Baaq: Raad Reebkii Shirkii Qurba Joogga Beelweynta Reer Nuur Ee Qabsoomay 12/08/2012.

From: Gudiga ku meel gaarka ee Qurbojoogta Beelwaynta Reer Nuur.

- Kadib markii ay muddo socdeen iswaraysiyo iyo wada-tashiyo dhammaan la xidhiidha sida ay lagama maarmaan u tahay in qurbajoogga beelweynta R.Nuur ay qiimayn ku sameeyaan hab-dhaqanka baahsan ee beeshu ka dhaxashay burburkii ku habsaday guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaanna deegaanada u gaarka ah ee dagaalada sokeeye naafeeyeen.

 - Kadib markii wada-tashiyadaa laga soo ururiyey xog loo cuskan karo isbadal lagu sameeyo qaabka xidhiidhka iyo wadashaqeynta qurbajoogga iyo gudaha dhulka Soomaaliyeed (Homeland).

 - Kadib markii lagu qancay afkaarta ay soo jeediyeen qurbajoogga beesha oo ka kooban Odayaal, Dhallinyaro iyo Haweenka oo aad ugu midaysnaa in lagu tallaabsado dhismaha hoggaanka qurbajoogga oo wada-shaqeyn la bilaabi doona hoggaanada dhaqanka iyo siyaasadda ee beesha.

Waxa taariikhda 12/08/2012 qabsoomay shir ay ku kulmeen qurbajoogga beelweynta R.Nuur oo telefoon ah (Teleconference); halkaas oo lagu doortay guddiga ku meel gaadh ka ah ee Qurbajoogga Beelweynta R.Nuur oo si buuxda laysugu raacay – iyadoo madasha shirka lagu magacaabay Guddoomiyaha iyo laba Guddoomiye-ku-xigeen oo kala ah:-

1- Maxamad Cabdullaahi Xaaji Obsiiyeh – Guddoomiye –Riyadh – Saudi Arabia

2- Maxamad Cali Faarx – Guddoomiye Xigeenka 1aad – London –UK

3- Fatxiya Xaaji Cumar Kaahin – Guddoomiye Xigeenka 2aad – Toronto – Canada

Waxa kale oo laysku raacay in guddoomiyeyaasha guddiyada mandiqadaha Qurbajoogga beeshu ku kala nool yihiin ay noqdaan xubnaha guddiga sare ee Qurbajoogga.

 

 Wa bilaahi Towfiiq

Gudiga ku meel gaarka ee Qurbojoogta Beelwaynta Reer Nuur.

About these ads

Categories: Warka (News)

4 replies »

  1. ciid waanaagsan marka hore mar labaad waxaa shirarkan gooni goonida ah ka fiicnan laheed iyadoo samaroon oo dhan meel ka soo wada jeesto oo sidii guud ahaan wax loo qabsan lahaa laga shaqeeyo mida kale reer nuur waxan kula talin laha inay dila dhistaan dila wali way dunsantahay marka awoodina iskugu geeya dila oo dhisa , waxay noqon laheed magaalo kale oo samroon ku faano inta boorama kaliya lagu ururay ,, god bless my awdalstate

  2. Reer Nuur waxay ogaadeen in aanay wixii Awdal state lalahaa waxaba ka soconayn.

    Iyada oo dhanka kalana ay durba awdal state u kala jabtay J/yoonis iyo reer Nuur

    Markaa inay danahooda ka tashadaan reer nuur way ku haboonyihiin waayo haday danahooda gaarka ah gartaan uunbay ta guudna granayaan

    • XUSEIN!!!!AWDALSTATE CIID JOJIIN KARTA MA JIRTOO …MADAXDA AWDALSTATE REER NUUR BA UU BADAN MA GARATEEY E HADAD TIDHII AWDALSTATE WAXBA KA MA SOCONAYAAN DEE INIGA AYA OOG REER NUUROW!!!!??? MA HALKIINA AYEEY AWDALSTATE KA SOCOON WEYDEEY??????

  3. ciid mubaaric dhamaan beela weynta Samaroon, waxaan filayaa in baaqanu noqon doono kii Samaroon isku keeni lahaa waayo Reer Nuur waa liiderka Samaroon haday iyagu isku yimaadaan oo ay isku duubmaan inaguna way ina taageeri doonaan oo Samaroona way isku keeni doonaan markaa walaalahayo waxaan leenahay waxaan idiin rajaynaynaa midnimo iyo isku duubni tolkiina isku keena oo mideeya magaca Samaroon Aamiin

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: