Cododadkii Ay Heleen Musharraxiinta Jagada Madaxweyne Ee Soomaaliya, Wareegii Koowaad.


About these ads

Categories: Warka (News)

31 replies »

  1. 8 xildhibaan mr wanna be president of somalia Ahmed ismaciil samatar. That means not even his clan members gave him the vote. There you go mr Timacade

  2. Hahahah, waan qoslay waxaa ku dhacay Axmed I Smatar, 8 buu ka helay 260 cod. Ceebeey tacaal.. Isaga nimaan ahayn ma soo baxayo bay ku shekeeynayen tolkii..$10,000 khasaaro.. Awdal State madaxwayne u noqo dheh, Hawiye way kaa diideen aan ku xukumo, marna ku caayoo

  3. Marunbaa

    Way iska cadayd in aanu meel gaadhaynin oo Hawiye hore ayuu ugu sheegay in nin aan dhulkiisa tagi karin aanu Xamar wax u sheegi karin,Halkaa waxaan ka garan karnaa in Prof Khasaare ay Somaliyi dhamaan iska nacday sababtoo ah ninka dhulkiisa ka ilaasha daranyada ee ka fekera kaabayaasha dhaqaalaha dhulkiisa wax kala qabta inta dadaalaysa haday tahay dariiqyo dhaktar iyo dekedo ayay Somaliduna qiimaysaa,Waliba Somalidu waxay qiimaysaa ninka ka ilaaliya dhulkiisa iyo goboladiisa duulimad ay kusoo duulayaan beelaha darifyada.

    Ninkan Prof Khasaare waligii kama hadlin dhulbalaadhisga beelaha darifyadu ku hayaan dhulkiisa,Bahabar Abokor ayaa ka qaxday Gabiley oo aan dib u dejin uga samaynay Aw-Bare ilaa dhulka Reer Nuur oo dhan waligii tolkiisa lasoo baro kiciyay kalmad uma odhan anagu kama rabno isagoo kale inuu noo hadlo waanan is difaacnaa,Somalidu waxay qiimaysaa ninka intii ay Somalia burbursanayd af iyo gacanba ku ku ilaashada goboladiisa ee u diida in lagu sameeyo boob,dil iyo barokicin ee difaaca dhulkiisa ayay Somaliduna qiimaysaa,Markaa ninkan Timacade ayaa nagu wareerinjiray oo odhan jiray Somali baa jecel HAWIYAA jecel Dir baa Jecel Digil iyo midhiflaa jecel maxaa laga jeclaaan nin aan la hadli karin qayrkii nin aan kalmad odhan karin boobka Xeebta oo aan Ismail Omer odhan karin dhulka anaa leh,Nin aan Sillaanyo odhan karin dhulka Gabiley waa dhulkaygii oo 20 xilibaan oo dadkayga ah ayaa isasoo sharaxaaya waligii meel gadhi maayo qaarna waxaybay wali kusii riyoonayaan Prof Khasaare oo looga dhigay wasiirk arimaha dibada Somalia kkkk adeerayaaloow kan faalkaa caayay geedkaana gaadhi maayo nin ka baqay beelo yar yari ma beelaha waweyn ee Somaliyeed ayuu la dhigi karaa sheeko shalay.

  4. Reer Xamarkii waxay u bixiyeen:

    Ina Oomaar = Oomaar soo lug go’ay
    Ina Samatar = Axmed iska yimi

    kkkkkkkkkkkk

  5. Toloow xildhibaanadii Ciise yay u codeeyeen?

  6. Ina Afwayne= ZERO.. isaga degitaankuu Muqdisho ka soo dagay buu la dawakhsanaa oo guul u ahayd LOL.
    Khudbadiisii waxay kaga dhagtay uun “Halkan aynu joogno waxa dhisay xooga dalka” sheekhu wuxuu wali u haystaa inuu Kacaankii Aabihii meesha ka taliyo. LOL

  7. Isaq Boy

    Lol iga walee magac baa ku dhacay”Oomaar soo Lug Go’ay” kkkk

    Ciise way iibsadeen cokooda oo Shariif ayay ka qaateen halkii cod 60 ,000 $ .

    Meesha xiibaanadii Prf Khasaare u codeeyay ee Samaroon ayuun baa maanta dhinac kasta ay ka jiiftaa ,Arin xumo abaar ka daran meel kasta Samaroon wuu ku jabay ilaa Xamar.

  8. Darbi waan ku salaamay sxb dala dala dee haddii pfofiseerka codka la siin waayo ma cirkaa soo dumay midda kale ahmed isagu ma khasaarin ee soomaliya ayaa khasaartay , waana caqli xumada somalida ee aan kala garanayn ninka ku haboon meesha iyo ka aan ku haboonayn, waa la dareensanaa in muddo ah in ayna dadkani u qalmin in uu nin sida Dr. Samatar ahi hor yimaado oo uu codkooda si xadaarinimo ah u waydiisto. waa la ogaan doonaa cida khasaartay .

  9. Darbi..

    Xildhibaanada reer Somaliland qasab bay ahayd inay codkooda siiyaan nin ay ka samaysan karayaan inuu kala furo labada Dawladood.. halka Ina Samatar ama Oomaar ku noqon lahaayeen caqabad iyo buur hor taala geedi socodka madax banaanida Somaliland.. intay is leeyihiin yaan la idinka dareemin inaad u hiilinaysaan tolkiin.. ayay xagjir noqon lahaayeen..

  10. Darbi

    Waxan adka sheekaynasaa waa maxay?
    Lacag waa la helaa.

    Samaroon maxay lacag xaraan ah ku falayaan.Inankoodi ayay doorteen,isna wuu waayay Madaxnimadii.
    Waa guul u soo hoyatay Samaroon.
    Viva Samaroon.Guudaradu waa guusha helitaankeeda.
    Imika waan garan karnaa waxa qaldan iyo sida ay wax u socdaan.
    Joojinmayno dagaalka aan ugu jirno ka mid noqoshada madaxda sare ee Somaliya.Guusha,Gusha aamin.

  11. yaa huba in sideeda midh ee uu helay wada yihiin Samaroon?
    Xisbigiisii Hiil Qaran ma reer Awdal kaliya ayuu ahaa?

  12. Issaq-boy,

    ciise wuxuu codkiisa amaahiyay sheekh shariif waxaa nagu soo mudh yidhi sheekh kale oo ciyaartaba ku jirin laakiin marba hadduu Abgaal yahay waa iska subag xeedho ku daatay siba kuma xuma.

  13. ina omar wala ogaa in ee aanu isaaq cod siinayn cidkalena mahelin lakiin kii ina brser samater waxa ku cadadtay waxii uu sheegi jiray

  14. samater cidkale miyaanu xuu ramin somalidii cusbayd ee odaygu nagu daaliyay meeday cawa ciil maan qabeen hadii uu heli lahaa uguyaran 20 cod reer waqooyi hadii uu cid ka kasbanlahaa lakiin 8 reerka ayuu jajuubay qasabna kaga dhigay inay codka siiyaan ceebeay tacaal

  15. Lama odhan karo dhamaan waxay ahaayeen reer tolkii laakiin tiraday u dhaw yahiin waana suurta gal in ayna cidiba u footayn oo uu intaaba ka helay waxoogaa aqli iyo damiir ku danbeeyey oo somali ah. Omaar wuxuu noqon lahaa madax wahayna ugu fiican hadii fursad la siin lahaa balse dameer foox muxuu ka kasaa wuu sidaa uune.

  16. Ciisoow ballan darro waa diin darro, sida an warar xogogaal ah ku hayo, dhammaan xildhibaanada ciise waxay u balan qaadeen inay codkooda siin donaan Professor Samatar, hadana daqiiqadii ugu danbaysay ayay kaga baxeen.

    In lays barto soow ma bannaana..?!

  17. Aniga ayaa huba inay 8 Codba ayeen Samroon.Ina adeerkay ayaan wada hadalay.
    Codku iib ayuu ayuu ahaa sxb Ciise iyo idoor shariifka ayaa iska lahaa codkooda wana la ogaa .

    Ina Samatar haduu iska daynlahaa cayda khaatumo iyo amaanta Somaliland cod wuu ka helilaha Darod iyo reer southka.Laakiin waa hore ayay u kala dhamaatay Samatar,Reer South iyo Darood.

  18. Prof Samater waa halyey walina waa taageersnahay waxani doorasheey ahayd oo kolay nin uunbaa heli lahaa ee raga u haysta in doorashada la badiyuuun waxaan odhan lahaa waayo arag baydan ahayn ooo waxaad tihiin Jaahiliin aan aduunka la socon oo ay qabyaalad iyo xumaan iyo shakhsi nacayb baa ini haya,

    Waar ama ku farxa ama ka naxa Prof Samater waa halyey soomaliyeed shalayna waa ahaa maantana waa yahay xilkana calafa ayaan ugu jirin oo ninki ilaahay u qoray baa qaatay ee aflagaadada iyo xumaanta meelahaa la taga oo comment ku didirka ka joojiya odayga,

    Allow maalmo daa Prof Samater waa maskaxdii iyo murtidii somaliyeed VIVA PROF AHMED ISMAIL SAMATER.

  19. prof samater he tried, ama hala doorto ama ayaan la doorane isaga wuxu tusay in somalia wali rajo leedahay oo aan laga quusan waana la dooran doona after 4 years marka somali oo dhan codeynayan hadii ilahay yiraahda wuxuna balan qaaday in uu wali la shaqayn doona somalia ilaa uu dhibta ka saaro ay ku jirto, somali nimada isaga aad ugu wayn,waxanan kula talin laha inu wixii uu khudbadii qiimaha laheed ka akhriyey inu somalia u hibeeyo after all waa dalkeeni, gaalada maraykanku waxay yiraahdan waxa lagu fikiraa waxaad wadankaga u qaban karto not wuxii wadankaga ad ka heli karto,somalididka ha dhaco guul somaliwayn , god bless awdalstate

  20. Prof Samatar 8 dii u codaysay waa samaroon… isaga ayaa sagaal ku ahaa isna iskuma codayn karo… taasi waxay cashar u tahay samatar oo tolkii ka fogaan jiray… Xabaal iyo ninkeed loo kala tag baa la yidhi….. ninka raga ah iyo tolkaba marka dhibtu jirto ayaa la bartaa… tolkiina waa u gurmadeen… hadii wax ka badan u hayaana waa siin lahaayeen… markaa samatar waa inuu sida ugu dhakhsaha badan awdal ka soo dagaa oo tolkii dhibta iyo dheefta la qaybsadaaa iskana ilaawaa hawiye iyo beentooda… Hawiye sacab been ah ayay u tumeen, mashxarad afka baarkiisa ah… bilaash baan idinku shaqaynayaa buu waliba ku yidhi.. hal codna wuu ka waayay.. bal may iska waayeen qof damiir ku hadhay oo qiimeeya qudbadihiisii…. waxaasi kama shaqeeyaan xamar iyo agagaarkeeda… waxa ka shaqeeya Tol… Tolkuna waa lagama maarmaan.. maanta ayuu dareemayaa qiimaha tolka ….

  21. Hiildan

    Goormaad aragtay Ciise Din haysta?
    Waar tanaaba u daran.

    Ma Ciisaa Nin Samaroon ah u hiilinaya ?
    Mooyaan hadii aanu ina Cumar Geele Joogin meesha oo Nin kale oo Ciisa ah joogilahaa,laakiin Ina Geele Basaas ayaa odhanaya Ciisooe Ina samatar siiya codkiina?
    xaashaa!

  22. Prof Samatar waa halyeey, cod ama cod la’aan guul ama guul la’aan..

    Samatar
    Farmaajo

    labada nin waxay ahayeen kuwa shacabka Somalido ugu jeclaa uguna taageero badnaa,, Maxaa sababay in ay codad ka baxsan inta reerkooga heli waayaan? 14 and 8?

    Paarlamanka Somalia isma badalin ee waa isla kii hore ee la yaqaanay ee tuugtu iyo khaayimiitu iyo musuq maasuqu ku abuurnaa..

    nin walba ama musharax tolkii ah ayuu u codeeyay ama ka laaluushay ayuu ugu shubay.. hadayna sidaa ahayn siday ku dhacday ragii ugu aqoonta fiicna ugu kartida fiicna ugu daacadsana wareega koobaad soo dhaafi wayeen? ( Samatar, Farmajo, Baadiyo iyo Omaar)

    Baarlamaan dhab ah haduu jiray Samatar guul wax aan ahayn lama so laaban lahayn.

    Samatar 2016 for president.

  23. ASC

    Horta waxan la yaabaa dadkan u haysta ina IOG in uu Ciise wax u taro!!

    Adeerayaal ninkani cid aan Isaaq ahayn talo ma waydiiyo wixii soo raacaana waa Xaashi iyo Gadabuursi ee maad shukriga ku jirtaan Ciise maalin kaluu sugiye.
    Lughaya iyo degmadii awoowgii ka yimdayna morame kama taageed deen hadduu tolkii dantooda hoos u eegaayo.

    Ninkani marba cidii siyaasadiisa dani ugu jirto ayuu wataa Ciisana kuwaas maaha maanta sida suuqyada laga dareemi karo.

  24. kkkkkkkkkkkkkkkk ma xusuusto bishu intay ahayd lakin waxa xusuusta malin tima cade halkan ina samatar ka faninayey isagoo leh wa madaxweynaha soosocda somaliya midnimadeedu wa muqadas ana aan kulahaa samatar inay doortan waa calcasha timo may kasoo bixi bi iwaa aduunyooy maxad laba boglaysaa qiiradi ma waxay dhashay in prof samatar oo intaa u xiiqayey new somalia codkii sii 8 ardaga dhafiwayo looooooool haybad iyo karamo waxad kuleeday eed lagaga danbaynaya waa dhulkaga hoyo isaga iyo ina oomar kolay umalaynmayo haday caqliga ama cilmiga ay sheeganayan miduun hagayo inay dib dadka waxa ula hor imanayaan daris balasiiyey ay kubararugan wase dhoohanyiinsan filayo

  25. Hibaaq waa Ku salaamay Ina Abti.

    Samatar iyo Oomar way madaxbaanyihiin fikirkooda,waan in lagu ixtiramaa.Macnuhu maaha dadku inay si isku mid ah u wada fikiraan.Ciisaha waxa jira qaar aaaminsan Somaliwayn,oo aaminsan in jabuuti lagu daro Somaliya.Anuu waan arkay Raga Cise ee fikirkaa aaminsan.Somali oo dhan waxa laga helayaa dad aaminsan isku mid ahaa shaaha Somalinimada.

    Hibaaq,saw maad dad Isaaq ah aaminsan diinta Masiixiga,iyo aan waxba aaminsanayn. Sidaa ayay dadku ukala fir duwan yihiin.

    Somalilandta aad sheegaysana – mmaaha mid ay wax ka jiraan.
    Waxay Isaaq gorgortan ugu jiraan in la siyo Prime Ministerka Somaliya,wax kale o laysku hayaa ma jiro Hibaaq qaaliyeey.
    Si ay Isaaq taa u helaan ayay awooda saraan in uu Madaxwaynaha Somaliya noqdo mid ka soo jedaa Beesha
    Hawiye.
    Darod ma yeelayaan inay Parime Ministerka Somaliya ay siiyaan Beesha Isaaq.

    10kii bishan markii la doortay Madaxwaynaha cusub ee Somaliya isla markii waxa hadlay Somaliland oo hambalyo u dirtay tii tidhi,”wada hadaladii noo socdayna Madaxswayne sii wad”.
    Waad garan kartaa Languageka lagu hadlayo o ah,”Prime ministerka na sii oo ah af carbeen”.

    Markaa Hibaaqeey Samatar iyo Omaar u daa fikirkooda.

  26. yurba lagu yidhi Hiildanoow,addaa soo sheegi doona meesha ina samatar iyo ciise ku balameen ee balaanti looga baxay,horaan u sheegnay ina samatar waxaa qudha ee u nasiib ku yeelan karo in ay tahay isagoo wata ama ku tiirsan buur soomaali oo dhan ka qarsoon oo aan la garanayn taas oo noqota kartay in u garab ka haysto wadamadda reer yurub ama maraykan sidaana ku hanaan doonu hoggaanka dalka soomaaliaya, haddu intaa midna watan wuxuu ku soo deg-deggay bulaacaddi u sheegi jiray ee siyaasada soomaaliyeed ciisana waxba kulama balamin hadday jirto cid hagardaamo u gaysatay ina samatar waa reer tolkii gedabuursi ee maaha ciise iyo cid kale hadduu ku soo bixi lahaa doorashadana ciise wuxuu noqon lahaa beesha ugu horeeysa ee soo dhawaysa illa maantana wali kama raja dhigin in u xil sara ka qabta dawlada soomaaliyeed ee la soo dhisi doona sida wasiirka arrimaha dibada ama raysalwasaare labada midkood.

    viva prof samatar xaasidna nacalaa ku yaal.

  27. Waar dee la socda

    Samatar haduu codka iibsanayo wuu soo bixi lahaa sxb
    meesha waxbaa laka iibsanayay wax kale maba jirin.

    Madaxwayanaha cusub Cali khalif ayaa u soo dhameeyayay 50 cod halka ayuu ku iibsaday 50 cod uu soo dhameeyay Cali khalif Galaydh.

    Meesha may jirin cod bixin caadi ah ,waxaay loo kala fadhiayay kooxo kooxo koox walba Ninbaa u ahaa dilaal.Ina Samatar waxaa kumuu jirin mana rabin inuu galo sida ayaa la cadeeyay.
    markaa meesha ma oolin qabiil iyo Reer Ninmo.Waxaa yaalay wax kala ibsi iyo arimo u socda hoos hoos.Sidii loo kala galgal iyo Dilaaliin badnaa ayaa loo kala codbadnaa.
    sheeko kale keena.

  28. ACW lacag iyo laaluush wuu dhamaadaa laakiin aqooni ma dhamaato samatarna wali waa jiraa .Ciise iyo Isaaq waxay codkoodii siiyeen sh, shariif oo ugu balan qaaday Isaaq inuu ictiraafo iyo Ciisuu yidhi anigaa Samaroon dhulkiisa ku siinaya oo salal kuu saxeesiye iigu shuba sir ma qabe samaroon allaa u sahana oo waakaa sh.shariifba kursigii ay xaaskiisu sarajooga uga dhacday ee ay ku suuxday ee uu markay suuxday ka daba tagi waayey ee uu qudbadii deg deg ugu soo laabtay markiiba waa kaa seegay kursigii. ISAAQ IYO CIISOOW ku quuso qayrkaana ugu war gee Salalna samaroon ayaa leh kkkkkk

  29. ala tolnimadu macaanaa maalintay kugu xun tahay ee tolka kaa fujiyo dhibtaadana u sheegato ee uu tolku xaliyo ama ku garab istaago ayaad dareemaysaaaaa tolnimadu waxay tahay.
    adeerkeen ahmed ismail maanta wuxuu garanayaa tolnimadu waxay tahay ,waayo waxaa sharaftii ka badbaadshay inuu zero heo waa tolkii oo codkoodii siiyay , samaatar waxaan leeyahay kaalay oo tolkaa dhex imo oo ugaaskii samaroona cafis waydiiso oo tolkaa kale khaladkaad gashay u sheeg inankiinii ayaa ahay dheh oo maanta lugihiina ayaa hoos yaalaa dheh go,aanka tolkayow idiin iska leh waxaad iga yeelaysaaaaaaaanba.sidaa hadiina yeelin ahmed ahmedkii hore noqon maayo …………………ahmed rigaas ayuu noqon doonaa tolkii kala kaxeeeye ayuu noqon doonaaaaaaaaaaaaa.

  30. Runtii waxay ila tahay inuu Professor Samatar guulaysatay, maxaa yeelay wuu diiday inuu laaluush bixiyo, cashar fiican ayuuna uga tagay musharaxiinta kale. Haddii uu lacag iyo laaluush bixin lahaa, oo la dooran lahaa, madaxweyne noocee ah ayuu noqon lahaa?, ayay su’aashu tahay.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: