Toosinta Salaadka: Q2aad

Qoraalkani wuxuu dhamaystir u yahay oo uu dabasocdaa qaybtii hore ee mawduucan oo aan kaga hadalnay in Ilaaahay Qur’aanka innoo sheegay in ay dadku yihiin labo nooc oo aan qaybtaa hore ku eegnay nooca hore oo ay si balaadhan u tilmaantay aayadda bilawga suuratul Baqarah ee:  “الدين يؤمنون بالغيب ويقيمون الصلاة و مما رزقهم الله ينفقون”; macnaheeduna tahay:”kuwa aaminsan ‘qeeybka’ ee toosiya salaadda, isla markaana wax ka bixiya hantida uu Allah ku mannaystay”.

 Hadaba qaybtan waxan si kooban ugu eegi doonaa nooc kale ee dadka oo kuwaa hore ka soo horjeeda:

 Noocan labaad, Qur’aanku wuxuu (isla bilawga suuratul-Baqarah) u sii kala qaaday labo kooxood. Ta hore oo ah kuwa si aan leexleexad iyo gabaso lahayn u dafirsan Allah, iyo kuwa kale oo iyagu isku malaynaya in ay rumaysan yihiin oo ay noocii kowaad la mid yihiin balse aan dhab ahaan sidaa ahayn. Labadan kooxoodbana waxa xisaabtooda iyo cadaabtoodu ay u taallaa Allah oo qofka mu’minka ah wax xil ah oo ka saarani ma jirto mar haddii ay dhawrayaan ama ixtiraamayaan wada noolaashaha iyo amaanka guud iyo xoriyadda qofka.

 Labada kooxooda ta dambe, ee noocan labaad ee dadka, waxa hoos imanayaa kuwa hab-dhaqankoodu muuqaal ahaan la mid yahay sida kuwa iimaanku u sugnaaday balse run ahaatii aanay shaqo ku lahayn, sida uu Allah ino cadeeyey:

(وَمِنَ النَّاسِ مَن يَقُولُ آمَنَّا بِاللَّهِ وَبِالْيَوْمِ الآخِرِ وَمَا هُم بِمُؤْمِنِينَ ، يُخَادِعُونَ اللَّهَ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَمَا يَخْدَعُونَ إِلاَّ أَنفُسَهُم وَمَا يَشْعُرُونَ )  aayadan oo macnaheedu tahay: “Dadka waxa ka mid ah kuwo odhanaya waxan aaminsannahay Allah iyo maalinta aakhiro, balse ma aha kuwo (dhab ahaan) aaminsan, waxay rabaan in ay dhalanteed u dhigaan Allah iyo inta rumaysay, run ahaantiise dhalanteed uma dhigayaan cid aan naftooda ahayn, mana dareensana”.

Dadkani waxay iska dhaadhiciyeen in ay saxsan yihiin oo ay runta ku joogaan. Bal aan eegno aayadda ku xigta: (وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ لاَ تُفْسِدُواْ فِي الأَرْضِ قَالُواْ إِنَّمَا نَحْنُ مُصْلِحُونَ ، أَلا إِنَّهُمْ هُمُ الْمُفْسِدُونَ وَلَكِن لاَّ يَشْعُرُونَ )oo macnuhu yahay “ Haddii lagu yiraahdo dhulka waxa yaalla ha qarribina,waxay odhanayaan sidaa ma ahee waan hagaajinaynaa, balse runtii waxay ahaadeen kuwo qarribaya, laakiinse ma dareemayaan”. Sidee bay u dareemi karaa mar haddiiba ay lumiyeen macnihii dhabta ahayd ee salaadda? Kuwaasi waa kuwo moodaya in xarakaatka ama dhaqdhaqaaqa salaadda ee ay la imanayaan in ay kaga mid noqdeen kuwa dhab u rumeeyey ee aan qaybtii hore ee qoraalka ku soo sheegnay.  Waxay u haystaan in ay xarkaatkaasi Illaahay u tusi karaan in ay waajibkiisii gudteen. Sidaa darteed, ma dareemayaan lunsanaantooda mar haddii ay u haystaan in xarakaatkaa ay la yimaadeen oo kaliya ay kaga dhantahay. Run ahaanse waxa waajib ah in ay si joogta ah Allah u xasuusnaadaan oo ay toosiyaan  salaadda dhabta ah (oo ah xiriirka qalbiga ee Allah ay la leeyihiin). Taas oo ah in xiriirkaasi ahaado awoodda ku dhaqaajinaysa in ay mar kasta la yimaadaan camal khayr ku jiro, masaakiinta oo loo gargaaro gaal iyo muslimba, iyo in aan laga faa’idaysan oo aan la dulmiyin dadka itaalka daran ama danyarta ah iyadoo dan shakhsi ah lagu gaarayo, sida dhaqanka u ah dad soomaali ah oo ama hab siyaasadeed ama hab diineed ugu adeegta dano gaar ah iyagoo ku andacoonaya in dan guud wadaan!!!

 Iimaanka Allah ee dhabta ahi, ma aha in dikriga Allah carrabka lagu celceliyo oo kaliya ama islaamnimo la sheegto oo muuqaal ahaan laysku ekaysiiyo, mana aha kaliya in xarakaatka salaadda lala yimaado. Balse, waan in qofka ficilkiisu uu ka turjumaa iimaankiisa – sidaas ayaanay ku rumoobaysaa macnaha “toosinta xiriirka Allah”. Imisaad arkaysaa dad – aad u badan – oo moodaya in salaadda ay la imanayaan ay ka tirtirayso wax kasta oo xumaan ama dhaqan xumo ah oo ay la yimaadaan. Waana mid aanay waxba ka jirin oo qofkaasi waxa looga baahan yahay in uu horta dhiso oo toosiyo xiriir adag oo isaga iyo Allah u dhexeeya, kaas oo ku riixaya ama ku qasbaya in uu ixtiraamo dhamaan abuurka Allah oo idil oo ay dadku ka mid yihiin, oo uu si wanaagsan ula dhaqmo cid kasta, oo aanu cidna khiyaamayn, oo aanu danyarta dulmin isagoo ka faa’idaysanaya itaal darridooda iyo aqoon yaraantooda. Taas oo ah in salaadiisu ka reebto wax kasta oo xun ama aan xushmad lahayn. Hadduu sidaa yeeli waayo wuxuu noqonayaa kuwa uu Allah yiri: (أضاعوا الصلاة و اتبعوا الشهوات فسوف يلقون غيا)waxa ay lumiyeen ama halleeyeen salaaddii, oo waxay raaceen naftoodu waxay jeclayd, waxaana lagu tuuri doonaa cadaabta aakhiro”.

 Gabogabadii, inta qofka muslimka ah qalbigiisa ama dhaqankiisa ay xumaani ku jirto balse aanu dareensanayn, ha noqoto xasad, qabyaalad indho la’, nacayb ama yasid qof kale, been sheegid, iskudir iwm, ha ogaaado qofkaasi in aanu xiriir toos ah la lahayn Allaha uu aaminsanyahay, oo aananay islaamnimdiisaasi waxtar u lahayn illaa inta uu ficilkiisu ka xoroobayo xumaha oo idil oo uu xiriir adag la yeelanayo Allah isaga oo toosinaya salaaddiisa.

Wa Billaahi tawfiiq!

Qalinkii:Cumr Xaaji Faarax

About these ads

Categories: Warka (News)

3 replies »

  1. Sheekh bal ka waran Tan yar ee Tujinaysa raga iyo dumarka

  2. Darbi,

    sheeko cusub…yaaaaaaaaaa!!!!!!!!!!!!

    Waa weerarada lagu hayo diinta islaamka…

    L’argent pourrit les gents…

  3. Asc,

    Waxan aaminsanahay ragga iyo dumarku in ay Allah ka cabsiga iyo cibaadada u simanyihiin. Waxa kale oo aan aaminsanahay salaaddu (gaar ahaan) in aanay salaad ahayn haddiiba ay ka madhantahay khushuuc dhab ah.

    Sidaa darteed, waxay ila tahay su’aashani ma aha mid diineed ee waa mid dhaqan. Islaamku wuxuu ka bilaabmay meel uu ka jiray dhaqan carbeed, waanan ognahay dhaqankaasi sida uu ilaa hadda ku yahay dumarka. Tusaale ahaan dalka sucuudiga ee ku noolahay waa dalka kaliya ee adduunka aanay qof dumar ahi baabuur ku wadi karin, sababtuna maaha islaamka ayaa u diiday ee waxa u diiday dhaqanka deegaanka. Waxaanay aaminsanyihiin in ay dumarku cawro yihiin ragguna aanay dhaafi karin cawro meel taala! markaa bal ka warran haddii la yiraa dumar ayaa masaajidda imaam ka noqonaya. Waxan shaki u jirini rag badani ay masaajidda u shukaansi tagi doonaan!!!

    Haddiise dhaqanka dadka muslimka ahi ka xoroobo in uu ninku qofka dumarka ah u arko cawro oo aan imaamnimada ragga iyo dumarku aan dhaqan ahaan faraq loo arkayn, oo aanay khushuucda qofka haba yaraatee wax sahwi ah ku yeelan karin, anigu uma arko wax khalad ah in ay markaa qof dumar ahi imaam noqoto; maadaama aanay jirin aayad Qur’aan ah oo xaaraan ka dhigaysa arrintaasi.

    Waxase muhiim ah bulsho kasta oo muslim ahi in ay qiimayso xaalad dhabta ah ee arrintaasi dhaqan ahaan dhalin karto ka dibna ay go’aan ka gaaraan sidaa ay ugu dhaqmayaan, ee maaha waa hadda jawaab ha iyo maya ah laga bixn karo.

    Muhiimkuse waa in ay salaadaasi ahaato mid qalbiga ah oo khushuucdeedii u dantahay.

    Waa sida aan shaqsi ahaan qaban. Illaahay baase iga og

    Wa Billaahi tawfiiq!

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: