Aug 5, 2012 Hargeysa(cadceed) – waxaa markay bishu ahayd 03-08-2012 lagu qabtay magaalada hargaysa fund raising, fundraisinkaas ooy qabteen ururka ARDAA, ee wadanka gudihiisa ku sugan, lacag ururintaas oo ahayd lacagihii lagu dhisi lahaa dekada lughaya, halkaas ooy ururku ugu samayeen dadka kulankaas ka soo qaybgalaayey AFUR, aad u fiican afurkii ka bacdi ayaa halkaasi waxaa ka hadlay madaxwayne ku xigeenka somali land ENG .Cabdiraxmaan Saylici, halkaas oo uu kaga hadlay hadalo dadka aad u soo jiita dhiirigaliyeyna dadkii meesha isugu yimid, dadkaas oo ka koobnaa dad aad u shrafbadnaa, waxa kale oo uu madaxwaynuhu ka hadlay in dawladan maanta jirtaa inay tahay dawlad qofkaste oo horumarwadaa inay qaybtooda aay ka qaadanayaan .
gabagabadii madaxwaynuhu waxuu dadka ku goobaabiyey in aay ka qaybgalaan qaadhaan ururinta fiican ee caawa halkan ka socdaa, dabadeed waxaa hadalka qaatay SAID ABDI GAAGAALE. halkaas oo uu ururku sidii uu udhismay iyo sababaha loo abuuray aad uga waramay dadka dareen siiyay in dakad la dhisan karo, waxa kale oo halkaas ka hadashay Amina Elmi Fariid oo ka mida ah madaxda ardaa ee boorame iyadna hadal ka jeedisay hadal aad loogu farxay tirina meelkaste oo waxlaga ururiya waxaa wax qabta haweenka halkaas oo sacab aada loo garaacay, dabadeen halkaas waxaa hadalka jeediyay Rashiid Cabdi Bakaal oo ka mid ah gudida ARDAA ee canada khaas ahaan magaalada OTTAWA ahna xubnaha aadka u firfircoon, isna halkaas ayuu hadal ka jeediyay hadalkaas oo uu runta ka hadlay yirina wakhtigii calaacalku wuu dhamaaday, waxaa la joogaa wakhtigii wax la qabsan lahaa waxa kale oo uu ka hadlay sida dekada dhismaheedu uu u hawl fududyahay dadkuna aad ayey ugu khashuuceen aadna way u soo dhaweeyeen, dabadeen waxa hadalkii la wareegay sh.OMER oo halkaas ka jeediyay hadalo u badnaa baraarujin aad u fiicnaa dadkana janada wada agdhigay oo dadka qalbigoogii aad uga oo yiyay, lana arkaayey dad ilmadu aay ka daadanaysayba halkuusuu uu ka bilaabay lacagihii la ururinaayey, dabadeed sifiicana aay u dhamaatay, lacagta habeenkaas la sheegay balan qaad iyo bixinba ahyd lacag lagu qiyaasay $27,000.00 dadkaas lacagaas bixiyey kumay jirin dadkii baayacmushtariga ahaa. dadkaasi waxay ahaayeen dad shaqaala ah laakiin balan ayaa loo qabtay dadkii baayacmushtariga ahaa afurkale oo gaar ah ayaa loo samaynayaa waxa halkaas laga rajaynayaa lacag lagu qiyaaso $90,000.00 hadii uu eeba raali uu ka noqdo, lacag ururinta dekada laghayaa maaha mid dhamaanaysa boorame ayaa sugaysa oo la leeyahay xilimaa halkana laga bilaabi doonaa djibuuti ayaa ka daran oo iyadna laga sugayaa gabagabdaii waxaan hadalka aan ku soo gabagabaynayaa inuu ilaahay noo fududeeyo hawlahaas .
Cadceednews, Hargeysa
Categories: Warka (News)
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)
Ururka Wadooyinka Awdal/Salal baa boqol yeer ka waxtar badan kana daacadsan kuwan ARDAA isku magacaabey. Dadkii kale ee wax qaban lahaa sida ururadaa rayidkay hoosaasinayaan hadii kale dee waxtar haba yaraadee waxbaa alga arki lahaa. Markaan arko dad waligood xayaysiis iyo qaadhaan ururinba dhaafi waayey walina aan hal majarafad oo ciida bad iyo bari ka qaadin sida Ardaa. Waxan xasuustaa sheeko caruureed la odhan jirey Diinkii Safney. Diinka oo ah xayawaanka kuwa ugu dhaqaaqa gaaban markuu xaruurtiisa usafney. Markuu sadex isbuux maqnaa caruurtii shanqadhiisa maqleen kadibna moodeen inuu soo noqdey. Aabe ma soo noqotey? maya ee hadaaban sii baxayaa. Ardaa hadaba bal abaaraha dadka wax ha katarto.
Ururka ardaa waxa aad lug ugu le Habarcafaan.Meel ay Habar caafaan lug kuleedahay oo hagaagta waligeed lama arag.
Bal hada Tolku ha u fiirsadao arinkaa aa inii sheegayo.
Talaabo in la qaado Habar Cafaan ma ogola.
Meeel kasta lugt ayay jidaayan.Inta ay habarcafaan xubin ka tahay urur samaroon oo dhaqaaqay lama arag.
Laakiin waxa aad loo arkaa laka qaysanaan Samarroon,oo laxaadle.Waad arki doontaan,Ardaa waxay ku dambayndoontaa buuq ay galiyaan shaqsiyaadka ka soo jeeda habar cafaan ee ururkaasi ku jira.
Way jiraan Qaar habar cafaan ah oo fiican,laakin kuwaasi waxa daaha saara ,kuna dirqiya inay ka aamusaan arimaha socda kuwa danaysaya ee habar cafaan.
Mustafe, waa bil ramadan oo in wax xun loo hor kaco ma fiicno balse hildaan baan u dhaafayaa in uu hadal kaaga xor u arko iyo in uu fidno u arko. Ilaah kii wax bixshay haka jasaa id siiyo dhulka oo wax loo taraana waa caawimo aan qabiil iyo qolo qolo lahayn. Anuu wax waan bixiyey maalintaan bixiyeyna u jeedadaydu ma ahayn in aan ka daba qayl yo kuwa iga gacanta roonaana sidaa uunbay marlay u fikirayeen balse inaad wax ku tartaa ka ka khayr badan ama ka aamusto.
sumxaan, ramadan meel mawada joogsadaan.
Giire iyo mustafe, Aleh ka cabsada oo naxliga iyo nacayb ka iska saara.
ramadan iyo nacay meel ma wada joogsadaan.
Dekada Lughaya waa la dhisi, awdal waa la dhisi insha allaah…
Urur ama gudi kasta waan soo dhawaynayaa oo dalka dhisaya, dadka isku soo dhawaynaya…
Ilaahay ha naga qabto cidii isku dayda inay gadabuursi kala dilaasho…amiiin
Ilaahay abaarta ha naga saaro….amiiin
Vivaa Gadabuursi
Ururkasta wax qabadkiisa waa la arki ASARDA Hawshoodii way kasoo baxeen oo dariiqii lagu taami jiray wuu dhamaaday alla mahadii,ARDAA ayagana waa la eegi in badan bay lacag ururis ku jireen oo Qurbaha wadamo kala duwan ay kasoo dadaaleen dadkana waydiinayeen qadhaan lagu dhiso Deked,waxaa laga yaabaa inay maanta gacantooda ku jirto lacag faro badan oo kafaysa/dhista LughayaPort,Way dadaaleen ururkan oo in badan ayay baraarujin iyo hogatusaalayn ku jireen .
Xubno ka mid ah ARDAA oo aan garanaayo waa daacad lkn ka si kale u socda ee suuldaraaya waan ay iska gartaan reerkuu doono haka ahaado Samaroon,Cidii kale ee farogalin shisheeye ahna ee maanta isku dayda inay ururkan ka weeciyaan ujeedooyinkiisa kuwasi ayaa haboon in il gaar ah lagu eego lkn ka ka mid ah ee Samaroon ee looga shakiyo in aanu daacad ka ahayn hamiga iyo hiigsiga ururka waa la iska qaban karaa dhibna ma keeni karo waxaase jira xaasidiin badan oo ah beelaha dqarifyada oo ka dhimanaaya deked Samaroon kaasi ayaa haboontahay in diiradweyn la iskaga eego dhaqdhaqaaqa ay samaynayn doonaan.
Giire
Mataga naga jooji waa rabadaane isla yaab oo aflagaada ka daa tolka garanwaayahow HC waa reer u taagan horumarka Samaroon ilaahay baad been u sheegatay waa la yaqaana reeraha ka mid ah Samaroon ee ka naxa in Samaroon hore u maro ilaahay baad been u sheegatay.
Marunba ilaaheybaa dadka xisaabsha iney bil rabadaan taheyna waa run oo waata aan dhaleyka hor wax comments ah usoo dirin, laakiin kuwan ARDAA ee hadalhayn toodu badatey waxtarkooduna jirinbaa igu qasbey. Marunbaa waad mahadsantahey ilaahey ha inoo wada danbi dhaafo. Aniguse danbiga aad ila dulhoganeysaan garan waayey. Waxa kaliya een sheegayaa ah in bani’aadanku waqti wax lagu qiimeeyo leeyihiin. Ururkana anigu waxan ka mid ahaa dadkii uhoreeyey ee taageerey markaanse arki waayey hal majarafad oo ciid ah iyo hal dhagax oo dariiq laga qaado dee waxan ku taageero majirto.
Waa Gadabursi oo Tolbey la bexeen maaha wax tar, hadal madhan iyo dhaqaalo ururin joogta ah hadana sanado wali laga arag waxtar dee waa diinkii safrey, diinkana dadkale iska daaye xitaa caruurtiisaa ku hoos qadey waayo waa too slow.
giire.
sxb habar cafan an waa wadnaha beelaha gadabuursi, tusaale yar waxa kuu filan ASARDA jidki boorama iyo dila lacagtii ku baxday 70% waxa bixiyay habar cafaan. noocay doonan ha ku bixiyaane.
iyagaa aas aasay ASARDA. markaa ARDAA maalinta ay habar cafaan gacanta ku qabato walee way dhaqaaqi. waan dad u taagan horumarka gadabuursi.
adigu bal waxaad qabaty noo sheeg. dadkana kala bax xanuunka.