Bulshawaliba waxay huru marku gaadhaa marka aay walaalkeeda xun dareesiiyo nasabka dhiiga iyo wada dhalashada ka dhaxaysa manta prof ahmed ismaciil samatar waxaa haboon in dhamaan bulshawaynta awdal state aay tageerto waan hubaa inuu dhabarka ujeediyay bulshadii uu kasoojeeday oo uuhagraday dadkiisii iyo dalkiisiiba lakiin manta waxaa uu ubahanyahay garab iyo gashaan waxaanu kujiraa tartan madaxa ugusareeya ee somaliya markaa waajibka saaran bulshawaynta awdal state muxuu yahay walaalkaa inuu kula dhashay waxaad dareensiinkartaa malinta uu kubaahan yahay hadii uu isagu marka xasilooni lagu jiro daremi waayo waxa iniga dhaxeeya adigu tus oo usheeg inaad dhiig iyo dheecaan wadaagtaan malinta uu kuubahan yahay
Prof ahmed ismaciil samatar waa shaqsi aqoon buuxda leh karti iyo firfircooni buuxda leh waa shaqsi uqalma kana dabaalankara xilka madaxweyne nimo waa shaqsi waxbadan ka og siyaasada reer galbeedka ee curyaaminta dawlada geerska afrika ugu awooda badnayd ee somaliya waa shaqsi aanay reer galbeedku siri karin indhaha caalamkana tusi kara in somaliya kaligeed istaagi karto prof ahmed ismaciil samatar qudbadii uu kajeediyay barlamaanka hortiisa asbuucan ayaa soojiidatay malaayiin somali ah oo kukala nool dalka gudihiisa iyo dibadiisa waana shaqsiyaadka ugu cadcad maanta musharaxiinta tartamaya prof ahmed ismaciil maanta wali dadkiisa iyo dagaankiisa wax tageera ah kamahaysto marka laga yimaado shaqsiyaad aan cadaysan oo uurka katageeray hadaba hadii uu kuguulaysto manta xilka madaxweyne nimo maxaa waajib ah ee reer awdal state aay kuleeyihiin ??
Jawaabtu waa waxba waayo sababtoo ah majirtaa cid talo iyo tusaale siisay oo ah dadka uu kasoojeedo manta tageerayaasha ugubadan ee prof ahmed ismaciil samatar waa dada ay somalinimo kaliya wadaagaan madaama uu xaalku sidaayahay somalidu waxay tiraahdaa candho geel ninba ituu gashaday ayuu kamaalaa markaa inkasta oo aay doorashadiiba bari toole dhacayso waa in tageero mugleh loomuujiyaa aftahanka aqaanyahanka hawl karka ah ee kasoojeeda awdal state of somaliya waa prof ahmed ismaciil samatare bulshada reer awdal state waxaa u caado ah inaanay waligood tageerin cida aay isir iyo abwadagaan ee tartan la gasha bulshada kale ee samaaliyeed calaamaadka noocaas ahina waa kuwa inabaday hagardaamada iyo hiiftanka ragaadiyay taladii iyo cududii bulshada awdal state anigoo ah shaqsi kasoojeeda bulshawaynta awdal state waxaan leehay haloo istaago tageero loo muujiyo musharaxa jagada madaxweyne nimo ee somaliya prof ahmed ismaciil samatar
By farhan adan warsame
Categories: Warka (News)

Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)
A. i. Samatar
Hadii ay Somalidu nasiib leedahay waxa Madax u noqon Geesiga Somaliyeed A. I.Samatar ama Badiyoow.
Hadii kale xaarkoodii hayska laaqlaaqdaan. Sakiin iyo Tuug Sharif Axmed ha akhriyaan khuraafaadkii aad shalay arkaseen ee ka socday meesha.
Nin yidhi hal dollar baan ku shaqaynayaa hadii xitaa dastuurku igu khasbo inaan mushahar qaataatana foundation baan u samaynayaa lagu caawiyo ardayda xaqiiqdii wuu u qalmaa in la doorto.
Gaar ahaan anigu aad baan ugu faraxsahay in qofka wadaniyadaas muujiyey uu yahay qof reer waqooyi ah. Taadi waxay cadaynaysaa in dadka reerwaqooyigu wadaniyadu ku fogtay oo ay waxkasta ka horaysiiyaan wadaniyada. Inkastoo samatar uu caqabad ku yahay gooni isu taaga dalkeena oo uu isagu aaminsanyahay in midnimada koonfurta iyo waqooyigu faa.iido badantahay ana aan opposite aamisanhay hadana waan ku ixtiraamaayaa hamigiisa proud baan ku ahay wadaniyada uu u muujiyey walaalaha koonfurta.
Bal aynu aragno ciday doortaan reer xamarku. Kolayba anaa og oo wadani inay doortaan lagu karimaayo samatarna looga chance badan meeshee.
Samatar wuu kusoo deg-degay soomaalida maanta ee wali qabyaaladu maamusho. Waxayse u tahay cilmi kale oo ka maqnaa.
Wareegii hore waa kala dheereeyay waxaa wata Sheekh Sharif iyo Xasan Sheekh Maxamuud,Ina SAMATAR waxuu helay 8 cod wuuba dheereeyay ayaan odhan karnaa soo allamiitee dheh isaga Ina Oomar ayaa ka daran oo helay 1 cod Sacad Muuse oo islahaa laba canleeyay way u go’day waxaan sugnaa waa natiijada goor dhaw oo uu madaxweyne cusub ay yeelandoonto Somalia.
Live u daawo
http://www.ustream.tv/channel/11994961
9 cod bay Samaroon lahayd.. siddeed buu helay Ina Samatar. ka sagaalaadna isaguu ahaa isna isuma codayn karo.
Waxaan rajaynayaa isaga iyo qaar kaloo badan oo maskaxdooda ka dhistay sawir qurux badan oo ah Koonfur bilaa qabyaalad ah oo gacmaha is wada haysata oo is badal dhab ah rabta…. In ay doorashadani u noqon doonto hurdo ka toosin – wake up call – oo ay waaqica indhaha u kala qaadi doonaan.
Soomaalida konfureed ma aha inay eersato cid aan nafahooda ahayn maadaama oo ay is bedel iyo horumar ka dooratay inay iska sii dhex dabaalato badda gudaafadda ah ee biyaheedu suyuceen heer kalar-keedii is badalay.
Ka dib markii ay reebeen intii meesha yaacaysay kuwii la is lahaa is bedel dhab ah ayay rabaan inay umadaas u sameeyaan oo uu ugu horeeyo ninka la yidhaa Farmaajo, baadiyow iyo Samatar laftiisa.
Run ahaantii cidda wax dooranaysaa ma aha raggan xildhibaanada lagu sheegay ee meesha yuurura se waa wadamo shisheeye iyo kuwo jaar ah oo aanay dantooda ku jirin koonfur xasishaa.
Ina Samatar ha iska soo dhex sharaxo Xibiga Kulmiye Siilaanyana meesha haku qabsado doorashada soo socotaa taasaa uga rajo badan inuu ku guulaystee.
Samaroon way siyeen codkoodii,
Somali iyo Samatarna hays bartaab.
Idoor iyo Samatarna hays barteen.
Daroodkii u codalaynlahaa ayuu Somaliland way fiicantahay ku wareershay.
AQnigu waxan ka baqayay inay Samaroon iibsadaan codkooda,oo Geesi Samatar halkaa ceeb ka qaado.
Hadiise ay Tolkii siiyeen wixi ay hayeen oo ay diideen lacag,waa guul,isna ha ogaado in aanay jirin wax la yidhaa Somali e ay jirto qudhun la laaqanayo.
Samatar Welcome To Awdal iyo dhulkii hooyo.
prof samatar wuxuu ka run sheegay mabda,iisa iyo mawqifkiisa guusha iyo guul daradunaa waa qayb ka mid ah nolosha aadamaha tira u helay ee ah 8 cod oo kaba yar inti reer tolka lahaayeen waxay ku tusin in u ina samatar meel iyo maalin qaldan ku soo beegmay imika iyo haadan waa in u ina samatar ku midida siddii u qaban lahaa wasaarada arrimaha dibada si u magaci ummadda soomaaliyeed ee lumay caalamka uga iibin karo jagada hadduu waayo waa in u shaqadiis ku soo noqda illa ay soomaali miyir beelka siyaasdeed ee ku dhacay ka soo raysanaysoo.
Cali
Samaroon 9 buu lahaa .1 waa isaga axmed ah isna iskuma codayn karo..8dii kale way siiyen codkoodii.
Dadbaad mooddaa inay xiddigaha ku noolyihiin, oo anay dhulkaba waxa ka socda la socon.Waa hore oon dhawaynbaan ka faalooday inuu Prof. A. I . Samatar Jaamacaddiisa ku ekaado anu Soomali is eryanaysa soo dhex galin. Muxuuse kale kulmay?
Nimaan ogahay u malayn maayo inay intaasi cashar ugu filantahay.
Carraale
Caraale
Samatar ma qaldana sxb.Maba’iiisa u aaminsanyahay aan u dayno Samatar.Tolnimaduna gaar ha inoo ahaato.Nolosha ayaa iska guusha iyo guuldarada.
Samatar magac ugama baahna So mali.Lcagna ugama baahna Somalia.Intaba Ilaahay wuu siyay.Markaa aan u dayno Samatar waxa uu aaminsanyahay ee ah Somali wayn.
Viva Axmed Ismaciil Samatar.
Haddii ay run tahay in 8 da xildhibaan ee Samroon u codeeyeen Samatar, waxa markaa la odhan karaa Samatar wuxu dhaliyay midnimo Samaroon, balse wuu ku hungoobay midnimo soomaaliyeed. Waxay noqon kartaa markii ugu horraysay ee Samaroon isu wada raaco siyaasi iyo aqoonyahan weyn. Dhinaca qabiilka waa guul, dhinaca qarankana waa guul darro.
waa Qoloma Xasan Sheekh Maxamuud?
waa cirka ka soo dhac xitaa waxaan ka baadhay liiskii xildhibaanada oo waan ka arki waayay waanse u malayn Hawiye
Walaahi waa yaab caliyoow, imikay dib ugu noqdeen qabyaaladii runta ahayd. Waxayu muuqataa inuu Sh Shariif meesha ka baxay. Bal aynu eegno ninkan cusub ee ay ku sheegeen Professor Xasan Sh Maxamuud
“Jug soo dhacay” waa Abgaal, baayac mushtar ah marna u shaqeeyay UNICEF school la yidhaa SIMAD na xamar ku lahaa. jaamacadii Umadda iyo hindiyana malaha wax ku bartay.. siayaasadda dhana waxa ugu horaysay gabigeedaba 2011 kii mar uu samysatay xisbi la yidhaa (PDP) Peace and Development Party..
Ilaahay khayr ha uga dhigo.
http://en.wikipedia.org/wiki/Hassan_Sheikh_Mohamoud
Isaq Boy
Xilibaanadii Isaaq caawa way xafladaynayaan oo codkoodii bay iibsadeen kuwii Samaroona bal ka waran …?kkkk alla maxaa lacag seegtay rag aan garanaayo codka xilibaanka waxuu ahaa 50.000$ Khasaare SAMATAR shilin siin maayo waan ogahay oo bari ayuu ka baxsan bakahyl cadawulaah.
darbi
abti ciise halkeed u ilawday netkii ugu danbeeyay bay iyagii iyo isaaqii baa ku dhufteen kkkkkkkkkkkkkkkkk walee konfur baa faro madhnaan laga soo laaban
ninka ugasska ka duceysan wayey halku gaadhi wa la arkey wuna arkey in soomalidu qabyaalada ka dorbidey
hadi samaroon u codeyay samatar wa guul o walaalo ayey noqdeen lakin isagu ma daneeya midnimada samaroonka misee ismaciil cumar gele ayu u daneeya oo wax ino muuqata in ciisihi dhulkeyna boobayo oo xita kominshinkina besha ciise u hexday marka inaga somaliya waxba inagama galin ee saylac iyo lugahaya aynu difacno