Wada Hadalka Labada Dal ee Somaliland iyo Soomaaliya: Go’aamadii London UK


Categories: Warka (News)

75 replies »

  1. eeemm eeemmm eeeemm eeem, du dayooo Dr xabeeb kkkkkk

    aaway 22 sanno waan duulayddi ma waxay ku soo uruurtay in nin uukiyaale badoow sita oo habar gidir ah oo afkiisa ka dhoowray kalmada aqoonsi lagula heshiiyo nidamka feedaraalka ah oo la sarbeebay.

  2. Waan ku faraxsanahay in ugu danbayn ay hogaanka sare ee Somaliland fahmeen halkay ka dhowdahay.. waana taan rabay inay sameeyaan 6dii sano ee ugu danbeeyay.. waa guul mar hadii ay siyaasadii arimaha dibadda ee Somaliland mature noqotay loona wado si pragmatic ah.. waa wax qasab ah inaad la hadasho cida aad rabto inaad ka go’do.. sidii aad ula hadashay markii aad ku biiraysay..

    Waxa kale oo qasaba oo dan u ah labada dhinacba inay ka xaajoodaan sidii ay uga wada shaqayn lahaayeen ka hortaga khatarta argagixisada iyo amaan darada badaha iyo barrigaba.. kobcina ugu samayn lahaayeen xidhiidhka dhaqaale..

    Wada hadaladda rasmiga ahina waxay dhici doonaan ka dib marka TFG-gan laga takhaluso.. ee cid ay arinka koofuri ka go’do from Puntland to Laas-Casayr meesha timaado.. shirkan dhacay imika waa iska hordhac uun ee sheekadu waxay noqon doontaa mid taxane ah.

    Waligayna ma arag maalin ay Somaliland himiladeedu ka wanaagsan tahay..

  3. From Puntland to RaasKambooni *

  4. intaa aqoonsi iyo wax la mid ah la soo hadal qaadin reer Hargeysa waxaa lagu amray in ay hortaa ka tanaasulan wax la yidhah somaliland ka dibna ay xamar iska soo xaadirshaan markaas ka dibaa loo kitaab furi doona bal in ay go,y karan sida koonfurta suudaan iyo in kale halkaasna waxaa ku cad warkii hoggaamiyaha Djibouti sheegay ee ahayd in ay reer Hargeysa gaadhi gacan gaadhi faras ku riixeen.

  5. Ali Durgiye

    “waxa lagu amray inay horta ka tanaasualaan wax la yidhaa Somaliland….. ka dibaa loo kitaab furi doona bal in ay go,y karan sida koonfurta suudaan iyo in kale”

    Hadal yaroo lix sadar ah oo hadana iska wada hor iyo dabo imanaya…. maxaad yeeli lahayd hadii lagu yidhaa buug qor.. kkkkkkkkkk

  6. Cali Durkiyoow

    nimanku waa tolkeene ha ku tiiqsane lkn talo walaal in aad dhuuxdid way fiicanyahay kkkkkkkkkkkk dariiqu in uu kani yahayna si dadban iyo toos ahba waan ugu sheegnay ilaa aakhirkii farta waaweyn ku nidhi: BUUDHIGIIBAAD FARASKA KA HORAYSIISEEN. Wixii af-lagaado iyo eed inaga soo gaadhayna waan ognahay lkn ayaan uga tagaynaa reerka?

    IMinka jaaniskii ugu dambeeyay ayay haystaan ee waan inay si fiican u dheelaan, ayna fahmaan in adduunkan maanta taladiisu dad ka go,do oo ayna soconayn halkaasaan ku dhagi. Reerku waxad moodaa inay ganacsiga siyaasada kaga fiicanyihiin.
    haye Isaaq boy kkkkkkkkkkkkkkkk

  7. Isaaq boy

    kaftanka marka dhinac iskaga dhigno, maxaad is-leedahay wada haddalan wayka soo bixi doonaan marka gabogabada la gaadho?

  8. Sahal

    Inatyaanaan kaftanka ka bixin.. Ina Durgiye wadnahaa dhag leh.. oo dhag-dhagleeya mar waluu arko Somaliland oy wax u soo hagaagayaanba..
    Adigu waad ka Somaliland-santahay inaadeerkaa..
    oo isagu waa Ismaaciil oon biyo is marin marka arimaha Soomaalida laga hadlayo.. oo he lives in denial.. is dafirsiin buu ku noolyahay

  9. b>Jawaab..

    Somaliland way 21 jirsatay waxaanay noqotay reality iyo waaqic aan cidi iska indho tiri karin oo jira.. waana la siin doonaa waxay rabto xaqana u leedahay.. taasoo waafaqaysa maslaxada ay mandiqada ka leeyihiin wadamadan ifka ka diigleeyaa..

  10. Isaaq boy

    kkkkkkk odaygan Cali anaa kaaga filan oo XEER xadhigaagii soo qaado la yidhaahbaa meel noo yaaleee
    Seedigaa Ismaciilna dee cali iyo Ciiseba gacalkaa uunbaad wax siisaa ayay kula coloobeen ee adna ma cidlaad u saari kkkkkkkk reerka haddaad Habrihii baasaa u kala dhig-dhigi mooyee, HARAMUUS inikaa ku hareeraysan kolkaa siday isku qabanayaan seedigayo wuu noo roonyahay iyo Somaliland buu necebyahay? Gacal waa beere jarka ka qabo raga in uu isleeyahay ayay iila muuqataa.

    Waa runtaa oo Somaliland waxa garwaaqsatay xaqiiqda siyaasadeed ee ku hor gudban in kastoo lala soo daahay. Haddana waa in wixii go,aya ee aduunku ogalyahay la goosta oo il-duufka siyaasadeedna la,iska jiraa.

    Ilamana aha in aduunku danaynayo ama maslaxadi ugu jirto in ay Somaliland aqoonsadaan. Hadday aqoonsadaan waa khary ee haddii taasi dhici waydo, maxaa la gudboon Somaliland? Ma 21 sanadood oo kale oo ictiraf la,aan ah mise wax kale ayaa gorgortan lagu gail karaa? Bal artidaada iyo ta dadka inta badani qabaan noo balblaadhi?

  11. Sahal

    kkkkkkkkkkkk waan ogahay sxb in seedigayo IOG lagula coloobay gacalkaabaad wax siisaa….kkkk

    ________________________________________

    Hadii ay wax midho ahi ka dhalan waayaan tan imika socotana.. (Inkasta oon rajo wayn ka qabo)..
    Wada Hadalka Koonfur iyo Waqooyi oo qudha ma aha wadada kaliya ay u maranayaan reer Somaliland xaqiijinta himiladooda ee waxa jira wadooyin kaloo badan.. oy ka mid tahay Case-ka oo loo gudbiyo golaha amaanka iyo jimciyada guud ee qaramada midoobay.. iyo wadooyin kaloo badan..

    Qadiyadanina ma aha wax uu nin kaliyi wato ee waa go’aan shacab.. siyaasada caalamka iyo maslaxadaha wadamaduna way guur-guuris badan yihiin oo ma yeeshaan waji gooniya mar walba..

    Nina waxa ugu liita ninka marka uu himiladiisa dhowr albaab u garaaco daala ee quusta..
    Wax kastoo wayna dhayal laguma helo…

    _________________________________________

    Salaadii jimcaa taagan oo break baan uga baxayaa shaqada ee waa inoo hadhow insha Allah

  12. Isaq Boy………kkkkkk Sahal waa muwaadin reer Somaliland ah lkn Cali Cute xaalkiisa waad garatay oo wad-nahaa dhag leh Somaliland Cishada la ictiraafo iga walee waxaan ka baqayaa inuu xadhig doonyaad isku daldali doono kkkkk

    Wadnahay dhaglee Cali Cutoooooooooooooooow Waa damac jacayl nafta dhaawaoo , dhalan rogay naftee.

  13. Issaq-boy,

    Hadaad hadal badan calan ku helayso 21 sanno weyee waxaad qaylin anaa maalintii saylac la joogay waxaan hadal kuguu soo murtiyeey in aan joogo saylac oo soomaaliyaa ku taal waana adigii sida xaawalayda u duday ee lagu soo celiyey ka diban adaa bixiyay cafis oo marti qaad ii fidiyey illa maantana wax jawaab ah kuma siin.

    Halkay sartu ka qudhun tahayn waa beenti iyo munaafaqaddi aad igaga baxday mawduucaasna imika kama wada hadlayno.

    Aduunku wuxuu ku yidhi anaagu waxba kaama naqaan ee hadaad rabto goosi koonfur la hadal,koonfurna waxay ku tidhi afka ha soo marin wax la yidhaahdo idoorland iyo aqoonsi waanad yeeshay ee hada maxaa ku xal ah?

    teeda kalee aanu runti maba diidani haddi la kala go,y laakiin bal waxaad ii tusisaa 20 qof oo aan issaq ahayn oo raba in ay somaliland tahay wax jira oo la wada leeyahay, qofka ugu dhoow ee ku taageera waa Hiildan yare isna qolkiisan yar calankii buluugga ahaaba u astaan ah.

  14. Cali Cute…..kkkkkk Isaq boq maxuu ahaa wacadka uu kaaga baxay…..? Maxaad ku heshiiseen eed heegaysaa waa maxay….? bal u fiirso hadalkaaga iyo waxa aad la shirtimid

    “Halkay sartu ka qudhun tahayn waa beenti iyo munaafaqaddi aad igaga baxday mawduucaasna imika kama wada hadlayno.”

    Somaliland Samaroon oo dhan,Isaaq dhamaantii Warsangali iyo Dhulbahanteba way yaqiinsanyihiin in Somaliland la ictiraafaayo dhawaan sidaana uu hada ku bilaabmay wada hadale ma wadnahaa ku dhag le Caliyoow.

  15. Sahal

    Prof Ahmed Samatarka HiilQaran.. iyo inta taabacsan Go’itaanka Somaliland meel bay iskugu yimaadaan meel kalana way ku kala weecdaan.. Meel bay iskugu yimaadaanoo waxay wada aaminsanyihiin in Somaliland ahayd wax jira markii la isku biirayay.. imikana tahay waaqic jira.. waxaanay ku kala baydhaan halka dib u go’a iyo midnimada.. HiilQaran waxay aaminsanyihiin in la midoobo laakiin lagu midoobo sidii 60 kii Somaliland iyo Koonfur.. sidaasna awoodaha loogu qaybsado.. meeshana laga saaro 4.5-ka dhiciska ah ee ay Majeertaanku soo malmaluuqeen.. iyo maamul gobaleedyada fadhiidka ah.. waana sababta uu Samatar u diiday Awdal State iyo Khaatumo.. iyo Galmudug macaa Puntland-teeda..

    Yar-yarka halkan la yaaca Awdal State ee 99% sheekadoodu tahay maserayka Saylici.. waxba ma oga iyagu.. oo waxoogu waa iska sagxada..

    Markaan ku leeyahay Maslaxadaha dawladaha caalamku way is bedbedlaan.. waxaan ka wadaa Masalaxadahan la sheegaa waa damac.. damacagaanuna wuxuu ku xidhan yahay kolba inta ay leegtahay awoodaadu xag dhaqaale iyo xag kalaba..

    Siyaasada Somalilandna intii hore koontaynar kumay xidhnayne.. iyadaa dhidibada dawladnimo iyo haykalka xukun dhisanaysay.. waxa kaloo aan jirin cid alaale iyo cid Koonfur ah oo xilkas ah oo lala hadlo.. oo marna street waloo muqdisho ah mooriyaan baa isbaaro dhigatay oo xukumaysay.. mar kalana wadaado macangaga oon iyagu wadamadan iyo xuduudahanba aan aaminsanayn oo raba inay soo celiyaan khilaafadii muslimiinta ee isku furnayd baa joogay..

    Rajadu aad bay u wacan tahay hadda calaa kuli xaal.

    Darbi

    Waan ku salaamay sxb

  16. Isaq Boy…..Waa maxay beenta iyo munaafaqada aad kaga baxday Cali Cute….? Istaahil Isaq Boy mar hadaad kaga baxday beenta iyo munaafaqada uu sheegaayo waligiiba Ciisa galbeed ilka qoran oo Vumpirekii dadka dhiiga ka jaqaysay u egi Somaliland oo aanu u dhalan haka daba baroorto adeer Cali ilka qoranoow wadankaaga ku ekow maxaa kaaga gidhiisha Somaliland iyo goosigeeda Sahal waa nin u dhashay xeebta Awdal waan soo dhawaynaynaa adigase bustahaagu waa debada jooji baroorta munaafaqada aad sheegtayna nagala dhex bax ,Baga oo Isaaq kaaga baxeen munaafaqada aad sheegi,kkkkkkkk maxaa oohin iyo baroor ka baxaysa reer Djibouti walee itiraafkiibaa soo dhaw waxaan ka garanayaa ilmada ka da’aysa Cali Cute.

  17. Carsaanyoo samaaroon,

    Markii Gedo saciid lagu bixiyeey ee aad maatida issaq basaasi jirtay ciise iyo Issaq waxay u badheedheen oo ay u babac dhigeen in ay dawladdi xooga weynayd ee soomaaliyeed xukunka ka tuuraan laakiin waxay nagu khiyaameeyeen SNm-tan Habraysan, nin maalin ku dagay isagaa dagoon nin labo maalmood ku dagayna adaa dagoon marka maanta Issaq-boy isagaa dagoon.

    Adiguse odey geeli ba,y looma bahne raali ahoow adeer dad leh ba is canaanee bal yaa dirsayday fataal waaaaxid kkkkkkkkkk.

  18. Ali Durgiye

    Qaybta horee hadalkaaga sidaa Darbi ma fahmin..

    Teeda labaad waa runtaa oo way jiraan dad Somaliland u dhashay oon la jirin qadiyadda gooni isku taaga.. laakiin maajooritigu way la jiraan taasna iguma diidi kartid.. maajooritigaasina maaha isaaq kaliya ee waftigan aad arkaysaba waxa la socda Samaroon iyo Daaroodba oo dabcan dadkooda matalaya..

    Marka doorashooyinku ka dhacaan caalamka ama aftiyaha la qaado.. maajooriti iskadaaye waxa lagu kala baxaa 1% .. oo kuwa helay 51% ayaa siyaasadooda ugu taliya masiirkana gacanta ugu qabta kuwii ka soo hor jeeday ee helay 49% ka..

    Bahashan dimuquraadiyada lagu leeyahay ee caalamka ka talisaa waa dulmi miidhan.. kkkkkk

    Markuu caalamku ku heesayo kuna hadaaqayo dimuquraadiyad.. dimuquraadiyad.. Dimuquraadiyad.. kama dhigna waa nidaam dhamaystiran ee wax dhaamuu dadku.. waayay waana waxa ugu roon inta nidaam ee maskaxaha bani aadamku tuujiyeen so far.. haday helaan nidaam lagu kala baxo oo ka duwan kana cadaalad badan dimuquraadiyada kaasay adopt-garaynayaan..

  19. Darbi

    u kaadi awoow, xageebuu Samaroon kawada aqoonsanyah, hadday runtahay xataa maxaa M/Weyne ku xigeenka talada loogala dhuuntay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Waar nimankan Isaaq ayaan la, lugayn cid iyaga ahayn oo Somalilad daacad u ahi ma,jirtee. Waana meesha la,doonaya in lagu jabiyo ugu dambaysta marka loo maaro waayo. 5 reerood baad tihiine ma, qabiilbaan kaligiin inigu aqoonsanaa waa jawaabta loo diyaariyey. Darbi dadka ugu horeeya ee ooda jabinaya kolay kolay kow iyo labo midbaad ka gali ee ragga Isaaq runta ha loo sheego inta goori goortahay si ay iskugu tashadaan

  20. kkkkkkkkkkkkkkk mar qudhaynu wada hadalnee dib ugu wada noqda xaga sare si aanu hadal idiin dhaafin..

  21. Darbi

    dee sala calee sideed ii soo dhaway mise markaan dilo Awoow-Salaan kuugu imaado ayaad u jeeddaa?

  22. Isaaq Boy Jimce wanaagsan sxb Cali Cute wuu isku dhex daatay markuu arkay Reer Nuur ku jira waftiga wadahadalka labada dal ee Somaliland iyo Somalia bal maxaa ka galay …..?

    Sahal……Waa runtaa oo looma sheegin Madaxweyne ku xigeenka mudane Zeiylici taasina anaa kaa bogsiini , waxaa buuxiyay halkiisii oo kala miisaan cuslaaday cuslaaday Wasiir Maxamuud Axmed Barre GARAAD oo ah Reer NUUR,Khubaradii Isaaq ee 20 sano indhaha ka dul lalin jirtay waxay isku qanciyeen in meesha RR ka maqanyihiin ay cidlo tahay,Waloow hadii ay la galaan heshiisyo Samaroon ka kale aanu socon doonin mustaqbalka dhaw iyo kan dheer ba sidaa darteed ayaa haduu GARAAD joogo ama ka RR ugu liitaa laga fadilaayo cid kasta oo Sa maroon ah noocuu doono ha noqdee sidaa ula soco sxb meesha shax kale ayaa ka socota.

  23. Indheergarad Isaaq-Boy, Cali Durkiye waxaad waydiisaa waxay Jabuuti uga baqato in Somaliland dawlad aqoonsi caalami ah haysata ay noqoto.
    Miyaanay ahayn in aynu baadhno waxa reer jabuuti cabsida ugu wacan.

  24. Gentleman,

    Ma is weydiseen horta in ay Djibouti soomaaliya idinku darayn?

    Ma is weydiseen sababta aad Djibouti aqoonsi u waydisataan idinku Ethiopia iyo keniya arkayaa jecelna labada dal?

    Doqon nimay taqaaniyo tolkeed kama ag dheeraato kkkkkkkk.

  25. Gentleman

    waan ku salaamay..Salaan gobeed.. Kuna Soo dhawoow Hiildan.com
    Hiildanyare xaga dad soo dhawaynta kuma wacnoo anaa halkaa u qaabilsane..kkkkk

    Ali Durgiye

    Dee idinkaa nooga dhow dhiig iyo dhaqanba gaalka tigreyga ah.. ama Kuukuuyaha Kenya… ninku su’aal xumaa ma Uurwaynaa kkkkkkkk

  26. Waan idin salaamay dhammaantiin Jimce wanaagsan,

    Yaakhi anuu waxan qosalay markii an arkay sawirka Raggan soomaaliyeed, ee koofiyadaha sita ee shirka isug yimiday ee labada naagood ee cadcadi go’aanada u yeedhinayaan. I don’t know why, hadana waan iska qoslay. !

  27. Issaq-boy,

    horaa loo yidhi suaali xuni jawaab maleh dee maxaad u keenteed suaalaha jilicsan hadaad jawaab raganimo rabtaan kkkkkkkk arrinta wada dhalashada kubadu xagaagay ku leedan tahay.

  28. Hiildan,

    aanu labadan dumar waxaan mooday maalin aan joogay London oo aan wiil aan asxaab nahay wada soconay naaga aan ku arkay JOB CENTER London kkkkkkkkkkkkkkk.

  29. Durgiye , waar ninyahow wax sidaas oo kale u eg ayaan aniguba is hor keenay kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  30. Isaaq boy

    Waa runtaa oo siyaasada aduunka wa is-ged-gedidaa lkn sida maanta muuqata oo ah tii 21 sanadood ictiraafka Somaliland lagu diidey waa halkeedii. Waad ogtahay oo reer galbeed waxay ku gaabsadeen, iyagood ogtahay in ay aqoonsadaan ciday rabaan, Africa horta aqoonsi ka hela. Africana waxay sheekadiiba ku soo gaabisey Soomaaliya horta dalqada ka soo qaata. Una malaynmaayo Somalia inay diyaar u tahay in fasaxdo Somaliland.

    Waana albaabkii u dambeeyey ee farta loogu wada fiiqay waxay Somaliland garaacaysaa. UN ta aad sheegaysidna kolay kaama qorsoonaa inay geed reer galbeed tahay, reer galbeed warkooda korbaan kuugu soo taabtay.

    Maxkamada aduunkana, in aad maqashay mooyaane, waatii ninkii shiinaha ee loo xilsaaray oo repport uu soo saaray noqday in sharciyan wax Somaliland la yidhaahdo oo uu Ingireys sameeyay ayna jirin ee ay jireen beelo (Essa, Gadabursi, Isak, warsangeli, Dulmahante) oo uu gooni-gooni Ingireysku heshiishyo ula galay. Arintan dambe aniga xataa fajac iyo lama filaan ayay igu noqotay lkn sidaad ogtahay reerkan cad-cadi qiil ay wax kuugu diidaan kuuma waayaan markay rabaan. Ingireysbaa i gumaystay iyo british Somaliland halkaasay fiinka lagaaga degay.

    Isaaq boyoow, adiga iyo inta kula fikirka ah ayay joogtaa in aad na tustaan meesh aad rajadda ka arkaysaan iyo albaabka kale ee somaliland u furan in ay garaacdo,?

  31. Darbi

    ma, sidaasaa loogu sheegi waayey kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Aabahay(AUN) hadduu noolyahay kaftanka wuu iga heli lahaa maanta.

  32. Sahal xaga saraan kaga wada hadlay waxaasoo dhan..
    Nin shiine ah iyo waxaasna maan maqal haduu jirana waa nin ra’yigii.. yacnii waxba kama soo qaad.. oo cid waliba way ka dharagsan tahay waxay Somaliland ahayd intaanay ku biirin Soomaaliyada Koonfureed.. oo taasi muran uma baahna

    Wada hadalkanina maaha halkii ugu danbaysay.. ee sidaan hore kuugu sheegay waa wado ka mid ah oo qasab ah wadoonyinka ay reer Somaliland u marayaan xaqiijinta goolkooda.

    Siyaasadaha caalamkuna malaha hal ay u ku dhamaato oo sharci kasta waxa loo jilciyay oo god-daloolo loogu sameeyay si loo weecweecin karo markii la rabo ee loo baahdo..

    Markaan ku leeyahay siyaasada caalamku meel kuma eeka waxa kaaga markhaatiya halka ay wadamada Geeska Afrika ka taagnaan jireen Somaliland iyo halka ay maanta ka taagan yihiin oy xiitaa u ogolaadeen inay Somaliland ka noqoto Xubin Sharaf… Wadamada IGAD..

    Reer Somalilandna sidaa aad arkayso way ku sii dhagayaan qadiyadooda maalinba maalinta ka danbaysa.. intaa ay ka midha dhalinayaan himlidadooda ay hiigsanayaana.. way ka shaqayn doonaan horumarkooda waanay iska noolaan karaan sidaa ay u noolaayeen 20 kii sano ee ina soo dhaafay..

    Ogsoonoow uun inay Somaliland tahay Reality iyo waaqic jira oo jooga.. caalamkuna way ku qasban yihiin inay si yidhaadaan arinkoodana eegaan dhagaystaana..

    Somaliland-na waxay dhacdaa meelaha ugu istiraatiijiyada badan caalamka laf-dhabarna u ah isku socodka dhaqaale ee umadaha isla markaana halbawle u ah baahiyaha dagaal ee milatari ee dawladaha waawayn ee is muruq-baacsanaya.. Hadii la fahmo sida la isku waafajin lahaa danaha ay dalkeena ka leeyihiin iyo waxaynu rabnana.. wadamadaa waawayn eed sheegaysaa iyagaa Hargaysa u soo kala badin doona

    Somaliland shandeeda waxa ka buuxa kaadhadh badan oy si fiican ugu ciyaari karto si ay waxay rabto u hesho…

    Calaa kuli xaal waanu keenaynaa bahasha mar aanu laaluush siino siyaasiyiinta jaarka ee hunguriga u dhacayna kkkkkkkkkk

  33. Somaliland shandadeeda*

  34. Isaaq boy

    kkkkkkkkkkkkk Card dhadh ka badan ee sidatiina kolay kaa ad sheegtay ayaa kuugu dhow ee tijaabi.

    Ninka shiinaha ah ee aan kuu sheegay maaha nin iskii wax iska qoray ee waa nin Maxkamada aduunka ee La Haye u xilsaartay arinka ka dib markii maxkamaddu codsi caaynkaa ah ka heshay somaliland.

    Somaliland iyo halka ay aduunka kaga taalana kolay iminka ma,ay soodegin ee 21 sandoodba way taalay, waxanse warkaagii u fahmay, mawqifkayaga badeli maynee ALLAA NOO MAQAN, waana xaal gobeed.

  35. kkkkkkkkkkk Sahal

    Waxba maad fahmin hadaa… Kaftanka iyo meelaha sokuun baad fahantaa ood gaadhsiisan tahay..

    Khasaare hadalkaygii.. kkkkkkkk

  36. Sahal ……. Awoow hadaad SNM – B ahaan jirteen sida Cali Cute ku garnaqsado ee uu ku leeyahay anoo Isaaq usoo dhintay oo ka bar bar dagaalmi jiray sidee Reer NUUR oo faqash ahaa la iiga raacay…..? ihi ihii ihii ihiiiii isagoo indhaha lilmo ka daroorayso sankana duuf dhaadheer ka wada Cali Durkiye calaashaan hinaase Reer NUUR,Adiguna Sahaloow haka hor iman Somaliland iyo ictiraafkeedee is daad raaci intay goori goor tahay hana ku dayan kan Caliyee cuqdada Samaroon la ildaran ee ku leh siduu ISAAQ iiga raacay Samaroon doodiisa waa intaa kaliya intaasna waan u jawaabnay oo waxaan nidhi Samaroon Somaliland nuskeed ayuu leeyahay adiguna waxaad tahay Parasite yar oo nagu dhex noole yaan lagu buufin sxb ee is deji caliyoow hilibkii ku dhaafye maraqa uun.

    Isaq Boy……Reerka Inala jaarka ah ee koonfur jeebkaa laga maamulaa miyaanad sidaa u ogeyn ….? xaga laaluushka iyo boorsooyin $ ah waa in la geeyo muqdisho ayagoo is kala garan la’ ayay ku dhawaaqi doonaan.

  37. Mujaahid Darbi

    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk waa sidaas sxb.. waa colka doolar ma lagu dayay

  38. Issaqa iyo gedabuursigu meelbay iska shabahaan, nimanka gedabuursi markaan is yara horaa tabino arrimaha ku saabsan Awdal iyo Djibouti ee ay daliil iyo cadayn waayaan warkooga waxay soo af meeraan; firxad ama caydan waa sidaan ku bartay.

    issaquna waxay yidhaahdan marku ilbaab walba ku soo xidhmo AAR MAANAAN NOOLAAN KARAYN aqoonsi la,aanti Burco,Hargeysa& Barbara nagu filan ka dibna Dhulbahannta iyo gedabuursigay nacdalaan kkkkkkkkk.

  39. Durgiye

    Si fiican baad u qaybtay siyaasadii adeerkaa… bari horaan ku sheegay waliba marar badan.. hadii tawraad iyo injiil la akhriyo maantoo dhana kama leexanaysid..

    Waar ninku Ismaaciil u dhaga nugulaa.. mise xeer ciisuu ka baqanayaa iyo in geed qudhaanjo leh lagu xidho haduu siyaasada ciise ee sida gofanaha ugu naaxday burburka iyo kala lulashada soomaalida,, uu dhinac maro.. kkkkk

    YAAAAAB..

  40. Isaaq boy

    Waan ogahay meel aan Isaaqa lagala kaftamin ama mucaaradin in aan ka hadlaayo, dulqad badana waad muujisey kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk lkn anigu albaabkastaan ku tusay isagoo quful ka laadlaado, adigase kuuma muuqdaan. Darbi iyo dadkan sacabka kuu tumayaana waa kuwa ugu horeeya ee dhankooga lagaa soo mari doono ee xisaabta ku darso.

    Keeni siyaasada ka dhacsay ee suulashiisa meel ka fog waxka arkayna kolay taarikhdaa sheegi, waxan filayaa in sidaan maantaba ku lahaa 21 sanadood ka hor aan marlabaad ku odhan doono maxaan ku lahaa X years before. Walaalkaa ood kariwaydayna qanduufta xooga loo mariyaaye kkkkkkkkk ee dadaal.

    Darbi
    Somaliland anoo shakhsi ah ictiraaf uma diidi karo mana siin karo lkn awoow waan is ognahay in haddii hoos ahaan meel uuna Isaaq joogin Somaliland wax la inigaga waydiiyo, waxa aad ku jawaabtiin kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk .

  41. Carsaanyo samaroon,

    Waad iska hidda socotaa marba hadaad munaafaqadii SNM-Ta aad igaa dhuuq-dhuuqsi badatay kkkkkkkkkkkkkkkk maantana aad ku dambaysay mawdkii aastee Dilana ma dhistee

    Hiildanba mar horaad Djibouti u daba martay laakiin 35 sanno ka dib maanta wuu soo dhul fuqay.

    Issaq-boy, dee maalag seedigaa ka leexo edadaa garayn maysid waxay ku dambayn doontee aniga iyo seediga xurguftayaduu waxaa xeerka ciise lagu yidha dur-dura ciisood oo rasaas iyo dhagax midna looma adeegsado.

  42. Isaq Boy…..kkkk……..Colka Dollar malagu dayay….? Walee kalmadaa caawa waan kaa iibsaday hadalkiina waad dhamaysay.

    Somalidu waa qaybo waana sida dhaqankoodu

    Qaybta Koowaad /……..Somalida degan Djibouti ilaa Laas-Qorey——- Berbera ilaa Godey waa dad xariir ah oo dhaqan iyo diin leh waa dad nadiif ah oo ay ku weyntahay Somalinimadu,naftaadana aad ku halayn karto dil iyo nololna leh waa dad la isku halayn karo dhinac kasta.

    Qaybta Labaad /….. Bosaaso ilaa Beled-Weyne ayaguna waa anaaniyiin naftooda mooyaane aan wax kale jeclayn haduu kugu arko shamiis cusub inuu kaa qaato ayuu diyaar u yahay.

    Qaybta sadexaad / …….. Beledweyne ilaa Raaskambooni iyo Kismaayo jeebkaa laga maamulaa oo hadii ay dankastaa kaa gasho waa hindi maqla sanqadha lacagta kaliya diin iyo dadnimo ma leh ee sidaa u kala ogaada.

  43. Ciisoow rax dhe..

    Iska nasta hadaba..

    Djibouti iyo Ciise toona waxba lama waydiinayo.. ciyaartinii waa la fahmay waanay soo dhamaatay.. ilaahbaana deeq baxshee waxba haka warwarina inaad wax waydaan markay Somaliland ictiraafka hesho… naqaskaa idinku wada taaganoo waan idin arkyaaye.. waxba yaanu wadnuhu idin dhaglaynin sidii nin ka baqaya inay musiibo ku habsato..

    Siyaasada Ina Geelana ma ahayn pragmatic la jaanqaadaysa is bedbedlka caalamka.. waxaasaanay usoo af jarantay…

    Idinka waxba idinkama go’aan.. sheekaduna waxay maraysaa Somaliland iyo Somalia ee la qabsada.. awalba Isaaq iyo Samaroon uunbaa idiin indho iyo maskax ahaaye..

    Ciisoow rax dhe mar labaad…

    Wasalaaaam..

  44. Isaaq boy

    kkkkkkkkkkk wwn filaayay in aad sidaan u xannaqdid kkkkkkkkkkkkkk ee meesha aad noola baydhayna waa gaf oo arsaaqa iyo ictiraafka Somaliland waxba iskagama xidhna.
    Raali ahaow hadddaan laanta kaa tuur-turnay lkn taariikhdaa kuu sheegi doontee dad anagaa runkuu sheegayna ee sacab beena ku dagan.

    Habeen wanaagsan

  45. saha iyo alidurkiye
    labadiinaa nin ee ciise mid baad ku soo yara cel celiseen oo ah islaanta ina geelee war imisa dumar ah baan idinka qabaa oo xaawa ciisey xaliimo ciisey gabilay ila jooga dad daris ah oo wada dhashay dee guur wuu ka dhaxaynayaa oo seedi iyo sodog baa la isku noqonayaa taas kaftan idiin noqon mayso

    mid waan idiin sheegayaa oo 100 sano haday qaatado sidaa uun bay somailand ahaanaysaa kamana tanaasulayo waano ciisana ha iga maqnaato waxad aaminteen haddi somalialnd la aqoonsado jabuuti waa burburkeedii lkn wuxun baad cuniye calafso
    su aasha kaliye ee aan qabaa waxay tahay ma waftigii baa la idnka reebay oo samaroon oo aad isku dherarinayseen baa lagu daray taa uun iiga soo jawaaba ?????????????????

  46. kkkkkkkkkkkkkk Sahal.

    Xanaaq meesha ma yaalo.. ee macangag baad tihiin.. kkkk waxaad doonaysaan lama fahmayo.. doodu waa inay yeelataa.. wax la isla garto.. iyo anba qaad joogta ah oo socda hadii kale waa jaafaa jiriq iyo kaalay muranee kkkkkkk

    Yaakhii Jabuutidiinaa iyo cooshadiinaa yar ku eekaada soomaalida lama qabsanaysaane kkkkkk
    Haday midnimo idinka dhab tahay markaad calanka ka qaadateen Faransiiska ee ay soomaalida kale xabada isla dhacayeen xabashida ayaad dhinac kala soo gali lahaydeen ood ku biiri lahaydeene…..

    Teeda kale la idin maba moodo inay idin khausayso arimaha Somaliland idinkoo hadana sheeganaya inaad u dhalateen…..

    Galbeedii salaan sare indr.. cawadaada caawa galay iyo faracad baad ku cashaynaysaa fresh ah caano iyo hilib geelna baraad isla dhacaysaa kkkkkkk

    Waan Kubadii baa bilaabmaysa mar dhaw ee Nabadeey mar labaad….

  47. Isaaq boy

    anigu mar horaan duceeyay oo qandhuuftaan xooga kuumariyee …….dadaal ku idhi, haddalkana waxan moodaayey in aan dhinacayga halkaa ku xidhay. Dabadeedna ninkaagii oo arsaaq iyo ictiraaf kafad kuwada sida oo xanaaqsan kkkkkkkkkkkkkkkkkk uunbaan meeshii dib u fiirshay.

    somaliland waa run dhul waan ku leenahay dee taladana kol hadduu walaalkaa hayo meelahaa lagama calaacalo oo tanaa iga maqan iyo tanaa iga maqan lalama soo boodo ee wixii talo lagu biiran karo ayaa lagu daraa. Ee bal waataase kol haddaad dhinac xun wax sheegayagii u qaadateen bal hashii oo irmaan keena, anaguna qardabad iyo dhibtoona inii gaysan maynee.

    Galbeedi

    ma, arkin meel ay cidi wax kaga sheegay khadra Xayd iyo IOG ee bal ii jilci. Wali ma,Gabilay baad joogtaa?

  48. sahal
    haa wali
    isaaq boy aad baan kuu salaamay

  49. war samaroon sidee wax u jiraan waa sidee goolkaasina ma holandskii baad raacaysaan

  50. war afkaa dhacay sawtan roobka laga dhigay maaha giriigii

  51. Galbeedi,

    ma giriigbaad guul ka sugaysay?

    waa dadka adduunka ugu xaasid san giriigtu waanan necbahay.

  52. Galbeedi

    waad aragtaa caawa waan ku durdurinay masaakiintii lacag la,aantu ku dhacday kkkkkkkkkkkkkk mise abti iyo gacal lama irtid caawa?

  53. Caliyoow

    adigu waxaad reer abtigey gafuurka u buurtidba sawku qasbanid in aad sacabka u tuntidd kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk Hiildan wuu kula helay

  54. wixii aan sugnaaba waa Ingriis(Issaq iyo Germany(gedabuursi oo kulmi doona sidaan filaayo.

    hadabaa bal sadaaliya labada reer waxaa kala qabsan doonaa!!!!!.

  55. afartiii barigii ay nagu dhufteen afartoodii baa sugaysaa kkkkkkkkkkkkk

    durkiye
    giriiga waadigan nacee ma barigiii baad soo yara martay loolz

  56. Galbeedi,

    mayaa walee ,laakiin baribaan doontay viisaha Giriiga wayna ii siiyeen maxaase iga raacay waalidkaygii ba is dili gaadhay sas u qaba awgeed sababtana wali ma garan inkastoo waalidadeen gaal wada necbaayeen hadana Giriiga dadba loo haysan jirin Djiboutina way ku dhaqan yihiin oo sawir xunba laga haysta.

  57. i am so happpppy today waxa idoor ku dhacay .. somalia midnimadeeda waa muqaadas shirkii london guuuuuuul buu u soo hoooyay umada somaliyed ,, somalidiidka wax la yidhi dadkiina dhinac ka raaca ,jecliyaa calaacalkooda si walba wax waa logu sheegay war waxan aad wadataan wax socon kara maaha war beelaha idinla daga waqooyi somalia sheekadan uma dhana war ka fiirsada waa loo taag wayay,gadhigii bay dameerki ka hor mariyeen inay jaaahil is urursaday yihiin waxan soconayn bay ku daaleen maanta dhirbaaxo wayn baa ku dhacday qodobada meesha laga soo saaray meelna kala go kagama qorna mustaqbalkana 8 qodob ee la wada saxeexay waxan aheen lagama hadlaayo ,, markaa waa guul, somalia xaduud ma laha waa qodob ku jira 8 qodab waa halkii saado ee .saca faarso tagay sadex maalintu qado sanduluu ku soo noqon, alaa mahad guul somaliwaynnnnnnn,, god bless my awdalstate

  58. Waxa la gaadhay xiligii ay idoor xamar iska xaadirinjireen.21 ayay meelna u socon waayeen,maanta xamarbaa dhaanta hargeisa.
    60 oo kale ayay maanta taagantahay .Abaal loogumna qabo midnimida waxay iskeeneen iyaga oo fool xun.

  59. Good Morning all.Waxa aanu dhamaan sugaynay in aanu aragno waxa ka soo baxey Shirkii u dhaxeeyey Somaliland iyo Somalia ee dhawaan lagu soo gabagabeeyey London.Waxa aan badiyaa ka isticmaalaa halkan(My Iphone) so,raali ahaada hadii uu dhaco ”Typing Error”.Shirka waxa ka soo baxey 8 Qodob oo marka aad akhrido aad moodayso in ay 2Wadan wada hadlayaan,taasna waxa ay kaga cadhaysiisey dad farabadan oo aan doonayn in Somaliland ay noqoto Wadan gooni ah.In Fact,lagama wada hadlin ”Recognition” la siiyo Somaliland,dhinaca kalana Somalia looma tixgalin in ay xukunto ama ay sheegankarto Somaliland,shirkuna waxa uu ahaa oo kaliya”Preparatory Talks”.”The elements Of this Meeting” waxa ay naxdin galiyeen dadka Soomaaliyeed ee ka soo horjeeda in Somaliland ay ka madaxbanaanaato Somalia,hadaba waxa aan jecelahay waxa keenaya xanaaqaas iyo in aan sheego 8da qaybood ee shirka iyo waxa ay Journalada Canada ka yidhhaahdeen futureka Somalia/Somaliland iyo waliba Commentska dadka.

  60. National Post,Globe&Mail and Calgary Sun oo ah Joornaalo ka soo baxa Dalkan Canada ayaa waxa ay si dheer uga hadleen dhibaatooyinka haysta Somalia oo ah wadan in badan ay ragaadiyeen dagaalo sokeeye ahna”The World’s Most Danger Place To Live” iyo Somaliland oo ay kaga warbixiyeen in ay tahay ”North Somalia”,laakiin ay aheyd”British Colony” la odhan jirey”Somaliland” intii aaney ku biirin ”Italian Somaliland” ka dib ay qaateen magaca Somalia.War bixintaasi aad bay u dheerayd,laakiin waxa aan soo qaadanaynaa waxa ay”London Conference”ka yidhaahdeen Calgary Sun,National Post and Global Mail,iyada oo aan ku tarjumay”AF Soomaali”.

  61. National Post”Ka dib 21 sano oo wadana uu ahaa”Unrecognized Nation” wadana ay dagaalo ragaadiyeen ilaa hadana ay wali ay ku taaganyihiin lugaha”Amisom” oo ah Ciidamo u baadan Uganda iyo Burundi oo iyaga laftigoodaba ay haystaan dhibaatooyin u gaara,tusaale ahaan Burundi oo ka baqaysa in qabiilka”Hutu” oo Majority ka ah dalkaas ayaa waxa ay ciidamo badan geeyeen Somalia,si loo yareeyo awooda Hutu ay ku leeyihiin Ciidamada qalabka sida ee Wadanka Burundi,Uganda laftigeeda waxa”North Uganda” kaga furan mucaaradka”Joseph Kony” oo ah Nin ay raadinayaan Maxkamadda aduunka.Somaliland wax dhibaato ah tirsanmayso aan ka aheyn”Lack of Recognition”.In kastoo ay sameysteen”Democratic System,Currency,Passport,Police,Millitary,Tax Collectors,and Parliament,laakiin wali wey ku adkaatey in ay ka Go’aan Somalia.”Michael Cohen” oo ka dhiga Calgary Universaty”Political Science” waxa uu leeyahay laakiin taas waxa aad moodaa in ay soo dhamaanayso.Tusaale ahaan,”The London Conference” oo bilaabmey20/06/2012.

  62. Michael Cohen oo ka dhiga”Political Science” Calgary University ayaa waxa uu yidhi” Wax recognition ah laguma soo qaadin The London Conference,lagumana soo qaadin in ay jirto 1Somalia oo ah North and South,ee waxa kaliya oo aad moodaa in loo wada hadlay sida Columbia iyo Venesuela oo iska kaashanaya sidii ay uga hortagi lahaayeen Cocaine iyo Heroine dhibaato ku wada haya 2daas dal. Calgary Sun ”Loraine Stephenson oo ah President of Mount Royal University” waxa ay ku soo qortay Calgary Sun” Suu sheegay Michael,shirkani waa hordhac,laakiin waxaan qabaa fikrad la mida Cohen waayo 8da qodoba waxa loogu hadlayaa sida 2wadan oo 2doodaba”Full Recognition” ka haysta United Nations hadaba aan eegno 8deedaas qodob waxa ay yihiin anigoo ku soo tarjumey Afkeena Hooyo.

  63. Rule1)In Somalia iyo Somaliland ay raacaan shirkii London iyo kii Stanbul oo Beesha Caalamkana ay ku taageerto wada ahadal dhexmari doona Somaliland iyo Dowladda ku meel gaadhka ah ee Somalia ama Dawladda badali doonta,si aduunku markhaati uga noqdo xidhiidhkooda mustaqbalka”Future Relations between Somaliland and Somalia kana dhici doona United Arab Emaratis ama Switzerland”.Rule2)Shirkan waxa qabtay United Kingdom,Cohosted ama la qabatay Norway iyo Europian Union,mana aha wax ay dalbadeen Somalia ama Somaliland.Rule3)Arrinta loo qabtay shirkan hordhaca ah waa in loo gogol xaadho shirka ay yeelan doonaan Dawladda ku meelgaadhka ah ee Somalia ama Dawladda badali doonta iyo Dawladda Somaliland.Rule4)Somalia iyo Somaliland waa ay aqbaleen in ay sii wataan wadahadalada ku aadan 2dooda Dawladood weyna noo balan qaadeen in ay halkaa ka sii wadi doonaan. Rule5) ”International Community waa ay sii wadi doonaan in ay qabanqaabiyaan wada hadalada dambe

  64. Rule6)”International Community”waxa ay ka caawin doonaan both Somaliland and Somalia”External Experts” ama Khubaro ku xeel dheer Arimaha Dibadda oo ka caawiya 2da Dawladoodba Legal,Economic and Security Matters. Rule 7)Somalia and Somaliland waa in ay sameeyaan”Common Approach” si ay isaga ilaaliyaan wax kasta oo carqaladaynaya”The continuation of the Talks as defined above”. Rule 8) Madaxweynaha Somalia,ama Madaxweynaha badali doona iyo Madaxweynaha Somaliland waa in ay u kulmaan si dhakhso ah,iyaga oo tixgalinaya”Paragraph 6 Of The London Conference kaas oo meel marey March 23rd,2012.Waxa aanu ka rajaynaynaa is afgarad Madaxweynaha Somalia ama Madaxweynaha badali doona iyo Madaxweynaha Somaliland.

  65. Professor Lorraine”Xaqiiqadii waxa loola dhaqmey Somalia in ay la hadlayaan wadan kale oo la yidhaa Somaliland,laakiinse waxa wanaagsan in ay aqoonsato,hadii kale waxa ay u dhawdahay in lagu dul aqoonsado,maxaa yeelay kharash badan ayaa ay ”Europian Union ku bixiyaan Ciidamada Amisom oo ah Ciidamo African ah oo iyaga xitaa wadamadoodu ay ka taaganyihiin dhibaatooyin.Dhinaca kale Ethiopia waa wadanka ugu quwadda iyo dadka badan Africa,waxana ay tiradoodu gaadhey 89 Million,hadii uu guuldaraysto heshiiska President Silanyo and President Sh.Sharif waxa ay keenaysaa in”Referendum”laga qaado Somaliland oo ay degaan dad ku hadla af kaliya,laakiin kala qabiilo ah.Waxa jira gobolo ay ku muransanyihiin Somaliland iyo Puntland oo ah maamul goboleed ka tirsan Somalia oo ay u sheeganayaan qabiil ahaan,laakiin dhex galaya Gudaha Somaliland,waxa kale oo jira ”Mini Clans” ama Qabiilo yaryar oo degan Bariga Somaliland oo aan doonayn in ay ka mid noqdaan Somaliland.

  66. Calgary Sun” Waa xaqiiq in Somaliland ay qaadey referendum sanadkii 2001dii,waxana ay dadku in ka badan ama u dhaw 96% doorbideen in Somaliland ka madaxbanaanaato Somalia,laakiin wakhtigaas waxa la qarxiyey”World Trade Centre” iyo”The Pentagon” Maraykanka iyo Europena waxa ay ku mashquulsanaayeen dagaal ay la galaan Iraq iyo Afghanistan,markaas hadii Madaxweynaha Somaliland Ahmed Mohammed Silanyo ku adkaysto in uu gooni uga ahaanayo oo aanu ku biirayn Somalia,Madaxweynaha Somalia Sheik Sharif ama Dawladda badali doontana ay ku adkaysato in Somaliland ay qayb ka tahay Somalia,waxa u dajisan beesha caalamka in ay”Referendum” ka qaado GOBOLADDA SOMALILAND.

  67. Waxa aan jeclahey in aan dhowr comments ka soo qaato sida 8da qodob ay uga xanaaqeen dadka u dhashey Somaliland,laakiin aan jeclayn in ay Somaliland go’do oo aan ka soo akhriyey”Twitter” uu leeyahay inan ka soo jeeda Gobolka Awdal oo degan Dalka Finland.

  68. Mita Kuuluu Somaliland Ali Faahiye:Waxa aan ka soo jeedaa Magaalada Borame,waa in aan midoownaa mana qaadanayno wax aan aheyn Somaliland ha dhacaan cadawga Somaliland. SSC Girl Says:@Twitter:War nacaskan Wasiirka Waxbarashada wuu na ceebeeyey,waa maxey ninkan leh Buuhoodle xitaa ma garanayo halka ay ku taalo,ma kaasaa anaga na matala,waa in ay Gaalada amaan na siisaa anagaa heshiinayna.Ha noolaato Somalia,Somaliland waxa ay kaarayaal la dhacayaan dadkayaga intooda ha goostaan@Twitter3Viva Khaatumo State.

  69. Mulkiilaha Horufadhi.com:Gadabguursoow sameeya banaanbaxyo waaweyn oo aad ku diidantihiin shirkan lagu soo dhoodhoobey London,8da qodobba,waxa ay u hiilinayaan Isaaq,gudaha naga tusa awoodiina u hura dhiigiina Somaliweyn!Nina says@Twitter:Anuu horaan idiinka digey in shirkaba la yimaado,waayo shirka ka hor ayuu Melez Zenawi ku khasbay Djibouti in ay ogolaato in Somaliland ay ka mid noqoto IGAD baasabooradooda macmalka ahna ay ku galaan Djibouti waa in Dhulbahante daarood badan soo galiyaa Waqooyi aanan iska iloownaa xurguftta Puntland, Ninkii seexdaa Sacii Dibi dhal xitaa jareerta Somalia waa in ay soo galaan Khaatumo,Puntland na aan la heshiinaa dooni mayno 8da qodob ee Iidoorka u hiilinaya.PS:Waxa aan soo qaatey oo kaliya inta lagu diidanyahay Somaliland,laga reebo Inanka Borame jooga,si aan u tuso dadka in London Conference uu guul u soo hooyay Somaliland oo kaliya!.

  70. Correction:Ethiopia waa wadanka 2aad ee ugu dadka badan Qaaradda Africa,waxa ay barbar dhac la samaysey Egypty2009 Kana dad badatey 2011.SOURCE:CIA WORLD FACTBOOK.

  71. Tallman

    Thanks very much sxb sida quruxda badan eed noogu soo tabisay iyadoo si wacan u turjuman.. warbixinaha ay saxaafada Canada ka qortay shirkii London iyo waxay ka yidhaahdeen dadka wadankaas u dhuun daloola arimaha Soomaalida..

  72. Siiraanyoo matalaaya SNM, Shariifoo matalaaya TFG weeyi dhirkani mana wada matalikaraan shcbiga Soomaaliyeed. Siiraanyo qasnadbu buuxinayaa halka shariifna wagac iyo dubu doorasho raadinaayo si loo yiraahdo isagaa wadahadalka la bilaabey oo fahmaayee ka sii joogo. Shirka London iyo kii Istanbul ninba siduu jecelyahey uturjumey. Cid haba yaraatee arimaha laga wada hadley haysaa majirto. Markase laga duulo xaqiiqooyinka jira iyo duruufaha dulhognaaya Soomaalida arimuhu waa sidan:

    In Soomaaliya nabad la gaadhsiiyo iyadoo laga qeyb galinaayo inta maamul hoosaadka leh inta aaney burburin.

    In dhaqaale iyo dibu dhis lagu sameeyo guud ahaan Soomaaliya isla markaana shirarka nuucan ah la sii wado.
    In ay beesha caalamka u cadaatey meesha Soomaaliland in aan lo dhaneyn isla markaana wax kala go’i karaa aaneys uurtoobi karin.
    In dhamaan arimihii ay maamulka Hargisa ku doodi jireen sida waa loo codeeyey go’itaan iwm ay ahaayeen kana danbeeyeen dad dano gaar ah leh iyo malo awaal la buurbuunshey hadana yihiin kuw aan Saameyn lahey void.

    In la ogaadey maamulo kale oo sameysmey kana turjumaaya qaybo ka mid ah bulshada R.Woyooyiga sida Khaatumo iy Awdal aaney raali ka aheyn in beel iyo dad dono gaar ah lihi aaney afduubi karin mustaqbalka dhulkii la odhan jirey somaliland hadan ah W.Soomaaliya.

    In SNM garowsatey sidii ay ugula gorgortami lahaayeen TFG da in ay dhaqaalaha caalamka iyo wixii beel ahaan ay ka hali lahaayeen maamul Soomaaliyeed oo loo dhan yahey inta ay huwan yihiin shaadhka beelaha woqooyi eey jujuubayaan. Markaa wadahadalku wuxu ka dhexeeyaa TFG oo caalamka iska iibineysa sidii ay cimri dherer uga heli lahaayeen iyo SNM oo rabta iney sadbuuran ku helaan in beelaha woqooyi ka hoos bixin waaney uga horeynayaan Soomaaliya.Inta aanu kaadhku guban waayo hadii uu gubto waxa run ahaan ay xaqa uleeyihiin iyaga iy beeshoodu wax dhaafsiisan hali maayaan waanta taas ta ay ka ordayaan.

  73. HA NOLATOOO SOMALIA!!!WAX SOMALILAND LA YIDHADO IS OVER…WELCOME BACK SOMALIAAAAAAAAAAA

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: