Odhaahda HiilDan Ee Ku Wajahan Abaaraha Awdal: Adduunyooy Xaalkaa Ba’

Wuxu Xaakimku  Keenuu

Ku Xarriiqay qoraalbaa

Si kastoo loo xayiro

Cidna Xakamayn karayne

Adduunyooy Xaalkaa ba’a

 

Waxad Xoog lahaatoo

Xaragadu ku qaaddoo

Xoolo badan ku faantaba

Marbaad xero go’daaye

Adduunyooy Xaalkaa ba’

  

Dhallaanka Xagal daacay

Xeraad ubadka waayay

Hooyo ku xambaartay gaajo

Xirribaha  ilmada qooysay

Adduunyooy Xaalkaa ba’

 

Xilli waliba waa cayn

Xumaan iyo samaanba leh

Xalay belada kaa qaddayna

Kaama Xishooto caawee

Adduunyooy Xaalkaa ba’

 

Waxba Awdal xaalufkiyo

Aafooyinka Xuflayni

Xabsi daa’in looguma xidhin

Waana laga xoroobiye

Adduunyooy Xaalkaa ba’

 

About these ads

Categories: Badheedhe (Editorial)

88 replies »

  1. Qof waloobi wixii ad jeebkaaga ka bixin karto sida ugu dhakhso badan u dir, xitaa dhar, kabo, qalab cunto, maryo kaneeco, daawooyin, waxkasta ‘every little helps’. Uma baahnin qof siyaasadeeya abaarahan oo halkan noogu soo qora naxli iyo doqoniimo iyo kibir is huwan. Kii diidayoow diid laguma qasbayo xitaa lagumana tabayo, kii donayoowna yeel waa laguu fadhiyaa waa lagu tabayaa. Ha noolaato Awdal iyo Ummaddeeduba, Abaarahana allaha ka dul qaado.

  2. Ciwaanka ama magaca qofka masuul ka ah laguna hagaajinayo wixii la dirayo,

  3. walee haboon iyo hiildanoow xoolo aad dirteen lama cuno inaad beelaha isu dirtaan mooyaane fadhi ku dirir faa iido lagama hayo qarafana afkiina kadhawra waayo waxaad afkaaga katidhaah agtaada kaday baa hore looyidhi qarafo imika inoogama horayn awaw ilaa awawna maan maqal samaroon qarafaysta imika kahor way dhici kartaa qof miskiina oo xaalihiisii kadhamaadeen ama laxaadla laakiin beelo dhanoo qarafaysta idinkaa sheegay oo had iyo jeer yidhaahda makaahiil qarafo, daasad kildhi iwm hadaba waxaad sahadinayseen ma arkaysaan abaartani maaha bahabarmuusoo qudha waa deegaan maris muusoodhan, bahabar celi,reer axamed, muusafiin xeebjire waxayna kabilaabantaa marka boorama hoosloogarogo oodhan hasiikala xumaatee oo kuwa gubanka ama banka joogi ha ugu siiliitaane

    afeef imikaba ha igu sooboodina intaanad aqriyin waxaan qoray.

  4. haboon hadaad tahay qof horay dad wax utara ama dhulkiisii kuxidhan ma imikaad hiildan ciiwaanka raadin lahayd?

  5. Horta Caasha waa inaad kala garato mawduuca laysku xafiili karo ama lagu kaftami karo. Hadiii ad Haboon u dan leedahay la sug mawduuca ku haboon. Haddii ad HiilDan u dan leedahay la sug mawduuca ku haboon. Kana digtoonow inaad isu darto Haboon iyo HiilDan. Laba qof oo kala duwan weeyi. Haboon waxay joogtaa Holland. HiilDan wuxu joogaa UK, adiguna waxad joogtaa UK.

    Reerka Muga weyn ee Makaahiilna aniga afka ha ii galinina waligay nasabkooda iyo sharaftooda ma xumaynin. Waa sumcad xumi ad rabto inaad ummadda ii marisiin, laakiin waad ku daalaysiin. Ina caateeyaa hebel caayay, ina caateeyaa reer Caayay, Ina caateeyaa dumar caayay, waa wax an jirin oo ad rabtiin inaad dadka ka raaridiin. Siyaasiyiin iyo siyaasadbaan ka hadli jiray, laakiin meelaha kale ee ad wax ka raadinaysiin, waad ku daalaysiin. Waligey kuma seexan inay ii kala sokeeyaan ama ii kala shisheeyaan Makaahiil, Maxadcase iyo H/Cafaan dhammaantood.

  6. Subax Wanaagsan all.Hildan waxa aan diray shaley $500.00 walaalkayna waa 17 waxa aan ka qaadey $200.00 markii aan tukadey Salaadii Jimce,umaan dirin reerkayga maxaa yeelay Reerkayaga waxa ay joogaan Montreal,Quebec,looma baahna nacnac hadana waxa aan doonayaa in aan eego waxa kaligay aan u qaban karo Dadkaa degan Lughaya,waxa dadka Samaroon ee Calgary isticmaalaan Dahabshiil,maxaa yeelay Family yo badan oo Maxad Case ah ayaa degan 17 Ave and 49 Street SE Calgary oo ah meel Samaroon Single iyo xaasasba ay degaan waana xarunta Dahabshiil ee aan shaley ka diray lacagta,waxana aan jeclahey in dadka halkan Hiildan.com soo booqda aad lacag kale ka qaadid taana ana aan ka mid ahey markaaa Account soo qor aan Lacagta ku soo dirno.PS: Aniga waan ka soo baxey intaydii laakiin tan waa markhaati waa in qof kasta oo Samaroon ah uu soo diraa Contributionka,looma baahna Aisha iyo waxa la midka ah@Aisha laguuma baahna anyway.Ninkaaga qaadka ugu iibi waxa aad hayso,Maxad Case have$$$$$$$.

  7. AWDALEEY ADUUNYADU MARBAY KUU ODORSTAA

    AWOOD IYO MARBAAD LEEDAHY UDUG AROOSEED

    AWOW IYO AWOWYAAL MARBAAD AABO LEEDAHAY

    AMMAANQURUXSAN OLOLOG DUMAR IYO DURMAAN

    LAGU ASQOOBAA..UBADKUNA ARDAAYADA NIMCADA

    CAANO LAGUSIIYO. GEERAARKA AABUHU GOLAHA AL

    -A KA ABAAR HOOYADU KABAAL IYO ALOOL KEBAD AR

    OOSEED AAYAHA CARUURBAAN RABNAA AABIYOW TID

    HI .AAGAASI RAMASHIGA AAMINOO ADHIGA EEGAYSA

    TIRO ADHIYA OO WADA AHMINA AWUURTU DHINAC JOO

    GTO GEESIGII AROOSKEEDA RABAY KU AGWEEGAAYO

    IYADOO ABBAARKII HOREBA ARAGTI SHEEXAYSA DHUL

    KA EEGTAY AAFADA JACAYL WAA AFKALA QAADE.DA

    BADEED ARAAR IYO ODHAAH SHEEKO KU AROORTAY

    DAYRTAA AWAWGAA U YEEDH AABO KA AFGAADH.

    RAXMADABA ALLAA NOOSHUBOO AADMI LAGAWAAYE

    ABAARBAA ILLAAH KEENAY OO ZAYLAC KA ALOOSAN

    GARBADADAR DHAMAAN GU ARURI AABO IYO HOOYO

    UBADKA IYO WAAYEEL BOKAAN LOO ARXAMIWAA IID

    OOR ALBAABADA KAXIDHAY WAA ABAALMARINE SAMR

    OON DHEXDIISII MIYUU KU AFLAGAADOODAY.AARGOOSI

    MUU KALA RABAA AAFADAA TIMID..MAANTABA ABBAY

    TAAGANTAHAY YAA ABAALGALA.OLOLAHAN AABAAREE

    D TOLOW AAGA WAADAA AADA NINWALOWBA HAYNTA

    ADA BIXI HAGARI YEELKEED.HIILDANOW ANOO KUU HA

    YA AWDAL IYO OOGO ISIRKEENU INU YAHAY MIDH QOD

    HA ASALWADAAGEENA IIDOORKA CALANKIISA TUUR

    AWDALBAA TAHAYE.

    WAA ABWAAN : MUSA AW XASSAN LODOON DUBAI

  8. @Haboon,doqontan Aisha la baxdey ignore garee.

  9. Why people are so quite and even avoid to comment when it comes helping those who ‘re less fortunate than them.That is so weird!.

    • Tallman wiilkan la baxay markaad leedahay maxad case have $$$$$$$ adigu maxaad u kala qaad qaadeysaa samaroon mise kula ficantahay in aad qabiil dartii aad ula baxdo sadaqada aad dadka masakiinta ku bixinayso waa wax aad adigu meel dhigatahay.reer kaliya madegena dhulka samaroon oo dhan ayaa degen.Ilaahay Roob ha u keeno umadiisa u duceeya qof kastana wuxuu awoodo ha u diro si dhaqso ah lkin kala qaad qaadka inaga daaya Taas meel kuma gaadhayno ilaahay halaga baqo

  10. Waxa fiican sidduu Hiildanba ka dhawaajiyey in laga diktoonaado in la siyaasadeeyo gaar-gaar loo fidinaayo dadkaa abaaruhu ku dhaceen. NInki wax labaxayaana waa wax uu naftiisa ula baxay ee ayaan taana la iloowin.
    Dee waan ognahay dariiqaanta waxa la mariyee ee ciddii aan wali gurman oo warku ku cusub yahay ha kacdo.

  11. WALAAHI SUMA WALAAHI WAA NIN AAN JIRIN KA MAANTA DADKIISII OO ABAARO KU DHECEEN CAY IYO CEEB LA AGTAAGAN MAXAA YEELAY WAAR HADAANAD WAXBA HAYN HALAKA FIICANI WAA SADAQEE U DUCEE HADII KALE WAXAD KU SIFOOBAYSAA BAYD AAN IDHI( DADNIMAANAD LAHAYN IYO DAMIIR DAA KU YIDHAA DOQONIIMADA QAAR DOQONBAA U DABQAADA CAWGII KU DILAAYA EE NACASKAA DACAY DHEERE ABIHII DOQONTA WAAR DADKAYGA KA LEEXO DANAHAYGANA DAA IIDOORBAA KU DABIIBIYE DUNBULUQ DAASAD U DOON)

  12. Dhool,huuno lacagta uma dirin Maxad Case,waxa aan u direy All Samaroon,waxana aan u jawaabayey nacastaas la baxdey Aisha.Waxa kale oo Colorado State nin kasta oo Maxad Case ah uu isku xilqaamey caawinta dadkiisa ee Xeebta@ Ma Runbaa hayla qabsan sxb $700.00 baan diray aduu maxaad qabaty stupid!Halkana nin kasta again waxa laga doonayaa in uu Hiildan ugu soo hagaajiyo waxa uu dirayo again ana diyaar baan ahey@Hiildan account baa lagaa sugayaa, dad hadii aanad abaarta ka garanayn sida aniga oo kale waxa aad u diraysaa Dar Allah.

    • Adduunyooy Xaalkaa Be’

      Wuxu Xaakim Keenoo
      Ku Xarriiqay qoraalbaa
      Si kastoo loo xayiro
      Cidna Xakamayn karayne
      Adduunyooy Xaalkaa ba’a

      Waxad Xoog lahaatoo
      Xaragadu ku qaaddoo
      Xoolo badan ku faantaba
      Marbaad xero go’daaye
      Adduunyooy Xaalkaa ba’

      Dhallaanka Xagal daacay
      Xeraad ubadka waayay
      Hooyo ku xambaartay gaajo
      Xirribaha ilmo qooysay
      Adduunyooy Xaalkaa ba’

      Xilli waliba waa cayn
      Xumaan iyo samaanba
      Xalay belada heshay qayrkaa
      Adna kaama xishootee
      Adduunyooy Xaalkaa ba’

      Waxba Awdal xaalufkiyo
      Aafooyinka Xuflayni
      Xabsi looguma xidhin daa’ima
      Waana laga xorobiye
      Adduunyooy Xaalkaa ba’

      HiilDan

  13. My name is Ahmed Osman Miicaad nickname”Tallman’ And my cellphone number is(587)718-0973.Hiildan feel free to call me bro if you donating from us too.

  14. Ma Dhab baa lacagta aad hayso u dir sidayda ,contribution 2aadna diyaar u noqo oo Hiildan aan ku hagaajinayno ama Shut The F. Up Iidoor ku wasye qabiil kama hadlayno Idiot.

  15. walwali maynoo raxmaankaynu weheshan…

    Ilaahay ha inaga dulqado abaaraha…..amiiinn

  16. Dadbaa wali meeli buktaa oo yoomul qiyaamahana Jufo is daba wada iyo waxaan loo joogin sadisme.

  17. Umadaa eebehey abuurtay si bani aadam nimo leh ayaan ugu tabaruci waxaan u awoodo. Anigoo eegaya dhibta soo wajahday. Waana u ducaynayaa in abaarahan eebehey u saqiro oo samada roob uga keeno. Aloow roob iyo raxmad degdega ayaan kaa ga baryayaa. Rabiyoow u yasir silica aay ku suganyihiin.

  18. Allaha u gargaaro dadka dhiban abaaraha ilaahay haka dul qaado amiiiiin

  19. Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa maanta cashar lama ilaawaan ah u dhigay Khaatumo seeg ilaa hadana waxaa la sheegayaa inay dul taaganyihiin xaduudka Somaliland iyo Somalia u dhaxeeya hambalyo ayaan leehay ciidanka Qaran waan u heesaynaa hadaanahay Reer Nuur guusha ciidanka Qaranka Somaliland Hambalyo

    Ubax Fahmo

  20. Waakan ciidanka Qaranka Somaliland oo guulo kasoo hooyay deegaanka Tukaraq isla markaana ka caydhiyay maleeshiyo beeleed halkaa ku sugnaa,Saraakiisha ciidanka Qaranka Somaliland ayaa halkaa kula hadlay shacabka reer Somaliland ee deegaanka Sool gaar ahaan Tukaraq ayadoo si fiican loosoo dhaweeyay saraakiisha ciidanka Qaranka Somaliland halkaana ay kula hadleen odaydhaqameedyo kasoo jeeda deegaanka Sool.

  21. Ilaahay ha u gargaaro dadka abaaruhu haystaan Somalia oo dhan.

  22. waar sawirkan miyaanu dadkeenee ahayn mise waa mid dhadhaab laga soo qaaday, hiildan sawirka sare ma sawirka dhabta ah ee ka turjumaya xaalada meesha ka taaganbaa? meesha aniga abaar iigama muuqato ee macaluul ayaa iiga muuqata waxaase cajiiba sida aanba dareen weyn looga qabin dhibaatada meesha ka taagan beryahanba waan maqlayey ABAAR laakiin tani maaha abaar ee waa MACALUUL.

    arintan waxay u baahantahay in aad loo baahiyo warbaahinta localka ah ee gobolkaas xarumaha ku leh waxa loo baahnayahay inay inay si mugweyn arintan u muujiyaan. waxaan insha allah isku dayayaa inaan faafiyo dhibaatadan ka taagan salal oo facebooga iyo goobaha um,ada somaliland isugu timaadaba arintaas gaadhsiiyo waxa jira dad badan oo aan warba u hayan lagana yaabo inay gacanweyn ka geysan kari lahaayeen. tvyada ayaa yagana loo baahanyahay inay barmaamijyo badan kasoo daayaan dhibaatadan oo loogu tabarucyo dadkaas.

  23. KULUC,

    Sawirka ugu sarreeya iyo mid kale oo an garan waayay way la socdaan sawirada, oo meel ay iga soo raaceen garan maayo, laakiin sawirada kale oo dhami waa Awdal. Waliba kuwo intaa ka badan ayaa jira oo maqal iyo muuqaalba ah, kuna baahnsan Youtube.Reer Awdal qayladan meel walba way gaadhsiiyeen oo dhawr sanadood ayay wadeen.

    Xukmaddii hore ee UDUB way ku fashilantay abaaraha iyo aafooyinka badnaa ee ka dhacay Awdal/Salal. Xitaa inay warbaahinta qaranka si qaran uga dalbadaan gar-gaar way kari waayeen. Xukumadan maanta ee KULMIYE iyada waxay u muuqataa inay tii hore la jaan qaadday.

    Haddii afar qof duleedka Hargeysa ku gaajoodaan oo macaluul iyo abaaro isugu biiraan waa lays wada daba yaaci lahaa oo TV iyo Madaxweyne iyo saxaafad looma kala hadheen.

    Anyway, Qaddar Alla qoonsimaad ma laha, qorshe xumase waa lagu qasaaraa. Maantana qalbigayga kuma jirto dawlad loo qayshado, balse qof kasta oo wax qaban kara waa loo baahanyahay qaybtiisa.Waliba dawladda Somaliland ducaan ugu dari lahayn haddii sidaas ay nagu dayso, oo aanay soo fara galin caqabadna ku noqon wixii ummaddu iyaga dhexdooda ay qabsan karaan.

  24. Kuluc

    Xaasid ma aflaxo. Maantay adoo sheeganaya in aad Barlamaanka dhalin habaabis in aad ku jirto arinkana ku qaladay Dhadhaab. Wax walba inkira dadku iniga inigama macluulsanee Somali ayeey ka macluulsanyihiin!. Kuwa Dhadhaab jooga iyo kuwanba isku si ayeey noo taabanayaan.

  25. Tallman, when you said Ma Runbaa and you used profanity, did you mean Marunbaa and if so, how did you come up with my name and why. Just wondering what brings my distorted name into your attention, or is it that you mistook me with other name? Hiildan, arintani waa masiibo jirta laakiin idinku waad naga nasiib badan tihiin oo gurmadkaa idiin dhaw balse halkan dhar iyo raashinba todobaad baan wax miskiintaa quudin kara ku heli karnaa balse dhibtu waa sidii loo qaadi lahaa iyo wakhtiga ay qaadanayso oo dadkuba ka sii dhinteen. Dirnay oo hadana waala diriye fadlan cay iyo munaafaqad arintani uma baahno waana masiibo dadkan masaakiin ta ah ku habsatay una eeg mid soo noqnoqon doonta hadii aan fikir kale lala iman.

  26. Kuluc, sawirku waa Somaliland oon biyo la marin hadii aad u haysato odayaasha jiqlaha ka naaxay ee kolba hotel hadal ka soo tuura sawirkooda aad mooday in sidaa loo wada naaxay, qayb badan oo waliba ah xuduntii wadanka ayaa dhibtaa iyo macaluushaas ku jirta waana hawl inoo wada taal sool ilaa saylac. inteena nasiibka u yeelatay in aan nolol raaxa leh ku noolaano yaynaan khiyaali ku hadaaq noqone aan xaqiiqda ka hadalno. yes this picture is from Somaliland if not a similar situation is existing if not even worst.

  27. Mr.Ma Runbaa, accept my appology please,waxa aan kugu khaldey nin la baxey Madahabaa, again ninkaasewy ku socotay sxb magacaaga abililiqaystey.

  28. \nin la baxey Madhabaa baan u jeedaa Mr.Marunbaa.

  29. i knew it was pen error but just wanted to check. Appology is fully accepted Tallman.

  30. aaway kuwii Somaliland iyo Idoor hoos fadhiyay.. maxay wax idiinku qaban waayeen? maxay idiinku so gurman waayeen? xaga berbera laga leeyahay dib dambi loo maqli maayo abaar iyo biyo la’aan, waydinkaa idinku haraad u dhimanaya cidina idiin ooyi mayso wallee.

    shilin jeeb lagu sito haduu dhacona lagu istaago ayay idiin arkaan SNM tu.

    war dadkiina dhinac ka raaca oo taageera Awdal State hadaad naf iyo damiir leedihiin.

    Guul AwdalState iyo halyeey Rasheed Aw Nuur Xirsi.

  31. abaaraha wax waliba iyo wax aan awood u leenahay waan ka qbqn doonaa.. laakiin ogaada in maamulka AwdalState maanta haduu taageero buuxda idiinka heli lahaa inu abaarta wax weyn ka qaban laha..

  32. Cali Saciid…..isla xishoo, ilaahayna ka baq. Abaaraha ilaahay iyo awooda dadka caqliga leh oo la isla kaashado ayaa lagaga baxayaa. looma baahna kaalmada dadka sidaado kale ah.

  33. Nacas Saciid, horaan u ogaa in Riyo state tahay aqli ka yimid dadka samaroon ugu aqli liita. Kama wado waa reer laakiin sida hadalkaaga ku cad wax jilib iska leeyahay bay ahayd adaana nacas nimada isku markhaati furay, markaa meeshan in noocaa goo kale loo ogolaadaba ma ahayn laakiin Hiildaan wuu dulqaad batoo nacas, nuxus iyo nin ragaba si buu fikirka u wada daajiyaa, meesha ahbalo badan baa soo galee ku soo biir adna. Nacas bal hadalkuu u quudhay dad masiibo ku habsatay eeg.

  34. timacade…. maxaad isla indha tiraysaa?

    abaarta maxaa keenay? ilaahay ayaa keenay laakin maxaa sababay? muwaadin hadaad isku arkaysid aaway dawladaadi? ceelasha fara batay ee laga wado gobolada kale maxaa adi ku diiday in wax lagaa siiyo? miyaanad muwaadib dhab ah ahayn? mise waxa laguu arkaa “second class citizen” ?

    mar haday arintu sidaa tahay hadaba maxaad ka hoos joogtaa maamulkan xaaraanta ahi?

  35. Maruunbaa,

    doqonyahay fikirka xumi dadka masaakiinta anu kama hadal ee waxaan ka hadlay dadkan fayow ee caafimaad ilaahay siiyay laakiin maskaxda laga habaaray sidaado kale doqonow ee hoos jooga maamul yasa.. dadka masaakiinta kahu daba dhuuman.

    anigu dadka wax halooqabto waan idhi. laakiin waxaan kaloon idhi aaway kuwii aad hoos joogteen? miyaanay bariyadii saladiintiina iyo cuqaashiina damqin laxyahay?

  36. AwdalState na beel gooni ah maleh ee waxay ka wada dhaxaysa Samaroon dhamaantii waxaana keenay dadka fikirka iyo caqliga saliimka u saaxiibka ah. laakiin ma u maleeyo in lax sidaado kale gumaysi ku hoos nool fahmi doonto hadalkan.

  37. Cali Siciid ama riyo state,

    markaad aragto hooyo iyo ilmaheegii yaraa oo abaari ku dhacday aad ayaad uga naxaysaa waana nasiib.
    waa loo duceeyaa hadii aad wax tari kartana waa la taraa
    caruurta yar yar ee abaaruhu ku dhaceen ma garanayaan
    wax siyaasad ama qabyaalad ah waa ilmo Somaliyeed waliba
    ku nool halkaad sheegaynayso. markaa marka arimahan
    laga hadlayo tar waxaad tari karto ama iska amuus.

  38. Cali SACIID RUNTUU KA HADLAY WAXNA MA GAYSAN.

  39. Cali Saciid……. Qofkasta oo meeshan soo galaa fikrad buu rumaysanyahay, lakiin fikrad ay binaadamka saalimka ah ay wada rumaysanyihiin baa jirta waxana la yidhaadaa ” compassion toward your fellow Muslims and human beings”. Qof Macaluul intaa leegi ka muuqata oo qaylo dhaan soo dirsaday inaad ku digato oo aad tidhaa hadaad Awdal State soo raaci lahayd macaluuli kuma hayseen, waa hadal xaga ilaahay iyo xaga dadknimadaba aad u habaaran oo aanad u meel dayin. Waxa kaliya ee kula gudbooni waa inaad tidhaa ” sorry”.

  40. Walee reer aan ogaan damqan.

  41. Salaam all,marka aan akhriyey xayawaankan cawska daaqa ee la baxeey Cali Siciid,ayaan then tusay inamo aanu qaraabo nahay.Mid ka mida inamadii oo ka yimi magaalo la yidhaa”Malmo” Sweden ayaa ii sheegay iyadoo Nin Reer Awdal ah lacag ay u ururinayyeen Inamo Reer Awdal ah si Borama looga qaado oo dibadaha indhaha looga soo daweeyo.Markii markaa Donationka qof kasta uu bixiyey ayaa la yidhi hebeloow adna intaas ayaan kaa doonaynaa in aad bixiso,waxa uu ku jawaabey”Maya Maya Ninkan Indhaha loo jeexayo anuu wax lacaga ma bixinayo fundraising kana kuma darayo magacayga”.Markii la weydiiyey sababta uun buu ka yidhi”Ninkan hebel waa Reer Hebel oo 2sano ka hor ayuu walaalkii Djibouti igu xidhay”.Waxa ay dadkii ogaadeen in ninkan uuba yahay 8nan yaroo 22jir ah oo Jaamacadda Uganda u socdey oo indhaha wax kaga dhaceen,kan Contributtionka diidana uu yahay 58 aqoonna aaney isku laheyn reerkana uu isaga ugu weynyahay.Arinta 2aadna in ninkan diidaya Contributionka hooyadii ku baaba’santahay Yemen!

  42. Ninkii ku diganayoow dan iyo xeeshaa dheh!.

    Waxan ku iri shicibkan Somaliyeed waligiiba cidna uma tirsanayn iyageys deberayee roobkii ayaa ka soo habsaamay hadii kale cid aay u bahnayeen ma jirin. Siyaasad wax u tartaana dadkan aad arkaysaahi waan hubaa in aayan waligoodba indha saarin!. Dowladna warkeedba daa. Waa umad victim ah hadaadan u naxariisan karin afkaga uun haka nabad galaan. Aad ayaana uga xumahay. Maxaa dad aan damiir lahayni na dhex yaacayaan cakuye ciil badanaa.

  43. Markaa kan Cali Siciid la baxey adeer qani baan ka nahay nin Waalid Caasiya ee waxba ha caawinine bal hooyadaa uun biilka ugu roonow,hadaanad Waalid caasi aheyn saa umaad hadasheene,Hooyadaa iyo Aabahaa uun make sure in aaney gaajo la dhiman,aniga agtayda oday asaasaqey oo carabtu gumaysataan kuu arkaaye.

  44. Timacade,

    Iyo asxaabta salaan sare dhamaantiin waaban naxay markaan aqriye ruuxan qoralkiise oo salantiba hilmamay.

    Timacade maxaad iigu sheegi wayday in Xisbigeeni ku shiray Alkamaar?. Waan soo booqan lahaaye. Imikaan Jornal ka aqriye oo in aad nagu war gelisey ahayde.

  45. Tallman fariidoow wad iga qoslisay runti. Aduu waxaad ku wanaagsantahay in ruuxi maaro loo waayo aad canaan kulul u jeediso. Jawaab uma waydid waxwalboo laga fajacay. Mahadsanid mandhoow qayr allah ku siiyo.

  46. ninwaliba isagaa isla saxsan gadabuursi wuxuudhigayaa ruwaayadii kalamaan bal ufiirsada waxaweeyaan anigu taanjecelahay ayaasaxsan qufwalba tiisuukahadlay balcar waakaase nin odhanaya war maxaa inoodana dhinacay doontaba ha ahaatee hala arko abaarta ilaahay inuu keenay la iskuma hayo laakiin waxaa loobaahan yahay sideen uga baxnaa tan tasoosocotana uga gaashaamanaa tusaale hadaan sooqaato soomaaliya 20 sano markay baaba aysay cidina madanayn jirin laakiin sanadkii ina soodhaafay markay abaaruhu baa ba sheen ayaa aduunkii oodhami indhaha kusoo jeedshay waana takeentay in xal degdega lagagaadho oo dawlad iyo dhaqaaleba loosameeyo
    waanad ogtihiin haduu dalku dhisan yahay abaarahana waa laga tabaabulsheystaa sida ceelal badan balayo iyo raashin dadka lala soogaadho iyo aduunkoo loogu qalyo markay waxdhacaan hada itaala malihidina aduunyadana cidii iniigu qaylin lahayd waa dawlada siilaanyo taasina way ini dafirtay markaa dee maron uun ciirsimooda marhadaanad xataa mudaharaad ad dadkan aduunka kutustaan kudhacayn

  47. Guyaal iyo guyaal iyo guyaal qarniyo guudkooda

    Taariikh gu wayn buu lahaa geeshka Samaroone

    Iyo gedaha uu maanta yehee laga galiilyoodo

    Gocoshada xasuustiyo godaal gabayga ii gaysay

    Adaan kula gulaashaye jiibta ila goodi

    Haraad igu gaboobaan rabaa inaan ka gooshaaye

    Ummad wada gamiintaan rabaa inay gadoodaane

    Guyaal iyo guyaal iyo guyaal qarniyo guudkooda

    Galaawuhu kolkuu joogayuu galayay ciideena

    Sooyaal gaboobiyo wuxuu galawgu ii sheegay

    Cumar Good afkiisiyo waxan oday ka soo gaadhay

    Dhalinyaro gadooday warbaan idin garwaaqsiine

    Garta oo ujeedada fahmoo gaydha socodsiiya

    Tixdu gaydhan weeyiiye dhamaan geliya laabtiina.

    Waa socota.

  48. Ninka Cali Siciid wato,

    Dadka waad ka yara nixisay. Oo meesha dad dhibataysan ayaa looga hadlayee dadka gurmadka abaabulayana qaarba waxbay tageeraan. Laakin waxay go’aan ku gareen in aay iskood gurmad u abaabulaan oo siyaasada aay aaminsanyihiin waxayba u jedaan in aayan wax saa u wayni uga soo socon. Waxayna sameyeen arin deg deg ah oo dadka gargaar u helo. Taasina waa is xilqaamida ruux walbaahi is xilqaamay.

    Aduu lakin sheeko taxane ah ayaad ka soo dul dhacday. Dadkanina iyagaa go’aanadooda iyo danahooda yaqaan. Amaba ogaan doona waqti cayiman.

    Arintu si kastaba ha ahatee. Bal adigu maxaad u qaban kartaa umadan. Ileen lagaga shekeyn maayo oo waabad u jedaaye?. Adigoon dadka ku eedin waxa shaqsiyadoodu dooratay!. Umada tabalaysana aanan ku digan oo aadan Awdal State miisada noo soo raarin oo aadan rikaato nooga dhigin!.

    Hadaan runta kuu sheego anigu Awdal State na ma aqaan shaqsi aan aqaan oo tagersana waligey ma arag. Lakin ha noolaato ayaan leeyahay. Arin baase jirta. Anigu siyaasadani markii lala duulayana marqaati ayaan ka ahaa markii la kala dareerayna sidoo kale.

    Waxaan ku iri Siyaasada AwdalState mid aad u dhereyso waaye. Hadii aad Siyaasad sidaa u mug wayn la timaado. Ciidan umada ka celiya hadii lagu xayramana waa la abaabulaa. Waxaa Reer Koofur yiri. ( Buunki la qaado meel lagu yeersho oo rabaa).

    Hadii reer Awdal aay kaba soo qabo mudaharadi lahayeen yaa ka celin lahaa dowlada Somaliland?. Ma ciidamo difaaco ayaad u diyaariseen?. Waa maya hade jooji ooyinta orgiga ka weeyn!. Ma waxaad na leedahay shacbigan sidan u il daran oo hadii hal roob ka baaqdo gashamaaga noqonayo ayaad rag ilaa ilkaha ku hubaysn ka hortaga dhihi lahayd oo Awdal State tageera?. Awdal State iskala laabo oo ka soo fekera adi iyo kuwa kale ee sidaada oo kale taabacsan. Sababtoo ah dadka kama dhicin kartaan dhibaatada aad u keeni kartaan. Bal hada waji sameysta oo ka faaideysta oo gurmad dhaqaale shacbigaas tabalaysan u dira. Si eey idiin jecladaan. Hadii kale iska aamu.

  49. Hani,canaan maaha walaal waa a fact la ii sheegay.Anuu kuma nooli Sweden,laakiin waxa ii sheegay tolka.Dhinaca kale,hadii qof uu la yimaado”Argument” aanan jeclaysan markaa dood uun baa na dhex mari karta ninkanna”simile” uun baan uga dhigay marka uu leeyahay wax ma caawinayo and as the matter of fact loogama baahna.

  50. Gadabuursi gayiguu dagee guule nagu beeray

    Saylac buu gundhigu noo ahaa goob la joogabe

    Xoolo laga gad iyo cilmiga laga golnuugyaaba

    Niman Awdal soo galin la waa girid awoowgiiye

    Ilbaxnimo u gaaray lahayd xidid aan guurayne

    Iska daa carabta soo gudboon badda gedaankeeda

    Gujaraati laa laga yiqiin galadadeediiye

    Garna waxay la yeesheen markay gaaladii timide

    Iyagoon baddii galin ayay badda ku gaadheene

    Saanbay kaga gudoonsheen heshiis guurti soo madhaye

    Odayadii la soo guray ayaan muran ka taagnayne

    Hebelbaa loo garanayaa gebi ahaantoode

    Gadabuursi buu wada ahaa guddi horaadkiiye

    Afartaasi guuxii baddiyo gudgude roobaad dhe

    Gantaaladii Ugaaskiyo Kunciil gucumadiisii dhe

    Geeraadadii Cabsiiyiyo Afdeeb gaydh u hadalkii dhe

    Guubaabadii Daheeyiyo guf iyo goohii qaabilaad dhe

    Cali Bucul gamaankuu watiyo faraskii gaylaan dhe

    Galool ubax ku yaaliyo galiyo geedkii harawaad dhe

    Afar kalana tixdaan soo guriyo gala mushaaxay dhe.

    Waa socda.

  51. Godan

    intana ma ugaaskaa giiba yidhi?

  52. Cali Siciid
    Waan ku salaamey waxeyse ilatahey hada way dhaaftey xiligii la odhan lahaa hadii ay sidaas noqon lahey malihi waad qaldantey ee xiligan dadku dhibaateysan yihiin maaha in laga hadlo waxaa sidaas loo yeeli lahaa iyo waxka baxsan sidee dadkaa ilaaheybaa badbaadin karee loo taageeri lahaa.
    Dadka Awdalstate taageersan waxa looga baahan yahey iney gurmad dhaqaale gaadhsiiyaan dadka tabaaleysan. Bani’aadanku waa inuu kala gartaa waxa taagan miisaankooda iyo waxa uu aaminsan yahey. Hadalada siyaasada, faqooqa iyo mabdaha dadku kala aaminsan yihiin dib inogu dhiga.

  53. Hannimuufo…….Saxiib walee inaanan aniguba la socon, aad baa hawlo kale mashquul ugu ahay baryahan……lakiin, next time ka Hooland ay leadershipku timaado, anigaa personally kusoo wargalin doona. maanta talo fiican baad reer tolkay siisay, lakiin dee somaliland way ogyihiin waxa ay tahay Awdal State oo waa iska OOhintii rayaale oo marba waji yeelanaysa, oo marba qolo lagaga baxsanyo. Dee reer nuurkii way iska tuureen oo oday reer borama ah oo Garaad la yidhaa ayaa hogaankii u qabtay, dee cid kale oo wax ku falysaana ma jirto oo xitaa kii habar yeesif ee u ooyaayey ma rabo ayaan xan ku maqlay….kkkkkkkkk . Viva Hiilqaran………

  54. Bravo Mustafe……….and Viva your Awdal State.

  55. HaaniMuufo & Mustafe salaanta waan idinka qaaday..

    sidii aan hore o idhi dadkan dhibaataysan waa dadkeeni waan caawinaynaa waxaan ka qaban karnona waan kaqabanayanaa taasi shiki kuma jiro.. hadalkan siyaasada ahna dad isyaqaan ayaan ujeediyey,, waa kuwa leh “Somaliland anaga dhisnay” iyo waxa caynkaas ah. sababta aan AwdalState uso hadal qaaday waxa weeyi maanta nin walba oo Gadabuursi ah waxa damqaya inu arko shicibkiisa o sidaa abaartu u laynayso waqti aanay meel kale oon Xamar ahayn lagu maqal abaaro.. xitaa Xamar ayaa maanta abaarihii laga hortagay si xawli ah. bal hadaba idiinko arkaya in maamulkan SL waxna idiin haynin oy iyagu caruurtooda iyo ubadkooda uun kabadbaadinayaan biyo laanta oo meel walba ceel loga qoday kuweeniina haraad u dhimanayaan idinku taa og bal miyaanay doqonimo ahayn in la hoos maanta? AwdalState madaxdooda waxay inoogu balan qaadeen oy priority ka dhigteen oy mar walba so hadal qaadaan in ay abaaraha xeebaha ka jira ay ladagaalamaan.. hadaba maxaad ku diidantihiin kani idiinka midka ah ee wax idiin qabanayaa ood ku jeclaateen kaa idiinkoo haraad u dhimanaya diyaarad maalin walba idiinku dul maraya? wali ma lamaqlay maamulka hargaisa o leh abaaraha Lughaya waa in aan ka hor tagnaa??

    Tallman,
    lax ayaad iska tahay wax alaala iyo wax laguu abuurayna garan maysid ee waligaaba iska ta’ta’lee. qof jaahil ah oo aan dugsi maalin tagin inaad tahay waxaan ka garanayaa sida qaloocan ee aad u turjumtay hadalkayga ku saabsanaa dadka SL hoos jooga eed u badashay sidii wax dadkan macluushu hayso aan hadalka u jeedinayay. doqonyahay ma qof ayaa ku farxa dadkiisa oo macluul hayso? bakhtiyahow bilaa damiirkii hadalku adiga iyo kuwa ku lamid ah ayuu ujeedaa.

  56. cali saciid. maxaa lagu haystaa runtuu sheegay for the last 2years or more abaaruhu way jireen abarahana ilaahay iyo dowladahaa aduunka ee ilahay wax siiyey uun baa dadkan caawin kara dadka qurbaha way daleen intaa waxbaan dirnaa dadkina waxba uma kordhayaan markaa waaa in reer awdal tashadan wuxuu aduunku waqooyi somalia ku caawiyey reer baa wda qaatay ina dadkiisa siiyey ina iibsaday ceelashii dadka u qoda la yidhi 27 million loogu deeqay waqooyi somalia kuli dhulkii idoorka laga qoday dadkeeni harad baa dilay marka miyeyna la gudboonayn daka reer awdal inay idoor faraha naga qaad yiraahdan iskoodna wax u doontaan aduunka iskood usoo baryaan ilaahayna baryaan waxba inagama xumaadeen ,, ilaahow noo gargaar god bless awdalstate and its people,

  57. Wali ma maqlin mudane Saylici oo ka hadlaya macluusha inagu habsatay,sidoo kale kuwii ka horeeyay Riyale iyo Tolwa.Mise raga Samaron markay galayaan siyaasada Somaliland ayaa heshiis lala galaa inayan dadkooda u damqan.Ma hubo Proffesor Samatarna waxan u malayn inuu dadaab tagay ,odaga halkan inagula jirina wuxu duuliya Hiilqaran waa kuwaas rageeni Charity begins at home ayaan maqli jiray iyo waliba GADABURSI WAA SHISHEEYE KALKAAL.

  58. Cali Siciid”Bastard” baad tahay ee haygu waalan.Hadaad nin tahay magacaaga oo 3xan iyo telkaaga soo dhig meesha,adoo kale”Hot Green Tea”ayaan wajiga kaga shubaaSomaliland na already abaarta wey ka hadashey,kana daawo TVGa,Niiko State,sakhraamiin Edmonton joogaa sameeyey weyna ka baxeenAdoo kalana Tallman hadhkiisa wax kama sheegteen laakin dheh”Thanks to the internet”ka ii suurto galiyey in aan Tallman aflagaadeeyo naag yahay carabtu gumaysataa.

  59. cali saciid well said again, viva awdalstate

  60. Tallman.. xaarle waxba maad sheegin.. mar hadaad sheekada Tel iyo magac gaadhsiisay xaarle fulay ah oo nooca layidhaa “keyboard warrior” inaad tahay ayaad iscadaysay garacyahow xaaraanta ah laakin hadaan ku hor joogi lahaa hadalkaa mu kaaso baxeen. iska soco meesha waxba ku mahaysidee orodoo u tag maamulka SNM ee ku adoonsada salve yahow dabadhilifka.

  61. Gudoon ama/iyo Godan

    waad ku mahadsantihiin input kiina iyo inaad ila fahanteen arinkan,, runtii waad ka maskax fiicantihiin qaar kamidah kuwa web kan kuso qora sida naftan bukta ee tallman labaxday.

  62. To Cali Saciid..

    Cali,walaal maanta waxa inoo taal hawl qaran.Maanta uba baahnin isjiidjiidad iyo xafiiltan.Maanta waxay dadkeeni u baahanyhiin gurmad degdeg ah.Waxay u baahanyihiin Badbaadi(Ilaahy ayaa badbadole).

    Waad ogatay oo kaama daahna Inlay Meeshu tahay meel Idoor.Inaad isku wareerisona maba aha.Waxa wanaagsan inaan Rag iyo dumarba aan gurmano,oo sida u gu dhadhsaha badan u gurmano.

    Ceelna uma qodna cidina uma maqna.

  63. Cali

    Tallwomen..

    Waa qof ay wax dhimanyihiin,oo Masgaxiyan aan fayoooobayn.
    Waadigaa arakaya ee uu leeyahay”Walaalkay waa 17 oo $200 ayaa ka bixiyayay”.

    Waad garankartaa qofka sidaa u fikiraya.Hala qaadin.Iska iloow,wax uu yahay ayaa iska yar.
    Waad aragtay markuu la hadlaayo Idoorka ama Ciisa.Sida gabadh wanaagsan oo xishoonasa ama gayaankeen aragtay,ayuu hadalka u dhigaa.

    Viva AwdalState

  64. Tallmaan

    inaadeer waxan waa uskag, waa doofaaro oo hadba qolo u niikiya, waa lagu nacay meeshi yared ee “SEKTE” ay ka dhigeen waxay ka namaan waayeen, :

    ninkii awdalstate taageerin samaroon maaha,
    ninkii awdalstate taageerin caawin mayno,
    hadii awdalstate raaci lahaydeen sida iyo sidan……

    Waar al-shabaab oo somali uugu xagjirsan wali lagama maqal kalmado caynkaas ah, tani waa ciyaar ee waxa ka soo socdanad ogayn…

  65. doqon

    adiga hawl ayaal ku taal, orod hablahiini ka gur cidiyaha sida jidhifta geed noqday, timahana u feedh ijirtu gashay…

  66. Islaan Tolka ka waalatay,loo caayimaayo Tolka Maxamed case.
    Viva AwdalSatate.

  67. Geesi Makahiil,

    sxb ninkan tallman halkuu ka kacsanyahay waan gartay.. wuxuu hadalkayga u qaatay sidii wax aan attack garaynayo beesha Lughaye… ninkan ma oga in aanan kala jeclayn Samaroonka u mashxaradeeya SNM/Idoor ama ha ahaadaan reer Lughaye ama Borama ama Dilla… ilaahay baa igu og waa islakay wada mid.

    waayahay topic kan dib ayaan u yara dhigaynaa ilaa inta abaarta wax aan ka qabanayno.. runta ilaahay baa jecel topic kan huu saxsanyahay huuna u qalmaa in laga hadlo laakiin wuxuu ku fiicnaa abaarta kadib markaa dib inoogu yara dhiga.

  68. @Haboon Good Morning huuno.Caaliya Siciid su’aal baan ku weydiiyey waxa aan ku idhi hadii aanad’Slut”aheyn ogoloow in adiga,aniga and Fulay Makaahiil aan u gudbino Sawiradeena.Hiildan already wuu hayaa Cellphonekayga iyo Magacayga oo 3xan.Waxa aan Vacation ku tagayaa Emaratis iyo Saudi Arabia then Somaliland,sida Harowo naag carabtu guryaha uga shaqaysa ayaad horta u cabaadaysaa laakiin Ahmed Osman Miicaad oo ku magacdheer Tallman waxa uu ku yidhi noo sheeg magacaaga oo buuxa iyo telephone or celphone aan been aheyn again Cellphonekayga waa (587)-718-0973.Waxba qiiqa haysku qaranina Caliya iyo Fulay soo gudbiya magacyadiina oo Exan iyo telephonenadiina(That is it).

  69. Cali

    Ninkan waa Xaqiir.Iska dhaaf sheekadisa,oo ha u jawaabin.
    Waa wax nauunsanaya oo qaba uqdad Makaahiil.
    Meel laysku caayo ayuu ku soo koray.

    Waxaa inala gudboon sidii aan dadkeena u caawinlahayn,iyo sidii aan Tolka u midaynlayan.

  70. Caalia iyo Fulay Makaahiil laangaab baad hadal ka barateene yaa laangaab Idinka iyo aniga ah!Ahmed Osman waa Maxad Case,Bahabar Muuse,abtiyaashey waa Mamaasan,Ayeeyo Aabo Ciise,Reer Kuul,Ciise ma caayo Tallman baad sidii Sharmuuto lacagtii ay shaqaysatey loo diidey baad ku qaylidaaye seen u caayaa”Reer Abtigay” oo intaas i soo leekaysiiyey.Markaan idin arko waxaan soo xasuustaa shaaqiyado Guudka Djibouti dharka noo maydhi jirey oo aad qaraabo ahaydeen.Runtana aan ka hadalnee anuu waxaan kaaga adkahey Somaliland and Djibouti iyo halka aad hadda Carabtu waxa ay ku badeen(waxba taas ka sheegi maayee)midna aan kuugu daro why aad Isaaq u doonaysaa in aad caydo and why!Miyey ku gumaystaan,Ciisana why aad uga caayaaysaa Internetka ma Xasuuqii Seemaal baad isku ilowsiinaysaa!Haddii aad qabtaan”Mental Ilness” waan idin daayey,hadii kale iska daa anigee Somaliland ma caayi kartaan ileen Reer Xareed baa jooga carabta aad ka soo caytamaysaane,naagahan idiin nacamlaynayana waxa aan ugu yeedhaa”Hablihii AatoMaluuqo”.

  71. Miss Saciida Cali and Miss fule Samaroon”AATO MALUUQO” WAA HABLAHA AAD QARAABADA TIHIIN EE U SHAQEEYA Ciisaha,Isaaqa iyo Maxad Casaha Djibouti ee dhinaca Ethiopia nooga yimi again waxa la idinkaga fadhiyaa in aad soo sheegtaan magacyadiina oo buuxa,telfoonadiina,oo sida anoo kale aad Public ga soo dhigtaan then Sawirkayga aan u gudbiyo hiildan,idinkana sawiradiina u gudbisaan Hiildan hana baqanina Dhilooyinkaa wajiga qariyee,hadaana jawaab baan idinka sugayaa markaan shaqada ka imaado Niiko Stste iyo waxana Awdal waa la kufsadaa doofaarada laga maqlo,So see you after work.

  72. Tallwomen

    Nafteeda ayay been u sheegtaa.Jabuuti ayay wax ku xidhaakkkkkkkkkkkkkkkk

    Goormuuu Ciise noqday! ileen xaqiir waa qariir.Kolba meel ragleeyahay isqoraya.

    AwalState ma niiki ha ii nqoqto ama dawlad e anaa iska le.Ma sheegto wax uu Ciise leeyahay iyo idoor leeyahay midna.

    Tallwomen,ma tihiid kii u horeeyay,mana noqondoontid kii u dambeeyay ee sidaa u hadla,laakiin wakhtiga ayaa ku tusi waxaad tahay.
    Nin Samaroon ah oo le jabuuti ayaad wax kui xidhay.Waa ciise oo yidhaa Awdal Salal ayaan wax ku xidhay.
    Hadaad xidhayna,ciise uunbaad ku siiyay amarka,yaa xaqiir.
    Naftaada ayaad xaqiir u tahay.

  73. geesi makaahiil walee dhulkad la dhacday wixii sida dumarka u caytamayey anaaba ka qajila inan u jawaabo kaas xoolaha ah ,ee dhul uunla laheen ku faanaya ama waa garac ama waa wax is qarinaaya oo aan samroon aheen siduu dhul ninkale samaystay u sheeganyo ayaan ka yaabay tolow jabuuti ma isagaa leh sowta kuwii jabuuti ku dhashay ee wax ku bartay laga eryaayo just becouse maaha ciise imisa wiil oo mutacalina oo jabuuti ku dhashay oo samaroon ah baa shaqo loo diiday oo ka soo huleelay jabuuti tiro malaha inamada nala jooga usa ee jabuuti shaqo la’aan uga yimiday, waxad adiga leedahay baa lagu faana meeshan isku magacawday somalialnd idoor baa leh sheegta kaadi usoo cabay dhistay labadooda gobol, ee xininye ninkale laguma faano noocasi haduu samroon sheganayo waa quus samaroon lakiin ilaahy waxan ka baryaya in aanu aheen samroon waxas xoolaha ah..hana u jawabina ignore saara anaga dumarka hanala tirsado lakiin nin danbe ayuuuna u jawabin,god bless awdalstate

  74. Naa nacas yahay, maad galbeedi iska celisid, ku yidhi ceelbardaalaan kugu dila magna ma bixiyo…ceebay tacaal…

  75. TOLEEY MAALINTAY TAAGANTAHAY TAWS LNINLAW KA

    CA.CADAW KUMA TIRSANAYE XIGTAA TUURTA KUU RIDA

    N GEESIGU TISKIISII MIYUU HORE KA SII TUURAY DOQ

    N TALA HA WEYDIIN IYADU WAA TOLKEED CUNA EE

    TABANTAABIYAAY WAAYEELKAN TEGAY IYO UBBADKA

    TIICAAYA .TAAGEERO DEEQSIGA LEH IYO GABAY MUG

    TUURKEEDA TARTANA LAGUMO GAADHEE WAX GARAD

    TEBEYA KII LIITA .KA TOGTAYE BASHIIR WAA TUN GOBA

    XIDID AN DUUGOOBIN BAL KA TALI ABAARTAA DAD IYO

    DUUNYADII MADHISAY ARLIYADAN DULIGA LAGU ROGEY

    ABIDKEED AAN TAABAN TOOLFIIQ MIYAA LAGA TEGIYO

    TALO MIYAY SEEGTAY TAARIIKH AWOWGEEN MIYAA

    CADAWYO LOO TUURAY MATASHADE MIYAAN NOQO

    NAY IYO
    CADAW KU TAAGLEE BSAHIIROW KA SOO TALI ADAY

    TALO KU JOOGTAA..

    M.A.H. LODON

  76. @Haboon Galbeedi ha gumaadee daa Reerkan cuqdada qaba ee leh Djibouti reer baa leh Somaliland reer baa leh looooool Yes iyaga maxey u odhan waayeen Harowo,Ethiopia anagaa leh maxaa ku kalifey wax ay ugu magacaabeen”Awdal State” oon meelna ka shaqeyn in ay dabada u ruxaan,war kuwan wey na ceebeeyeen looool yaa arkay ”Is Maamul Goboleed” xitaa Cirka aan ka shaqeyn,yaa arkay

  77. awdal waaa dalkaygiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiii awdal waa dalkaygiii ka naxooooooooow dhimo ,, i born and raised in boorama and i am proud of it,god bless my awdalstatge

  78. Gudoon,Ceebla waa inan sharaf leh oo ciyaal iyo reer leh meeshanna adey kuu dhaaftey Niiko State iiga waran Gudoon Ilka Huuro” Awdal waa Somaliland islaamaha depressionka qaba adoo kalana Isaaq Ismaba aragtaan laga reebo Qabiil ka mida Jibriil Abokor oo la yidhaa”Reer Xareed”

  79. Tallman, inaadeer bas ka dheh, iyaduba waa nin magac dumar soo qaataye, shalayna, waxay inaga iskukeen waalaanba ama dumarka sharafta leh ee samaroon caayaanba, walee galbeedi si fiican buu u karbaashay, dee ma iyagaaba hadli kara orda galbeedi iska celiya uun weeyi jawaabtu…

  80. Aadbaan idiin salaamayaa dhammaan. Dee markaan yar mashquulsanahay meesha halaga daayo cayda oo qof waliba masuuliyad haysa saaro. Gaar ahaan Ragu waa inayna la caytamin dumarka. Waa Ceeb. Sidoo kale iyadna waa dhaqan xumo in qof magac dumar siti uu cayda bilaabo. Waxan si gaar ah ula hadlayaa TALLMAN IYO GUDDOON.

    Tallman adigu magacaaga iyo xitaa telefoonkaaga waad soo bandhigtay, intaasaa geesinimo kuugu filan, markaa hayska qaadin libinta oo qof magaciisa qariyay halla caytamin.Dadkan an magacdooda shegan karina waxan kula talin lahaa mar labaad inay iska soo qaadaan in la yaqaano, sharfna isula hadhaan. Sidii caaadiga ahayd waxan leeyahay ‘waa lagu arkaa’..!

    Arrintii abaaruhuna meel fiicanbay marayaan, dadkii guduhu aadbay isu abaabuleen isuna gargaareen. Wararkaas oo faahfaahsan ayaan isu mashquulinayaa sidii an usoo ururin lahaa.

    Insha Allaha is maqal danbe ..

  81. Gudboon iyo Geesi makahiil..

    arinku yaanu idinla fogaan,, beelaha yaan lakala qaadqaadin.
    ayadan layidhaa tallman sidiisa ha u dhaqmina.

    tallman..

    maxaa rag telefanadooda iyo sawirkooga ka waydiisanaysaa? ma khaniis daboole ah “gay” ayaad tahay? nacalaa wajiga xun iyo akhlaaq xumada kaaga taal.

    mid ayaan kuu sheegaya .. meeshani maaha aqalkii hooyadaa ee internetka aad isticmaalaysid lacagtiisa ka bixinayasay si aad dadka wax ka qora xagan investigation ka samaysid ood baadhid personal details kooga. wax raganimo ahna uma arko
    magac yar iyo tell ad soo qortay. laakiinse jaahilyahow waxaad ogaataa inuu jiro wax layidhaa “internet anonymity” eraygan kolay hore umaad maqal ee aan ku micneeyo, eraygan waxa laga wada in dadka internetka iyo website yada ka qora inay xaq oleeyihiin in ay personal details kooga dhiibin, waa waxa loo yidhaa “nickname” ama “username” ee lo odhan waayay “real name”.
    meeshani waxa loogu tala galay inay ahaato “thought Vs thought arena”.markaa waxba haku mashquulin magacyada iyo sawirada raga oo nin iska dhig.

    Somalilandna waxba kuma lihid waxbana kama tihid ee adoon (slave) ayaad katahay.. waxba been haisku sheegin. AwdalState adoo nagu soo biira ayaa kaaga sharaf badan 100%.

  82. webkan waa wax sheeg is waraysi wax is waydiin. talo iyo tusaale wixii jira wixii cusub ( breaknews) warside dadkaagaaga la hadal (talk with your nation) markaa ka daaa ma geyee kadaa cayda waxa dhibaya dhegaha.murti iyo ila
    wuxu yidhi waar ninyohow hayaabin waxahalkaa idhigay sidaana ii galay aamus oo afkaaga haysaa la iigu taagwaayaey ee waxan kugula talinayaa inta aad nooshahay hadalkaaga u fiirso afkaagana hayso.ninkii socotada haa acuudu bilaa sumxaanalaah intuu yidhi oo uu dhinacyada
    eegay buu jaantay rogan yidhi.ninkii oo yaabsan naxsannah
    baa yuuladii gaadhay.wuu casheeyey kadib meel merfash ah buu laba mijood la fadiistay akhyaartii baa tidhi waarbasl waran hebal jawaatiisii waxay noqotay madaxuu lululo iyo cajiib welee waxa ilaahay i tusay
    waraa maxaa dhacay bal noo waran markaasuu arintii ka waramay.allaah dhawr inbaaba istaagay markaasay yidhaahdeen walee kaasi waa deeq waar ina dhaqqjiyoo nasoo tus gaadhi polisa

    .

    9

  83. anaga oo ah bulshada ku nool bariga dhexe xawli fiican buu ku socdaa takulaynta dadkaaga oo sidii loola gaadhi lahaa kaalmo degdeg ah waayo arintu waa SOS somaliduna waxay tidhaa dhicisku inta birta loo soo siduu ka bakhtiyaa biyo laan iyo baad laan waa awood dhicis ee wixii kash ah dhakhso camuud express ugu xawila taas baa ah baytal qasiidka . wallaahu weliyo tawfiiq

    .

    9

  84. Mr.Hiildan,waan qaatey fariintaadii.In fact,cayda ama”Insult” ma wanaagsana,waxa kale oo ay bulshadu ku moodaysaa qof aan awood kale laheyn aan”Insult” aheyn.Aduu dee waan iska daayey ileen waa ceeb hadaad saaqid ama saaqidad is caydaane.Laakiin iyagana waa in ay joojiyaan cayda.Nasiibna wey leeyihiin oo magacooda waxaan kuu weydiinayey halkaas UAE baan u socdaa iyo KSA laakiin wey diideen in ay is sheegaan.Again,thanks Mr.Hiildan.

  85. Tallman,
    halkeed colorado ka joogtaa?

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: