Waxan hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaa wiilkayga an soo korsaday ee Maxamuud Cumar Nuur-Galaal oo aroooskiisu ka dhacay bariga magaalada London-UK maalintii Arbacada ahayd (5 Sept 2012), Royal Regency Manor Park.
Wiilkayga Maxamuud iyo xaaskiisa Mulki Maxamuud Rooble, waxan leenahay hambalyo iyo ducaba naga hooya, reerkii lagu nastee lagu nagaadee wadajiree nabad gala ,Allahayoow idinka yeel—Ammiin.
Waa anigoo Ah, Cabdiqani Suldaan Yuusuf Suldaan Caateeye (HiilDan)
Categories: Hambalyo Iyo Salaan (Greetings)

Dhambaal Taageero Iyo Hambalyo Isugu Jira Oo Ku Wajahan Guusha Laga Gaadhay Qaddiyadda Ugaaska Gadabuursi
Salaamaha Reer Boon
Bahda HiilDan, waxan beryahan danbe ku mashquulsanaa qaban-qaabada Aroos qaro-weyn, kaasi oo ahaa wiilkayga curad ee la dhashay(xagga Hooyo) wiilkayga kale ee isna curad Yuusuf Cabdiqani Yuusuf.
Maxamuud Cumar Nuur waxan soo korinyay ilaa iyo markii uu ahaa laba sano jir, maantana waa 21 jir. Maashaa Allaah, haddii uu hano qaaday oo reerna yeeshay. I have done my Job, Alxamdu Lilaah..
Hiildan,
waar illeen odeygan oo kale,waar ma waxaad wada dhashay laba wiil wada ah wiilashaadi curad mise wax kalaad u jeeday?
calaa kuli xaal waxba kaa fahmi maynee hambalyo ayaan u dirayna caruurta is calfatay iyo curadaada allaaha kuu barakeeyo, caruurta qurbaha ku dhashay ama ku koray jidhka way nooga eeg yihiin magacdii aan u bixinayna waan ugu yeedhna laakiin waa ummad kale iyo soomaalida bari toole.
- mida kale dee golahaan wuu abaarsaday ee usoo celi akhyaarti camiri jirtay sida kii maroorka ahaa ee issaq-boy iyo ajawarkii Marunba la,aantoodna meeshan waa laga dareeri doona.
hambalyo arooskii lagu nastee lagu nagaado aamiin.
WAan hamblayaynaynaa aniyo marwadaduba arooska Inankaaga waaanan soo ducaynay insha-Allaahu,waad dedaashay ina-Abtoow Allaana kaa jasaa’i siin
Hambalyo, awlada la isku daray masha alaah, ilaahay guur khayr leh ha ka dhigo ubad khayr leh ha siiyo….amiin
hambalyo hambalyo hiildan waan yaaaboo halkan wax ku raadinaayey anuu baa jiray calaa kulu xaal arooska waan usoo ducaynaynaa amin alaha barwaaqeeyo amin
Hiildan
Aad iyo aad baan u soo hambalyeynayaa wiilkaaga curad ee la habar ah wiilkaaga curud( bal Durkiye in uu fahmo af Ciisoodna ku hadlee kkkkkkkkkk).
Allaha ka dhigo reerkii lagu nastee bash-bash iyo barwaaqo ku waara ubad khayr qabana Rabi ku arsaaqo.
hiildan
hanbalyo ayaan ku leeyahay aroosku waa wiilkaaguu yuusuf sidaan u fahmay waxaanse fahmi waayey [ee la dhashay xaga hooyo]
ilaahay ha isku barakeeyo ubadkhayqabana ha kala siiyo
aamiin
Durgiye, af-ciisoodna fahmi maysid.
Wiilka an soo korsaday dee wuxu marka koowaad u yahay curad Aabihii isaga dhalay. Anigana curudbuu ii yahoo waa ilmihii ugu horreeyay ee Aabo iigu yeedha, isla mar ahaantaana hooyo wada dhashay wiilkayga curad…..kkkkkkkkk.
ANYWAY, Sida adba ad u dhigtay awlaada qurbaha ku dhalatay ama ku barbaartay,dad badan ayaa kugu raacsan oo an ka maqlaa sidaa ad sheegtay si la mid ah.. Balse mar walba waxan la barbar taaganahay baryada Ilaahay, inuu inooga yeelo kuwii xusuusta xaqa uu ku leeyahay dadkoodu iyo dalkoodu iyo diintoodu.
@ Sahal, many thanks, muddo dheer laguma maqal, ma cali sabiixbaad degtay mise carta?
.