This slideshow requires JavaScript.
Categories: Warka (News)
Related Articles
-
Nuxurka Kulankii Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Iyo Xubno ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska
-
Khudbaddii Taariikhiga Ahayd ee Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland, Mudane C/Raxmaan Saylici Ka Jeediyay Fagaaraha 18-ka May ee London
-
Mr. Siilaanyo Thank You and Congratulations but Never Surrender Our Sovereignty
-
Beesha Habar Xuseen(B/Celi) Oo Marti Qaaday Ugaaska Beelaha Gadabuursi.
-
Hodan C/Raxmaan Dheere, Waa Fanaanad Qaran, Oo Ay Dhaleen Fannaaniin Qaran: Maxaa Ku Jaban Hadday Ka Qayb Gasho Xuska 18-ka May?
-
Todobaadkan Iyo Sheekadii Ugu Hadal Haynta Badnayd UK: Dr Siilaayo, Xirsi, Dr Maxamad vs Jaalliyada Awdal UK
Horn Cable hada kala socda
Hiildan
Maxaan Horn Cabale kal soconaa ?kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Hadaanad Xishoonayn,waxaad doontaba ku hadal.
warka danbe sug wuu ku dhaafaye
Masha Alaah, aragtaye maxaad odhan, ma ishaad wax kaga guri…Aloow noo daa SAYLICI….amiiin
kaa yar ee saylici agtaagan e iska dhalka ahna, waa xildhibaan inoogu jira barlamaanka dalkaas oo i half isaaq half swedish ah, is barta
KKKKKKKKKKKKKKKKK
kuluc
u sheeg Hiildan iyo wixii soo raaca.
kkkkkkkkkkk Kuye yarkaasina waa Khiisyar oo iska dhal ah iyo idoor cadaankkkkkkkkkkkkkk
Idiot!!!
Hiildan anaa daawaday warkii HCTV duhurkii..
Mudane Saylici si fiican baa loogu soo dhaweeyay airportka ka dinba waxa loo qaaday oo uu ku degay Sheraton Hotel-ka ku yaala badhtamaha caasimada Stockholm..
Adeero inaad yara gaadhay ahayd ood nooga soo waranto kulamadiisa intaad Ryan Air goosato loool
MA WAXAAN KU MORONAA WAA LASOODHAWEEYEY IYO LAMA SOO DHAWEYN HCB KA DAAWO IYO KA MAAN DAAWAN.XIGMADEENII MA HAJKAASAY MARAYSAA.
Dad badan oo waayo badan aanan arag ayaan dadkaa soo dhaweeyay Saylici ka gartay,waayo waayo iyo Stockholm,caasimadaha adduunka ugu quruxda badan uguna nadiifsan ayay ka mid tahay,Vad jag saknar Sverige……….Mudanaha iyo waftigiisaba si fiican ayaa loo soo dhaweeyay,horta taa Habonta maxaa ka qaldan,yaa ka xun mudanaha maxaase lagaga xumaanba?
STOCKHOLM.
kusoo dhowwom,wayxigeen gacma furan qalbi furan
Soo dhaweeya Vice President Zeilici,hadii aydaan tagi kareyn hambalyo uga dira facebook.Subax Wanaagsan all.
Hiildanyare waa nin aad u cag culus,Anigu hadaan isaga ahaan lahaa galin hore ayaan ka duuli lahaa meeshaas oo aan soo dhawayn lahaa Muane Zeiylici.
Madax-wayne ku xigeenka waa la soo dhaweeeyay waliba si la yaable,Maasha-Allaahu,waanan u ducaynaynaa haddaanu Samaroon nahay.
Kan Geesi Makaa’iil la baxayoow,hannee duuflaal-yohow,Kuluc iyo Hiildan kee kuu xiga?shaqadaadii jaajuusnimo isaga noqo Oo Aw-bar ka soo duul .
Kuluc Madaxwayne waxaan Bc ahayni umay soo dhawaan sxb inta kale waa safka 2 Aad iyo 3 Aad. Ee saas la soco
Maqaaladani oon ka soo xigtay Wardheernews una qoray qorihii buugi Sacmaal ayaan jeclaan lahaa inaad soo daabacdid una dhigan sidatani:
Farriin ku Socota Qoraaga Maxamed
Hirad: Majaro Habaabin Sooyaal
oo u Baahan in La Saxo
Wq. Axmed Ibraahin Cawaale
June 10, 2012
Wax-ka-sheegidda abtirsinta reer ama qabiil ma aha arrin fudud waana arrin u baahan in si feejignaani ku jirto loo abbaaro. Sida ay doonto ha u taagnaato abtirsintaasi e, waxa run ah in qaab-dhismeedkaas bulsho uu u taagan yahay Ahaanshiiyo, Isku-dhaadasho, Isku tolnaan (tol waa tolane!), dhib iyo dheef wadaaq iwm oo wax kasta oo qaali ah loo huro si loo ilaaliyo dhegta (sharafta) qabiilka. Ku-xad-gudubka seere-bulsheedka jaadkan oo kale ah waxa ka dhalan kara isku-dhac iyo is-maan-dhaaf. Sidoo kalena, diinta Islaamku waxa ay meel adag dhigtay ilaalinta sharafta isireed.
Qodobkan aan soo tilmaamay waxa uu toos ula xidhiidhaa qoraal uu qoray ninka magaciisa la yidhaahdo Maxamed Hirad, bilow-ahaanna ku faafiyay degelka wardheerNews (26kii Abril 2010) – kaas oo ku suntanaa ‘Qabaa’ilka Soomaalidu ma isbahaysi baa, mise waa dhalasho?’
Haddaba waxa jirta in sheekooyinka iyo wax-ka-sheegidda reeraha ee uu tilmaamay Maxamed Hirad ay qaarkood ku salaysan yihiin been-abuur aan sal iyo raad toona lahayn oo ay isla beegsadaan qabiilooyinka qaarkood.
Waxa kale oo u baahan in hoosta laga xarriiqo in kaydka sooyaal (taariikheed) ee uu ku kalsoonaan karo qabiil gaar ahi yahay kiisa oo isla markaana ay ka marag kici karaan qabaa’ilka ku hareeraysan (ood-wadaag iyo isir-wadaagba).
Labaataneeyadii qabiil ee uu qoraaga Maxamed Hirad maqaalkaas uu qoray 2010kii wax kaga sheegay “hayb-beddelashadooda”, haddii aynnu tusaale keliya kasoo qaadanno, waxa uu ku xusay maqaalkaas in qabiilka Isaxaaq ee ka tirsan Habar Yonis uu Saado (carbeed) sheegan jiray, 50 sano ka horna ku biiray Habar Yonis! Waa arin ugub ah, oo aan Mahamed Hirad hortii la maqal, laguna xaman, laguna nuunayn sida Soomaalidu tidhaa abtirsiinta Isaxaaq.
Arrintani, haddii aanay Maxamed ka ahayn aqoon-darro, waxa ay u dhigan tahay majaro habaabin taariikheed iyo ku been-abuurasho dhegta (sharafta) iyo jiritaanka qabiilka Isaxaaq oo ka mid ka mid ah qabaa’ilka Habar Yonis. Tusaalahanna waxa sidoo kale lagu jaan goyn karaa qabaa’il kale oo ka mid ah kuwa ku xusan maqaalkiisa oo laga yaabo in qaarkood aanu Maxamed asiibin xaqiiqada ku xeeran asalkooda.
Arrinkan isaga ah waxa aan ku beeninayaa, isla markaana aan sooyaalka qoran markhaati uga soo qaadanayaa dhacdadan dhex martay Shire Sharmaarke oo waayeel reer oo laga dambeeyo ahaa, kana tirsanaa jilibka Cabdalle Isaxaaq iyo gaalkii Mijir (Major) Swayne gu’gii 1892 (muddo hadda laga joogo 120 gu’). Markii ugu horraysay ee ay ku kulmeen goobta iminka loo yaqaanno Ceel Caanood ee Gobolka Saaxil, ayaa Shire Sharmaarke oo u fadhiya qaab doonyaysi ah, tolkiisina ku harareeraysan yahay, isla markaana dhulka qori ku xariiqaya ku yidhi gaalkii:
“Waaryaa ninka Faranji! Maxaad ka soo doontay dhulkayaga. Ma waxaad doonaysaa in aad geelayaga dhacdo?”
Major Swayne oo dhacdadan ku xusay buuggiisii Seventeen Trips Through Somaliland, waxa uu xaqiijiyay in reerka Isaxaaq uu ka tirsan yahay Habar Yonis ee beesha Garxajis. Waxa kale oo uu weliba buuggiisa ku sheegay mar kale oo ay Shire Sharma’arke ku kulmeen meesha la yidhaahdo Xumba-weyne, in hees u gaar ah Garxajiska ay ugu heeseen mar ay dabbaal-deg iyo soo-bandhigid fardo-fuul iyo ciyaareed gaalka u soo ban dhigayeen. Ayaan-darro se, ma haynno midhihii oo Af Soomaali ah, waana tan sida uu u tarjumay Swayne:
“There is no body like us,
Our horses are the best and fly like the wind,
And non can fight like we,
Our old men are wise,
Our young men are braves as lions,
and there are no girls so beautiful as ours”
Tarjumadda heesta:
“Ma jiraan cid (annaga) lala maseeyaa (la barbar dhigi karo),
Fardahayagu waa kuwa ugu fiican, waxana ay u boodaan sida dabaysha,
Ma jirto cid u dagaallanta sidayada oo kale,
Waayeelkayagu waa maskax miidhan (caqli badan yihiin),
Dhallintayaduna waxa ay leeyihiin geesinimada libaaxa,
Mana jiraan hablahayaga qaar ka qurux badan!”
Sidoo kale waxa sii xoojin kara isla qoraagaas Swayne buug kale oo uu qoray oo la yidhaahdo “Early Days in Somaliland and other Tales” (1885-1993). Dhinaca dhaqanka haddii aynnu ka eegno, Soomaalidu sugnaanshiyaha isir waxa ay ku xoojin jireen suugaangta, sida gabayada. Markaasna, in Isaxaaq ka tirsanaa beesha Habar Yonis waxa aynu u soo qaadan karnaa gabaygii “Kala Gooye” ee Maxamed Aadan Caws (Yawle) ee uu tiriyay horraantii qarnigii labaatanaad iyo sidoo kale Qawdhan Ducaale oo isla xilliyadaas joogay. Tixdan soo socota ayaa ku jirtay gabayga Yawle xilli uu ka hadlaayay beel-weynta Habar Yonis iyo degaannadooda:
Isaxaaq waxuu ununufaa, uurku-taalada’e
Bal eegoo Afmeer bay galbeed, uga arooraane,
Markay idin arkaan geelashaa, uubka loo ridi’,
Dhacdooyinkan aan kor ku xusay ayaa muujinaya in maqaalka uu qoray Maxamed Hirad ee ku suntanaa “Soomaalidu ma isbahaysibaa mise waa dhalasho” aanu ahayn mid runta ka tarjumaya oo majara habow taariikheed abuuraya. Haddaba waxa muddo-dhaaf ah xilligii uu qoraagaasi sixi lahaa arrimahaas uu sida qaldan u xusay, raalli gelin wadareedna ka bixin lahaa wixii meel ka dhac ahee uu u gaystay beelaha uu ku xusay maqaalkiisa. Sidoo kale, kol haddii qoraagaasi sheegay in uu ku talo jiro in uu qoro (ama uu ku gudo jiroba) buug ku saabsan arrimahan aan ka hadlay iyo qaar kaleba, waxa habboon in qoraagaasi u qaato qoraalkaygan baraarujin iyo in aan cid lagula dul kufin wax aan jirin, ka dibna sidaas ku qoraal gala.
Qoraalkan Maxamed Hirad ee kor ku xusan waxa aan qof-ahaan qayb ka mid ah u xigtay buuggii aan qoray ee Dirkii Sacmaallada (daabacaaddiisii 1aad), ha yeeshee waxa ii caddaatay in kalsoonida qayb ka mid ah xogahaas aan kasoo xigtay qoraagaas aanay sugnayn. Sidaas awgeedna aan kaga saaray buuggaygii isla markaana aan raalli gelin ka siiyay ciddii ay khusaysay.
Tixraac
•
H. G. C. Swayne, Seventeen Trips Through Somaliland: A Record of Exploration and Big Game Shooting 1885 to 1893, p. 71
•
Early days in Somaliland and Other Tiles “A pioneer’s notebook” ee uu qoray H. G. C.
Swayne 1885-1893 available at http://www.amazon.co.uk/Early-Days-Somaliland-Other-Tales/dp/B0040GCT22
•
Seventeen Trips through Somaliland ee uu qoray H. G. C. Swayne 1885-1893
•
Mahamed Adan Caws “Yawle” Gabay: Kalagooye http://www.hoygasuugaanta.com
Qarnigii labaatanaad horraantiisii.
•
Qawdhan Duale “Gabay Dirirtii dhurwaale http://www.hoygasuugaanta.com
Qarnigii labaatanaad horraantiisii.
____
Maxamed Ibraahin Cawaale waa qoraa deggen magaalada Hargeysa, dhawaanna soo bandhigay buug ka hadlaya isirka Soomaalida oo la yidhaa Dirkii Sacmaalada. Waxa lagala xidhiidhi karaa: E-Mail:aiawaleh@gmail.com
____________________________________________
We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com
WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.
WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.
Copyright © 2012 WardheerNews.com
Bal eeg oo akhri maqaaldani beenineysa wixii u mulmulaaqay Maxamed Hiraad ee u beenta ka sheegaayey isirka qabaailka qaarkood:
http://www.wardheernews.com/Articles_12/June/Cawaale/10_majaro_habaabin_sooyaal_oo_u_baahan_in_la_saxo.html
Waar Makaahiil duufle lama arage ninyow sideed wax u wadaa,waa ragii aad waligood daba socon jirteene ilaa Ugaasyadii dhabarkiina ka talin jiraye kkkk,Yarka ii daa waa geesiye ,baryahan is qaad qaad ayaad keenteen,horaa soomali ugu maahmaahday nimaan talin jirin haduu taliyo nimaan tagi jirin ayaa taga kkkkkkk Walee intaydan hogaan nagu baran waa in laydin kkkkk waxba kkkkkkkkkkk.
QURUXDA GEELA.
Historical photographs of Somali nomads..Mid 1800s
Waxaan maqlay inay markuu gaalku dhulka yimid ay u bixiyeen faraj oy ula jeedeen dagaaladay isku qaadi jireen iyo kala aargoosigii uu joojiyay,ma hube se.
well come mr saylic mansha alalh madaxweyne ku xigeenka jamuriyada somaliland jaliyada reer somaliland si sharaflay usoodhaweeyeen wanay kumahadsanyiin booqasho wanagsan mudane madaxweyne adiga iyo marwada iyo wasiirada kalee kula socda
Good Job Habaaq!Aaad baad ugu mahadsantahay warka wanaagsan ee aad noo sheegtay,agan thank you very much.
waan salamay asxabta dhaman
waar madaweynaha cayda halaga dayo
Waxan wali iswaydiiyay Cidan cayday Zeilici. qolyahan Doonaya in zeylici la caayo ama la aamo maan garan u jeedadooda.
Waa maxay waxani? Sawta la moodo dad.
Zeylici Cid caayasa ayaaba iska yar.Hadaad doonasaan in lacayo idinku caaya,laakiin anuu maan caayin,caayina maayo,hadaan geesi Makaahil.
Zwedan ayuu tagay.Waa la soo dhaweeyay. Maxay kale?
Arinkiina waxan u arkay Islaantii Hablaha dhashay ee tidhi”Ilaahoow cay Geeljire wax iigu dar”.
Gudoomiyihii maxkamada Hargisa oo la toogtey loona qaadey Djibouti haa haa shaley uunbaan lahaa isaaq care way udhaarsan yihiin Siiraanyo iyo saylici ee dibada meel ha ka sii sameysto. Anigaa ku leh Ha noolaado Saylici waa nin Makadoora ee mabdaha uu taageero iyo dhaqadiisaa ah mid aaney dani ugu jirin xitaa B.Celi iska daa Samaroon kale.Dadkani Saylici in lacaayey rabaan taasi dhiciweydey inigu laba iskasoo dhiga midna caay midna amaano. Miyaanad arag tallwomen oo kasoo waaqsan waayey kalmadii Langab. kkkkkkk Makaahiilbaa laga xanaaqeye magaca ubadal hadii aad Geesi Samaroon qaadan laheyn balka waran. waad iga qoslisey. Inagu waan fahansanahey ujeedadooda ee kii Jufaa yara taraaaraxey shaley inkastoo runbadan sida raga. Saylici waa nin R.Awdal ah in lasoo dhaweeyo wuxu kala mid yahey dadkale ee Samaroonka. Anigu waan soo dhaweyn lahaa wan macalweyna waan uqali lahaa anigoo Calankii Awdalstate iyo kii Soomaaliya midna midigta ku sida midna bidixda. Haduu diidona nabadeey.
Ninkani awood malaha taasi waa facts ee caymaaha, iniga iniima shaqegeeyo wuu shaqeysanayaa oo iidoorbuu ushaqeeyaa kalina kuma aha oo dhamaan inta nidaamka beesha habraha taageertaa waa shaqaale kuwii hore iyo kuwa danbe. Caateeye midbaa dhaaftey maaha inaad locationka shaqsiga soo bandhigto adigoo ujibeysan Saylici sida shaley dhacdey hadii aanad dhamaan dadka soo wada dhegeyn badka justice weeyi dhanaca aan iska taagey. Ruwaayad inlaga matalaa haboon: waar samaroon maanta waa hadh isaaqe halaga hoos saaro oo Awdalstate ha la taageero, Saylici baa hogaanka noo haya, waar ninku saa siyaasi siyaasina cimri buu leeyaheye taas ha la ogaado, maxaa iga galey nin geel badan mar hadii nin M.Case ahi oodaha ulaabey kuwii J.Yoonis xitaa kan uu dhaxley ee Ina Awcali. Waar inan jar oo H.Jeclo ah baa bahdila waraabayaal badan oo snm ahina wey ku gadaaman yihiin, taageerayaasha Saylici:taasi maanta nooma muuqato. Kii ka horeeyey ee Reyaalena Bahdilaadbuu ku sugnaa oo ulbaa lagaga soo saarey sariimada SNM.
Riwaayadii Saylici Supporter vs Others continues: dadkeeniibaa xeebaha haraadku ku leynayaa, beelihii Soomaaliyeed baa diyaar u ah qaran Soomaaliyeed ee Awdalstate aan taageerno. Saylici Supporter, abaartu awalba wey jirtey ee maxaa naga galey mar hadii Hargisa nabad tahey.
Others, waa maanta xitaa H.Awdal iyo H.Yoonisbaa qarka usaaran iney isfarasaane meeshaas ka tashada. No, war jiraaba cakaaruu imaane anagu meel aan shaqiga madaxweyne ah ee dadkale uguyeedhaan M.Ku xigeen baa noo muuqda. Ruwaayadaas oo dhameys tiran mustaqbalka dhow kala soco bogaga Awdal wali tan hadii ninka shidaa raali ka noqdo.
Mustafa waa ku salaalamy Geesi.
Maal maha u hadhay,waxa loogu yeedho Somaliland way tirsanyihiin,wayna soo yaraanayaan.Dee Ninkii Roon ayaa Reerka u hadhi.
Waligeed wuu jiray,wuuna jiridoona Shaqsi diciif ah,oo dadkale u shaqeeya.Samaroon wuxu soo gaadhay maaliintii uu Ugcaantiisa Cuf u samaynlahaa..
SALICI waa nadiif, Waagii SDA-aaga ilaa maanta dhabarka kama togaan reer awdal, dhiigii tolkiina doolar kuma qaadan, intaasa nagu filan…
salaan dhamaan salici ku soo dhaweehya ka samaroonimo. masuuliyad iidoor maya maxaa yeelay gacantiisa midig eega maqasbaa daashaday sidii dawaarlaha soo dhawayn ka dib intuu awdal iyo selel uu maqas mashruuc furid uu ka fuliyey ka waraysta.
Hadal hadal badan la idinku khasaarin maayo, waayo horaa loo yidhi : Kadha Walo Haan Ma Yankaa..
Maqaska uu SAYLICI sito maaha ku cidiyaha idinku baxay jaraya, kaa waxaa laga helaa oromada, waa ka markay beerta jarayaan geedaha ay ku goyaan…
Haye maxay kale, hadalka waan idin yaryareynayaa…
mr tallman macalin englishka spellingka saxaad ahay waxaad qortay agan ka dhig again waad mahadsantahay anuu kumaan barbaarin sida wax loo caayo raali haw..
Tallwomen
Waa qof ay haysato kal soooni daro.Mar Djibouti ayuu sheegtaa.
Borame Somaliya ayuu sheegta.
2002 in uu ahaa 15 ayuu sheegtaa.
2005 in Djibouti jooogay oo Rag Makaahil ah oo la raayo u arkay ayuu sheega.
In uu waxbaray ayuu halkan ka sheegtaa,taasi oo anay jirin Cid waydiisay.
Waad garan kartaa qofka sidaa u dhaqmaa xaalada uu ku jiro.
Kan ooo kale,waan dhirbaaxilahaa,hadaan is-arkayno.
Xaalaada Samaroonka mar baan is idhaa haka hadlin oo afka ka xidho arag oo dhaaf,Hadana markaan arko qaar xaar walwaal la mid ah ayay faruhu keyboard-ka iga boobaan oo mar aan wax qoreyba isma garto,Markaasaan is idhaa hadaad ka aamusto oo aad runta u kala sheegi waydo bilee ilaahay kuu ciqaabaa sidii uu u ciqaabi jiray Nabiyadii ka xanaaqay qoomkooda / Tolkood sidii Nabi-Yuunis markuu ka cadhooday tolkii ee ay maqli waayeen waakii ilaahayna Af-Nibiri/Xuut ku riday ilaa uu ka toobad keenay uu ilaahay u noqay qirtayna inuu gafay halkiina kasii waday wax sheega tolkii.
Zeiylici waa muwaadin wax ugu filan Somaliland,goboladiisa iyo tolkiiba u haneeya raganimada xasadku waa xanuun daran oo aan lahayn daawlo Viva Somalilan Viva Zeiylici.