Hambalyo Dhalasho Farxad Leh: Mudane Siciid Cali Sharmaarke Iyo Marwo Samsam Maxamad Cabdi, Oo wiilkoodii Curad Ugu Dhashay Dalka Germany.

Bahda HiildDan, hambalyo  iyo Duco aad u qaro weyn ayay u dirayaan Siciid Cali Sharmaarke Iyo Xaaskiisa Samsam, oo wiilkoodii Curad oo loo bixyay Maxamad ugu dhashay dalka Jarmalka. 

Casiis waxan ka baryaynaa

inuu curadkasi ahaado,

Wiil Caqiiba yeeshoo,

caawiya dadkiisoo,

caqiidada Islaamka,

ciseeya waligiisba.

About these ads

Categories: Hambalyo Iyo Salaan (Greetings)

10 replies »

  1. Bahda HiilDan, waxan idinka sugaynaa hambalyada iyo ducada wiilka an adeerka u ahay ee Maxmad Siciid Cali Sharmaarke. Ilaahay haka dhigo wiilkii daryeela dadkiisa, dalkiisa iyo diintiisa.

    Siciid iyo xaaskiisu waxay ka mid yihiin bahda HiilDan ee ugu qaalisan. Halla bakhaylina ducada iyo salaanta.

    Many thanks

  2. Hiildan,

    waa runtaa waaban la yaabay bahda Hiildan ma waa anti bebi-baa? maxay reerka u hambalyayn waayeen.

    Saxiibkay Saciid waxan leehay illaahay wiilka ha ka dhigo kii dalkiisa.diintiisa iyo waalidkiisaba canfaca oo noqdaa waleed khayr qaba.

    Midna wali ma fahmin Salal wuxuu maanta noo sheegay in u joogo magaalada saylac adna waxaad na leedahay wiilba ugu dhashay dalkan Germany marka siday wax u jiraan?

  3. Cali Durgiye,

    Waad ogtahay, Siciid waa Salal waana Hiddo, inagu ways fahmaynaa, balse dadka kale waan sugayaa warkooda, iyo hambalyadooda. Waa mararka qaarkood ee an ku idhaahdo mahadsanid Cali Durgiye, waligaaba nooloow……!.. Inta kale siyaasad ahaan waynu ku kala fognahay, oo Ciise waxba nooma ogola.

    Fadlan ha igala bakhaylin inaad ii soo sheegto haddii ilmo cusub kuu dhasho, Inta ubad ee ad imika haysatana Allaha kuu barakeeyo.

  4. hanbalyo wiilka u soo korday dhamaanba dadka soomalida. kii dadkiisa iyo dalkiisa diintiisa anfaca alaha ka dhigo amiin

  5. Hambalyo, hambalyo hambalyo,Saciid iyo Samsam…

    Ilaahay ha ka dhigo kii diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa anfaca, ilaahay qaar kale oo badan oo barako leh ha idin siiyo…amiin….amiiin….amiiin

  6. Dhammaantiin waad mahadsan tihiin,idinna sidoo kale waan idiin duceeyay.

    Caloow maanad waligaa maqal,nin jooge-maqane ah,jago Aan ku lahaa Saylac baan dul joogaa,miyaan ka maqan ahay waa degel Bc iye Abtiyaalna Ii ahe,markaa waa kaftane haw bixin aduuse hay umulo-dooxin ,Ciise anoo ka sii jeeda uun buu igu soo jeedaa ,danbabidhadaan aqooninoo Inantay hor-joogtee Ammaan ma laga helayaa Ciise kkkkkkkkk.

  7. Ma taad i marisay waan kaa roonaan kuuna hambalyeeyay wiil iyo caano gabadh iyo caano.

  8. Godan mahadsanid wll,xumaani ma jirtee,boogga Hiilda ka furanba Ee lagu kaydshay Taariikhdu innagu filane halkaas innoogu tuul Oo ka daaa maxaysatada Aan wax rumaysnayn Eed ku dhex tuurayso ,Gadabuursi waa la yaqaan,Saddex jiho ayaa laga xigaa ,Xabashi,Snm iyo Ciise markaa caqli iyo siyaasad qabaw baynu wadnaa oo is riixriixu iyaguu seeexinayaa wax badanna waan ka badbaadnay Ilaahay idankii markaa duruufta maanta lagu jiro kuma habboona maalin la sug,C/rashiidna lama diidin iyo Ugaasnimadiisa jarada la ciyaarayaana waa siyaasad Xeel-dheer,midda ala soco,wax badanna waan ogahay taako dhul ahna nalaga qaadi waa ,yara deji kubadda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: