Badheedhaha HiilDan: Shirka Tolku(TLC) Waa Bilowgii Baraarujinta Tolka, Balse Ma Aha Dhammaadkii Burburinta Tolka..!

Ururka TLC   oo ah urur  hogaan bulsho, oo qurbaha laga soo abuubulay gaar ahaan woqooyiga Ameerika, kuna bahoobeen haldoorka waxgaradka Gadabuursi.  Waa Urur  wax badan laysku dayay  in halkiisaas lagu buburiyo,  oo aanu soo dhaafinba.

Dawladihii hore ee soo maray Somaliland, gaar ahaan tii ugu danbyaysay ee UDUB, waxba ulama hadhin buburinta ururkaasi. Dawaladda wakhtigan xaadirka ah ka jirta Somaliland, ee KULMIYE . Iyada qudhideedu dawgii ay  jeexday ee shirar beeleedyada fasaxay ayuunbaa fursad u siiyay inuu Tolku Boorma ku shiro mooyiye, waxba ulama hadhin, kaliya way is daad raacisay

Intii Somaliland jirtay ma dhicin in waxgaradka Ummadda Awdal ee qurbaha iyo qooyskuba isugu yimaadaan shir noocan kale oo si gaar ah loogaga arrinsanayo danaha iyo hogaanka gaarka ah ee bulshada Awdal.Waxa sidaa daraadeed xusid mudan in wada-xaajoodka waxgaradka Awdal uga qabsoomay Boorama uu yahay bilowgii Baraarujinta iyo baylah tirka bulsho-weynta beelaha Gadabuursi ee dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.  Balse aanu ahayn dhammaadkii buburinta tolka, ama hadii aynu si kale u dhigno ‘ma aha ururkii duminayay bulshada Awdal, ee gaadhsiinayay burburka ugu danbeeya’

Balkan  maanta la dhigay  Boorama, ma ahayn mid kuraas lagu qaybsanayay, mana ahayn mid laysugu faanayay cudud iyo cod reereed, mana aha bal wali la laabay. Kaliya wuxu ahaa ayaa la odhan karaa, madal loogu gogol xaadhayay midnimada iyo wadajirka mustaqbalka ummada, waana bal furan, oo waligii an la laabi doonin, ilaa inta la helayo hoggaan dhammaystiran iyo ummad hanuunsan.

Saxaafadda Awdal qaarkeed ayaan ku aragnay  dad badan soo taxay magac badan oo ama beel ahaan ku diidaya shirkaas ama beel ahaan ku taageeraya shirkaas iyo wixii la mid ah. Iyo shaqsiyaaad si gaar uga faaloonaya aragtidooda ku wajahan isla wada xaajoodka wax garadka TOL, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqiya shaqsiyaad kale oo TLC ka mid ah.

Hadaba, waxa la odhan karaa, way la waayeen,  ama way marin habaabeen,  dadyoowgaas is maandhaafsan, ee baaqyada soo qorayi,  haddii haddafkoodu yahay shaqsi jeclaysi ama shaqsi necbaysi  iyo wixii la xidhiida,  oo ah wax an looga baahnayn lana jaan qaadi karin ujeedada shirka Tolka.

Hadal iyo dhammaantii, meel kasta iyo mar kastaba  waxa jira si wax xun u sheeg , isagoo laga yaabo inuu qofkaaas sida wax xun u sheegayi aanu is ogayn inuu wax xumaynayo, balse is leeyahay waxbaad wanaajisay.  Bal dee waayahaye, maxaynu ku diidnay maalin kaliya oo aynu midoowno,  qofkii baabana aynu baanano, kuna wada bogsoono bilowga baraarujinta Tolka?.

HiilDan

About these ads

Categories: Badheedhe (Editorial)

18 replies »

  1. Hiildan waad hagaajisay loomase dhanayn shirkan,anigu waan qaadacay…………Waxba sooma kordhin.

  2. Godan, ciid wanaagsan, muddo dheer kuma arag…kkkkkk

    Balku waligiiba wuu fidsanaan doonaa ilaa iyo inta loo wada dhamaan doono. I jiid an ku jiidee, waa jeenyo daalis, meelna ina geyni mayso. Insha Allah maalinaa iman doonta la midoobi doono.

  3. Ilaahay baa mahad iska leh marka hore, mar ka labaad waxaa mahad gaar ah leh Mudane SAYLCI iyo wasiiradii kale ee u guntatay inuu shirkaasi dhaco…. masha allaah…

  4. Ururka tolku waa, bilow lagu bilaabi karo baraarujin dadka samaroon danahooda lagu baraarujin lahaa. waana siyaasad guuxaysa oo dadka kale gaadhsiin karta fikrada ah .in aynu wada hadli karno. shir looma wada uunsiyo. dadku shir uma wada dhamaan karo.

  5. Ninkaan taydu soli karin
    Uma yeelo suu rabo
    Sida dunida qaarkeed
    Sandullaynta ma oggoli
    Ninna kabaha uma sido

    Ninka iga sed roonow
    Siintaada magaca leh
    Ogow kaama sugayee
    Hana oran sasabo badow
    Dareen seexda ma lihiye
    Samaroon baan ahay

    Saan la kala jaraan ahay
    Summadi ay ku wada taal!
    Rag baa beri i saanyaday
    Anoo xoolo soofsada
    Xil midnimo anaa sida
    Samaroon baan ahaay

    http://jidhidhico.wordpress.com/2012/06/10/soomaali-waa-uma/

  6. shirku wax wanaagsan ayuu soo saaray hadii la helo dad daacada oo u adeega danaha dadka inshalah qalbiyada dadka ilaahay ha isku soo dhaweeyo inta xumaanta qabtana allaha ka maydho inta wanaaga rabtana allaha ha u adkeeyo

  7. gaar ahaan hiildan si fiican ayuu u uga hadlay merci

  8. Ileen, ileen TOLKU waa buur
    waa buur, waa bir aan la jabin karin

  9. Meeshan Waxaa iskugu yimid Samaroonkii ugu liitay dhinaca talada iyo hogaanka,Dhaqanka,Dhulka iyo Dhaqaalaha,

    Tiisaba daryeelaa tu kale ku dara,Kuwan ayagiibaan waxba kusoo kordhin karin reerka.

    Nin Tiisiiba daayacay,Kan Kalee Dugsanayaa

    Aniga Iga Doqon sane.

    Bal U fiirso Bayaanka kasoo baxay oo aan ahayn qodobo aan faaiido u lahayn tolka.

    Laguma shaacin oo majiro xidhitaanka shirka lagumasoo hadal qaadin Arimihii muhiimka u ahaa Samaroon iyo Dhulkiisa ,Laguma Shaacin oo qodobada lagumasoo darin LughayaPort,DILKII SEEMAAL,Jidgooyadii 7/11 iyo dhulboob ka lagu hayo Samaroon kamay hadlin.

    Taasina waxaa sabab u ah waxan meesha isugu yimiday dhamaantood waa kuwii ugu daciifsanaa Samaroon waxaynay ka amar qaataan ninka Xamar tagay ee Ina Samatar oo ku jira isku dirka Samaroon isagoo markasta ku daalan hawl aan dan u ahayn tolka .

    Anagu hadaan nahay Reer Dila lama anfacaayo shirarkan oo kale iyo kuwasoo qaban qaabiyayba waan ka maarmi karnaa.

  10. war heedhee magacyada ilayn waa layskala baxaa uun bal eega ninkan labaxay darbi samaroon ee siyaasada xadaarada ka aradan ee hadana samaroon sheeganaya walee waxaan u mlayn waadad webka waxa kusoo qora ee magacyada kale lasoo baxa war tolka sirtiisa ayaad rabtaa in meesha lagu soo qoro mise ma ogid kaadsadaa ma kufo lugha seemaal maxaygaa intaad hayso maad uducaysid in uu ilaahay hawshaas aynan cidi wax ugu tarin ilaahay ku garab galo intaad leedahay waa liti waxba mahaystaan waa bilaa talo adee ayaa wax siiyay kharashka cida kabixisay sheeg talada raga beelshii oo dhan isku keenay ayaa kalo wanaagsan walaahi qolo ayaan kaaga shikisanahay aan garanayo oo iyagu maalindagaal uun aqligoogu dhaafin

  11. Aadbaan ugu farxay hadaan arkay Tolkay oo aan iscaayayn.Hadaan arkay Tolkay oo wax wada doonaya.Hadaan arkay Tolkay oo Ilaahay u soo celiyayay Sharaftii iyo jacaylkii dhexdooda.

    Intaa hadaan helay inta kalena waan gaadhidoonaa insha Allaah.

    Talaabo hore qaaday dhe.

    Nin kan darbi wata ee xayraansan iska dhaafa.
    Darbiyoow ka hadh Axmed Ismacil Samatar.Ilaahay ha Ciseeyo Geesiga Tolka.Hadaad leedahay Ugaaska ayuu diiday – waa wax dhacay.Wax dhacayna lama soo celinkaro.Haday Axmed seegtay inuu Ugaaska taageero,adiga yay ku seegin inaad Axmed tageerto.Hadii kale waa uun 2 qasaare.

    Guul,Guul SAMARON.

  12. naawiloo addunyadan
    nasiibkaaga dhowr
    nasiibkaagu uun dhowr… eesh calaa hees + nice nusic

  13. @ aradka cabdile

    Waar Sirta kuu qarsoon ee Samaroon maxay tahay….?

    Dila ilaa Boon ayaa gacanta kuugu jira,Gabiley xilibaan si xor ah cod uga raadin kara ma lihid kamana dhex ololayn kartid.

    Zeiylac si xor ah xilibaanada iskasoo sharaxayaa si xor ah ugama dhex ololayn karaan markaa sirta aad ka qarsanayso beelaha kale ee cadawga kugu ah ee dhulkaaga haystaa bal ii sheeg sirta kuu qarsoon ayadoo dhul kaa maqanyahay adeer…? cabsidaada qarso dheh lkn wax sir la yidhaa ma jirto.

    Anuu waxaan doonayaa Samaroon taageersan gooni isutaaga Somaliland una ololeeya ,Waxa kale oo aan doonayaa Samaroon iska celiya beelaha darifyada Waa Ciise gaar ahaan MAMAASAN iyo Isaaq gaar ahaan SACAD MUUSE .

    Dad kale iyo reero kale oo colaadi ina dhextaalo ma jirto Djibouti iyo Somaliland midkoodna oo aan ahayn labadaasi reer kaliya MAMAASAN iyo SACAD MUUSE.

    Marka aan intaas isla helo arinkeenu wuu saxmayaa waxa aan doonaynaynaana waa Sharaf iyo Karaamo uu yeesho Tolkeen hadiise intaas la waayo oo Samaroon koox ka mid ahi is cajabiso ayagoo aan ahayn waxa ay sheegaynayaan oo Xamar iyo Meelo aan ina anfacayna loo ololeeyo xaalkeenu waxuu noqon doonaa Karis xun iyaduna wax ku la’ sida aan doonaynayno iyo hadafkeena waligeen gaadhi mayno hadaan ku socono Siyaasada Axmed SAMATAR.

    Adeer inta aynaan ku dhaqaaqin wax horu mar ah ama aynaan dhisin LughayaPort iyo adeega bushada ee aan u baahanahay Waa in aan meel iska saarnaa reerahaasi aan soo sheegay gaws dambeedkana aan ku qabsanaa midnimada Somaliland xal kale ma jiro.

  14. Anoo Aalle gooray soo cunay, ka digdhe dubadiina ii taal.Reer dila ma dikhsiga, iyo tolka uun bay ka adag yihiin.,

  15. waayo labadoodaasi uun bay u hanjabaan.

  16. derbi haani gun bay ka tolantaa,r.nuur sjisheeye u naaageeya sokeeyena u nineeya waa la wada ogaa..ciisahan Aad nagu wareerisay Suldaankiinii baa shirkii carta damaca geliyay oo yidhi Saylac iyo lughaya waa dhul ciise,Cumar agoon-na tuu na baday waad ogayd,adna waa lugtii danbe uun Garaadloowna waad maqlaysay…xayraaaan,ma daba-musbaar baaad cuntaa habeen walba aduu?

  17. Salal

    Aduu suldaan Saleebaan baa wax yidhi ayaad ku celcelisa markasta,Waar Suldaan Saleebaan dhul kaama bixinin afna lagaaga qaadi maayo lkn hadaad Ciise ka baqaysid oo afar Mamaasan ah aad 1400 KMS isku wareeg ah aad ugasoo carartay maxaad Suldaan SALEEBAAN oo dhulkiisa ilaashada aad ku haysataa….? Walaahi hadad Suldaanka afka ka dhigi waydo in aana mardambe runta kaala gaban doonin

    Aniga SACAD MUUSE oo dhan ayaa qurbajoog ,Qolqoljoog iyo Qodaal joogba isku dayay inuu dhulkayga ku qaato min Lughaya Ilaa Seemaal ayay isku dayeen inay socdaan intaasna waan difaaca aniga oo aan hadana ka dudin Somaliland oo dhulkayga ah xabad ayaan dhabarka kala dhacay adigiina Borama ka dhexbootaysaa oo aad dadkii dhulka u dhashay cidhiidhsatay adigoo sumeeyay HC oo isku diray JY iyo HC kana dhaadhiciyay in aanay Makaahiill deegaan ku lahayn Somalia,Adeer Makaahiil dhulkiisu waa dhulka aad hada ku gabato shalaad dhalatee waa la shubi jiray soo barbaar sxb wali caruur baad tahaye.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: