland layidhaahdaan xoogku xoraynay waar ayaa illaahay yaqaanoo sheekadaa wax ka ogaa
miyayna rerkani bixin oyna dawladii siyaad ama xukunkii siyaad nicin jabhadayn sooweerarin hargaysa iyo burco deetana madaafiic laladhicin ilayn waa siday iyakuba imika dhulbahantaha kusameeyaane kuna hanjabaan cidii dawlada kahortimaadaan xasuuqaynaaye
markii lagaraacay mayna xarshin iyo dulcad u qixin. miyayna iyakoo qoxootiya oo shaag danbe u rogman waayey siilaanyana london iska xaadiriyey siyaad bare moqdisho lagaga kicin owna soomaalidiikale nicin deetana baxsan makuu wadankii bilaa dawlad noqday ee la is dhaxyaacay uun mayna ka faa iidaysan oyna usoo guurin magaalooyin koogii ilayn cidi kama horjoogtoo waa dhulkoogii dawladii ay ishaysteena way dhacdee.
daba deed iyaka iyo reer owdal iyo reer soolba ku heshiin inay nabad kuwada noolaadaan
hadaba akhristoow waa maxay buunbuunintani iyo bootayn tani iyo dawladayntani la inagu dul sameeyey iyo anaa dalxoreeyeydan beenta ahee la inaga dhaadhiciyey waar bal sheekada dib uraaca goormay reerkani xoog dhu ku qabsadeen eey inooku faanayaan
dadyahay indhaha kala fura reerkan ama sharaf iyo xaq hakuu ogolaadaan ama iska rid oo runta usheeg hadii la dhintana dhareerkaa la iska duwaaye
Salaan dhamaan akhyaarta Hiildan beryahan waan kala baadnay haleelkaygaa yaraa waxaan inoogu hambalyaynayaa sida wanaagsan ey u dhamaatay doorashadii madaxwaynaha jamhuuriyada Soomaaliya inkastuu nin cusubi meesha ka soo baxay kuna jirin ragii indhaha lagu hayay alla ha ka dhigo kii ururiya ummaddan daashane dagaalada sokeeye naafeeyeen,waxana muuqata inay maanta jirto Soomaaliya kaliya ninkii halkii ka sii miisaya borobogandadii Soomaali diidkana yeelkadii………..Salaan gaara Wali Ashma ex Geesi Makaahiil waan kuu qoray emailkaygii pageska hore maadse helin ayaan filayaa.
jamaca hadii aan sheydaan dhagihiina amaahan markii ina
samater hadlayay amase cilad riyaalaa laga xunyahay inid
doorin maad ILLAAH ka baqdaan ugaaska wuu rabay waana uu
la jiray waxaase u cuntami weyday talo laysku ogaa oo in
waligoodba khayrka seega ay dhinac kale la mareen ugaaskii
kharamadiisiina seejiyaan tolkiina dab aan ilaa hada damin
dhex dhigen qof waliba ha ogaada qabriga kaligii baa galaya
ugaaska laftigiisu amaan ayuu u hayay ina samater hadaan
suntii la kabiyay wali laaqayn waar xishoodkii hadii uu idinka
lumay bal iska badh baadha , inaad helshaan ILLAAH na ka
cabsada.
walaalaha ku xidhan website kan hildan waxaan jecelahay in aan
qiso idin soo gudbiyo qof walona aad isa saxdo asalkaaga
wanaajiso hadaadan ahayn ilmu shar amase xaaraan dadka
hadaad xitaa wax qalada arkaso isku day in aad qiil u raadiso
dadkala dhintayna ha isku dayin in aad dab kale sii kale dhex
dhigo isku day in aad isku soo jiido waatan qisadiiye bal aan ka
wada faa iidaysano.
Garaadka Garsooraha – Qisadii 3-dii Cabdalla – Waxaa jirijiray Qabiil la yiraahdo Bani Carafah, laguna bartay Aqoon iyo Caqli dheeraad ah. Oday Qabiilka kamid ah ayaana lagusii bartay Abwaanimo dheeraad ah, wuxuuna dhalay 3 Wiil, wuxuuna ubixiyay Sadexdoodiiba Cabdullahi, sabab aan lagaranaynin owgeed!
Mudo kadib Adaygii waa dhintay, wuxuuna Qoray dardaaran uu yiri: Cabdalle wuu idhaxli, Cabdalle ima dhaxlayo, Cabdalle wuu idhaxli!
Wiilashiina markay Akhriyeen dardaarankii Aabahood way fahmi waayeen wayna isqabsadeen, oo mayna garanin kan aan Aabe dhaxlaynin! Talo raadin badan kadib, waxaa loo sheegay Garsoore jooga tuulo fog, oo caan ku’ah Aqoon iyo xeelad dheeraad ah, waxayna goosteen inay isaga u tagaan.
Jidkii waxey kula-kulmeen Nin baadi goobaya Riti kadhumay, wuuna weydiiyay, Cabdalihii Kowad wuxuu Ninkii weydiiyay “Ratigu ma il buu la´yahay? Isna wuxuu ku jawaabay:Haa!
Kii Labaadna wuxuu weydiiyay: Ratigu ma Daba go’an yahay? Isna wuxuu ku jawaabay: Haa!
Kii Sadexadna wuxuu weydiiyay: Ratigu ma Lug buu la´yahay? Isna wuxuu ku jawaabay: Haa!
Ninkiina waxaa u cadaatay inay arkeen maxaa yeelay tilmaamihiisii oo dhan wey shegeen. Iyagiina waxay dheheen ma anaan arkin, isagana waxaa u cadaatay inay xadeen, madaama ay tilmaamihiisii oo dhan shegeen.
Markay diideena wuxuu yir: Waxaan idinku dacweyn-nayaa Qadiga, iyagiina waxay dheheen isagaaban usoconaaye Soobax naraac.
Markay u tageena waxaa loo sheegay Labadii Qiso, markuu dhagaystayna wuxuu amray. inay Maanta iska nastaan.
Shaqaalihii wuxuu amray inay qado usamayso, Midkalenah wuxuu amar kusiiyay inuu kormeero intay Cuntada cunayaan.
Cabbdalle 1-aad wuxuu yiri: Gabarta Qadadaan soo karisay waa Xaamilo!
Kii Labaad wuxuu yiri: Hilibkani waa Hilib Ey, ee ma aha Hilib Ari!
Kii Sadexaadna wuxuu yiri: Qadigani kuma dhalanin Meher alaal ah!
Qadimkiina Warkooduu dhagaysanayaa. Maalintii Labaad Qadigii wuxuu weydiiyay Qadimkii, maxaad maqashay? Wuxuuna u sheegay Labadii hore waxay dheheen.
Qadigiina wuxuu utagay, naagtii Cuntada soo karisay wuuna weydiiyay inay uur leedahay, waxayna isku dayday inay inkirto, isna wuxuu yiri: Igama qarin kartide runta iisheeg, weyna qirtay inay uur leedahay.
Kadibna wuxuu u tagay Ninkii loo xilsaaray inuu marti galinta sameeyo, wuxuuna weydiiyay maxaad usoo Qashay Ey? inkiraad dheer kadibna, wuxuu yiri, maana helin Hilib Ari, tasaana igu qasabtay inaan keeno Hilib Ey.
Kadibna Qadigii wuxuu sii weydiiyay khadimkii maxaakale, khadimkiina wuxuu yiri waxba, Qadigiina wuu shakiyay, wuuna ku adkeeyay inuu usheego, wuxuuna u sheegay inuu Cabdalihii 3-aad yiri Qadigu waa wacal/ ibnu Sinaa.
Wuxuuna goostay inuu hooyadii weydiiyo Arintaas xaqiiqadeeda, hooyadiina wey isku naxday weyna inkirtay, insa wuu ku adkeeyay inay runta usheegto.
Dood dheer kadibna waxay qiratay Hooyadii, inuu dhalay Nin ay gogol-dhaafa ulatumatay. Aadbuuna uga xumaaday arintaas, waxaana kasii yaab badan sida uu arintaas Cabdalle ku ogaaday.
Qadigii wuxuu soo aruuriyay Sadexdii Cabdalle iyo ninkuu Ratigu kamaqnaa, wuxuuna weydiiyay Cabdalihii 1-aad, sideed ku ogaatay Ratigu inuu il la’yahay? Wuxuuna ku jawaabay: Neefka isha li´i wuxuu caleenta kacunaa dhinaca uu wax ka arko oo kaliya, ana meeshuu Ratigu kudhumay waxaan arkay inuu hal dhinac oo kaliya caleenta kacunay, marka waxaan ogaaday inuu il la´yahay.
Kadibna wuxuu weydiiyay Cabdalihii 2-aad, sideed ku ogaatay inuu Ritigu daba goan-yahay? Wuxuuna ku jawaabay: Geelu markuu saxaroonayo dabada ayuu ruxaa, kadibna saxarada labada dhinac buu ukala tuuraa, ana waxaan arkay meeshuu Ratigu kudhumay inay saxaradu halmeel ah ku dhacaysay, waxaana gartay inuu daba go´naa!
Cabdalihii 3-aadna wuxuu weydiiyay sideed kugaratay Ritigu inuu lug la´yahay! Wuxuuna kujawaabay; waxaan arkay inuu lugta dhulka sifudud udhigayay, waxaana ii cadaatay inuu lug jiis kayahay. Wuuna kuqancay warkoodii, wuxuuna kacodsaday ninkii Ritigu kamaqnaa inuu iska boxo.
Intaa kadibna Qadigii wuxuu weydiiyay 3-dii Cabdale sideed ku ogaateen islaantii Cuntada soo karisay inay xaamilo ahayd? Wuxuuna yiri Cabdalihii 1-aad; Rotigii naloo keenay dhinac wuu kabolol sanaa, dhinaca kalana aad buu uyaraa, marka waxaan gartay gabarta inuu foorarku dhibayay, oy xaamilo tahay.
Cabdalihii 2-aad wuxuu weydiiyay sideed ku ogaatay Hilibku inuu ahaa Hilib Ey? Wuxuuna yiri: Hilibka Ariga, Loda iyo Geelu waxay isugu xigaan sida tan= laf, hilib iyo baruur, hilibka Eyguna wuxuu uyalaa sidatan= laf, Baruur iyo Hilib.
Kadibna waxaa lasoo-gaaray arintii ugu khatarsanayd, wuxuuna weydiiyay Caddalihii 3-aad sideed ku ogatay inaan ahay; Garac/ Orfane/ ibnu sinaa? Wuxuuna yiri; waxaad nadaba dhigtay nin jasuus ah, oo nakor-meera, taasina waa tilmaan ay iska leeyihiin dadka gogol-dhaafka iyo xaraanta kudhashaa!
Qadigiina wuxuu yiri Qofka xaraanta kudhashay waxaa garan kara kan lamidka ah, ee isna xaraan taasoo oo kale kudhashay. Waana Adiga Wiilka aan aabihii dhaxlaynin, maxayeelay waxaad kucalool-gashay gogol dhaaf ay hoyadaa samaysay!!
Taasina waxay kamid tahay Qawaniinta uu Ilaahay ku dhisay aduunyada:
Tuuga waxaa garan kara oo xeeladiisa fahmi kara, tuug kale oo isaga lamid ah.
Qofka dhagaha l´a, waxaa fahmi kara, qof sidiisoo kale isna dhaga l´a.
Qofka sharafta iyo qiimaha leh waxaa qadarin kara qof isaga lamid ah oo sharaf leh.
Eyga waxaa dhaqda qof tilmaamaha eyga qayb kaleh.
Khayr qabaha Rabbi wuxuu tusiyaa khayr qabe isaga lanooc ah.
Dhagar qabaha waxaa laxaaltami kara, mid isaga lamid ah, ama kasii shar badan.
nayaa bilan aluf waxmale iyo waxbuuleeyahay kaladaa dadna waad waaninaysaa dadna waad caayeysaa oo waxaad kusheegaysaa kuwo waligoodba khayrka seega ma adaa khayrka qaybiya oo ilaahaya mise kuwa ad sheegayso ayaad adigu ugu horaysaa
Horta waxaan ka yaabanahay Samaroonkii waxaad moodaa dad adduunkaa ku nool. Isaaaqii way neceb yihiin , hadana way jecel yihiin, Somali weyn bay rabaan, hadana way ka so horjeedaan.Waa wax is wada khilaafsan. Samaroon ha ku biiroo beelwayntaaa Darood , haduu doonayo madaxwayne. Beesha Dirkaa waa 29 Isaaq ah+.7 Ciisa ah, iyo 22 dirka
Koonfur ah . Waxaan jecelahay inaan u sheego Samaroon dirkii Koonfureed ay aad u aamninsan yihiin Isaaq, halkay
maraan la maro. Beesha Gaadsan baa hoggaamiye u ah, gaadsan SNMtii bay la dagaal gashay. Waa nimanka la baxay SNMta Koonfureed. Waxaa igu maqaala ah way dideen inay Dirkii la shiraan Samatar.Markii Isaaq qadaceen.Somali weyn codka waa ku shuraako, hadii beesha aad ka soo jeedo ku diiday yaa ku dooranayo?. Sidoo kale, wasiir muhiim ma noqanayo Samatar. Wasiirnimada waxaa la isu siiyaa abaalmarin. Maxaa loogu xishaa? Waxaa intaa dheer Daroodku aad ba uga so horjeedaan , Abgaalna ka daran. Samatar waxaa u cayn jiray bay leeyihiin Nuurcade. Waxaa ku jirtaa ” U tube” ka isaga oo leh wuu urayaa Nuur Cade. Si kastaba ha ahaatee, ma gudbayo baa la leeyahay xataa ansaxinta waiirnimadiisa, cadawgiisa badan aawadeed. Markaa hadii siyaada aad doonayso waa inaad saaxiibo yeelataa. Hadii lagu xumeeyo ficil iyo qabyaalad xidhiidhka Isaaq, hadana xisbi la yidhaahdo DIR baan wada nahay la yidhaahdo caqli maaha.Dirnimada halaga baxo, hadii Soomaliya xil laga raboo, hadii kale Somaliland taa ha la iska aaminoo..
Ahmed, wax dir la yidhaah raaci mayno, waynu ka go’aynaa somaali oo dhan, waxaan soo celin naynaa qoomiyadii Gadabuursi la odhan jiray ee dawlad iyo madax lahayd, waxaan taageero waydisanaynaa qoomiyadaha kale sida canfarta, oromada, eritrea, amaxaarada…somaalina reerka ogaadeenka oo kaliya ayaan soo dhaweeysanaynaa….
Vivaa Gadabuursi
Axmedoow.
Samatar la shiro qabiil wuxu shiraa xisbi ay leeyihiin Aqonyano Somaliyeed.
Waase yaabe Magan Dir waxaa ku siiyayay Samatar qudhisa ,oo isagaa qoray buuga la tixraaco ee ka sheekeeya Somalidu sida ay u kala baxdo.
Wagii aan soo galay Yurub ee lay qaabilayay waxa la ii saaray buuga u Samatar ee ka sheekeeya 5 qabil ee Somalida u kala baxdo.Markaa Ninkii ku siiyay Magaca Dirka waaa inaad ka xishootaa.
Aduu taada ka tali,oo iska dhaaf Samatar iyo hawlihiisa.Aduu kol benu axmed,kol waa saado,kolwaa ashraaf,kol waa Iirir oo hawiye ayaad la dhalatay,maanta anaabad Dirkaygii iiga sheekaynasaa.
kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk yaab
Faysal cali waraabe ayaa yidhi”,aan iska badalo magaca Somalind.”
Markaa ayaa la way oo maxaan la baxnaa? markaa suu yidh,”aan shankaroon la baxno”kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Macnuhu waxa weeyi,inaad kolba magac la baxdaan.
Aisha anigu cidna waxba kama sheegin ina samatar dadka daba
dhigtay ayaa runta u sheegaya waanse ku fahmee meel bugta
iyo fartaa is og inta aadan dhex fadhiisan qoraaladii hore akhi
midkastoo inaga dhex muuqda hadaan ranjiyayno waa mashakil
Aisha huuno ciladaa farsamo ee ina gashay ILLAAH haynaga
daweeyo samaroonku waa ul iyo diirkeed amse dhal iyo
dhasheed. kuwa khayrka seega walaalkayna hanoqdee waa kuwa
wanaaga laga daboolay ,hadayse cilad farsmo ku hayso adiga
laftigaa sharkaa waa khayr. intaan danaha dadka samaroon iyo
dalkaba dan ka lahaan qabyaalad uun shaqadoodu tahay Aisha
anagu smaroonkii boorame aragbaanu nahay dadkana waa
isku kaayo mid mana kala garanayo even sida layskugu
dhawyahay manarabo barana maayo balse midka dadka wax u qabta
isaguna wax qabsadaan qadariyaa even insa samater
qabiil ugma hiilinayo. seef labood soobari.
Waxaan aad u salaamaya macalinka macalimiinta, waxaad ugu hanwaynahay markay talo wacani timaadu talin doonaaye tacliin kale dheh, falkii ku dhacay A.I Samatar waxaanan leyahay guuli way danbaysaaye gaws adkayso, dhaleecayntodana ha u jabin Abwaan Aqoon yahan Abaabiye, Allaha ku dhawro waxaan ku sugnaa waa doorashada xaqe iman inshalah