Xadhig La Iibsan Karo, Xadhigba Ma Aha…!


About these ads

Categories: Warka (News)

15 replies »

  1. Cadaaladda Somaliland tuugta ku mamtay xaqullah masaakiinta Somaliland loo soo qoondeeyay ayay laf dhuun gashay ku noqotay. Wallee mas’uul danboo laba
    canleeyaan magaalooyinka Somalialnd dhex xaash -xaashin.

    Hiildan, ninkani xadhigiisii iyo ganaaxii lagu xukumayba wuu iibsaday si uu xoriyadddiisa ula soo noqdo ee maxaa xaragadiisaa ka khuseeya. Ha iska xaragoodo intuu xayga yahay, eesh qiyaasak?

  2. La no qosho dabuubtaan hore u idhi. Waan yara turaanturooday.” Xadhig la iibsan Karo xadhigba ma aha”, ayaan u fahmay “Xadhig La labisan Karaa Xadhi ma aha”,Tolow ma xoqadaan u baahnay. labada weedhood way isku eegyihiin, wayna is shabaahan, ninka meesha la warasyanyaana sibuu isku giijinayaa, Waxyaabaa isku beeg beegmay, ee si kale ha moodina.

    Cadaaladda Somaliland tuugta ku mamtay xaqullah masaakiinta Somaliland loo soo qoondeeyay ayay laf dhuun gashay ku noqotay. Wallee mas’uul danboo laba
    canleeyaan magaalooyinka Somalialnd dhex xaash -xaashin.

    Xadhig waa la iibsan karaa, haddii anu eedaysanuhu jariimad dhiig daadin ah, ama khiyaamo qaran ah, am ummado af isku galin dagaal abuuris ah, iwm, anu galin. Waa caadi.Kissaska madaniga ah aan adhax jabka ahayn maxkamaduu xadhig iyo iibsiba way is barbar dhigaan. Eedaysanuhu hadduu iibsan karayo wuu iibsanayaa. Haddii anu iibsan karinna xadhiguu beerka u dhiganayaa waxuu kala kulmaba. Waana arrimo caalami ah, wax Somaliland u gaar ah oo ay curisay ma aha.

  3. Carraale,

    Waar ninyahow Somaliland berigii hore waxay ku liidatay caddaalda oo kaliya. Balse Imikana wakhtiga oo sida hillaaca u ordaya ayay la qabsan kari laayihiin. oo caddaalad xumidii ayaa ku keentay caqli xumi.

    Siyaasaddii arrimaha dibada oo xawli ku socota ayay ku hafteen iyagoo markoodii horaba caddaaladana ku xumaa. Sidaa daraadeed caddaalad xumidii ayaa aafaysay siyaasadii arrimaha dibadana.

    Hadaba siday ila tahay, dee meesha wax kale laguma hayee qofba qofka uu ka shilis yahay haka gurto shilimada.Haddii ka shilis mid kasii shilis xidhana, shilimadiisa haysku furto.

  4. Somaliland siyasaddii dibadda 6 iyo 0 bay ku direen Shariifka Muqdisho iyo aw Dhoombiyadiisii.

    Meles Zenawi 2 iyo Eberbay ku direen, xuduud danbe oo ciisamadiiso aaayar uun iska soo galayaan ma jirto.

    Ciyaartii u danbaysay ee ka dhacaday Istanbuu waa is reeb-reebkiiye gadaalbaan kasoo sheegi doonaa.

    Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele wuxuu ogolaadaay markii u horaysay intuu madaxweyne ahaa in basaaboorka Somaliland fiisaha loogu dhufto Somalilanderska sida basaabuurada kaleba loogu dhufto.

    Waxaad tabanayso soo daa, oo daaha ka qaad, dadkuba ha inala arkee.

  5. Sixid >>> Istanbul ma aha “istanbuu”.

  6. Caawa taraaraxa kugu badan,tii horaan ku qoslay ee xoqadaha ,hadana istabuu,salaan sare duqa,mar aad waqti hayso iiga waran qoraaladii waqtigii gumaysigu inala joogay Somaliland ay nimankii DCyadii Ingiriisku ka qoreen dadkeena ma loo soo xigan karaa taariikh ahaan ama qoraayadii Ingiriiska waqtiga sida I.m.lewis oo kale?


  7. Gabdhahaan gacalkooda
    Axmad Naaji.

  8. Princess Godan, wacan oo wanaagsan. Haa, waa la soo xigan karaa waxba kuma jabna.Ciddii dhaliilaysaa waa inay qoraal ku dhaliishaa caddeeyaana god-daloolada ay durayaan. Soomaalidu waxay ku xumaatay, wax ma qorayaan, ciddii kale wax qortana way durayaan.Taasoo i xasuusisa maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd: waraabe lafihiisana uma roona, laf guri taalna uma roona. Soomaalidu naf iskuma hayso, cid kalena naf uma hayso. Markaa, Princess Godan, qoraalada, wad soona xigo wixii macluumaad ah eed hesho, cidna ha u joojin. Erayada ay dad qaar meelahaa ka yidhaadaanna dheg jalaq ha u siinin.Sidaasaad cid walba kaga badin kartaa.
    Inta aan dusha ka xasuusto qoreyaashii waqtigii gumaysiga:
    Major H. Rayne
    Sir Geoffrey Francis Archer (Caarshe Dheere)
    H.A. Swayne
    Prof. I.M. Lewis >> wali wuu noolyahay sidaan filayo, buugaag badanbaanu ka qoray soomaalida.

  9. THanks,Hada qoraalkan aan wado ee A visit to Gadabursi land waxa leh Major H.Rayne,Swayne isna waa nin caana waliba waqtigiidaraawiishta Soomalidu Swayne cawar ayay ku naanaysi jirtay buugiisii Seventeen trips through Somali land isna waa la kulmay kana sheekeeyay Ugaaskan aan tafiirtisa ahay,taariikh cad oo dhigan ayay dad isku dayayaan inay masaxaan ana waan la halgamayaa intaan karo kkk,aad baad u mahadsan tahay Dear.

  10. Princess Godan, adaa mudan. Mujaahidadbaad tahay walee anaa kuu qiray. Halkaa ka hay halganka.

  11. Suurta gal matahay in arimahu yihiin siduu sheegayo? Waxba lagama fahmi karo mushkuladaha isku laaqan ee cadaalada somaliland. Wali ma maqal meel shaqsi inta uu danbi galo hadana iibso lagu yidhaa. Hadii xagin la iibsan karayo waxa iibsan lahaa Marta dii maraykanka iyo Mr Black oo ah maal qabeen ingiriisa balse deganaansho kanada ah haysan jiray. Somaliland Kulmiye halooga soo gurmado ama iyaku haysku gurmadaan.

  12. , Marunbaa Martha Stewart iyo Conrad Black arrintoodu waxay la kulantay boodh ka jafiddii Bush si uu sumcaddiisa u badbaadiyo minityadii ugu danbaysay madaxtinimadisa wax loogu yeedho ” Blue Collar Criminals” oo si xad dhaafa dad badan u baro kiciyay . Malaayiin, malaayiin (billions) ay cimrigoodoo dhan dad ka shaqaynayeen ayaa si dhib yar loo lunsaday. Shakhsiyaad gaar ihin ku tagri faleen.

    Si kalsoonidii maal gashiga iyo rasamaaliyiinta loo kasbado oo loo soo cesho ayaa xeerarkii arrimahaa ku lug leh laa dardar galiyay. Seeftuna dad badan oo ay ka mid ahayeen Martha Stewart Sir Conrad Black ayay la tagtay. Markaa arriamahn cashar bixin ayaay ahaayeen. Fariin loo diraya dadka arrimahaasoo kale ku kaca oo xukuumadihii hore isha ka lalin jireen.

  13. Marunbaa, Martha Stewart iyo Conrad Black arrintoodu waxay la kulantay boodh ka jafiddii Bush si uu sumcaddiisa u badbaadiyo minityadii ugu danbaysay madaxtinimadisa wax loogu yeedho ” Blue Collar Criminals” oo si xad dhaafa dad badan u baro kiciyay . Malaayiin, malaayiin (billions) ay cimrigoodoo dhan dad ka shaqaynayeen ayaa si dhib yar loo lunsaday. Shakhsiyaad gaar ihin ku tagri faleen.

    Si kalsoonidii maal gashiga iyo rasamaaliyiinta loo kasbado oo loo soo cesho ayaa xeerarkii arrimahaa ku lug leh laa dardar galiyay. Seeftuna dad badan oo ay ka mid ahayeen Martha Stewart Sir Conrad Black ayay la tagtay. Markaa arriamahn cashar bixin ayaay ahaayeen. Fariin loo diraya dadka arrimahaasoo kale ku kaca oo xukuumadihii hore isha ka lalin jireen.

  14. ma dadkii samroonka soo laayay ayaa lacag loo ururinayaa. dadkani maxaa soo bara kiciyay?http://www.youtube.com/watch?v=S19HXt_gDa8

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.

%d bloggers like this: