By Geelle
Wadhaf News-August 16, 2012: Shan maalmood gudahood, haddan wax kale dhicin, Somalia laba waji midkood ayay yeelan doontaa. Amba waxay Muqdisho ka soo bixi war lagu diirsado oo xambaarsan hogaan cusub oo Somalia ka soo saara xabaashii siyaasadeed, amba waxaa ina hor iman wajigii naxdinta lahaa iyo hogaankii wayda ahaa oo shadh cusub soo xidhay oo Somalia ku sii adkayn doona qabrigii ay ku jirtay.
Marxalada kala guurka ee dalku galay waa mid ididiilo badan xambaarsan soomali dhamaanteedna rajo galisay. Waxaana muuqda dadaalo xoogle oo yoolkoodu yahay inay Somalia dib u dhalato dibna uugu soo noqoto maqaamkii ay kaga jirtay quruumaha dawliga ah ee horey sharafta uugu lahayd. Dadaaladaas waxaa hormood ka ah musharaxiin wadaniyiin ah oo gurmad uugu jira inay ummada iyo qaranka soomaliyeed u hiiliyaan.
Dhinaca kale, waxaa olalale siyaasadeed oo horornimo leh Muqdisho ka wada hogaankii hore ee DKMG sida labada Shariif iyo Ra’iisal Wasaare Gaas oo saddexdooduba musharaxiin ah. Waa hogaankii weyda ahaa ee soomali aragtay kartidooda maantana soomali ku leh waxbaan qabanaynaa. Madaxweynaha DKMG Mudane Shariif wixii awoodiisu gaadhsiisay waxba muu hagran. Intuu xilka hayay wax badan oo u qabsoomay waa jiraan balse in awoodiisa lagu barto iyo kartidiisu intay leegtahay daah ma saarna.
Waxaase nasiib daro ah xaqiiqooyinka qaarkood: Shariifku isagoo madaxweyne ah waa shaqsiga booqdey Ugaadha ee Madaarka loogu diray marwada madaxweyne Musaveni. Horey looma arag nin wadan madaxweyne ka ah oo ay soo dhawayso marwo aan xil ka hayn dalkeeda. Hogaan xumadiisa waxaa ka mid ah isagoon dareemin quudhsiga loola badheedhay iyo quudhsiga lagu sameeyay calanka Somalia iyo qaranka uu matalaayo. Musaveni ujeedadiisu waxay ahayd inuu Shariifka u sheego inuu yahay shaqsi aan u qalmi in wasiir, ama madaxweyne soo dhaweeyo. Ta arrintaa ka dhiidhiyi waayay ma u qalmaa inuu xilka qaranka soomaliyeed matalo? Jawaabtu waa maya.
Qadaris la’aantaa loo muujiyay Shariifka dawladiisa waxay ka turjumaysaa habka loola dhaqmo maanta dadka soomaliyeed iyo inayna jirin wax qiimo ah oo loo hayo madaxda DKMG. Sidaa awadeed, soomali waxay u baahantahay inay hogaanka dalka qabtaan dad soo celiya karaamadii iyo sharaftii soomali, aqoona kaga aarsada inta soomali quudhsata.
Dr Samatar: Mid ka mid ah Musharaxiinta loo hanweynyahay
Musharaxiinta maanta xilka madaxweyne u ordaysa waxaa ku jira rag aan la yasi Karin oo horay u gaadhay maqaam sare oo lagu qadariyo. Dadkaas waxaa ka mid ah aqoonyahano uu ka mid yahay Professor Axmad Ismaciil Samatar oo maanta gilgili kara dawladaha iyo hay’adaha sida badheedhka ah u yasa qaranka iyo ummada soomaliyeed, waana shaqsiga kaliya ee soomali ugu balan qaaday inuu ummadiisa mishaar la’aan ugu adeegi doono. Bal is ag dhiga aragtidaa iyo kooxda uu dul saaran yahay tuhunka ah inay lunsadeen hantidii ummada soomaliyeed ee macaluulaysa addunka ugu yaboohay.
Hantidaa ummada ee lagu soo eedeeyay inay lunsadeen wali si masuulnimo umay waajihin, waxay ka doorbideen inay waliba ku dhiiradaan inay laaluushaan xildhibaanada mustaqbalka Somalia gacanta ugu jirto oo la damacsan yahay in karaamadooda la ceebeeyo. Hogaano qaran hadday yihiin markay eedaymuhu soo baxeen way is casili lahaayeen balse ceeb uma arkaan iyagu eedaynta dul saaran.
Aduunka maanta waxa hogaamiyaa waa aqoonyahano fahmaya habka loo maareeyo hawl-dawladeedka iyo sharciyada xidhiidhka caalamka iyo xidhiidhka dawladaha u dhexeeya. DKMG iyo wixii ka horeeyay may lahayn, ma leh, mana yeelan karaan kartida lagu fahmo ee lagula dhaqmo dawladaha asaageen ah.
Cidna kama qarsoona in Somalia bohol siyaasadeed ku dhacday oo maanta ay maroodiyaal waaweyn u yihiin dawlado ay ka mid yihiin Ugaandha iyo Burundi oo markaan wax ahaan jirnay innagu aan macalamiin u ahayn.
Waxaan dhawaan akhriyay waraysi lala yeeshay sarkaal reer Ugaandha ah oo ka mid ah kuwa tababara ciidanka Somalia. Sarkaalkaasi wuxuu yidhi hadalkan naxdinta leh: “ Askarta soomalida waxaan barnaa sidii ay u jeclaanlahaayeen dalkooda oo ay wadaniyiin u noqon lahaayeen, una nici lahaayeen qabiilka”. Ilaahbaan idinku dhaarsheen bal hadalkaa u fiirsada. Askari shisheeye ah ayaa leh soomali ayaan barnaa siday dalkooda u jeclaadaan. Hadaan si kale u dhigno askari reer Ugaandha ah ayaa somalida baraaya siday Somali u noqon lahaayeen. Taas iyo marwada Museveni ee Shariifka soo dhawaysay soo mahaa sawir naxdin leh oo tusaale fiican u ah hogaanka maanta jire ee DKMG?
Soo noqoshada hogaanka noocaas ihi muxuu inoo soo wadaa? Waxba, waxba waxba. Waa cidladii oo shaadh cusub soo xidhanaysa.
Doorashada 20 August 2012 dhici doontaa, taariikhda ummada soomaliyeed laba baal midkood ayuunbay gali doontaa. Haddii hogaan xalaala, karti leh, aqoon leh, wadani dhab ah la doorto maalintaa waxaa lagu dhigi doona baal dahab ah, Somalia-na xabaashii siyaasada way ka soo bixi dibna waa loo dhalan, waa’ cusubna wuu baryi.
Haddise cidlada ina maamusha shaadh cusub soo xidhaan, waa habaarkii ina haystay oo hoog lagu daray, 20-ka August-na waxaa lagu qori baal taariikheed dhiig leh.
Ilaahow tan hore noo rumee.
Wadhaf News
Categories: Warka (News)


Gobolka Awdal Iyo Geesiga Axmad-Guray: Haybad Waxad Ku Leedahay Dalkaaga Hooyo
Gabilay Oo Fardo Kusoo Galbisay Geesi Samatar
Professor Samatar Oo Dhunkuday Ciidiisa Hooyo: Haybad Waxad Ku Leedahay Dhulkaaga Hooyo
Gobsanaa Haweenkayagu…!
Daawo Xaflad Baroor Diiq Ah Oo Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee London UK, U sameeyeen Dr Cumar Cusmaan Raabe(AUN).
Anba Waan Jeclaa Inaan Soo Dhakhsadee, Walaweyntiibaa Jidka Igu Xayiray: Welcome Dr Samatar To Your Fatherland Of Somaliland..!
Waar daroodkii soyka waraabaha qashaay
gadabuursina ciise ha qasho
Aamiin Aamiin Aamiin, Ilaahoow laba talaba tii roon, waa ciide
Thanks Wadhaf