Welcome Back Dr Rashiid: PRESS RELEASE From Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan

Dr. Maxamed-Rashid Sheekh Xasan, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah

Taariikh: 13ka Juun, 2012

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Waxaan maanta oo bishu tahay 13-kii Juun, 2012 halkan idin ogeysiinaya in aan Dalkaygii Hooyo ku soo laabtay anigoo in muddo ku maqnaa Dalka Ingiriiska arrimo caafimaad awgood.

Waxa aan marka hore u mahadcelinayaa Ilaahay oo caafimaad I siiyay, dibna iigu soo celiyay dalkii hooyo aniga oo caafimaad qaba.

Marka labaad waxa aan halkan uga dirayaa salaam iyo mahad-naq Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Marwadiisa sidii ay iga warqabeen muddadii aan arrimo caafimaad aan dalka dibeda ugu maqnaa.

Marka saddexaad, waxaan salaamaya una mahad celinaya dhammaan Ummadda Reer Soomaliland wadanka gudihiisa iyo dibediisaba aniga oo ugu mahadcelinaya ducadii iyo salaamihii faraha badnaa ee ay ii soo direen oo (Alxamdu Lilaahi) Illahay ii aqbalay.

Ugu danbeyntii, waxaan u mahadnaqayaa Saxaafadda Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan sidii ay xaaladayda uga warqabeen.

Waad Mahadsan tihiin

Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xassan

Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Caalamiga ah (Minister of State for Foreign Affairs and International Relations)

About these ads

Categories: Warka (News)

7 replies »

  1. Maashaa Allaah – waan ku faraxsanahay inaan maqlo Dr Rashiid oo caafiimaad qaba , kuna laabtay dhulkiisii hooyo iyo shaqadiisii qaranka

  2. Soo dhawoow Mudane Wasiir hambalyo,,,,,,,,Aad baan ugu faraxsanahay inaad caafimaad qab ku noqoto wadankaagii hooyo shaqo wanaagsan muwaadinka dhabta ah alloow dhawr.

  3. Masha alaah, ilaahay ayaa mahad iska leh, caafimaadka alaah ha kuugu wado adiga iyo dhamaan inta islaam ah ee xanuusan… amiin

  4. Masha Allah.. Ilaahii ku shaafiyay baa mahad leh yaa sacaadatal Wasiir..
    Dr. Maxamed Rashiid waa shakhsiyad aad u muxtaram ah oo culus..

  5. Aad baan ugu faraxsanahay in Dr.Maxamed Rachid Sheik Hasan uu Ilaahey(SW) uu Ilaahay u soo celiyo caafimaadkiisa iyo in isaga oo caafimaad qaba uu wadankii ku laabtay

  6. soo dhawoow mudane wasiir waa madax mustaqbalka somaliland ilaahay cafimaad dheer ha siiyee

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: