Xildhibaanada Beelweynta Gadabuursi Goleyaasha Somaliland Kaga Jira Oo Afka Ka Furaystay Shar Iyo Khayrba Dhacdooyinka & Siyaasada Somaliland.

Wadhaf News-Aug 13, 2012 – Waxaa ka soo wareegtay imika muddo laba sanadood ah tan iyo markii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ee haysa talada dalka ay xukunka la wareegtay, waxaana intaas is bedbedalayay siyaasada iyo qorshaha xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

Xukuumada Siilaanyo waxay wax weyn ka bedeshay, waxyar kadib markii ay talada dalka la wareegtay,  qorshaha geedi socodka ee siyaasada arrimaha dibedda ee dalka lagu hago, waxayna banaysay in cidkasta oo ay danta laga dhex arko si toosa loola fadhiisan karo.

Xildhibaanada labada gole ee Somaliland oo ah dadka ay sida tooska ah u khusayso dhacdooyinka iyo siyaasada maalinlaha ah ee ka socota Somaliland ayaa mar walba ka hadla xaalad kasta oo la soo derista maamulka uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo marka laga reebo xildhibaanada labada gole ee laga soo doorto Gobolada galbeedka Somaliland.

Waxaa shalay shir jaraa’id qabtay 14 xildhibaan oo ka soo jeeda beesha Galbeedka Burco (Habar Yoonis) kuwaas oo si toos ah u cambaareeyay Wasiirka Wasaarada Macdanka iyo Biyaha Somaliland, kuna eedeeyay inuu ku kacay fal dhagareed qabyaaladaysan oo uu kala takoorayo kuna kala fadli yeelo beelaha Somaliland, iyagoo sheegay inuu si cad beesha uu ka soo jeedo ee Habar Jeclo uu uga  u  faa’ideeyay mashaariicda dhaqaalihii mucaawinada ahaa ee laga helay dawladaha caalamka boqolkiiba sadex iyo konton.

Sidoo kale waxaa iyaduna jirtay dhacdo kale oo foolxun oo ka soo yeedhay oday dhaqmeedyo ka soo jeeda qaar ka mida beelaha Somaliland ee deegaanka Hargeysa oo sheegay inaanay Caasimada dalka ee Hargeyda iska soo sharixi Karin Cid aan dhalasho ahaan ka see jeedin deegaanka.

Labadaa jawaabood ee xildhibaanada beesha  Habar Yoonis ka bixiyeen oo meesha leeg, waxay ku haboonayd  inay ka soo yeedhaan xildhibaanada hurda ee Gadabuursi oo waajibkoodii ka seexday waana xildhibaanada qudha ee joogitaankooda Hargaysa yahay mid bilaa faa’ida ah. Danta guud ee Somaliland inay uga gabadaan sidii gashaantimo xishoonaaya taniyo intii Somaliland la aas-aasay waa  mid muujinaysa inayna la jaanqaadi karayn qaabka loo furdaamiyo siyaasada Somaliland. Tusaale ahaan xildhibaanada Gadabuursi waxaa dhamaantood ka wada miisaan weyn kana karaamo badan Fu’aad Aadan Cadde oo la xasuusan yahay hadalkiisii taariikhiga ahaa ee uu kaga faalooday siyaasada Somaliland iyo hab-dhaqanka beelaysan ee beelaha dhexe caadaysteen.

Waxaa iyaduna xusid mudan in salaadiinta Somaliland ay si toosa iyo si dadbanba isku bedeleen siyaasiyiin iyagoo ka hadlaya dhacdo kasta oo la soo derista maamulka madaxweyne Siilaanyo, tusaale ahaan warshada sibidhka ee Berbera oo ah mid dheefteedu ka wada dhaxayso dhamaan dadka reer Somaliland ay salaadiinta qaarkood isu tuseen inay iyaga si gaar ah u khusyso.

Dhacdooyinkaas waxay muujinayaan in siyaasada Somaliland tahay mid beelaysan hogaankana ay u hayaan madaxdhaqameedyada beesha dhaxe. Danta guud ee dawladeed waxay noqatay mid lagu maareeyo qaab beeleed,  sida maamulka wasaaradihii waaweynaa oo gacanta ugu jira reer qudha.

Gobolada Galbeedka Somaliland waxay noqdeen qaar aan cidna u maqnayn siyaasiinta kaga jira labada golena ka seexdeen ama indhaha ka qabsadeen ficilada iyo siyaasiinta beelaysan ee dhaqanka u noqotay Somaliland. Xildhibaanada  metela gobolada galbeedka Somaliland waxay noqdeen niman ummadoodii ku qanciya in nidaam dawladeed dalka lagu hago iyagoo ogsoon in ilihii dhaqaale ee dalka iyo macaawinooyinka dalka soo gaadha lagu maareeyo loona qaybsado qaab beelaysan loona xidhay dad gaara.

Intaa waxaa dheer madaxdhaqameedyada beesha dhexe oo iyagu caadaystay inay sifooyin badheedh ah ay ka soo yeedho. Waxaan la soconaa in madaxdhaqameedyadaasi ay dhawaan siyaasadeeyeen socdaalkii Madaxweyne ku xigeenku ku tagay dhulka abaaruhu waxyeeleeyeen iyagoo u arkay in Saylici socdaal ku tagay dhul Gadabuursi ku sheeganaayo Sacad Muuse.  Arrintaasi waxay markhaati ka tahay damaca qaawan ee Beesha sacad Muuse ee dhul-balaadhsiga  ku salaysan. Nasiib daro dhulkaas ay sheeganayaan Sacad Muuse waa arrin ay ku taageersan yihiin walaalahooga beesha dhexe oon waxba kala socon xaqiiqada dhulkaas ku saabsan. Siyaasiinta Gadabuursi damacaa soo noqnoqonaaya weli kama hadal marka laga reebo Marxuun Cabdi Xasan Buuni oo si cad uga hadlay dhulkaas isagoo barigaa hoosta ka xariiqay in dhulkaas Sacad Muuse ku doodaayo isaga laga soo doortay lixdankii.

Gabagabadii, siyaasada Somaliland ee qaab beeleedku hagayso iyo dareen la’aanta siyaasiinta Gadabuursi waxay keeni doontaa, haddii si degdeg ah wax looga bedeliwaayo, in jiritaankii iyo wada jirkii lagu tuhmaayay Somaliland meesha ka bixi doonto.  Lama mooga qaabka arrimaha Bariga loo maaraynaayo ee ka duwan qaab dawladeedka. Lama mooga in ilihii dhaqaale iyo dantii guud waddo qudha maraan. Lama mooga xildhibaano ku sheega xishoodka ama doqoniimada la hagoogan ee gabay dadkoodii. Lama mooga in ilaha dhaqaale ee Awdal & Salal yihiin kuwa qudha ee dadkoodii gacanta ugu jirin. Lama mooga damacyada daandaasiga huwan ee hoosta ka socda.

Xaqiiqooyinkaasi  waxay khasab ka dhigayaan in dadweynuhu dib u xisaabtamaan danahooga iyo aayahoogana guntiga u gaabsadeen lana soo afjaro aamuska nacasnimada leh.

Wadhaf News

 

About these ads

Categories: Warka (News)

41 replies »

  1. saaka ayaan booqday websiteska awdal qaar, kuwa wadaniyiinta waxay qoreen wax u dana beelwaynta awdal oo ah baarujin, halka website yada qaarna qoreen anaga reer hebela halkan ayan degnaa iyo anaga badan. goloyasha deegaanka anagaa ayaa sidan ah. iyo dad uu hadalo xaqiraada ku durayo.
    markaa wakaas garaadka gadabuursi halka uu kala joogo.
    ilahay u gargaar dhmaantood..

  2. Kan qorey maqaalkan waxaan u malayn inuu yahay nin ka xun horumarka ay gaadhay beesha Direed ee reer Somaliland waa Isaaq + Samaroon + Ciise iyo inta la dagan ee reeraha kale ee aan ahayn Dir,Reer Wadhafoow is dejiya maxay samayn lahaayeen xilibaanada reer Awdal ha iska barjeeyaan maxaa ka qaylisiinaaya….? Intii dagaalkii Ceelbardaale socday ee ay beeshu is dilaysayba sawkuwii iska barjaynaayay maanta oo nabad ah maxaa keenay inaad ka dalbato waali iyo wajaqo xayraan,Adeer xilibaanada daa ha qoboojiyaan lafaha ninkastaaba waxuu dhistay daar dheer oo cad,Xilibaankastaa waxuu isla helay,Gabadh Cad,Guri Cad iyo Gaadhi Cad.

    Waligaaba qayli oo balaayo ilaahay ka doon ninkanoow adeer colaada iyo nabaduba anagaa hayna bas cid kale ma hadli karto,Waa Reer Nuur cishadaan qayilayno ee ay Mooya saxaha iyo Hawadaaygu ma horyaalo ee dhulku nabadyahay waad ku qasbantihiin all Samaroon inaad idinkuna iska barjaysaan,Cishadaan kacsanahay ee la isku dhaco suga anagaa siidhiga inii hayna wax colaad ahi hada ma jirto ee dhulku waa nabad,nabad,nabad ni more xayraanimo iyo Du’aad Aaden Cade oo aan haadba haysan inaad hadalkiisa uu ini raadeeyo Somaliland ha noolaato waa bilo Rabadaane.

    • SAX!!!DARBI SAMAROON!!AFARTA CISHOO EE RAAGIINA’BAGAYLEH” WA REER NUUR!!!XARAGA WALII ”SNM”KA SIBIIN DEE WA NABAAD SO MAHIIN…WAXASI BILA DAMIIR AYAN UU ARGA..AFAR CISHOO RAAGINI IYO WIILASHIINA LA QAWRICIIN DEE WA NABAAD SO MAHIIN!!!WA TA HADA CIIDI SO SOCOTA HADA AYA 4 REER NUURA LA QAWRACAYA ILEYN WA WANKII CIIDA!!TOLOOW WA CIIDEY???MA ARAFO MISE SOON AYA 4 REER NUURA LA BIREYNAYA

  3. Asalaamu calaykum.Khawaatimul mubaarakah.
    waar nimanyahow ninka qoray qormadani runta ayuu sheegay, ilaahay ha badiyo kuwa la mid ka ah(qoraaga), nimankani ku jira baarlmaanku waa niman fujo tagay (xamaal tegay) waa niman lagu khasaarey, waa niman aanan garanayn waxa ay shaqadoodu tahay waana bilaa hadaf,wixii loo doortay waxa uu ahaa ii dheh ama ii hadal ,laakiin waxaad moodaa in afka la qabtay oo ay ka soomeen hadalka . waa xildhibaanada aan war iyo wacaal toona u hayn dadkii soo doortay, wali ayaa arkay ama maqlay mid ka mid ah oo ka hadalya ama booqasho ku tagay dhulkaas ama dadkaas abaaruhu aafeeyeen, wali lama arag lamana maqal. kuwaas waxaaan filyaa in ayna taariikhdu u dambi dhaafi doonin.

  4. Maxay odhan lahaayeen tol la’aan baa Aamusiisee,kuwii la gawracayba Ee tol u hiisha waayay way og-yihiine.

  5. Oodweynenews maanta far Gadabursigii uu qoray Aw Cabdi Qaadi nuur ayuu aad uga sheekaynaya page-na u sameeyee la socda.

  6. DARBI SAMAROON

    Horta sxbow maxaad ka sheekaysa ma fahmoo u jeedka qraalkaaga adiga waayo mar walba waxaad tahay NEGETIVE oo meesha laga hadalyo intaad ka baxdo ayaad gashaa wax kale oo aan loo jeeedin, waxaad tahay nooca loo yaqaan Comment ku dirir, awal waxaan naqaanay fadhi ku dirire, sxbow dhibta jirta ee uu qoraagu ka hadlay waa runtii waana in xildhibaanada Samaroon lagu sameeyaa Refresh wax loo yaqaan waayo may noqon kuwa guta waajibaadkii loo doortay,

    Qoraaga maqaalka ee wadhafnews.com hanbalyo halyeybaa tahay ee bartaa ka sii wad wacyigalintaada.

  7. Mustafe Asxaabi

    Horta ma ogtahay in Reer Nuur iyo Jibriir Abokor yihiin dad walaalo ah oo la isku dhifto markas,Ma ogthaya in oodi abka dhawdahay oo ay wanagsantahay inaad wanajiso jaarkaaga oo aad dhibtaada ka dhawrto.Maanta maxuu ka doonayaa ninkan qorey maqaalkan in ay xilibaanada Reer Awdal uu ka dalbanaayo inay qaylyaan oo ay dawladooda Somaliland oo cadwyo badani hareeraha ku hayaan dagaal ayuu ku leeyahay aamusnaantu idiin ma fiicna anuu waan fahmayaa waxuu u jeedo sababtoo ah in yar hadii la arko heshiis ka dhex socda iyo saan saan nabadeed oo ka dhex socota Reer Nuur iyo Sacad Muuse qaar Samaroonka galbeed ayaa hargab ku dhacaa haday dareemaan in uu soo socdo is fahan labadaa reer ee adigu sxb waxba ma fahmaysid ee la qabso bahsha.

    Adigu ninyahow waxba ka garan maysid dhaqanka reer Borama waa mid laga ashahaato intooy il isku qabtaan ayay kuu sululixinayaan baqali ma dhsho wax dhalan ma ogola markaa Samaroonkan galbeedka aniga igu daa,Anaa fahmaaya Fartooda waa munaafaqad miidhan dadkan waxaa la yidhaa ” Cawaro ONZE ‘ ” ama Cawaro 11 ” Adigu waxaad tahay Reer Nuurka aan kala aqoon cadawgooda iyo sadiiqiisa.

    Asxaabi cadawgaaga waligaa marqudha iska jir sadiiqaagana 1000 jeer iska jir, waana talo tolnimo hadii ay ku anfacayso.

    Ninka maqaalkan qorey waligii danta Samaroon kama hadlin intii dhibtu jirtay ha ahaato dagaaladii sokeeye ee Dila lagu gubay ama dagaalkii Ceelbardaale iyo xiisadihii kalaaftay naf iyo maalba reer Somaliland wuu iska barjaynaayay waxuu ku luuqaynaayay Reer Xareed iyo Reer Nuur baa is dilaaya aydoo Sacad Muuse oo dhan uu Ceelbardaale Qurbajoog iyo Qodaal joogba ay balfinayaan Colaad ayuu ninkan makhadada dheeraysanaayay oo ay nagu wiirsanaayeen sxb.

    Maanta oo aan heshiinay maxaa keenay ilmada Yaxaaska waxuu ka xunyahay in ay nabad waarta gaadhaan Jibriir Abokor iyo Reer Nuur waa dhimashada Samaroonka galbeedka taana waxaan ku sameeyay baadhis dheer.

  8. Toloow Darbi maxaa ku dhacay,?, sxb markaynu Geela horayno gorayo hees ha u qaadin. Siday aniga ila tahay, mawduucani waa mid guud oo dan guud ka hadlaya.

    Qaraaguna aad buu ugu saxan yahayn inuu si guud u dareensiiyo dadka reer Awdal in masuuliyiintooda ay soo doorteen (Xildhibaano) yihiin kuwa ugu liita ee Ummadda halkaas dhigay.

    Golaha xildhibaanadu waa golaha kaliya ee Soomaliland lagu soo doortay qabiil iyo qooys, isla markaana ugu xaq leh inay ku hadlaan magaca qabiilooyinkii soo doortay. Hadday iyagu aamusaan, reerkoodii way gabeen.

    Anigu waxaban talo kusoo jeedin lahaa in golaha xildhaanada Awdal gabigoodaba la laalo,oo la daadiyo. Dabadeedna lagu badalo golaha oday dhaqmeedka Awdal. Oday dhaqmeedka halla soo doorto, hana lagu siiyo Mushaharo inay ku hadlaan afka Ummadda.

  9. Aliyo Nabiyo rasuul,Waan baahanay looma bahalo cuno ,Ilaahow hana gayn meeshan Somalia ee Waraabaha lagu qalanaayo,la karsanaayo ee la cunaayo ,Taasi ayay Samaroona ku waasheen oo ay habeen iyo dharaarba ku hadaaqayaan Somalia ayaan tagaynaa meel Cali Dhareere diirka lagaga saaraayo oo la isku casuumaayo anagay na cuni kuwani,Samaroona ayagoo haysta wadan sharaf Somaliland leh oo ay deganyihiin dad sharaf leh oo wax kasta cunin oo afkoodu ka xaragoodo bahalaha ayay tolkay ku washeen meel waraabaha lagu cuno.Somaliland alloow dhawr waa baryo ciideed.

  10. Darbiyoow,

    Kuwaa waraabaha qalanaya iyo sacadkan samaroonka qashaa waxba isma dhamaano waa dameer iyo labadiisii dhagood…

  11. Habooney ma Darbi ayaad dhufays ka dhiganaysa ood doonaysa inuu ku difaaco,way ka daaleenoo nabad qaateene waa markaagii car bal waakaase ku dhac kkkkk.

  12. Godan,

    “Gudinyahay imaad goyseen hadaan gobolkay kugu jirin”

    Hadaan godan wax badan u lisin heehee……..gadabuursi lama gawraceen…

  13. darbi reernuur
    darbiga samaroon ma tahid waxaanad ahayn ha sheegan
    hadaad jibril abokor aad wada dhalateen maxaay kuu gasaaraan
    qalbi hindi
    reer booramana baraf ka liq oo waliba biyi qabaw iskaga shub halka kaa bal balaysa
    caku ciil badanaa hadaad heshiisaan sacad muuse iyo haday hadhuudhka kugu tuntaan waa hoowl kuu taal
    kama xumin in aad is abti yeysataan waa si wanaagsan laakiin bari uun haka soo ooyin cawarxareed iyo intii dadqalato ahayd eed dhasheen
    reer booramana adigay tol nimo kuugu hiiliyaan ee dadkan aad sheegayso dooxna biyo kuma wadacabaan hadaad idinku hishiisaan anana waan la heshiinay dhib aanad adigu ku qabin kuma qabno
    maqaalkan aad dacarta ka qaaday wax dhib ah ma sheegin ragii la doortay ee qabiilkastaba leh ee hargaysa casiirka ku caba ayaa la xasuusinayaa in dadkii doortay iyo dalkii laga doortayna sigayaan
    M.SHARIIF
    intaa waad igala balaadhanayd laakiin ninba kaskii ayuu kaadi tagaa qoraalkaagana waa aqoontaa ood hada shay
    maalin horena waxaan arkay qoraalkan ka sii liita ood lahayd siiraanyaa geedahii dila hoos fadhiistay daahirna wuu na dhaafi jiray

  14. Hoodo

    Walaal aad baan kuu salaamayaa,Aniga iyo reerka aan ka Dhashay ee Reer Nuur waad ogtahay in aanu magacu been u bixin ee ay Habeen iyo dharaar adiga gaadh kaa hayaan,Ha ahaado gaadh siyaasadeed iyo mid Juquraafiba heegan baan u ahay in aan cadaw waligaa kusoo dul marin aniga oo nool,Huuno habeenkii Borama waadiga nabad iyo caano ku seexda,hadii aanan jirina bari hore ayaad akhrisan lahayd faataxada lkn waxaad ku degantahay ee aad isku halaynaysaa waa aniga oo ah DARBISAMAROON ( Reer Nuur Bari ) .

    Princess Godan

    Iska dhaaf tan yar ee Haboon K.k.k.k waxay ku fiicnayd inay adiga oo Ugaaso ah kuu qaado Daladda oo ay marka cadceed kulaylka ee aad meelahaasi u tamashle tagayso waxay ku fiicantahay inay noqoto jaariyadaada garka oo ay kabaha iyo dalladda ka adkaato xataa diqsiga kaa celiso cidiyahana kaa gurto waad u qalantaa inay kuu khadaanto yartaasiye waa mustaqbalkaagiiye haka cadhaysiin ayaan ku odhan lahaa.

    Xayawaan Xayawaan cunaaya, ha daawan hadii aad ka yartahay 18 jir ama aad calool jilicsantahay ama aad ku jirtoba waqti habeenimo ah.

  15. Cali Durkiye Ciise Waraabe

    Ciid Wanaagsan sxb Waraabuhu waxa ka yar yar ayuu cunaa Libaaxuna waxa ka waaweyn ayuu cunaa,Markaa sababta Ciise Waraabe la idiinku bixiyay maxay tahay…?.

    Naftaada oo aad difaacdaa way haboontahay waana sharaf heer sare ah,Waxaan ka yaabay Sac Libaax dhan eryanaaya oo Samaroon ma sacaasi ayuu ka liitaa….?

  16. Waad salaamantihiin all.in bil ka badan is maynu xaal waraysan.Inkastoo wali lagu jiro Ramadan waa in la iska ilaaliyaa hadalada qaar.Back to Darbi”In my entire life” waligay ma arag gabadh Maxad Case ah oo Jaariyad u ah Reer Kale,taasi waa taas.Hiildan,waxa aan 100% ku raacsanahay in oday dhaqameedka Awdal ay dadkeena matalaan.Oo waliba Oday dhaqameed”Separate” ah ay doortaan kuwa Hargeisa jooga,loona sinaado mucaawimooyinka Somaliland.PS:Laakiin raali kama nihin tuugta u dhuumata Somalia ama hoosta ka jecel oo meesha ay ku hamoonayaanba ay tahay hoyga Ciidamo shisheeye.Mida kale waxa aan halkan ku akhrisaney”National Post” oo aad looga akhristo Canada.Somalia waxa sii jiitamaya colaadaha ay isku qabaan sanado badan oo soo socda even hadii la baabiiyo’Alshabaab”.Ninka Reer Awdal,yaa u diidey in uu hadlo.Jawaabtu waa ‘No One’.Dastuurka Somaliland ma waxa ku qoran ”Gadaguursi ma hadli karo oo dantiisa kama hadli karo”.Hell no kuma qorna.

  17. Waxa kale oo aan la yaabey,mar alaale marka”Lughaya Port” bilaabanto hawsheeda,Reer Gadaguursiga ka midaa kaa odhanaya”Shirka Samaroon uma dhama,Oday hebel baa maqan,Sacad Muusaa dhul la isku haystaa”.Dude! waan tagnaa wadankii,hadii Sacad Muuse shiro dee wuu kaa baqanayaa Why worry!.Laakiin tuugta nin iyo naagba leh kama yeelayno Somalia ayaan tagayaa.Well waad tagi kartaa laakiin F16 kaga talow Beelaha dhexe.Gadaguursi waa Somaliland,inta qurbaha joogtana”Unknown Disease” ama Isaaq naceyb baa haya.Anuu as A Tallman ma arko waxa aad ka qaylinaysaan.Hadii aan Isaaq necbaano dee iyagana baruur iyo subag kuma siinayaan,hadii aad taqaanid sida waxaaga gooni loogu soo ceshadana dee yaa kaa hortaagan!Waxa aan tagey Djibouti biloowgii Ramadanta,waxa aan ku soo arkayna waxa aan ku soo sheegi doonaa marka aan soo afuro,taraawiixdana soo tukado.Dadkan qurbaha ka qaylinayana waxa aan u sheegayaa in ay Awdal iyo Djiboutiba ay tagaan ama lagu aaso xabaal gaal bakhtiyey oo ku taala Norway,England,Germany,USA ETC.

  18. Darbiyoow godan wax ayna africa ka hesheen ayay ka helaysa europe ee tag ku dheh meelaha dadka nooceeda ah lagu hayo haday xanaano u baahan tahay….

  19. Haboon maantaad u darayd ma anaad waali igu sheegaysaa kkkkk,huuno aniga ilaaliya sooyaalkiina taariikheed ee dhaxalgalka ah meel kastana ku qora walee anaa inuugu fayow,gal Oodweyne news maanta iyo sidaan u xidh xidhay cid walba.mida kale boqorad waan ahay de sow tafiirtii boqorkii Ugaas Nuur ma ihi idinkaase garan la inaad igu faantaan waana taan idin barayo.

  20. Haboon

    Ciid wanagsan ina adeer adiga iyo dhamaan bahda hiildan.com ilaahay sanadkaasi sanadkiisa kale iyo kuwa soo socda dhamanteenba ha inagu gaadhiisyo caafimaadqab iyo barwaaqadaasi aan ku jiro.

    Princess Godan Habooneey waa ina adeertaa oo ah laxm wa damkaaga Samaroon,Waana boqoradeenii oo waxay kasoo jeedaa familka boqortooyo ee Reer Ugaas ,markaas waad ku qasbantahay ina adeertaa oo boqorad ah inaad cidiyaha u xamuuradayso oo aad timaha u feedho toobkeeda dheerna ee daba jiidanaayana aad kor dhulka uga yara hayso K.k.k.k kadib markay kursi dahab ka samaysan ay ku dulfadhiisatona waad balfiso adiga iyo qaar badan oo ah gabadhaha Samaroonka ugu quruxbadan oo xul ah adigu madax u tahayna waxaad noqondoontaan dadka u adeegi doona Boqoradeena Ugaaso Godan allaha daayee hawshaasi waa mid soo dhaw ee is diyari Huuno.

  21. Vous me faites rire quand j’ai vu que Ugaaso, a écrit son article sur les e propre homeworkfictitious gadagursi daynasty.At au demandez à quelqu’un d’autre à faire que vous l’homework.What un gros mensonge!

  22. Asalaamu calaykum.
    Ciid wanaagan dhamaan dadka muslimka ah meel kasta oo ay joogaan, waxaan dhamaantiin inii rajaynayaa in aad noqotaan kuwa qaatay jaaizada eebe ee ah dambi dhaaf iyo naarta oo laga xoreeyo.; ilaahayna ha ka dul qaado dadyawga islaamka ah ee dhiban sida FALASTIIN iyo SUURIYA dhibta.

  23. Omar, amiin huuno

    Ciid Wanaagsan dhamaan, kulu caam wa antum bil khayr…

    Godan, Vivaa Taariikhdii Ugas Nuur Ugaas Rooble…

    Halkaa ka akhriso Taariikhda inta kaa maqan p.294
    in kalena waan ku raadine ok

    http://books.google.nl/books?id=ZJLCZT7MW08C&printsec=frontcover&hl=nl&source=gbs_ge_summary_r&cad=0#v=onepage&q&f=false

  24. Darbiyoow waa inoo ciida dabadeed, markaa iska kay celi ok…

  25. Godan, dee nacas baa tahay, ana waxaan raba inaan buugag ku soo ururiyo adna xaafado kale ayaa taariikhdii uu la oroday…

  26. Islaantan xunee Shukri la baxdey haygu waalan huuno.Viva Somaliland adoo kalana xabsi daa”in baan kugu xukumi lahaa! ma aragteen sida ay u buunbuuninayaan Harowo xisbiga Ucid.Lol farciskayga ha ku mashquuline isaga guur Somaliland hadii aanad dooneyn merde!.

    • kkkkkkkkkkkkk!!!!!!!!!!!!!TALLMAN AMBA TALISMAN!!MIYAD IGA CADHOTEEY!!!DEE WAX KALE KUMANA ODHAAN EE ”FRANSISKAGA”YARA HAGAJI….HORTA TALMAN MA OOGTAHAY INAAN ANIGU ADIGA KA YARA AHAY………????WAX ”SOMALALILAND”LA YIDHADO IS OVER MA JIRTOO …SOMALIA IS BACK WELCOME BACK RIYOLAND!!!KKKKKK21 YEARS AYAD ICTIRAF IYO WAX SOMALILAND LA YIDHADO ISKU WAREERISEEYN EE MAANTA WA DHAMATEEY ”FIN DU FILM EEEEEEEEND.VIVA SOMALIAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAA

  27. La sorcière la plus méchante vieille est une femme qui gardent insulté un jeune homme intelligent comme Tallman.

    • KKKKKKKKKKK!!TU PARLES DE QUOI ET DE QUI?????CORRIGE TON VOCABULAIRE TON GRAMMAIRE!!!!!ET TON ORTHOGRAPHE PETIT TALMAN……………………YARA HAGAJI AF FRANSISKAGA CIID KU FAHMAYSA MA JIRTOO…….WAUW!!!HA ILA YABIIN WA SAMAROONKI AQOONTA IYO ILBAXNIMADA KU TAKHASUUSEY MASHA ALLAH…

  28. darbi ayaa hadalkiiba dhameeyay kkkkk,huuno waxaan soo raadin buraanbur gabadh reer ugaasi tirisay wakhtigay ugaasyadu talin jireen oo nin qabay ku yidhi waan ku dhirbaaxi uguna hanjabayso waxa ka raaci doona haduu ina ugaas dhirbaaxo,ciidda dabadeed ayaan soo bandhigi qosalkaa idinka dhamaan siday iskula waynayd iyo waliba buraanbur ayayday tirisay markii la boqray cali bucul kulana yaaban tahay reerka boqornimada sheegtay een reer ugaas ahayn.Waa inoo bacdal ciid ciid mubaarak dhamaantiin akhyaarta hiildan.

  29. Buste aanad lahayn dhaxan kaama celiyo,Qofka ay hooyadii wax bariweydo waqtigaa wax bara oo edeb u yela.

  30. Ciid wanaagsan dhamaan tiin is jiid jiidad kana iska ilaaliyoo farxada inoo wadoo waraabana inoo qala.

  31. Salaan sare dhamaan,

    Dhurwaaga dadka uu u gowracanyahay film aa iiga shidmay hahaha!. Ma reeer koradaa mise waa reer koofur?. Waaa maagaye ma masareey liqday gah gah gah!.

  32. Shukri ,Canada waxa lagaga hadlaa ”English” 2bilood oo aan joogay ”Quebec” ayaan ku yara xarxariiqayey halkan.Again xitaa Canadianka ma yaqaanaan French,ask Mr.Ma Runbaa,laakiin adiga kama ilbaxaysid la tirsiga dadka aad dhali karto!I feel sorry for you Eddo.

  33. hiildan
    ilaa ceerigaabo iyo burcaba iska sharax cidna kuu diidi maysee

    mida kale gabilay baan iska sharaxa ku idhi oo cidna kuu diidine oo wax nala qabso oo aad diidee hargaysa maxad ku fasheen aaway samaroonkii gabilay 21 xildhibaan ee hada golaha deegaan midh ma ku leedahay war qiiq isku qarinta iska daa xitaa suldaankii ka fac ilaa abuurankii ka talin jiray baa ka guuray cid kale iska daaye oo hargaysa iyo borama ka dhex dhamaan la gabiley maanta hadaan cid wax uga ogalaan lahaana ahmed samatar oo ilaa waligii idhaah waa magaaladii aan ku dhashay oo waa deegaankayga uun baan wax uga ogalaan laahaa intiinan hargaysa ku xiiqday dee oodo dhamacmeed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: