Miss Clinton: “Ra’iisal Wasaaraha Somalia wuxuu noqon doonaa reer Somaliland”
Wadhaf News-Aug.12, 2012( Muqdisho): Warar aanu ka helnay ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanku, Hillary Clinton ay isku afgarteen in haddii Shariifku noqdo Madaxweyne uu magacaabo Ra’iisal-wasaare ka soo jeeda Waqooyiga Somalia. Wararkan ayaa tibaaxaya in Sheekh Shariif arrintaas soo dhaweeyay. Dadka qaarkood waxay sheegayaan in Arrintaa lafteeda horey ay iskula soo qaadeen Madaxweynaha Somaliland iyo Sheekh Shariif markay ku kulmeen Dubai.
Ilawareedyadan oo ku dhowdhow madaxtooyada Somalia ayaa intaa ku daray in Silaanyo doorbidaayo in jagada Ra’isal Wasaaraha la siiyo Dr. Maxamuud Cabdullahi Jaamac Sifir oo hadda ah wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya oo ay isku hayb yihiin Silaanyo. Sidoo kale Sheekh Shariif ayay wararku sheegayaan inuu isha ku hayo Prof. Axmad Ismaciil Samatar oo dadka qaarkood sheegayaan inuu samcad weyn ku leeyahay bulshada caalamka gaar ahaan deeq bixiyeyaasha lana sheegayo inuu taageero weyn ka haysto bahda aqoonyahanada soomaliyeed iyo hay’adaha calamka oo danaynaaya inuu shaqsi aqoonyahani hogaanka sare qabto, waxaana la ogyahay professorku inuu u sharaxan yahay jagada Madaxweynenimada isagoo matalaaya xisbiga Hiil-Qaran.
Si kastaba ha ahaatee, warkan sheegaya in Wasiirka koowaad ee Soomaaliya uu ka yimaado dhanka Waqooyiga ayaa loo macnaystay inuu ka mid yahay dadaalo socda oo isku soo dhawaynaaya Somaliland iyo Somalia isla markaana fududaynaaya wadahadaladii horay u bilaabmay. Si kastaba ha ahaatee, siyaasiyiin badan oo Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Somalia Abdurazak Xaaji Xuseen ayaa dhowr jeer ka dhawaajiyay in la soo gaadhay wakhtigii jagooyinka ugu sareeya ee dalka laga fogayn lahaa beelihii horey loogu bartay sida Darood iyo Hawiye, sida ku cad maqaalo Cabdirazak Xaaji Xuseen la wadaagay saxaafada bishii hore.
WadhafNews
Categories: Warka (News)

Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)
Siilaanyo waa Asaasaq qabyaaladi indho-tirtay,muu habar-awalba yiraahdo intuu Nin jufadiisa ah wato
Naado war xagay ku dambaysay Dowladi DhalinHababis?. Hillery Clinton ayaaba landhuu waqoyi laga keenay soo wado kkkkkk. War adunyadu ileen dad aan loogu tegin mamulkeega ayaa jira!.
Hillery Clinton Vs DhalinHababis kkkkkk
Yarsug doorashada ha laysla gaadhee, somaliya haduun bay did ugu noqotay qudhin kii qabiil ee ugu darnaa. Doorashadan waxa ka danbeeye waa suurta gal in xitaa dabar gayn qabiil layskula kaco sobob too ah wax dadku 21 sano ka hor ka xishoon jireen baa hada noqday wax lagu faano. Suldaanadu si hoose ayay qabiilkooda ula hadli jireen ceebna way ahaan jirtay in anakoo reer hebela kursigaas baan u sharaxanahay la yidhaa. Magac guud baa lagu qarin jiray balse hada nacas nimadii baa wax lagu faano noqotay. Ilaahow ugaadhan cid u aqli celisa usoo dir.
Anagu ma ogolin in qof reer Somaliland ahi meeshaasi isku khasaysiiyo,Ha ahaado nin ama dumar idinku isku tashada oo Madaxweynuhu ha noqdo Hawiye HabarGidir oo ka ah Sacad,Risal wasaaruhuna ha noqdo Majeerteen Cumar Maxamuud,Risal Parlamankuna ha noqdo Raxanweyn ka Digil,Wasiirada tayada lehna hala siiyo beesha Dirta Koonfurees Surre,Qubays,Boyo Maal, FiqiMaxamed iyo dhaan beelaha Dirta Koonfureed waa inay qaataan saamigii ay lahaayeen Dirta Woqooyi sida Samaroon,Ciise iyo Isaaq xaqayagii waa in la siiyo walaalahayag Dirta Koonfurees ,Somaliland waa la ictiraafayaa qof reer Somaliland ah hadii aan ka arko shaxda masuuliinta Somalia nama matalo.
Professor Asmed Ismaciil Samatar waa inuu noqdaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia.
Raisul wasaarena halaga dhigo Farmaajo ama Baadiyo.