Waaga Cusub iyo Waraysiga Xasan Wado

About these ads

Categories: Warka (News)

66 replies »

  1. Aadbaan u salaamayaa wiilka an abitga u ahay ee Xasan Wado, waxan sidoo kale salaamayaa Daahir Calisow -Waaga Cusub . Xasan maaha ciise buufis qaba oo isu dhiibay inuu ku dhashay Baladweyne ama is moodaya inuu ku dhashay Baladweyne….Intaasi waa kaftan..kkkkkkkkkkkk..

    Wuxu noogu yimidday Boon oo waxbarashadiisa hoose/dhexe uu ka bilaabay todobaataneeyadii wakhtigii dagaalka Soomaaliya iyo Itoobiya. Isagoo ah wiil yar oo gaaban oo foolxun..kkkkkkk.

    Lahjadiisa ayaan aad ula yaabi jirnay, taasi oo caddaynaysay inuu Koonfur ka yimidday. Imikana waxan aad ula yaabay inaan maqlo Xasan oo lahjadiisii gabigeeduba is baddashay, oo noqotay tii Djibouti. Halkaa waxa iiga caddaatay in lahjada loo dhasho ee an lagu dhalan. Xasan wuu ku dhashay Baladweyne balse uma dhalan ayay la mid tahay. Laakiin buufis ma qabo.!

    Xasan markii uu Boon yimiddayba waxa ka muuqata firfircoonaan dheeraad ah iyo fan jacayl. Fasalada ayuu noogu heesi jiray iyo fagaarayaasha. Waxan xusuustaa Xasan oo mar walba noogu heesi jiray hees magaceeda la odhan jiray ‘Cirro’. Waxa kale oo jirtay in Xasan isu dayi jiray inuu hal abuuro heeso jacbur ah oo isagu iska samaystay.

    Heestii ugu horraysay ee Xasan sameeyo haddii uu xusuusto isaga laftarkiisu waxay ahayd mid uu u qaadi jiray gabar yar oo reer Boon ah oo lagu naanaysi jiray ‘Bidaaro’. Wuxu odhan jiray ‘Bidaaro been ma sheegto, ma qaaddo Ballan Been ah’…kkkkk

    Xasan waxa isugu kaaya danbaysay muuqiisa isla dabayaaqadii todobaataneeyadii. Waxan filayaa inuu waxbarashadii Boon aanu ku dhammaysan balse tagay Dibouti isla sanadahaasi, halkaasi oo laga yaabo inuu kusii watay waxbarashadiisii, isla markaana ah xarunta uu Xasan ku hano qaaday ee soo saartay hiwaayadahiisii fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed.

    Mar labaad salaan xiisa badan ayaan u dirayaa Al-Fannaan Xasan. Waan ka xumahay in laga raacay heesta ‘Wankayga Cadoow Ha Naaxin’ Isaga iyo abwaankii sameeyay(Abwaan Af-Gudhiye) labadaba, oo sidaasi ay dalkoodii Jabuuti kaga haajireen.

    Ateyeh

  2. Hiildan,

    Xassan Wado fool xumada biloo adaa ku dhalay illeen waaki la odhan jiray abti meel xun laga raacyeeeeeee kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk.

    caawa gedabuursigii waxay ku cawayn doonaan Dhulbahaantee wada xanaaqsan oo bilaa dabeecad ah.

    Geesta kale qolaaddi reer Holland ee kabaha qoryaha ka samaysan la shir timid caawa HaniMuufo syrum hawiye sharaab ha uga dhigto.

  3. Wixii kaftan ah ee lays dhaafsanayaa waa halkeeda laakiin Xasan waa fanaan karti iyo hibo ba u leh fanka oo aan is yeel yeel iyo hebel ku dayo ku soo galin. Waxa jira dad badan oo fanka reer ahaan lagu tukubiyo laakiin xasan wado waxan anuu aamin sanahay in uu fara ku tiriska fanaaniinta somalida yahay. Hiildan, aduu warbaahin baad masuul ka tahee fanaanka ka yaree waxayna u eegtahay in aad wakhti soo wada qaadateen balse dacaayadu markaad is agjoogtaan bay idiin furan tahay maaha inaad aqalkaaga ka dhax bilawdo.

  4. waar ninkan hiildan shaw waa nin weyn baw!!, 77 ayuu bariis cunayey oo noolaa oo weliba school tagayey, adeer hiildan walaahi wiil yar oo 30 sano jira ayaan ku moodayey kkkkkk. sawir urursan ayaad meesha noo soo dhigay oo malaa 80kii aad iska qaaday hadii aan kula kaftamo runtii sawirkan meesha kuu saaran iyo xasanwado waaba barabiyo istaraato macnaha aadbaad isugu eegtihiin xasan wado marka la eego sawirka meesha kuu saaran.

  5. Durkiye salaan sare mar aad waqti hayso ii baadh qoraaladii ama ii soo sheeg meeshan ka tixraaci karo. Merci huuno.

  6. Ali-Durgiye hehehe,

    War bal gacalka hanaga boobin wali hal iyo hal baan isla maraynaa anagiyo kaluumaystadii Portgalka. Kabahana waaba nalaga caashaqay oo China ayaaba naga sawiratay iyo magaladi yarayd ee Madurodam. Bal noo yara kaadi syrum na cid siin maaye caano dhaay ah ayaan u haynaye kkkk. Lo dii Holland miyaad hilmaamtay made in Holland boorashka ilaa Africa iyo Asia laga cabaan iyagoo dhay ah haynaaye kkkk.

    Durgiyoow adigu caay badanidaa kkkkkkkkkk cid aad dhafaysahi maba jirtee. Aloow yaa natusa sidaad u egtahay qiyaas Oday gaaban oo calool buuran timo jilicsan oo biyihi shower ku dhameyeen iyo salaxyo dhal dhalalaya in aad leedahaan kugu qiyaasay mariin madoow xigeen ah tahay indho waawayn leedahay kkkkkkkkk. Bal aduuna is sheeg saad u egtahay. Sigaarkana si xun baad u cabtaa saan qiyaasay.

  7. HaniMuufo,

    bey -bey abbaayoo macal kabahaagi fuqa diin biyoodka lahaa.

    teeda kale yaa igaa sawiray saw adigan ii kala dhig-dhigay uun caawa kkkkkkk mid uun han kaa saxo waligay sigaar iyo qaad afka kuma taagi inta kale adigale waayeeee kkkkkkk.

    Godan ok waaan soo baadhi runti waxay ahayd qoraal af fransiis ku qoraa oo saylac ka dhacay original ahaa laakiin wuxuu khashifi doona beenta iyo sheegashada gedabuursi maanta iyo ugaasigii gedabuursi waaga degaanka uu sheegtay.

  8. Durgiye

    Xasan Wado berigaa an ka sheekaynayo, aniga laftarkayga ayaa ka sii gaabnaa oo ka foolxumaa ayaan u malaynayaa. Laakiin weynaadaaba wanaagsan..kkkkkkkkkk

    Heesta Cirro ee Xasan noogu qaadi jiray waxan midhaheeda ka xusuustaa
    ‘Waanign Caddaadoo
    Tintii ay Cirroowdoo
    Cidlada wareegee
    Cirka maan ka doonaa Allahayoow
    Ciidda maan cunaayee’

    Wuxu isugu jawaabi jiray

    Cagta dhigo walaalo Aboowe
    Hays Calaal xumaynine Aboowe

    kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  9. salaan sare,.sxb Ateyeh sxb ii soo dir telkaaga waa Xasan Wado waxaan joogaa Holland,telkeyga waa kan 0031684863567
    thanks xasuustaada qiimaha badan

  10. Yaa Salaam, fannaankii weynaa ayaa ina soo salaamay

    Al-fannaan Xasan, Allaaya Cisak. Anigaa sida ugu dhakhso badan kuula soo hadli Sxb
    .
    Heeso badan oo Boon ahna waan kuu hayaa Is maqal xiiso leh.

  11. Durkiye huuno anigu aad ayan u jeclay in taariikhda la turxaan saaro khaladkana laga ilaasho,anigu waxaan ahaa qofkii badalay in Ugaasyada Samaroon lagu boqri jiray Saylac sida Samaroon sheego kana dhigay ceelka Baki,waayo qoraaladan soo xigto inta badan waxa ka tagay Sheekh awow noo ahaa waana kuwa ugu saxsan,qudhaadu akhri buuga Seventeen trips trough Somaliland waanad arki ninkaas DCga ahaa siduu uga sheekeeyay Ciisaha xeebta.Saylac waxay ahayd multi cultural city dad kala jaadaa dagana,waan ogay anigu taa,iyo waliba in reerkan Maxadcase hoos imanayeen hogaanka Ugaaska waligoodba qoraalo aan helay ayaan dhawaan halkan soo galin doonaa .

  12. waar bal amuurtaan eega ma Xassan Wadihiiba na soo salaamay????

    Hassan ku soo dhawoow golahan wax walba waad ku arki doontaa.

  13. Godan,

    waa runtaa magaalada saylac waxay ahayd multi cultural dad ugu tun weyn waxay ahaayeen carab,Hindi,iyo yahuud magaaladuna waxay lahayd maamul Autonomie ah oo madax banaan soomaaliduna waxay u badnaayeen dad nomad ah oo ku badnaa duleedka magaalada siday Djiboutiba ahaan jirtay intay reer Yurub yimaadeena sida qoraan waxaa xukumi jiray Abubakr Pashe oo ahaa awoowgii labaad ee Cali Aref Buurhan Bey wuxuu dagaal dhex maray Ali sharrmarke oo sida la sheega kasoo duulay magaalada barbare Ingriisna ka heelaayay taageero milatary.

  14. Anigu maanta gabaygan baan la hayaa……..

    • nin walaalki dilayoo daysan wayay waa doqon,waxan duxi ka raacayn nin ku dalay wa doqon nin dhulkiisu dihinyoo dawarsanaya waa doqon , damiirlawe khaayina nin difacay waa doqon,hadba dabinka loo dhigo niman garani waa doqon nin lasoo dirayoon wax dareemin waa doqon ninka malab ka duduayoo dacar leefay wa doqon,,danta gaar ahaned nin dacayna waa doqon,nin darxumo arkayo damqanwaayo wa doqon,,i just love it thanks timacade god bless my awdalstate of somalia

  15. Xassan Wado

    Yaa salaam, aad maankuu salaamaynaa fanaan xassan, codkaagana waa mid aniga aad ii cajabiya lkn waxan jeclaanlahaa in aad wax soo saarka heesaha badiso intaad awoodid. Sweden waa sidee miyaad nooga guurtay kkkkkkkkkkkk

    Meeshana waan ku laaqanaaye yaanan ku nijaasayna ha soo galin. Lkn maalintaan dib dambe SXB Hiildan Boon baad bad leh uga maqalo dee adaan kuu doonayna ninkaa.

  16. Godan, buug saylac si fiican uga hadasha waxa kow ka ah midkii odaygii khasiiskii qoray waa Richard Burton waxa ku xigay buugii uu qoray commissioner kii saylac oo aad ugu tiiqtiiqsaday ah na ninkii ka danbeeyey jabintii Daraawiishta nin uga xog ogaalsan oo cadaanihina maba jiri karo oo waxa kale siduu Timacade sheegay nin safar meel ku maray wax buuran ma sheegi karo. Taariikhda canfarta iyo xeebaha bada cas moran kama dhalan karo intaan ognahayna een moran gali karina dee Ibrayn ka cadcad iyo reer xaaji Khayraaba wali nool wixii intaa ka soo hadhaa waa Sheekada bardaale. Godan waan kan buugu, The sun, sand and Somals. buuga aad ka hadlaysana ha igala bakhaylin ciwaanka ama link laga heli karo.

  17. MARUNBA ,Waan akhriyay buugaas waxaanan ka soo xigtay qoral aan hada ka hor halkan ku soo qaatay uuna ninkaasi la kulmay Ugaas Cilmi Warfa,qaybta Xaaji Khayre ka hadlaysana waan arkay nin ganacsatu ahaa ma ahayn hogaamiye la soco,iska daa qiiro jabaanta Gadabursi bad iyo beriba Rer Ugaz looguma iman jirin hogaanka reerka ,waxaad macluumad wax ku oola ka heli lahayd magaalada HARAR ee Itoobiya waxa jira museam aad ayaad ula yaabi doonta awooda ay Rer Ugas ku lahayen reerkenan dhexdiisa xag cilmi iyo xag hogaanba .Shalay ahayd markuu sheekii waynaa sheekh Cabdillaahi Ugaas Rooble raga xeebta islaamka barayay iyagoo qaaqaawan waxaan sheekooyin haye hadaan halkan ka soo daayo Samaroon wuu kala guuri looool.

  18. Buuga waxa la yidha aan Durkiye u sheegayo Seventeen trips trough Somaliland Waa open library internetka ka aqriso.Timacadana ha ka gurin waxba ma jecla sheekooyinka Ugaasyada waxan u malayn inuu ka soo jeedo reerka la odhan jiray barjin Ugaaskawuxuu rabaa inaan qoraalada joojiyo intaan soo wadaa badan.

  19. Maruunbaa

    Hal su, aal haddaad jawaad u hayso: Abraynkan aad Saylac ku sheegi gooramy ka guureen Saylac, maxaase ka raray, ileen maanta waan naqaanaa meesha uu reerkaasi degee? Anigu markaan Saylac leeyahay marnaba uma jeedo magaala Saylac ee waxan u jeeddaa degaanka magaaladda Saylac ku meersan. Saylacc shaki kuma jiro in ay magaalo cid waliba degi jirtey ahayd, soomaalida dadkale ayaa uga badnaa.

  20. Marunbaa…..Waar ha ku daalin yarkani godan reer ugaaz maahe ee waa tu mixnad kale wadata. Anigaa kuu Og oo aqaana reer Ugaaz badan wax sidaa u hadlaana kuma jiraan ee waa qolooyinka makhahiilka yar yarka ee dugsiga tababarka ee harowo kasoo baxa…..kkkkkkkk.

    Waxay ka sheekaynaysaa waa ugaaz cadhaysan oo ooyaaya. Anigu xitaa yarka ugaasdoon waan aqaan oo waa nin edeb iyo akhlaaq fiican. Bal u fiirso, meelaha ay soo galiso taariikhda ugaaska, waa meelo aan xitaa sumcada ugaaska ku haboonayn sida articekii abaaraha. Markaa yartu, maaha reer ugaaz anaa taa kuu huba.

  21. slip of the tongue , waxan u jeeday ” Waar ha ku daalin YARTAN godan…..”

  22. Godan, horta laba ha isku qaldin, taariikhda reer ugaas cidi ma diidano balse adiga in yar oo xiisadaa ku haysa markaa iska mir qaan sanow. Sahal reerahu way qululi jireene ma kuwaa guunbaa qulul kooda iyo dagaankoodu isku mid yihiin. Abrayn wuxuu degaa degi jirayna saylac hareeraheeda hadii aad rabto intan yar ee somali mid magaalo iyo miyiba ninba dhan u guurayna dee wax lagaa qoraayaa ma jiro. Saylac abrayn baa samaroon iska lahaa qabiilada kale ee maxamed case sida B/celi, B/ muuse iyo reer maxamedna aad bay ugu badnaayeen sidoo kale qabiilooyinka kale way daganaan jireen laakiin taariikh inta la ogyahay, saylac ciise la sheego oo dega 1964 kii kama horayn oo ahayd xiligii xabashidu iyaka iyo ogaadeen sida xun u laayeen. Jawaab ta aad raadinaysaana waxay ku jirtaa buuga aan u sheegay gabadha Godan akhri hadii aad taariikhdaa masaxi karaysana dee aday kuu taal, balse anuu hadii aad wax la taaban karo ii hayso keen baan ku leeyahay aan kaa dhagaystee waxadse iiga warantaa Duuda Afguduud baa degi jiray oo inta ay ciise is dhalaan is garab degaan jiree toloow kuwaasna maanta halkay ku danbeeyeen mise iyadna ma jirtaad la soo boodi. Waxanan kuu hayaa islaan ciise ah oo xadka kaga jabuuti ku soo gashay iyadoo waxar reer Afguduudihi leeyahiin laabta ku sida si dadka deegaanka loogu maleeyo. Markaa Sahaloow yayna ciyaal nimo ku qaadine maronka iska daa oo wax korodhso. Human moment is part of our nature sida adiguba aad hada Europe ugu nooshahay. Timacade I know Godan is kind of self assigned afhayeen reer ugaas but we all know Reer Ugaas were our traditional leaders and they deserve to keep that role if needed.

  23. Marunbaa

    Horta taariikh waxan u aqaan dhaacdooyin tagey ama jirijirey wakhtigan aan joogno ka hor, sideese taariikh loogala hadli karaa qof dafirsan waxa jooga ama jira maanta sidaada oo kale?

    Marunbaa, xaggeed ku dhalatay, dhulkan aad ka haddlaysid waligaa ma aragtay? reer baadiyaha wax ma ka taqaana iyo reeraha kala duwani xagay u kala qulunaan? Iskadaa wax laguu sheegee, adigu reero Abrayna ama Gadabuursi kaleba ha ahaadaane oo Saylac ag-degen indhaha ma, saartay?

    Duuda iyada cid aan AF-Guduud iyo Gadabuursi ahaynba ma degto kkkkkkkkkkkkkkkkkk Duuda ha inoo dambaysee bal su, aalahaa hore iiga soo jawaab.

    Waxa garan laayahay wax Gadabursi uu beenta iskaga qaban waayo am isku sixi waayo?

  24. Marunbaa

    Doodii inooga furnayd maqaalka Faysal Cali Waraabe hoostiisana ha ilaawin mise kolba meel isku qaadka ayaad xalmoodaa kkkkkkkkkkkkkkkk

  25. hassan wado gormu tagay holland oo hiildan iyo xassan wado midke wayn oo xassan wado todobanadi maa boon bu jogaye

  26. Marunbaa………….Godan cidina waxba uma diidana waanan support garaynayee, waxayse u egtahay more and more inay wax kale mashquul ku tahay oo ay tarrikhda ugaaska ay u tahay a means to an end.

  27. Hiidanow masawaahugu waa maxay dadka maad jihaysid, Hay’adaha Gargaarka Gobolka Awdal SNM Ayaa xayiraad ka saartay tabtii Al-Shabaabta Koonfurta Somalia… Waan Arkaa inay ilyartu sifiican ku dhagaysaneyso…. Xaqiiqda dalka ka jirta u sheeg

  28. Salaan ka dib, Fanaanka qarniga aad ayaan u salaamayaa,Halganka Jabuutina baal dahab ah ayaad ka gashay, waqtigaaga sug.
    Dhinaca kale Hiildan maxay kula tahay inta mareegtaada ku xidhan haddii aanu qof walba karaankii 100$( ugu yaraan) aanu ugu deeqno Walaalaheen?

  29. Aar Harawa

    Fanaanku halgankii Djibouti Boon buu Hiildan ku maaweelin jiraye sideebuu halgankaa ku galay mise Hiildanbaad da, wani ku duraysaa kkkkkkkkkkkkkk

  30. saxid: da,wayni

  31. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    Reer Boon ayuu ahaa.Halgana dee Ciise oo dhan ayaa listka lagu qoraa.
    malaha wax kale uu uu ncuse sheegto.Halgan jabuuti ayay habar walba iska sheegtaa.

  32. Waar Gees

    Dee magacan abti miyaad naga badishid aan isku yara hufno mar-mare kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Maya, Ciise ma,soo wada halgamin, Hassan Wado iyo Hiildana wagaa inamo yar-yar ayay ahaayeen ee Hiildan suuqa ka gubin kkkkkkkkkkkkk
    Anagi sidiina wax kasta dafiraad iyo dabo gambi ku dayimaynee ee waan qiraynaa in ay jireen rag Gadabuursi ah, ama Isaaq ah oo soo halgamay sida ina Raabi iyo Abdirahman Andhoole.

  33. Sahal

    Horta waan kaftami karaa.
    Dee laakiin dhulka haygala kaftamin sxb.
    Haday jirin inyar oo ciise ah abtinimo ku joogay Awdal-salal,dee maha dhulka leedahay.sxb

    Kaftankuna maaha inaan shaadhkaaga ku idhaa anaa kula le..may i fahantay..

    Damali waa daari Samaroon xadku xadiidka weeyaan…

  34. Gees

    Horta ha u qaadan, sida haddalkaaga ka laga dhadhansan karo, in aan kugu baryaayo ila kaftan ee haddad doontid gafuurka taag bal aan aragno cidaad wax ku yeeshide kkkkkkkk

    Xeebahan iyo cidda degtana dee aadoo Ethiopia ka yimid waxan kaga wada doodnaaba waa qalad.

  35. Sahal, waxaad isku dayday in aad wax ka jawaabto balse wali waxa kaa maqan sida wax loo fahmo mana aho mid igu cusub balse waxay ahayd in aad sarbeebtayda fahanto cigaalka hadalka aad ka sheegtay maaha hadal nin siyaasiya ka soo bixi kara cigaalna wuxuu ahaa siyaasiyiinta somaliyeed inta ugu xarago iyo xigmad ba badan dhaqan kayagana maaha in aan dafirno ninka raga ahi wuxuu gudo. Cigaal siyaasad dahsoon wax wuu ku dhamayn jiray laakiin inta ciise adhi la jooga u dhax fadhiisto dee waxaad ku hadaaqayso ma odhan karo oo wuxuu ahaa nin cilmi iyo af tahan isku helay sida Dr Samatar oo kale. Ciise ma dafirin in uu degan yahay ama degi jiray xeeb balse sina wuu u deganaan jiray qayb ka midihina way jirtay. Waa suurta gal in aad meesha adhi abti la yaal ah ku raaci jirtay aniguse intaan dhul arkay, hargaysa dhaxdeeda ii joogso xeeb ilaa Lughaya ii gaadh, korna ilaa xarjin iigu joogso intaaba waan arkay da daan doonaba aan ahaadee. Balse meelahaa sheegtay reer mamasaan badaraxaan la yidhaa buu qoys ka dagaa waliba qoyskaa waxa la yidhaa Family Araye waana qoys Bahabar muuse dhabarka ku sidi jitray xiligii dagaalkiina baxsadkiibaa ugu danbeeyey in ay dhulka haybsadaan. Sidaan kuu sheegay inan reer la taal dhul kuma sheegano oo waanaga ceeb hadii kale Rooble Afdeeba dee gacalkiibuu Geedeeble iyo wixii bari ka xiga la dagay ilaa dib uga soo diga rogtay markaa ma samaroon baa Geedeeble leh baan meesha la soo joogsadaa. Sahaloow meeshaad ii sheegtayna waan eegay waxana kugu gal gashay nin Geesi Makaahiil la baxay. Wax iska dhici habar yahay

  36. Galbeedi, reer gabiley baan ahay iyo taariikhda Ina Xagaa dheere ayaan qaldayaa isma qabatee, waa sidee ma waxad ka soo jeedaa,
    Cishiriin cishiriin gabay gii ahaa qoladii loo tiriyey ee wadaniyiinta gabiley ka mid noqotay. Galbeediyoow waxaad hayso soo daa balse yayna nacas nimo kula degmo noqon. Iska sheeg waxaad hayso ilay wixii duur xula waa lagaa sixi uune mise waxad rabtaa inta aad is xaydo in aad dad la garanayo reero kale ku sheegto sida midka yuoutube ka ku jira ee odayaal abrayna oo Garba dadar ku soo dhaweeyey waa ciise leh ilayn sidaan sheegay wixii ilka qoran ee gudhata sitaba ciisaad u taqaan oo waxan isla og nahay islaantii ciise ah ee gabilay ama kalabaydh usoo xagaa baxdaba Ciisay baa loo bixin jiree. Geesi Makaahiil, Galbeedi ka yaree oo bahasha hoos ha ugu sii dagin meeshana laba nin baa safar loo soo diray oo meesha ku xayraamee heer yada u adkee ilayn marlay waa duud xun oo dheeli laga waayi maayee.

  37. Sixid, Xarshin, maaha Xarjin.

  38. Sallaam.

    Sahal.sxb Etoobiya Cise,Samaroon,Idoor,iyo Somali oo dhanbaa degan.
    Waxa yaable waxa Ciisana – Ciise ka wada dhigay,ee ay wax u wadaleeyihiin,Samaroonka kala saarsaaray.

    In aad magaca Ciise dhul ku sheegato,ana aad i tidhaa etoobiya aad ka timid waa arimaha iyo xaaranta aad ku shaqaysataan.

    Samaroon waa wada Samaroon Nin Nin caaro ma dheera.

    Ta Labaad:Dhulka maba deganid,oo hadii la baadho,arki maysid Cise degan oo Carurtoodii sguulka u dhigtaan.
    Qurbaha markaad timaad uunbaad arki Cise Awdal salal sheeganaya.Waa ceebta iska daaya oo inyiino haydin deeqdo..

    Meeshii Nin Cise ahba ku geeriyoodaba waad sheeganaysaan

  39. Salaan ka dib, kama wado halgankii lagu helay xuriyadda ee Cumaradu u soo halgameen, ee waxaan ka wadaa kan maanta ee dimuqraadiyadda ee lagag caydhiyay wadankiisii.Boona sanada yar ayuu arday ka ahaa ee maaha meel uu u dhashay.

  40. Gees

    Carruur Ciise oo iskuul dhigataa ma jirto miyay ku yidhaahdeen kkkkkk oo kuwan aan anagu lacagtooda bixino ma, Gadabuursi Ciise iska yeela dhigta?

  41. Marunbaa,

    Maxaad tidhi kkkkkk hal reer oo Mamaasan ah ayaa Ciise ka dega degmada Lughaya, oo maad ugu yaaraan laba tidhaahdid oo Sahal reerkooda tirada ku dartid kkkkkk
    Bal waayahay Ciisahan uu gudoomiyuhu leeyahay waxbay laayeen ma, beentiiba mise dabadaa bay dhulkaa soo degeen? Bal faallo ka bixi, dhacdadan lafteeda in laga faaloodana ma, jecli sobobtoo ah waa laga heshiiyey dhibtan intii badnayd inta hadhayna gacantaa lagu hayaa.

  42. Sahal waa waxooga yaro badraxaana ma badna huuno…

  43. Haboon

    haddalka haddaad si fiican u dhagaysatid Badaraxaan lama magac dhabin ee dhagayso.

  44. Sahaloow Doorashada deegaanka ayaa soo socota waanad ogay oo ciise waligii taariikhda doorasho kusoobaxay lama hayo mar kaliyaa la yidhi isasoo sharaxa waanad ogayd in oday kaliyihi bada yimid waxanse hadal lagu daalin, doorashada deegaanku way soo socotaa nin reer Djibouti ah oo xadka kasoo talaabana lama oga sobobtoo ah markii warqadaha beenta ah la samaynayey waad ogayd wixii dhacay kuwiina ciidaa lagu daree dooda milixda u badi waana inoo doorashada oohinta kaa dhacdana waala arki doonaa.

  45. Fanaanka qaaliga ah dacaayada iyo cayda halaga daayo. Xasan wado waa reer Boorama, Gabiley, Djibouti, hargaysa laas caanood, mudug iyo meel walba markaa uma qalmo nin qabiil lagu tirin karo. Hasan Wado, hadaad meesha soo gasho waxad tahay fanaan aad loo qiimeeyo markaa ninkii cawaalay waysadu Toronto kaga jabtee saaxiib aroos iyo meel caruuri iskugu timaado oon sharafta fanaan nimo la dhawrayn haysku iman, yayna qolo iyo qabiilna casuumad beena caadha kuu galin. Intaasi waa iga talo sobob too ah talaxumada fanaaniinta somalidaan usoo joogay.

  46. Ma Runbaa karbaash sxb,anuu hadaan Ciise utafaxayto Naaskaa i qabanayee,waa adiga uun sxb.

  47. Lol@ Ma Runbaa,maad sxb noo balbalaadhisid Cawaale sida ay weysadu uga jabtey Toronto.

  48. Marunbaa

    kkkkkkkkkkkkk Horta haddaad doonaysid in aad Xassan wado ka haddashid dee dhowr cisho ka hor ayaad ka hadli lahayd ee ma, albaab ka lood ka baxdaad wayday kkkkkkkkkkk mawduuca in aad badishaad xalmooday.

    Doorashada degaankana dee xalay lama iclaamin ee waxad jawaab ugu dhigaynayso ma, garanaayo ee falaadhi gilgilsho kaagama go,dee raggan Gadabuursi ma,reerkii jeeska ahaa ee reer Aare ayaa laayay mise dabadaabuu Ciise Bariga degmada Lugahay soo degay? Ragganimada ku dhimo oo su,aasha toos uga jawaab ha inoo dambayso doorashada warkeeduye.

  49. Sahal, cajaladu wax micno sidaa u sii weyn ma sheegayso, mar hore waan dhagastay, siday wax u jiraana waan la soconaaye hadaad badan tihiin maxaa la idin arki waayay markii dabada laga dhacay ugaas arabsiya ka soo haajiray ?

  50. Habooon

    huuno cajaladdu waxay sheegaysaa cidda colaaddu dhaxayso oo beel ka mid ahi ay tahay Ciise, Cajaladana waxan u qadha oon usoo qaatay nin wayn dadka wargaleen iska dhiga oo la soo taagan Ciise reer jees ah ayaa ka dega degmada Lughaya.
    Siddaad kolay adiguba ka warhaysidna dadku waa dad wada dhashay, arintuna iminka meel fiican bay maraysaa oo waa gabagabo, inta hadhay in ay khayr ku dhamaatana waan rajaynaynaa.

  51. Reerkan marka runta la taabsiyo waxay doodu ku soo biya shubataa suaal cajiib.

    mar baan nin Abdilaahi32 soo qaadan jiray is fara saaray hadalkisii ku soo gabagabeeyey cali-sabiix tareenka hortii magaalao ma ahaan jirin oo yaa sheegtay oo wadiiyey kkkkkkkk.

    Haboona sidoo kale hadaad yara weyrixisoo waxay ku dambeyn doonta uun horta af guduud miyey degananayn Dameerjoog.

    sahaloow waa is caadi oo waa reer abtiga aanu waxba ku odhan maaye cajaladan waxaa kalao jirtay mid ka dambaysay oo shir ahayd lagaga hadlaayay marki ceelka riiga ah laga eryaday buurta libaaxlay hoosteeda ee bal iyadana soo gudbi.

  52. Sahal, waa runta insha alaah kheyr bay ku dhamaan, waligeed arin dadka way soo kala dhex gali jirtay waana la xalin jiray,

    Ali, walee waad iga qoslisay, horta maxaad uuga gabataan su’aalaha….no more xalaalays danbe… intuu nin walba wax biirso leeyhay hadmuu wax beel dhalaa, maanta waynu wada ognaha waxa meel kasta ka taagan..

    Ali waxaan ku waydiiyay magaca Lughaya bal ii sheeg sobobta loogu bixiyay magaladaa ?

  53. Haboon,

    dee maxaan waxba ka jawaabna anagu markaan dhulkii hooyo joognay waxaan naqaanay uun xaafada reer hebel ee gedabuursi imikana waxaad nagu waasheen af-guduud iyo jifo-mici dheer iyo waxa aan garanayn ma jawaab aan hela no dhib yaran kartaa.

    magaca Lughaya Sahal ba ku dhashee isaga weydi hadise laga tagi waayo waxaan u fahmay in raga ku dhashey ee ilkaha wada asladay ay gabdha ku hunguri xun yihiin kkkkkkkkkkkkkkk.

  54. Caliyoow

    timirtii loo dablaayahay ee jooji LUG ka sheekaynta kkkkkkkkkkk inabtiday HaboonaAf-guguud iyo waxaa ma, taqaano ee ABRAYN cid aan ahayn waxba uma ogola ee la soco kkkkkkkkkkkkk Mise adigu dad B/C oo uu Hiildan ka xafidsiiyey uunbaad Gadabuursi ka taqaanaa kkkkkkkkkkkkkk

  55. Ina durkiye,

    Ma halkii ku darnayd baad u weecisay su’aashii, ha kugu taagnaato…

    Sahal, duuda iyo dameerjoog abrayn baa iska leh…

  56. Haboon

    kkkkkkkkkkkkkkk maxaan lahaa Cali, waxkastaba Abrayn baa leh kkkkkkkkkk kolkaasuu Calina Af-gaduud dadkale la shir imanayaa.
    Lkn Haboon Duuda iyo Garbo-Dadar waxba iskuma jiraan ee dhibaatada ina haysataa waa wado xumada ……

  57. Nin daad qaaday xunbo cuskay, Sahal bal intaanan wax kale odhan caadadaaday ahayd in aan markhaatiga ka baxsatee, comments meesha lagu qoray waxan ahay qofka sadexaad ee Xasan Wado ka hadlay markaa bal kaas dib ugu noqo in aan sheekada badalayo in aad been isku sheegaysid adna waxaad ku hadashay dib u akhri ilayn war iskuma haysid oo waan ku dhaban dhabeeyee.

  58. Marunbaa

    waa runtaa oo goordanbaan arkay lkn maxaa kugu celiyey warka Xasan wado mar labaad? Ayaase cayaay Xasan Wado? kkkkkkkkkkkkkkkkk sow su,aal aad meel aad ka marto aad wayday ka baxsi maaha kkkkkkkkkkkkkkk

    Warka iska daayoo magtiibaa la,iga sugayaaye raga hadday cid aan Ciise ahayni laayeen ood ogtahay ii sheeg aan magta iska duwee ileen reer jees ahi dadkuu la degenaa awood uu ku weeraro majirtee kkkkkkkkkkkkkkkk

  59. Sahal,

    Ma waxaad leedahay reer kan dagaalka loola yimid way kaga badan yihin, mise way ka xoog weyn yihiin reeraha kale dagaalka soo qaaday, waa sidaan hadaalkaaga u fahmaaye ?

    Mise waa dagaalkii u horeyay rag aad dhaawacday mag lagu waydiiyo ? baroortu orgiga ka weeyne sahaloow, bal taariikhda han kuu gelino ciise dad laayay…

  60. Magna ha bixine, libinta iyo magtaba isla barkanoow waligaaba…

  61. Haboon

    huuno ninbuu haddal kaygu ku socdaaye ee waa siddee. Nin been sheegaaya cad ayaan wax tusaalee islahaa ee cid cid ka xoogrooni ma,jirto taasi soomaali dhamaanteed maanta way ogtahay baan filayaa ee isdeji inabti, Marunbaa aan beentiisa dadka tusee. Haaddi kale ninka iskadaa i dhe ileen anigu inabtiday taladdeeda diidi maayee kkkkkkkkkkkkkkk

  62. Sahaal, xanaaq ma jidho…

  63. Haboon

    merci chère cousine lkn “ma jidho” kkkkkkkkkkkkkk ma reerahaa fogbaad gashay?

  64. Sahal, bal adba sheeg…xataa “hint” ma jirto,

  65. Haboon

    Quoi j´ai pas bien saisi? Le champs est …..quoi?

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: