Taliye Ku Xigeenka Police-ka Awdal Oo Ku Hanjabay Inuu Dhagaroobi Doono..!

Arintan ayaa sida lanoo xaqiijiyay ay hawsheeda ku koobnayd laba nin oo wakhtigaa ka tirsanaa Ururka Al-shabaab  Haybtooduna ay  tahay Bahabar-celi oo mid kamid muddo dhawayd ciidamada booliska ee Borama ay ka qabteen gudaha magaalada oo hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee Borama magaciisana la yidhaahdo Daahir Axmed Cawaale ,halka ninka kale ee magaciisu yahay Maxamed Xaashi Dharaar oo falkaas kula jiray aan illaa hadda lahayn .

Anigoo ah cismaan  warsame  Xijaab ahna Taliye ku xigeenka qaybta Booliiska ee G/Awdal waxaan warbaahinta kusoo bandhigayaa Tabasho la xidhiidha Cadaalad Daradda aan kala kulmay xukuumadda maanta talada Haysa ee aan xilka qaran u hayo taasoo gudashada waajibaadkayga shaqo ee la ii igmaday saamaynteedii ay I dhaxalsiisay illaa heer aan ku waayo wiilkaygii curad Mukhtaar Cismaan Warsame Xijaab .

Oo isaga laftiisu askari ahaa,kadib muddo hadda laga joogo 4sanno xilagaas oo aan ahaa Taliyaha Qaybta booliska  ee Gobolka Awdal ,taasoo ilasoo daristay mar aan 29/03/2008 hawlgal ku tagay anigoo ah taliyahah Qaybta iyo koox booliis ah oo igu wehelisay hawlgalkan kadib markii aan xog ka helnay dadka kunool deegaanka Awr-gaba oo ku taal buurta libaaxlay dhinaca woqoyina kaga began degmada Boon. Hadaba anagoo ka duulayna xogta nasoo gaadhay oo ahayd mid ku saabsan falal argagaxiso ,waxaan baadhis kadin ka helnay goobtaas godad lagu kaydin jiray ,isla markaana lagu habeeyo miinooyinka iyo walxaha qarxa balse wakhtigaa ka hor laga raray shixnad miinooyin ah taasoo raadadkeedii ay ka muuqato halkaasi Qolofta miinada iyo  walxaha qarxa qaarkood  ,meeshasoo ahayd sida aan warka ku hayno xarun ay argagixisadu u isticmaasho diyaarinta iyo isku duba ridka miinooyinka iyo walxaha qarxa . Kuwaas oo qaarkood aan filayo in loo adeegsaday qarax-yadii ka dhici jiray kooxda ayaa sida dadka deegaanku ku war bixiyeen in waxyaabahan ay kala soo degi jireer deegaan Bulla-caddo oo kamid ah degmada lughay.

Arintan ayaa sida lanoo xaqiijiyay ay hawsheeda ku koobnayd laba nin oo wakhtigaa ka tirsanaa Ururka Al-shabaab  Haybtooduna ay  tahay Bahabar-celi oo mid kamid muddo dhawayd ciidamada booliska ee Borama ay ka qabteen gudaha magaalada oo hadda ku xidhan xabsiga dhexe ee Borama magaciisana la yidhaahdo Daahir Axmed Cawaale ,halka ninka kale ee magaciisu yahay maxamed Xaashi Dharaar oo falkaas kula jiray aan illaa hadda lahayn .

kadib maalintaas ayaa isla galinkii dambe waxaan kusoo guryo hoyanay isla magaalada Borama taasoo keentay in isla habeen badhkii la dilay wiilkayga Allaha u naxriistee Mukhtaar Cismaan Warsame . Inkasoo falka loo qabqabtay saddex dhlinyaro ah kuwaasoo maxkamadaha saddex-darajo ee dalku ay xukun dil ah ku rideen sida ay dhigayso shareecada islaamku ,hase ahaatee illaa hadda aan la fulin balse fulintu xeer ilaaliyah guud ee maxkamadda sare u gudbiyay madax-waynah S/land taasoo fulintiisa laga rabay inuu talaabo ka qaado sidii dhagarqabayaasha loo qisaasi lahaa.

Balse illaa hadda taasi dhicin .sidaas darteed madaxweyne waxaan kaa codsanayaa arintaas talaabo sharciga waafaqsan ka qaado ,taasoo aniga igu haysa culays weyne oo dhinaca qoyskayga iyo qaraabadayda ah,iina keentay caafimaad darro lasoo darista naftayda,anigana uu dulqaadkii igasii dhamaanayo mana rabo in sabab ka timiday xaggayga  ay galaafato dad aan waxba gaysan oo lagula kaco aargoosi taasoo muddo dheer aan anigu hortaagnaa sababtoo ah xilka qaranka aan u hayo dartiis,markaa madaxweyne dalkan adigaa xukumad ee ma xukunto UNDP ee hoos u eeg warqadda ku hortaalla ,oo ka turjumaysa dhibta isoo gaadhay ee xukunka aya hay’adaha garsoorku rideen waana arin xasaasi ah oo kamid masuuliyadaha qaranka aad u hayso .ugu dambayntii waxaan ku raji waynahay inaad codsigayga iyo go’aanka maxkamada saddexda darajo ah inaad meel mariso.

XariiradNews

About these ads

Categories: Warka (News)

51 replies »

  1. Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo wiilkiisa curad ee laga dilay. Waa wax la wada qiyaasi karo dareenka waalid la dilay wiilkiisa. Balse dadkii geystay falkaas dalka lagama waayin, lama saamixin, waa la hayaa, waana la xukumay. Warkuse dhexduu ka daloola, oo ma wada fahmin. Haddii uu jiro qof xog ogaal u ah arrintani, fadlan haka bixiyo faallo siday wax u dhaceen.Maxaa soo cusboonaysiiyay wakhtigan xaadirka ah?, maxaase isu xidhay Al-shabaab iyo B/celi, haw galka uu fuliyay iyo dilka wiilkiisa?

  2. anaa beri kuuwarami

  3. Odayga dhibaa la soo daristay laakiin qoraalku wuxuu eegyahay wax aan laga fiirsan sobobtoo ah odaygu haduunbuu cadaw kale samaystay oon wajigooda la arkayn. Belo waa halkii reer muduge, dhibtaas hanoosoo jiidina. Waa maxay somaliland cadaaladiibaa daldalool ka muuqdaaye.

  4. Dhibanahan sidaa ka muuqata wuxuu u eeg yahay qof daacad hadlaayo oo dhibaato soo gaadhay ka dib markii u fuliyeey amar dawaladeed oo rag loo diray soo qabqabtay ka dibna ay si aargoosi ah wiilkiisi mindi qudha kaga jareen dambigaana way u xidhan yihiin ila maanta wuuna magac dhabay ciday yihiin iyo magacdoodiiba wuxuuna codsan in loo qisaaso siday diinta iyo shareecaduba qabto.

    Marka marunba iyo Hiildan maxaad warka u wanjalaysaan?

    cidna B/C si gaar ah uma haysato laakiin rag magaca reerka ah ayaa la raba in waxa ay u xidhan yihiin laga run sheego waa simple warku !!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!.

  5. Salaan sar dhaman,

    Waa arin aad u foolxun waxa Mudanahan wiilkiisa lagula kacay. Laakin waxaan dhihi lahaa Alshabaab qof ah hakuu xisaabina qabiil ama jufo. Waa qof aan waxyabahas ka naxayn oo go’aano kale wadata.

    Marka xiga hadii dowladu inigu amartana ku dhaha Militery u dira ragan waay na radsanayaan beritoola. Faraha ka qaada Alshabaab ninki abuurteey berito gowracanaysaye. Inigu haysu dhigina oo yaan laydinka dhigan kuwii webiga looga telabi jiray. Koonfurta waxaa lagu arkay wiil abihii gowracay. Alshabaab arxan iyo qabiil ba maleh. Ilaa iyo hada Koonfurta marka Alshaab aan hubaysnay guryo laga soo qab qabanayo. Militery waliba afka u duuban yahaa loo deraa hadii kale umadka iyo haweenkay kaa gowracayaan beritoole.

  6. Aisha, waan sugayaa huuno warbixintaada.

    Drugiye, aduu hanugu soo dhex dhicine, woxoogaa yar sug halka sheekadani isugu biyo shubato. Mise warkii Xariirad lagu soo qoriba waa xariir…?!

  7. hiildan waa sheeko dheer daahir axmed waa nin bcya waxaa dhalay ciise reer kuula waa alqaaciida waawayn alshabaab wuudhaafay waa nin xamar kusoo garaado gooyey ninkan kale anu ma ogi laakiinse waxay umuuqataa uun nin iskagu shaqaalaysiiyey.
    tan oadayga waan ogaa markii inankiisa ladilay isagaaba gobolka kamasuul ahaa inbadan waxaana layidhaahdaa cismaaan haari waad maqashay siduu sheegaayi waadhab ragii inankiisa dilay markiiba waa laqabtay wayna qirteet qoladooda mahubo hada ciday gadabuursi kayihiin lakiin siduu inoosheegaayo alshabaab baa kadanbaysa waxa maanta kahadliyey waa sheeko dhana loo ridi waayey ragii oo ladiliwaayey sobobtana waxaan umalaynaya in ayna dowladanyaree naasa hablood kudhici karayn waayo waxay kabaqayaan in beelbeelo la iskugu dhaco ilayn awood wayn oy waxkukala xaliyaan ma haystaane.
    cadiqani miyaad maqashay beryahaa danbe dad dil laguxakumay oo la fuliyey waa maya jeelasha uunbay kabuuxaan
    imika halkaa hakuugu joogto intakale hadhowbaan kuu faahfaahin

  8. waxaankuu sharixidoonaa sidiiloodilay wiilka ee habeenkaa boorama u anfariirtay walina dilsidaasihi kamadhicin magaalada kaa kahor iyo ka diba tusaale waxa laga soo ururiyey waxahajidhkiisa midiyomeel wuxuuna kuqaylinaayey markay googoynayeen waar hebeloow maad waalatay waar isiidaaya maxaan inigu sameeyey waxayna ugoogooyeen inaana naflagu soogaadhin si uuna usheegin ciday yihiin

  9. c’est un peu flou cette histoire,

    “waa al-qaaciida waaweyn al-shabaab wuu dhaafay waa nin xamar kusoo garaado gooyey,”

  10. Caasha,

    Aad iyo aad baad u mahadsantahay caasha, wax badanbaad ii iftiimisay. Waxanse garan laahay dhawr arrimood oo an jeclaan lahaa inaan wax ka garto:

    (1). Haddii dilku dhacay isaga oo taliyaha gobolka ah, isla markaana xukumaddii Rayaale jirtay, muxuu markaasi awood iyo xeerba u adeegsan waayay in dadkii dilka geystay iyagana la dilo?

    (2). Maxaa isku xidhay Al-shabaab, bullo caddo, Libaaxlay, argagixiso iyo dilka wiilkiisa, haddiiba dadka wiilkiisa dilay aanay ku jirin dad ka tirsan ragga uu hayb tooda ku sheegay inay yihiin B/Celi .ee imika midkood xidhan yahay. Ma Al-shabaabaa ka danbaysay dilka wiilkiisa?

    (3). Dhinaca caddaaladda; haddii imika xukumaddan cusub soo xidhay nin B/celi ah oo sida ad sheegtay Al-qaaciida weyn ah, balse xukumaddii hore ku guul darraystay inay xidho. Taasi laftarkeeda ee caddaalad darrada uu hadda xukumadda cusub ku haysto miyaanay u u muuqan?

    (4). Ta afraad haddiiba u wali yahay masuul sare oo ka tirsan hogaanka ciidamada nabad galyada qaranka Somaliland, ma waxa loo diiday inuu arrintan si toos ah ugu tago madaxda sare ee dalka oo fool-ka-fool uu kala xaajoodo?

    Bal caashay siday kula tahay, warka ii bal-ballaadhi adoo mahadsan.

  11. haboon awal waxaad ahayd ayga shabakadan hiildan ilaaliya ee qofkii waxqoraba ku qaylya hadana waxaad noqotay Qow dadka kadaba yidhaahda waxay yidhaahdaan
    sheekadani maaha mid adka faa iidaysan karto ood qabyaalad ku dabiqi karto waa wax kaa waawayn
    ninkan daahirna adu ma ogid inuu xataa aniga walaalkay yahay waayo dadku iyakoo kala labo reera hadana hooyo way kulmisaa sidaa darteet doqoni xaajo anay ogayn indhahay karidaa alshabaabna xataa aabohaad madhaafaan makaa adigu intaad leedahay waxdifaac ayaad mas hoosta gashan kudarsoo ha ila qabsan kulama haystee
    hiildan walaalkaa markhaatiga ku fur magtana labixi waa hadaad ilaahay taqaan.

  12. Aisha, imika anigaa kula hadlaya, inaga dhaaf Haboon, waxay ku hadashay Faransiis, waxanse ka fahmay hadalkeeda in warka ad siisay wax ka yar qaladan yihiin…something like that.

    Anyway, Haboon waxan odhan lahaa bal reer Boon iyo reer Boorama woxoogaa isu yara daa.

  13. hiildan waa runtaa waa xukuumadii rayaale laakiin sidaan kuushaagay baryahan danbe cidna lama toogto xukun dil ihi wuudhacaa laakiin lama fuliyo sabobta waad fahmaysaa maaha uun boorama oo qudha waa wadan kanyar oodhan
    sobobta loo dilay waa arimo laxidhiidha shaqada aabihii

    ta ad leedahay waa masuul maxkamad baa isaga ka saraysa maxkamadii way xukuntay laakiinwaa lagu dhicilaayahay sidaan kuu sheegay
    ta xeebta bulo cado iyo libaaxlay anigu waxba kama ogi badna ha igalin waxaanse ogahay inuu ninkan dahirgaab arimo dadku kusheegi jireen lagana cabsoon jiray
    kudarsoo masuulka sare iyo adiguba xeerka dalka waad u simantihiin uun musuqmaasuquna cidwalba wuusaamaynayaa mar hadii cadaaladii laga baqaayo
    midna ankuu cadeeyo anigu waxaan ogaa markii wiilkan la dilay iyo sidii foosha xumayd ee loodilay in odayga dartii loodilayna waala ogaa laakiin macadayn karo inuu daahar kadanbeeyey waxaan kaloon maqlay dadkii dilay inay qirteen inay iyaku dileen mahubo inay daahir ku eedeeyeen

  14. hiildan anigu ma ihi reer boorama reer xariirad baan ahay

    dulkii buuraha lahaa
    halkaad waa bohol tidhaah
    biyuhu ka hilaacayeen
    intiisa banaanka ahna
    beeruhu iscidhiidhiyeen
    ugaadhuna badi darteed
    bakayluhu kaa libdhayn
    bustaanka xariirad iyo
    dadyahay boon kaalay dga
    badiina kaluunkacuna
    hiildan waaheestii awdalstate ee labadeena magaalaba waykujiraan xariirad iyo boon

  15. hiildan anigu ma ihi reer boorama reer xariirad baan ahay

    dhulkii buuraha lahaa
    halkaad waa bohol tidhaah
    biyuhu ka hilaacayeen
    intiisa banaanka ahna
    beeruhu iscidhiidhiyeen
    ugaadhuna badi darteed
    bakayluhu kaa libdhayn
    bustaanka xariirad iyo
    dadyahay boon kaalay dga
    badiina kaluunkacuna
    hiildan waaheestii awdalstate ee labadeena magaalaba waykujiraan xariirad iyo boon

  16. ASC, waxan jecelahay inaan idiin cadeeyo arinta Dahir-gadhyare, horta arinta dilka looma haysto ee waxa loo haystaa arin ku saabsan inuu lugkulahaa weerer la fashiliyey oo Hargaysa ka dhacay oo lagu qabanjiray ninkii Indhacade ee Reer-Nuur. waa arintii polisku guriga ku weerari jirtay, waxa kale oo berigaa laqabtay wiilkale oo Reer-Dudub ah, oo ilaa hada xiran, waxaan la yiraahdaa waqtigaa miinooyin ayuu Daahir kasoo qaaday xariirad oo uu hargaysa geeyey oo nimankii la fashiliyey ku wareejay, kadib isagu wuxuu aaday koonfur wuxuuna ku biiray Maxkamadihii kadib markii xabashida dalka laga saaray wuu soo noqday oo Gobolka kama tegin, laakiin dilka shaqo kuma lahayn kumana laha loomana haysto

  17. Yaa salaam Aisha, xariirad waa dhulkaygoo, dhabtii an aad u jeclahay. Waxa iigu danbaysay iyada oo tuullo ah, oo ninka la yidhaahdo Arraweelo ee imika ah taliyaha Police-ka Awdal, uu ka ahaan jiray minashiibiyo, dawlada hoose. Imikase waxan maqlaa in reer yar oo ciisa ka tirsani ku faanaan..!

    Intaa ka sokow sida wiilka loo dilay waa waxshinnimo in ilaa iyo maalintaa ilaa iyo maanta la hadal hayo, oo wax laga qabtana way ahayd. Waxanse ka xumahay in Odayga wiilka dhalay ad mooddo inuu dilkii wiilkiisa imika siyaasadaynayo. Siday isaga qalbigiisa ka tahayba Ilaahaybaa og, balse sidan uu hadlay, farbaa ku godan.

    Thanks Aisha

  18. Thanks Yaabane, haddii Daahir wax shaqo ah ku lahayn dilka Ina Cismaan Haari. Waxay taasi sii caddaynaysaa in hadalada Cismaan ay siyaasadaysan yihiin, oo u yahay nin dhan walba rasaasta u ridaya.

  19. Yaabane aad ayaad u mahadsantahay, walaalkay…

    Aniga waxaad doontaan i dhaha, koleey cay meel daloosha iga gali maysee, laakin dadka masaakinta ah ee xeebaha ka daaya danbi ayna lahayn ha u soo jiidine, intii hore loogu eedeyn jiray ayay ka soo kabmi laayihiin…

  20. Hiildan

    Malaha Carur maa dhalin.

    Waxan in aad sheeko ka dhigato waa qalad.
    Nin baa la dilay Wiilkiisa.Dadkii loo qabqabtay ee loo haystay dila ayuu rabaa in wax laga qabto..

    Hadii kuwaa wax laga qaban waayo,waxa dhacay in u arinku noqda in loogu aaro qof aan shaqo ku lahayn,sida ka dhacda Somalida.

    Waxad u muuqataa qof wixii laga hadlaba moodaya in zaylici laga soo horjeedo.Sheekana ha ka dhigan arinkan..

  21. GeesiAwdalPress,

    Zaylici aduu kugu noqday laf dhuun gashay oo shabakadaadana u diiday .

    Balse, sheekadani waxay u dhaxaysaa reer Boon iyo reer Boorama iyo Reer xariirad, saddexdaa midna ma tihid. Maqribkuna yaanu kaa tagin, nusu saacbaa ka hadhaye
    Bye …!

  22. Hiildan

    Waxaad tahay qof qalad badan

    Awdal;press anuu ma lihi .
    Sida aad taa ugu qaldantahay ayaad tanna ugu qaldantahay.

    Arinkuu Reero u dhexeeyo.Kadaa Reerha arinka .
    Dambiile iyo dulmane ayuu dhexeeya.Waa maxay Reerahan aad la ordasaa Reeruhu ma dambi bay galeen?

    Waar dadka kadaa xanuunka.

  23. Hiildan

    Reerkan yar ee Ciise ma B/C ka yaryihiin kkkkkkkkkkkkk Maxaase ku jaban haddii dhowr Gadabuursi ahi jiraan Xariirad, Imisaa Ciise magacleh oo reer Boon ah kkkkkkkkkkk Mise xaalkiinu waa iska camal Germany oo meeshii nin Gadbuursi ka xamaasho waa dhul Gadbuursi?

  24. GEESI

    Bal horta adigu magaca reerka iska soo dhig, adoo magac reer sita ayaad na leedahay meesha reero isuma hayaan.

    SAHAL

    Reerka yar ee ciise ee Xariirad sheegta waxa la yidhaahdaa R/Geedi waxay isu timo eg yihiin Reer Dudub. Aduu isu wada duuduuboo waa wada Gadabuursi..,

  25. asc
    marka hore waxaan halkan salaan u marinayaa bahda hiildan yare marka xiga sxb kay hiil danyare oo aanu mudo kala maqnayn waxaan ka tacsiyadanayaa aabihii suldaan yuusuf suldan caateye suldan faaiye inkasta oo aan mar hore tacsiyadeeyay dhaman rer caayeeye.

    waa mida hadalkan meesha lagu soo qoray runtii sida uu hiildan yare sheegayba waa hadal daloola oo aan lahayn dhinac loo qaado isma qabato wiilkaygii oo ladilay 4 sano ka hore oo ragii dilay layhayo ha lay qisaaso, bahabr celi ayaa 4 sano ka hore ahayd alshaha oo buura wax ku aasi jirtay,raga wiilkaga dilayoo ah labo nin hadaba hadalkaa sxbyaahow halkee ayaanuuraacnaa ismaba qabanaayo hadalkaasi waa kala daloolaa ee haa so saxo hadalka ayan talo ahan odhan lahaa

  26. Hiildan

    Way ii muuqatay cidaad u jeedday lkn labaa isku kay qaban la, aa :
    1. REER GEEDI iyo yari
    2. Waa REER GEEDI iyo Xarrisirad bay sheegtaan

    Waa halkaagee bala wada gowsa waawayn ayaaba kala garan kkkkkkkkkkkkkkkk

  27. Intaan bartay Weebkan waa warkii iigu layaabka badnaa….aloow sahal amuuraha

  28. Cumar Xaddaari

    Salaan iyo soo dhaweynba iga guddoon…

    Odayga qaada oo geeya qasrigii madaxweyne ku xigeenka, qado ugu sameeya, is qabooji ku dhaha, hubka iyo dirayskana ka dhiga.

    Dalalkan horay u maray kama dhici karto in sarkaal sare oo ciidamada ammaanka ka tirsani uu yidhaahdo samirkii wuu iga soo dhammaaday, waan isu buuqsanahay, waanan dhagaroobayaa.

    Talaabada ugu horraysa ee laga qaado waa in hubka iyo dirayskaba laga dhigo. Talaabada labaadna waxay noqon kartaa in loo raadiyo ‘counciling’ oo talooyin maskaxda u qaboojiya la siiyo.

    Ismaqal danbe

  29. Waar bahabar celi ee meelkasta wey joogaa haddii alashabaabna lagu sheegi maanta, dhankaa waxuun baan ku ogey sida South Sudan.. marka fiqi-Aden baabuurku maraya haddii la soo qaado SOODANJANUUB BULAAWAHAY LA SOO BIXI JIREEN, OO NIN DARAWAL AH OO NIRIG LA ODHAN JIREY DIRQAAN KAGA FURFUREY 1980KII… sawtii la lahaa waa wadda baadiri , ma hayday noqotay alshabaab….MISE waxii xunba xaawaledeenni waayo waayo weeye..
    Anigu waxan aqaan Baadiriga ugu weyn afrikadda bari in uu ahaa nin Bahabarceli oo ka baxay schoolkii baadiriga ee Cali sabiix djibouti, dhawr jeer uu djibouti yimidna dad badan oo muaslim loo haystay oo ku xeeran baanu aragnay… magaciisuna ahaa .. Daahir laangadhe….
    Reer djibouti 1980kii aad bay uga barakaysteen ninkaa mar uu yimid djibouti…..

  30. A.Barkhadle.I.

    Waad iga qoslisay runti. Horta ma ogtahay madaxgooyska in badariyadii qarnigii 17 aad ba aay samayn jireen cariga Europa waxay isticmali jireen bahal lagu magacaabo Giotina. Alshabaab waxaan aad uga xumay in qabiil lagu tilmaamo. Waayo dadkani waa shayaadiin oo qabiilkoogaba kama naxaan.

    Bal ku waana qaata waxa aay koonfurta ku sameyaan umada. Bal in aay qabiil iyo aabe iyo hooyo toona turaan?. Ragani waa kuwo naloogu daawgalaye. Odaygan tiiranyeysan bal haloo waano celsho oo hala yiraahdo Alshabaab qabiilna garan maysee B/H/Celi u qaleey duqa kkkkkkkk.

    Ileen Alshabaab kani intay la fariisteen jufadaas Somaliyeed kalamay tashan in aay wiil iska jooga habeen aay gowracaan. Cidina kama yeesheen waxay ku dhaqaqene. Odaygani wiilashiisa kale yuusan dhib cusub u soo jiidine. Haka joogo in Alshabaab loo daldalo.

  31. Hani adigu maad hubta inay wiilka alshaab dishay ?

  32. ama alshabab ha ahaadeen ama cid kale. sidoo ninkaliya sadex nin loogu dilaa. hadii wax loo dilayo waa in hal qof loo dilo. hadii ay xadhig noqotona siday u kala mutaysteen loo kala saaro.

  33. Habooneey,

    Huuno anuu Odaygaa polis ka ah wuxuu ii shegay waan ku qasbanahay in aan rumaysto. Oo hadaan hadalkiisa rumaysan wayno hade yaan rumaysanaa?. Ma fadhi ku dirirka?. Teeda kale ogow in aanan jeclayn ruux ruux dilay oo hadana Jufo ama Qabiil dusha lagaga raro. Hadii ciidamo isa soo weeraraan hade Somalidu badankeedba wixi hub isla sitaahi isku Qabiil bay u badanyihiin. Waan ku eedi karaa markaa in Qabiil hebel ama koox hebeli ruux reer Hebel ah dishay. Laakin Alshabaab lagama yaabo ruux aay dishayna in aan Qabiil ku eedeeyo oo waxa aay afkaba u duubteen in aan la ogaan Qabiilkooda. Badanaa Alshabaab waa dad kala nooc nooc ah. Oo xaasid nimo isku afgartay. Aduuse maxaad maanta igu haysataa sowtaan asxaab ahaan jirnay kkkkkkkkk. Mase waxaad ka caraysantahay M. Case dusha lagaga tuuray in aay argagixisada ku lug leeyihiin. Huuno sownigann kaa celinayo umada een ku xiiqay in aan Alshabaab jufo ama qabiil lagu tilmaamin waa cadaw caalamiya. Teeda kale hadaan xayraamo J/Yoonis baan noqdaaye iskeey jir kkkkkkkkk.

  34. Habooneey,

    Kkkk Maanta stress baa ku hayee waan arkayaa adi iyo Cashana was shuufteene. Huuno bal weekend gan odayga caruurta kaga imoow adoo saaxi ah baan axada ku soo celine. Cimilada Nederland way iska xuntahay waxaa lagu qadaa stress. Hadaad single mather tahayna ubadka waxaan u geynaynaa kuwo Hawiye ah oo muufo iyo maraq la dhacayo ilaa axada intan ka soo labanayno kkkkkkkkkkkkkk.

  35. hiildan mataasaad keenteen ana sidaacada baankuugu waramaayey
    ogow odaygani ku dirays ciyaar looga dhigikaro maaha
    waa samaroon wada reeyoo
    nina ruuf ma ahayne
    rijaaliin reer axmedaa baarkii
    raaracay goostay
    hada xeerka iyo sharciga ayaa ladhawrayaa anagu hadaan jy nahay reer axmed bahabarcili siidhigaan inii qabanaynaa
    waxanse filayaa tii ceelbaxay kadhacday markaad beerohoogii damacdeen oo kalaa kadhici
    kudarsoo anigu uma malaynaayo raga wiilkan dilay inay bc yihiin waxay ahaayeen argagixiso qolo walbana way noqon karaan hadiisa sidaad rabtaan oo ah in saylici la hoos fadhiisto
    walaahi masiibo hurudaad toosinaysaan

  36. taasi reer an ogaa kama suurto gasho ogow reer axamed waa dad dulqaad badan tolnimana jecel qabiyaaladana nadiif ka ah
    laakiin waxaad umuuqataan inaad uga faa iidaysanaysaan xukunka imika jira oon la ogayn intuu sii jiri doono
    balse xaalku maaha sidaa reerkani kusidaa lagu jabsankaromaaha maantana maal iyo muruq gadabuursi iyakaa kamuuqda maashaa allaah.

  37. Heey inaabti Caasha waxyar i sug, Ciyaartu ha dhamaatee. Reer Axamad waan usoo noqon doonnaaye.

  38. Haniyeey, intii mugdigu igaga jirtay ilaahay dad noo ma waaye Yabane yaa noo iftiishay,

    Adigase waan u jeedaa inaad dhinac u yara janjeedhid, laakin waxaad ogaata shekada al-shabaab in ay fashilantay, waligeedna xeebaha cid waxaas ku shaqo leh laga soo dajin, huuno filmkaasi wuu gubtey shax kaloo la soo dago mooye,

    Waan ku fahmaye, laaaaakiiiiiiiiiin HAREERHAYAGA, alaah ha naga badbaadsho….amiiinnn….

  39. Cadhada an ciyaartaa ka qaaday haddaan Caasha kula dhaco ma ceebaa?,,,

    Caasha waxad yeeshaa cadho kugula dhici maayee, laakiin waxyar baan kuu sheegayaa.

    Horta labadan reer ee B/Celi iyo R/Axamad uma baahna in loo kala tarjumo, in lookala sheekeeyo, in laysku khuukhiyo. Waa laba reer oo hadday is fahmaan oo gacmaha is qabsadaan ilaa Djibouti wilwile ku gali kara. Laakiin inta badan ciyaarta islama helaan.

    Imikana R/Axmad ayuuubaa yar sasay ilaa intii Saylici soo baxay. Ilaa maalintii ninkaa yaree qorqorane,soo baxay, Kolba filim yar oo Hindiya ayuunbay lasoo baxayaan, mar suldaan, mar Awdal State, mar ugaas, mar sheeko hore iyo ceel baxay, mar Al-shabaab iwm. Balse marka filimadaasi wada gubtaan waa la is fahmi doonaa Insha Allah.

  40. Wallaalayaal iska mulmulaaqda sheekooyinka jufooyinka laakiinse Awdalstate hasoo dhexgalinina. Cid si gaara uga saseysaa majirto Saylici isaguna kama dheera Kidifaarada oo waa nin Makadoora. Kaaley adeerkaa Saylici hadii R.Axamd ka saseen sida aad adigu ku kaftantey dee waxbeyka arkeen. Ninkaas Saylici waxey sumcadiisu dhacdey maalintii uu iidoorka fikiradooda iibsadey ee uu jiri Ugaaska Samaroon ma tagi karo Saylac. Dee waa kiila ogaa inuu xitaa Borama ugu jimidey Ugaaska hadana yiri alla calooshaa i xanuuneysa. Shaqisyan Ugaaska dadkii ka soo horjeedey anigu ma dhibsanin oo waxey lahaayeen iktiyaar laakiin Boramaan caruur hudheelo intaan siku geyno odhaneynaa Ugaasku ma imaan karo iyadoo iidoorka la moodaayey iney uga dhabeyn doonaa waatii fashilantey. Maalintaasi Samaroonku dhamaantood indhahey kuwada hayeen oo waatii geesiyadii B.Muuse, R.Maxamed, R.Axmad, Abreyn, R.Nuur jiidhsiiyeen kkkk. Halkaasna waxa ku cadaadey in M.Muuse iyo R.Nuur qaadeen koobkii geesinimada.

  41. Naga daa sxb Mustafe, kulli fidma cinda R/Axamad, anaa huba taas. J/Yooniska kale ma leh fiiro aad u sii dheer iyo filimo noocyo badan. Adna maalinta ad xil qaado ayuunbaan kolba riywaaddii Bulaale Boorama kuu matali doonaa. Waxbase isla waayi mayno.

  42. Sheekada waxba kama ogi ee waxan u naxayey uun odaygan jinkii Alshaydaan isbaraya ee leh inankaygaad tisheen ana halkan ban joogaa. Inuu si hoose u dhamaystaa uga fiican sobobtoo ah dadkani diin, damiir iyo dadnimo intuba way ka maqan tahay. Kooxdaa warkooda waxa igaga filan waxan la kulmay dadka waraysta marka la soo qaqabto waxay iiga sheegeena xitaa xayawaanka caynta ku noolna ka filimiysid. Waxan sugaynaa warkooda uu buuxa, markaan ogaano inuu Godane Sirdoon ku dhax nool ahaa balse amiir kamida iska dhigi jiray. Good job Godane so far.

  43. Dr Waraabe Cadde………….kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

    Xaddaarada H/Xuseen ayuunbaad sheegtay From Badow to Baadiri.

    Sheekada Soodaan-Junuub an kaa raarido.

    Soodaan Junuub ayaa noo fiicnayd, Laakiin ninkii noo bixiyay oo ahaa dirawal magaciisa la odhan jiray Xabeeb wuu ka xanaaqi jiray magacaasi kadib markii ay Fuqi Aadan qoorta kaga qabteen Bilaawe..

    Wuxu wadi jiray baabuur adeerkay lahaan jiray, kadib dhawr jeer unbuu soo maray Fuqi Aadan.. Habdhaqankoodii ayuu la yaabay markaasuu yidhi waar kuwani waa ‘Soodaan Junuub’ Hadaba maalin ayay isla socdeen baabuur uu lahaan jiray Saleebaan Beeru jiif. Saleebaan beerujiif ayaa uga soo horreeyay Fuqi Aadan, kadib markaasi ayuu intoo soo dagay dhawr reer baadiye ah oo meesha jooga ku yihdhi ‘waar ninkii idiin bixiyay Soodaan Junuub waaka i daba socda’ ee wada baabuurka ina Caateeye.

    Dee maxaa meeshii ka qabsaday, nin xoog weyn oo indha cascas oo gundhate iyo billaawe sita ayuunbaa daaqada ugula koray billaawe, oo ku yidhi ‘waar soo dagbaan ku idhi habar yahay xuni, ma anagaad Sodaan Junuub noo bixisay’. Ilaa xabeeb cabaad iyo dhaar iyo baryo ka dhamaatay, ‘waar ilaahay ka cabsooda, anuu idiinma bixin, haygu dhagaroobina’.. Ina Beerujiif oo qosol la suuxsan ayaa aakhrikii kasoo furfuray. Dib danbe Xabeeb uguma noqon Fuqi Aadan, baabuurkii adeerkayna wuu iskaga tegay, oo dirawal kale ayaa loo dhiibay.

    Dadku waxay mooday een in Soodaan Junuub tahay cay. Hadana soodaan junuub waa ummad xor ah maanta oo dal gooniya noqday. kkkkkkkkkkkkkkkkkk

  44. Hiildan,

    Gundhataha, bilaawaha iyo daba qaawanaanta gartayee ilkahana ma qornaayeen kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  45. Asc. waa yaab!! waxan kayaabay dhalinyaradini ku dawakhay All shabaab iyo marxuunka iyagaa dilay, waar warkaasi iska ilaawa, marxuumka cidii dishay waa la ogyahay waa dad layaqaan ma.aha B/cali………. ninkani daahir ee farta lagu taagayo warkiisa horaan u soo sheegay , hadaan waxyar ku daro ninkaasi alshabab kuma jirin kamana tirsano, wuxuuse lasoo shaqeeyey ALiixtaad oo ugu yaraan 500 nin oo Gadabuursi ah lasoo shaqeeyeen, ninkaasi waqtigii maxkamdaha wuu ku biiray markii xabashidu dalka ka baxday wuxuu yimid boorame yacni dagaalkii dhamaa waxa soo haray waa sheekadii Alshabaab kadib wuxuu u dhaafay Sucuudiga, mudo dhaw ayaa lagasoo tarxiilay oo Hargaysuu yimid. Booramuu usoo dhaafay, xoriyad ayuu ku joogay booramu hada ayaa la xiray waxa loo xiray waa tuhun hore oo kusabsan 2004 inuu saaciday ragii Hargaysa lagu fashilay

  46. Salaam all,anuu sheekadan waan fahmi waayey,so waa in aan qadariyaa dadka is haysta oo si cadaalada u kala baxaan.Mr.Marunbaa maanta ayaan tagey”Calgary Petroleum Show”.Event aad u weyn bay aheyd,inamo kalana anaa geeyey oo bartay Engineering.Job Oppurtunities iyo Alberta Oil oo Pipe ilaa Oklahoma gaynaya ayaa laga hadlayey.Wadamo badana waa ay yimaadeen iyo Mayorka Oklahoma,Mayor Mary.Arrinta Oil ku jirta Awdal,waa ay jirtaa,laakiin arimahaas lagama hadlayn,even I call them,shirkado Overseas ka u shaqo tagayaa may iman laga reebo wadamo badan oo ku jira Opec iyo kuwo cusub oo ay ka mid tahay South Sudan.Wadan kastana waxa uu already soo magacawdey 10 qof oo u hadla,Ethiopia,Somalia,Somaliland,Puntland,Eretria kuma jiraan all.Africa waxa aan ka arkay calanka Libya,South Sudan,North Sudan,Algeria and Angola.

  47. Waxa kale oo aan arkay carabtii Ilaahey ku manaystey saliida sida Calanka Saudi Arabia,Kuwait,United Arab Emaratis,Bahrain,Kuwait and Qatar waxa ay raadinayeen dad bartay”Petroleum Ingineering” oo ay ka shaqaalaysiiyaan wadamadooda.2nin oo Maxad Case ah iyo abtigay oo Mamaasan ah ayaan geeyey sxb,laakiin waan sii ogaa adoon ii sheeginba,waxana again la qaban doonaa July 2013(Insha Allah).

  48. Tallman, mahadsanid saaxiib waxadse ku soo gaba gabaysay adoon iisheegin ba waa sii ogaa,l loooool, Inaad thanks ku dhamaysay ahayd balse waxan is idhi uun marlay ninkaasi waa nin war ka keeni kara waanad ku mahadsantahay inaad dib iigu soo celiso fariintaydii. Tallman noow waxkasta meel uunbaa laga bilaabaaye meeshaa cid kaaga dhawi ma jirto waana suurta gal in aad meeshaas wax ka bilawdawdo ilayn cid uun lagu daba tiirsanaan maayeee.

  49. Lol Marunbaa cousin,thank you so much,because inkastoo aan ogaa in ay u qabtaan hawshan anually,hadana maskaxda ma galin,ku darsoo in aan tago maan doonayn,laakiin markaan akhriyey commentskaaga,ayaa waxa aan ogaadey in meesha aan ku noolahay,meesha maalinta ugu dambaysa oo ah maanta lagu qabanayo oo aheyd”Telus Convention Centre” iyo meesha aan ka shaqeeyaba isku dhawyihiin.Waxaan sii marey 2nin oo Maxad Case ah oo UBC University dhameeyey oo so desperate ah iyo Nin abti iigu toosan,resume ga ayaa laga qaadey Interview ayaa dhawaan lala yeelanayaa waxana laga yaabaa in ay Overseas shaqo loogu diro.Anigana I am so happy man waxa aan bilaabayaa”Mount Royal University” January,2013 waxana aan ka helay Scholarship Concord University,Zeilacna waxa aan tagayaa ilaa Borama iyo dabcan Djibouti marka ay dhamaato Bisha Ramadan oo bilaabmaysa 23/July/2012,hadii aan hiildan ka soo gali waayo Calgary dhamaadka sanadkan iga raadi Montreal,inkastoon Calgary,lacagta ku jecelahay sxb again thank you..

  50. Mr.Marunbaa I think wali suaashaada kama jawaabin!Ok,horta 2jeer baan kuu mahadnaqayaa number1 maba doonayn in aan tago,laakiin marka saan kuu sheegay aan akhristey commentskaagii ka dib bay igu dhalatey in aan tago,Secondly waxa aad i jeclaysiisey”Petroleum Engineering”,because Canada oo dhan baad ka guuri kartaa oo everywhere baad ka shaqaysan kartaa.Arrinta ah in aan dhisano Dekadaha Zeilac and Lughaya inta aan laba soo saarin Saliida goboladeena Awdal,Salal Ilama aha hawl sahlan,ilamana aha hawl adag,hadii Hiildan uu noo ogolaado iyo hadiikalaba waxa aan 2deena Forget about”Samaroon Intellectuals”,waxa aan kuu sheegi doonaa sida waxaas oo dhan aan u sameyn karno inagoo ka bilaabayna in Family kasta oo ku nool Awdal and Salal ay helaan Enough Breakfast,Lunch and Dinner,every day till The Day Of Judgement.Time For Makhrib sxb C U Soon(Insha Allah).

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: