By Geelle
Wadhaf News-Aug. 19, 2012: Sida lala socdo waxaan Somalia ka socda hirdi siyaasadeed oo lagu soo afjaraayo dawlada ku meel gaarka ka ah, waxaana loo diyaar garoobayaa ama lagu guda jiraa olalaha doorashooyinka lagu soo xulaayo Barlamaka cusub oo 202 xubnood la shaaciyay magacdoodii iyo doorashada madaxda sare ee dawlada badali doonta tan ku meel gaadhka ah. Waa marxalada Somalia ka soo saari doonta xabaashii siyaasadeed ee 21 sanno ku jirtay amba mid ku sii xabaali doonta hoogii iyo habaarka Somalia ku habsaday ee ay qayrkeed kaga hadhay.
Tartankaa loogu halgamaayo xilka ugu sareeya ee dalka Somalia waxaa ku boratamaaya dhowr iyo labatan musharax. Beelaha Somalia ku nool saddex ka mid ah ayay musharaxiintaasi ka soo jeedaan, kuwaas oo kale ah Dir, Daarood, Hawiye iyo Digil&Mirifle. Si kale marka loo dhigo 19 musharax ayaa ka soo jeeda beelaha Darrod( 7) iyo Hawiye (12). Digil iyo Mirifle waxaa u sharaxan Shariif Xasan Sh. Adan oo ahaa gudoomiyihii Barlamaanka la badilaayo. Beesha Dir waxaa ka soo jeeda Musharax kaliya oo ah Professor Axmada Ismaaciil Samatar oo ka soo jeeda Dir-Gadabuursi, waana musharxa Xisbiga Hiil Qaran.
Taniyo intii la shaaciyay magacyada musharixiinta madaxgtooyada u ordaaya, waxaa mareegaha Interneedka lagu arkaa qoraalo iyo maqaalo ay qoraan taageereyaasha musharaxiintaa kala duwan. Taageerada musharaxnimada siyaasiinta inta badan waxaa dabada ka riixaya qabiilooyinka ay ka soo jeedaan ama shaqsiyaad ay isu qabiil yihiin oo soo bandhigaaya awoodaha ay ku ogyihiin musharaxooga. Waana wax caadi ah in musharaxa ay taageeraan inta aqoon u leh iyo inta u dhow ee ogaanshaha wax qabadkiisa u faro dhuudhuuban.
Dhacdadaas waaqiciga ah lagama hayo dadka waxbartay ee uu ka soo jeedo Professor Axmad Ismaciil Samatar. Maxay ku dhacday?
Shiki kuma jiro in Professor Samatar Yahay musharaxa ugu aqoon balaadhan ee horey u muujiyay inuu leeyahay karti hogaaneed caalamka aqoonta aaminay saxeexeen. Waa aqoonyahan halka sare kaga jira hogaanimada aqooneed ( Word Class Scholar) oo hogaamiye ka noqday jaamacad ka mid ah kuwan ugu waaweyn aduunka. Haddii khibrad iyo aqoon maanta soomali ku xisaabtamayso Musharaxa Hiil Qaran soomali cid lama tartansiiseen laakiin waxa soomali indho tiray waa qabiil oo u noqday diin. . ( Halkan ka fiirso C.V.-ga Prof. Samatar)
Waxaan ognahay inuu Professor Samatar yahay aqoonyahan furdaamin kara dhibaatooyinka Somalia haysta, horeyna u muujiyay in isaga iyo Hiil Qaran fahmeen xaalada dalka ku habsatay.
Gobolada Galbeedka Waqooyiga Somalia ee u ka soo jeedo Professor Samatar waxaa lagu tiriyaa gobolo aqoonta darajeeya oo ixtiraama aqoonta, waa sida lagu xanto. Sidaa awadeed, waxaa la filaayay markii la shaaciyay musharaxnimada Samatar in dad wax bartay oo goboladaas ka soo jeedaan ficil ahaan taageeraan musharaxnimada Profesorka. Inkastuu Professor yahay shaqsi qabyaalada ka fog waayo qabiilku waa kan soomali halkaa dhigay, hadana waxaa is weydiinle waxa aamusiiyay reer Boorama, gaar ahaan dadka degmada Boorama ku koray ee dibadaha daadsan. Horey ayay soomali ugu maahmaahday toos nin leh ayaa u galgasha tolna wuu irkiyaa. Maahmaahdaas waxaa beeniyay badanaa raga lagu tuhmo inay wax barteen eek a soo jeeda jiidaa.
Iska daa qoraalo ay ku taageeraan Dr Samatar-e, waxaa la hayaa shaqsiyaad waligoodba taageersanaa Somaliland oo markay maqleen musharaxnimada Dr Samatar u digo rogtay Muqdisho oo qoraalo guulwaydaynimo ah ku taageeray Shariif Sh. Axmad oo ay hore u quudhsan jireen.
Inta aamusana waa saddex nooc:
1) Qaybta koowaad waa dad tareekii siyaasadeed waa hore ka tagay oo wax intii samaysataba aaminsanay iska aaminay oo siyaasad ahaan garaadkoodu sanka wax ka dheer arag. Kuwaa waxaa ka mid qaar aaminsan inay talo gacanta ku hayaan oo haddii ay Prof. Samatar soo hadal qaadan waxaa ay wayayaan, kuwaasi waxay u badan yihiin da’da kontan jir ka yar. ( Waa da’dii ku dhex milantay 21 sanno oo jaho wareer ah).
2) Kooxda labaad waa dad aaminsan inay aqoon leeyihiin laakiin Prof. Samatar khashifay. Muxuu ku khashifay? Wuxuu u sheegay in nolosha waxa micno u sameeyaa inuu yahay ficil balse ayna ahayn digirii jamacad laga qaato. Wuxuu u sheegay in siyaasadu tahay waxa aadamuhu ku nool yahay oo xoolaha iyo Ilahay mooyee siyaasad laga maarmi Karin. Kooxdaas waa kuwa marka arrin siyaasadeed loola tago ku jawaaba: “Anigu siyaasad shaqo kuma lihi”, “ Anigu arrimaha tolka iyo waxa la halmaala waan iska daayay”; “ Anigu caruurtaydaan u shaqaystaa” iyo wax la mid ah.
3) Kooxda saddexaad waa in dhaqan ahaan fahmin Professor Samatar oo degaan ahaan ka soo jeeda Gabiley. Kooxdaasi waa koox aan iska dhex arki Karin Samaroonka Bariga balse ku takhakhusay ficiltan dhexdooda ah awoodna u lahayn inay la ficiltamaan ama la tartamaan dad ayna isku dhaqan ahayn isku tol haba ahaadaane. Kooxdaasina waa kuwa loo nisbeeyo dib dhaca dhinac walba ah ee Awdal gaar ahaan Boorama. Calaamadaha lagu gartana waxaa ka mid ah shaqsiga iyaga ah eek a dheereeya cagaha ayay soo qabtaan oo way la soo deggaan.
Odey reer Boorama ah ayaan maalin waydiiyay su’aashan waana ka hor musharaxnimada Prof. Samatar. Waxaan ku idhi: “ Adeer labada nin ee Ilma Samatar, magaca Gadabuursi meel bay gaadhsiiyeene maxay jaamiciinta reer Boorama u taageeri waayeen?” Odeygii intuu aad u qoslay ayuu igu yidhi: “ Wax kale maaha, waa xumaan”.
Odeygii laftiisii ayaan bishan awalkeedii dib u arkay, markaasaan soo qaadnay musharaxnimada Axmad Samatar. Anigoo maanka ku hayn su’aashii aan bari hore waydiiyay ayuu igu yidhi: “ Maanta soo maad sixin jawaabtii aan beri hore ku siiyay”. Wuxuu ii raaciyay hadalka maqalkan iga keenay wuxuuna yidhi: “ Adigu ma waxaad u haysatay in Gadabuursi sida dadka u samaysan yahay?” Haddaa hee ayaan ugu jawaabay. Wuxuu ii celiyay: “ Waan kaa waynahay, Booramana lafaheegii ayaan ahay, haddaad hesho nin asal ahaan reer Boorama ah oo aqoonle oo taageera Prof. Samatar, anaa been sheegay. Waana xumaantii aan kuu sheegaayay. Waliba iska aamusi maayaane iyagaa ceebayn ninkaa tolkood ah”. I Was shocked but it was the plain truth…
Taa haddan intaa ku dhaafo, markaan arko habdhaqanka doqoniimada leh ee dadkaas waxaan xasuustaa Maraykanka madow siday qaarkood u arkeen musharaxnimadii Obama markii la shaaciyay. Dad u bartay in loo taliyo, oo hankii iyo damacii aadamuhu ka lumay ayay ahaayeene waxay lahaayeen “ Waar kan yaree madow ee waliba Afrika ku abtirsada maxaa waalay, muxuu iska cadibayaa, ma halagu bartuu leeyahay”. Fikirkaas ayay madow badani qabay ilaa habeenkii uu Obama tartankii u horeeyay oo ka dhacay Iowa oo 95% cadaan yihiin ku galgashay Hillary Clinton.
Waxaa hiiliya shaqsi isku kalsoon oo aaminsan in hadduu dadaalo inuu wax noqon karo. Dadkaan ka hadlayaa ma hiilin karaan mana laha raganimadii lagula tartamaayay qayrkood. Iyagoo haysta aqoon yahan sameeyay dadaal aan cidna samayn, iyagoo haysta hogaan karti leh oo maanta lagu yasi Karin aqoontiisa ayay haddana ku dhiiran kari waayeen inay barbarjoogsadaan geesinimadiisa. Iska daa isbarbartaage, lagama hayo inay u qiraan raganimadiisa iyo kartidiisa uu ku awooday inuu hawaysto inuu Somaali u taliyo. Weliba habaarka intaa ka daran waa iyagoo ay ka suurtowdo inay jaahil kale sacabka u tumaan. Waa qodobka beeneeya aqoon lagu xanto oon waxba ka jirin, waayo aqoontu waa ta ku garasiinsa ama ku gaadhsiisa inaad daacad ahaato, runtana ka gaban, cilmigaad sheeganaysana dadka ugu dhaamisid.
Haddaad moodeen inay malo awaal tahay faaladaydani bal isha mariya mareegaha Internet-ka ee ay maamulaan dadkaan ka hadlaayo.
Ilaahay nalalka kama wada damiyee, waxaa jira deggaankaa aan sheegay dad ka soo jeeda oo aqoonyahano ah oo ka duwan dadkaan soo sheegnay. Waana shaqsiyaad horey u goystay inay la saftaan afkaaraha prof. Samatar waana dad amba aqoonyahano aaminsan in aqoontu aqoonta u hiiliso, waase faro ku tiris tayo leh.
Nasiib wanaag maanta Professor Samatar waajibkiisii wuu gutay, waana shaqsi ceeb ka reeban tahay oo muujiyay inuu banaanka ugu soo baxo u gurmadka ummada soomaliyeed. Soomalida aqliga lihi oo beel walba leh ayaa ku kalsoon hogaanimada Professor Samatar. Hadduu madaxnimada ku guulaystana waa mid soomali oo dhan u dan ah laguna dagi doono, haddii xagga Ilahay ay ka noqon waydana Prof. Samatar waajibkiisii wuu gutay ismana canaanan doono damiir ahaan. Magaceeda Qaranka iyo magaca tolkiina korbuu u qaaday wuxuuna ku qoray sambuuradda Taariikhda !….
Kuwa damiirkoodu ifka ku kadeedi doonaa waa inta taladoodu noqotay mid aan soomalida kale lagu arag oo salkeedu yahay hiil la’aan, gurmad la’aan, ficil la’aan iyo damac la’aan. Nacasnimadaasina waa mid badankeena inoo gaar ah oo rumaynaysa hadalkii odeyga kor ku xusan ee ahaa: “Gadabuursi sida dadka uma samaysna”.
Categories: Warka (News)

Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)
One of the best articles written so far. Wax yaalo badan oon ku diidanahay fikir kiisa way jiraan laakiin inta guud uun aan ka raaco oo ah in Dr samatar nin wanaagsan yahay qabiil nimana ilaah ka daweeyey balse talo xumadu waa wax ka yimaad nin jaahil loo haysto iyo ka ugu cilmi badan labadaba. Waxan aamin sanahay samatar dariiq fiican siyaasadu ma marin wakhtigana in uu kabaha iska dhooqeeyo ma ahayn. But Somalia is heading towards worse cliff than what we have seen before. An ethnic cleansing is on the way because we fall into the real tribal divisions ever. Now we are the real enemies of each other, no Kenya, no Ethiopia any more.
Gadabuursi maanta siyaasada kama muuqdo hanoqoto Somalia/Somaliland/Djibouti/Ethiopia sababtuna waxaa weeye sidii yar sxb aan ahayn ii shhegay “Gadabuursi have no strong political platform” malihin qaacidad ama “BASE” aan ku soo ururno.
maanta hadaan haysanay political platform na midaysa sida Majeerteenka (puntland) ama Ciise (djibouti) ama Idoor (Somaliland) ama Hawiye (Muqdisho/tfg) ama Ogaadeen (ONLF/Federaalka) Musharaxeena professor Samatar lagama daba hadhi laheen.
Anigu shakhsi ahaan waan taageeraa professor Samatar inkastuu kasoo hor jeedo mabda’a aan taageero “AwdalState” laakiinse markaasoo kale waxa la eegaa “the bigger picture” which means since im supporting a united Somalia i have to support Prof Samatar because he is the best man for the job.
Samaroonka Somaliland raacsana waxaan u maleeyaa inay Somaliland u ogolayn in ay taageeraan Musharaxaooga Ptof Samatar waayo idoor waa xaasid ma doonayo inu arko Samaroon kaga hor guulaysta madaxtinimada Somalia.
Ciid Mubaarik dhamaan.
Cali Siciid AwdalState
Cayda jooji iyo afxumada waa maalin ciid ah sid aad hadalka u dhigtay iidoor xaasidiin maaha Somaliana way iska soo sharaxi lahaayeen lkn ma doonayaan waxay ka door bideen wadankooda Somaliland inay u raadiyaan ictiraaf si kasta iyo meelkasta oo uga bildhaamaaya in aqoonsi loo maro way u marayaan xataa ha ahaato Shariif Sheekh Axmed oo kabaha loo qaado in Somaliland looga helo ictiraaf waa la samaynayaa waanan ku qasbanahay hadaan nahay reer Somaliland.
Aan usoo noqdo Tifaftiraha Wadhafnews.com Adeer ma hadaad baraarugtay oo aad u baahatay Samaroon….? Ciiloow ba’,Sxb Samaroon imusoo talo u baahnaa….?Ma ilawday in aan soo marnay go’doon iyo cunaqabatay u dheeryahay amaan daro na haysatay 20 sano,Axmed Samatarkan aad taageerada nooga raadinaysaa xaguu joogay markii aan Djibouti ku go’doonay ee Ciise na baacsanaayay ee aamaan daro Yemen ugusoo firxaday…..? Ilma Samatar xagay joogeen markay SNM iyo Dawladii afweyne na gumaadayeen ee aan loma ooyaanka…? Hubka waxaan ka iibsan jiray askartii Siyaad Bare oo aan ku ilaashanaynay amaanka xamastayada anagoo keeb la yuurur ah ayaan dawlad iyo mucaardiba gashaanka u daruurnay in kasta oo ay nagasoo gaadhay dhib iyo jahawreer weyn halkuu joogay ina SAMATAR markaasi aan ku jiray cunaqabatay dhaqaale iyo mid siyaasadeed ba …? DJinac Xabshidii Dhargiga ayaa na dhibaysay ee na cunaqabataysay,Dhinac kale SNM soo raacoodii Ciise ee Rer Djibouti iyo Dawladii afweyne ayaa nagu haysay dagaal iyo cuno qabatayn kalmad hiil ah lagama haynin inta waxaasi dhacaayay Ilma SAMATAR inay yidhaahdaan waar tolkayo sidaa hala daayo oo idaacad waligii kalmad uu Samaroon ugu hiilinaayo kama odhan iska da taageero kale oo muuqatee.
Ma markii aan tashanay eee aan heshiinay jaarkeena ee aan samaysanay maamulka Somaliland ayaad ka xanaqdeen …?Adeerayaaloow anagu Somaliland ayaan u radinaynaa ictiraaf ,Inta Isaaq iyo Samaroon joogta muqdisho e xilibaano,hogaamiye dhaqameed iyo siyaasiyiin waxay ku jiraan ictiraaf raadinta Somaliland ee meeshaas cid wax u doonatay ma jirto waana la ogyahay oo Hawiye ayaa laga dhaadhicinayaa inay ictiraafaan Somaliland ayagana lagu taageero inay kusoo baxaan kursiga madaxtinimada Somalia si xakunka looga dheereeyo Daarood.
Aeerayaaloow waan tashanee hana waalina oo hana dhaga barjaynina tubta toosan ayaan haysanaa oo ah Somaliland oo hesha ictiraaf,Alloow na waafaji waxii kheyr ah.
Cabdiraxmaan Zeiyili ayaa dhaaman ninkan aad ku sheegaysaan Prof-ka,Cabdiraxmaan Zeiylici ayaa Samaroon ka saaray cunaqabataynta 1989-kii oo fekeray in dekeda Zeiylac iyo Lughaya oo macmal ahaa ogaday in aan wax kala soo degi karno waxna laga dhoiifin karo sidii ayaanan ku badbadnay oo aan la Yeelanay cilaaqaad baayac mushtar Yemen,Ila dhaaf ninkan waligayna taageeri maayo waxaan taageeri nin IRIR SAMAALE AH oo ah Hawiye ka ah Sacad inuu noqdo
Gedabuursigu sidda dadka uma samaysna kkkkkkkkk aanu sidaa ma idhahdeen ee waxaan odhan lahaa gedabuursigu sidaa dadka uma fikiraan.
-Kuwaa qurbaha jooga waxaa ka soo hadhay faan, been iyo beel cay,
-kuwaa dhulkii ku hadhay waxay ka dhammaan la,yihiin ;waxaan nahay hooyaddii somaliland iyo viva IOG oo aaan uurka si daacad ah uga iman,
-qaarba Muqdisho u qadhaab tagay oo 9 kursi lagu sooryeey Boorama iyo waqooyi galbeed haday cag soo dhigana waa dambiileyaal qaran waxayna ag joogan 8 kursi oo ciise xaq u helay oo ay ku sheegi jireen inan la yaal sidday inan la yaal ula saami noqdeena waa suaalaha qarniga ay ka jawaabi doonan.
en tout cas, gedabuursi sida dadkay u samaysanyihiin laakiin sida dadka uma fikiraan.
ciid wanaagsan mar kale.
CALI DURKIYE
KKKKKKKKKKKKKK
8 XIDHIBAAN OO FOOOOOOOOO AH COM
war bal aduun yadan eega ninba nin uu u isku dhararinayo waa yaab ma taas baad keentay ciise in aad samaroon isku dharariso walee way kuu gaadhee halkaa kaga hay somaliya maanta waad u kuraas siman tihiin lkn talaw maad u dhul siman tihiin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk yaab.com?
ciiseaha 8 kursi ku faanaya waxan odhan laha meelna kama dago somalia taasi waa fact dhowr inan la yaal ah waxan aheen somala ma dagaan lakiin somalia oo dhan baa la bililiqaystay taasbu ina cumar geele ka qayb qaatay oo uu sheekh shariif oo aan somalia iyo cida dagan aqoon u laheen kaga faaiidaystay wax socon karana maaha in ciise waxaas oo kuraasa somalia ku yeesho marka wadan dhisan oo somaliyeed la helana tiro koob baa iman doonta halkay dagaan ciise qaasa iyo tuulada ay ku leeyihiin somalia waa la ogan doona hadase wax lagu doodo iyo wadan dhisan iyo cid lala xisaabtamo meshaba ma jiro,dhulka gadabuursina cidii ku xisaabtanta in one each ka qaado wixii ku gaadha adaa isku gaystay ,gadabursi waad aragtiin in dhulkiini la sheeganayo fadhi idinba yaalo ka kaca meesha oo dhulkiina idinkoo isku duuban ilashada ,,good bye and god bless awdalstate of somalia
Wax isku quudhi waa iyo xasadkaa ragaadiyay beeshan,yayse wax ku yeeleen,cidna iyagaa ku baaba,ay yeelko.
godany horta ciid wanangsan, gadabursi yeelkoda noqon mayso ee ragaan gadabuursi haday dhulka illalin wayan dumarkaa qoriga qadan doona, caruurteena caruurtay dhalan baa dhulka u bahan,, ma haduu ciise qaawane soo dhigtay haba soo dhawayn lahaydaa cawaanka ,,guul insha allah
Gudooneey, xaqiiqaa ku hortaale xafxaftu maanta ma shaqaynayso
Hiildan, website kaagu hakuu macaanaado saaxiib, marlay waan arkaa in isbaaro ii dhigtee. Last time visit for Marunbaa
Ciise 8da kuraas waxay ku heleen maaha dhul ayay dagaan ama tiro ayay leeyihiin ee waa Djibouti ayay maamulaan, Ismaaciil Cumar Geele ayaa influence gareeyay TFG da oo tolkii u hiiliyay waayo waad ogtihiin djibouti inay tahay bartii lagu doortay shariif axmed,,.. ciidamada djiboutina waa kuwa koonfurta Somalia lageeyay bari dhawayd. markaa yaan lala yaabin hadii xitaa ay helaan 20 kursi.
federaalka ethoopiana waxay ka mid yihiin 3da madaxweyne kuxigeen ee dhawaan la magacaabay.
Beel waliba haday siyaasad ahaan midaysantahay ooy political platform midaysan leedahay uun bay wax heli kartaa.
laakiin haday kooxi Somaliland baan asaasnay ku waalato kooxna awdlastate ku heesto kooxna Somalia ku riyooto, kooxna Harawo ayaa gobol noqon ku mashquulto kooxna IOG noolow ku seexto oy ku baraarugto meelna la gaadji maayo.
hiildan, miyaad ilawday in website yadu trafic ga soo mara ay ku kala sareeyaan. Waa marunbaa oo ku sabootiyey.
Gudoon,
Hadaad xishoonayn waxaa doonto soo qor,laakiin la soco naag aragtay nin isku qaawiyey waa naag ay u dhacday ee ha kuu macaanaato.
HIILDAN
Aad ayaan kuu salaamay. fadlan miyaad noo soo daysid shirkii jaraaid ee uu qabtay profiseerku ee uu kaga hadlayey siyaasadiisa ku wajahana wadanka haddii uu ku guulaysto jagada madaxweynanimada, waxaan rajayanayaa in uu DARBI SAMAROON yareeyo mucaaradnimadan xooga badan ee kaga soo horjeedo madaxweynaha mustaqbalka soomaliaya.
ciiloow ba eey ceebtayda carsaanyada sideedii miyaan geeswalba u cararay.
gadabuursi inuuna sida dadka ahayn waxaa kuu cadaynaaya inta halkan wax ku qortoo kaliya bal ufiiso midba dhanbuu ujeedaa labo israacsan malaha,somaliland,soomaaliwayn,awdalstate,hiilqaran iyo mid intaba kasoo horjeeda. malaha nawriisbaa haya tolkay ilaahoow baryaha ciideed reerkan ceebtooda tus.
calicade reer mocoy run maadsheegin oo hadaad ilaahay kayaabto adba waad ogtahay inuuna ciise iyo samaroon soomaaliya u sinayn waayo ciise dalkaluuleeyahay oo waa jabuuti inta somaaliya degtise hadaan sidaa jeceshahayba badino hadana gadabuursi masad leekaan karaan sobobta keentay inay leekaadaan ama kaba sedbataan xagwalba xamar,muqdisho,hargaysa iyo ethopia ba waa siyaasad xumada iyo iimaan la aanta iyo xaasidnimada samaroonka dhexdooda ka jirta waanay ku fiicanyihiin in waliba la adoonsado.
Gadabuursi wuu ka sarreeyaa Soomaalida kale, Axmad samatarna wuu ka sarreeyaa aqoonyahanada kale ee soomaaliyeed.
Omar
Ciid wanaagsan ina adeer,Mucaaridka koowaad ee Ilma SAMATAR waa aniga waliba waxaan u hayaa mucaaridnimo ka xun oo ka fog tii aan u hayay Dahir Rayale Kahin oo aan isna mucaarid ku ahay ilaa uu ka baxo Siyaasada Somaliland maalinta uu Dahir Faraha kala baxo siyaasada ee uu hawl gab noqdo waan taageerayaa oo waa tolkay,
Ilma SAMATAR Cadaw ayay ku yihiin Samaroon waa shisheeye kalkaal waxay wax ka dhagaystaan cidaan ahayn tolkood ,Way yaraystaan maantase esy dhex fadhiyaan waliba ka Axmed SAMATAR waxuu ogaaday in tolnimadu tahay qaali.
Madaxaan iska toogan anigu haduu ninkaasi noqdo madaxweyne Somaliyeed sida ula soco.
Dunidan casar joogtadaa
caweysinka lacdanka
cayaarta habeen badhka’a
cubaqtiyo laqantaa
Hadaan canabeey
jaceyl cibaada ah kugu dul furay
colaadna dartaa u galay
adoo ciirsiila fadhiya
haddaan calan kaa dul lalay
Dhededan ceryaamadaa
cawriirka hababintadee
calaamada qaybintaa
ayaan ciddi kugu lug goynee
Ha noqon cidla aan la mudanee
cawaan aan laga lug bixinon
jirriyo ceebna toona garanayn
jacaylkana ceeb ha badin
Dunidan casar joogtadaa
tabaalaha caashaqa
cilaaqdiyo faaladdaa
cibarada addunyada
Caloosha waxaan ka raboo
haddii u col hortaagan yahay
culeys weyn igu hayaan
wax kale i cadaadiyaan
miyaan carabtahayayee
Tigaagyada caymiskaa
cataabada racadadahee
caraabada jogsadaa
calool xumo yeey ku galinee
Ha noqon cidla aan la mudanee
cawanaan laga lug bixinon
jirriyo ceebna toona garan
jacaylkana ceeb ha badin
Salaan sare dhamaan,
Derbi in aad cudurka dhimirka qabto wan kala xishon jiray lakin maygu diidi imika in wax si kaa yihiin?. Maxad isku toogan hadii uu Prof. Samatar dalka hogaankiisa qabto?. Nacaybka intaa la eg in aad u qabto Somalia maba moodi jirin in aad iska kaftamaysan u qatay!. Wankuu ducaynayaa anuu in ilahay cafimaad ku siiyo. Waayo wan garan kara waxa wali tahay iyo dhibatooyinkeeda. Lakin firiqyo bay leedahay waalidu.Tadu dhibat ku soo gadhay iyo caruurnimo kuguma ridine iiman dari iyo caqli xuma ku waashay!.
Adeer Hanimuufooy adiga waan kaa caafimaad badanahay oo xanun i hayaa ma jiro habase ahaatee haduu ninkan madaxtinimo Somaliyeed qabto waxba idinkusoo kordhin maayo sababtoo ah dhulkiisii hooyo iyo goboladiisii waligii irbad dun uma galin waxna uma tarin hadal fiicana uma odhan.
Qofka hadaad sadex arimood ka weydo waa cadawgaaga dhab ah oo (pure) ah oo aan biyo is marin sadexdaasi arimood waxa weeyi.
1- Iidheh
2- Iga Dhaw
3- Iidhiib
Ii dheh.
lagama hayo Ilma SAMATAR ayagoo dhulkooda ku faanaaya oo leh Reer Gabiley ayan ahay oo waa dhulkaygii hooyo ama Rer Awdal baan ahay lama hayo isagoo dhulkiisa iidheh ka bixinaaya oo ugu faanaaya qayrkii siyaasiyiinta ah lama hayo wuu yaraystaa oo waxuu yidhaa matal meel borama la yidhaa ayuu ku celceliyaa.
Iga Dhaw.
Waa fulay ka baqa beelaha darifyada sida Ciise iyo Isaaq amaXabashi waa hadhkii ka carar aan taglahayn oo waligii lagama hayo intii Samaroon ay ku socdeen colaado horeyso iyo dambayso midna isagoo leh gobolkaasi iyo shacabkaasi waa dadkaygii lama hayo isagoo beesha caalamka ka dhaadhicinaaya in xasuuq loo gaystay dakiisa markaa ma leh iga dhaw iyo iidheh midna waakaas warkiisu.
Iidhiib.
Iidhiib ma leh oo barnamijyada abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah wax kuma darsado jaacadaha wadanka laha hirgaliyay wax kuma laha dariiqyada ay ASARDA iyo shacbku dhiseen wax kumalaha wax kasta oo adeega bulshada a loo kaco oo ay reer AWDAL iyo Samaroon wadaan wax lacag ah kuma darsan markaa maleh midna iidheh,iidhiib iyo iga dhaw l;agama hayo waa bakhayl waa fulay iyo xaasid weeyaan niinkasi harartaan majeerteen iyo daaroodka uu siiyo lacagtiisa ee kaga dhameeyay Hawiye aya madaxweyne kaaga dhiogaynaa ayay lacagtiisii ku dhamaatay oo ay Darood oo majeerteen iyo Dhulbahante kaga dhameeyeen lacagtiisii waana nin aan necebahay gobolka Awdal haduu lugsoo dhigo shaqo ayaan ka qaban doonaa hadaan nahay Reer Nuur.
darbi ama ceebla aad bad u bugtaa ku dhimo xanuunka ku haya. idoorna sacabkan u tumaya inadarkii ina samater haduu wax noqdan wuu is tooganaya walaahi o bilaahi in aanad samroon aheen in aanu dhiig samaroon kugu jirin idoor xun oo dhintay baa tahay ee edeb darada umada kala dhex bax nacasyahaow xanunka qabaa,, i am so mad markan arko wax nin sheeganaya oo samroon sheganaya oo sidaa doqmaha u hadla sorry hiildan plz sii dar waxan qoray
kkkkkkkkkkkk Waar ninkan Darbi.. wuu iga qosliyaa mar mar…. dhinac loo raacoba ma laha… markuu doono waa awdal state, markuu doono waa somalia, haduu doono daahir rayaale ayuu tageeraa,, haduuna waa mucaaridkiisa ugu wan… Markuu u kasana waa muxaafadka ugu wayn ee somalilandta… Imikana proff samatar buu ku yahay, mucaaradka ugu wayn… Sxb.. Ninkan samatar wuxuu yahayba waa nin kartidiisa isticmaalaya, haduu ku faano iyo haduu ka faano samaroona, runta cidi ma badalayso oo nin tolkaa ah oo samaroon siciid ah.. Dadka kale waxay inagaga duwan yihiin, kooga daciifka ah ayay halyay ka dhigaan oo buunbuuniyaan.. tusale ahan, isaaqu ku aan waxba ahayn baa ah mujaahid, proffessor, nin balaayo ka dhacday… Waar adiga maxaa kuu diiday inaad kaaga aqoonta leh ee waliba somali ku faanayso inaad ku faanto.. marka dhexdiina aad joogtaan ficiltaka yar ee hoose waa iska caadi laakiin marka somalida la dhex joogo… waa inaad tustaa inuu samatar yahay HALYAY SAMAROON… wuuna yahay runtii oo maantaba waa kaa barlamaanka magac samaroon ku soo fadhiistay… Magaca reer nuurna adeer ma matashide ka daa umada xagxagashada oo shaqsiyan qofka u hayso oo Reer dhan magacooda ha ku hadlin…
Jama Awdali
walee nin raga dheh ninkan Darbi ee reerka ku soo halqabsanaya sxb anagaa Reer Nuura oo Prof Samater waa halyey-ga aan ku faanoo waana mudanyahay in lagu faano, sxb darbiyow magacaaga ku hadal hana xajiimayn ee xishooooooooo,
Darbi ha iga cadhoon indr lakin waxaan diiday Walaahi Prof Samater waa aqoonyahan ilaa yaraantaydii aan jeclaa aanan ku daydo, markaa Prof waa in aan wada taageernaa oo ka daynaa mucaaradnimada iyo aflagaadada, sxb Sooomaaloo dhan baa hiil iyo hoo lagarab taagan ee aan taageerno
Darbi waa aftahan ciduuu qalinka u qaato aadbuu u daba galaa ee waxaan kugula talin lahaa Indeerkaa Dr Samater taageero ayuu kaaga baahanyahay ee mucaaradnimo kaaga baahna maanta.
nabadeeey.
Adeer Ha Riyoonina Dhagaysta warbixintan Loolankan ka Dhex Socda Daarood Iyo Hawiye In Kasta oo Aan Anigu Hawiye taageersanahay Inay Noqdaan Madaxweynaha Somalia maadaama Aan Isku Nahay IRIR SAMAALE Anuu waxaan Taageerayaa In Musharax Hawiye Ah Uu Noqdo Ninka Ku Guulaysan Doona Madaxweynaha Somalia Waliba Waa Inuu Noqdo HabarGidir Oo Sacad Ah.
Bal Samaronooq Dhagaysta Warbixintan halkan aan diinsoo Dhigay oo Dhuuxa sida ay U Socoto Siyaasada Somalia iyo Loolanka Ka dhex Socda Reer Koonfureerka Khaasatan Daarood iyo Hawiye,Daarood waxuu Doonayaa inay ayagu Ku Guulaystaan Jagada Madaxweuynaha Somalia Hadii ay ayagu waayaan ka Darood ahaan Madaxweynaha Somalia waxay Doonayaan Inay Ku Karbaashaan nin taageersan Siyaasada Daarood waana Axmed SMATAR Waxay Doonayaan inay hal dhagax ku dilaan Labo Shimbirood.
Dhagayso Warbixintan hoos ka dhagayso.
http://allpunttland.com/warar/war-qarsoodiya-oo-ka-dhacay-vila-soomaliya-ee-ku-saabsan-beelaha-hawiye-dhagayso/
Maqaalada noocan ah waxba ma soo kordhiyaan.. niyad jab iyo kalsooni daro ay ku sii ridaan cida loola jeedo mooyaane.. waana waxa loo yaqaan (Self-pity) ama (naftaada-quudhsi) iyo naf-karbaashka halkii ugu saraysay..
Gedabuursi sida dadkana waa u samaysan yahay sida dadkana waa u fakaraa ee af lagaadada iyo naf-quudhsiga ka daaya magaca reerka..
Hadii kale kalsooni daraad ku abuuraysaan jiilkiina soo kacaya.. qayrkoodna hadhow wax la qaybsan maayaan ee sidiina ayuunbay halkaa calaacal la soo yuururi iyo naf-karbaash.
reer kadaya bahdilaada midakale iskdaaya laablakaca hadii samatar kanoqda ama taliyaani noqdo waxba kabali maayo mowqifka sland waayo waxa sland saxaysaa wixii qaldamay1960 ooah madx banaanida somli land oo dhiig farabadani udaatay hadeerna difaaceedu adag yahay yaan wakhti idin kalumin kuwa kufakaraya xamar baa dhisantay boorama idin ka quustay longlife sland
Anuu waxaan taageersanahay Mr.Darbisamaroon.Kumana dheeraanayo ”This Topic”,oo horaan fikrad uga dhiibtay wax Somaliland aan aheyna noo dan maaha,laakiin ninkii doonaya in uu Xamar tago F16 ha ku dulmaro magaalooyinka kaaga sokeeya eeinta aanad tagin Somaliland ku yaala.Waxa kale oo la yaab leh in ninkan Hiildan uu u fasaxay dumarka in ay caayaan”Qabiilka Ciisaha” oo ay hadhoona tidhaa sida islaantan Gudoon ”Sorry Hiildan”.Cali Durkiyow war dee ma hadlaan Gudoon oo kale marka ay joogaan meelo aan ogahay ee u dulqaado.Waa la dhaliili karaa Ciise,laakiin u hadal sida Darbi Samaroon.Islaantan Gudoon la baxdey sidii ciyaala suuqay u caytamaysaa and that is”Insane”.
Ciise Qaawane Cawaanka means”Issa tribe are naked and uncivilised people” waa waxa ay Islaantan Gudoon tidhaa every week.Kala daa Hiildanoow meeshan qabiilada laguma caayo iyo waan daawanayaa aflagaadadaa!
Tallman,
Reeer abtiga wixii lagu dhaliili ama lagu dacaayaadayn waa iska caadi oo wax dhib ahi ma jirto hasaayeeshee caydaan qaawan iyo ragga dumarka meeshan soo gallaa qaar ka mid ah ka soo hadhay waxaan u aragna nin daad qaaaday xumbo cuskay una joojin mayno qaawanaanta ciisaha lagu sheegina waa go,aa iyo gundhataha ay gedabuursigu ku faanan marka laga haddli dhaqan soomaaaliga faca weyn marna ha ku faanan dhaqanka iyo dharkiisa marna cay ha mooddaan waa mar kale iyo sheegada aan dhawaan ka hadlaynay ee ahaayd gedabuursigu sida dadka uma samaysno.
nabaday.
Isaq Boy
Allaa Yaizak sxb dadkan u sheeg inay Samaroon yihiin muwaadiniin ah Somalilandders oo aanay cidna uga baahnayn sheeko ah niyadjabin iyo baroor maqaalo lagusoo qoro si loo niyadjabiyo jiilka soo koraaya,Qaladaadkii la galay 60kii waa in hada la saxo oo Jamhuuriyada Somaliland loosoo celiyo karaamadii ka luntay waqti hore,
Samaroon waa reer ka mid ah reeraha degan Somaliland si fiican ayuu u fekeraa oo waxay taageereen Somaliland iyo wadankooda.
Cali Cute
Adigu shuushta nagala dhex bax ama sida Isaq Boy u hadal nadal baad tahay tashwiish kula dhex jira Samaroonka markasta maqaalkana adaa soo qorey ama waxaa soo qorey cadawga Samaroon oo ah Ciise oo qudha maanta Samaroon cadaw kale ma leh oo aan ahayn Ciise waa in aan meel iska saarno Ciise Waraabe waxaa loogu bixiyay waa doqoniimo.
Darbi-jiidh,samaaroon,
waxaan maqli jiray reer Nuur iyo rimay geelba waxay u riyaaqaan kolba ninkii raacda kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk hadaan xuduud iyo degaan wadaagi lahayn waxaan ku raacan lahaa sidaa Idoorka ka soo eryaday tuuladi aad ku dhalatay ee markaad firxaysay fadaladdi aad qoday wali cawshu ceeriga roobka ka biyo cabto fule xaar weyn in aad tahay raadkaaga laga garta iyo siday reer tolka reer Nuur rimay geel u noqdeen.
galab wanaagsan.
Doorashada golaha deegaanka Somaliland markay bilaabanto ayaan ku tusi raganimada Reer Nuur,
Anaga hana moodin Reerkan Jaarkaaga ah ee Maxad Case oo ah Reer aad bahdii Ka Saarteen Ee Aad Sixirka Ku Jaanjaamiseen Ee Aad Intood Dhulkii Ka Qaadateen Hadana Samaroon Kusoo Sixirteen,
Sxb Reer Nuur cid aan anagu is haynaa Ma Jirto,Waxaan Is Haynay Jibriir Abokor Koox Ka Mid Ah Iyo Waxaa Is Hayay Koox Ka Mid ah Reer Nour,
Waxayna Ahaayeen Reer Maxamuud Nuur Iyo Reer Xareed Ayaa isku Faro Saaray Dhulbeereed iyo Dhul Macdanta laga Qodo oo ah Buuralayda Ceelbardaale agagaarkeeda,
Anagaana wadana maanta oo way noo xidhanyihiin dhamaan dagaal oogayashii Sida Cawar Xareed iyo kooxdiisii oo badan Dhawaana Maxkamad ayaan soo taagaynaa Loyerna waxaan u qabanaynaa dhibanayashii ka Hadhay agoontii iyo dadkii gaadmada lagu laayay Sidoo kale Reer Xareedna Way Ka Qaxeen Maanta Reer Kama Yaalo Aaga dhan Gabiley Ayay Ka Mareen Dhinaca Dhabarka ee Bari iyo Koonfur Woqooyiga Ilma Dado masoo umasoo dhaafi karaan woqooyi lugna masoo dhigi karaan Dhulkii la isku hayay ee muranku ka taagnaa anigaa ku dul kaadhsa sxb adigana waan kuusoo socdaa dhawaane wax yar i sug.
Adigana waan Kuusoo Socdaa Oo Sixirka Aad ku Jaanjaamiseen Maxad Case Ee ay ku dhici la’yihiin Inay idinka Faro maroojiyaan Dhulkooda aad Sheeganaysaan Daawan kari Maayo waan Kuusoo Socdaa edebtana waan ku Bari Doonaa Dhawaan Hadaad Ku Ekaan Waydo Djibouti.
DerbiSamaroon, nin fayo matihid.
xitaa hadaad raacsantahay gobolka lamagac baxay somaliland, waa inaad prof Samatar taageero buuxda 100% siiisid. waayo waa aqoonyaan waana tolkaa.
prof Samatar wuxuu ka mid yahay dadka ka badbaaday cudurka qabiil laydhaa isaga iyo raga HiilQaran. waligood arkimaysid iyagoo qabiil dhaliilaya ama daafacaya, taasna maaha ceeb ee waa ta loobaahanyahay maanta ee somali badbaadin karta.
im Reer Nuur and im 100% with prof samatar.
darbi samaroon
dharaartii markaad hadlayso hareerahaaga baa la eegaa habeenkiina hoos baa loo hadlaa waa iga waano hadii kale yaa waylak dilaa orad ku dhaafi
alidurkiye
dee sxb jambalka raga ka dhex daa oo waxba ha igu daba gaban ciise waraabe hadaad reer nuur doonaysid dee banaanka buu joogaa
Galbraith
Maxaan Hareeraha iska dayaa meesha waxaa ila fadhiya Ciise Dhintay iyo Jibriir Abokor aan feedhahiisa tirsaday oo badhna ii xidhanyihiin sida Cawaro Xareed iyo kooxdiisii , Badh kalena aan qixiyay oo KM iiga yaacay intooy dad hurda xasuuqeen ayay maanta ka ooyayaan oogo iyo meelo fog fog, iyo waliba Ciise aan dhulka ku ilaashanaayo dharaartaan fahmi waayana aan siliga laag kaga talaabin doono.meesha marag baa i horjooga ninyahow.
Maxaa inoo kalaqarsoon sxb Gabiley masoo dhaafi kartid halkaana waan u qayilayaa sidaan kaagsii qaxin lahaa dhawaan,Mamaasan iyo Jibriir Abokor anigaoo Reer Nuur ah ayaa ku filan oo marna galbeed u ridi Baasuuke marna Bari ilayn Gadabuursigii kale waa Sacaboolaye aad xiniinyaha kaga saarteen lacag iyo grigri.
Galbeedi
Maxaan Hareeraha iska dayaa meesha waxaa ila fadhiya Ciise Dhintay iyo Jibriir Abokor aan feedhahiisa tirsaday oo badhna ii xidhanyihiin sida Cawaro Xareed iyo kooxdiisii , Badh kalena aan qixiyay oo KM iiga yaacay intooy dad hurda xasuuqeen ayay maanta ka ooyayaan oogo iyo meelo fog fog, iyo waliba Ciise aan dhulka ku ilaashanaayo dharaartaan fahmi waayana aan siliga laag kaga talaabin doono.meesha marag baa i horjooga ninyahow.
Maxaa inoo kalaqarsoon sxb Gabiley masoo dhaafi kartid halkaana waan u qayilayaa sidaan kaagsii qaxin lahaa dhawaan,Mamaasan iyo Jibriir Abokor anigaoo Reer Nuur ah ayaa ku filan oo marna galbeed u ridi Baasuuke marna Bari ilayn Gadabuursigii kale waa Sacaboolaye aad xiniinyaha kaga saarteen lacag iyo grigri.
17 kursi oo reer Awdal ah ayay Soomaaliweyn ogolaatay waa guul usoo hoyatay Gadabuursi. Maxaa wacay, marka diimuqraaddiyad timaado ee doorasho loo dareero, hal kursi oo Ciise ah mooyiye, inta kale waxay noqon doonaan Gadabuursi.
Hiildan.
Kkkkkkkkkkk ma taasaad keentay..
Waan garan waayay raggan ciise waxaad wadanka uga tirtirtaan mar walba.. lol
darbi
sxb afnooli wuu hadlaa eyna wuu ciyaa cawar in laguu xidho anakaa isla garanayn maadaamood ka wada qaylideen madaamood tidhaahdeen 4 died 3 kalana waa dhawaac waxa laga baqaya reer nuur siduu u dhan yahay in uu yeman u qaxo markaa arintaasi waa iska dajin uun ee si kale ha u qaadan
hiildan
lools eryada waxad eryan kartaan lkn xildhibaanda ciise hada laga bilaabo malaha sharci bay noqdeen waa sidaan filayo
Dawladda Soomaaliya wali waa ku meel gaadh, xildhibaanadeeduna wali waa ku meel gaadh. Wali waa sidii lagu ansaxiyay shirkii Carta-Djibouti, oo dhigay in xaalada lagu jiro tahay Xal balse aanay ahayn Xaq, taasi oo macnaheedu yahay in wax si rasimi ah lagu sharciyeeyay aanu jirin.
Maadaama in ku dhaw laba milyan oo Soomaali ahi ay ku nool yihiin qurbaha, barteena nolosha dhaqan dhaqaale, siyaaadeed iyo ijtimaci, Waxa iman doonta diimuqraaddiyad qaro weyn oo ka istlaaxda shucuubta ku hadasha afka soomaaliga ee gaar ahaan dalkii laysku odhan jiray Soomaaliye (1960).
Waxa iman doonta ‘One Man One Vote’. Cidii dhul sheeganaysa ee ama qabiil ku sheeganaysa, ama xisbi ku sheeganaysi way soo bixi doontaa. Maalintaas ayaa lays baran doonaa, wixii intaa ka horreeyna, waa beerka qadada lagu sugo, ee loo yaqaano ‘dagagax’.
Waad salaamantan tihiin Wadhafna weyku mahadsantahey maqaalkan oon anigu u arko mid xaqiiqa sababtoo ah anigaaba shaqsiyan isweydiiyey su’aashan ah Horta Gadabursi/Samaroon ma sida dadkaa mise mahaa? waxa igu kalifey su’aashaasina waxey aheyd fikil la’aanta iyo siyaasad la’aanta.
Afarsanadood ka dib waxa Soomaaliya laga qaban doonaa vote ka baarla maanka ninkii wax u codeeya helaa soobax kii kale bye- bye bayle. Inta ka horeysa wuxu waa koonto la raba in dhooqada Soomaaliya looga saaro ee yaan la deg degin.
Dad siyaasad xunbaa ka roon dad aan siyaasadba laheyn. Karuunbaan Afka loogu qabtey oo waxa layiri Awdalstate taageera. Durbaano dadkale leeyihiinbey ku dhex milbeen. Samaterna waa geesi hadeyn taageeraan iyo hadey diidaanba nasiibkiisa iyo hadadfkiisa Soomaalinimo ka gungaadhey waanan u duceynayaa. Soomaalida degaanadan aan joogno degani waxey talo ku gooyeen hadii Soomaaliya wanaag lala rabo haloo doorto Mr. Farmaajo ama Prof. Samater taasna waxa ku odhanaaya beelaha kale ee Dir iyo Daaroodkaba ka baxsan markaas uunbaad agtaada ka arkeysaa doqon Gadabuursi oo mucaarad nacaseed la garabtaagan Soomaalida inta ka nadiifa ee rabta badbaada waayo wuxu rabaa in Soomaaliya dhooqo abidku jirto taas weeyi mucaaradadooda.
Dhinaca Baarlamaanka Cusub hadii 9 xilibaan lana siiyey iyo hadii kaleba maanta maaha maalintii wax la saluugi lahaa waayo marka wax la helaa saluugu yimaadaa. Hase yeeshee noqonmeyso sidii nidaamkii jabhada SNM ee Gadabursi Gowsaweyne Gabalku ugu dhacey intii la lahaa wey soo koreysaa horta ictraaf aan inigu gaadhno. With in five years or so Insha’Allaha Somalia will be holding election which clear the air.
darbi reer nuur
maxaad ku haysataa CALI SICID AWDELSTATE
waan kaa yaabay inaadeer ma looyar ayaad u tahay IIDOORKA
mise naag iidoora ayaad qabtaa oo basbaas ku marisa hadaad u doodi weydo
mida kale booramada aad leedahay darbi baan u ahay waxa ka mihiimsan in aad dila darbi u noqoto ood ka ilaaliso cadawga aad is dhasheen SNM
waligeed ictiraaf ma helayso waayo waa hal qabiil oo dawlad sheeganaya
iidoor waa xaasid aan ogolayn in ay cidi la noolaato
M.SHARIIF nin tolkaa ah ha u jawaabin adigoo ay kuui muuqato qaladkaiyo foolxumada ay dadkaagu ku jiraan ama xaqdarada lagugu hayo
darbi
sidii oday garaad looga dhigay wasiirka xaalkaagu waa bariga dhexe
samaroon ayaan ahay somaliweyn ayaan ahay ma aaminsani wax land la yidhaa
Digdigti iyo damdamti reer Boorama waad u jeedan waxay ku soo wada ururtay wixii aan ugu taag la,aan 22 sanno oo ahayd soomaaliweyn iyo boorama iska iimaansada, in mudda ahba waan la soconaa in webebkii xarada iyo isku dirka loo samaystay ay juuqdina gabeen.
Ama 9 kursi ku yeesha dawalada lagu dhisay xamar ama 40 kursi iyo madaxweyne ku lahaada wixii hubaal ahi waxay tahay in aad tihiin reer boorama iyo 80km allaaha ni barakeeyoo aamiin.
Xaasha-lillaahi.Waar Iidooor iyo Ciisihii wali way is fuushan yihiin,Waar Saylac ban joogaaye kaalayabal arka-Dheg uun baan ka maqalnaa Sheekada Hawiye iyo Soomaali laga Iibinayo,wallee Ciise war ma hayo.
Issaaq boy R.Nuur anaa kaa haya,siiba R-Maxamuud Nuur,wixii timirta iyo boorashka loogu gaynayay Gebilay duleedkeeda dhanka Hargaysa xigi ma R.Maxamuud bu ahaa mise R.Xareed,kaba darane Kuwa Hargaysa ka dawarsada Ee marka laydin waydiiyo waa iyama iyagoo la garanayo,maxaad u tiraahdiin waa Samaroon?waar cirkana daaaro ka dhista waxaad tihiin baa yare
Fasax baan ku joogaa dalkii dhawaanaha EE soo mara idinna,miskiin buul giriyaad ka yagleeshay oo layska daayay markuu gaadhiyaasha kildhi shaaha u geeyo si looga iibsado ayaa qaad loogu bedelaa isla lacagtii,waan qoslaa markaanCiise hadlaya maqlo,Issaaqse wixiisu waa uun qiyaali iyo faan.
Durkiyana mar mar malaa af shimbireed ayuu wax ku dhigaa mise anigaa hadalku laba shubka iigu dhacaa,waanse la socdaa in la dhidhiibsaday sidanaana la qaatay.
@ MARUNBAA,
Saaxiib aad iyo aadbaan uga xumahay inaan helin farriimahaaga, balse caawa oo an check ku sameeyay qaybta ‘Spam’. an ku dhex arkay fariimahaaga. Dee malaha systemkayga ayaa garanwaayay meesha ad kasoo gashay. Bal waxad yeeshaa sidii hore ee ad usoo gali jirtay iyo khadkii ad kasoo gali jirtay isu day. Runtii ma garan karo sobabta ay farriimahaagu ugu dhaceen ‘Spam Comments’
Aadbaan kuu salaamayaa, haba yaraatee ma jiri karto sobab adiga kaaga xidhi karo meeshan. Waa Impossible.