Taariikhda Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya: Professor Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho (RBC) Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah ugu guuleystay doorashada madaxtinimada Soomaaliya ee caawa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Mudane Xasan Sheekh wuxuu ku dhashay magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan sanadkii 1955-tii halkaasoo uu ka bilaabay waxbarashada Quraanka iyo mida hoose.

Waxbarashada sare wuxuu u soo aaday magaalada Muqdisho isagoo ka dibna ku biiray Jaamacadii Ummada Soomaaliyeed ‘SNU’ sanadkii 1978. Wuxuuna ka qalinjabiyey sanadkii1981.

Sanadkii 1981 ayuu Xasan Sheekh ka qalinjabiyey Jaamacada Phobal University ee dalka Hindiya, wuxuuna ka qaatay shahaadada Master Degree.

Sanadkii 1993 ayuu dalka dib ugu soo laabtay wuxuuna shaqo ka helay hay’ada UNICEF isagoo noqday sarkaalka dhanka waxbarashada ee u qaabilsan hay’adda dhanka waxbarashada Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Sanadkii 1999 wuxuu aas aasay machadka SIMAD oo hadda isu bedelay Jaamacad kuna yaalla magaalada Muqdisho.

Sanadkii 2011 ayaa Xasan uu Magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay xisbi uu u bixiyey Nabada iyo Horumarka [PDP] kaasoo uu isaga gudoomiye ka noqday. Illaa haddana waxaa uu hogaamiyaa xisbigaasi.

Xasan Sheekh wuxuu ku hadlaa luuqadaha Soomaali iyo English.

Sida dadka yaqaana ay sheegayaan Xasan waxaa uu aad ugu dhow yahay ururka Al Islaax, waana nin aad u dhexgala qeybaha kala duwan ee bulshada oo dabcan haddana sabab u noqotay inuu ku guuleysto madaxtinimada dalka.

Doorashada Xasan waxay soo afjareysaa xukunkii LABADA SHARIIF ee mudada afarta sano ka jiray Muqdisho waxaana ay tan horseedeysaa dawlad cusub oo aan ahayn ku meelgaar oo Soomaaliya ka bilaabaneysa.

 

RBC Radio

About these ads

Categories: Warka (News)

64 replies »

  1. Aqlabiyad aad iyo aad u ballaadhan ayuu ninkani helay, hambalyo ayaan leenahay.

  2. illaahay ha u fudeydeeyo hawsha loo xilsaaray waxaa la ii sheegay in u yahay nin akhyaar ah oo nadiif ah oo soomaaliyeed.

    waxaan sugayna maalmahaa naguu soo food leh in uu soo magacaabo raysa wasaare reer waqooyi ah.

  3. ninkan waa Ikhwaan-Al-Muslimiin.. (Ragaasna waa rag nadiifa. oo qunyar socod ah, jecelna horumarka.. siyaasadooduna tahay pragmatic la jaanqaada hadba taxadiyaadka soo waajaha… “nin tuur lihi tab uu u seexdo ma waayo” )..
    oo maraykanku hadda raali ka noqday.. xukunkooduna taxan yahay.. ka soo biloow Turkey ilaa Morocco.. soona mar Tuunis ilaa Masar.. Lagana yaabo inay qabsadaan raysal wasaarnimada Urdun ilaa Kuwayt..

    ilaahay khayr ha uga dhigo. Hawl aan yarayn oon cidi ku xaasidi karin baa sugaysee.. Amiiiiiin

  4. hanbalyo baan leeyahay xasan sheekh raysal wasaare nadiif ah soo magacaw sida samatar oo kale

  5. imisaan lahay meesha nafkuumataal samater xataa hadlkii qirada laahaa waxba umiidhicin

  6. waa halkaa isaaq boy e kani waaba JUGSOODHACAY , meesha waxaan aad uga filayey farmaajo iyo ninka la yidhaa baadiyaw yarkan dhakada weyn hal codbuu helayaa xitaa ismaan lahayn, su,aashu waxay tahay shariif garanoo xildhibaano badanbuu iibsaday laakiin ninkan halkuu isna ka keenay lacagtuu xildhibaanada ku iibsaday ?

    umalaynmaayo in lagu doortay waayo aragnimo, firinfircooni iyo wadaniyad uu dheeryahay raga kale ee tartamayey laakiin waxaan hubaa in uu bixiyey lacag badan xaguuse ka keenay bay su,aashu tahay walaanay iga dhaadhacayn miduu shaqaystuu ku khamaaree. hubaal ninkan cidbaa dabada ka riixaysay.

    si kasta ha ahaatee horta hadii shariif sakiin tegay somalia xornimo cusubay qaadatay, labada shariif mar uu weji xumada dadka hakala tagaan. ninkana haduu landta u jajabanyahayna wellcome baanu leenahay hadii kalena waa JUGSOODHACAY oo maba aqoonsanin.

  7. Hambalyo Mudane Jugsoo dhacay Prof Xasan Shekh Maxamuud Hambalyo

    Xilibaanada Samaroonku walaahi lacag baa seegtay caawa Xilibaanka codkiisa waxuu ku iibsanaayay 50,000 $ alla maxuu Samatar lugooyay Xilibaanadii reerka , caawa way daac daacayaan xilibaanadii codkooda iibsaday ,Ina Oomar hal nin Isaaqi ahi uguma ridin wayna iibsadeen kuwii Samaroona khasaare Samatar iyo 10 kii kun ee Dollar ee isku sharaxay wada khassaare ka bul dheh jaamacadaadii iskaga noqo Awdal hadaad timaadona dheengad baa kuu taala.

  8. Hambalyo madaxeweynaha cusub ee Soomaaliya. Xilka ilaahey ciduu doonuu siiyaa ee u haneeya kuna qiimeeya kolba talaabooyinka uu qaado. Hadii lacagi kursi ku siineyso Shariifbaa ku guuleysan lahaa.

    Subxaana laa Soomaalidu waa umad bugta diintana u isticmaalaaya dhaleeceyn iyo reer galbeed is jecleysiin, ikhwaan kulahaa. Guusha waa la isku qiraa ilaaheyna haga yeelo kii Soomaaliya mideeya, aan cidna jujuubin. Inkasoo magacan yahey mid cusub markaan inyar milicsadey taariikhda madaxweynaha Cusub waxey iila muuqataa inuu kasoo jeedo beesha Xawaadle ee Hiiraan. Horta waji cusub baa loo baahnaa sida baarlamaanka tiina wey dhacdey. Nimankan landta la soo boodayaana ha ogaadan ninkani wuxu yiri cidna cidma qasbeyso, iniguna dadkale ee dagaana qasbi meysaan.

  9. SAMATAR Caawa Xaalkiisu waa Wadnahay Dhagalee

  10. Darbi

    kkkkkkkkkkkkkk marka horaba qaar calooshada u shaqo tagay bay ahaayeen..

    Mustafe

    qoraalka dib u akhri.. Ikhwaanka maan ammaanay mise waan caayay kkkkkkk…
    Xawaadlena maaha ee waa Abgaal. inkastoo cida uu yahay aanay macno ii samaynayn kaliya aan la rabo nin wanaagsan oo umadaas ka soo saara hogga jiirka ee ay ku dhaceen 21 sano ka hor.. insha Allah ilaahay kan haka dhigo kii badbaadin lahaa.. ee mugdiga iyo habeenka dheer ka saari lahaa..

  11. Mar haday labadii shariif ee kala koofiyada dheeraa dhaafeen waa masha Allah.. waxaanan rajaynayaa inaanu kii Sakiin wax xil ah u dhiibin..

  12. Isaq Boy

    Inta Xamar U shaqo tagtay xilimaan soo qabanaa sxb ilayn wadankii ayay khaayimeene kkkkkkk Alahayoow maxaa iga qabsaday waan qarsanayaaye.

    Somaliland hanoolaato

  13. Derbi Isaaqba ma eryanayaan ina Oomaar maxaad kaaga ku daba-dhigay dameeryohow,maanadse ogayn ka Laaluushka bixiya iyo ka qaataba in ay nacladan yihiin,adna waabad dhiirri-gelinaysaa Ee sxb is-baadh intaan lagugu soo boodin oo Isaaq iska dhaadhicinta jooji kelidood dalka malehe,haddi kale berri ayaa adna hurdada lagugu miri war ma hayside

  14. Somalia hanoolaato. Somalia maanta guul baa usoo hoyatay mar haddii ay somalidii heeryadii u dambaysay ee dilaaliinta iyo dagaal oogayaasha ay iska dul qaadeen iyada oo aanay xabad rasaas ahi ka dhici. Ahmed Samater waa geesi, wadani somaliyeed, umana galin doorashada inuu kaliya noqdo isagu madaweyne ee ujeedada ka weyn ee uu u galay waxay ahayd inuu ka mid noqdo isbedel siyaasadeed oo horusocod ah inuuka bilawdo somalia. Alxamudulilaah arrintaana wuu ku guulaystay, mar haddi muwadin Xasan Sheikh maxaamuud oo aan ahayn dagaal ooge iyo dilaal si xor ah xamar dhexdeeda loogu doortay inuu hogaamiyo jamhuuriyadda seddexaad ee federaaliga somalia.

    Maanta somali nimadau qiimo ayna shalay lahayn ayey leedahay waxaana ku mahadsan ragga iyo dumarka uu Ahmed Samater ka mid yahay ee u guntaday inay dadkooda iyo dalkooda u gurmadaan oo ay ka badbaadiyaan cadul qaatayaasha ka dilaalayey ama duminayey labaatankii sanadood ee u dambeeyey.

    Ahmad Samater hawsha uu bilaabay lagama yaabo inay midhaheeda uu isagu soo gaadho, lakiin aniga wiilkaygu ayaa kasban doona aad baanan ugu hanweynahay hawsha uu qabtay. Rome maalin kaliya laguma dhisin. Qabyaalada somaliana habeen kaliya laguma tirtirayo, waxayna qaadan waqti badan, lakiin waa bayllah somali oo dhan u taala, ahmad samater na, la dagaalankeeda qaybtiisii wuu ka qaatay.

    Doorashadan hadda dhacday waxay ahayd badbaado qaran, oo ay Somalidii ku jirtay barlamaanku ku qanceen in ay ” priority” ga ugu weyn ee hadda saarani tahay in dalka laga badbaadiyo labada shariif, waanay ku guulaysteen, waana ilaahay mahadii.

    Maanta maalin iiga farxad badani ma jirto inaan ahaado somali, inkasta oo qofkii aan rabay aan xilkii madaxweyne loo dhiibin. Lakiin loyaltigaygu waxay mar walba u taagantahay qaranimada somaliyeed iyo sidii cadaalad muuqato uga dhalan lahayd somalia. I am proud of Ahmad Samatar, I am proud to be Samaroon and I most proud to be Somali.

    Somalia Hanoolaato……..

  15. rabiyoow mid daacada
    ribiyoow mid deeqsiya
    rabiyoow mid dooroo
    dadka iyo dalkaba jecel

    madax waynaha cusubu wuxuu umuuqdaa mid haybadleh runtii wajigiisaa laga dheehday durba waana kii soomaali midayn lahaa samaroona xaqiisa siinlahaa waxaanan ka sugaynaa inuu xilculus noogo dhiibo ahmed ismaaciil samater markay ugu yartahay waa inuu wasiirka arimaha dibada kadhigaa xuurtada gobolka awdal laguhayana sidegdega noogasoogaadhaa. waayo qudbadihiisii bay kamid ahayd inaana cidna la qasbin cidwalbana xaqeeda hesho calaa kuluxaal
    anigu waan faraxsanahay waxaan raadinayaa heestii subag weelkudaatay sina uma xumaadee waa subax wanaagsane calankana salaama http://www.youtube.com/watch?v=yiqHMnvL11M

  16. timacade
    qiira jabanta naga daa bari hore baan kuu sheegnay siday wax u jiraan oo odayga hoosta ugu sheeg baan ku yidhi abtigay ah dee hadalkaaguba wuxu ka dhamaan waayay ina samatar rag baa wata oo hawiye leh daarood leh dir leh aaway maanta may hal cod siiyaan lkn ilaahay isagaa og kii khyarku ugu jiro waan ugu ducaynaynaa xasan sh muxumed

    viva somaliland waan ku farxaa ilaaha iga dhigay somalilanderka ee aan i badin wala wayntaa ee hargaysa iyo borama dhexdeeda igu beeray ilaa intaan aqoonsi caalamiya ka helayana qorigayga waan haysanayaa waxan kale oo xusid mudan kii OMAAR ahaa oo cadeeyay meesha in isaaq ka dhamaaday isna wuu isaka soo noqon doonaa isaga oo dulaysan waayo kabo qaad cid kale waa duli uun samatarna waa la mid waa laba duloobay duli weeyaan

  17. Galbeedi…..Sheekadan mar uunbaan odhanayaa, waxayna cadaynaysaa in waxii ilaahay qori aan la bedeli karin, waayo:

    1) 48 hour ago, Ahmed Samater Safka hore ayuu ku juray, waana la hubay inuu wareega labaad iyo seddexaad gaadhayo

    2) 48 hours ago, Xasan Sheikh xitaa sawirka kuma jirin dadka safka hore ka jira.

    3) 48 hours ago, Sheikh Shariif iyo Shariif Sakiin Xulafo may ahayn.

    4) 24 hours ago, markii la ogaaday inay labada shariif heshiish galeen, waxa go’aan lagu gaadhay in qaranka laga badbaadiyo, labada shariif. Arrintaasi waxay bedeshay priority gii barlamaanka waxayna galaafatay, dad badan oo uu samater ku jiro. Lakiin waxy na siisay dawlad ku dhalata nabad galyo iyo kala dambayn inay kusoo noqoto somalia.

    Saxiib xogogaal baan ahay, qiirana weligay siyaasad igama galin. Wadaninimadayduna kuma dhisna qof jeclaysi ee waa bigger picture. Qaran sharci ku dhisan ayuunbaa qabyaalada bedeli kara, dee taana waa la inooga wada fadhiyaa gabigeenba. Qabyaalada, xaqdarada iyo dulmiga hargeisa ka dhacaa mallin walba kama xanuun yara ka muqdisho ka dhaca ee waxaan u baahanahay state ku dhisan rule of law and not the rule of clans.

    Ninka reer woqooyiga ah ee yaraysta maanta waxa xamar ka dhacaya iyo isbedelka ka socda somalia, waa nin sugaya inta uu daadku godka uu ku jiro ugu soo galayo. Somalia way midoobaysaa, cadaalad buuxdana way yeelanaysaa, shabaabna waa laga saarayaa, somaliland na weligeed gooni uma go’ayso, ictiraaf warkiisaba daa, dee ma dudis baan siyaasadeena arrimaha dibadu. Alternative ma jiro ee dadkeena aan dhinac ka raacno, siyaasadii gooni isu taago way shaqayn weyday, dee ilaahbaa rag inaga dhigaye aan ragga iska celino……kkkkkkk calaacalka inaga daa saxiib… Somaliyana hanoolato dheh, madaweynaheena cusubna u hambalyee………..

  18. timacade
    dee ma fikir yar oo aad qabtaad waxad u afduub is leedahay dad dhan oo go aan gaadhay runta sxb waa biyo kama dhibcaan anuu halkaygaa baan joogayaa nolashayda ilaa inta aan waxan go aansaday ka helayo oo ictiraaf uun baa imara no more xamar danbe cududayda ayaan isku dufaacayaa ee cabsashada iska daa kolay aduu qori iimaad qaadeen afxumo wax kuu tari maysee lkn malinta ictiraafkaasi imaado raga iska waalanaya ayaad ka mid tahay filaa siyaasada gooni isu taaga bay wadayaan reer sheekh isaxaaq iyo samaroonka dalka jooga oo wada muxaafid ah oo barigii dhawayd ee wadanka tagay baan taas soo xaqiiqsaday lkn qurba jooginii ma siloona sidaa ula soco

  19. Accidental leaders are out and unexpected leader is in. Let us watch and wait. Horta dad badan baa wax isku qaldaya. Waxa inta badan afka lagu dhuftay in doorasho xalaala oo xor ah la qabtay. Horta doorasho xalaal ahi ma dhicin oo nidaamka dhanba wuxuu ku bilawday xaaraan cad oon haba yaraatee xaq ku salaysnayn. Abaabulka doorashadu si xaqsoor ah oo nimaad diineed iyo mid cilmiga dibada ku salaysan midna uma dhicin. Qabiil oo shayga ugu xudhmuun ah baa lagu bilaabay taas oon qofna cilmi iyo ala ka cabsi lagu soo xulan. Bal in aan wada dhego laanahay halkee ayay maah maahdii somaliga ahayd ee qiimaha badnayd inaga martay. Hal xaraan ahi nirig xalaal ah ma dhasho. Nidaamka meeshuba xaaraan ayuu ku bilawdee goormuu noqday madax wayna hani mid xaq iyo xalaal ku yimid. Anuu waxan aamin sanahay wuxuba wax dariiqa ilaahay ka baxsan buu ahaa runtiina aad baan ugu farxi lahaa in ilaahay umadaa ficil dhibta iyo burburka ka saaro uga dhigo dhacdadan noocay doontaba haku timaadee, balse tani marlay ta hada socotay tii ka sii horaysay iyo tii Cartaad midna kama duwanaan doonto. Sidoo kale wadaadkan gadh tigaada lihi, sidii kuwii horaba casharka Nairobi iyo Addis Ababa loogu soo dhigi jiray uun buu isna tubteeda qaadi doonaa. Ilaa shacabku sanduuqa codkooda ku ridaan, kii yimaad ba waa awr kiraale uun Mahiigana dhaxda ku sugayo. Samatar iyo Omaar bay noqotay, lafbaad toobin ku hayseen oo horaan u sheegay balse hadaf kooda iyo hamigoogu wuu ka dawanaa dhamaan tartamayaasha kale oo uur koodaa nadiif ahaa.

  20. Asc.alxmdulilah waa alle mahadis manta hadan hor mar kaarnay hanbalyo ayaan leyahay umad somaliyed mel kastey joogan tani waxey noo tahy farxad aad uwen waxan leyahay madxweyne allah ku fududeyo shaqada culus ee kusugeyso madx weyne hanoqon kuwi hore oo ahaa fadlan lacak igu shubo aan dantada ku fuliyee madx weyne umada waxad wax ugu qabataa si ey kudhehantahy alle kacabsi iyo cadaalad mudane madxweyne nolaaw

  21. Sira soo baxaya.

    Waxaa la sheegayaa in habeenkii ay 2bada sharif kulmeen ay soo baxday in sharif sikiin wato in Gudoomiyaha Wakiilada laga dhigo.marka uu Sharif Axmed Guulaysto,
    Taasi waxa aad uga cadhooday Gudoomiyaha Cusub ee Wakiilada,oo soo ciyaarsiiyay Shariif Ina adeerkii oo uga ololeeyay Beesha raxan wayn dhexdeeda iyo dadyoowgii kale.
    Halkaa ayuu arinkii iska badalay.

    Meeshana lacag ayaa la kala qaatay 2badi habeen ee uu
    dambaysay,$60 ilaa 70 kun oo ayaa laka la qaadanayay.Isbahaysiga Shariifyada ayaa wax waynka ka badalay qaabkii
    ay wax u socdeen.

    Wadamada jaarka ama kuwa Amisom ayaa Gudoomiyaha Wakiilada ka codsaday in Nin Hawiye ah la keeno hadii uu Shariif meesha ka baxo.Arimuhu way badanyihiin .
    Any way waan u hambalyayanayaa Madaxwaynaha cusub ee Somaliya.

    Geesi Axmedna waxaan leehay – waa cilmi kaa maqnaa siyaasada u socota sida aad aduu necebtahay ee ah laaluushka iyo Qabiilka.

    MADAXWAYNAHA cUUBNA WAXAAN LEEHAY.Mudane Hasan
    Raysalwasaaraha Somaliya u magacoow Axmed Ismaciil Samatar oo ah Nin hawsha kula wadikara.

    sidi kuwii hore ha eegin oo kaliya Darood – wadanka waa la wada leeyahay.

  22. Timacade

    Salaan sare sxb wali waxaa kaa dhaadhacsan in Somalia iyo siyaaadeeda ay meeli kaaga banaantahay kkkk ma ogtahay in AK47 uu yahay cadaalada Somalia adiguna waxaad ka sheekaysanaynaa Axmed SAMATAR ayaa wareeg heblaayo soo bixilahaa waar halkaasi ma yaalo waxaad doon doonaysaa aduu isku fikri ma tihiin isku dhaqan matihiin isku nidam ma tihiin ee waxad doon doonayso ka raadi Somaliland ayaan kugula talin lahaa .

    Salal

    Prof Khasaare iyo Ina Oomar waa isku mid,Isaaq wax cod ah may siinin wiilkooda Sacad Muuse oo siyaasad dan u ah ayay u joogaan inta Isaaq ka joogta Muqdisho waa xod xodasho Hawiye calashaan ictiraf u raadin Somaliland ee umay doonan mansanbyo iyo kuraas wasiiro iyo mid Parlaman midna waxay duulinayaan qorshaha Somaliland ee ku wajahan Somalia waa ictiraaf raadinta taasina waxaad ku garan kartaa nin Isaaq ahi masiinin codkiisa nin aan Hawiye ahayn.Haday kuraas iyo mansab Isaaq ka rabo Somalia Ina Oomaar ayay siin lahaayeen waad ogtahay in ninkasi codkiisa kaliya la tiriyay,halka Samaroon codkoodii kula dul kufeen Prof Khasaare xataa ma aynay is odhan bal Hawiye siiya ilayn dhulkoodii baad joogtanoo si xidhidh fiican aad ula yeelataan mustaqbalka madaxweynaha soo baxa taasina ma dhicin.

  23. Darbi

    Waxan ku moodayay Nin wax badan og,laakiin wax sidaas ah ma ogid.
    Isaaq meesha waxay u joogaan sidii ay qaadan lahaayeen Raysal waraaraha Somaliya.Intaa ayay u joogaan.Wax kale uma joogaane soo baro siyaasada ay Isaaq wataan.

  24. reer hargeysa sadeex shaay uunbay meesha u joogaan mid afraad ma leh,

    -koow, raysal wasaare issaq ah
    -labo, caasimadda soomaaliya oo Hargeysa noqota
    -iyo in ay aqoonsi ka xod-xoddaan karaan Hawiye waana ta ugu liidata marka labada hora la barbardhigo waayo Hawiye dameer biyo xambaarsan kuma heshiin karo iska daa aqoonsi ay baxshaane.

  25. Waad la waydeen.

    Xildhibaanadda isaaq ee Xamar joogaa maaha qaar cusub ee magacdooda markaan arkay waxay ka soo hadheen dawladii Salaad xassan waana rag iskaga qayila Xamar.
    inkastoo laga yaabo inay Xukkumadda Somaliland si hoose u hogaamisay inay soo saaraan nin dalqadda bixin kara..

    Raysal wasaarenimo Isaaq saddex jeer oo horuu halkaas ka soo ahaa wax macne lehna uma samaynayso.. iyo Madaxwaynanimao toona.
    Reer Somaliland kaliya waxa u daran in loo haneeyo oo loogu duceeyo rabitaankooda… waana cashar uu aadamuhu bartay 10, 000 oo sano ka hor in aanu “qasab ahayn caashaqu”..

    Fashilaada xamladii iyo ololihii Samatarna wuxuu cashar iyo taxliil u noqnayaa Qurbo Joogii reer Awdal ee faro ku tiriska ahaa ee Xamar u hanqal taagayay inay iimaansadaan dalkooda.. oo ninkii ugu cuslaa ee ay iska soo dhex saari karayeen markuu sidaa ugu bahdilmay Xamar garawsan doona in “lama huraan caws jiilaal yahay”

    Magacaabista Xamar xalay ka dhacday waxay samaysay Somaliland oo ka awood badan intay shalay ahayd..

    In aanay reer Somaliland shaqo ku lahayn waxa Xamar ka socda iyo chess-ta halkaa lagu dheelayo toona waxa kuu cadaynaysa Sida wax loo qaybinayo iyo cidda la raali galinayo iyo cidda la heshiisiinayo..

    Inaga se wadahadaladii ragas inoo bilowday way sii socnoyaan sida uu yidhi ninka cusub ee la magacaabay. (Lama dooran.. oo waxa wax doorta nin rabitaankiisa u xor ah.. waxaase magacaabay cidii soo xushay odayadda iyana soo cugtay xildhibinaadda)

  26. Darbi, Isaaq boy, Galbeedi dhamaan waan idin salaamay. Lakiin aad baad u khaldantihiin……..Please understand the change that took place yesterday as following:

    Somalia waxay ka baxday ku meel gaarkii oo ay macnaheedu tahay:

    Dawladihii ku meel gaarku waxay ahaayeen dawldo dib u heshiis, international community guna ma aqoonsanayn, infact, wax badan kama duwanayn kuwa hargeisa iyo garowe ka jira. Dawlada hadda dhalatay waa dawlad la aqoonsayhay oo ” contitutional government ah”.

    Shalay laga bilaabo cid kale oo somalia dawlad ka sheegan kartaa ma jirto. Siilaanyo iyo Faroole iyaga oo aan dawlada fasax ka qaadan uma socdaali karaan wadamada jaarka ah. Wadamada jaarka ahina ma siin karaan ” protocol” u eg inay head of state yihiin. Haddii ay dhacdo, immediately dawlada la aqoonsanyahay ee somalia cabasho ayey ka bixinaysaa. Hargeisa iyo Garowe ma tegi karaan wufuud ajnabi ah oo aan ogolaansho ka haysan dawlada somalia.

    Xuduudaha somalia ee la aqoonsanyahay qof ajnabi ahi kama soo galikaro isaga oo aan ogolaansho ka haysan dawlada xamar ka jirto, haduu soo galana waa ” persona non Grata” ama waxaaba lagu sifayn inuu yahay qaran dumin or foriegn agent and an enemy to the state.

    Somaliland iyo Puntland lama gali karaan heeshiis companyo khayraadka baara iyaga oo aan ogolaansho ka haysan dawlada dhexe ee somalia.

    Passportka somaliland wadan aqbali karaa ma jiro, haday aqblaana, dacwad adag ayaa lagu soo rogi.

    Markaa saxiibayaal u fiirsada waxa shalay xamar ka dhacay wuu idin khuseeyaa , hadii kale propogandahii halkii kasii wada ilaa inta ay godka aad isku qodeen biyahu idiinku soo galayaan.

    wa salaam.

    • tima cade masha allaah inadeer aqliga ilaahow ku daa u sheeg waxay moodayan dowlad ciyaar ah in ay mesha ka dhalatay walahi i am very happy hadii siilaanyo danbe madax nimo sheegan karin well done inader waxa garad waw guul somaliwayn

  27. Timacadde.

    salaan la mid ah sxb.

    With all due respect, wabi kuli ixtiraam.. anoo qadarinaya aragtidaada.. hadana sxb markaan ku akhrinayay in muddo ah.. waxa iskagaa walaaqan caynka aad jeceshahay eed maanka ku haysato inay wax u dhici lahaayeen iyo sida dhabta ah ee wax u jiraan ama “waaqica iyo reality-ga” .
    Riyaad soo jeed ka dhigataa sxb.. haday tani ku toosin wayday garan maayo wax kale oo ku toosin kara..

  28. Xukuumadda somaliland oo hambalyo u dirtay Madaxwaynaha la magacaabay ee Dawladda Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud.

    http://www.hadhwanaag.com/detail.aspx?id=76254

  29. kkkkkk Isaaq boy with all due respect to you too……..

  30. Isaaq Boy

    Waxaad tidhi Isaaq ayaa sadax jeer soo noqday Prime ministerka Somaliya. Arinkaa maan ogayn sxb bal ii sheeg;goorta iyo Raga aya kala ahaaayeen.

  31. Asalaamu Calaykum

    Marka hore waxaan leeyahay HAMBALYO!! HAMBALYO!! HAMBLAYO!!! Maxadweeynaha cusub ee dowlada Jamhuriyada federalka Somaliya mudane Prof. Xasan Sheekh Maxamuud Illahay xilkaa aad qaaday ha kuu dhibyareeyo waayo umadii aduunka ugu wareerka badneeyd iguna qabxumada weeyneeyd uguna dhaga adkeey ayuu Allah kuu doortay in aad madax u noqoto ee dlqaad iyo daganaasho u yeelo samirkeedna lahow Illhayna ha kugu garabgalo. Somaliya kii dajin lahaa colaada raagtayna damin lahaa Ilaahow uga yeel umadaadan daashan.

    Timacade salaan gaar ah gudoon hadalkaagana u keeydso inta u qalanta wax kula fahmaysa waxaad mooda in aay khiyaali ka wada doorbidayaan akhyaartan kula doodaysa runtii si waayelnimo ayaad wax u dhigtay but not to the right people dhagahaan daloolin waa sida dundumadoo dhawaaq kama duso. Prof. Samatar Somaliya ayaa wax u waayaysa ee isagu u wiiqmi maayo waajibkii ka saarnaana wuu ka gutay waxase lagu dhaliilayaa waa ta tolkii oo uu isagu ta guud ka doorbidayay, haddii aan cid cod keeyga siin lahaana isaga ayaan siin lahaa not he is gadabursi but he is well qualified to the position.

  32. waxbaa kadhacay timacade ma anaaba kusoo gaadhi kara macbaan kusiinlahaaye highfive bro

  33. timacede
    kulahaa somaliald danbe la maqli maayo dee sxb anuu dee samatar siqiir baad tahay markaa waxba hadal kugu daalin maayo ee aadna xaqiiqda konfurta ka jirta soo taabo sidaa baa macaan badane halkaana ila yaro fiirso iyo shirka igad

  34. timacae.
    waad la wayday horta cid cid qasbi kartaa ma jirto, sidaas oo tahay dawlado aduunka kala goaa way jiraan wadamo waxa jiraa in ka bnadan nus qarni wali raadiya ictiraaf, ta aad ka hadli wa taas. xataa hadii somali yeelato dawlad adag wax ay u dhimi kartaa somaliland ma jirto, waayo ictiraaf wax uu nagala maqanyahay aya aiska yar ilaa inta aan isku filanahay dhaqale iyo military xataa hadii uu qofka u danbeeyo dhinto qasab kuma jiri karno, waxay ku xidhnaan doontaa mustaqblkayagu rabitaanka shacabka
    hadii aad aaminsantahay gaal wax kuu yeedhiya we dont beleive that we beleive what we are as somalilanders.
    wax dano ah oo xamar naga xidhan ma jirto ilaa jaarnimo mooyaane.
    20 sano oo bila ictiraaf ahayn waxba umaanu waayin hadana u waayi mayno even 50 yrs soo socda.
    waaxanse ku so gabogabeyn bal horta iyagu wax ha noqdaan.
    anagu wanu tashanay wanaana nu ku anfacsanay taldaa.
    from borama pure gadabursi. not pro darood pr.hawiye or pro isaaq. but awdal’s determination is with somaliland almost every time.

  35. akhyaarta reer awdal waxa idin waydiiyay inta somaliweyn ku xiiqsan maxaa idiinku jira ka awdal ahaan koonfur.

  36. Sida aya aduunyadu ogthay ninkan had la doortay Somali oo dhan ayuu madax u yahay. P/Land iyo S/Land cidna ma aqoonsana ilaa hada. Somaliduna waxay u taqaana qabiil states oo laba qabiil yaa iska leh. Derbi meeli kaagama baanana.

    Ahmed Samatar Somali oo dhan ayaa ixtiraam iyo sharaf u haysa marka laga reebo dad yar oo qabiilku ku fogaaday.
    waxyaalaha uu Samatar ka dagalamayay wax ka mid ahaa nidaamka foosha xun ee 4.5 ee Djibouti lagu soo sameeyay
    si qabiilo aan Somaliya degin loogu sameeyo kuraasi ayna waligood ku hamiyin.

    Ugu dambeyn waxaan leenahay Hambalyo dhamaan umada Somaliyeed meel kasta ha joogaane.

  37. Derbi doqoni nimay taqaan iyo tolkeed kama fogaataa la yiri,ina Oomaar ina oomaar dhe Profkana khasaare dhe,kumaan maqal markii rashiid awnuur qabqablaha ahaa adoo wax ka sheegaya Ee kani ma haybtaad ku haysataa?miyuuse ku ogyahay halyaygu,bal isu Eeg halka uu joogo iyo xilka uu hawaystay,adeerkaa oo Sl jooga hargaysana agtiisa tahay baa ku xigeen ka dhammaan la’,u hannee xaasid lama ahaadee,wallee inAad ku eryanayso haybtiisa Maxamed case EeAanad wax kale haynin waa dhaqanka Samaroonkii hore lahayeen EE wax ka beddel waa nin tolkaa ah oo Intuu Soomaali is hor taagay yiri anigaa idin bixin Alle sokadii Ee i doorta wuuna guday xilkiisii dalkii ka abdbaadiyay 2 dii Wadaad-xume EE dadkii shisheyeba wax mayodhane af-xumada tolkaa ka daa nacas yohow oo aduu taada xejiso

  38. wax badan baa xamar ku xidhan, it wont be business as usual pasport baa kaga xidhan dhaqalaha kaga xidhan, haydaha aduunkoo dhan ee wax bixin jiray waa inay caasimada usoo guuraan wixii ay bixin jireen hada dowlada la xisaabtami doonta. hada waxwalba waxay ka goaysa dowlada la aqoonsana yahay ee somaliyed een ku meelgaadh aheen, hawada somalia baa la xidhi karaa oo diyaarad aan amarka ka qaadan dowlada somalia ma soo gali karto ta isku daydana hawada lagu gubi doona, dakadaha somalia waa la xidhi karaa sida taa kismaayo hada loo xidhay waxba lagama soo dajin karo lagamana dhofin karo hadii aan ogolasho la haysay,, macnaha dowlad waa in horta la fahmaa,hadii ayna dowladaha aduunku xuduudahooda ilashanayn aduunku wuu is wada dhex ordi lahaa,markaa dowlad baa dhalatay si xaqa looo doortay wixii hore wax ka badalaysa dhaqaale danbe oo lagu soo qaatay shacabka waqooyi somalia daga way dhamatay waa in ay taa fahmaan idoortu hada reer awdal waa inay toos dhaqalahooda uga xisaabtaman dowlada muqdisho.. guuuul somaliwayn and awdalstate

  39. Deeqa kkkkkkkkkkkkk ma xalay baad Riyootay,Sl xabashi ayaa u talisa ahna gaal madaw waxay doonto ka samaysa,Milateriga Aad sheegayso waa ka Buuhoodle gali kari waayay,Ceel-bardaalena dadka ku qasha,Hargaysa cidi kaama rabto,Issaaq isagaa wax isu haya,lkn anuu dadka qaarkii la yaabi maayo oo marka Saylici meesha yimid qaar shalay Mucaarad ahaa baa muxaafidiina,kuwa shalay cahdigii maqaar-saar Riyaale muxaafida ahaabaa Mucaaarid ah,labadaas waligay midna maan noqon.waxan ku waydiiyay.

    SAfarkii yaa ku laayay kala-baydh.
    Seemaal dadka yaa ku qashay?

    Aawayse dhagar-qabayaashii,haddii adi ay ku qabaan waa yeelkadeed beri marka wax dhacaanba dumaashidaa waad i baranaysaan iyo soddohdaa haddayse qiiro jabaan kaa tahay Xamar dirnimo ayaan ku tegaynaa,haddii Issaaqraysal wasaare
    noqdana waa dir adna wasiir baad yeelan wax fahan indr ha fududaane

  40. salal
    kuwan aad ilaa hada ilaawi laadahay sawtan cawar laguu xidhay maaha isaaqna raysal wasaare baad jeedaaye madax wayne ma doonayee ina samatar soo kaxee s/land madax wayne ha ka noqdee oo dadkiisa u baahan oo soo dhawyn doonee

  41. Fathia, Aisha iyo Gudoon waad mahadsantihiin.

    Runtii wax aan caadi ahayn ayaa ka socda Somalia. Dee malaha reer somaliland waxay u haystaan in askar qori sidataa u imanayso oo meel cidla ah ayey heegan kaga jiraane, arrintu waa diplomacy, international law iyo state soverenity.

    Askariga somaliland jooga ayey khasab ku noqonaysaa inuu si dadban amarka madaxweynaha cusub ee somalia u fuliyo, markaa cidi dibad kaaga iman mayso ee remote control baa lagugu xukumi ilayn idinkaa talo la idinka waayey e.

    for Galbeedi:

    Maye e anigu ina samater waan ka fiicanahay waayo waan ka abti fiicanahay……kkkkk dee anigu kursigaa ina samater waan badin lahaa haday reer abigay taladeeda qayb ka yihiin, waayo reer abtigay nafta ayey ii saari lahaayeen. Dee ina Samater waa nin abti xun kasoo qaad…….kkkkkkkkkk

  42. timacade
    kkkkkkkkkkkkkkkkkk waad caytamaysaa lkn macal asif dee adigi reer abtiba ma lihid samaroon samaroon dhalau baad tahay codka ma 8 lagu kala qaybin lahaa haduu maanta isaaq raacsan yahay somali wayn ka ugu cod badan buu noqon lahaa lkn soamli wayn wali waxa u sii guuxaya nin aan qof kaga dhiman oo xanuunka aan dareemin xaga kaantarooolka aad jeedid malaha meesha video baad mooday siyaasada dee reer aan ogaa kuma ogiye oo waxa gidaar ka danbeeya ayay maamuli laayihiine horta iyagu ha iska soo dhamaadaan lkn aad baan ugu faraxsanahay in uu ina samatar malin dhaw iska iman doono s/land dee gabilayna lagu soo dhawayn doona waxa xan igu soo gaadhay in uu hada cafis soo dalbaday oo u dadkiisa dhinac ka raaci doono

  43. Galbeedi……..waad ogtahay Halkaa inay hawl culusi Kaaga soo korodhaye waxba qiiq ha isku qarinin……kkkkkk. War heedhe dee Malaha waad riyoonaysaa, waar maanta anagaa cafis Lana weydiisanyaa oo dawlad yeelanay.

    Dee maalin dhow waxan idinka xoraynaynaa dhiigmiiratada, telesom iyo dhiigshiil iyo xulafadooda Alan tax ka bixin ee ku naaxay lacagta xaaraanta ah ee ay masaakiinta ka gurtaan. Gabigood license bay xamar usoo doonanayaan.

    Waa inay hoos yimaadaan banking laws and telecommunications laws Somalia.

  44. timo
    dameertu geela ha didiso ee qururuftay kaga dartay intaan
    arkayo diyaradaa hargaysa saaran intaan xasuusanahaya
    a government at war with its own people walee shilin danbe oo aan leeyahay in aan xamar iyo wala wayntaa laga soo maamulayn dee adna wadanka borama baad ka dagtaa taana anaa badhasaabka u magacaaba ilaa gudoomiyaha hadal inaga dhaxayn maayo qori soo qaado ilaahay baa nin kaa dhigee hadalkuba waa intaa fadhi ku dirirka internet dhexdiis waxba inoo tari maayo

    viva somaliland i ama proud to be somalilander adiga af in ay kaa tahaa laga yaabaa waan u dhimanayaa waxna waan u dilayaa taasna maanka ku hay mr timo cade

  45. warkii wakaa idoor inay gadabuursi kaliya xuurto ku haystaan bay rabaan cashuurtana ka gurtaan ,, somaliana ma rabo reer awdalna cashuurtooa ayaan guranaya ninkii xoog isla hayow qori soo qaado hadii samaroon idoor iska xorayn waayo xiniinyahay ha iska jaraanm darood wuu ka tashaday ee samaroon bay ku hadhay war ka kacaaaaaaaaaaay idoorta iska xoreeya haday inoogu dhowdahay jaahil xunoo aduunka waxba ka fahmayn markuu sidaa doqonimada ah u hadlo nolosha lagu nool yahay waa xaraan,,

  46. gudoon
    dumarku sariirta bay ku fiican yihiin ragu markay wada hadlayaan ee xishoo jahilkaa aad sheegtayna wakaa kuu sareeya darood haduu naf lee yahayna laascaanood ha iga kaxeeyo waanigaa haystee ee xuurtada jeedo cidaan ku hayaa waa isaga

  47. galbeedi armaad adiga sariirta ku fiicnan lahed sidad u dooday u don’t sound like a man cid cid wax ak qadi kartaa ma jirtee samaroon wuu ka horeeya waa ka maskax badan yahay wax badan buu xeerinayaa adigoo idoor sida xawaanka isku cunaya wakii borama la idinku heshiisiyey ee sida loo wada noolado boorama la idinku barey markasad anigii igu soo jeesatay ,, samaroon waxay xeerinayan wixii ay boorama ku smayeyn ee aheed in nabad lagu wada noolado lakiin hada way tashan doonan ,,mida kale laascanood rag leh baa jooga ka taliya haduun ina xaabsade nacayb darood kale u hayo ku odhan waxay ka mid tahay so called somali land waligiin hawdadeeda maad gasheen car wakase buuhoodle hawadeeda gal somaldu samaan waxba kuma laha waa in xabad la iskaga xoreeya we wll see the coming days waxay samroon yeelan hada dowlad baa jirta cidna cid ma qasbi karo guuuuuuuul somaliwayn

  48. Galbeedi,

    Come on man…. You are better than that, I hope?

  49. Timacade, siyaasada aad dadka u sharaxaysaa waa siyaasada reer galbeedka iyo nidaamka dawladahooda. Taiwan waad ogtahay oo China ayaa xuurta ku haya hadana waxkasta oo aduunka kagaga xidhan iyakaa u madax banaan. Markaa Dawlada hada dhalatay kama duwano siyaasad ahaan iyo itaal yari kuwii hore oo laxashkii Amison ku siday uunbuu kan hada la doortayna gali doonaa ilaa inta laga tuurayo ee farsamo kale loo helayo. horta yaynaan ka hor dhicin waxanse ognahay in masgaxda somalidu ayna is badal samayn balse magac u yaalkii maamulayey uun la badalay. Zoom Animal cannot be Somalia in change of the throne. Anuu waxan aamin sanahay in Somaliland Fursad aad u wayni u soo baxday ay fiican tahayna in aad dhulkaaga qurus ka raad sato inta aad dad iyakiiba is cuna daba gale u tahay. Timacadoow bal in aad madax adagtahay, sidaan wax u sheegnay miyayna u dhicin mise xaalku waa la jiifiyaana banaan la joojiyaana banaan.

  50. tima cade
    kaftankii baa waxa xumaynaya dumar baa idinka soo horaynaya raga waxay is odhan lahaayeenba

  51. Galbeedi,

    Dee kaftan ka hoos ha u dhigin unbaan ku Laahaa.

    Marunbaa,

    Analysis kaagii xalay was dead on right. This guy is the unexpected president and he got very very lucky. He exploited the fears among the Somalis that the sharifs will make a come back. Remember this guy is Abigail and there are only a dozen or so abgaal parliamentarian and four abgaal candidates. You do the math and you will realize that this guy got the protest votes against the Shariifs and the civil society activists. Walaahi, I am not exaggerating. When I say this, Samater was leading the pack until the two Shariifs made their illicit pact to game the system.

    So, yes, on the surface, it looks as if your predictions and others have been confirmed, but believe me we would be having a different conversation had it not been the Shariifs debacle.

  52. Galbeedi!
    Anigoon cidna u hiilinayn Dhalinhababis ma awoodo in aay go’ do iyo in aay horay u socoto labadaba. Naagna wax haka shegin bro. Afkaar iyo xuquq bay ledahay in aay arimaha quseya ka doodo. Sidaad adba u xuslinayso. Aniga manta su’ al ku waydinaa adoon been sheegin noga shekey waxad qabato iyo noloshada. Si aan u fahmo in aad awoodo in arintan lagala hadlo iyo inkale! Ileen ruux wuxusan awoodin lama waydiisto!.

  53. hani
    horta waxan ku qusayn lagama hadlo in aan isku kaa sheego garaado kuma helayo adna micno kuu samayn mayso s/land iskaga waalo hortaa bay qaar ku waasheene lkn waxa kulkaa kaakeenay baan garan laayahay oo sawdigii shaadhkii kaa yara waynaa ee abgaal iska furay ee waxad tahay aad sheegtay ma maanta adoo is yara ilawsan baad soo xidhatay afkaaga iyo dhagahaagu ha is maqlaan haddii kale shirbis uun baa inag dhex dhici doona aad baanan kuu salaamayaa mudaanan ku arage

  54. Galbeedi,

    Qof adari ah mahini ruux dhiig iyo maskaxleh damiin lama doodo!. Sababtaa awgeed baan kuu waydiiyay. Aqoon aad wax ku fahanto ama wayo aragnimo toona malihid mana awoodid in aad haa HaniMuufo tiraahdo.

  55. kkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    ma waxad iga filaysay in aan sidaad idhaah nurse hospital netherlands ku yaal ku waashaan ahay waan ka xumahay maanta ma caydhiii baa yara kala kacsan inaabti waan is fahmaynaaye
    aqoon yarina aamus baa lagu kabaa dooda raga u daaya adiga iyo tall man naga daaya wax baan naqaana dadkii baa idinla yaabane

  56. Galbeedi tan waa tii ugu dambeysay aan ku dhoho!.

    Rag wax la yirahdo ma jiraan. Raga iyo dumarku way simanyihiin. Ragoo dhana waa kutaan dumarka ku dulnool. Galbeedi waxan hubaa inadan weligaa meel waxlagu baranayo aanad tegin. Discovery chanel na aadan daawan sida Marunbaa ilaa meshaa shaynis yar baa laga soo bartaaye!. Carmal jilicsan. Fikradayda inan dhiibanayn maragtay malmahan kkkkkkkkkk. Dad aqoonyahano ah ayaan bartay bismilahi masha allah. Oo runta fahmaya oo aanan qabiil la soo bodayn sidi adiga iyo waxa kula halmaala. Waxay ugu dheheen Hani waliga qofanan derejada iyo wadani nimada fahmi karin juu how dhihin. Qofkad qabiil afkiisa ka maqashana sanka ka qabso…………….!

    Dhalinhabaabisna adio eey ayaa cunay kkkkkkkkkkkk.

  57. Shimbirba shimbirkiisu la duula.

    There is two different classes in this blog.

    Advanced class: sida Timacade, Gudoon, Salal, Marunbaa, Aisha, Cali, Mustafe iyo Hani. dadkani si cilmiyaysan ayay
    rayigooda u dhiibtan. iyagoon cidna caayin

    Galbeedi iyo Derbi dad sidiinoo kale ah raadsada.

    Galbeedi nin rag ahi gabdhaha sharfta leh ma caayo.
    hada waxa iska cad in ay doodii kaaga adkataay.
    mar dambena ha caayin.

    Darbiyow Abti xumaad u dhimatay.

  58. Fariid,

    Mahadsanid walaal jira.

  59. Dhalinhabaabiseey maxaad dheelsiisay doqon
    Dhulkoodii maxaad ku dhayday dhaleeciyo xumi
    Dhaqdhaqaaqa tuugo nimo dheesha jeeb buuxsi

    Dharaar maxaad dheelsisay dhagoolaha dhacan
    Dhab ahaantii maxaad ku dhumatay dexdooda
    Dheeshiyo maxaad dharaar dhamaysatay iyaga

    Dhac dil iyo boob maxaad dhuunta saliid u dhigtay
    Dhashoodii maxaad dhar la aan dharaar keentay
    Dhabooyinka lagu hadliyo maxay dhibic ka wayeen

    Dhan walbo waji gabax maxay wareer haystaa
    Dharartii mucaawinado caarisay caro Somaali
    Dhimir la aan maxaad dhuni raadis dhankaa adeen
    Dhibic ceeba kama dhaqataan oo ku dhisataane

    Dhagarqabe dhalinhabaabis NGO abeesiyo abris
    Dhimbil deboo dhoodaalinaysa dhankaa waqooyi
    Dhabtusa wey timi iyo dharaartii iftiimeysay

    To be hahah not continue………….

    Love you all xerta Hiildan iyo Hiilka laba qalbigaa haha dabaylaha mansuur baa marba meel u qaada moogtahay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: