Hambalyo Xisbiga HIILQARAN, Oo Si Rasmi Ah Ugu Dhawaaqay Musharraxa Jagada Madaxweyne Oo Ah Prof. Axmad Ismaaciil Samatar

Hiil Qaran haddaan nahay waxaan soomali u soo doornay aqoonyahan karti, hufnaan iyo daacadnimo lagu hubbo, waana Professor Axmad Ismaaciil Samatar ( Abdulqaadir Adan M. Jangali)

Ottwa(HiilDan): Xaflad aad loo soo agaasimay oo xisbiga HiilQaran ku qabtay magaalada Ottawa ee caasimada Canada ayaa shaaca looga qaaday in Professor Axmad Ismaaciil Samatar yahay musharaxa Hiil Qaran uga qaybgalaaya tartanka Madaxtooyada Somalia ee qabsoomi doonta bisha sideedaad 20-keeda.

Munaasabadaas oo qabsoontay sabtidii bishu ahayd 23 ee 2012, waxaa hormood ka ahaa aqooyahanka soomaliyeed ee Cabdilqaadir Adan Mahmuud (Jangali) iyo Professor Xuseen Axmad Warsama iyo xubno kale oo ka mid ah xubnaha Hiil Qaran ee Ottawa.

Presidential Candidate

Cabdilqaadir Jangali oo ka mid ah xubnaha Dhuuxa ee Hiil Qaran ayaa ugu horaan ka hadlay madasha, wuxuuna hadalkiisa ku bilaabay sidan : “ Maanta oo bishu tahay 23-kii june 2012, anaigoo ku hadlaaya magaca Madaxweynaha Hill Qaran, IBRAHIM MOALIM MURSAL, waxaan ku dhawaaqayaa in Professor Axmada Ismaaciil Samatar yahay shaqsiga Hiil Qaran uga qaybgalaaya tartanka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somalia”.

Hadalkaas markuu ka dhawaajiyo Mudane Jangali, dadkii madasha fadhiyay mar qudha ayay isla taageen sacab iyo mashxarad iyagoo ku dhawaaqaaya “Samatar – Madaxweyne”, “Samatar-Hiil Qaran” etc.

Ka dib, farsameye yaqaanada xaflada ayaa dadka ugu bishaaradeeyay in Professor Samatar oo Muqdisho joogaa khadka telefoonka ku jiro, damacsanyahayna inuu madasha ka hadlo. Professor Samatar ayaa telefoonkiisa lagu xidhay makarafoonka hadalkiina la wareegay.

Professor Samatar wuxuu u mahadnaqay madaxda Hiil Qaran wuxuuna yidhi: “ Waxaan ku faraxsanahay in Xisbiga Hiil Qaran ii igmado inaan u tartamo jagada madaxtooyo. Waa aqbalay masuuliyadaa aad igu aamintiin, waxaanan Ilaahay ka baryayaa inuu xilkaas igu asturo. Waxaan idinka baryayaa inaad qayb ka noqotaan dadaalka xisbiga Hiil Qaran ugu jiro sidii uu hoggaanka dalka ula wareegi lahaa. Waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa dadweynaha reer Ottawa iyo masuuliyiinta xafladan soo qabanqaabisay.”

Markuu hadalkiisii dhamaystay Muusharahu dhamaystay hadalkiisii dadkii madasha fadhiyay ayaa si xamaasad leh u sarokacay ayagoo kala joojin waayay sacabka.

Ka dib waxaa hadalka la wareegay Mudane Jamac Osman geele oo madasjha ka akhriyay taariikhdii Professor Samatar oo kooban isagoo hoosta ka xariiqay dadaalka Musharaxa Hiil Qaran u soo galay dalkiisa iyo dadkiisa. ( Gadaal ayaan idiinku soo gudbin doonaa taariikhdaas).

Professor Xuseen Axmad Warsama oo madax ka ah qaybta cilmiga xisaabaadka ee Jamacada Calgary ayaa hadalkii qaatay isagoo ku xeel dheeraday inuu faahfaahiyo mabaadiida Hiil Qaran iyo amuuraha uu xisbigoodu xooga saari doono markuu hogaanka qabto.

Professor Warsame wuxuu hoosta ka xariiqay in Xisbiga Hiil Qaran leeyahay qaab dhismeed curad ah oon horey loogu arag xisbiyadii hore ima kuwa maanta jira. Hiil Qaran wuxuu kala saaray madaxda xisbiga maamusha iyo kuwa xisbiga u qanban doona xilal dawladeed. Madaxda xisbiga maamusha sida gudoomiyaha ama xoghayaha guud ma noqon doonaaan dad xil dawladeed qabta sida uu Professor Warsame sheegay. rofessorku wuxuu waliba si qoto dheer uga hadlay shaqsiyada musharaxooga, professor Samatar oo ku tilmaamay nin khabiir ku ah xagga maamulka iyo habka hogaanimo. Professor Warsame wuxuu yidhi: “Axmad I.Samatar wuxuu 17 sanno hogaan u hayay macad jaamacadeed oo ay hoos joogaan professor rug cadaa ah, arday iyo boqolaal shaqaale ah”.  Professor Warsame wuxuu madasha ka sheggay in Axmad Samatar guntiga u gaabsadey inuu ummada soomaliyeed mugtiga ka saaro isagoo fulinaaya mabaadiida dhuuxa u ah Hiil Qaran. “Professor Samatar hadduu hogaanka dalka qabto waxaa xakamayn doona laba dastuur oo kale ah kan dawlada iyo kan Hiil Qaran”, ayuu yidhi professor Xuseen Warsame.

Waxaan gadaal idiinku soo gudbin doonaa video-yadii iyo sawiradii xafladaa lagu caleemo saaray Professor Samatar inuu u ordo jagada Madaxweynenimo ee dalka Somalia

About these ads

Categories: Hambalyo Iyo Salaan (Greetings), Warka (News)

81 replies »

  1. I should be the first to congratulate him and will be his first supporter in the midlands.
    Among all the candidates he is the most eligible to be president of Somalia

  2. Mabruuk baan leeyahay.. inay kuu fududaato himiladaaduna waan kuu rajaynayaa…

    Inkastoo meesha aanan arkayn inaad wax ka heli karto oy orgomayaashii Daarood iyo Hawiye seefaha isku lisanayaan.. Hadana shakhsi ahaan aad baan u soo dhaweeyaa dadka hanka leh.. hadaad wax u dhaqaaqdana kolay waa mid uun.. inaad hesho wixii iyo inaad waydo..

    Qofka aan waligii fashilmina waa ka aan waligii wax cusub try garayn ama aan isku dayin.. ee fulayga ah..

    Waxaan u fiirsaday ninkan Ina Samatar hadaladiisa iyo siduu u arko inuu xal ugu helo Koonfurta.. wuxuu isku eekaysiiyaa ninkii la odhan jiray Gaandhi ee reer Hindiya.. buugtiisuu aad u akhrisatay baan filayaa iyo taariikh nololeedkiisii oo xiitaa isla ookyaalihii (muraayadii indhaha) ee Gaandhi Trade Mark-a u ahayd mid u eeg buu xidhaa mar walba kkkkkkkkk.

  3. Hambalyo madaxweynaha mustaqbalka

  4. Aad baan ugu farxasanahay, ku dhawaaqista official ka ah ee Professor Ahmed Ismail Samater ee tartanka madaxweyne nimada Somaliyeed. Professorka waxuu miiska la imanyaa.

    1. Daacadnimo
    2. Muslinimo aan iska yeelyeel lahayn
    3. Wadaninimo, maskaxda kasoo go’day oo aanay xamaasadi ku jirin.
    4. Edeb iyo Akhlaaq aasaasiya oo ay carrurta aan dhalay iyo somali oo dhanba dhaxal gal u noqon kara, proud na ka dhigi karta
    5. Professor Samater waxuu kulmisiinayaa aqoon heer sare ah oo aan aduunka kaga muuqan karno iyo dhaqan suuban oo hawl karnimo, daacadnimo, iyo somalinimo ku dheehantahay.

    Waxan sugnaaba waa inay somalidu fahmaan fursada qaaliga ah ee maanta hortaal ayna iyagoo isku duuban yidhaadaan ( Yes, we can) oo ay doortaan ninka ugu mudan maanta inuu hogaanka u qabto Somaaliya, soona celiyo shartii iyo Karaamadii aan ku lahayn aduunka iyo weliba is aaminidii dhexdeena.

    Viva Hiilqaran.
    Viva Professor Samater.

  5. Aad iyo aadbaan ugu hambalyaynaynaa Axmad Guray.

  6. @ Isaaq Boy……Waxbaa ka jira observationkaaga. Ahmed Samater inta aan anigu ka aqaan waa nin deeqsi ah, aad u naxariis badan, fikirkiisuna aad u sareeyo oo wadani ah, truly jecel somalia iyo Somalinimadaba.

    Xagga muraayada hadda ka hor kamaba fikirin ee waa runtaa oo waa tii gaadhi………………..kkkkkkkkkk

  7. waa wax lagu hambalyayn karo Profka hamiga ku jiraa laakiin siduu isagoo sheegi jiray siyaasada soomaalidu wali waa BUULAACAD ee aanu waxaan kula talin lahaa inuu ka joogo intay kala miirmaysoo meel ay Mahiga iyo Melez murginayaan Mahadcase muxuu ka dhuuqi kara.

  8. Hanbalyo mujaahid samatar waxanan urajanayaa inuu gaadho hamigiisa siyaasaded waxan kaloon rajaynayaa inay umada somaaliyeed gartaan wadaniga dhabta ah ee so celin karo qaran somaaliyed

  9. timacade
    Aad baan u hanbalyeeynayaa samatar insha alla guushuna waa xagiisa dee wuxu ilaahay qoraynaa cid u diidi doontaa ma jirto lkn timacade su aalahan bal iiga soo jawaab kolay odayga adaa shandad u hayee oo xaal oge ayaamahan aragti cilmaaniya in aad qaadataa lagagu yara xamanayee kaftan.com

    1..Barlaman ka kooban 225 oo 50 dulsocdaana ay jiraan oo odayaal la soo xushay soo xuleeen siduu cod uga heli doonaa ilayn isagu cid ma soo xulane?
    2..waxa jiraa musharaxiin fara badan oo hayb qabiil wax ku doonaya odayadan aad ugu dhaw ha ugu horeeyo shariif sh. ahmed jeebkuna u buuxo siduu u wajihi karaa saw badda ku hafan maayo?
    3..Waxad ogtahay oo aan la iska indho tiri karin in siyaasada somaliya ay aad ugu lug leeyihiin wadama dariska ah ha ugu horayso ethiopa ama kuwa hada ciidamadu ka joogaan wax cilaaqada oo u odaygu la leeyahayna ma muuqdaan aadna wuu uga soo horjeedaa danahooda siyaasadeed saw lagama yaabo in ay caqabad wayn ku noqdaan sidii farmaajo oo kale?
    4..waxa jiraa in baarlamanka lagu salayn doono 4.5 oo sidaa wax lagu qaybsan dono oo cid walba reer matali doonta ugu yaraan ma isku dayay in uu soo xulo ama uu gacanta ku dhigo cida matalaysa beelaha direed mise wali wuxu leeyahaya qaacidasaa waan ka soo horjeedaa oo waaqica jira lama socdo ?

    bal si waafiya iiga soo jawaab oo ha igu wareerin aqoon yahan weeyaane ku doorta 30 sano buu qurbaha joogo siyaasada reer yurub buu yaqaanaa siyasada somalida wuu ka aradan yahay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  10. Ali Durgiye…….Waxyaabaha ugu waaweyn ee laga rabo hiilqaran waa inay Somalia ka saarto inay noqota meel cid weliba fikirkooda xagjirka ah ay ku tijaabiso. Somalia bal u fiirso issue kasta ee aduunka ka socdaa inagaa forefrontka u taagan. Dagaalka ay carabtu zionist ka kula jirtay 70 nadii somalia ayaa front ka u taagnayd. Dagaalkii cold war kii ee ruushka iyo maraykanka, somalia ayaa frontka taagnayd. Dagaalkan hadda socda ee Islamic extremist VS the west, waxa isna dagaalkiisu ka socdaa somalia. Sabata aan waxaas oo hawl ah oo aynaan awood u lahayn aan ugu dhexmilanay, waxaynaan haysan, dawlad iyo leadership wadaniyiin ah oo u tudha shacabka oo ka leexiya aafooyinka, proxy wars ay keenan. Well, No more proxy wars no more buggyman construct. Meleza, MAhiga iyo adeerkeen Ismaciil Geele, Bisaarad baa u soo socota, Somalina Barwaaqo………

  11. Timacade,,,,,, Salaan sare,Anuu waxaan ahay taageeraha koowaad haduu Axmed SAMATAR siyaasadiisa ka bilaabo dhinaca Somaliland una ololeeyoo ictiraafka Somaliland guntigana dhiisha iskaga xidho sidii loo heli lahaa dawlad madax banaan oo Somaliland ah,

    Ghandi wuu ka qaalisan yahay haduu dhulkiisa usoo noqdo oo ka dhabo daranyada Awdal,Ninka muwaadinka waa ninka horta gobolkiisa, degmadiisa,magaaladiisa iyo tuuladiisa horta kasoo dhex baxa oo la qaybsada dhib iyo dheef,Sheekh Shariif ama Shariif Zakiin oo Somaliland hadal haya miyaad maqasheen oo safar ku yimid ama ka dhex ololaynaaya…? waa maya nin reer koonfureed ahi dhinaca Somaliland mabasoo eego xataa isma yidhaa walaalahaaga soo sasab oo xod xodo si midnimada Somalia loo helo,

    Axmed SAMATAR waa inuu dhulkiisa usoo noqdo dib u dhis dhaqaale iyo mid siyaasiya ayaa looga baahanyahay,

    Sidaa ayaa aniga ila qurux badnayd isagoo xisbi siyaasi ah kaga dhawaaqa dhinaca Somaliland lkn koonfur iyo ololaha Samatar waxaan u arkaa nin is nacay oo naftiisa meel daran ka tuuraaya,Odayga Axmed SAMATAR aad baan uga xumahay halka uu wax ka dayaayo ee ay la gashay siyaasadu bal aan eegno halka ay la marto iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed oo aan anuu aan farta dhuunta ku hayo.

  12. Waa sidaa uu mudane Darbisamaroon sheegay, inuu somaliland oo dalkiisa ah dhismaheeda ka qayb qato ayay ahayde, may ahayn inuu meelaaan laga garanayn ku mashquulo. Mida kale waxu waa siyaasad nimankan Harti ee adeegsanaya muxuu kula heshiiyey.
    dhanka kale, siyaasadu ma igu soo bood baa miyaanay ahayn inuu hoosta ka soo bilaabo ileyn wuu maqlaa uune waayo argnimo dhaba uma lahae.
    kolaj baan macalin ka ahay ama qurbaha ayaan wax ka aqaanaa miyaa lagu dooranayaa.

  13. Timacade…. meeday gabadhii Hanimuufo…..? Anuu caawa waxaan baafinayaa Marwo Hanimuufo waxaan si naxariis leh idiinka codsanayaa inaad ila raadisaan gabadhii qaaliga ahayd waxaan u xiisay doodeedii iyo haasaawaheegii qaaliga ahaa kaasi oo u badnaa hogatusalyn,abaabul ka saar iyo wacyi galin qaali ah soo noqo Huuno minanku minankaagii waaye.

    @ Galbeedi iyo Isaq Boy………Hadaad isku daydaan inaad Somaliweyn ku biirtaan oo durba aad xajin kariwaydaan nimcada dee waa iska caadi oo waatii hore u yidhi ninkii gabayaagii iidoor salfududaa waxuu sugayo muu dhawro, adeer jano ka bood miidhan weeyaan Isaaqu ictiraafkii oo soo dhaw ayuu Faysal CALI WARAABE isagoo hangoolkiisii sita hoos kambadhuusaday calank Somalia anigana ninkasta oo Isaaqa hadaan dhiigiisa u xalaashado Somalia ayuu taageersanyahay ka warama saw iima banaana in aan Dilo ninkasta oo Isaaqa oo Somaliweyn taga….?

    Hoos ka daawo Faysal CALIWARAABE oo ku xaragoonaaya calanka Somalia ee buluuga ah.

  14. Faysal Cali Waraabe habeen dhawayd oo an daawanayay aadbaan ula yaabay sida uu hadalka udhigay oo ka tarjumaysay in Somaliland uu dhistay qabiil kaliya. Wuxu yidhi waxan u dhisanay somaliland si an ubadkayaga dib danbe loogu gumaysan, aadbaa lanoo xasuuqay oo in lana tirtiro ayaa la rabay, nasiib wanaag waan goosannay dhulkayagii… Wuxu iska illaaway inuu ku hadlayay af qaran, oo caaddifaddii Isaaqism ayaa kala weynaatay Somalilander nimo . Isaaq layskuma aamini karo any more . Faysalbaa ka maraga.

  15. Galbeedi………Horta, Arrinta cilmannigu waa iska xan.com ee waxba kama jiraan ee waana ” MaCarthism” kii somalida lagu yaqaanay oo dhib malaha. Horta dee waanigii hore numberska usoo dhejiyey iyo strategiyada. Horta Samater dhawr biloodbuu xamar iyo Horn of Africa fadhiyey hadda, xitaa shirkii Ottawa, ee lagu dhawaaqay magacaabistiisa wuu iman kari waayey, waayo dee arm twisting buu ku jiraa. Dee xeeladiisa siyaasadeed ee hoose lama socda, hadaan la socdana kolay public kama sheegeen, waayo dee waa la is biliqaysanayaa. Lakiin, mid uun ogow, Samater wuu xisaabtamay, dad badan oo somali ahna wuu la tashaday, groups badan oo international communityga iyo wadamada jaarka ahna wuu la xaajooday, kalsooni badana waa la siiyey ee sidaa u ogow. Waliba xagga woqooyiga somalia/Somaliland kalsooni weyn buu ka haystaa( I.e Isaaq, Gadabursi iyo Ciise). 50 kan vote ee aad ku darayso sheekada waa proboganda ee waxba kama jiraan. Aad baa loo hubaa in ay 175 parlimentarian ah oo 4.5 lagu soo doortay vote garaynayaan.

    Runtii wax cusub baa meesha ka socda, and it will surprise a lot of people.

  16. Hiildan yare waa kusidee ma shaki baa kaaga jira inay landta iyagu cabsi darteed usamaysteen oo isaaqnimadu kalawayntahay wax walba iskuna arkaan inay kaligood daganyihin woqoyiga somaliya

  17. Darbi samaroon
    Ninka isaaqa ah ee somalia wayn yidhaah ama taageera hadaad disho xitaa waa bilaa mag ee qorta ka goo lkn iga su aal idoor waa salfudud yahay maad garnayasa siday ku soo baxday hadaad ogaan lahayd wuu samir badan yahay baad odhan lahayd oo odaygii salan carabeey waxa laga deebaaqayaa gabayguu ilaa maanta oo qarni ka soo wareegay ay ka cadhoonayaan jawaabtana u laayihiin ee ahaaa
    Daarood sidii bari ahaa loo dad qalataw
    Nafta dooji maahee xarago laga dawaaree

    hiildan
    ma janbalkii baad yara tuuraysaa isaaqna sxb dee qof ma matalo ee ka daa beesha canbaraynta mise waxad leedahay saylici baan waftiga ka dhex waayay

  18. Darbi………Anigaa jawaab waafi ah ku siin ceeyoon…….Lakiin, Hannimuufo Raadi, hadii kale xaalku waa boring.com…….kkkkkkkkkk

  19. tiradu waa 225 inta la isla ogal yahay hadda lkn soo jeedinta in 50 lagu daro odayada soo jeediyay gaasna wuu diidan yahay lkn sharif sh.ahmed iyo sakiin iyo faroole baa daba ka riixaya oo wada wali maad fahmin siyaasada runta ah halkaa waxan ka muuqda in uu odaygu ku qoyaan ka baqayaa

  20. baaaaaaaaaaaaaaaafin Haaaaaaaaaaaaaanimuuuuuuuuuuuuuufo yaaaaaaaaa arkay…….?

  21. Wixii baasaa ee ay Hiildan iyo Durgiye iyo Isaaq boy ku mashquulsanyeen baryahan ee xagayga soccer ta looga yaqaan, sowniga maqlay ingriis Isaaq waa laga badiyey, dee markaa xaalku waa Somalia iyo Somaliland way midoobayaan….kkkkkkkk

  22. Galbeedi…….Waan fahmay, lakiin xeel baa loo hayaa oo way ku hungoobayaan, haday isku dayaan inay khasbaan.

    • Dawladaan Somaliland in uu isaaq samystay ma shikibaa Kaaga jira hiildaan?Ma hadad ku bararugtay hadalkii fayaal cali waraabe hurdada ka kaca samaroonow dawladan rag idinkoo kala ah ayaa samaystay.Been ayaad ku nooshihiin

  23. DARBISAMAROON.
    HaniMuufo gabadhaas soomaaliyeed ee aad ka u sharafta badani waxaan filayaa in ay maalmahan ku maqantahay VAKANTIE .waayo cimilada dalka Holland aad ayay todobaadadan u wacan tahay. markaa kolay dhawaan way ina haysaa.

  24. Somaliland waa Qaran ay samaysteen Samaroon,Isaaq,Harti Somaliland,Ciise iyo Madhibaan,Iska hadlooyin baad tihiin odayaasheenii waaweynaa oo ciroolayaasha ahaa haday siyaasiyiin yihiin iyo haday wax garad iyo hogaamiye dhaqamed ba waxay ku dhawaaqeen 18 may 1991 in Somaliland tahay muqadas oo aan lasoo noqonay karaamadeenii luntay 60 kii sidaa darteed Somaliland Isaaq kaligii ma leh ninkastaa ha dhiso dhinaciisa Ciise Zeiylac ha dhiso,Samaroon ha dhiso Borama,Reer NUUR ha dhiso Dila,Isaaq ha dhiso Hargeiysa,Dhulbahante ha dhiso Laacaano sidoo kale Warsangali ha dhiso dhulkiisa nabadeeeeeey Caano nin iyo meeshii ka dirir bar barkay ka baxdaa waa bakeyle qaleen halayareeyo oo hala joojiyo yuus.com

  25. hiildan meesha somaliwayn hadaynoqoto beesha isaaq waa laiska ilaalinayaa markaa dagaal baan ka xignaa somaliwayn inasamtarna haduu madax somali a kanoqdo waxan u arkaa in uu dhiig faraha lagalayo kaas oo samayn ku yeelandoona waana lamahuraan haduu madax noqodo in karee u soofulidono sland taasna waa eegnaa in uu khasaare laan lag soowaqsan doonin dhici doono

  26. Omar salaan sare sxb……..Iga gaadhsii Hanimuufo Salaan gobeed oo qaaliya aad baan uga xumahay inay halkan ka maqnaato waan soo dhaweynaynaa hadii ay noosoo noqoto raali galin baan diyaar ula nahay dhamaantayo is fahamwaagii nagu kala dhex dhacay hadii ay maqnaato oo ay sidaa ku firxato xaalku waa Khuuro.com

  27. waxaan leehay hambalyo hambalyo macalinka umada al ustaad al professor Ahmed Samatar musharaxa madaxnimada ee xisbiga Hiil Qaran.. Somalia ninkaa ayuun baa badbaadin kara ..

    Guul Hiil Qaran.

  28. Hiildan, maxaad ula yaabi hadalka ka soo baxay Faisal Waraabe, ninkaas wax khalad ah ma odhan, SL waxa dhistay beesha dhexe waxayna u dhiseen ubadka beesha dhexe. taasi shiki kama jiro xitaa haday arinka qar qariyaan oy si wax qabaayel dhan matash ka dhigaan, carabkoogu ma beeneeyo waxa sirta ugu jira waakaa hadalku ka baxsaday ina waraabe.

    taasi laiskuma haysto,, ee waxa laisku haystaa mar hadi aan ognahay arinku inu sidaa yahay maxa laga sugayaa SL? miyayna idiin haboonayn inaad AwdalState kuso biirtaan ? ninkasta tiisa hadhisto aayahiisana haka tashado.

    Guul AwdalState.

  29. http://archive.org/stream/seventeentripst02swaygoog#page/n40/mode/2up

    SEVENTEEN TRIPS TROUGHT SOMALI LAND.

    bUUG WAX KU OOLA NINKII WAQTI U HAYA.

  30. Durkiye waa buugan ku sheegaye laydin kama badnayn Somaliland waqtiga,waxa i soo jiidatay qaybta ka hadlaysa in Gadabursi weeraray Bulaxar 1903.Waa waqtiguu Cali Bucul lahaa

    Almis goodiyadeeda

    Bulaxaar gudubkeeda

    Gobabkii Hargaysaad

    Galabuu isku maraaye

    Ma galool ubaxlaa?……….Wuxuu amaanayay faraskiisi Gaylaan.

  31. Waa pageka 81,raga weerarayay Bulaxaarna waxay ahaayeen Baha Gadabursi ,aniguse aqoon uma lihi reerkaas.

    Wuxuu kauu ka hadlaya khilaafkii Ugaz Nur iyo Cilmi Warfa.Inankuu adeerka u ahaaye is boqray.

  32. Qaybta Ugaaska ka hadlaysina waa pageka 108,wuxuuna Swayne oo ahaa DCgii waqtiga Somaliland kula kulmay Ugaaska Sataawe waase xagee Sataawe?

  33. naadee godan waa kasoo dardarte hadaanad waxba garanayn dhulkayaga dadkale hanaga siin ma boloxaarbuu wakhtagaa ciisedeganaa heesta faraska loo tiriyay micnaheeda wuxuu kawaday dhulka gadabuursigu dego ee ugaasku kamasuulka yahay ayuu faraskani ufudaydin jiray inuu sidegdega usoomaro markaa please inbadan baan kuu fiirsanayey sidaad wax uwado waxaan kabaqayaa hada inaabad tidhaah ugaaskuba ciisuu ahaa.cali iyo sahala halkaa ku bililiqaystaa.
    kafiirso waxaad qorayso waxaanad hubina haqorin.

  34. Hadii Dayuuradaha ”SOMALIA”sanadkii 1988 ay ka duuleen Garoonka Hargeisa isla markaana duqeeyeen Magaalada Hargeisa,Burao iyo magaalooyin badan then dadkii dhulkaas deganaa oo ah”ISAAQ” ay iska celiyeen iyagoo Basekooda ahaa gudaha Ethiopia,lana baxey SNM,then khalad uma arko hadalka Faisal Cali Waraabe.Wuxuu u jeedaa,idin dooni mayno oo waxaasi mardambe naguma dhacayaan.Hadii maanta beesha beelaha Somaliland oo dhan ay soo weeraraan Awdal then Gadaguursi waxa uu sidii SNM samaysanayaa xisbi,waxana uu dhamaan la dagaalamayaa Dhulbahante,Warsangali,Isaaq oo dhan,Ciise,Gabooye iyo qabiil kasta oo aan Samaroon aheyn.Markaa marka dagaalkaasi dhamaado Gadaguursi waxa uu la bixi karaa tusaale ahaan”Adal” oo noqonaysa xadka Djibouti ilaa xadka Puntland,sida Somaliland ay hadda samaysey oo kale.Markaas hadii Nin Samaroon ah uu yidhaa”Adal” waa muqadas oo dooni mayno ”SOMALIA”Oo ciyaalkayagii bay xasuuqeen dabcan runtii bay noqonaysaa,laakiin ma aha wax khusaynaya Isaaq,Darod,,Ciise walaa Gabooye.

  35. Caasha sidaa maaha ,waxaan ka hadlayaa buuga aan dusha soo galiyay waxa ku qoran ee ila aqriso,Bulaxarna buuga ayaa sheegaya in Gadabursi weeraray magaaladaas waliba Baha Samaroona horta buuga ila aqriso,group ayaan nahay wax wada aqrista aniga iyo dhalinyaradu,kana faalooda waxan akhrisanay.Waase xagee Sataawe.

  36. Laakiin dagaalkii ka dhacey Gobolada Waqooyi waxa ay aheyd Soomaali oo dhan oo wada ciidamo ah iyo Oromo ciidamo laga dhigey oo lla dagaalamaysey SNM oo u badneyd Beesha Isaaq iyo Beesha Ciise oo dabayaaqadii dagaalka u gurmatey.Markaa Faysal Cali Waraabe waa nin laga qadariyo gobolada Awdal,markastana yidhaa”Beelaha Darafyada” ha loo kordhiyo saamigooda si bilaa shuruuda,hadalkan uu yidhi ee ah”Waan ilaashanaynaa Somaliland oo ciyaalkayagii baa lagu xasuuqey” waa runtiiyoo 250,000 Oo Isaaqa ayaa ku dhintay duqaymaha cirka.Borama maanta waxa ku nool 430,000 oo qof,hadii Dawladda Somaliland ay 250,000 oo Reer Borame ah xasuuqdo’ ma u malaynaysaa in 1second Calanka Somaliland uu ka taagnaanayao Awdal! I don’t think so,markaa Faysal Cali Waraabe hadii uu sheegayey xasuuqii 1988 xaq buu u leeyahay,laakiin muu odhan”Somaliland Isaaq baa leh”. Qof weyn been lagama sheego.

  37. tallman
    sifudud an kuugu sharaxo aqligaa kugu yar ama isaaqjacalbaa ku dhaandhaamiyee waxa weeyi maanta gadabuusi badan oo isaaqkasoo horjeeda xukunkooga ayaa jira hadaba hadii ay soo weeraraan boorama oy yidhaahdaan magaaladayada anagaa katalinayna makula tahay xukuumada beesha dhexe inay iska daawanayaan ama amaansiinayaan dee siday yeelilahaayeen uunbaa lagayeelay ee madaxa kor uqaad
    mise adigu hablihii makaahiileed lahayd ciisaha iyo isaaqa jabuuti baa gumaysan jiray ba fikradaadu madhaafto

  38. tallman imisa jirbaadtahay? kola ciyaal kola coomir.mise meeshan hanimoofaa lagaaga eryoo ana waa la i eryi
    godan sorry huuno waxba maan akhriyine waan soobooduun waana cadhada ay nabadeen ciisahan nagu daba dheganee dhulkiiba nagula doodaayi
    satawa waan ilawsanahay waan kuu sooraadin.

  39. Caasha hada ma i fahamtay,waase xagee Sataawe? Caashaay aan kula kaftamee kuwa halkan ku jiraa Turki ama bortaqiis ayay nagu sheegaan.

  40. 250.000 , oo Isaaq ah ayaa ku dhintay duqaymaha cirka…..Mr TallMan, you must be kidding Right..?…. Soomaalidu maba lahayn diyaarado cir oo tirada intaa le’eg dili kara. Isaaq siduu u dhan yahayna cir iyo dhulba tiradaas ad sheegayso xitaa rubuceed kama dhiman.

    Faysal Cali been kama sheegin wuxu ku hadlay afkii beesha dhexe, kuma hadal afkii qaranka Somaliland. Wuu fashilmay sxb ninkaasi.

  41. Somaliland waxa wada leh beelo badan,kii diidana ama Isaaq ama Gadaguursi ama Ciise ama Darod ama Gabooye waa degi karaa wadamada jaarka sida Djibouti,Somalia or Ethiopia,keyboard aad isaga qorto wax aan”Reality” aheyn ma soconayo.Aan in yar ka hadlo adeerkay Ahmed I Samatar,hadii ilaahey wax ku siinayo cidna permission ma weydiisto,laakiin Somalia maanta waxa yaala 2 wax oo ah” Waa ayo ninkan qabiilkiisa iyo Lacag ma haystaa”! Hadii 2daas su’aalood ba aaney dhibayn oo Kumanaan ama Malaayiin Samaroona ay ku noolyihiin Somalia uuna yahay”Nin Taajira”then ma arko wax ka celinaya in uu noqdo Madaxweynaha Somalia.Hadii lacagna aanu haysan tolna aanu ku laheyn Somalia,then ilama aha in Augost2012 oo President ka noqon karo wadanka Amisom ee Somalia.

  42. godan waan seexanayaa huuno waa inoo markale gadabuursi Turki iyo Bortaqiis ayuu la heer ahaa waayadaa waana dawladihii aduunka xukumijiray.

  43. Aisha,halkeed ka keentay in Gadaguursi badan ay diidanyihiin Somaliland! Aniga maad iga xigtaa Samaroon,mise waxa aad aaminsantahay hadii Ninka Maxad Case hooyadii ay tahay Ciise dhiig malaha iyo beentiinii,ciyaalna ma ihi oo 30kii 3 sanaa iiga dhiman waa marka ninka ragga ah uu ugu caqliga badanyahay da’daas,Samaroona hadii vote la qaado majority waxa ay raacayaan Somaliland ee anuu sanid kasta dhulkii waan tagaaye aduu ma tagtaa.Hiildan waa laga yaabaa in numberka”Exageration” uu yahay,laakiin maad diidantahay in Hargeisa,diyaarado lagu duqeeyey iyo madaafiic dad kumanaan kun ahna ay ku dhinteen! bal haa iyo maya aan kuugu imaado tolkay baad tahoo waxba kugu diidi maayee!@ Aisha, anuu waxaan joogaa magaalo Canada ku taala oo America Esaac kaliya u jirta Hani isma naqaan Hiildana isma naqaan, marmarna waxa aan ka soo gali karaa Texas ee la soco.

  44. Aisha,hablaha Makaahiil,haa waan caayey,laakiin marka ragiinu ay caytamaan dee hablaha makaahiil baad sheegtaaye,waa halkii ciisee”Aheey ah Anaa Yoonis Muusaa” ayaan odhan doonaa huuno.ahaha

  45. Alla ya ila qosla………..

  46. TallMan,

    Haa Diyaarado waa lagu weerarary iyo dibaabadaba, waa sidaan maqlay, aniguse ma arag. Laakiin Nuclear Bombkii lagu dhuftay Horoshima (Japan) xitaa tiradaas ad sheegtay kuma dhiman. Markaa tiradaasi waa mid xaqiiqda iyo xaqaba ka fog. Talada an ku siin lahaana waxay tahay marnaba waligaa xaqiiqda haka tagin, adigoo hadana difaacaya waxad rumaysantahay.

  47. Horta Hiildan 1988 Wjir baan ahaa,laakiin adoo UK Ku nool oo kumanaan kun oo Somali ah ay deganyihiin baad iga tidhi waan maqlay uun!Markaa why aad u rumaysatey wax aad maqashey uun sxb!Xitaa DVD kamaad daawan.Mise waxa aad rumaysantahay theoryga ah”Wixii aan arko uun baa runa” Wali su’aasheyda kamaad jawaabin Mr.Hiildan,you going on circles!.

  48. Godan,

    Dee ma sidanaad ugaasnimo u rabtaa sowdigan Ali Durgiye wixii yaraaba gacanta kaga riday…kkkkkkkkkk. Haboon to the rescue at Haboon.com

  49. Hiildan waxa aan joogaa dibadda waa 6:10pm(Afternoon Time”,waxa aan shaah ka cabayaa cadaysa”Starbucks” waxana aan isticmaalayaa’Iphone 4” ee marka aan gurigayga tago ayaan daawan doonaa your video response.Hadda iima soo bixi karo Vidoyahaaga and then comment baan ka sameyn,ama anaa ku soo raaci ama adaa i soo raaci sxb.

  50. Tallman tirada aad ku sheegtay hargaysaba kuma noolayn ka fiirso waxay ku sheegaan wax badanbaa beena

  51. Samatar waxan leeyahay hanbalyo nin hanqal taagay xoolo soo hoysay. Balse intaad cilmi iyo waayo arag tinimo leedahay maanta islaan aan waxna qorin waxna aqriyin baa kaa tala fiican baan u maleeyaa. Hadii Samatar siyaasada somaliya bulaacad ku sheegi jiray maanta maalin ay ka ur qudhmuun tahay ma jirto markaa nin kii samatar dirxigii aan qudhunku u uri jirin buu noqday hadii waxii uu bulaacad ku tilmaamay maanta shaadhka u xidhay. Hadii bulshada somaliyeed maanta codaynayso waxan odhan lahaa fursad baa jirta balse hadaan indhaha layska ridayn ayaa la dooranayaa, ayaa wax dooranaya, ayayna taladu ka soo godaa, intaa ninka fahmi waayaa waa nin been isku sheegaya. Come on Timacade, at least grab the stick and guide the blind man rather walking beside him and still blaming when he hits the wall. Samatar iyo saaxibadii fikirka ay hayaan waa kii ugu qiimo badnaa taariikhda somalida balse nin tolkay laf buu toobin ku hayaa.

  52. Welcome to the world of Mooryaanism Mr Samatar and on Saturday, you became a permanent member. Doctor Samatar changed into Dagaal ooge samatar.

  53. Mr.Ma Runbaa i agree al,laakiin dagaal ooge(Question Mark) baan saarey@Colhaye ama tiro yar ha ku noolaadaan Hargeisa ama tiro badan,dadku wey igu raaceen in”A Mass Massacre” ay ka dhaceen halkaas in 1988 waxana aan ka idhi Hiildan,wey noqon kartaa tirada aan sheegay ee 250,000”Exageration”.

    • Some people naturally live in denial.Even the the holocaust of the Jews, there are some people who still believe that it never occurred.History NOT remembered is bound to repeat again.I heard such kind of denials so many times. It really hurts me but I got used to it.And I don’t argue with heartless souls. I hope you do the same thing. Don’t waste your to time to drop a line for everyone. Some are really tempting to drag you down than your standards.

      Take care bro.

      Mr Marunbaa, I agree with him. Our Good Dr. sold himself to Moryaans in Mogadisho.

      Carraale.

      • *** Correction***
        Mr. Tallman, Some people naturally live in denial.Even the the holocaust of the Jews, there are some people who still believe that it never occurred.History NOT remembered is bound to repeat again.I heard such kind of denials so many times. It really hurts me but I got used to it.And I don’t argue with heartless souls. I hope you do the same thing. Don’t waste your to time to drop a line for everyone. Some are really tempting to drag you down than your standards.

        Take care bro.

        Mr Marunbaa, I agree with him. Our Good Dr. sold himself to Moryaans in Mogadisho.

        Carraale.

  54. Mulkiyada ilahay ayaa bixiya lakin mr samatar waxan ku taageersanahay hankisa siyaasadeed haduu awal bulaacad ku tilmaami jiray manta waxbaa isbadalay intuu banaanka ka joogi lahaa na waxaa roon inuu wuxu qaban karo ka qabto

  55. Asalaamu Calaykum dhamaan akhyaarta hiidanow,

    Hambalyo!!! Hambalyo!!! Prof. Ahmad I. Samatar Ilaahay ha kula qabto hawshaa adag eed u babac dhigtay in aad qabto in badan ayaad Soomaali iyo Soomalia aad u dood iyadoo cidiba aan hadal hayn wax qaran iyo dal ama dad la yidhaa, in badan ayaa maan gaab iyo wax ma’oge kugu qoonsadeen wadankaaga aad u daashay in badan ayaa in hoos laguu soo celiyo xadhig dabar lagaagu dhigu geedna lagugu soo xidho la’doon dhag u dhigi weeyday, in badan ayaad tol iyo abtiba kugu la coloobeen mabda’aaga oonad u joojin, hadaba maanta waa maalintii aad usoo daashay eed u xiiqday ee hoogaanka qabo horena u soco ayaan ku leeyahay Madaxweeyne Samatar mar hadaad halkaa gaadhay waa maalintii lawada sugayay aabahay saadalin jiray ee caynaankahay anaguna waan ku garabtaaganahay.

    Gadabuursow geesigiina waad u darantihiine deelqaafka ka daaya waa ninkii ugu horeeyay gadabuursi hankiisu dhadhaar dhaafay oo Soomali oodhan madaxii doontay, wuuna u qalmaa intaa iyo in ka badan ba waana ninka dalku u baahan yahay. Agoon ma dhicin, dhagar magalin ee waa aqoonyahayan jecleeystay in uu isbadal sameeyo siiya codkiina.

    Guul,

    To Abdiqani

    Salaan qaaliya inaadeer iga gudoon 2010 ma xasuusataa maalin aan filim kuu soo diray oon kulahaa
    I

    I HAVE A DREAM, DREAM THAT ONE DAY THEY WILL BE JUSTICE AND PROSPERITY.

    I HAVE DREAM THAT ONE DAY OUR HEROES WILL RISE AND UNITE THERE PEOPLE TO MAKE THE DREAM COME TRUE.

    I HAVE DREAM THAT ONE DAY THE HISTORY WILL REWRITE IT SELF AND THE PUZZLES WILL FIT ITS PLACE.

    I HAVE DREAM THAT ONE DAY THE FUTURE WILL LOOK LIKE THIS AND THE VOICE OF THE PEOPLE WILL BE HEARD !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!! IN OUR LAND.

    Maalintii waa maanta ee uga kaca kuraasida!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

  56. Welcome Back inaadeertay Fatxiya Shankaroon, waan xusuustaa ‘I have a dream’.

    Axmad Guray already taariikhdiisu way qorantay, waa geesigi ugu horreeyay ee dhaafay dhadhaar iyo muran sokeeye, isla mar ahaantaana hindisay himilada xisbi qaran oo isagu hogaamiyo. Haatana wuxu ku sugan yahay Muqdisho gudaheeda isagoo ku dagaalamaya hadafkiisa iyo hankiisa inuu hir galiyo.Waa maalin loo saro kaco.

    Waxan kugu salaamayaa 26-ka Juun, maalintii ugu horraysay ee calan soomaaliyeed oo xor ah la taago. Maalinta ugu mudan in laysu taago.

    Thanks

  57. Soo dhawoow Fatxiya Shankaroon waad salaamantahay

    Caqligiinaan ka yaabay Habar Gidir dhawaan waxay diyaar u tahay inay kusoo duusho oo ay cagta mariso Gaalkacayo ilaa Bosaaso inta u dhaxaysa kagana takhalusaan maamulka Faroole iyo waxa sheegtaba,Haye Axmed SAMATAR dhinacuu raaci doonaa,Ninkan Ina Samatar waxaa daaha gadashiisa ka remoute-garaynaaya Cabdirsaaq Xaaji Xuseen oo ah MJ marka ay qadhaadhaatona wuu kaga bixidoonaaye yaa u gurman doona oo halkaasi kasoo samata bixin doona….?

    Marka ay xaajadu xumaato ma Maxamd Case ayaa intooy kaxaystaan ciidanka dalaayadaha ku booda soo samata bixindoona….?

    Waar ninkan jar haka tuurina haduu wax isla hayo tolkii iyo wadankiisa ha usoo noqdo intuu tolkii shiriyo ha dhiso LughayaPort tolkii Samaroon oo maanta fiintu dhex miraynayso ha heshiisiiyo oo cilmiga uu sheeganayaa haduu ka dhab yahay wax garadka iyo siyaasiyiinta hogamiye dhaqameedka Samaroon meel ha iskugu keeno oo haku rido tubta toosan si loo gaadho horumar iyo jawi la jaanqaadi kara mandiqada geeska Africa ee Samaroon kaga jiro go’doonka.

  58. A. I. Samatar ilaahay ha ku asturo xilka weyn u qaaday, ujedaduu kalaha alaah ha gaadhsiiyo..amiin

    Noloow Monsieur le Presient, hambalyo adiga iyo intii kugu garab gashay HiilQaran…

  59. Habooneey hambalyadaa dhacdaye hadhaw ha u barooran Ina Samatar marka cadawgiisu Muqdisho meel saaro,Cisha dhaw yaanan arkin adoo barooranaaya oo ka xun waxa ku dhacay Hambalyo ku lahaa ma isagaa jooga meel loogu hambalyeeyo allaha u naxariisto dhinacayga waxuu ka yahay nin dhintay.

  60. Darbi, markay sacaadisu gasho wuu dhiman meeshuu ku dhiman alaah og, adigu ma ogid cid kalena ma oga, waa runta oo alaah ha u naxaaristo ana amiin ayaan leeyahay, de naxaarista ilaahay if iyo aakhiroba wa taalaa, isaguna wuxuu u sii naxariisandoona inta uu madaxweeyne u noqon dono oo adigu ka mid tahay…

    Haduu ku dhinto isago somali u gurmanaya, anagu ooyi mayno, rag kaleba waan ku weynay muddisho oo samaroon ahaa u kamid ahaa General TALAN (AUN),

    Ogoowna ka miskiinka ah ee gidarada muqdisho jiifa iyo samatar hooyo ayaa wada dhashay, adiguse bal wadka ka celi Garaad, Rashiid iyo Riyaale yaanay dhimanine…

  61. Ahmed Ismail Samatar, alloow ku dhoor, hanaga lumin oo hanaga dhiman…

  62. Welcome Fathxiya………Xaqiiq weeye inuu yahay nin courage leh inagana waxa inala haboon inaan gacan weyn siino, nin samaroon ah oo wax wanaagsan samaynaya…

    @Marunbaa……..Saxiib aad baad ula weyday……Sidaa kitaabyada u furfurto iyo siday arrintani kuu seegatay waa kaaf iyo kala dheeri. ..Bal dib isugu noqo.

    @ Darbi……..Saxiib Dhimashadu waa xaq, waxaase ilaahay ka rajaynayaa inuu xafido Noloshiisa, lakiin haddii ay tii xaqu u timaado isagoo caawinaya umad tabaalaysan dee cidina ma joojin karto geerida, lakiin xagga aduunka iyo akhiraba ilaahay raali buu ka ahaan.

  63. Waan idin salaamay ilmadeerayaal dhamaantiin, dhimashadu waa xaq oo noolaba waa dhinte weeyse kala magac roontahay marka qofku uu ku xisaabtamayo camalaad iyo xasanaad waanagsan isagoo sameeyna kuna gudanaya waajibaadkii saarnaa ifkana sabab ayaan ku nimid oo Illah inoogu abuuray ikhtiyaarkana inoo siiyay inaan caqligeena saliimka ah meel ugu jiheeno xume iyo wanaag kolba keey inala noqoto waana la’inagula xisaabtami doonaa marka wakhtigeedu yimaado.

    Markaa madaxweeyne. Samatar wuxuu doorbiday in uu waajibaad ka saaran u ka midho dhaliyo una dhintana hadii aay tiisii noqoto, dhimashaduna waa sheega kaliya een hubno iyada inadeer MCShriifow halkaa ku daa. Soomaalina meel aay joogtaba waa Soomali magacuna waa maguuraan waqooyiga Somalia waxay kamid tahay Somalia madaxu hadii uu bukoodana mijuhuna weey is dhaafaan markaa maanta madaxii wuu soo bogsanayaa mijuhuna weey isku iman ee aduu dib u gurashada jooji gaadhigana shookaanta sideeda u qabo oo hambalyee madaxweeyne Samatar.

    Guuleeysta geeshkayagow

  64. Pr. Samatar wuu u qalmaa in uu Soomali hogaamiyo, waxbadan buu mawqifkiisa iyo dareenkiisa Soomaalinimo ku adkaystay oo uuna marnaba ka wara,in 21 sanadood ee siyaasad sunaamigu Somaliya ka aloosnayd.
    Hambalyo ayaanu leenahay inkastoow caqabado farabadani ay ku hor gudbanyihiin ha ugu horayso dawlada Ethiopia oo xataa ka saartay shirkii Kenya.

  65. Godan

    Satawee waan aqaanaa ee biloow la,i shiidaa kkkkkkkkkkkkkk

    Sideedaba waxa jira magacyo isku soo noqda dhulkeena lkn SATAWAHA aan anigu aqaana wuxuu ku yaalaa meel bari kaga toosan tuulada la yidaahdo AGABAR. Waxayna waqooyi ka xigtaa tuulada la yidhaahdo ILINTA DHEXE.

    Waxuu u dhaxeeyaa dooxa badhi-guduud lagu magacaabo ama makhaaxida badhi-Gaduud siday dadka qaar u yaqaanaan iyo buurta wayn ee BARO la yihaahdo.

    Waana suurta gal cid Bulaxar ku socotaa in ay dhulkan sii marto dabadeedna dhowrka wado ee xeebaha usoo dhaadhaca mid ka mid ah ka dhaadhacaan.
    Buuga ma, haleelin oo ma,akhrin ee xagay degaan reerahan Baha Samaroon ee sidaad buuga ka soo xigatay Bulaxaar ku duulay? Kolkaa kadib waan isla eegi karaa in SATAWAHAN sii mareen iyo in uu jiro mid kale oo aanan anigu aqoon. Balana waxa iga ah in aan wixii aan aqaano runta kaaga sheego.

  66. Meeshaba 70% Hiildan ayaa iskugu jawaabaya.

  67. Mr Jufo, sxb xaasidku wuu indho laayahay 99/100….!

  68. Hiildan,Jufo dee levelkaaga maaha,nin waxbartayna maaha,waayo hadii uu wax bartay,xitaa High School dhameeyey,then dadkoo dhan Hiildan uma ay wada noqdeen mise High Schoolba maahee Esl ma galin.Tacliinta hadaan halkaa iska dhignana,waxa jira qof aan waligii waxba baran,laakiin asluub leh intaba kama hayno Jufo iyo qaar kale.Laftayda waan tuurtuuraa quruurux,laakiin waa marka la i shiido Mr.Jufo ajaja.

  69. go samater go ,,yes you can ina ismaciil samater wuu u qalmaa inu somaliwaynnnnnnn hogaamiyo waan ku dabo faylaynaa ilaahow u rumee viva soomaliwaynn..god bless my awdalstate and hiilqaran

  70. Tallman Inuu hiildan yahay wuu fahmi karaa ninkii wax bartay jaahilna loo sheegi maayo.

  71. Aniga waxay iigu mmuuqataa ninka Hiildan iyo Tallman qoraaladooda iyo doodahooga ku kala garan waayi waa nin xaqiiq diid ah.

  72. Sahal, aad baan ku salaamayaa

    Dheg ha u dhigin dadkan waan ku daalay, oo 10 sanadood ayaan u sheegayay inaan anigu ahayn qof magaciisa qariya ama babadala.

    Imikana waxabad arkaysaa iyagoo ku murmaya TallMan oo magaciisa oo saddexan soo dhigay, oo xitaa telefoonkiisa soo raaciyay, oo si cad loo garanayo. Xitaa hadduu sawirkiisa soo dhigo sannado badan ayay ku qaadan inay rumaystaan sidii McShariif oo ilaa imika qaar rumaysan laayihiin. Laakiin nasiib wanaag dadka noocaas u fakirayi aadbay u yar yihiin , oo waa koow iyo laba ama saddex hadday ugu bataan.

  73. Hiildan,walee been maaha,laakiin waxaan jeclahey in aan Sawirkaygana soo raaciyo,hadii 2qof oo halkan sida ”Birds” u ciya hadii iyaguna soo raaciyaan.Is qariska ma wanaagsana,nin Ragga waa ka lla arko ee u sheeg Mr.Hiildan.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: