Hambalyo Maxmad Faarax(Mo Farah), Oo Ku Guulaystay Orodka 10kun Mitir & 5ta Kun

About these ads

Categories: Warka (News)

46 replies »

  1. Baravooooooooooooo
    Well done Mo Farah you made us all proud..
    Hambalyo.. Hambalyo.. Hambalyo
    Manuu ilaabin inuu ilaahay u mahad naqo oo uu u sujuudo. Allahu Akbar..

    Canjeeradii iyo Massaay giiba hawaduu ku dubtay kkkkkkkkkk Rageediii

  2. Aad baan ugu farxay caawa, wuxu dalka usoo hooyay libin dhaxal gal ah, oo waa markii ugu horraysay ee qof u ciyaaraya UK uu ku guulaysto billada dahabka ee orodka noocan oo kale ah.

    It is indeed a very historical moment.. Very well Done Maxamad Faarax.

  3. Wiil yar oo iga hor maray tv-ga marku orodku maraayey meel xasaasi ah waan ku dhagaroobi gaadhay,Bravo Mohamed faarax, imikana wixii aan sugnaaba waa Muumin Boqore Geele oo u ku ordi doona magaca dalka Djibouti sidaan filaayo maalinta Arbacda ee bishu tahay 08/08/2012.

  4. Ali Durgiye
    kkkkkkkkkkkkkk

    Imisa mitir buu ordayaa Muumina sxb? guul baan u rajaynayaa.. Soomaalidu waa inay magac kaga tagaan Tartankan wayn ee qawmiyadaha caalamka ku dhaqan oo dhami isku hirdinayaan..

  5. Waar soomaalidii kale meesha way ku hadheen, ninkaas yaree libaaxa ah mooyiye. Olympic Gold Medal (10,000M) waa markii ugu horraysay ee UK ku guulaysato. Intaasi ayaan kaga bogsanay soomaalidii kale ee mijaha birqaabka ku ordaysay…kkkkkkkkk

  6. IssaBoy,

    taraawixdi ma soo dhamaysay? aanu hada ka soo baxay oo waxaan fiiqda ku haya baaldi shaah ah oo cundaba waan ka kuday kkkkkk.

    Muumin wuxuu ordaya 1500 ee mitir,wiil kale oo la yidhahdo Ayaanle Suuleymana wuu dhaawan yahay oo isna u carbisna 5000 ee mitir waaxan u rajayn guul.

  7. Ali Durgiye.

    kkkkkkkkk Baaldi shaah ah kkk abu xararaad tahay show.
    Haa sxb waa laga soo baxay xagayaga.

    Waan taageeri doonaa labadoodaba insha Allah.. guul baan u rajaynayaa.. Djibouti waligeedba orodyahano fiican bay soo saari jirtay sidii Axmed Saalax.. iyo qaar kaleba..

    Inaga iyo xabashida iyo Kenyaatiga iyo Yuugaandhiiska iyo Tanzaaniyiinta iyo ereteriduba waynu isku qaab dhismeed iyo cimilaba dhawnahay hadana iyagaa xooga saara orodada oo maal iyo juhdiba u hura sidaana magacooga caalamka kor ugu qaada.
    waan hubaa haday dadka soomaalidu dedaalka ay ku bixiyaan qabiilka iyo qaadka ku bixin laahaayeen Athletics-ka ay ka badin laahyeen wadamadaa aan soo sheegay oo dhan..

    @ Hiildan
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waad iga qoslisay

  8. Bravo,Mo Farah,isla caawaan ogaaday inaan ehel nahay,yarku waa reer Gabilay de labo farxadood ayaa isugukay biirtay caawa….Ramadan karim dhaman.

  9. Mo faarax wuxuu indhaha ciid kaga shubay libaax yadii africa oo uu ku yidhi, fadhiista dawacooyin libaax is mooday baa tihiine. Ciyaar markay noqoto noloshayda waxan ku riyoon jiray in aan arko somali Kenyan iyo Ethiopian ku dul baashaalay wayna dhacday. Mo farax nooloow waxaad soo celisay Farxadii Ahmed Salah, Roble Jamac iyo Sharmake. long life memory. Calan kuu doono ha sitee Mo waa somali sharaftana somali baa iska leh ingiriisna sheegashaduu leeyahay

  10. Durkiye, Djibouti orod meel kuma gaadhayso ilaa ay fahmaan sirta orodka oo ay hoos u eegaan xaqiiqada athlet kooda. Ma ogtahay durkiyoow hadii Ahmed Saalax dawlad taageerta haysan lahaa in uu ahaan lahaa ninka ugu sharaf badan aduunka marka ay noqoto ciyaaraha olympica da. Orod yahan Ahmed Salah u dhigmaa uma malaynayo in 20 sanee soo socda somali ka soo bixi karo balse kumayaal axmed saalax ah oon la ogayni way inagu jiraan djbouti se ciyaar toy caan ah in uu ka soo baxo ka dheer ilaa nidaamka Djibouti Athletism ka la badalayo xaq dhaqaale iyo xag caafimaad ba.

  11. Yarkan sharaf buu usoo hoyay UK iyo Somali dhamaanteed iga walee waa coyaartooy qaali ah.Hambalyo isaga iyo Tamabarihiisa soo gaadhsiiyay halkaas.

  12. @Marunba,

    waa runtaa saxiib Djibouti waa in ay la socota is badalka ka jira aduunka gaar ahaan sportiga waliba qaybta orodada oo ay dadka geeska afrika hibo u leeyihiin Djiboutina ay horayba caan ugu noqotay arrinta Djibouti way biloowday oo waxaa jira xarumo lagu carbiyo dhalinta reer djibouti oo ku taal magaalada Cali-sabiix oo ay gacanta ku hayaan qabiiro reer Kuuba ah.

    Maalinta arbacadana insha allah waan arki doona kaalintu ka soo galo Muumin Geele oo ordi doona 5000 ee mitir waliba ku darso Mohamed Faarax iyo Muumin ba maalinta way ku loolami doona orodkan iyo raggi aan is haynay ee reer Kenya iyo Ethiopia.

    guuul Muumin & Faarax.

  13. Waxa iga danbeeyey khuburada reer Cuba balse wakhtigaan djibouti ordi jiray, waxan u arkaa uun in dhaawac aan isku gaysan jirnay iska daa horow mar aan samaynee. I hope they changed that mind set. Waxan xasuustaa maalin inta Tajourah nala geeyey saacad ka hor hilib adhi iyo bariis saliidu ka badan tahay na la siiyey deedna aan 10km mitir orodnay. Walaahi waan qoslaa markaan xasuusto balse iyadba farxadeeday lahayd. Muumin waan arkay waxayna u eegtahay in uu yahay nin hiba dii orod le. Waliba ku darsoo wuxu u eeg yahay in uu Mo Farah ka talaabo dheer yahay. Dhisnaanta toosani waa mida aan aan Kenyan ka iyo Ethiopian kaba kaga duwanahay walaw aan sida kale isku cimilo iyo caro nahay.

  14. maansha alla
    mohamed farax walee xasiidii uu idhanka deeranyahanka ku cunay bilaasha may noqon runtii magaca umada somaliyeed kor buu u qaaday ilaahayna wuu ku saaciday kun jeer baan ku hanbalyeeynaynaa

    DHAMAN ASXAABTAYDII RAMADAN KARIIM

  15. Xasiida maahee waa canbahii galoolay iyo liintii arabsiyaad.

  16. Kii Cali durgiye uu islahaa waa ciise Ee uu dadka ka xigsanayay ma orday tollloow mise uu is dhiibay isna?

    MAxamed Faarax wallee raggeedii Soomaali oo dhan buu yiri,Alla ha daaayo waayo-waayo Ninkaas wac-darruhuu dhigay la illaawi maayo Sabtidana garbihiisaanu nahay baalal uu ku duulo insha-Allaah

  17. Ma run baa ka joog,maxaa arabsiyo geeyay,waa dhashii Gebilay waa dhiigii Reer baho-samaroon ama Reer nuur iyo Jibriil abokore,Maxamed bajaaj butaacshe u daa Arabsiyo dhaka-madaarkii xayawga ahaa

  18. salal ex hidde ciirdhan,

    xaggeen ku sheegtay oon dadka iska xigsiiyay Muumin Geele?

    Muumin iyo M Faaraxba caawa 20-30 wakhtiga yurubta galbeed ayay ordaayaan fiinalka 5000 ee mitir.

    Mida kale dee Muumin wuxuuba dagan yahay si rasmi ah dalka Ingriiska ee xaggu iska dhiibi addaan ku weydiiyee?

  19. Absolutely FANTASTIC

    5,0000 Too…kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  20. Mohamed Faarax taarrikhdu galay guul iyo gubanimo,

    Muumin Geele oo aan aad iyo aad ugu hanweyna afku ciida ku jiiday kkkkkkkk maa cashee Mohamed Faaraxba naga wada farxiyeey Bravo

  21. Bravo! Bravo!
    Waah! Waah! Again Mr. Mo Farah did it.The rest is history. What a great CHAP! He is our hero. He made all Somalis to be proud.

    Qarxiye

  22. Wallee wuu ku joogaa Waa Legend haddeed.midna cali dugriyoow hadduu Geeddi Uk deggan yahay iyo haddii kaleba waa isla Isagii uun,uurkaagana alla waa isagii ayaad ka haysaa waana camal Ciisoo anigana waxad isaga kay dhigaysaa Soomaali Soomaalida jecel,Sxb waa lays bartay 88kii ii dhuuman maysid,Maxamed se Soomali baa soo saaartay balse waxa lays waydiinayaacaawa Geelle ma u danbeeyay sidii lugo gorayo mise wuu u horreeyay?muxuuse isu dhibayaa halkuu Axmed Saalax ku danbeeyayba waan ognehee,su’aalna Aan u waydiiyee ciirtii-dhame ma af ciisaa?gartay waxad u jeeddee

  23. Maxaan sheegayay Cali-munaafaq saw umaad hanwaynayn Geelle,hadday soomaalinomo kaa tahay kii soo baxaba waa innagaad odhan lahayd caqli baanadse lahayn oday yohow bub-dheelki i.

  24. Caawa anigoo afuraya ayay ciyaartii kama danbasta ahaydi bilaabantay,lugtii horeba wadnahaygu wa ala jaan-qaadayay gig-gig,wuu u danbeeyaaa,haa waa xeelade ku joog halkaas,lugtii dhexe ayuu meel dhexda ka qabsaday intaan kolba xabad timira ayaan afka darayaa,kollay iima dhandhamaysee markii jalaskii qalaw yidhi Maxamedna meel safka hore ah oo xagga bidix xigta ka soo wareegay waan is taagay,waa kaasaa iri intoon hore u soo booday taw caynaankuuba haya hadda waa lugtii u danbaysay gooladdii baan mooday in Xabashi baaasi dhaafay,waan yara naxay laynkii tooska ahaa markii la galay waan garawsaday in Aanay Ninkaasi cidi qabanayn wadnihii gigtaasuu i hayaa,Maxamed baan ku qalyay sidiiyoo uu i maqlayo,haa haa yuu ku dhaafin yuu ku dhaafin saan u lahaa buu laynkii ka gudbay,Waaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaw dee yaa i dejin kara,saan islahaa afurkii ku noqo ayay qoladan Jarmalka ihi Ciyaar u dhaxayysay waddankooda iyo hoolaan oo rag sidii islaamaha wegeryo siti xamaasaddii naga jabiyeeen waase mar Aan guulaystay Jarmalku ciil bay qabaanoo 10 billad dahab ah ayay wali qaaden halka Uk 28 ka joogto,maxaase la samayn Geellena waan arkayoo wax shucuur ihi iimay qaban oo kollay soomaali shaqo kumay lahayn wixiisu.xaaal ha qaataan hadhkiis-durkiye iyo loo-sahalkii Abtiga loo ahaakkkkkk

  25. nin daba faydan oo hadana Illaahay baan u sujuudayaaleh subxaanalaah

  26. War Salal sideey wax u jiraan, odayga Cali maxaad ku sanniftay, ma isu xaafad baad deggan tihiin?, Bal is daji

    Runtii ninka Muumin Geelle la yidhaahdo caawa ayaa iigu horraysay inaan daawado. Waxan ka cabsoonayay in lagu soo dul wareego ama uu dhexda kaga hadho. Laakiin aad baan ula dhacay sida uu isu adkeeyay una ordayay, lafrarkiisa waxan odhan lahaa Hambalyo, way ka muuqataa inuu ordi karo.

  27. Caasha

    Adiguna dhankeed wax ka qaawistay?kkkkkkkkkkkkkkk

    Waxay ila tahay in sujuudda Ilaahay mar walba taagan tahay, maryo iyo maryo la’aanba.

  28. no no no hiildan raga laftooda looma ogola inay dhar ku dhegsan iyo ku futo faydan ku tukadaan ama ilaahay la horyimaadaan iska dhaaf dumarkee
    wuu dadaalay laakiin waxay ahayd markuu gurigiisa tego inuu dhar fiican xidho deetana labo rag cadood oo salaatal shugriya tukado hada se waa istus uun wixiisu
    hiildan amba waan badinlahaa orodkan hidii la ii ogolaanlahaa kawaran arintaas mawax waawayn baad moodaysaa ilaahaaw ayaa ikiintusa anoo cagta wax ka dayey

  29. Well done once again Mo Farah.. you’re a true legend.. you made us proud.. ilaahay haku guuleeyo.
    you are simply number ONE.
    Taariikhda baal dahabaad ka gashay..
    Caruurtii soomaalida oo dhan baa caawa mid waliba ku riyoonayaa inuu sidaada noqdo.
    Masha Allah.

    sidaan u soo durkayay waxaan is arkay anoo TV-gii hoosta kaga jira.. oo dhulka dhirdhirbaaxayaa daqiiqadihii ugu danbeeyay kkkkkkkkkkkkkk

  30. Ina Durgiye

    waan u sacabaynayay Geele isagana..
    Hambalyo laftiisa.. wuxuu orday Final-kii Olympics-ka oo ay isku arkaan kaliya inta ugu fiican inta orada ifka oo dhan..
    taas lafteeduna wa guul aanay cid waliba gaadhi karayn..

  31. Caasha,

    Waxan arkayay kooxdii dhammayd ee kubada cagta u ciyaaraysay UAE, Olympic, oo marka ay gool dhaliyaanba dhammaantood wada sujuudaya. Muslim oo dhamina u sacab tumayo. Markaa wayska caadi xamdiga Ilaahay, mar walba wuu joogaa

    Caasha oo cagta wax ka dayday cidna gaadhi mayso kkkkkkkkkkk

  32. Anagaa wadana…..Anaga wadana….k.k.k.k Wariyayaashii Ingriiiska oo sidii Idiris CIGAAL yidhi Anagaa wadana,

    Walaahi waa MO Farax waa nin ciyaatooy ah oo kor u qaaday sharafteenii iyo tii Africa allaha barakeeyo waa halyay inoosoo baxay waan ku faanaynaa.

  33. Salaloow ilama eegid qof soomaana ee bal wax isku fal, hadaad faacuuro u jeedana waan is ognahay ee soo badheedh,Geele hadaan taageero iyo hadaad Faarax is garab taago waxba micne buuraan samayn maysoo ee waa iska xaal sporti iyo ninba dookhi,Geelena waa wiil aan garan aabihi iyo hooyadi iyo dhaamaan walaahi qof aad sidaa u garan iyo qof soomaalinimo uun ay niga dhaxaysana isku mid maaha oo dabciga aadmiga sidaa ah.

  34. Wallee wariyayaashii Ingiirsku way u xarigeen Mo Farah, Hadaladoodii waxan ka xusuustaa ‘We Are Lucky To Him’.

  35. Laba orod yahan indhaha ku haya afarta sano ee soo socda. Waa maxamed Axmed From Canada iyo Muumin from Djibouti. Mark my words. Hanbalyo mo Farah. Sahal Gabiley iyo Arabsiyo waa isku xaafad oo waxba iskuma jiraan intaad kor ku soo sheegtayna way ku nool yahiin waxana run ah. Waa shaqsiga kaliya ee somali fikir kooda mideeye si isku midana loogu wada farxay. Aniga waxa ii dheer, inta maafo ee uu ordayba waan ordi jiray and I used to be good at it. Taasna waxa iisii dheer, waxan ku fikiri jiray in aan axmaarada xun iyo Kenyan ka la tartama balse taydii run may noqon waxanse usoo joogay somali ciid indhaha kagaga shubay. The lions of the track are Jackal today. Live long mo and move on to the Marathon as you will not do it again in four years. Age will get you in that distance but marathon will be the perfect one.

  36. Cali runta marka la sheego sidii Waraabe cadde maxaad maryaha u dadisaa?Geelle ama garo ama ha garan,taageeristaadu waa u xigto-miisid e yaad qaldaysaa?Nin da’dii la legdamayi wax islama hayee furinkaaga iska cun.

    Hiildan duqan kursiga ku mudhay isu waddan baan nahay,warkiisuna waa iska qarqoosh uu diri-dhabadaan xoreeyay Ee uu isna Orormo ula rooray kala yimid weeyi,hadhkiis durkiyaa la yiraa wana halkaan iska jiidhnay.

    Tu kalena ku daroo Caashi waa runteed,inuu calanka huwaduu ahaa ma bannaana sujuudi adoo cawradaadu muuqato Sheekh Azharna wuu diiday markii Masaaridu ciyaarihii Afrika markay gool kensadaanba sujuudayeen.

    Issaaq-boy kkkkkkkkkkkkkkk bal ka warran hadduu ahaan kuwa Aad u taqaaniin wanla-waynta?saas ma yeeli lahayd mise daacadii Abtiyaashaa baa kugu lammaan ood waad taageeri lahayd?adaaba hadda sheegayay in Aad sidii cunug yar Tv-gaba hoos timide

  37. Sixid marka runta laguu sheego maxaaad maryaha u daadisaa “Waraabe cadde wuxu ahaa ninka keliya Ee xaqiiqda ka hadli jiray markuu hadlana Aan maryaha daaadin jirtay…

    Waraabe cade fartaa halkaas ku dhacdaye xaal qaado.Dr

  38. @Salal magaca hortaa soo dhig illeen waa kii aad diidi jirtay ee aad waxba kama jiraan ku sheegi jrtay waagi aan magaca soo shaac bixintiisa ku guda jiray kkkkkkkkkkkk.

    aanu waan taageeray oo waan hambalyey guuusha Mohamed Faarax waanan ku farxay Geele hortiiba, xaasidna sidaada ma ihi ee bal horta u fiirso qoraaladayda saree hambalyo iyo boggaadin wax ka badan oo loo samayn ama la odhan lahaa ma haysaa?

    Adigaa iyo Waraabe caddana addaa goobta keena baryaha ramadaane waxaan labadiinaba idin aqaan gedabuursi-ku gedabuursi kkkkkkkkkkkkkk ee dhalad ma tihiin waayo hadaad dhalad gedabuursi tihiin suldaanada,beelaha,gabdhaha samarron sidaa qaansalayda uma doqoniimo caydeen habeen iyo maalin kasta.

    Teeda kale Diredhaba iyo oromo maxaad u keentay meesha mise ma soontid toloow?

  39. Sahal, somali bulshada wixii qabiil kooda ka baxsan aan taageerini waa Mudug ilaa hargaysa ,hada Arabsiyo hasoo gaadhin. Wixii intaa ka hadhaa afkana waa ka qabiil uur kana waa ka somali markaa ninka Durkiye daacad bay ka ahayd taageerada Mo farah.

  40. Cali Durkiyoow afkaaga caano lagu qabay kkkkk, Huuno aad ayaad noo kala baratay .Ramadan karim huuno.

  41. Maanta Oodweyne news Ugaas nuur ayuu ka sheekaynaya la socda……….

  42. Godayna Ramadaan kariim huuno,
    waan kula socta halkankaaga waanse ka xumay ahay sida siidhimiidhi lagaaga dhigtay.

    waana runtaada oo gedabuursi wax yar waan kala bartay hadaan nahay ciise wixii ay arrini naga dhaxayso waa laba reer oo samarron ah;jibriil yoonis iyo mahad case labadaa reerna doodooda waad arragtaa siday u hufan tahay.

  43. Salal

    Mohammed Farah.. of course waa inaadeerkay.. Geelana waan taageerayay baan ku idhi.. horta maad yara dhaga culustahay..

  44. Marunbaa.

    Ileen waadigii quluubta dadka daalacan jiree kkkk
    inaa fajacnaa.. dadkan waxoogu waa iga dheh uun..

  45. Hadhkii-durkiyekkkkkkkkkkkkkkkk anuu kulama yaabin,run-diidena waad tahay,Soomaali wallaahi waxa daacada waxa la hayaa Gadabuursi,ceeb maaha in Aad taageertaa Geelle,lkn soo bixintaan la’aantiisii baa kuu gaysay taageerada Mo Faarax,magaca Aad beddel i leedahay iyo sheegashadiisu waa indho-adaygaan kugu ogaa imisaan ku nidhi “Salal”wuxu ahaa oday Abrayn ah mise arrinkaagu waa cid waliba waa Ciise?Gedabuursi ka gedabuursi shaqo laguu diray maaha adi.Cali diri-dhabana ma diidaysaa wallaahi inay Federaal tahay Oy Orormo qayb ka tahay,ma xaqiiqdaad indhaha ka ridi?

    Godan,dee waa ku kaas waxa Ugaas-doon lagu diidayba waa waxaad walaaqayso Xin socdaad tihiin wali miyaanad garawsan in daadku idin qaaday Oo uu idinku shubay dixdii Harawo,Eddo waxba hays daalin.

    Issaaq-boy waa runtaa waa ina-adeerkaa saasad ku taageertay,markaa maanan kaa fiicnayn anigiyo malaayiinta soomaali,ma waxad ka gubatay su’aashayda ahayd hadduu wanlawayn kuwaad u taqaaniin yahay ma taageeri lahayd?Mo Faarax kumaba oga qayladaadana muu maqlayn kollay waa wiil AAd isu reeer Abti tihiin,haa,haa walibana ku darsoo waxbaa ii dhiman Oo dhega cuslaanta ii dheer kkkkkkkkkkkk.

  46. Isaqboy, burcaad ka timid miyaa waata runtu kaa nixisaye. Intaan kor ku soo sheegay waa run inbadana waan la soo darsay, waxaan sheegayna waa run. Somali qaybtaa marka laga reebo intay doonaan ha isnacaane balse marka runtu timaad xaqiiqada kama gabadaan wayna ku xaragoodaan ciise galbeed ilaa wala waynta jubooyinka hoose degan, balse kuwaan tilmaamay, waxan kuu hubaa in xaqa iyo runta rabi jideeyey ay ka raacaan beenta ka ay isku qabiilka yihiin.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: