Baahida Maanta iyo Musharaxa Hiil Qaran

Abdirizaq Ahmed Minnesota, USA

Nin Saaxiibkay ah ayaa ii sheegay in ay inantiisa yar oo 8 sano jir ahi waydiisay su’aashan ” aabo, ma i jeceshahay” Saaxiibkay wuxuu inantiisii yarayd ugu jawaabay “aabo, waad ogtahay in aan aad kuu jeclahay ee maxaad maanta su’aashaa ii waydiisey? Inantii yarayd ayaa aabeheed ku tiri ” Abbo caruurta aan isku fasalka nahay ayaa i yiraahda ” Soomaalidu caruurtooda ma jecla, waayo, hadii ay jecelyihiin mustaqbalkooda kama baabi’iyeen”

Sheekada dhexmartay saaxiibkay iyo inantiisa yar ayaa dib ii xasuusisey dood cilmiyeed ku saabsan haweenka ilmaha caloosha ku jira iska soo rida oo aan hada kahor ka qayb galay. Dad badan ayaa waxay ku doodayeen inay dumarku xaq u leeyihiin in ay wixii calooshooda ku jira (ilmaha) sidii ay doonaan ka yeelaan. Dad aan anigu ka mid ahaana waxa ay ku adkaysteen in ilmaha yar ee caloosha hooyada lagu dilo aysan waxba ka duwanayn qof weyn oo dil bareer ah loo gaystay. Haweenay ka mid ahayd dadkii dooda ka qayb galay oo aan filayo inay aniga hadalka iila jeeday ayaa tiri “caruurta qolana caloosha ayay ku dilaan kuwana xabad ayay ku toogtaan” Waxaan soo xasuustay inay arintaasi sax tahay oo kumanaan caruur Soomaaliyeed ah dagaaladii lagu laayay.

Waxaa xusid mudan in ay jiraan dad badan oo wadaniyiin ah oo mudo dheer sidii najaasadii iskaga ilaalinayey inay dhexgalaan wixii loogu yeeri jiray dib u heshiisiin, shirweyne qaran, iyo dhisme dowlad ku meel gaar ah oo dhamaantood caqabad ku noqday xal ay umadu gaarto maadaama qabyaaladii wax burburisay aas’aas looga dhigay.

Sanadkan 2012-ka waxaa muuqda isbadal weyn. Dad badan ayaa waxay u adkaysan waayeen inay gaariga kuraasta dambe u fadhiyaan iyadoo uu shukaanta hayo qof aan baarbuur wadista aqoon u lahay oo habda darbi ku garaacaya. Hadaba su’aasha is waydiinta mudani waxay tahay; Yaa ku haboon in uu maanta Soomaali hogaamiyo? Waxaan filayaa in aan masiirka ummada lagu aamini karin qofkii leh tilmaamaha hoos ku qoran.

1. Qof dagaaladii sokeeye ka qayb galay. 2. Qof qabiil soo sharaxday. 3. Qof lunsaday hanti qaran. 4. Qof wata mabda’ firqo-diineed doonaysa inay xoog ku maquuniso dadka aysan isku aragtida ahayn. 5. Qof aan aqoon hore loo lahayn oo aan la ogayn kartidiisa iyo waxauu qaban jiray taariikhdiisa oo idil. 6. Qof aan soo bandhigin qorshihiisa uu dalka ku maamulayo oo dhamaystiran. 7. Qof doonaya in uu laaluush ku helo madaxtinimada.

Iyadoo ay nasiib daro tahay in aysan dadkeenu haysan fursad ay ugu codeeyaan shakhsigii ay mustaqbalkooda ku aamini lahaayeen, ayaa waxaa jira taageero xagga niyada ah oo ay musharixiinta qaarkood mar hore kasbadeen. Tusaale waxaa noogu filan xisbiga Hiil-Qaran iyo Musharixiisa madaxweynaha, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar. Habeenkii Axada ee ay taariikhdu ahayd May 27, 2012 ayaan internetka ka helay video-gan oo laga duubay xaflad uu ururka Hiil-Qaran dhawaan ku qabtay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Fadlan daawo!

http://www.youtube.com/watch?v=PQArKs0ExpU&feature=related

Waxaan marar badan ku celceliyay qaybta ugu danbaysa ee uu Prof. Axmed Ismaanciil Samatar uga hadlayo ujeedooyinka ururka. Isla habeenkii waxaan saxiixay xubinimada ururka Hiil-Qaran oo aan u arko inuu ku taagan yahay wadada badbaadinta iyo barwaaqaynta Soomaaliya. Dhamaan walaalaha fursada u heli kara waxaan ka codsanayaa in ay booqdaan hiilqaran.org ayna is barbar dhigaan Prof. Axmed I Samatar (halkan ka daawo taariikh nololeedkiisi:


iyo dadka kale ee madax doonka ah.

Abdirizaq Ahmed Minnesota, USA

About these ads

Categories: Faalada Warka (News Analysis)

30 replies »

  1. Darajo iyi xil SAMTAR baa mudan allow guuuuuuul
    amiin…..amiin……amiin

  2. Samatarkee….? k.k.k.k ma ka haysta 6 xilibaan oo qudha….? Kani iska daa inuu Somali xakumo’e ma istaahilo in loo dhiibo afar digaagadood oo Reer Nuur leeyahay.

    Somali iyo Samaroontoona kuma aamineen ina SAMATAR inuu u sheegto madaxweyne iyo mas’uul iska daa qof dhane dhicis ayuuna u noqon karin madaxweyne.

  3. Darbiyoow

    Adiga bilada “KABO QAAD” la yidhaah ayaan kugu sharfay sanadkan…

    In SAMATAR xafidullaah

    1. ma soo hunguri doonan

    2. maaha nin ay camalaan hayso, 20 jirkiisa ayuu shaqaysanayay halkaad adigu 60 jirka kabo qaad ka noqotay

    3. maaha nin dhiig iyo dhac faraha soo gashay qalbigana ka dhagaraysan

    kan aad meesha soo dhigtayna waa mid tuugta tolkii u olaleeya…

    af noolna wuu hadla eyna wuu ciyaye.. ee bal car adigu iska daa ina Samatar oo halyeey somaliyeede ee mid tuuga oo tolkaa ah u ololee, ma ku dhacda…rashid nuur ayaa idinku khasaaray oo cidla kaga dhaqaaday

    garxajis ilaa h. jeclo…..ayaan socona kabo qaadnimo

    Kama waa loo dhintaa
    kartina waa loo dhashaa

  4. viva ina Samatar ilaahow dhowr halyaygayaga.

  5. Darbi
    Jagada Madaxweyaha anyone can win, waayo shaxyo badan oo aanad fahmi karin baa jirta adigu Garaad iyo Aare toodaa taqaanaaye ku ekoow kkkk.
    Horta maxaa muwaadin Soomaaliyeed oo isku kalsoon, dadkiisa iyo dalkiisana raba inuu ka saaro fowdada qabiileysiga ku daba dhigey. Kaba Soo qaad inuu Prof. Samatar ku guuleyso madaxnimada Soomaaliya adiga iyo Kuluc miyaad is daldadleysaan.

    Inkastoo Musharaxiin badani naawilayaan hal jawo midwalba nasiibkiisuu leeyahey. Baarlamaanku wuxu u qaybsan yahey Afar beelood iyo badh. Digil/midhifle waxey ku guuleysteen Gudoomiyaha Baarlamaanka. Daaroodka iyo Hawiyaha musharaciintooda iyo xilibaanadoodaa is leeg. Prof. Samatar waa shaqsiga ugu mihiimsan ee matala beelaha Dir markaa hadii uu helo half of the Dir Xilibaano iyo Digilka intii ka taageerta nasiibka Shariif iyo kuwa kale ayuu isna leeyahey. Xilibaanada Daaroodka Woqooyigana qaarbaa u codeyn kara iyagoo ka baxsanaaya siyaasada Putland iwm. Kii ku guuleystiba haduu horumar wado waa lasoo dhaweynayaa. waxase dhici kara ama aan isleehey way dhici karaan in Sharrif ku guuleysto arimahan awood:
    Sharrif wali waa madexweynaha ku meel gaadhka.
    wuxu la shaqeystey wadamada jaarka ee askartu ka joogto Soomaaliya.
    dhaqaalaha Dowlada caalamkuku bixiyo wuu adeegan karaa.

  6. Waanu go’nay iyo ictiraafkii ayaa soo dhoow waa kiniinka hurdada ee lagu seexiyo Gadabuursiga, iyaguna waa xaadir marka la qaybinayo kiniinkaa, wayna u kala badiyaan iyago midba midka kale ka dhuumaya qaadashadiisa, kadibna aad ayay khuuriyaan…

  7. Haboon

    Waan ku salaamay.kkkkkkkkkkkkkkkk
    Aadbaad ioga qoslisay.Biladaa aad siisay Darbi,waa bilad ugu qalanta – ama uu xaq u leeyahay Ninkaa Darbi.
    Ninkasta oo Samaroon ah oo kaba qaad ahna in la siiyo ayaa qurux badan.

  8. Haboon

    Adiga iyo Tolkaa ayaa kabaqaad u ah HABARJECLO oo hoosta ka galay ayagoo ka dhuumanaaya dhamaan Samaroon oo yidhaa HJ iyo Sacad Muuse ayaa makaahiil iga xoreeyay si lagu gumaysan jiray cid ku gumaysan jirtayna ma aqaano huuno oo waynagii tolka uun ahayn waligeen.

    Kan aan meesha soo dhigay oo ah tifaftiraha waagacusub.com Mudane Dahir Calasow ee sadaalinaaya siyaasada Somalia waa halyay markasta u hadla Samaroonka oo difaaca xaqoda,Halka aad adigu Kabaqaad u tahay Ciise dhulkaagiina ku wareejisay Mamaasan adigoo cabsi darteed kasoo caray xeebta unasoo baxsaday Borama ,

    Waxaa kasii daran hadii aad casida uga soo firxatay dhulkaaga aad ku joogi lahayd si basar ah Awdale Makaahiil ayaad ku cidhiidhiseen dhulkoodii ,intii aad xoreysan lahayd dhulkaaga Ismail Omer Guelleh kaa qaatay ayaad Jibriir Yoonis ku haysataa Borama adigoo ku leh Ethiopian baad tihiine ordoo ku noqda Harowo iyo dhulkaad ka timaadeen goormaad caqliyaysan oo aa u hadli sidan Xasan WADO oo kale intood is biimaysona goormaad xoraysan doontaa dhulkaaga waa iga su’aale….?

    Kan waa Xasan Bileh Dhinbiil oo ah Ciise Reer Geedi waana nin mucaarid ah bal ila daawo sidan tolkaa ma u hadli karaan

    Wankani CADOOW HA NAAXIN isagoo ula jeeda Ismail Basal,,,,,,Baruurtu wadkaaga weeyi Ismaaciil Cumaroow

  9. Darbi,

    Waxa bidaartaa dheer iyo cadaankaa faraha badan ku yeelay waxaan u malayn in islaanta m/case siday u lahayd doqonimada ka bii ay liif iyo taydh kugu xogday…kurka faanto waadiga u eege laakin ma oga inaadeertay inay bahashu u dhalasho tahay….

    Reer miyiga degana ayaa lahaa gabadh doqon ah oo markay xoolaha raacayso aabaheed kaligeed ma diri jirine waxuu raacin gabdhaha kale ee reeraha dariska markay xoolaha soo dareeriyaan…hadaba wiil eegan jiray inuu maalin uun helo iyado kaligeed ah ayna u suuro gali weeyday ayaa isku deyay inuu iska xoogo xataa tiiyo lala joogo…gabdhihii kale ayaa wiilkii iskugu tagay oo tumay…markay reerkii ku soo noqotay ayay is tidhi abaaheed u waran….ileen waa doqone waxay tidhi…aabo anagoo dhowr ah oo dhowr ilmaadeera ah ayuu nacas xunoo naago dhabeen ihi nab na siiyay…odegii oo naxsan ayaa yidhi oo dabadeedna….hadal iyo gacanba way isku raacisay yacni way tusaysay sidii wiilka loo dilay…dee dhirbaaxooy dhabanka, tantoomooy tunka….odeygii nafta uun baa ka bixin…dib danbena umuu wareysan jirin…

    Ma la dhalatay gabadhaa Darbiyoow ?…sideedi baad u socotaaye….

    Mida kale ma is weydiisay waxa keenay inuu ciise mucaarid ihi soo baxo ? waxan u maleyn inaad wixii jabuuti ka socon jiray aanad waxba ka ogayn….

    Habari haday ku tidhaah 60kii 2 jiray waa laga dhagaystaa…

  10. Haboon

    Dumarka iyo reeraha halkan ha keenin aniga ha igu ekaato/koobnaato kaftanka iyo cayda waan kula tuurtuuri lkn hadii xaasaska iyo reeraha la farogaliyo waan is maca salaamaynaynaa sidaa ula soco.

    Cabsida badan ee haysa Maxad Case oo Tolkay ah anoo Reer Nuur Bari ah ayaan is idhaa tolkaa u gurmo oo ka dhici 4 xabo ee Mamaasan ee ay ugasoo yaaceb dhulkii Patrolka iyo Gaz-ka hadana waxaan is idhaa yaad kaga tagi aaga dhan ee Sacad Muuse aan ka horjoogo anaa abooy ku badhii.

    Maxad Casoow hadaan ka xoreysto Ciise Dhulka Patrolka iyo Gaz-ku kun jiro hadhay malaga yaabaa inaad igu qabsataan oo aad tidhaahdaan waan usoo soconay ee dhulka ka guur…?

  11. Yasalaam Haboontayda

    Waan ku salaamay Haboon,isbadal ayaa ka muuqda haboon,Mansha Allaah.Darbi Samaroon adaa ku filan Habooneey.
    Darbi ma matalikaro Reer Nuur iyo Makahiltoona,wuxu matalaa Naftiisa.Hadii intaa hadalka ka sii badiyana,Habooneey waxad ladhadaa kab Dacas ah 9 ah.Hadi anan qaldanayn malaha 9 baa u waynaa dacaskii jabuuti.Maba xasuusto walee.
    Anyway,kabwayn oo dacas ah ladhac.

    Godan waa ku salaamay Huuno.
    Waan ku daalay raadintaadi

    Ex Geesi Makaahil

  12. Derbi-waal ma ku laysu wareeriyaa sawdinka yaqaan shalay wuxu ahaa,doraad wuxu ahaa maantana u jeeda,maad iska daysaaan doqonkan dumarkana la tirsanaya,midse ogaada ninkan ma aha cidda uu sheeganayo Oodwaynena magac kaluu ku soo galaa daayeerkan kolba laan u boodka ihi,Prof.samatarse muxuu uga baahan yahay miskiinkan suuqa sanca wareegaya?

  13. Darbi ma caayin huuno xaaska malaha waxan qoray ayaanad fahmin…

  14. Tolka,

    Waxa inagu badan gaas dhagoolayaasha aan waxba fahmin…

  15. Samatar iga walaanu kob cagaarle kasoo durdurinayne doc kale bahasha uga wareega.
    Sanadkan hubaal hawiyaa leh mj na waa loo quusgoynayaa. Xisawbta kumaan darin hadii ra.iisul wasaare laga dhigo samatar laakiin waxaan hubaa inaan madaxweyne marnaba aanu helayn.

  16. Kuluc
    odaygu intaanu xamar tagin kolay wuu iska sii ogaa inaanu waligii noqonayn ee malaha wuxuu rabay uun kaliya inuu CV-ga gashado inuu mar ahaa murashaxa madaxwayne ee Somalia.
    Ma ogi inay qolooyinkii Majeerteen ee hebel xaaji xuseen iyo dhagaha ugu ridin rajo been ah oo iyana ah wax dhici kara.
    isku soo duuboo waa sidaa aad sheegtay.

  17. isaaqboy

    kaba so qaad in sharif dib u soo baxo, PM nin isaaq laga dhigo, SLD go’itaakeedi ma sii wadanaysa mise way ka noqonaysaa ?

  18. Haboon

    Allow maa baarlamaanka dhan iyo Madaxwaynaha iyo Raaisal-Wasaaraha iyo waxa mansab xamar yaal laga wada dhigo Isaaq.. waxba ka badali mayso rabitaanka shacabka Somaliland iyo qaranimadeeda.. kuwa Xamar tagayna naftooduun bay matalaan iyo calooshooda.. reer Koonfurka iyo wadamadan shisheeye ee game-ka “Chess” ta ah halkaas ku ciyaarayaana way wada ogyihiin taas.

  19. isaaq boy
    waa sidaa runtu lkn prof samatar insha alla xilka ha qabto waa ruug cadaa siyaasi ah oo konfurta hagi karee waxna sixi kara

  20. Galbeedi

    Salaan ka dib.
    Waan la jeclaa duqa ee laakiin markaad dhan walba ka eegto niyow all the odds are against him.. uma suurto galayso.
    Bari danbe mooyiye.
    Markaan qiyaaso 21 musharax laga yaabaa inuu kaalinta dhowr iyo tobanaad noqdo kuna hadho wareega hore..

    Ka dib markuu fahmo in waaqica koonfur yaala aad uga duwan yahay sawirkii qurxoona ee maanka gashaday.. Waxaan rajaynayaa inuu fikirkiisa siyaasadeed is bedel ku samayn doono oo wadankiisa Somaliland duulin doono.. lol

  21. nin waliba calafkiisuu qaadaa hadii loo qoray wuu guulaysan sacabka inaan u tuno isagaa inagu le viva halyayga reer waqooyi.

  22. Wiil-Isaaq

    War jiraaba cakaaru iman…

    Isaaqa intii u mudnayd haday muqdisho joogto…IOG na yidhi buudhigii ayay dameerkii ka hor mariyeen been danbo la isku maaweeliyaa way hadhay huuno…

    Maxaa duni lagu lug go’ay
    Innaba sama lagu degayn

    Adoo daar adag dhistaybaa
    Ilaahay ka dunshaa
    Danayso adoo lahaa
    Marbaad dacar qoshataayood
    Dhunkaal ku durduurataa…

  23. Ictiraafkii baa soo dhawo Samaroonoow yaanay idin waalin Isaaqan waashay ee iimaan beelay ,Mida kale Cidii Somaliland u dhalatay ee Xamar ku yaacaysa iga walee inay soo noqon doonaan iyagoo qaxooti ah oo dulaysan,

    Haboon waxaad arki doontaa Isaaq iyo Samaroon badanoo dhanka Muqdisho inaga iman doona oo bidixda wax ku salaamaaya markaa ha inoo ahaato.

  24. Hashaydii irmaaneydeey maa hooto ka dhigayaeey….

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: