Wadhaf News -Ottawa
Waxaa markhaati ma doon ah in raxan-raxan dadkii gubanka ku noolaa ay u daadanayaan, dhamaan duunyadoodiina xasuuqantay. Maaha arin curad ah balse waa natiijadii abaar macaluul isku rogtay oo afar jirsatay.
Masiibadan iyada ah waxaa maqaal qaylo dhaan ah aan ka qornay 27-kii September 2011 Qaylo Dhaan: Abaaraha Awdal/Salal/Gabiley. Wakhtigaas oo xaaladu bilowday inay faraha ka baxdo. Wakhtigaas aan maqaalkaa qornay ilaa imika wax taageero ah oo umaddaa loo gaystay ma jirin waloo madaxdhaqameedyadu ay dhowr jeer qaylo afka waaxeen.
Nasiib daro, cid qaylo dhaamahaa sanadada socday dheg u dhigtay ma jirin. Maamulka Somaliland oo si cad isku dhagatiraayay wakhtigaas iyo intii ka dambaysay wuxuu ka doorbidey inuu u gurmado Koonfurta Somalia oo laftoodu mudnaa gurmad halkuu dadkiisa isaga hoos yimid wax u tari lahaa.
Sifaha Somaliland arrintan u maaraysay waa mid su’aalo badan ka dhasheen balse dib ayaan amuuraha kugu foorarsan doonaa waayo maanta waajibka qudha ee ina saaran waa gurmad degdeg ah oo gudo iyo dibad ah.
Gudaha:
Inkastoo laftoodu ay dhago adaygeen, dadka gudaha joogaa gaar ahaan salaadiinta iyo culumadu dadaal bay wadaan. Halka fartu ku godantahay waa siyaasiintii galbeedka oo si doqoniima ah xilkoodii u gabay. Ninka dadkiisii oo halaagmaya Hargaysa ku qayilayaa waa damiir laawe dhagaroobay. Caruurta macaluushu xasuuqday ee loo damqan waayay waa ma hadho taariikhiya. Xildhibaan ku sheegyada horeyba asaagood uga hadhay ee xilkoodii siyaasadeed ka saaqidey maantana waxay ku darsadeen inay afar sanno iska dhagatiraan xaalada halaaga ah ee dadkoodii ku sugan yihiin.
Bulshada raydka ah hormoodkeedu waa jaamacadaha. Wali ma hayno halgan iyo abaabul ay jaamacadahaasi ay ka galeen dhibta odey ka sheekeeda ah ee abaaruhu keeneen. Maanta halka xaal maraayo Awdal, Salal iyo degaanada Gabiley in dugsiyo la aado ma banana. Waxaaa waajib ah in la gurmado oo la gaadho inta weli naftu ku sii jirto ee neefsanaaysa. Duunyo way dhamaatay, dadna wuu sii daba dhowyahay. Sidee hawlo kale loo halaalayaa inagoo og in maalin walba boqolaal walaalaheen ah qabriga lagu hubsanaayo ama dugaagu raqdoodii duurka ku cunaayo?
Qurba jooga:
Waxaa sidoo kale dambiileyaal ah bulshada qurbaha ku nool een war iyo wacaal ka qabin walaalahooga halaagmaya een weli ficil qaadin. Waxaa doqoniimo halkii ugu dambaysay ah in qurbaha lagu xaragoodo, walaalaheena ay macaluul darteed raxanraxan u daadaan. Waxaan ognahay in qaylo dhaano badan ay ina soo gaadheen balse aan wax jawaab ah la celin. Damiir xumadaa oo doqoniimo dhaaftay waa qoomiyad xumo haddyana ahaynba dhagar. Walaalkaa oo geeri qarka u saran haddaad u gurman waydo waxaad tahay shaqsi dhagaroobay.
Kal hore ayaan lahayn sidan : “Dhinaca qurbajooga ee ka soo jeeda gobolada abaarta la tacaalaaya aamus doqoniimo ayaa hadheeyay waxayna doorbidaan inay dadaalkoodii dul dhigaan qorsheyaal ma dhalays ah iyo xoojinta arrimada kala qabiya bulshada ee xaaraanta ah”.
Maanta qurbajooga goboladaas ka soo jeeda hurdo uma eeka, qorshe kale uuma yaalo, barnaamij kale uma banana. Waxa qudha ee waajib ah waa gurmad degdeg ah. Waa in fadhiga laga kacaa oo dhareerka layska duwaa. Gurmad la gurmado waa kii ugu muqadisnaa, waa mid Ilaahay waajib inaga dhigay, wa mid aayaheenu ku xidhan yahay. Waxa dhimanayaa waa caruurtii dhulkeena, waa hooyadii halbowlaha u ahayn qoyska, waa aabihii talinaayay, waa dhalinyaradii difaaca iyo mustaqbalkeena.
Gurmad la’aan waa dareen la’aan, cid aan wax ka sugnaana ma jirto. Ninba waa ninkiisee kacaay oo ka kacaaaaay. Inaan dad nahay iyo inkale la hubsan doonee…
Jama Osman Geele
Wadhaf News -Ottawa-
Categories: Warka (News)

Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Maanta Waa Maalin Khayr Badan: Soo Dhawoow Ugaas C/Rashiid
Professor Axmad Ismaaciil Samatar: CANARY IN THE COAL MINE (Somalia)
Ilaahoow adaa weyn oo waaxide raxmadaada u shub dadkan haraadku laayay, rabiyoow roob badan oo barwaaqo leh, ku lagu diirsado cidna dilin…amiin ya alaah…
Ilaahow umadaada u gargaar. marlay wixii aboodayada ahaa bixinee ilaahow xal qayr qaba umadan la soo gaadh.
walalayal wa in la isasaamaxo calol furan kadid raxmada aya imani ducada ficil aya lagu dara wa in si degdega loogu gurmada o la sameya sanduq bankiya ama acount lacagta lagushuba waxa lo bahanyahay in qeyb libax ka qadato amoud express wa in jaliyad walba iskeed u shirta una dirta sida ugu dhakhsaha badan
Reer sheikh Samaeron kaca oo dad kiina la qaybsada dhibta.
Ciisaa xeebaha awdal salal degana halkaa haygaga hadho.
Waxn islaaha ciise ku dhashay degaanka,laaakiin aan u dhalan ayaa jira,laakiin maanta ayay taasina iska beenoowday.
Wax dhimanayaa waa wada Samaroon .
Mowlihii na oumaan lamagan sanaynaayee Awdaleey ha moogaan…insha alaah
Xalay oo bishu ahayd 30-06-12
Waxan ku shirnay Magaalada aan deganahay.Waxan ururinaynay lacagtii lagu dhisayay dhakhtarka Lughaya.
Waxan Go’aansanay Samaroonnimo,Waalnimo,Geesinimo iyo Tlnimo.Taasi ayaan guul ku gaadhaynaa.
Maaar we moeten met elkaar aan de weg timmeren.
Dariiqaasi ayaa u baahan inaan wada banayno..
Waar wax walba lama sheegee…insha alaah waan gaadhi doona waana bilowgii…
Masaakinta yurub iyo carabaha lagaga soo gurtay macaawinada ee hadana haraadka u dhimaya inkaartoodu way ki cidhici mar ay noqotaba…ilaahay waxba kama qarsoona…
Awdal somaliland ayay ku talaa kuma taalo Gedo…
Gees
Allaha ajar iniga siiyo gargaarka iyo wanaaga aad biloowdeen lkn ayaa ku yidhi Ciise dadka abaaruhu laynayaan kuma jiraan ma waydakay heshiis la galeen?
20kii sano kuwii maamullayay
Awdal waa ka dacwootay
Kuwaa haatan joogana
Awdal waa ka dacwootay
SDA kuwii ka soo horjeeday
Awdal waa ka dacwootay
SNM kuwii noo horseeday
Awdal waa ka dacwootay
Sahal
Meeshaba ma degana wax Ciise sheegta.Waar xataa anuu waxan islahaa;waxa jirikara Reero Ciise ah ay Bahar Muuse Abti u yihiin.Waar laakiin Aragtidaa aan qabay beenbay noqotay,oo meesha waxa ku jabay 4tii Habar muuse iyo Abrayn.
Sida la ii sheegay 4tii Ciise ee deganaanjiray ee Abtiga loo ahaa Jabuuti ayay u guureen Tolkood ayay gees ka raaceen.
Maad waalantahay?Waar meesha maxaa dhigaya Ciise?
Waa baanhayska ayay ku cabaan jabuuti.
Gees
kkkkkkkkkkkkk B/Muuse iyo Abraynkuba sow Ciise yar yar uun maaha, ma mid uuna Ciise dhalinbaa ku jira. Ha ku degan Ciise meesha ma joogee, raashinka aan soo dirno Ciisaha ka ilaashada ku dheh.
Sahal,
Aduu waxaad ka bixi la dahay kala gurida Ciise iyo Gadabuursi. Waa sida. Howl adag ayaa kuu taalo oo camuuda xeebta iyo tan bariga oo isku darmay kala gurkeed waad ku daaliye mad ka joogtid?.
Anuu waligeey iskuma dayin in aan Abgaal iyo Morosade kala guro ileen waa laba camuud oo isku lifaaqan kala gurkoogana ceeb iyo caasi nimaan ka qaadiye. Qofka Morosade ama Abgaal een senterka ku arko saacado ayaan iskala sheekeysan karaa markuu iga dhaqaaqana alaa og ruuxa ila hadlaye cid alaale ciduu ahaa. Ma Abgaal ama Morosade alahu waclam. Waysu luuqad egyihiin, Ways dhaleen, Waa isku lahjad, waysku qaab, waysu labis, waysu bushimo egyihiin, ilko egyi, way.sku dan, waysku dad. Hade maxaa inanyohow ku kadeeday?.
Ilahay u bari dadkan dhibtu haleelay. Ileen lama oga in qof aad isku DNA tihiini meshaa beerka dhulka ku hayso. Oo rafaad la ildarantahay.
Anuu Somalia marka aay Qabiilada Habrdugugaag isku dhacaan. Dadka dhintay oo aan garanayn ayaan ku dul barooran jiray. Waxaan is leeyahay mindhaa waa walashaa ama walalkaa oo daaqu ini kala geeyey dadkan cidina aasayn. Ee la leeyahay waa jufo ama qabiil hebel.
Sahalow.
Walee Dawladii Ciise ee jabuuti xakumasay waxay noqotay tii Somaliland oo kale.Saa iyagiibay waxba gaadhilaayi’iin.
Waar Samaroon oo Dawlad ah – maydaan gaajooteen e waa dhegregsanaanlahaydeen.Waar arinkii Tolnimo ee Dirnimo kii degaannimo iyo kii Abtinimaba waad goyseen.Waar Ciisoow xisaabtama oo arinkaa arin uga noqda.
shiirkii shalay dadka abaaraha ayaa loo guraayay…
ADHEERKAY”JAMAOSMAN GEELE”ARTIKAL KAN WA MIID RUUN AAH!!SAMAROONOW KA KACAA HURDADA….
Waxaan u mahad celinaya M/weeyne Ismaciil Cumar Geele oo ka soo jawaabay baaqii abaaraha ee loo fidiyay umada gudaha iyo dibadaba, waxaan leeyahay waad mahadsantahay Monsieur le President halkaana ka sii wad…